سورة الواقعة

Suuradda Al-Waaqica oo af Soomaali ah

Dhacdada lama huraanka ah

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Waaqica (الواقعة) waa suuradda 56aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 96 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Dhacdada lama huraanka ah”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 27.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Waaqica oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Waaqica oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. إِذَا وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ۝١

    Itha waqaʿati alwaqiʿatu

    Markay dhacdada weyni dhacdo1.

    Sharaxa hoose
    [1] Al-Waaqica: Dhacdada dhici doonta, waxaa loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha.
  2. لَيْسَ لِوَقْعَتِهَا كَاذِبَةٌ۝٢

    Laysa liwaqʿatiha kathibatun

    Ma jiro dhiciddeeda wax beenin.

  3. خَافِضَةٌ رَّافِعَةٌ۝٣

    Khafidatun rafiʿatun

    Hoos u dhigeysa (ehlu Naarka) kor u qaadeysa 'ehlu Jannaha'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Hadba sida camalkoodu yahay oo looma eegayo maal iyo jago uu hayo siduu yahay xaalka adduunkan.
  4. إِذَا رُجَّتِ ٱلْأَرْضُ رَجًّا۝٤

    Itha rujjati alardu rajjan

    Marka la gilgilo dhulka gilgilid daran.

  5. وَبُسَّتِ ٱلْجِبَالُ بَسًّا۝٥

    Wabussati aljibalu bassan

    Buuraha la ridqo ridqin daran.

  6. فَكَانَتْ هَبَآءً مُّنۢبَثًّا۝٦

    Fakanat habaan munbaththan

    Oo ay noqoto sida boor firdhisan.

  7. وَكُنتُمْ أَزْوَٰجًا ثَلَـٰثَةً۝٧

    Wakuntum azwajan thalathatan

    Oo aad ahaataan (dadow) saddex nooc.

  8. فَأَصْحَـٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ۝٨

    Faashabu almaymanati ma ashabu almaymanati

    Kuwa ah Gacanta Midig, waayo kuwa ah Gacanta Midig?

  9. وَأَصْحَـٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ۝٩

    Waashabu almashamati ma ashabu almashamati

    Kuwase ah Gacanta Bidix, waayo kuwa ah Gacanta Bidix?

  10. وَٱلسَّـٰبِقُونَ ٱلسَّـٰبِقُونَ۝١٠

    Waalssabiqoona alssabiqoona

    Kuwa u hor mara (Iimaanka iyo falashada camallada wanaagsan) iyagaa horreyn1.

    Sharaxa hoose
    [1] Sida anbiyada Alle iyo kuwa horey ka rumeeyey iyagaa hor geli doona Jannada.
  11. أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلْمُقَرَّبُونَ۝١١

    Olaika almuqarraboona

    Waa kuwa loo soo dhoweyn (Ilaahay).

  12. فِى جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ۝١٢

    Fee jannati alnnaʿeemi

    Waxay Ku sugnaan Beero barwaaqo ah gudahood (jannooyin).

  13. ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْأَوَّلِينَ۝١٣

    Thullatun mina alawwaleena

    (Ay geli) jameeco badan oo ah horraankii (ummadan iyo ummadaha kaleba).

  14. وَقَلِيلٌ مِّنَ ٱلْـَٔاخِرِينَ۝١٤

    Waqaleelun mina alakhireena

    Iyo in yar oo ka mid ah facyadii dambe1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa kuwii ahaa aakhirka ummaddan.
  15. عَلَىٰ سُرُرٍ مَّوْضُونَةٍ۝١٥

    ʿAla sururin mawdoonatin

    Iyagoo ku sugnaan sariiro dahab lagu qurxiyey.

  16. مُّتَّكِـِٔينَ عَلَيْهَا مُتَقَـٰبِلِينَ۝١٦

    Muttakieena ʿalayha mutaqabileena

    Ku dangiigsan korkeeda, si fool ka fool ah.

