سورة الكهف

Suuradda Al-Kahf oo af Soomaali ah

Hogga

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Kahf (الكهف) waa suuradda 18aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 110 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Hogga”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku fidsan tahay juz’ 15 iyo 16.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Kahf oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Kahf oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ عَلَىٰ عَبْدِهِ ٱلْكِتَـٰبَ وَلَمْ يَجْعَل لَّهُۥ عِوَجَا ۜ۝١

    Alhamdu lillahi allathee anzala ʿala ʿabdihi alkitaba walam yajʿal lahu ʿiwajan

    Ammaan oo idil iyo mahad waxaa leh Allaah ee ku soo dejiyey addoonkiisa Kitaabka (Qur’aanka) oo aan u yeelin wax qallooc ah1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa kitaab toosan Qur’aanka oo qofkii raacaa uusan lahaaneyn qallooc iyo leexleexasho. Wuxuuna Alle ku soo dejiyey addoonkiisa Nabi Muxammad s.c.w.
  2. قَيِّمًا لِّيُنذِرَ بَأْسًا شَدِيدًا مِّن لَّدُنْهُ وَيُبَشِّرَ ٱلْمُؤْمِنِينَ ٱلَّذِينَ يَعْمَلُونَ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا حَسَنًا۝٢

    Qayyiman liyunthira basan shadeedan min ladunhu wayubashshira almumineena allatheena yaʿmaloona alssalihati anna lahum ajran hasanan

    Kitaab toosan, si uu uga digo cadaab daran oo Xagga (Alle) ah, uguna bishaareeyo mu'miniinta samaha fala inay leeyihiin Abaalgud Wanaagsan (Janno).

  3. مَّـٰكِثِينَ فِيهِ أَبَدًا۝٣

    Makitheena feehi abadan

    Ay ku negaadi weligood.

  4. وَيُنذِرَ ٱلَّذِينَ قَالُوا۟ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدًا۝٤

    Wayunthira allatheena qaloo ittakhatha Allahu waladan

    Oo uu digo kuwa yidhaahda: Alle Wuxuu leeyahay ilmo.

  5. مَّا لَهُم بِهِۦ مِنْ عِلْمٍ وَلَا لِـَٔابَآئِهِمْ ۚ كَبُرَتْ كَلِمَةً تَخْرُجُ مِنْ أَفْوَٰهِهِمْ ۚ إِن يَقُولُونَ إِلَّا كَذِبًا۝٥

    Ma lahum bihi min ʿilmin wala liabaihim kaburat kalimatan takhruju min afwahihim in yaqooloona illa kathiban

    Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaashood midna, xumaan badanaa ereygaa ka soo baxa afafkooda; kuma hadlaan waxaan been ahayn.

  6. فَلَعَلَّكَ بَـٰخِعٌ نَّفْسَكَ عَلَىٰٓ ءَاثَـٰرِهِمْ إِن لَّمْ يُؤْمِنُوا۟ بِهَـٰذَا ٱلْحَدِيثِ أَسَفًا۝٦

    Falaʿallaka bakhiʿun nafsaka ʿala atharihim in lam yuminoo bihatha alhadeethi asafan

    Waa intaasoo aad ku halaagto naftaada raadkooda (gadaashooda) murugo darteed, haddaysan rumeyn (Qur’aankan).

  7. إِنَّا جَعَلْنَا مَا عَلَى ٱلْأَرْضِ زِينَةً لَّهَا لِنَبْلُوَهُمْ أَيُّهُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا۝٧

    Inna jaʿalna ma ʿala alardi zeenatan laha linabluwahum ayyuhum ahsanu ʿamalan

    Waxaan ka yeellay waxa dhulka korkiisa ah qurux lagu qurxiyey, si aanu u imtixaanno midkood ugu camal fiican.

  8. وَإِنَّا لَجَـٰعِلُونَ مَا عَلَيْهَا صَعِيدًا جُرُزًا۝٨

    Wainna lajaʿiloona ma ʿalayha saʿeedan juruzan

    Waxaanuna xaqiiq ka yeeli dhammaan waxa korkeeda ah 'arlada' ban gabiib ah aan wax ka soo bixin.

  9. أَمْ حَسِبْتَ أَنَّ أَصْحَـٰبَ ٱلْكَهْفِ وَٱلرَّقِيمِ كَانُوا۟ مِنْ ءَايَـٰتِنَا عَجَبًا۝٩

    Am hasibta anna ashaba alkahfi waalrraqeemi kanoo min ayatina ʿajaban

    Mise, ma waxaad mooddaa in 'dhacdadii' qolodii hogga iyo looxa 'ay ku qornaayeen magacayadoodu'1 ay yihiin kuwa calaamooyinkayaga ugu yaabka badan2?

    Sharaxa hoose
    [1] Ar-Raqiim: waa looxii ama indhalkii ay ku qornaayeen xikmadaha iyo wararkii asxaabul kahaf. Waana mid ka mid ah waxyaalaha cajabta badan ee Allaah abuuray. [2] Bal waa mid keliya ee ka mid ah waxyaalaha cajaa’ibta badan ee Alle.
  10. إِذْ أَوَى ٱلْفِتْيَةُ إِلَى ٱلْكَهْفِ فَقَالُوا۟ رَبَّنَآ ءَاتِنَا مِن لَّدُنكَ رَحْمَةً وَهَيِّئْ لَنَا مِنْ أَمْرِنَا رَشَدًا۝١٠

    Ith awa alfityatu ila alkahfi faqaloo rabbana atina min ladunka rahmatan wahayyi lana min amrina rashadan

    Markay dhallinyardii u hoydeen hogga, waxay yidhaahdeen: Rabbigayow naga sii Xaggaaga Naxariis, noogana dhig arrinkayaga wax hagaagsan oo hanuun leh.

  11. فَضَرَبْنَا عَلَىٰٓ ءَاذَانِهِمْ فِى ٱلْكَهْفِ سِنِينَ عَدَدًا۝١١

    Fadarabna ʿala athanihim fee alkahfi sineena ʿadadan

    Markaasaan ka dhowrnay inay (shanqar) maqlaan (oo ku sii deynay hurdo) hogga dhexdiisa tiro sanooyin ah.

  12. ثُمَّ بَعَثْنَـٰهُمْ لِنَعْلَمَ أَىُّ ٱلْحِزْبَيْنِ أَحْصَىٰ لِمَا لَبِثُوٓا۟ أَمَدًا۝١٢

    Thumma baʿathnahum linaʿlama ayyu alhizbayni ahsa lima labithoo amadan

    Markaasaan ka soo kicinnay (hurdadii) si aan u muujinno labada kooxood midkooda tiro koobi og muddada ay ku negaadeen.

  13. نَّحْنُ نَقُصُّ عَلَيْكَ نَبَأَهُم بِٱلْحَقِّ ۚ إِنَّهُمْ فِتْيَةٌ ءَامَنُوا۟ بِرَبِّهِمْ وَزِدْنَـٰهُمْ هُدًى۝١٣

    Nahnu naqussu ʿalayka nabaahum bialhaqqi innahum fityatun amanoo birabbihim wazidnahum hudan

    Annagaa kuu soo tebineyna qisadooda oo xaq ah, waxay ahaayeen dhallinyaro rumeysay Rabbigood oo aanu u kordhinnay hanuun.

  14. وَرَبَطْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ إِذْ قَامُوا۟ فَقَالُوا۟ رَبُّنَا رَبُّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ لَن نَّدْعُوَا۟ مِن دُونِهِۦٓ إِلَـٰهًا ۖ لَّقَدْ قُلْنَآ إِذًا شَطَطًا۝١٤

    Warabatna ʿala quloobihim ith qamoo faqaloo rabbuna rabbu alssamawati waalardi lan nadʿuwa min doonihi ilahan laqad qulna ithan shatatan

    Waxaan ku xoojinnay quluubtooda1 samir (iyo iimaan), markay kaceen2 oo (ku) yidhaahdeen (boqorkii xukumayey ee sanam caabdudka ahaa): Rabbigayo waa (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, weligayo ma baryeyno (caabudeyno) ilaah kale aan Isaga ahayn, (haddaan wax sidaa ka duwan nidhaahno) waxaan xaqiiq markaa ku hadallay wax xun oo xadgudub ah.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay dhexdooda iskula ballameen inaysan caabudin axad aan ahayn Allaah, Macbuudka Xaqa ah. [2] Inta abbaareen boqorkii Dikyanus ee daalim ahaa kibir badan.
  15. هَـٰٓؤُلَآءِ قَوْمُنَا ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً ۖ لَّوْلَا يَأْتُونَ عَلَيْهِم بِسُلْطَـٰنٍۭ بَيِّنٍ ۖ فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا۝١٥

    Haolai qawmuna ittakhathoo min doonihi alihatan lawla yatoona ʿalayhim bisultanin bayyinin faman athlamu mimmani iftara ʿala Allahi kathiban

    Kuwaanu qolodayada ah waxay yeesheen (Alle) sokadi ilaahyo ay caabudaan. Maxay u keeni waaayeen xujo cad oo u daliil ah? Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Allaah?

  16. وَإِذِ ٱعْتَزَلْتُمُوهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ إِلَّا ٱللَّهَ فَأْوُۥٓا۟ إِلَى ٱلْكَهْفِ يَنشُرْ لَكُمْ رَبُّكُم مِّن رَّحْمَتِهِۦ وَيُهَيِّئْ لَكُم مِّنْ أَمْرِكُم مِّرْفَقًا۝١٦

    Waithi iʿtazaltumoohum wama yaʿbudoona illa Allaha fawoo ila alkahfi yanshur lakum rabbukum min rahmatihi wayuhayyi lakum min amrikum mirfaqan

    Markaad ka fogaataan gaalada iyo waxay caabudaanba Alle maahee, ka doonta meel aad gabbaad ka dhigataan Hogga, Rabbigiin wuxuu wax idiinka fidin si waasic ah Naxariistiisa, oo idinka siin arrinkiinaan waxaad ku degtaan.

