سورة الحديد
Suuradda Al-Xadiid oo af Soomaali ah
Birta
- 57
- 29 aayadood
- Madani
- Juz’ 27
- Bogagga 537–541
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Xadiid (الحديد) waa suuradda 57aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 29 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Birta”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 27.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Xadiid oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Xadiid oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ١
Sabbaha lillahi ma fee alssamawati waalardi wahuwa alʿazeezu alhakeemu
Waxaa xurmo weyneeya oo (ceeb iyo nuqsaan ka) hufa Alle Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada1. Waana Adkaadaha, Xikmadda Badan.
Sharaxa hoose
[1] Iyagoo ammaana oo caddeeya inuu ka hufan yahay xumaan oo dhan oo uusan laheyn xaas, ilmo, iyo shariig. -
لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ يُحْىِۦ وَيُمِيتُ ۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ٢
Lahu mulku alssamawati waalardi yuhyee wayumeetu wahuwa ʿala kulli shayin qadeerun
Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, wax nooleeya oo dhinsiiya; Isagaana wax walba Kara.
-
هُوَ ٱلْأَوَّلُ وَٱلْـَٔاخِرُ وَٱلظَّـٰهِرُ وَٱلْبَاطِنُ ۖ وَهُوَ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ٣
Huwa alawwalu waalakhiru waalththahiru waalbatinu wahuwa bikulli shayin ʿaleemun
Waa Isaga (Alle) Kan horreeyey iyo Kan dambeyn, iyo Kan ka sarreeya wax walba ee kor jira (samada, Carshigiisa dushiisa) iyo Kan Dhowaanshaha Badan. Isagaana Wax walba Ogsoon.
-
هُوَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ ٱسْتَوَىٰ عَلَى ٱلْعَرْشِ ۚ يَعْلَمُ مَا يَلِجُ فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا يَخْرُجُ مِنْهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعْرُجُ فِيهَا ۖ وَهُوَ مَعَكُمْ أَيْنَ مَا كُنتُمْ ۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ٤
Huwa allathee khalaqa alssamawati waalarda fee sittati ayyamin thumma istawa ʿala alʿarshi yaʿlamu ma yaliju fee alardi wama yakhruju minha wama yanzilu mina alssamai wama yaʿruju feeha wahuwa maʿakum ayna ma kuntum waAllahu bima taʿmaloona baseerun
Waa Isaga 'Alle' Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshigiisa. Wuxuu Og yahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa, iyo waxa ka soo dega cirka iyo waxa kor u fuula. Wuuna idinla jiraa meel aad joogtaanba1. Alle Wuu Arkaa waxaad fashaan.
Sharaxa hoose
[1] Wuxuu idinkula jiraa Cilmigiisa – isagoo ka kor ah cirarka, ka baxsan oo soocan uunkiisa, sidaas oy tahay wuu idin arkaa oo maqlaa oo awood dhan idinku dul leeyahay. -
لَّهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرْجَعُ ٱلْأُمُورُ٥
Lahu mulku alssamawati waalardi waila Allahi turjaʿu alomooru
Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada. Xagga Alle baa loo celiyaa umuuraha oo dhan.
-
يُولِجُ ٱلَّيْلَ فِى ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِى ٱلَّيْلِ ۚ وَهُوَ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ٦
Yooliju allayla fee alnnahari wayooliju alnnahara fee allayi wahuwa ʿaleemun bithati alssudoori
Wuxuu Habeenka dhex gashaa maalinta, maalintana dhex gashaa habeenka (macnaha kala badiyaa), wuuna Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
-
ءَامِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَأَنفِقُوا۟ مِمَّا جَعَلَكُم مُّسْتَخْلَفِينَ فِيهِ ۖ فَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنكُمْ وَأَنفَقُوا۟ لَهُمْ أَجْرٌ كَبِيرٌ٧
Aminoo biAllahi warasoolihi waanfiqoo mimma jaʿalakum mustakhlafeena feehi faallatheena amanoo minkum waanfaqoo lahum ajrun kabeerun
Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa (Nabi Muxammad) oo wax ka bixiya waxaa uu idiinka dhigay wakiillo (maamulkiisa); kuwaa idinka mid ah ee rumeeya (Alle) oo wax bixiya1 waxay leeyihiin Abaalgud Weyn (Jamno).