  17. يَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَٰنٌ مُّخَلَّدُونَ۝١٧

    Yatoofu ʿalayhim wildanun mukhalladoona

    Waxaa u adeegi wiilal waaraya aanay da’ doorin, kuwaa oo kula wareegi doona,

  18. بِأَكْوَابٍ وَأَبَارِيقَ وَكَأْسٍ مِّن مَّعِينٍ۝١٨

    Biakwabin waabareeqa wakasin min maʿeenin

    Koobab iyo kirliyo iyo galaasyo (khamri saafi ah) xagga il socota (Jannada).

  19. لَّا يُصَدَّعُونَ عَنْهَا وَلَا يُنزِفُونَ۝١٩

    La yusaddaʿoona ʿanha wala yunzifoona

    Aanu marnaba madaxu ku wareerin kuna maan guurin.

  20. وَفَـٰكِهَةٍ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ۝٢٠

    Wafakihatin mimma yatakhayyaroona

    Iyo midho waxay doortaan ah.

  21. وَلَحْمِ طَيْرٍ مِّمَّا يَشْتَهُونَ۝٢١

    Walahmi tayrin mimma yashtahoona

    Iyo hilib shimbiro kay rabaanba.

  22. وَحُورٌ عِينٌ۝٢٢

    Wahoorun ʿeenun

    Oo (ay u wehelin doonaan) xuurul cayn.

  23. كَأَمْثَـٰلِ ٱللُّؤْلُؤِ ٱلْمَكْنُونِ۝٢٣

    Kaamthali allului almaknooni

    La moodo luul la dhowray.

  24. جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ۝٢٤

    Jazaan bima kanoo yaʿmaloona

    Waa abaalgud waxay camalsan fali jireen.

  25. لَا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا تَأْثِيمًا۝٢٥

    La yasmaʿoona feeha laghwan wala tatheeman

    Kuma maqlaan (Jannada) hadal macno darro ah iyo denbi midna.

  26. إِلَّا قِيلًا سَلَـٰمًا سَلَـٰمًا۝٢٦

    Illa qeelan salaman salaman

    Waxaan ahayn odhaahda nabad nabad.

  27. وَأَصْحَـٰبُ ٱلْيَمِينِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلْيَمِينِ۝٢٧

    Waashabu alyameeni ma ashabu alyameeni

    Kuwa ah Gacanta Midig, waayo kuwaa ah Gacanta Midig (ehlu Jannaha)?

  28. فِى سِدْرٍ مَّخْضُودٍ۝٢٨

    Fee sidrin makhdoodin

    (Waxay dhex ahaan) geedo gob aan qodax lahayn.

  29. وَطَلْحٍ مَّنضُودٍ۝٢٩

    Watalhin mandoodin

    Iyo geedo Muus ah midho karooran.

  30. وَظِلٍّ مَّمْدُودٍ۝٣٠

    Wathillin mamdoodin

    Iyo har fidsan,

  31. وَمَآءٍ مَّسْكُوبٍ۝٣١

    Wamain maskoobin

    Iyo biyo u socda joogto,

  32. وَفَـٰكِهَةٍ كَثِيرَةٍ۝٣٢

    Wafakihatin katheeratin

    Iyo midho tiro badan.

  33. لَّا مَقْطُوعَةٍ وَلَا مَمْنُوعَةٍ۝٣٣

    La maqtooʿatin wala mamnooʿatin

    Marnaba aan go’eyn, la isuna diideyn.

  34. وَفُرُشٍ مَّرْفُوعَةٍ۝٣٤

    Wafurushin marfooʿatin

    iyo joodariyaal sare loo qaaday (oo sariiro saaran).

  35. إِنَّآ أَنشَأْنَـٰهُنَّ إِنشَآءً۝٣٥

    Inna anshanahunna inshaan

    Waxaan Annaga (Alle ah) ka yeeli inay soo baxaan iyaga (haweenka Jannada) soo bixid gaar ah.

  36. فَجَعَلْنَـٰهُنَّ أَبْكَارًا۝٣٦

    Fajaʿalnahunna abkaran

    Kana dhigi bikrooyin ugub ah.

