سورة القمر
Suuradda Al-Qamar oo af Soomaali ah
Dayaxa
- 54
- 55 aayadood
- Makki
- Juz’ 27
- Bogagga 528–531
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Qamar (القمر) waa suuradda 54aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 55 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Dayaxa”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 27.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Qamar oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Qamar oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
ٱقْتَرَبَتِ ٱلسَّاعَةُ وَٱنشَقَّ ٱلْقَمَرُ١
Iqtarabati alssaʿatu wainshaqqa alqamaru
Saacadda (Qiyaame) way soo dhowaatay, dayaxiina wuxuu u kala dhanbalmay labo gabal1.
Sharaxa hoose
[1] Tani waxay aheyd calaamo mucjisad ah uu Alle siiyey Nabi Muxammad s.c.w. markay Quraysh ka dalbeen inuu tusiyo mucjiso. -
وَإِن يَرَوْا۟ ءَايَةً يُعْرِضُوا۟ وَيَقُولُوا۟ سِحْرٌ مُّسْتَمِرٌّ٢
Wain yaraw ayatan yuʿridoo wayaqooloo sihrun mustamirrun
Hadday (gaaladu) arkaan mucjiso (xag Alle ah) waxay u jeestaan dhinac oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan.
-
وَكَذَّبُوا۟ وَٱتَّبَعُوٓا۟ أَهْوَآءَهُمْ ۚ وَكُلُّ أَمْرٍ مُّسْتَقِرٌّ٣
Wakaththaboo waittabaʿoo ahwaahum wakullu amrin mustaqirrun
Waxay beeniyeen (Xaqa) oo raaceen hawadooda. Arrin kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado.
-
وَلَقَدْ جَآءَهُم مِّنَ ٱلْأَنۢبَآءِ مَا فِيهِ مُزْدَجَرٌ٤
Walaqad jaahum mina alanbai ma feehi muzdajarun
Waxaana dhab ahaan u yimid warar ku dheehan waano (iyo digniino).
-
حِكْمَةٌۢ بَـٰلِغَةٌ ۖ فَمَا تُغْنِ ٱلنُّذُرُ٥
Hikmatun balighatun fama tughnee alnnuthuru
Xikmad xeel dheer; maxayse u tartaa digidi (xaq diid).
-
فَتَوَلَّ عَنْهُمْ ۘ يَوْمَ يَدْعُ ٱلدَّاعِ إِلَىٰ شَىْءٍ نُّكُرٍ٦
Fatawalla ʿanhum yawma yadʿu alddaʿi ila shayin nukurin
Ee iskaga jeeso (Nabi Muxammadow); (oo dhowr) Maalinka uu baaquhu ugu baaqi wax daran1.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa la yidhi waa malag ugu yeedhi dadka xisaab iyo garsoor. -
خُشَّعًا أَبْصَـٰرُهُمْ يَخْرُجُونَ مِنَ ٱلْأَجْدَاثِ كَأَنَّهُمْ جَرَادٌ مُّنتَشِرٌ٧
Khushshaʿan absaruhum yakhrujoona mina alajdathi kaannahum jaradun muntashirun
Iyagoo arag dulleysan, waxay ka soo baxayaan qubuurahooda iyagoo la moodo ayax faafay.
-
مُّهْطِعِينَ إِلَى ٱلدَّاعِ ۖ يَقُولُ ٱلْكَـٰفِرُونَ هَـٰذَا يَوْمٌ عَسِرٌ٨
Muhtiʿeena ila alddaʿi yaqoolu alkafiroona hatha yawmun ʿasirun
U degdegaya dhinaca baaqaha, gaaladu waxay odhan: Kani waa Maalin daran.
-
۞ كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ فَكَذَّبُوا۟ عَبْدَنَا وَقَالُوا۟ مَجْنُونٌ وَٱزْدُجِرَ٩
Kaththabat qablahum qawmu noohin fakaththaboo ʿabdana waqaloo majnoonun waizdujira
Waxaa (Xaqa) beeniyey iyaga hortood Qolodii Nuux, waxay beeniyeen addoonkayagii (Nuux) oo yidhaahdeen: waa jinnoole, oo la handaday.
-
فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنِّى مَغْلُوبٌ فَٱنتَصِرْ١٠
Fadaʿa rabbahu annee maghloobun faintasir
Markaasuu baryey Rabbigi (isagoo leh): Waa la iga adkaadaye ii soo hiilli.