Sharaxa hoose
[1] Wax ku bixiya waxlaayaha raalli geliya Alle. -
وَمَا لَكُمْ لَا تُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ ۙ وَٱلرَّسُولُ يَدْعُوكُمْ لِتُؤْمِنُوا۟ بِرَبِّكُمْ وَقَدْ أَخَذَ مِيثَـٰقَكُمْ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ٨
Wama lakum la tuminoona biAllahi waalrrasoolu yadʿookum lituminoo birabbikum waqad akhatha meethaqakum in kuntum mumineena
Maxaad leedihiin oo aad la rumeyn weydeen Alle, isagoo Rasuulku (Nabi Muxammad) idiinku yeedho inaad rumeysaan Rabbigiin, Isagoo idinka qaaday ballan adag, haddaad tihiin mu’miniin.
-
هُوَ ٱلَّذِى يُنَزِّلُ عَلَىٰ عَبْدِهِۦٓ ءَايَـٰتٍۭ بَيِّنَـٰتٍ لِّيُخْرِجَكُم مِّنَ ٱلظُّلُمَـٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ ۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ بِكُمْ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ٩
Huwa allathee yunazzilu ʿala ʿabdihi ayatin bayyinatin liyukhrijakum mina alththulumati ila alnnoori wainna Allaha bikum laraoofun raheemun
Waa Alle Kan ku soo dejiya Aayado cad addoonkiisa (Nabi Muxammad) si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. Hubaal Alle waa idiin Turid iyo Naxariis Badan yahay.
-
وَمَا لَكُمْ أَلَّا تُنفِقُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلِلَّهِ مِيرَٰثُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ لَا يَسْتَوِى مِنكُم مَّنْ أَنفَقَ مِن قَبْلِ ٱلْفَتْحِ وَقَـٰتَلَ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَعْظَمُ دَرَجَةً مِّنَ ٱلَّذِينَ أَنفَقُوا۟ مِنۢ بَعْدُ وَقَـٰتَلُوا۟ ۚ وَكُلًّا وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلْحُسْنَىٰ ۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ١٠
Wama lakum alla tunfiqoo fee sabeeli Allahi walillahi meerathu alssamawati waalardi la yastawee minkum man anfaqa min qabli alfathi waqatala olaika aʿthamu darajatan mina allatheena anfaqoo min baʿdu waqataloo wakullan waʿada Allahu alhusna waAllahu bima taʿmaloona khabeerun
Maxaad leedihiin oo aad wax ugu bixin weydeen Jidka Alle? Alle baana leh dhaxalka samooyinka iyo arlada. Ma sinna kuwiinna wax bixiyey ka hor guusha iyo furashada (Makkah) oo diriray (iyo kuwiinna sidaa falay waa' dambe). Kuwaasi (hore) baa ka sarreeya darajo ahaan kuwa wax bixiyey oo diriray kaddib. Alle wuxuu u yaboohay (abaalgud) wanaagsan intaba. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
-
مَّن ذَا ٱلَّذِى يُقْرِضُ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا فَيُضَـٰعِفَهُۥ لَهُۥ وَلَهُۥٓ أَجْرٌ كَرِيمٌ١١
Man tha allathee yuqridu Allaha qardan hasanan fayudaʿifahu lahu walahu ajrun kareemun
Waa kuma kan amaahinaya Alle amaah wanaagsan1, markaas uu u labolaabo (ajarka), wuxuuna siin abaalgud wanaagsan (Janno).