  37. عُرُبًا أَتْرَابًا۝٣٧

    ʿUruban atraban

    Gacalooyin (jecel nimankooda), isku wada da’ ah.

  38. لِّأَصْحَـٰبِ ٱلْيَمِينِ۝٣٨

    Liashabi alyameeni

    Oo ay leeyihiin kuwa ah Gacanta Midig.

  39. ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْأَوَّلِينَ۝٣٩

    Thullatun mina alawwaleena

    Kuwo badan oo ka mid ah waa facyadii hore.

  40. وَثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْـَٔاخِرِينَ۝٤٠

    Wathullatun mina alakhireena

    Kuwo badan oo ka mid ahna facyada dambe.

  41. وَأَصْحَـٰبُ ٱلشِّمَالِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلشِّمَالِ۝٤١

    Waashabu alshshimali ma ashabu alshshimali

    Kuwase ah Gacanta Bidix- waayo kuwaa ah Gacanta Bidix (ehlu Naarka)?

  42. فِى سَمُومٍ وَحَمِيمٍ۝٤٢

    Fee samoomin wahameemin

    Waxay dhex ahaan hanfi kulul iyo biyo karkaraya.

  43. وَظِلٍّ مِّن يَحْمُومٍ۝٤٣

    Wathillin min yahmoomin

    Iyo hoos qiiq badan.

  44. لَّا بَارِدٍ وَلَا كَرِيمٍ۝٤٤

    La baridin wala kareemin

    Aan laheyn qabow iyo arag fiican midna.

  45. إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَبْلَ ذَٰلِكَ مُتْرَفِينَ۝٤٥

    Innahum kanoo qabla thalika mutrafeena

    Waxay ahaayeen taa horteed (adduunka) kuwo ku raaxeysta (xaaraan).

  46. وَكَانُوا۟ يُصِرُّونَ عَلَى ٱلْحِنثِ ٱلْعَظِيمِ۝٤٦

    Wakanoo yusirroona ʿala alhinthi alʿatheemi

    Oo waxay ku adkeysan jireen Denbiga weyn (shirkiga).

  47. وَكَانُوا۟ يَقُولُونَ أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَـٰمًا أَءِنَّا لَمَبْعُوثُونَ۝٤٧

    Wakanoo yaqooloona aitha mitna wakunna turaban waʿithaman ainna lamabʿoothoona

    Waxay odhan jireen: Ma markaan dhimanno oo noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo nooleyn (dhimashada kaddib)?.

  48. أَوَءَابَآؤُنَا ٱلْأَوَّلُونَ۝٤٨

    Awa abaona alawwaloona

    Sidoo kale miyaa aabbayaashayadii hore (la soo nooleyn)?

  49. قُلْ إِنَّ ٱلْأَوَّلِينَ وَٱلْـَٔاخِرِينَ۝٤٩

    Qul inna alawwaleena waalakhireena

    Dheh, kuwii hore iyo kuwa dambaba.

  50. لَمَجْمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَـٰتِ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ۝٥٠

    Lamajmooʿoona ila meeqati yawmin maʿloomin

    Waxaa hubaal loo soo kulmin wada jir madal Maalin la yaqaan (Qiyaamada).

  51. ثُمَّ إِنَّكُمْ أَيُّهَا ٱلضَّآلُّونَ ٱلْمُكَذِّبُونَ۝٥١

    Thumma innakum ayyuha alddalloona almukaththiboona

    Markaas idinka kuwiinan habowsana- yaasha ahow, ee beeniyow (Qiyaamaha).

  52. لَـَٔاكِلُونَ مِن شَجَرٍ مِّن زَقُّومٍ۝٥٢

    Laakiloona min shajarin min zaqqoomin

    Waxaad wax ka cuneysaan geed xun oo Zaqquum ah1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa geed Naarta ku yaal oo u keena xanuun daran qofkii cuna.
  53. فَمَالِـُٔونَ مِنْهَا ٱلْبُطُونَ۝٥٣

    Famalioona minha albutoona

    Oo ka buuxineysaan caloolihiinna.