-
فَفَتَحْنَآ أَبْوَٰبَ ٱلسَّمَآءِ بِمَآءٍ مُّنْهَمِرٍ١١
Fafatahna abwaba alssamai bimain munhamirin
Markaasaan ka soo furnay albaabadii daruuraha biyo da’aya oo badan.
-
وَفَجَّرْنَا ٱلْأَرْضَ عُيُونًا فَٱلْتَقَى ٱلْمَآءُ عَلَىٰٓ أَمْرٍ قَدْ قُدِرَ١٢
Wafajjarna alarda ʿuyoonan failtaqa almao ʿala amrin qad qudira
Kana soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah), markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray .
-
وَحَمَلْنَـٰهُ عَلَىٰ ذَاتِ أَلْوَٰحٍ وَدُسُرٍ١٣
Wahamalnahu ʿala thati alwahin wadusurin
Waxaana (Nuux) ku qaadnay (Doonni) laga sameeyey Alwaax iyo masaamiir.
-
تَجْرِى بِأَعْيُنِنَا جَزَآءً لِّمَن كَانَ كُفِرَ١٤
Tajree biaʿyunina jazaan liman kana kufira
Ku socota indhahayaga hortood (waxaana harqinnay gaaladii) ka jaazeyn gaalnimadooda (iyo u hiillin ahaan Nuux).
-
وَلَقَد تَّرَكْنَـٰهَآ ءَايَةً فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ١٥
Walaqad taraknaha ayatan fahal min muddakirin
Waxaana uga tagnay si ay u ahaato Calaamad (lagu waantoobo), ee ma jiraa mid ku waantoobi?
-
فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ١٦
Fakayfa kana ʿathabee wanuthuri
Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii?
-
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ١٧
Walaqad yassarna alqurana lilththikri fahal min muddakirin
Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
-
كَذَّبَتْ عَادٌ فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ١٨
Kaththabat ʿadun fakayfa kana ʿathabee wanuthuri
Reer Caad waxay beeniyeen (Xaqa), ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
-
إِنَّآ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًا صَرْصَرًا فِى يَوْمِ نَحْسٍ مُّسْتَمِرٍّ١٩
Inna arsalna ʿalayhim reehan sarsaran fee yawmi nahsin mustamirrin
Waxaan ku soo dirnay dushood dabeyl qabow badan maalin baaskeedu is daba joogo.
-
تَنزِعُ ٱلنَّاسَ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ مُّنقَعِرٍ٢٠
Tanziʿu alnnasa kaannahum aʿjazu nakhlin munqaʿirin
Iyadoo u majaxaabineysa dadka1 sida inay ahaayeen geedo timir jirriddoodii la rujiyey.
Sharaxa hoose
[1] Ka soo bixineysa halkay ku gabbanaayeen. -
فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ٢١
Fakayfa kana ʿathabee wanuthuri
Ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
-
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ٢٢
Walaqad yassarna alqurana lilththikri fahal min muddakirin
Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
-
كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِٱلنُّذُرِ٢٣
Kaththabat thamoodu bialnnuthuri
Reer Thamuud waxay beeniyeen digniinihii.
-
فَقَالُوٓا۟ أَبَشَرًا مِّنَّا وَٰحِدًا نَّتَّبِعُهُۥٓ إِنَّآ إِذًا لَّفِى ضَلَـٰلٍ وَسُعُرٍ٢٤
Faqaloo abasharan minna wahidan nattabiʿuhu inna ithan lafee dalalin wasuʿurin
Waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya oo naga mid ah (Saalix) yaan raaceynaa, markaas waxaanu ku sugannahay habow iyo heehaab (waalli).
-
أَءُلْقِىَ ٱلذِّكْرُ عَلَيْهِ مِنۢ بَيْنِنَا بَلْ هُوَ كَذَّابٌ أَشِرٌ٢٥
Aolqiya alththikru ʿalayhi min baynina bal huwa kaththabun ashirun
Ma waxaa Wacdiga lagu soo dejiyey isaga oo nalaga dhex doortay? Mayee, waa beenlow isla weyn1.
Sharaxa hoose
[1] Waxay ula jeedaan Nabi Saalix. -
سَيَعْلَمُونَ غَدًا مَّنِ ٱلْكَذَّابُ ٱلْأَشِرُ٢٦
Sayaʿlamoona ghadan mani alkaththabu alashiru
Berri bay ogaan, waa kee beenalaha, islaweynaha ah?