  17. ۞ وَتَرَى ٱلشَّمْسَ إِذَا طَلَعَت تَّزَٰوَرُ عَن كَهْفِهِمْ ذَاتَ ٱلْيَمِينِ وَإِذَا غَرَبَت تَّقْرِضُهُمْ ذَاتَ ٱلشِّمَالِ وَهُمْ فِى فَجْوَةٍ مِّنْهُ ۚ ذَٰلِكَ مِنْ ءَايَـٰتِ ٱللَّهِ ۗ مَن يَهْدِ ٱللَّهُ فَهُوَ ٱلْمُهْتَدِ ۖ وَمَن يُضْلِلْ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ وَلِيًّا مُّرْشِدًا۝١٧

    Watara alshshamsa itha talaʿat tazawaru ʿan kahfihim thata alyameeni waitha gharabat taqriduhum thata alshshimali wahum fee fajwatin minhu thalika min ayati Allahi man yahdi Allahu fahuwa almuhtadi waman yudlil falan tajida lahu waliyyan murshidan

    Waxaad arki lahayd qorraxda markay soo baxdo oo uga iilaneysa Hoggooda xagga midig, markay dhacdona ka goyneysa gadaal xagga bidix, iyagoo ku sugan meel ballaaran oo hogga bartanki ah. Arrinkani (waa mid) ka mid ah calaamooyinka Alle. Qofkuu Alle hanuuniyo uun baa hanuunsan, qofkuu lumiyana u helimeysid gargaare hanuunsha.

  18. وَتَحْسَبُهُمْ أَيْقَاظًا وَهُمْ رُقُودٌ ۚ وَنُقَلِّبُهُمْ ذَاتَ ٱلْيَمِينِ وَذَاتَ ٱلشِّمَالِ ۖ وَكَلْبُهُم بَـٰسِطٌ ذِرَاعَيْهِ بِٱلْوَصِيدِ ۚ لَوِ ٱطَّلَعْتَ عَلَيْهِمْ لَوَلَّيْتَ مِنْهُمْ فِرَارًا وَلَمُلِئْتَ مِنْهُمْ رُعْبًا۝١٨

    Watahsabuhum ayqathan wahum ruqoodun wanuqallibuhum thata alyameeni wathata alshshimali wakalbuhum basitun thiraʿayhi bialwaseedi lawi ittalaʿta ʿalayhim lawallayta minhum firaran walamulita minhum ruʿban

    Waxaad u malayn laheyd kuwa soo jeeda iyagoo jiifa1, waxaana u geddinaynay kolna dhinaca midig, kolna dhinaca bidix, halka eygoodu (dhabbacnaa) isagoo ku fidinaya labadiisa addimood ee hore irridka laga soo galo; haddaad eegi lahayd xaggooda, waad iska soo geddiyi lahayd adigoo baxsad ah, waxaana kaa buuxsami lahaa baqdin.

    Sharaxa hoose
    [1] Alle wuxuu u soo diray hurdo asxaabul Kahaf ay la jiifeen 309 sannadood oo sannad bileedka ah. Eeg Aayadda 25 ee Suuradda Al-Kahaf. Xagga sannad qorraxeedka waa 300 oo sano, waxaa ku ziyaada sagaal sano xagga sannad bileedka.
  19. وَكَذَٰلِكَ بَعَثْنَـٰهُمْ لِيَتَسَآءَلُوا۟ بَيْنَهُمْ ۚ قَالَ قَآئِلٌ مِّنْهُمْ كَمْ لَبِثْتُمْ ۖ قَالُوا۟ لَبِثْنَا يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍ ۚ قَالُوا۟ رَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَا لَبِثْتُمْ فَٱبْعَثُوٓا۟ أَحَدَكُم بِوَرِقِكُمْ هَـٰذِهِۦٓ إِلَى ٱلْمَدِينَةِ فَلْيَنظُرْ أَيُّهَآ أَزْكَىٰ طَعَامًا فَلْيَأْتِكُم بِرِزْقٍ مِّنْهُ وَلْيَتَلَطَّفْ وَلَا يُشْعِرَنَّ بِكُمْ أَحَدًا۝١٩

    Wakathalika baʿathnahum liyatasaaloo baynahum qala qailun minhum kam labithtum qaloo labithna yawman aw baʿda yawmin qaloo rabbukum aʿlamu bima labithtum faibʿathoo ahadakum biwariqikum hathihi ila almadeenati falyanthur ayyuha azka taʿaman falyatikum birizqin minhu walyatalattaf wala yushʿiranna bikum ahadan

    Sidaasaana u soo kicinnay si ay isu weydiiyaan dhexdooda. Midkood hadlay baa yidhi: Immisaad joogteen (halkan)? Waxay yidhaahdeen: Waxaan joognay maalin ama maalin galinkeed. (kuwo kale) waxay yidhaahdeen: Rabbigiin baa dhab u ogsoon intaad joogteen. Ee haatan ula dira midkiin lacagtani fiddada ah aad leedihiin xagga magaalada, hana fiiriyo cidda ugu cunno xalaalsan, hana idiinka keeno risiq, hana u dhaqmo si feejignaan leh iyo dhimrin, yeysanna cidina idin ogaan.

  20. إِنَّهُمْ إِن يَظْهَرُوا۟ عَلَيْكُمْ يَرْجُمُوكُمْ أَوْ يُعِيدُوكُمْ فِى مِلَّتِهِمْ وَلَن تُفْلِحُوٓا۟ إِذًا أَبَدًا۝٢٠

    Innahum in yathharoo ʿalaykum yarjumookum aw yuʿeedookum fee millatihim walan tuflihoo ithan abadan

    Xaqiiq hadday idin ogaadaan way idin dhagaxyeynayaan, ama idinku qasbayaan inaad u soo laabataan diintooda, mana liibaaneysaan markaas weligiin .

  21. وَكَذَٰلِكَ أَعْثَرْنَا عَلَيْهِمْ لِيَعْلَمُوٓا۟ أَنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ وَأَنَّ ٱلسَّاعَةَ لَا رَيْبَ فِيهَآ إِذْ يَتَنَـٰزَعُونَ بَيْنَهُمْ أَمْرَهُمْ ۖ فَقَالُوا۟ ٱبْنُوا۟ عَلَيْهِم بُنْيَـٰنًا ۖ رَّبُّهُمْ أَعْلَمُ بِهِمْ ۚ قَالَ ٱلَّذِينَ غَلَبُوا۟ عَلَىٰٓ أَمْرِهِمْ لَنَتَّخِذَنَّ عَلَيْهِم مَّسْجِدًا۝٢١

    Wakathalika aʿtharna ʿalayhim liyaʿlamoo anna waʿda Allahi haqqun waanna alsaʿata la rayba feeha ith yatanazaʿoona baynahum amrahum faqaloo ibnoo ʿalayhim bunyanan rabbuhum aʿlamu bihim qala allatheena ghalaboo ʿala amrihim lanattakhithanna ʿalayhim masjidan

    Sidaasaan uga yeellay1 'dadka' inay ka war helaan arrinkooda, si ay u ogaadaan in Ballanka Alle xaq yahay iyo in Saacadda (Qiyaame) aan shaki ku jirin2. Markay dhexdooda kaga murmeen xaalkooda, waxay yidhaahdeen: Ka dul dhisa dhismo3; Rabbigood baa aad u ogsoon iyaga. Kuwii ku lib helay arrinkooda waxay yidhaahdeen: Waxaan ka dhiseynaa masjid halkoodii.

    Sharaxa hoose
    [1] Doonista Alle. [2] Waxay isku khilaafeen Maalinta Qiyaamaha inay dhaceyso iyo in kale? Ma waxaa la soo saari jirka iyo ruuxda oo isku dhan? Mise ruuxda keliya? Markaasuu Alle ka yeelay inay la kulmaan dhallinyaradan lagu xusay qisadan oo u caddeeyey in Qiyaamuhu iman oo la soo bixin doono jirka iyo ruuxda oo isku dhan. [3] Waxaan ka dhigi goobtan meel cibaado.
  22. سَيَقُولُونَ ثَلَـٰثَةٌ رَّابِعُهُمْ كَلْبُهُمْ وَيَقُولُونَ خَمْسَةٌ سَادِسُهُمْ كَلْبُهُمْ رَجْمًۢا بِٱلْغَيْبِ ۖ وَيَقُولُونَ سَبْعَةٌ وَثَامِنُهُمْ كَلْبُهُمْ ۚ قُل رَّبِّىٓ أَعْلَمُ بِعِدَّتِهِم مَّا يَعْلَمُهُمْ إِلَّا قَلِيلٌ ۗ فَلَا تُمَارِ فِيهِمْ إِلَّا مِرَآءً ظَـٰهِرًا وَلَا تَسْتَفْتِ فِيهِم مِّنْهُمْ أَحَدًا۝٢٢

    Sayaqooloona thalathatun rabiʿuhum kalbuhum wayaqooloona khamsatun sadisuhum kalbuhum rajman bialghaybi wayaqooloona sabʿatun wathaminuhum kalbuhum qul rabbee aʿlamu biʿiddatihim ma yaʿlamuhum illa qaleelun fala tumari feehim illa miraan thahiran wala tastafti feehim minhum ahadan

    (Qaar) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) seddex waxaana afareeyey eygoodii, (qaar kalena) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) shan waxaana lixeeyey eygoodii; iyagoo iska mala awaalaya wax ka qarsoonaa; (weliba qaar kale) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) toddoba oo waxaa siddeed ku ahaa eygoodii. Dheh: Rabbigay baa aad u ogsoon tiradooda, cidina ma oga iyaga in yar maahe1. Ee ha kala doodin (arrinkooda) inaad kula doodeysid xujo cad maahee. Waxnana ha ka weydiin arrinkooda midkoodna.

    Sharaxa hoose
    [1] Xagga Qur’aanka, ee ah xujada keliya ee la hubo inuu xaq yahay, wuxuuna Qur’aanka tilmaamay inay ahaayeen toddoba.
  23. وَلَا تَقُولَنَّ لِشَا۟ىْءٍ إِنِّى فَاعِلٌ ذَٰلِكَ غَدًا۝٢٣

    Wala taqoolanna lishayin innee faʿilun thalika ghadan

    Ha odhan waxaasaan fali berritoole.