Sharaxa hoose
[1] Sadaqo bixin ama deyn siin cid baahan kor saar la'aan. -
يَوْمَ تَرَى ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَـٰتِ يَسْعَىٰ نُورُهُم بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَـٰنِهِم بُشْرَىٰكُمُ ٱلْيَوْمَ جَنَّـٰتٌ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ١٢
Yawma tara almumineena waalmuminati yasʿa nooruhum bayna aydeehim wabiaymanihim bushrakumu alyawma jannatun tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha thalika huwa alfawzu alʿatheemu
Maalinta aad arki mu’miniinta iyo mu’minooyinka - nuurkoodu socdo hortooda iyo midigtoodaba: ku bishaareysta Maanta Jannooyin (Beero) ay webiyadu hoos qul-qulaan, iyagoo ku waaraya dhexdeeda (weligood). (Arrin)kaasi waa Liibaanta Weyn.
-
يَوْمَ يَقُولُ ٱلْمُنَـٰفِقُونَ وَٱلْمُنَـٰفِقَـٰتُ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱنظُرُونَا نَقْتَبِسْ مِن نُّورِكُمْ قِيلَ ٱرْجِعُوا۟ وَرَآءَكُمْ فَٱلْتَمِسُوا۟ نُورًا فَضُرِبَ بَيْنَهُم بِسُورٍ لَّهُۥ بَابٌۢ بَاطِنُهُۥ فِيهِ ٱلرَّحْمَةُ وَظَـٰهِرُهُۥ مِن قِبَلِهِ ٱلْعَذَابُ١٣
Yawma yaqoolu almunafiqoona waalmunafiqatu lillatheena amanoo onthuroona naqtabis min noorikum qeela irjiʿoo waraakum failtamisoo nooran faduriba baynahum bisoorin lahu babun batinuhu feehi alrrahmatu wathahiruhu min qibalihi alʿathabu
Maalinta ay munaafiqiinta iyo munaa- fiqooyinka ku odhan doonaan mu’miniinta: Na suga oo noo oggolaada inaan wax ka qaadanno nuurkiinna. Waxaa la odhan: Dib ugu noqda gadaashiinna1. Markaas dalba nuur. Markaas baa xannib la yeeli dhexdooda, derbi leh albaab. Gudahiisa yahay naxariis, xaggiisa debedda ahna cadaab.
Sharaxa hoose
[1] U noqda halka laga helayey nuurka waa noloshii adduunka. -
يُنَادُونَهُمْ أَلَمْ نَكُن مَّعَكُمْ ۖ قَالُوا۟ بَلَىٰ وَلَـٰكِنَّكُمْ فَتَنتُمْ أَنفُسَكُمْ وَتَرَبَّصْتُمْ وَٱرْتَبْتُمْ وَغَرَّتْكُمُ ٱلْأَمَانِىُّ حَتَّىٰ جَآءَ أَمْرُ ٱللَّهِ وَغَرَّكُم بِٱللَّهِ ٱلْغَرُورُ١٤
Yunadoonahum alam nakun maʿakum qaloo bala walakinnakum fatantum anfusakum watarabbastum wairtabtum wagharratkumu alamaniyyu hatta jaa amru Allahi wagharrakum biAllahi algharooru
Way u dhawaaqi (iyagoo leh): Sow ma aanan aheyn la jirkiinna? Waxay odhan: Haayoo, waxaadse balayseen nafahiinna1, oo sugteen oo shakideen, waxaana idin hoday hawooyin been ah jeer cadaabkii Alle idinku gooddiyey yimid, isagoo kan hodidda iyo dhagarta badan (Shaydaan) idinka hoday xagga Alle.
Sharaxa hoose
[1] Ku beleyseen munaafqinimo ama ku dhicitaan fidnooyinka. -
فَٱلْيَوْمَ لَا يُؤْخَذُ مِنكُمْ فِدْيَةٌ وَلَا مِنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ۚ مَأْوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ ۖ هِىَ مَوْلَىٰكُمْ ۖ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ١٥
Faalyawma la yukhathu minkum fidyatun wala mina allatheena kafaroo mawakumu alnnaru hiya mawlakum wabisa almaseeru
Maanta la idinkama aqbalo is furasho idinka (munaafiqiinta ah) iyo kuwa gaaloobay midna. Hoygiinnu waa Naarta, waa iyada mudankiinna, waana halka u xun meel la ahaado.
