سورة الطور

Suuradda Ad-Duur oo af Soomaali ah

Buurta

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Ad-Duur (الطور) waa suuradda 52aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 49 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Buurta”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 27.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Ad-Duur oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Ad-Duur oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. وَٱلطُّورِ۝١

    Waalttoori

    Waxaan ku dhaartay Buurta 'Siinaay'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Ad-Duur: Buurta, waxaa loola jeedaa Buurtii uu Alle kula hadlay Nabi Muuse c.s.
  2. وَكِتَـٰبٍ مَّسْطُورٍ۝٢

    Wakitabin mastoorin

    Iyo Kitaab qoran1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa lagu fasiray Looxa Maxfuudka, ama Qur’aanka.
  3. فِى رَقٍّ مَّنشُورٍ۝٣

    Fee raqqin manshoorin

    Ku qoran xaashiyo (maqaar ido khafiif ah) fidsan oo furan.

  4. وَٱلْبَيْتِ ٱلْمَعْمُورِ۝٤

    Waalbayti almaʿmoori

    Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa Beytka Alle ay ku caabudaan malaa’igta ee ku yaal samada toddobaad, abbaarta Kacbada ama Kacbada Makkah.
  5. وَٱلسَّقْفِ ٱلْمَرْفُوعِ۝٥

    Waalssaqfi almarfooʿi

    Iyo saqafka la kor yeelay (samada).

  6. وَٱلْبَحْرِ ٱلْمَسْجُورِ۝٦

    Waalbahri almasjoori

    Iyo badda lagu huriyey 'dabka ama soo fatahda'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Badahoo sidaas noqon Maalinta Qiyaamaha.
  7. إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَٰقِعٌ۝٧

    Inna ʿathaba rabbika lawaqiʿun

    Hubaal, cadaabka Rabbigaa waa wax dhici oo sugan -

  8. مَّا لَهُۥ مِن دَافِعٍ۝٨

    Ma lahu min dafiʿin

    Ma jiro wax celin.

  9. يَوْمَ تَمُورُ ٱلسَّمَآءُ مَوْرًا۝٩

    Yawma tamooru alssamao mawran

    Maalinta markuu cirku hadba dhinac u wareegi,

  10. وَتَسِيرُ ٱلْجِبَالُ سَيْرًا۝١٠

    Wataseeru aljibalu sayran

    Buuruhuna socon socosho (yaab) leh1.

    Sharaxa hoose
    [1] Oo noqon sida boor oo u socon sida daruuraha.
  11. فَوَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ۝١١

    Fawaylun yawmaithin lilmukaththibeena

    Hoog waxaa leh Maalinkaas kuwa (Xaqa) beeniya (ee nabad diidka ah).

  12. ٱلَّذِينَ هُمْ فِى خَوْضٍ يَلْعَبُونَ۝١٢

    Allatheena hum fee khawdin yalʿaboona

    Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta.

  13. يَوْمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا۝١٣

    Yawma yudaʿʿoona ila nari jahannama daʿʿan

    Maalinka loogu tuuri Naarta Jahannama si daran oo xoog leh (waxaa lagu dhihi):

  14. هَـٰذِهِ ٱلنَّارُ ٱلَّتِى كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ۝١٤

    Hathihi alnnaru allatee kuntum biha tukaththiboona

    Waa tan Naartii aad beenin jirteen.

  15. أَفَسِحْرٌ هَـٰذَآ أَمْ أَنتُمْ لَا تُبْصِرُونَ۝١٥

    Afasihrun hatha am antum la tubsiroona

    Ma sixir baa (cadaabkani), mise wax ma aragtaan?

  16. ٱصْلَوْهَا فَٱصْبِرُوٓا۟ أَوْ لَا تَصْبِرُوا۟ سَوَآءٌ عَلَيْكُمْ ۖ إِنَّمَا تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ۝١٦

    Islawha faisbiroo aw la tasbiroo sawaon ʿalaykum innama tujzawna ma kuntum taʿmaloona

    Gala, markaa ku samra ama ha ku samrina - waa isugu kiin mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen (oo xumaan ah).