  24. إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ ۚ وَٱذْكُر رَّبَّكَ إِذَا نَسِيتَ وَقُلْ عَسَىٰٓ أَن يَهْدِيَنِ رَبِّى لِأَقْرَبَ مِنْ هَـٰذَا رَشَدًا۝٢٤

    Illa an yashaa Allahu waothkur rabbaka itha naseeta waqul ʿasa an yahdiyani rabbee liaqraba min hatha rashadan

    (adigoo aan raacin) inshaa Allaah 'Hadduu Alle idmo'1. Xusuusona Rabbigaa markaad hilmaanto oo dheh: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo mid uga dhow arrinkani toosnaanta.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa soo arooray inay qaar ka mid ah Yuhuudda ay su’aaleen Nabiga s.c.w. ruuxda iyo qisadii asxbaaul Kahaf iyo Dul Qarnayn. Markaasuu Nabigu s.c.w. ku yidhi: Ii kaalaya berrito anigaa idin sheegiye, mana odhan inshaa Allaah. Laakiinse waxyi kuma soo degin maalintii xigtay oo Nabigu s.c.w. uma uusan jawaabin? Kaddib waxaa soo degay Aayadaha 23- 24 ee la xidhiidha arrinkaas waxaana halkaa darsin lagu siiyey Nabiga s.c.w. wuxuu Alle kaga digay inuu ilaabo inuu yidhaahdo Inshaa Allaah markaas oo kale, waana u dersin sidoo kale ummaddiisa.
  25. وَلَبِثُوا۟ فِى كَهْفِهِمْ ثَلَـٰثَ مِا۟ئَةٍ سِنِينَ وَٱزْدَادُوا۟ تِسْعًا۝٢٥

    Walabithoo fee kahfihim thalatha miatin sineena waizdadoo tisʿan

    Waxay joogeen hoggoodii gudahiis saddex boqol oo sano, oo ay sagaal u dheer yihiin (sannad bileedka).

  26. قُلِ ٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا لَبِثُوا۟ ۖ لَهُۥ غَيْبُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ أَبْصِرْ بِهِۦ وَأَسْمِعْ ۚ مَا لَهُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِىٍّ وَلَا يُشْرِكُ فِى حُكْمِهِۦٓ أَحَدًا۝٢٦

    Quli Allahu aʿlamu bima labithoo lahu ghaybu alssamawati waalardi absir bihi waasmiʿ ma lahum min doonihi min waliyyin wala yushriku fee hukmihi ahadan

    Dheh: Alle baa aad u ogsoon intay negaadeen, isagaa u (cilmi leh) waxaalaha aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, arki ogaa oo maqli ogaa (wax walba). Ma ay laha gargaare aan Isaga aheyn, lamana wadaajiyo Xukunkiisa axadna.

  27. وَٱتْلُ مَآ أُوحِىَ إِلَيْكَ مِن كِتَابِ رَبِّكَ ۖ لَا مُبَدِّلَ لِكَلِمَـٰتِهِۦ وَلَن تَجِدَ مِن دُونِهِۦ مُلْتَحَدًا۝٢٧

    Waotlu ma oohiya ilayka min kitabi rabbika la mubaddila likalimatihi walan tajida min doonihi multahadan

    Akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo Kitaabka Rabbigaa ah, ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa, mana heleysid wax ka sokeeya Isaga aad magan gashid.

  28. وَٱصْبِرْ نَفْسَكَ مَعَ ٱلَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُم بِٱلْغَدَوٰةِ وَٱلْعَشِىِّ يُرِيدُونَ وَجْهَهُۥ ۖ وَلَا تَعْدُ عَيْنَاكَ عَنْهُمْ تُرِيدُ زِينَةَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ وَلَا تُطِعْ مَنْ أَغْفَلْنَا قَلْبَهُۥ عَن ذِكْرِنَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ وَكَانَ أَمْرُهُۥ فُرُطًا۝٢٨

    Waisbir nafsaka maʿa allatheena yadʿoona rabbahum bialghadati waalʿashiyyi yureedoona wajhahu wala taʿdu ʿaynaka ʿanhum tureedu zeenata alhayati alddunya wala tutiʿ man aghfalna qalbahu ʿan thikrina waittabaʿa hawahu wakana amruhu furutan

    Oo ku samirsii naftaada inaad ahaato la jirka kuwa barya (caabuda) Rabbigood subax iyo galabba iyagoo doonaya Wajigiisa, hana dhaafin xaggooda labadaada indhood adigoo doonaya qurxuda noloshan adduunka, hana adeecin mid aan qalbigiisa ka dhoohnay Xusiddayada oo raaca hawadiisa, arrinkiisuna yahay gabood fal.

  29. وَقُلِ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّكُمْ ۖ فَمَن شَآءَ فَلْيُؤْمِن وَمَن شَآءَ فَلْيَكْفُرْ ۚ إِنَّآ أَعْتَدْنَا لِلظَّـٰلِمِينَ نَارًا أَحَاطَ بِهِمْ سُرَادِقُهَا ۚ وَإِن يَسْتَغِيثُوا۟ يُغَاثُوا۟ بِمَآءٍ كَٱلْمُهْلِ يَشْوِى ٱلْوُجُوهَ ۚ بِئْسَ ٱلشَّرَابُ وَسَآءَتْ مُرْتَفَقًا۝٢٩

    Waquli alhaqqu min rabbikum faman shaa falyumin waman shaa falyakfur inna aʿtadna lilththalimeena naran ahata bihim suradiquha wain yastagheethoo yughathoo bimain kaalmuhli yashwee alwujooha bisa alshsharabu wasaat murtafaqan

    Dheh: Xaqu wuxuu ka ahaaday xagga Rabbigiin, ee qofkii doonaa ha rumeeyo, qofkii doonaana ha gaaloobo; Waxaan Annagu u diyaarinnay daalimiinta Naar ay gidaarradeedu koobi, hadday dalbadaan gargaar biyood waxaa loogu gargaari biyo daamur oo kale ah oo soli wajiyadooda. Xumaa cabbitaanka, oo u xumaa meel xusul la dhigo.

  30. إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجْرَ مَنْ أَحْسَنَ عَمَلًا۝٣٠

    Inna allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati inna la nudeeʿu ajra man ahsana ʿamalan

    Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha, Annagu ma dayacno abaalgudka ciddii wanaajisa camalka.

  31. أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ جَنَّـٰتُ عَدْنٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهِمُ ٱلْأَنْهَـٰرُ يُحَلَّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٍ وَيَلْبَسُونَ ثِيَابًا خُضْرًا مِّن سُندُسٍ وَإِسْتَبْرَقٍ مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ ۚ نِعْمَ ٱلثَّوَابُ وَحَسُنَتْ مُرْتَفَقًا۝٣١

    Olaika lahum jannatu ʿadnin tajree min tahtihimu alanharu yuhallawna feeha min asawira min thahabin wayalbasoona thiyaban khudran min sundusin waistabraqin muttakieena feeha ʿala alaraiki niʿma alththawabu wahasunat murtafaqan

    Waa kuwaa kuwa abaalgudkoodu yahay beero negaya (Jannooyinka Cadnin) oo ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, waxaa lagu qurxin iyagaa Jannada gudaheeda jijimo dahab ah, oo labbisan qamiisyo cagaaran oo ka sameysan xariir jilicsan iyo xariir adagba iyagoo ku dangiigsan sariiro heer sare ah dushood. Wanaagsanaa abaalgdukaa, oo u fiicanaa meel lagu dego oo la xusul dhigo.

  32. ۞ وَٱضْرِبْ لَهُم مَّثَلًا رَّجُلَيْنِ جَعَلْنَا لِأَحَدِهِمَا جَنَّتَيْنِ مِنْ أَعْنَـٰبٍ وَحَفَفْنَـٰهُمَا بِنَخْلٍ وَجَعَلْنَا بَيْنَهُمَا زَرْعًا۝٣٢

    Waidrib lahum mathalan rajulayni jaʿalna liahadihima jannatayni min aʿnabin wahafafnahuma binakhlin wajaʿalna baynahuma zarʿan

    Ugu soo qaadna tusaale labo nin oo aan midkood u yeellay labo beerood oo canab ah oo aan ku hareereynay labadaba geedo timireed, oo aan ka soo saarnay dhexdooda sarac kala duwan.

  33. كِلْتَا ٱلْجَنَّتَيْنِ ءَاتَتْ أُكُلَهَا وَلَمْ تَظْلِم مِّنْهُ شَيْـًٔا ۚ وَفَجَّرْنَا خِلَـٰلَهُمَا نَهَرًا۝٣٣

    Kilta aljannatayni atat okulaha walam tathlim minhu shayan wafajjarna khilalahuma naharan

    Mid walbaa labada beeroodba ay soo saartay midhaheeda iyadoo aan waxba ka dhimin, kana burqinnay dhexdooda webi.

  34. وَكَانَ لَهُۥ ثَمَرٌ فَقَالَ لِصَـٰحِبِهِۦ وَهُوَ يُحَاوِرُهُۥٓ أَنَا۠ أَكْثَرُ مِنكَ مَالًا وَأَعَزُّ نَفَرًا۝٣٤

    Wakana lahu thamarun faqala lisahibihi wahuwa yuhawiruhu ana aktharu minka malan waaʿazzu nafaran

    Midhona uu leeyahay markaasuu ku yidhi saaxiibki isagoo ay is la doodayaan: Anaa kaa maal badan oo kaa tol iyo tabar roon.

  35. وَدَخَلَ جَنَّتَهُۥ وَهُوَ ظَالِمٌ لِّنَفْسِهِۦ قَالَ مَآ أَظُنُّ أَن تَبِيدَ هَـٰذِهِۦٓ أَبَدًا۝٣٥

    Wadakhala jannatahu wahuwa thalimun linafsihi qala ma athunnu an tabeeda hathihi abadan

    Wuxuu galay beertiisii isagoo dulmiyey naftiisa1. Wuxuu yidhi: u malayn mahayo inay (beer) tani baabba’ayso waligeed.