  54. فَشَـٰرِبُونَ عَلَيْهِ مِنَ ٱلْحَمِيمِ۝٥٤

    Fashariboona ʿalayhi mina alhameemi

    Waxaad ku dul cabbeyssan biyo kulul oo karkaraya.

  55. فَشَـٰرِبُونَ شُرْبَ ٱلْهِيمِ۝٥٥

    Fashariboona shurba alheemi

    U cabbeysaan sida cabbidda geel asqoobay.

  56. هَـٰذَا نُزُلُهُمْ يَوْمَ ٱلدِّينِ۝٥٦

    Hatha nuzuluhum yawma alddeeni

    Kaasi waa waxa lagu soori (gaalada) Maalinta Abaal marinta (Qiyaamaha).

  57. نَحْنُ خَلَقْنَـٰكُمْ فَلَوْلَا تُصَدِّقُونَ۝٥٧

    Nahnu khalaqnakum falawla tusaddiqoona

    Annagaa (Alle ah) idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen?

  58. أَفَرَءَيْتُم مَّا تُمْنُونَ۝٥٨

    Afaraaytum ma tumnoona

    Ma u fiirsateen minada idinka timaadda (biyo bixiinna - shawada)?

  59. ءَأَنتُمْ تَخْلُقُونَهُۥٓ أَمْ نَحْنُ ٱلْخَـٰلِقُونَ۝٥٩

    Aantum takhluqoonahu am nahnu alkhaliqoona

    Ma idinkaa abuura mise waa Annaga (Alle ah) Abuurayaasha?

  60. نَحْنُ قَدَّرْنَا بَيْنَكُمُ ٱلْمَوْتَ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ۝٦٠

    Nahnu qaddarna baynakumu almawta wama nahnu bimasbooqeena

    Annagaa idiin qaddarnay dhimashada dhexdiinna, mana jiro qof naga baxsan kara.

  61. عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ أَمْثَـٰلَكُمْ وَنُنشِئَكُمْ فِى مَا لَا تَعْلَمُونَ۝٦١

    ʿAla an nubaddila amthalakum wanunshiakum fee ma la taʿlamoona

    Inaan idinku beddelno kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo saarno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn.

  62. وَلَقَدْ عَلِمْتُمُ ٱلنَّشْأَةَ ٱلْأُولَىٰ فَلَوْلَا تَذَكَّرُونَ۝٦٢

    Walaqad ʿalimtumu alnnashata aloola falawla tathakkaroona

    Waadna og tihiin abuuriddii hore, ee miyeydaan waantoobeyn?

  63. أَفَرَءَيْتُم مَّا تَحْرُثُونَ۝٦٣

    Afaraaytum ma tahruthoona

    Ma u fiirsateen waxaad beertaan?;

  64. ءَأَنتُمْ تَزْرَعُونَهُۥٓ أَمْ نَحْنُ ٱلزَّٰرِعُونَ۝٦٤

    Aantum tazraʿoonahu am nahnu alzzariʿoona

    Ma idinkaa soo bixiya, mise waa Annaga (Alle ah) Kuwa soo Bixiya?

  65. لَوْ نَشَآءُ لَجَعَلْنَـٰهُ حُطَـٰمًا فَظَلْتُمْ تَفَكَّهُونَ۝٦٥

    Law nashao lajaʿalnahu hutaman fathaltum tafakkahoona

    Haddaan Doonno,waxaan ka dhigeynaa xaabo engagan, markaasaad ka xumaan.

  66. إِنَّا لَمُغْرَمُونَ۝٦٦

    Inna lamughramoona

    (idinkoo leh): Waa nala khasaariyey.

  67. بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ۝٦٧

    Bal nahnu mahroomoona

    Balse waa nala hoojiyey.