-
۞ أَلَمْ يَأْنِ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَن تَخْشَعَ قُلُوبُهُمْ لِذِكْرِ ٱللَّهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ ٱلْحَقِّ وَلَا يَكُونُوا۟ كَٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ مِن قَبْلُ فَطَالَ عَلَيْهِمُ ٱلْأَمَدُ فَقَسَتْ قُلُوبُهُمْ ۖ وَكَثِيرٌ مِّنْهُمْ فَـٰسِقُونَ١٦
Alam yani lillatheena amanoo an takhshaʿa quloobuhum lithikri Allahi wama nazala mina alhaqqi wala yakoonoo kaallatheena ootoo alkitaba min qablu fatala ʿalayhimu alamadu faqasat quloobuhum wakatheerun minhum fasiqoona
Miyaanan la joogin waqtigii quluubta kuwa (Xaqa) rumeeyey ay u khushuucaan Xuska Alle iyo waxa loo soo dejiyey oo Xaqa ah (Qur'aanka)? oo ayan la mid noqonin kuwii la siiyey Kitaabka awal hore (Yuhuudda iyo Nasaarada) oo muddadu ku dheeraatay sidaa darteed quluubtoodu noqdeen kuwo adag 'sida dhagax'? In badan oo ka mid ahna waa caasiyaal.
-
ٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ يُحْىِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا ۚ قَدْ بَيَّنَّا لَكُمُ ٱلْـَٔايَـٰتِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ١٧
Iʿlamoo anna Allaha yuhyee alarda baʿda mawtiha qad bayyanna lakumu alayati laʿallakum taʿqiloona
Ogaada inuu Allaah siiyo nolol arlada dhimashadeeda kaddib1. Waan idiin caddeynay Aayadaha si aad u fahantaan.
Sharaxa hoose
[1] In sidoo kale Allaah Subxaanahu watacaalaa uu nooleyn karo qalbiga kaddib markuu noqday mid adag oo hanuunin karo qof horey u lunsanaa. -
إِنَّ ٱلْمُصَّدِّقِينَ وَٱلْمُصَّدِّقَـٰتِ وَأَقْرَضُوا۟ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا يُضَـٰعَفُ لَهُمْ وَلَهُمْ أَجْرٌ كَرِيمٌ١٨
Inna almussaddiqeena waalmussaddiqati waaqradoo Allaha qardan hasanan yudaʿafu lahum walahum ajrun kareemun
Ragga iyo haweenka wax sadaqaysta ee amaahiya Alle amaah wanaagsan, waa loo labo-laabi (ajarka) waxayna xaqiiq leeyihiin Abaal gud Wanaagsan (Janno).
-
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦٓ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلصِّدِّيقُونَ ۖ وَٱلشُّهَدَآءُ عِندَ رَبِّهِمْ لَهُمْ أَجْرُهُمْ وَنُورُهُمْ ۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَآ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلْجَحِيمِ١٩
Waallatheena amanoo biAllahi warusulihi olaika humu alssiddeeqoona waalshshuhadao ʿinda rabbihim lahum ajruhum wanooruhum waallatheena kafaroo wakaththaboo biayatina olaika ashabu aljaheemi
Kuwa rumeeyey Allaah iyo Rusushiisa, Kuwaasu weeye run badnayaasha1, shuhadaduna Rabbigood xaggiis waxay ka heli abaalgudkooda iyo nuurkooda. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, kuwaasi waa ehlu Naarka.