    Sharaxa hoose
    [1] Isagoo isla weyn ka abaal dhacsan Alle. Wuxuu khayrka iyo barwaaqada uu heysto u nisbeeyey naftiisa halkii Alle, wuxuuna dafiray inay jirto Aakhiro.
  36. وَمَآ أَظُنُّ ٱلسَّاعَةَ قَآئِمَةً وَلَئِن رُّدِدتُّ إِلَىٰ رَبِّى لَأَجِدَنَّ خَيْرًا مِّنْهَا مُنقَلَبًا۝٣٦

    Wama athunnu alssaʿata qaimatan walain rudidtu ila rabbee laajidanna khayran minha munqalaban

    Umana malaynayo inay Saacadda (Qiyaame) weligeed dhici, haddii la ii celiyona xagga Rabbigay waxaan ka heli meel tani ka rug doorsi iyo meel noqosho fiican.

  37. قَالَ لَهُۥ صَاحِبُهُۥ وَهُوَ يُحَاوِرُهُۥٓ أَكَفَرْتَ بِٱلَّذِى خَلَقَكَ مِن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ سَوَّىٰكَ رَجُلًا۝٣٧

    Qala lahu sahibuhu wahuwa yuhawiruhu akafarta biallathee khalaqaka min turabin thumma min nutfatin thumma sawwaka rajulan

    Wuxuu saaxiibkiis ku yidhi isagoo la doodaya; Ma waxaad ku gaalowday Kan Isagu kaa abuuray carro, haddana dhibic mani ah, haddana kaa dhigay nin dhan.

  38. لَّـٰكِنَّا۠ هُوَ ٱللَّهُ رَبِّى وَلَآ أُشْرِكُ بِرَبِّىٓ أَحَدًا۝٣٨

    Lakinna huwa Allahu rabbee wala oshriku birabbee ahadan

    Waa se Allaah, Rabbigay, lana wadaajin maayo cidna Rabbigay cibaadada.

  39. وَلَوْلَآ إِذْ دَخَلْتَ جَنَّتَكَ قُلْتَ مَا شَآءَ ٱللَّهُ لَا قُوَّةَ إِلَّا بِٱللَّهِ ۚ إِن تَرَنِ أَنَا۠ أَقَلَّ مِنكَ مَالًا وَوَلَدًا۝٣٩

    Walawla ith dakhalta jannataka qulta ma shaa Allahu la quwwata illa biAllahi in tarani ana aqalla minka malan wawaladan

    Maxaadan markaad gashay beertaada u odhan: Maashaa Allaah (waxa uu Alle doono ayaa ahaan)! Ma jiro xoog 'iyo xeelad' xagga Alle mooyee? Haddaad aragtay inaan kaa maal iyo carruur yarahay.

  40. فَعَسَىٰ رَبِّىٓ أَن يُؤْتِيَنِ خَيْرًا مِّن جَنَّتِكَ وَيُرْسِلَ عَلَيْهَا حُسْبَانًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَتُصْبِحَ صَعِيدًا زَلَقًا۝٤٠

    Faʿasa rabbee an yutiyani khayran min jannatika wayursila ʿalayha husbanan mina alssamai fatusbiha saʿeedan zalaqan

    Waa intaasoo uu Rabbigay i siiyo wax ka khayr badan beertaada, kuna soo diro biriq cir ka soo dhac ah, markaas noqoto dhul gabiib ah oo aan dhir lahayn.

  41. أَوْ يُصْبِحَ مَآؤُهَا غَوْرًا فَلَن تَسْتَطِيعَ لَهُۥ طَلَبًا۝٤١

    Aw yusbiha maoha ghawran falan tastateeʿa lahu talaban

    Ama ahaadaan biyaheedu kuwa gudha, oo aad kari doonin inaad gaarto.

  42. وَأُحِيطَ بِثَمَرِهِۦ فَأَصْبَحَ يُقَلِّبُ كَفَّيْهِ عَلَىٰ مَآ أَنفَقَ فِيهَا وَهِىَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَيَقُولُ يَـٰلَيْتَنِى لَمْ أُشْرِكْ بِرَبِّىٓ أَحَدًا۝٤٢

    Waoheeta bithamarihi faasbaha yuqallibu kaffayhi ʿala ma anfaqa feeha wahiya khawiyatun ʿala ʿurooshiha wayaqoolu ya laytanee lam oshrik birabbee ahadan

    Waa la koobay midhahiisii (oo la baabba’iyey), markaasuu wuxuu billaabay inuu 'kor iyo hoos u' geddiyo calaacalahiisa wuxuu maal ku baxshay darteed, iyadoo cid la’ ah oo isku soo hoos dhaceen saqafyadeedii, wuxuuna yidhi: Alla anigaa! Ii rooneydaa inaan la wadaajin Rabbigay cibaadada cidna.

  43. وَلَمْ تَكُن لَّهُۥ فِئَةٌ يَنصُرُونَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَمَا كَانَ مُنتَصِرًا۝٤٣

    Walam takun lahu fiatun yansuroonahu min dooni Allahi wama kana muntasiran

    Uma ahaanin koox u gargaarta oo Alle sokadi ah, mana aha mid is difaaci kara.

  44. هُنَالِكَ ٱلْوَلَـٰيَةُ لِلَّهِ ٱلْحَقِّ ۚ هُوَ خَيْرٌ ثَوَابًا وَخَيْرٌ عُقْبًا۝٤٤

    Hunalika alwalayatu lillahi alhaqqi huwa khayrun thawaban wakhayrun ʿuqban

    Halkaasi1, awood oo dhan waxaa leh Allaah, Xaqa ah. Isagaa u abaal marin wanaagsan oo u cidhib san.

    Sharaxa hoose
    [1] Waqtigaas ama Maalinta Qiyaamaha
  45. وَٱضْرِبْ لَهُم مَّثَلَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا كَمَآءٍ أَنزَلْنَـٰهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ فَٱخْتَلَطَ بِهِۦ نَبَاتُ ٱلْأَرْضِ فَأَصْبَحَ هَشِيمًا تَذْرُوهُ ٱلرِّيَـٰحُ ۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ مُّقْتَدِرًا۝٤٥

    Waidrib lahum mathala alhayati alddunya kamain anzalnahu mina alssamai faikhtalata bihi nabatu alardi faasbaha hasheeman tathroohu alrriyahu wakana Allahu ʿala kulli shayin muqtadiran

    Ugu soo qaad tusaale nolosha adduunkan inay la mid tahay biyaha aan ka soo dejinno daruuraha, markaa dhirta ka soo baxda dhulka noqoto mid isku darsanta, haddana noqota xaabo engeg ah u burburta gaballo ay dabeyshu firdhiso. Alle wuxuu ku leeyahay awood wax walba dushood.

  46. ٱلْمَالُ وَٱلْبَنُونَ زِينَةُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ وَٱلْبَـٰقِيَـٰتُ ٱلصَّـٰلِحَـٰتُ خَيْرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابًا وَخَيْرٌ أَمَلًا۝٤٦

    Almalu waalbanoona zeenatu alhayati alddunya waalbaqiyatu alssalihatu khayrun ʿinda rabbika thawaban wakhayrun amalan

    Maalka iyo carruurtu waa quruxda nolosha adduunkan, ha yeeshee (Alle Xuska iyo) camallada wanaagsan ee baaqiga ah baa xagga Rabbigaa khayr roon oo rajo wanaagsan.

  47. وَيَوْمَ نُسَيِّرُ ٱلْجِبَالَ وَتَرَى ٱلْأَرْضَ بَارِزَةً وَحَشَرْنَـٰهُمْ فَلَمْ نُغَادِرْ مِنْهُمْ أَحَدًا۝٤٧

    Wayawma nusayyiru aljibala watara alarda barizatan wahasharnahum falam nughadir minhum ahadan

    Oo (ka dig) maalinta aan ka yeeli buuraha inay tagaan, waxaadna arki dhulka oo ban muuqda ahoo siman, waxaanu soo kulmin iyaga Annagoo aan uga soo tagin gadaal midkoodna.

  48. وَعُرِضُوا۟ عَلَىٰ رَبِّكَ صَفًّا لَّقَدْ جِئْتُمُونَا كَمَا خَلَقْنَـٰكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍۭ ۚ بَلْ زَعَمْتُمْ أَلَّن نَّجْعَلَ لَكُم مَّوْعِدًا۝٤٨

    Waʿuridoo ʿala rabbika saffan laqad jitumoona kama khalaqnakum awwala marratin bal zaʿamtum allan najʿala lakum mawʿidan

    Waxaa la keeni Rabbigaa horti iyagoo u taagan saf saf: Waxaad dhab ahaan noogu timaaddeen idinkoo ah sidii aan idiin abuurnay kal hore (cago cad oo qaawan). Mayee waxaad mooddeen inaynu idiin yeelin waqti aan ku oofiinno ballanka.

  49. وَوُضِعَ ٱلْكِتَـٰبُ فَتَرَى ٱلْمُجْرِمِينَ مُشْفِقِينَ مِمَّا فِيهِ وَيَقُولُونَ يَـٰوَيْلَتَنَا مَالِ هَـٰذَا ٱلْكِتَـٰبِ لَا يُغَادِرُ صَغِيرَةً وَلَا كَبِيرَةً إِلَّآ أَحْصَىٰهَا ۚ وَوَجَدُوا۟ مَا عَمِلُوا۟ حَاضِرًا ۗ وَلَا يَظْلِمُ رَبُّكَ أَحَدًا۝٤٩

    Wawudiʿa alkitabu fatara almujrimeena mushfiqeena mimma feehi wayaqooloona ya waylatana ma lihatha alkitabi la yughadiru sagheeratan wala kabeeratan illa ahsaha wawajadoo ma ʿamiloo hadiran wala yathlimu rabbuka ahadan

    Waxaa la soo hor dhigi Kitaabka (camalladooda ku qoran yihiin), markaasaad arkeysaa denbiilayaasha oo ka baqaya waxa ku yaal. Waxayna odhan: Alla hooggayaga'e! Muxuu yahay Kitaabkani aan dhaafeyn wax yar iyo wax weynba inuu tiro koobo ma’ahee, waxayna heli waxay camal faleen oo hortooda yaal. Ma dulmiyo Rabbigaa axadna.