  68. أَفَرَءَيْتُمُ ٱلْمَآءَ ٱلَّذِى تَشْرَبُونَ۝٦٨

    Afaraaytumu almaa allathee tashraboona

    Ma u fiirsateen biyahaad cabtaan?

  69. ءَأَنتُمْ أَنزَلْتُمُوهُ مِنَ ٱلْمُزْنِ أَمْ نَحْنُ ٱلْمُنزِلُونَ۝٦٩

    Aantum anzaltumoohu mina almuzni am nahnu almunziloona

    Ma idinkaa kuwa ka soo dejiya daruura- ha, mise Annaga weeye kuwa soo dejiya?

  70. لَوْ نَشَآءُ جَعَلْنَـٰهُ أُجَاجًا فَلَوْلَا تَشْكُرُونَ۝٧٠

    Law nashao jaʿalnahu ojajan falawla tashkuroona

    Haddaan doonno, Waxaan ka dhigeynaa jaan dhanaan oo milix ah (aan la dhami karin), ee maad ku shukridaan (Alle)?

  71. أَفَرَءَيْتُمُ ٱلنَّارَ ٱلَّتِى تُورُونَ۝٧١

    Afaraaytumu alnnara allatee tooroona

    Ma u fiirsateen dabka aad madagta ka shiddaan.

  72. ءَأَنتُمْ أَنشَأْتُمْ شَجَرَتَهَآ أَمْ نَحْنُ ٱلْمُنشِـُٔونَ۝٧٢

    Aantum anshatum shajarataha am nahnu almunshioona

    Ma idinkaa kuwa u soo saara geedaha, mise Annaga (Alle ah) weeye soo saarayaasha?

  73. نَحْنُ جَعَلْنَـٰهَا تَذْكِرَةً وَمَتَـٰعًا لِّلْمُقْوِينَ۝٧٣

    Nahnu jaʿalnaha tathkiratan wamataʿan lilmuqweena

    Annaga (Alle ah) baa waxaynu ka dhignay xusuus; iyo waxay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha 'iyo qeyrkoodba'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Musaafiriinta ama socotada waxaa halkan loogu xusay gaar ahaan inuu arrinkaasi mudnaan gaar ah u leeyahay iyaga, inkastoo uu yahay sahay ay u baahan yihiin dadka guud ahaan. Dabkana waxaa lagu xusuustaa Naarta Aakhiro.
  74. فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ۝٧٤

    Fasabbih biismi rabbika alʿatheemi

    Ee xurmee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.

  75. ۞ فَلَآ أُقْسِمُ بِمَوَٰقِعِ ٱلنُّجُومِ۝٧٥

    Fala oqsimu bimawaqiʿi alnnujoomi

    Mayee, waxaan ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan.

  76. وَإِنَّهُۥ لَقَسَمٌ لَّوْ تَعْلَمُونَ عَظِيمٌ۝٧٦

    Wainnahu laqasamun law taʿlamoona ʿatheemun

    Xaqiiqna waa dhaar weyn, haddaad ogaan lahaydeen.

  77. إِنَّهُۥ لَقُرْءَانٌ كَرِيمٌ۝٧٧

    Innahu laquranun kareemun

    Hubaal kani waa Qur'aan Sharaf Badan.

  78. فِى كِتَـٰبٍ مَّكْنُونٍ۝٧٨

    Fee kitabin maknoonin

    Ku yaal Kitaab aad la dhowray (Looxa Maxfuudka).

  79. لَّا يَمَسُّهُۥٓ إِلَّا ٱلْمُطَهَّرُونَ۝٧٩

    La yamassuhu illa almutahharoona

    Cidna taaban kuwa la daahiriyey mooyee (malaa’igta).

  80. تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ۝٨٠

    Tanzeelun min rabbi alʿalameena

    Waa soo dejinta Rabbiga uumanka.

  81. أَفَبِهَـٰذَا ٱلْحَدِيثِ أَنتُم مُّدْهِنُونَ۝٨١

    Afabihatha alhadeethi antum mudhinoona

    Ma warkan (Qur’aanka) baad (gaaloy) u qaadataan wax fudud aan qiimo lahayn?