Sharaxa hoose
[1] Tafsiir kale oo sax ah waxaa weeye: Oo kuwaa rumeysan Allaah iyo Rusushiisa kuwaas weeye run badnayaasha iyo markhaatiyada Rabbigood agtiis. -
ٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّمَا ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا لَعِبٌ وَلَهْوٌ وَزِينَةٌ وَتَفَاخُرٌۢ بَيْنَكُمْ وَتَكَاثُرٌ فِى ٱلْأَمْوَٰلِ وَٱلْأَوْلَـٰدِ ۖ كَمَثَلِ غَيْثٍ أَعْجَبَ ٱلْكُفَّارَ نَبَاتُهُۥ ثُمَّ يَهِيجُ فَتَرَىٰهُ مُصْفَرًّا ثُمَّ يَكُونُ حُطَـٰمًا ۖ وَفِى ٱلْـَٔاخِرَةِ عَذَابٌ شَدِيدٌ وَمَغْفِرَةٌ مِّنَ ٱللَّهِ وَرِضْوَٰنٌ ۚ وَمَا ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَآ إِلَّا مَتَـٰعُ ٱلْغُرُورِ٢٠
Iʿlamoo annama alhayatu alddunya laʿibun walahwun wazeenatun watafakhurun baynakum watakathurun fee alamwali waalawladi kamathali ghaythin aʿjaba alkuffara nabatuhu thumma yaheeju fatarahu musfarran thumma yakoonu hutaman wafee alakhirati ʿathabun shadeedun wamaghfiratun mina Allahi waridwanun wama alhayatu alddunya illa mataʿu alghuroori
Ogaada inay nolosha adduunkan tahay cayaar, madaddaalo, isqurxin, isu faan dhexdiinna iyo ku tartan badsiga maal iyo carruur, waa sida roobka soo saara naqa, bixiddiisuna tahay mid farax gelisa beeroleyda; markaasna engaga oo aad arki isagoo doorsoomayoo caddaaday, markaas noqon xaabo burbur ah. Aakhirose (waxaa jira) cadaab daran ama denbi dhaaf xagga Alle iyo Raallinnimadiisa. Nolosha adduunyana ma aha waxaan ahayn raaxo lagu dagmo.
-
سَابِقُوٓا۟ إِلَىٰ مَغْفِرَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا كَعَرْضِ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ أُعِدَّتْ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ ۚ ذَٰلِكَ فَضْلُ ٱللَّهِ يُؤْتِيهِ مَن يَشَآءُ ۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلْفَضْلِ ٱلْعَظِيمِ٢١
Sabiqoo ila maghfiratin min rabbikum wajannatin ʿarduha kaʿardi alssamai waalardi oʿiddat lillatheena amanoo biAllahi warusulihi thalika fadlu Allahi yuteehi man yashao waAllahu thoo alfadli alʿatheemi
U degdega denbi dhaaf ah xagga Rabbigiin iyo Janno ballaceedu yahay ballaca cirka iyo dhulka, loo diyaariyey kuwa rumeysan Allaah iyo Rusushiisa. Kaasi waa Galladda Alle uu siiyo cidduu doono. Alle waa Kan leh Galladda Weyn.
-
مَآ أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا فِىٓ أَنفُسِكُمْ إِلَّا فِى كِتَـٰبٍ مِّن قَبْلِ أَن نَّبْرَأَهَآ ۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٌ٢٢
Ma asaba min museebatin fee alardi wala fee anfusikum illa fee kitabin min qabli an nabraaha inna thalika ʿala Allahi yaseerun
Ma jirto masiibo ku dhacda dhulka ama nafahiinna oo aan ku qornayn Kitaab1, ka hor inta aanu keenin ifka. Hubaal, arrinkaasi waa wax u fudud Alle.
Sharaxa hoose
[1] Looxa Maxfuudka. -
لِّكَيْلَا تَأْسَوْا۟ عَلَىٰ مَا فَاتَكُمْ وَلَا تَفْرَحُوا۟ بِمَآ ءَاتَىٰكُمْ ۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍ فَخُورٍ٢٣
Likayla tasaw ʿala ma fatakum wala tafrahoo bima atakum waAllahu la yuhibbu kulla mukhtalin fakhoorin
Si aydaan uga murugoon wixii idin seega, uguna aydaan farax taraarin wuxuu idin siiyo. Alle ma jecla mid kastoo isla weyn, faan badan.