  50. وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَـٰٓئِكَةِ ٱسْجُدُوا۟ لِـَٔادَمَ فَسَجَدُوٓا۟ إِلَّآ إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ ٱلْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِۦٓ ۗ أَفَتَتَّخِذُونَهُۥ وَذُرِّيَّتَهُۥٓ أَوْلِيَآءَ مِن دُونِى وَهُمْ لَكُمْ عَدُوٌّۢ ۚ بِئْسَ لِلظَّـٰلِمِينَ بَدَلًا۝٥٠

    Waith qulna lilmalaikati osjudoo liadama fasajadoo illa ibleesa kana mina aljinni fafasaqa ʿan amri rabbihi afatattakhithoonahu wathurriyyatahu awliyaa min doonee wahum lakum ʿaduwwun bisa lilththalimeena badalan

    (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, oo ay u sujuudeen Ibliis maahee (ma u yeelin). Wuxuu ka mid ahaa jinka; wuxuu caasiyey Amarka Rabbigi. Ee ma waxaad ka yeelaneysaan isaga iyo durrayaddiisa gargaarayaal Aniga ka sokow iyagoo cadow idiin ah? Xumaa waxay wax ku doorsadeen daalimiintu.

  51. ۞ مَّآ أَشْهَدتُّهُمْ خَلْقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَلَا خَلْقَ أَنفُسِهِمْ وَمَا كُنتُ مُتَّخِذَ ٱلْمُضِلِّينَ عَضُدًا۝٥١

    Ma ashhadtuhum khalqa alssamawati waalardi wala khalqa anfusihim wama kuntu muttakhitha almudilleena ʿadudan

    Ugama dhigan marag kuwaas abuurista samooyinka iyo arlada iyo abuurista nafahooda midna, mana Ahi mid ka yeelan kuwa wax dhumiya cudud.

  52. وَيَوْمَ يَقُولُ نَادُوا۟ شُرَكَآءِىَ ٱلَّذِينَ زَعَمْتُمْ فَدَعَوْهُمْ فَلَمْ يَسْتَجِيبُوا۟ لَهُمْ وَجَعَلْنَا بَيْنَهُم مَّوْبِقًا۝٥٢

    Wayawma yaqoolu nadoo shurakaiya allatheena zaʿamtum fadaʿawhum falam yastajeeboo lahum wajaʿalna baynahum mawbiqan

    (Ka dig) Maalinta uu Alle odhan: U yeedha kuwa aad u heysateen inay yihiin shurukadeyda (oo aad ila barbar caabuddeen). Markaasay u yeedhi, uma ay se jawaabayaan, waxaanuna yeeli dhexdooda xannib.

  53. وَرَءَا ٱلْمُجْرِمُونَ ٱلنَّارَ فَظَنُّوٓا۟ أَنَّهُم مُّوَاقِعُوهَا وَلَمْ يَجِدُوا۟ عَنْهَا مَصْرِفًا۝٥٣

    Waraa almujrimoona alnnara fathannoo annahum muwaqiʿooha walam yajidoo ʿanha masrifan

    Waxay arki denbiilayaashu Naarta, oo yaqiinsan inay ku dhici, mana helayaan meelay kaga weecdaan.

  54. وَلَقَدْ صَرَّفْنَا فِى هَـٰذَا ٱلْقُرْءَانِ لِلنَّاسِ مِن كُلِّ مَثَلٍ ۚ وَكَانَ ٱلْإِنسَـٰنُ أَكْثَرَ شَىْءٍ جَدَلًا۝٥٤

    Walaqad sarrafna fee hatha alqurani lilnnasi min kulli mathalin wakana alinsanu akthara shayin jadalan

    Waxaan dhab ahaan dadka ugu caddaynay Qur’aankan nooc kasta oo tusaale ah. Aadmigu waa kan wax walba ugu dood badan.

  55. وَمَا مَنَعَ ٱلنَّاسَ أَن يُؤْمِنُوٓا۟ إِذْ جَآءَهُمُ ٱلْهُدَىٰ وَيَسْتَغْفِرُوا۟ رَبَّهُمْ إِلَّآ أَن تَأْتِيَهُمْ سُنَّةُ ٱلْأَوَّلِينَ أَوْ يَأْتِيَهُمُ ٱلْعَذَابُ قُبُلًا۝٥٥

    Wama manaʿa alnnasa an yuminoo ith jaahumu alhuda wayastaghfiroo rabbahum illa an tatiyahum sunnatu alawwaleena aw yatiyahumu alʿathabu qubulan

    Ma jiro wax ka cesha dadka inay rumeeyaan markuu Hanuunku u yimid iyo inay weydiistaan denbi dhaaf Rabbigood, aan ahayn 'dalabkooda' inay u timaaddo wixii ku dhacay kuwii hore1, ama uu ugu yimaado cadaabka si fool ka fool ah.

    Sharaxa hoose
    [1] Ee beeniyey Xaqii ay u keeneen Anbiyada Alle.
  56. وَمَا نُرْسِلُ ٱلْمُرْسَلِينَ إِلَّا مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ ۚ وَيُجَـٰدِلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِٱلْبَـٰطِلِ لِيُدْحِضُوا۟ بِهِ ٱلْحَقَّ ۖ وَٱتَّخَذُوٓا۟ ءَايَـٰتِى وَمَآ أُنذِرُوا۟ هُزُوًا۝٥٦

    Wama nursilu almursaleena illa mubashshireena wamunthireena wayujadilu allatheena kafaroo bialbatili liyudhidoo bihi alhaqqa waittakhathoo ayatee wama onthiroo huzuwan

    Uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyayaal iyo digayaal, waxayna kuwa gaalooba ku doodaan baadil si ay ugu buriyaan Xaqa Oo ka dhigtaan Aayadahayga iyo waxa looga digo dheel dheel.

  57. وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَـٰتِ رَبِّهِۦ فَأَعْرَضَ عَنْهَا وَنَسِىَ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ ۚ إِنَّا جَعَلْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ أَكِنَّةً أَن يَفْقَهُوهُ وَفِىٓ ءَاذَانِهِمْ وَقْرًا ۖ وَإِن تَدْعُهُمْ إِلَى ٱلْهُدَىٰ فَلَن يَهْتَدُوٓا۟ إِذًا أَبَدًا۝٥٧

    Waman athlamu mimman thukkira biayati rabbihi faaʿrada ʿanha wanasiya ma qaddamat yadahu inna jaʿalna ʿala quloobihim akinnatan an yafqahoohu wafee athanihim waqran wain tadʿuhum ila alhuda falan yahtadoo ithan abadan

    Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi, markaas ka sii jeesada hilmaamana waxay labadiisa gacmood horay u geysteen (oo denbiyo ah)? Hubaal waxaanu yeellay daboollo quluubtooda dushood si aanay u fahmin, iyo culeys dhegahooda, haddaad ugu yeedho hanuunkana, ma hanuunayaan weligood.

  58. وَرَبُّكَ ٱلْغَفُورُ ذُو ٱلرَّحْمَةِ ۖ لَوْ يُؤَاخِذُهُم بِمَا كَسَبُوا۟ لَعَجَّلَ لَهُمُ ٱلْعَذَابَ ۚ بَل لَّهُم مَّوْعِدٌ لَّن يَجِدُوا۟ مِن دُونِهِۦ مَوْئِلًا۝٥٨

    Warabbuka alghafooru thoo alrrahmati law yuakhithuhum bima kasaboo laʿajjala lahumu alʿathaba bal lahum mawʿidun lan yajidoo min doonihi mawilan

    Rabbigaa (Alle) waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan. Hadduu u qaban dadka waxay kasbadaan (oo denbiyo ah), wuxuu u soo dedejin lahaa cadaabka. Waxayse leeyihiin waqti go'an (Maalinta Qiyaamaha) oo aanay helayn meelay (kaga baxsadaan ama) ka magan galaan.

  59. وَتِلْكَ ٱلْقُرَىٰٓ أَهْلَكْنَـٰهُمْ لَمَّا ظَلَمُوا۟ وَجَعَلْنَا لِمَهْلِكِهِم مَّوْعِدًا۝٥٩

    Watilka alqura ahlaknahum lamma thalamoo wajaʿalna limahlikihim mawʿidan

    Magaalooyinkaa (reer Caad iyo Thamuud, iwm) waan halaagnay markay dulmi (shirki iyo macaasi) faleen, waxaana u yeellay halaaggoodii waqti go’an.

  60. وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِفَتَىٰهُ لَآ أَبْرَحُ حَتَّىٰٓ أَبْلُغَ مَجْمَعَ ٱلْبَحْرَيْنِ أَوْ أَمْضِىَ حُقُبًا۝٦٠

    Waith qala moosa lifatahu la abrahu hatta ablugha majmaʿa albahrayni aw amdiya huquban

    (Xus) markuu Muuse ku yidhi adeegahiisii (Yuushac bin Nuun): Ma joogayo jeer aan gaaro halkay ku kulmaan labada badood ama aan iska socdo oo wado socodka sannado badan.

  61. فَلَمَّا بَلَغَا مَجْمَعَ بَيْنِهِمَا نَسِيَا حُوتَهُمَا فَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِى ٱلْبَحْرِ سَرَبًا۝٦١

    Falamma balagha majmaʿa baynihima nasiya hootahuma faittakhatha sabeelahu fee albahri saraban

    Markayse gaadheen halkay ku kulmaan labada (badood) waxay hilmameen kalluunkoodii, oo ka dhigtay jidkiisa badda gudaheeda god oo kale.

  62. فَلَمَّا جَاوَزَا قَالَ لِفَتَىٰهُ ءَاتِنَا غَدَآءَنَا لَقَدْ لَقِينَا مِن سَفَرِنَا هَـٰذَا نَصَبًا۝٦٢

    Falamma jawaza qala lifatahu atina ghadaana laqad laqeena min safarina hatha nasaban

    Markay in badan dhaafeen, wuxuu (Muuse) ku yidhi adeegihiisii: Noo keen qadadeenna; dhab ahaan waxaan kala kulannay safarkeennani daal badan.