-
إِنَّا مُرْسِلُوا۟ ٱلنَّاقَةِ فِتْنَةً لَّهُمْ فَٱرْتَقِبْهُمْ وَٱصْطَبِرْ٢٧
Inna mursiloo alnnaqati fitnatan lahum fairtaqibhum waistabir
Waxaan soo direynaa Hal lagu imtixaani ee sug oo samir yeelo1.
Sharaxa hoose
[1] Aayaddan iyo tan xigta waxay ku socdaan Saalix c.s. -
وَنَبِّئْهُمْ أَنَّ ٱلْمَآءَ قِسْمَةٌۢ بَيْنَهُمْ ۖ كُلُّ شِرْبٍ مُّحْتَضَرٌ٢٨
Wanabbihum anna almaa qismatun baynahum kullu shirbin muhtadarun
U sheeg in biyuhu yihiin qayb iyo kaltan dhexdooda ah, mid walbaa leeyahay cabbid maalin gaar ah.
-
فَنَادَوْا۟ صَاحِبَهُمْ فَتَعَاطَىٰ فَعَقَرَ٢٩
Fanadaw sahibahum fataʿata faʿaqara
Waxayse u dhawaaqeen saaxiibkood1 oo soo qaatay (seef) oo boqna gooyey hashii (oo dilay).
Sharaxa hoose
[1] Habaar qabe Qudaar. -
فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ٣٠
Fakayfa kana ʿathabee wanuthuri
Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
-
إِنَّآ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ صَيْحَةً وَٰحِدَةً فَكَانُوا۟ كَهَشِيمِ ٱلْمُحْتَظِرِ٣١
Inna arsalna ʿalayhim sayhatan wahidatan fakanoo kahasheemi almuhtathiri
Waxaan ku soo dirnay dushooda dhawaaq keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo.
-
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ٣٢
Walaqad yassarna alqurana lilththikri fahal min muddakirin
Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
-
كَذَّبَتْ قَوْمُ لُوطٍۭ بِٱلنُّذُرِ٣٣
Kaththabat qawmu lootin bialnnuthuri
Qoonkii Luud baa beeniyey digniinihii.
-
إِنَّآ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ حَاصِبًا إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ ۖ نَّجَّيْنَـٰهُم بِسَحَرٍ٣٤
Inna arsalna ʿalayhim hasiban illa ala lootin najjaynahum bisaharin
Waxaan ku dirnay dushooda dabeyl dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waan badbaadinnay waaberiga hortiis.
-
نِّعْمَةً مِّنْ عِندِنَا ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِى مَن شَكَرَ٣٥
Niʿmatan min ʿindina kathalika najzee man shakara
Nicmo Xaggayaga ah, sidaasoo kale baan u abaal marinnaa qofkii (Alle) mahdiya.
-
وَلَقَدْ أَنذَرَهُم بَطْشَتَنَا فَتَمَارَوْا۟ بِٱلنُّذُرِ٣٦
Walaqad antharahum batshatana fatamaraw bialnnuthuri
Wuxuu (Luud) uga digay qolodiisii Qabashadayada daran, wayse ka doodeen oo shakiyeen digniinihii.
-
وَلَقَدْ رَٰوَدُوهُ عَن ضَيْفِهِۦ فَطَمَسْنَآ أَعْيُنَهُمْ فَذُوقُوا۟ عَذَابِى وَنُذُرِ٣٧
Walaqad rawadoohu ʿan dayfihi fatamasna aʿyunahum fathooqoo ʿathabee wanuthuri
Oo waxay dhab ahaan dooneen inay martidiisii (faro xumeeyaan) markaasaan indha tirray ee dhadhamiya cadaabkeyga iyo digniinaheyga.
-
وَلَقَدْ صَبَّحَهُم بُكْرَةً عَذَابٌ مُّسْتَقِرٌّ٣٨
Walaqad sabbahahum bukratan ʿathabun mustaqirrun
Waxaana ku waabariistay aroortiiba cadaab sugan.
-
فَذُوقُوا۟ عَذَابِى وَنُذُرِ٣٩
Fathooqoo ʿathabee wanuthuri
Ee dhadhamiya Cadaabkeyga iyo Digniinaheyga.
-
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ٤٠
Walaqad yassarna alqurana lilththikri fahal min muddakirin
Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
-
وَلَقَدْ جَآءَ ءَالَ فِرْعَوْنَ ٱلنُّذُرُ٤١
Walaqad jaa ala firʿawna alnnuthuru
Waxaa u yimid qoladii Fircoon digniino.