-
ٱلَّذِينَ يَبْخَلُونَ وَيَأْمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلْبُخْلِ ۗ وَمَن يَتَوَلَّ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْغَنِىُّ ٱلْحَمِيدُ٢٤
Allatheena yabkhaloona wayamuroona alnnasa bialbukhli waman yatawalla fainna Allaha huwa alghaniyyu alhameedu
Kuwa ah bakhayllada - amrana dadka bakhaylnimo. Qofkii (Xaqa ka) jeesadana, hubaal Alle waa Hodanka Deeqtoon, Ammaanan.
-
لَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا بِٱلْبَيِّنَـٰتِ وَأَنزَلْنَا مَعَهُمُ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْمِيزَانَ لِيَقُومَ ٱلنَّاسُ بِٱلْقِسْطِ ۖ وَأَنزَلْنَا ٱلْحَدِيدَ فِيهِ بَأْسٌ شَدِيدٌ وَمَنَـٰفِعُ لِلنَّاسِ وَلِيَعْلَمَ ٱللَّهُ مَن يَنصُرُهُۥ وَرُسُلَهُۥ بِٱلْغَيْبِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِىٌّ عَزِيزٌ٢٥
Laqad arsalna rusulana bialbayyinati waanzalna maʿahumu alkitaba waalmeezana liyaqooma alnnasu bialqisti waanzalna alhadeeda feehi basun shadeedun wamanafiʿu lilnnasi waliyaʿlama Allahu man yansuruhu warusulahu bialghaybi inna Allaha qawiyyun ʿazeezun
Waxaan dhab ahaan la soo dirnay Rusushayada xujooyin cad cad, lana soo dejinnay Kitaabka iyo Miisaanka (caddaaladda), si ay dadku ugu wada dhaqmaan caddaalad. Waxaana soo dejinnay birta oo shiddo weyni ku jirto iyo manaafacaad dadka1, iyo inuu Alle muujiyo kan u gargaari (Diinta) iyo Rusushiisa iyagoon arag. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaade ah.
Sharaxa hoose
[1] Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: “Ogaada in Jannadu tahay seefaha hoostooda”. -
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا وَإِبْرَٰهِيمَ وَجَعَلْنَا فِى ذُرِّيَّتِهِمَا ٱلنُّبُوَّةَ وَٱلْكِتَـٰبَ ۖ فَمِنْهُم مُّهْتَدٍ ۖ وَكَثِيرٌ مِّنْهُمْ فَـٰسِقُونَ٢٦
Walaqad arsalna noohan waibraheema wajaʿalna fee thurriyyatihima alnnubuwwata waalkitaba faminhum muhtadin wakatheerun minhum fasiqoona
Waxaan dhab ahaan soo dirnay Nuux iyo Ibraahiim, waxaana ka yeellay ubadkooda dhexdooda Nabinnimada iyo Kitaabka, waxaa ka mid ah kuwo hanuunay, in badani oo ka mid ahina waa caasiyaal.
-
ثُمَّ قَفَّيْنَا عَلَىٰٓ ءَاثَـٰرِهِم بِرُسُلِنَا وَقَفَّيْنَا بِعِيسَى ٱبْنِ مَرْيَمَ وَءَاتَيْنَـٰهُ ٱلْإِنجِيلَ وَجَعَلْنَا فِى قُلُوبِ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُ رَأْفَةً وَرَحْمَةً وَرَهْبَانِيَّةً ٱبْتَدَعُوهَا مَا كَتَبْنَـٰهَا عَلَيْهِمْ إِلَّا ٱبْتِغَآءَ رِضْوَٰنِ ٱللَّهِ فَمَا رَعَوْهَا حَقَّ رِعَايَتِهَا ۖ فَـَٔاتَيْنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنْهُمْ أَجْرَهُمْ ۖ وَكَثِيرٌ مِّنْهُمْ فَـٰسِقُونَ٢٧
Thumma qaffayna ʿala atharihim birusulina waqaffayna biʿeesa ibni maryama waataynahu alinjeela wajaʿalna fee quloobi allatheena ittabaʿoohu rafatan warahmatan warahbaniyyatan ibtadaʿooha ma katabnaha ʿalayhim illa ibtighaa ridwani Allahi fama raʿawha haqqa riʿayatiha faatayna allatheena amanoo minhum ajrahum wakatheerun minhum fasiqoona
Markaasaan raacinnay raadadkoodii Rusushayada, Waxaana raacinnay Ciise, wiilkii Maryam, oo siinnay Injiilka. Waxaana yeellay quluubta kuwii raacay isu danqasho iyo naxariis. Suufinnimadase 'adduun ka jeedsiga'1 iyagaa unkaday oo billowday, Annagu kuma aan waajibin, waxay uun u faleen doonidda raalli ahaanshaha Alle darteed, mase ayan ilaalin dowgii ay laheyd. Markaa baan waxaan siinnay kuwoodii ka mid ahaa ee rumeeyey abaalgudkooda, intooda badanse waa caasiyaal.