  63. قَالَ أَرَءَيْتَ إِذْ أَوَيْنَآ إِلَى ٱلصَّخْرَةِ فَإِنِّى نَسِيتُ ٱلْحُوتَ وَمَآ أَنسَىٰنِيهُ إِلَّا ٱلشَّيْطَـٰنُ أَنْ أَذْكُرَهُۥ ۚ وَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِى ٱلْبَحْرِ عَجَبًا۝٦٣

    Qala araayta ith awayna ila alssakhrati fainnee naseetu alhoota wama ansaneehu illa alshshaytanu an athkurahu waittakhatha sabeelahu fee albahri ʿajaban

    (Yuushac) wuxuu yidhi: Ma aragtay markaan ku nasannay buurtii dhagaxa ahayd, waxaan hilmaamay kalluunkii, mana jiro wax I hilmaansiiyey inaan xuso aan ahayn shaydaan. Wuxuuna (kalluunka) qaaday jidkiisa xagga badda si cajab leh!

  64. قَالَ ذَٰلِكَ مَا كُنَّا نَبْغِ ۚ فَٱرْتَدَّا عَلَىٰٓ ءَاثَارِهِمَا قَصَصًا۝٦٤

    Qala thalika ma kunna nabghi fairtadda ʿala atharihima qasasan

    (Muuse) wuxuu yidhi: Arrinkani waa waxaanu doonaynay, markaasay dib u noqdeen iyagoo qaadaya raadadkoodii.

  65. فَوَجَدَا عَبْدًا مِّنْ عِبَادِنَآ ءَاتَيْنَـٰهُ رَحْمَةً مِّنْ عِندِنَا وَعَلَّمْنَـٰهُ مِن لَّدُنَّا عِلْمًا۝٦٥

    Fawajada ʿabdan min ʿibadina ataynahu rahmatan min ʿindina waʿallamnahu min ladunna ʿilman

    Markaasay ka heleen halkaa addoon ka mid ah addoomahayga oo aan siinnay Naxariis xaggayaga ah, kaasoo aan ka barnay Xaggayaga cilmi1.

    Sharaxa hoose
    [1] Mufasiriinta qaarkood waxay sheegeen iyagoo daliilsanaya xadiis laga soo weriyey Nabiga s.c.w. in addoonka halkan loola jeedo Al-Khadir, naxariistana loola jeedo Waxyiga iyo Nabinnimada la siiyey, cilmigana loo jeedo cilmi Ghaybka sida ku iman doonto Aayadaha xiga. Caamada qaar ayaa rumeysan inuu Khadir dhiman oo nool yahay, taasina ma aha sax, waayo waxaa soo arooray axaadiis muujinaya inuusan nooleyn. Hadduu nool yahay wuxuu u iman lahaa Nabiga s.c.w. oo rumeyn lahaa oo u gargaari laha. Nabigu s.c.w. wuxuu mar xadiis ku sheegay in wixii ka billowda maalintaas hadday ka soo wareegto boqol sano axadna dhulka ku nool markaa uusan noolaan doonin boqol sano kaddib. Qisadanina waxay dhex martay Al-Khadir iyo Nabi, wiilka la socday Nabi Muuse oo u adeegayeyna wuxuu ahaa Yuushac bin Nuun oo isna Nabi noqday ka mid ah anbiyadii ilmihii Israa’iil waa’ dambe kaddib Muuse c.s.
  66. قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰ هَلْ أَتَّبِعُكَ عَلَىٰٓ أَن تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمْتَ رُشْدًا۝٦٦

    Qala lahu moosa hal attabiʿuka ʿala an tuʿallimani mimma ʿullimta rushdan

    Muuse wuxuu ku yidhi: Ma ku raaci karaa si aad ii barto waxa lagu baray oo cilmi ah lagu hanuuno.

  67. قَالَ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِىَ صَبْرًا۝٦٧

    Qala innaka lan tastateeʿa maʿiya sabran

    (Khadir) wuxuu yidhi: Adigu ma kareysid la jirkayga samir.

  68. وَكَيْفَ تَصْبِرُ عَلَىٰ مَا لَمْ تُحِطْ بِهِۦ خُبْرًا۝٦٨

    Wakayfa tasbiru ʿala ma lam tuhit bihi khubran

    Sidee baadna ugu samir yeelan waxaadan cilmi ku koobin?

  69. قَالَ سَتَجِدُنِىٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ صَابِرًا وَلَآ أَعْصِى لَكَ أَمْرًا۝٦٩

    Qala satajidunee in shaa Allahu sabiran wala aʿsee laka amran

    (Muuse) wuxuu yidhi: Haddii Alle Idmo, waxaad iga heli samir, kugumana caasinayo arrinna.

  70. قَالَ فَإِنِ ٱتَّبَعْتَنِى فَلَا تَسْـَٔلْنِى عَن شَىْءٍ حَتَّىٰٓ أُحْدِثَ لَكَ مِنْهُ ذِكْرًا۝٧٠

    Qala faini ittabaʿtanee fala tasalnee ʿan shayin hatta ohditha laka minhu thikran

    (Khadir) wuxuu yidhi: Haddaad i raacdo markaa yeysan jirin wax aad wax iga wey- diiso jeer aan kaaga warramo maahee.

  71. فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا رَكِبَا فِى ٱلسَّفِينَةِ خَرَقَهَا ۖ قَالَ أَخَرَقْتَهَا لِتُغْرِقَ أَهْلَهَا لَقَدْ جِئْتَ شَيْـًٔا إِمْرًا۝٧١

    Faintalaqa hatta itha rakiba fee alssafeenati kharaqaha qala akharaqtaha litughriqa ahlaha laqad jita shayan imran

    Markaasay tageen ilaa ay koreen doonni, oo uu duleeliyey (looxii doonta); (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad u duleelisay inaad qarqido dadkeeda? Waxaad la timid arrin fool xun.

  72. قَالَ أَلَمْ أَقُلْ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِىَ صَبْرًا۝٧٢

    Qala alam aqul innaka lan tastateeʿa maʿiya sabran

    Wuxuu yiri: Miyaanan kugu odhan, adigu ma kareysid la jirkayga samir?

  73. قَالَ لَا تُؤَاخِذْنِى بِمَا نَسِيتُ وَلَا تُرْهِقْنِى مِنْ أَمْرِى عُسْرًا۝٧٣

    Qala la tuakhithnee bima naseetu wala turhiqnee min amree ʿusran

    (Muuse) wuxuu yidhi: Ha ii qabanin waxaan hilmaamo1, hana igu kallifin wax adag aan dhibsado arrinkaygan (wax barashada) darteed.

    Sharaxa hoose
    [1] Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuu u dhaafay ummadeyda (wixii ku soo dhaca) naftooda (oo camallo xun ah) marba haddaysan ku dhaqmin ama ku dhawaaqin iyo wixii halmaan uga dhaca iyo wixii lagu qasbo.».
  74. فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا لَقِيَا غُلَـٰمًا فَقَتَلَهُۥ قَالَ أَقَتَلْتَ نَفْسًا زَكِيَّةًۢ بِغَيْرِ نَفْسٍ لَّقَدْ جِئْتَ شَيْـًٔا نُّكْرًا۝٧٤

    Faintalaqa hatta itha laqiya ghulaman faqatalahu qala aqatalta nafsan zakiyyatan bighayri nafsin laqad jita shayan nukran

    Way tageen ilaa ay la kulmeen wiil (yar), markaasuu dilay. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad dishay naf daahir ah oo aan naf dilin? Waxaad la timid wax xun oo aan la qaadan karin.

  75. ۞ قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكَ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِىَ صَبْرًا۝٧٥

    Qala alam aqul laka innaka lan tastateeʿa maʿiya sabran

    (Khadir) wuxuu yidhi: Miyaanan kugu odhan:Adigu ma kareysid la jirkeyga samir?

  76. قَالَ إِن سَأَلْتُكَ عَن شَىْءٍۭ بَعْدَهَا فَلَا تُصَـٰحِبْنِى ۖ قَدْ بَلَغْتَ مِن لَّدُنِّى عُذْرًا۝٧٦

    Qala in saaltuka ʿan shayin baʿdaha fala tusahibnee qad balaghta min ladunnee ʿuthran

    (Muuse) wuxuu yidhi: Haddaan ku weydiiyo wax ka dambeeya tani, haba yee- lin inaan kula socdo, waxaad dhab ahaan heshay cudur daar xagga arrinkeyga.

  77. فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَيَآ أَهْلَ قَرْيَةٍ ٱسْتَطْعَمَآ أَهْلَهَا فَأَبَوْا۟ أَن يُضَيِّفُوهُمَا فَوَجَدَا فِيهَا جِدَارًا يُرِيدُ أَن يَنقَضَّ فَأَقَامَهُۥ ۖ قَالَ لَوْ شِئْتَ لَتَّخَذْتَ عَلَيْهِ أَجْرًا۝٧٧

    Faintalaqa hatta itha ataya ahla qaryatin istatʿama ahlaha faabaw an yudayyifoohuma fawajada feeha jidaran yureedu an yanqadda faaqamahu qala law shita laittakhathta ʿalayhi ajran

    Way tageen jeer markay ku yimaadeen dad magaalo deggan, waxay weydiisteen cunno dadkeeda, wayse diideen inay marti sooraan1; markaasay waxay heleen gudaheeda gidaar dumi raba, markaasuu (Khadir) toosiyey. (Muuse) Wuxuu yidhi: Haddaad doonto, waxaad ku qaadan lahayd ujro.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu wanaajiyo martidiisa, oo qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu ka ilaaliyo dhib oo dhan jaarkiis, oo qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu ku hadlo hadal wanaagsan oo khayr ah ama iska aamuso. (W.w. Abuu Daawuud)
  78. قَالَ هَـٰذَا فِرَاقُ بَيْنِى وَبَيْنِكَ ۚ سَأُنَبِّئُكَ بِتَأْوِيلِ مَا لَمْ تَسْتَطِع عَّلَيْهِ صَبْرًا۝٧٨

    Qala hatha firaqu baynee wabaynika saonabbioka bitaweeli ma lam tastatiʿ ʿalayhi sabran

    (Khadir) wuxuu yidhi: Kan waa kala tagga dhexdeenna aniga iyo adiga, ee waxaan kuu sheegi fasiraadda waxaad u samir yeelan kari weyday.