-
كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا كُلِّهَا فَأَخَذْنَـٰهُمْ أَخْذَ عَزِيزٍ مُّقْتَدِرٍ٤٢
Kaththaboo biayatina kulliha faakhathnahum akhtha ʿazeezin muqtadirin
Waxay beeniyeen Aayadahayagii oo dhan, markaasaan qabannay Qabasho Awood Badane, Karaan Badan.
-
أَكُفَّارُكُمْ خَيْرٌ مِّنْ أُو۟لَـٰٓئِكُمْ أَمْ لَكُم بَرَآءَةٌ فِى ٱلزُّبُرِ٤٣
Akuffarukum khayrun min olaikum am lakum baraatun fee alzzuburi
Ma gaaladiinnan baa ka khayr badan kuwaas mise ma waxaad heysataan cafis idiinku qoran Kutabahayaga?
-
أَمْ يَقُولُونَ نَحْنُ جَمِيعٌ مُّنتَصِرٌ٤٤
Am yaqooloona nahnu jameeʿun muntasirun
Mise ma waxay leeyihiin: Waxaanu nahay ciidan dhan oo guuleysan.
-
سَيُهْزَمُ ٱلْجَمْعُ وَيُوَلُّونَ ٱلدُّبُرَ٤٥
Sayuhzamu aljamʿu wayuwalloona alddubura
Waa la jabin ciidankooda, dabadayna jeedin.
-
بَلِ ٱلسَّاعَةُ مَوْعِدُهُمْ وَٱلسَّاعَةُ أَدْهَىٰ وَأَمَرُّ٤٦
Bali alssaʿatu mawʿiduhum waalssaʿatu adha waamarru
Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo kharaar.
-
إِنَّ ٱلْمُجْرِمِينَ فِى ضَلَـٰلٍ وَسُعُرٍ٤٧
Inna almujrimeena fee dalalin wasuʿurin
Hubaal kuwa denbiilayaasha ah waxay ku sugan yihiin habow (adduunka), Aakhirona dhex ahaan dab ololaya.
-
يَوْمَ يُسْحَبُونَ فِى ٱلنَّارِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمْ ذُوقُوا۟ مَسَّ سَقَرَ٤٨
Yawma yushaboona fee alnnari ʿala wujoohihim thooqoo massa saqara
Maalinka marka wejiyadooda lagu dhex jiidi Naarta (waxaa lagu odhan): Dhadhamiya taabashada Naarta.
-
إِنَّا كُلَّ شَىْءٍ خَلَقْنَـٰهُ بِقَدَرٍ٤٩
Inna kulla shayin khalaqnahu biqadarin
Waxaan ku abuurnay wax kasta Qaddar.
-
وَمَآ أَمْرُنَآ إِلَّا وَٰحِدَةٌ كَلَمْحٍۭ بِٱلْبَصَرِ٥٠
Wama amruna illa wahidatun kalamhin bialbasari
Amarkayaguna ma aha waxaan ahayn sida ilbiriqsi.
-
وَلَقَدْ أَهْلَكْنَآ أَشْيَاعَكُمْ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ٥١
Walaqad ahlakna ashyaʿakum fahal min muddakirin
Waxaan dhab ahaan horay u hallignay kuwii idin la midka ahaa ee ma jiraan mid uun ku waantoobi?
-
وَكُلُّ شَىْءٍ فَعَلُوهُ فِى ٱلزُّبُرِ٥٢
Wakullu shayin faʿaloohu fee alzzuburi
Wax kastoo ay faleenna waxay ku yaalliin kutubta (camalladooda).
-
وَكُلُّ صَغِيرٍ وَكَبِيرٍ مُّسْتَطَرٌ٥٣
Wakullu sagheerin wakabeerin mustatarun
Wax walibana yar iyo weyn waxay ku yaalliin (Looxa Maxfuudka).
-
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّـٰتٍ وَنَهَرٍ٥٤
Inna almuttaqeena fee jannatin wanaharin
Hubaal kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo xumaha) waxay ku sugnaan beero iyo webiyo (Janno).
-
فِى مَقْعَدِ صِدْقٍ عِندَ مَلِيكٍ مُّقْتَدِرٍۭ٥٥
Fee maqʿadi sidqin ʿinda maleekin muqtadirin
Fadhi sharfeed run ah oo (Allaah) Boqorka Awooda wax walba agtiisa ah.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Qamar?
Macnaha Al-Qamar waa “Dayaxa”.
Suuradda Al-Qamar juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Qamar waxay ku jirtaa juz’ 27.
Suuradda Al-Qamar immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Qamar waxay leedahay 55 aayadood.
Suuradda Al-Qamar ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Qamar waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Qamar waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 54aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.