Sharaxa hoose
[1] Waa inayan xaas yeelan, oo iska caagaan, oo dhinac kaga baxaan dadka oo iska joogaan kaniisadda. -
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَءَامِنُوا۟ بِرَسُولِهِۦ يُؤْتِكُمْ كِفْلَيْنِ مِن رَّحْمَتِهِۦ وَيَجْعَل لَّكُمْ نُورًا تَمْشُونَ بِهِۦ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ۚ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ٢٨
Ya ayyuha allatheena amanoo ittaqoo Allaha waaminoo birasoolihi yutikum kiflayni min rahmatihi wayajʿal lakum nooran tamshoona bihi wayaghfir lakum waAllahu ghafoorun raheemun
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (amarrada) Alle oo rumeeya Rasuulkiisa, Wuxuu (Alle) idin siin labo saami oo Naxariistiisa ah, idiinna yeeli Nuur aad ugu socon (si toosan) oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
-
لِّئَلَّا يَعْلَمَ أَهْلُ ٱلْكِتَـٰبِ أَلَّا يَقْدِرُونَ عَلَىٰ شَىْءٍ مِّن فَضْلِ ٱللَّهِ ۙ وَأَنَّ ٱلْفَضْلَ بِيَدِ ٱللَّهِ يُؤْتِيهِ مَن يَشَآءُ ۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلْفَضْلِ ٱلْعَظِيمِ٢٩
Lialla yaʿlama ahlu alkitabi alla yaqdiroona ʿala shayin min fadli Allahi waanna alfadla biyadi Allahi yuteehi man yashao waAllahu thoo alfadli alʿatheemi
Si ay ehlu-Kitaabku u ogaadaan inaysan hayn waxna ka mid ah Galladda Alle, iyo in Gallad oo dhan ay ku jirto Gacanta Alle1, wuxuu siiyaa cidduu doono. Alle waa Rabbiga leh Galladda Weyn.
Sharaxa hoose
[1] Gacanta Alle : Alle kor ahaaye wuxuu ku caddeeyey Qur’aanka inuu leeyahay tilmaamo gaar ah sida maqal, arag, labo indhood, weji, labo gacmood, sacabbo, faro, labo lugood, cago, inuu qoslo, cadhoodo, wax jeclaado, wax naco, wax karho, iwm. Iyadoo taasi jirto buu iska fogeeyey inuu yahay mid ay suureysan karaan aadmiga, oo wax la mid ah ma jiraan waana Isaga Maqal Badanaha, arkidda Badan, sidaas oy tahay waa in loo qiro tilmaamaha u sheegtay Alle ama Rasuulkiisu uu sheegay inuu leeyahay.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Xadiid?
Macnaha Al-Xadiid waa “Birta”.
Suuradda Al-Xadiid juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Xadiid waxay ku jirtaa juz’ 27.
Suuradda Al-Xadiid immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Xadiid waxay leedahay 29 aayadood.
Suuradda Al-Xadiid ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Xadiid waa suurad Madani ah.
Suuradda Al-Xadiid waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 57aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.