  79. أَمَّا ٱلسَّفِينَةُ فَكَانَتْ لِمَسَـٰكِينَ يَعْمَلُونَ فِى ٱلْبَحْرِ فَأَرَدتُّ أَنْ أَعِيبَهَا وَكَانَ وَرَآءَهُم مَّلِكٌ يَأْخُذُ كُلَّ سَفِينَةٍ غَصْبًا۝٧٩

    Amma alssafeenatu fakanat limasakeena yaʿmaloona fee albahri faaradtu an aʿeebaha wakana waraahum malikun yakhuthu kulla safeenatin ghasban

    Ma doonnida, waxaa lahaa dad masaa- kiin ah oo badda ka xoogsada. Waxaana doonay inaan ceeb u yeelo, waayo waxaa hortooda ahaa boqor ku qaata doonni walba (oo hagaagsan) qasab.

  80. وَأَمَّا ٱلْغُلَـٰمُ فَكَانَ أَبَوَاهُ مُؤْمِنَيْنِ فَخَشِينَآ أَن يُرْهِقَهُمَا طُغْيَـٰنًا وَكُفْرًا۝٨٠

    Waamma alghulamu fakana abawahu muminayni fakhasheena an yurhiqahuma tughyanan wakufran

    Wiilkana, waxay labadiisii waalid ahaayeen mu’ miniin, waxaana ka baqnay inuu ku dhibo xadgudub iyo abaal dhac.

  81. فَأَرَدْنَآ أَن يُبْدِلَهُمَا رَبُّهُمَا خَيْرًا مِّنْهُ زَكَوٰةً وَأَقْرَبَ رُحْمًا۝٨١

    Faaradna an yubdilahuma rabbuhuma khayran minhu zakatan waaqraba ruhman

    Waxaana doonnay inuu ugu beddelo Rabbigood mid ka khayr roon daahirinimo oo naxariisasho dhow.

  82. وَأَمَّا ٱلْجِدَارُ فَكَانَ لِغُلَـٰمَيْنِ يَتِيمَيْنِ فِى ٱلْمَدِينَةِ وَكَانَ تَحْتَهُۥ كَنزٌ لَّهُمَا وَكَانَ أَبُوهُمَا صَـٰلِحًا فَأَرَادَ رَبُّكَ أَن يَبْلُغَآ أَشُدَّهُمَا وَيَسْتَخْرِجَا كَنزَهُمَا رَحْمَةً مِّن رَّبِّكَ ۚ وَمَا فَعَلْتُهُۥ عَنْ أَمْرِى ۚ ذَٰلِكَ تَأْوِيلُ مَا لَمْ تَسْطِع عَّلَيْهِ صَبْرًا۝٨٢

    Waamma aljidaru fakana lighulamayni yateemayni fee almadeenati wakana tahtahu kanzun lahuma wakana aboohuma salihan faarada rabbuka an yablugha ashuddahuma wayastakhrija kanzahuma rahmatan min rabbika wama faʿaltuhu ʿan amree thalika taweelu ma lam tastiʿ ʿalayhi sabran

    Gidaarkana, waxaa lahaa labo wiil oo agoomo ah oo magaalada jooga; waxaana hoostiisa yaalay khaznad maal ah ay iyagu leeyihiin; wuxuuna ahaa aabbahood qof wanaagsan, marka Wuxuu Rabbigaa doonay inay qaan gaaraan oo la soo baxaan khasnaddooda, naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa; kumana aan samayn waxaan falay amarkayga. Waana kaas tafsiirka (arrimihii) aad u samir yeelan kari weyday.

  83. وَيَسْـَٔلُونَكَ عَن ذِى ٱلْقَرْنَيْنِ ۖ قُلْ سَأَتْلُوا۟ عَلَيْكُم مِّنْهُ ذِكْرًا۝٨٣

    Wayasaloonaka ʿan thee alqarnayni qul saatloo ʿalaykum minhu thikran

    Waxay wax kaa weydiin Dul Qarnayn. Dheh: Waxaan idiin akhrin war ku saabsan isaga.

  84. إِنَّا مَكَّنَّا لَهُۥ فِى ٱلْأَرْضِ وَءَاتَيْنَـٰهُ مِن كُلِّ شَىْءٍ سَبَبًا۝٨٤

    Inna makkanna lahu fee alardi waataynahu min kulli shayin sababan

    Waxaan ku awood siinnay dhulka, waxaana u siinnay wax walba sabab (cilmi).

  85. فَأَتْبَعَ سَبَبًا۝٨٥

    Faatbaʿa sababan

    Wuxuu raacay waddo.

  86. حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَغْرِبَ ٱلشَّمْسِ وَجَدَهَا تَغْرُبُ فِى عَيْنٍ حَمِئَةٍ وَوَجَدَ عِندَهَا قَوْمًا ۗ قُلْنَا يَـٰذَا ٱلْقَرْنَيْنِ إِمَّآ أَن تُعَذِّبَ وَإِمَّآ أَن تَتَّخِذَ فِيهِمْ حُسْنًا۝٨٦

    Hatta itha balagha maghriba alshshamsi wajadaha taghrubu fee ʿaynin hamiatin wawajada ʿindaha qawman qulna ya tha alqarnayni imma an tuʿaththiba waimma an tattakhitha feehim husnan

    Ilaa, markuu gaaray meeshay u dhacdo qorraxdu, wuxuu helay iyadoo ku dhaceysa il dhoobo madow ah1, oo ka helay agteeda qolo. Waxaanu nidhi: Dul Qarnaynow! Ama waa inaad cadaabto (hadday diidaan inay Xaqa rumeeyaan) ama u axsaan fasho (oo barto Islaamka).

    Sharaxa hoose
    [1] Macno kale waa il biyo kulul.
  87. قَالَ أَمَّا مَن ظَلَمَ فَسَوْفَ نُعَذِّبُهُۥ ثُمَّ يُرَدُّ إِلَىٰ رَبِّهِۦ فَيُعَذِّبُهُۥ عَذَابًا نُّكْرًا۝٨٧

    Qala amma man thalama fasawfa nuʿaththibuhu thumma yuraddu ila rabbihi fayuʿaththibuhu ʿathaban nukran

    Wuxuu yidhi: Qofkii dulmi fala 'oo fallaagooba'1, waa aanu cadaabi (dili), haddana waxaa loo celin xagga Rabbigiis; wuxuuna ku cadaabi cadaab daran.

    Sharaxa hoose
    [1] Ku adkeysta shirki, gaalnimo, denbi, iwm oo aan dooneyn inuu hanuuno oo qaato Islaamka.
  88. وَأَمَّا مَنْ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَـٰلِحًا فَلَهُۥ جَزَآءً ٱلْحُسْنَىٰ ۖ وَسَنَقُولُ لَهُۥ مِنْ أَمْرِنَا يُسْرًا۝٨٨

    Waamma man amana waʿamila salihan falahu jazaan alhusna wasanaqoolu lahu min amrina yusran

    Qofkii se (Xaqa) rumeeya oo sama fala, wuxuu leeyahay abaal gud wanaagsan (Janno). Waxaana kula hadli ereyo nugul oo amarkayaga ah.

  89. ثُمَّ أَتْبَعَ سَبَبًا۝٨٩

    Thumma atbaʿa sababan

    Markaasuu raacay waddo (kale),

  90. حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَطْلِعَ ٱلشَّمْسِ وَجَدَهَا تَطْلُعُ عَلَىٰ قَوْمٍ لَّمْ نَجْعَل لَّهُم مِّن دُونِهَا سِتْرًا۝٩٠

    Hatta itha balagha matliʿa alshshamsi wajadaha tatluʿu ʿala qawmin lam najʿal lahum min dooniha sitran

    Ilaa markuu gaaray meeshay ka soo baxdo qorraxda wuxuu helay iyadoo ay u soo baxaysa qolo aynu siin wax ay isaga asturaan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Dad masaakiin ah aan waxba heysan.
  91. كَذَٰلِكَ وَقَدْ أَحَطْنَا بِمَا لَدَيْهِ خُبْرًا۝٩١

    Kathalika waqad ahatna bima ladayhi khubran

    Sidaas weeyee! Waxaana ku koobnay ogaansho waxa uu heystay.

  92. ثُمَّ أَتْبَعَ سَبَبًا۝٩٢

    Thumma atbaʿa sababan

    Markaasuu raacay waddo (kale),

  93. حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ بَيْنَ ٱلسَّدَّيْنِ وَجَدَ مِن دُونِهِمَا قَوْمًا لَّا يَكَادُونَ يَفْقَهُونَ قَوْلًا۝٩٣

    Hatta itha balagha bayna alssaddayni wajada min doonihima qawman la yakadoona yafqahoona qawlan

    Ilaa markuu gaaray (meel) labo buurood dhexdooda ah; wuxuu sokodooda ka helay qolo dhib ku fahma hadalba1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay ahaayeen dad aan garaneyn af aan ahayn afkooda, waayo afkooda wuu ka duwanaa afafka qeyrkood, mana caddeyn karin muraadkooda aqoon yari darteed.
  94. قَالُوا۟ يَـٰذَا ٱلْقَرْنَيْنِ إِنَّ يَأْجُوجَ وَمَأْجُوجَ مُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ فَهَلْ نَجْعَلُ لَكَ خَرْجًا عَلَىٰٓ أَن تَجْعَلَ بَيْنَنَا وَبَيْنَهُمْ سَدًّا۝٩٤

    Qaloo ya tha alqarnayni inna yajooja wamajooja mufsidoona fee alardi fahal najʿalu laka kharjan ʿala an tajʿala baynana wabaynahum saddan

    Waxay yidhaahdeen: Dul Qarnaynow! Waxay Yuug iyo yamaayuug1 ku falaan fasahaad arlada. Ee ma kuu yeellaa kharash waxaase shardi ah inaad yeesho dhexdeenna innaga iyo iyaga xidh gidaar ah?