  82. وَتَجْعَلُونَ رِزْقَكُمْ أَنَّكُمْ تُكَذِّبُونَ۝٨٢

    Watajʿaloona rizqakum annakum tukaththiboona

    oo aad ka yeeleysaan (mahaddii) risiqiinna beenin (Xaqa).

  83. فَلَوْلَآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلْحُلْقُومَ۝٨٣

    Falawla itha balaghati alhulqooma

    Maxaydaan markay (naftu) dhuunta gaadho.

  84. وَأَنتُمْ حِينَئِذٍ تَنظُرُونَ۝٨٤

    Waantum heenaithin tanthuroona

    Idinkuna markaas aad u jeeddaan (qofka dhiman).

  85. وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنكُمْ وَلَـٰكِن لَّا تُبْصِرُونَ۝٨٥

    Wanahnu aqrabu ilayhi minkum walakin la tubsiroona

    Annaguna (Alle ah Ogaal iyo Awood ahaan iyo malaa’igtayada) idiinka dhownahay, laakiinse aydaan arkayn.

  86. فَلَوْلَآ إِن كُنتُمْ غَيْرَ مَدِينِينَ۝٨٦

    Falawla in kuntum ghayra madeeneena

    Haddaad tihiin kuwo aan la soo bixineyn oo la xisaabineyn (Aakhirada).

  87. تَرْجِعُونَهَآ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ۝٨٧

    Tarjiʿoonaha in kuntum sadiqeena

    Maxaad Ugu soo celin (weydeen) nafta (jirkeedii) haddaad run sheegeysaan?

  88. فَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلْمُقَرَّبِينَ۝٨٨

    Faamma in kana mina almuqarrabeena

    Hadduu ka mid yahay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah).

  89. فَرَوْحٌ وَرَيْحَانٌ وَجَنَّتُ نَعِيمٍ۝٨٩

    Farawhun warayhanun wajannatu naʿeemin

    Waxaa u ahaaday raaxo, reynreyn, reexaan udgoon iyo Janno barwaaqo ah.

  90. وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنْ أَصْحَـٰبِ ٱلْيَمِينِ۝٩٠

    Waamma in kana min ashabi alyameeni

    Hadduu ka mid yahayse kuwa ah gacanta midig (ehlu Jannada).

  91. فَسَلَـٰمٌ لَّكَ مِنْ أَصْحَـٰبِ ٱلْيَمِينِ۝٩١

    Fasalamun laka min ashabi alyameeni

    Nabad baa idiin sugnaatay kuwa ahow gacanta midig.

  92. وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلْمُكَذِّبِينَ ٱلضَّآلِّينَ۝٩٢

    Waamma in kana mina almukaththibeena alddalleena

    Haddiise uu ka mid yahay (Xaq) beeniyayaasha, habowsanaaysaha ah.

  93. فَنُزُلٌ مِّنْ حَمِيمٍ۝٩٣

    Fanuzulun min hameemin

    Waxaa lagu sooryeen biyo kulul oo karaya.

  94. وَتَصْلِيَةُ جَحِيمٍ۝٩٤

    Watasliyatu jaheemin

    Iyo ku gubasho Dabka aan dameyn ee ololka badan (Naarta).

  95. إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ حَقُّ ٱلْيَقِينِ۝٩٥

    Inna hatha lahuwa haqqu alyaqeeni

    Arrinkani waa run la hubo oo xaqiiq ah.

  96. فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ۝٩٦

    Fasabbih biismi rabbika alʿatheemi

    Ee xurmee oo huf Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Waaqica?

Macnaha Al-Waaqica waa “Dhacdada lama huraanka ah”.

Suuradda Al-Waaqica juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Waaqica waxay ku jirtaa juz’ 27.

Suuradda Al-Waaqica immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Waaqica waxay leedahay 96 aayadood.

Suuradda Al-Waaqica ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Waaqica waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Waaqica waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 56aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.