    Sharaxa hoose
    [1] Ya’juuj iyo Ma’juuj waa labo qolo oo waxshi ah oo deggan qaybo ballaaran oo ka mid ah Aasiyada dhexe, kuwaasoo fala nooc kasta oo fasahaad ah.
  95. قَالَ مَا مَكَّنِّى فِيهِ رَبِّى خَيْرٌ فَأَعِينُونِى بِقُوَّةٍ أَجْعَلْ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُمْ رَدْمًا۝٩٥

    Qala ma makkannee feehi rabbee khayrun faaʿeenoonee biquwwatin ajʿal baynakum wabaynahum radman

    Wuxuu yidhi: Wuxuu awood I siiyey Rabbigay baa igu filan oo khayr roon, ee igu caawiya xoog (shaqaale) waxaan yeeli moos xir weyn dhexdiinna idinka iyo iyaga.

  96. ءَاتُونِى زُبَرَ ٱلْحَدِيدِ ۖ حَتَّىٰٓ إِذَا سَاوَىٰ بَيْنَ ٱلصَّدَفَيْنِ قَالَ ٱنفُخُوا۟ ۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَعَلَهُۥ نَارًا قَالَ ءَاتُونِىٓ أُفْرِغْ عَلَيْهِ قِطْرًا۝٩٦

    Atoonee zubara alhadeedi hatta itha sawa bayna alsadafayni qala onfukhoo hatta itha jaʿalahu naran qala atoonee ofrigh ʿalayhi qitran

    Ii keena goosimo bir ah; jeer markuu simay dhinacyada labada buurood dhexdooda, wuxuu yidhi: Buufiya, ilaa markuu ka yeelay (sida) dab, wuxuu yidhi: Ii keena maar la dhalaaliyey aan ku shubee.

  97. فَمَا ٱسْطَـٰعُوٓا۟ أَن يَظْهَرُوهُ وَمَا ٱسْتَطَـٰعُوا۟ لَهُۥ نَقْبًا۝٩٧

    Fama istaʿoo an yathharoohu wama istataʿoo lahu naqban

    Ma ay karin (Ya'juuj iyo Ma'juuj) inay ka soo kor baxaan mana karin inay duleeliyaan.

  98. قَالَ هَـٰذَا رَحْمَةٌ مِّن رَّبِّى ۖ فَإِذَا جَآءَ وَعْدُ رَبِّى جَعَلَهُۥ دَكَّآءَ ۖ وَكَانَ وَعْدُ رَبِّى حَقًّا۝٩٨

    Qala hatha rahmatun min rabbee faitha jaa waʿdu rabbee jaʿalahu dakkaa wakana waʿdu rabbee haqqan

    (Dul Qarnayn) wuxuu yidhi: Waxakani waa Naxariis xagga Rabbigay ah, markase uu Yabooha Rabbigay yimaado, wuxuu la simi dhulka, Yabooha Rabbigay xaq weeye.

  99. ۞ وَتَرَكْنَا بَعْضَهُمْ يَوْمَئِذٍ يَمُوجُ فِى بَعْضٍ ۖ وَنُفِخَ فِى ٱلصُّورِ فَجَمَعْنَـٰهُمْ جَمْعًا۝٩٩

    Watarakna baʿdahum yawmaithin yamooju fee baʿdin wanufikha fee alssoori fajamaʿnahum jamʿan

    Waxaan u dayn qaarkood Maalintaa inay is buurtaan oo is dhex yaacaan (hirar oo kale) qaar kale. Waxaa la afuufi Buunka, oo soo kulmin iyagoo dhan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Maalinta dhismahaa weyn ee lagu xiray Ya’juuj iyo Ma’juuj la burburiyo.
  100. وَعَرَضْنَا جَهَنَّمَ يَوْمَئِذٍ لِّلْكَـٰفِرِينَ عَرْضًا۝١٠٠

    Waʿaradna jahannama yawmaithin lilkafireena ʿardan

    Waxaan u bandhigeynaa Jahannama maalintaa gaalada bandhig.

  101. ٱلَّذِينَ كَانَتْ أَعْيُنُهُمْ فِى غِطَآءٍ عَن ذِكْرِى وَكَانُوا۟ لَا يَسْتَطِيعُونَ سَمْعًا۝١٠١

    Allatheena kanat aʿyunuhum fee ghitain ʿan thikree wakanoo la yastateeʿoona samʿan

    Kuwa ay indhahoodu ka daboollaayeen Waanadayada1, ee aan kari jirin inay maqlaan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa Calaamooyinka Alle, ama Qur’aanka.
  102. أَفَحَسِبَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَن يَتَّخِذُوا۟ عِبَادِى مِن دُونِىٓ أَوْلِيَآءَ ۚ إِنَّآ أَعْتَدْنَا جَهَنَّمَ لِلْكَـٰفِرِينَ نُزُلًا۝١٠٢

    Afahasiba allatheena kafaroo an yattakhithoo ʿibadee min doonee awliyaa inna aʿtadna jahannama lilkafireena nuzulan

    Ma waxay kuwa gaalooba moodaan inay (anfaceyso) inay ka yeeshaan addoomahayga gargaarayaal Aniga sokaday? Waxaan u diyaarinnay Jahannama degaan ahaan gaalada.

  103. قُلْ هَلْ نُنَبِّئُكُم بِٱلْأَخْسَرِينَ أَعْمَـٰلًا۝١٠٣

    Qul hal nunabbiokum bialakhsareena aʿmalan

    Dheh: Ma idiin sheegaa kuwa ugu khasaaraha badan camallo ahaan?

  104. ٱلَّذِينَ ضَلَّ سَعْيُهُمْ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَهُمْ يَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ يُحْسِنُونَ صُنْعًا۝١٠٤

    Allatheena dalla saʿyuhum fee alhayati alddunya wahum yahsaboona annahum yuhsinoona sunʿan

    Waa kuwaa camalkooda noloshan adduunka yahay khasaaro aan wax qiimo ah laheyn iyagoo mooda inay sama falaan?

  105. أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ رَبِّهِمْ وَلِقَآئِهِۦ فَحَبِطَتْ أَعْمَـٰلُهُمْ فَلَا نُقِيمُ لَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ وَزْنًا۝١٠٥

    Olaika allatheena kafaroo biayati rabbihim waliqaihi fahabitat aʿmaluhum fala nuqeemu lahum yawma alqiyamati waznan

    Kuwaasu waa kuwa ku gaalooba Aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisa1. Marka camalladooda waa buraan. Sidaas awgeed uma yeelno wax miisaan iyo qiimo ah Maalinta Qiyaamaha.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay diidaan inay dhageystaan Qur’aanka ama fahmaan oo waxay beeniyaan Maalinta Dambe ‘Aakhirada’.
  106. ذَٰلِكَ جَزَآؤُهُمْ جَهَنَّمُ بِمَا كَفَرُوا۟ وَٱتَّخَذُوٓا۟ ءَايَـٰتِى وَرُسُلِى هُزُوًا۝١٠٦

    Thalika jazaohum jahannamu bima kafaroo waittakhathoo ayatee warusulee huzuwan

    Sidaas waa in abaalkoodu yahay Jahannama; gaalnimadooda darteed, waxayna ka yeesheen Aayadahayga iyo Rusushayda jeesjees.

  107. إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ كَانَتْ لَهُمْ جَنَّـٰتُ ٱلْفِرْدَوْسِ نُزُلًا۝١٠٧

    Inna allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati kanat lahum jannatu alfirdawsi nuzulan

    Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay leeyihiin beeraha Al-Firdaws1 degitaan (marti qaad) ahaan.

    Sharaxa hoose
    [1] Al-Firdaws waa halka ugu sarreysa uguna fiican Jannada.
  108. خَـٰلِدِينَ فِيهَا لَا يَبْغُونَ عَنْهَا حِوَلًا۝١٠٨

    Khalideena feeha la yabghoona ʿanha hiwalan

    Iyagoo ku dhex waaraya weligood mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan (guuraan).

  109. قُل لَّوْ كَانَ ٱلْبَحْرُ مِدَادًا لِّكَلِمَـٰتِ رَبِّى لَنَفِدَ ٱلْبَحْرُ قَبْلَ أَن تَنفَدَ كَلِمَـٰتُ رَبِّى وَلَوْ جِئْنَا بِمِثْلِهِۦ مَدَدًا۝١٠٩

    Qul law kana albahru midadan likalimati rabbee lanafida albahru qabla an tanfada kalimatu rabbee walaw jina bimithlihi madadan

    Dheh: Hadday baddu ahaan laheyd khad loogu tala galay (qoridda) Kelmedaha Rabbigay1, baddu waa dhammaan lahayd inta aysan dhammaan Kelmedaha Rabbigay, xataa haddaan keenno (bad kale) oo la mid ah oo taakulo u ahaato.

    Sharaxa hoose
    [1] Kelmedahaa waa amarrada Alle ee aan la soo koobi karin ama Kelmedaha sheegaya Tilmaamahiisa ama Ammaanahiisa.
  110. قُلْ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يُوحَىٰٓ إِلَىَّ أَنَّمَآ إِلَـٰهُكُمْ إِلَـٰهٌ وَٰحِدٌ ۖ فَمَن كَانَ يَرْجُوا۟ لِقَآءَ رَبِّهِۦ فَلْيَعْمَلْ عَمَلًا صَـٰلِحًا وَلَا يُشْرِكْ بِعِبَادَةِ رَبِّهِۦٓ أَحَدًۢا۝١١٠

    Qul innama ana basharun mithlukum yooha ilayya annama ilahukum ilahun wahidun faman kana yarjoo liqaa rabbihi falyaʿmal ʿamalan salihan wala yushrik biʿibadati rabbihi ahadan

    (Nabi Muxammadow) dheh: Waxaan anigu uun ahay qof idinkoo kale ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah Mid Keliya ah (Allaah), ee kii rajo ka qaba la Kulanka Rabbigii, ha fasho camallo san oo yuusan la wadaajin cidna cibaadada Rabbigi.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Kahf?

Macnaha Al-Kahf waa “Hogga”.

Suuradda Al-Kahf juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Kahf waxay ku fidsan tahay juz’ 15 iyo 16.

Suuradda Al-Kahf immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Kahf waxay leedahay 110 aayadood.

Suuradda Al-Kahf ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Kahf waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Kahf waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 18aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.