  17. إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّـٰتٍ وَنَعِيمٍ۝١٧

    Inna almuttaqeena fee jannatin wanaʿeemin

    Kuwa ka dhowrsada xumaha1 waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo (Janno).

    Sharaxa hoose
    [1] Sida shirkiga, dilka gardarrada ah, zinada, ribada, xasadka, xatooyada, sixirka, beenta, khiyaanada, kibirka, iwm.
  18. فَـٰكِهِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمْ رَبُّهُمْ وَوَقَىٰهُمْ رَبُّهُمْ عَذَابَ ٱلْجَحِيمِ۝١٨

    Fakiheena bima atahum rabbuhum wawaqahum rabbuhum ʿathaba aljaheemi

    Iyagoo ku raaxeysan wuxuu siiyey Rabbigood, Wuxuuna ka badbaadshay Rabbigood cadaabka Naarta ololka badan.

  19. كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ۝١٩

    Kuloo waishraboo haneean bima kuntum taʿmaloona

    (Waxaa lagu odhan): Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen (oo wanaag ah).

  20. مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ سُرُرٍ مَّصْفُوفَةٍ ۖ وَزَوَّجْنَـٰهُم بِحُورٍ عِينٍ۝٢٠

    Muttakieena ʿala sururin masfoofatin wazawwajnahum bihoorin ʿeenin

    Waxay ku dangiigsan sariiro heer sare ahoo la safay. Waxaanna u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan).

  21. وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَٱتَّبَعَتْهُمْ ذُرِّيَّتُهُم بِإِيمَـٰنٍ أَلْحَقْنَا بِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَمَآ أَلَتْنَـٰهُم مِّنْ عَمَلِهِم مِّن شَىْءٍ ۚ كُلُّ ٱمْرِئٍۭ بِمَا كَسَبَ رَهِينٌ۝٢١

    Waallatheena amanoo waittabaʿathum thurriyyatuhum bieemanin alhaqna bihim thurriyyatahum wama alatnahum min ʿamalihim min shayin kullu imriin bima kasaba raheenun

    Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka - waxaanu isu wada keeni iyaga iyo durriyadooda, waxnana kama nusqaaminayno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mudan (curaar u yahay) camalkiisa.

  22. وَأَمْدَدْنَـٰهُم بِفَـٰكِهَةٍ وَلَحْمٍ مِّمَّا يَشْتَهُونَ۝٢٢

    Waamdadnahum bifakihatin walahmin mimma yashtahoona

    Waxaannu siin midho iyo hilib waxay rabaan.

  23. يَتَنَـٰزَعُونَ فِيهَا كَأْسًا لَّا لَغْوٌ فِيهَا وَلَا تَأْثِيمٌ۝٢٣

    Yatanazaʿoona feeha kasan la laghwun feeha wala tatheemun

    Waxay isu dhiib-dhiibi galaas (khamro xalaal) ah aan lahayn wax ah laqwi iyo dambaabid.

  24. ۞ وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ غِلْمَانٌ لَّهُمْ كَأَنَّهُمْ لُؤْلُؤٌ مَّكْنُونٌ۝٢٤

    Wayatoofu ʿalayhim ghilmanun lahum kaannahum luluon maknoonun

    Waxaa u adeegi wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray.

  25. وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَآءَلُونَ۝٢٥

    Waaqbala baʿduhum ʿala baʿdin yatasaaloona

    Qaarkood (ehlu Jannaha) waxay qaabili qaar kale iyagoo is-wareysan.

  26. قَالُوٓا۟ إِنَّا كُنَّا قَبْلُ فِىٓ أَهْلِنَا مُشْفِقِينَ۝٢٦

    Qaloo inna kunna qablu fee ahlina mushfiqeena

    Waxay odhan: Waxaan ka hor 'intaan adduunka joognay' ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada (cadaabka Alle).

  27. فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيْنَا وَوَقَىٰنَا عَذَابَ ٱلسَّمُومِ۝٢٧

    Famanna Allahu ʿalayna wawaqana ʿathaba alssamoomi

    Markaasuu Alle nagu manneystay (denbi dhaaf) oo naga dhowray cadaabka hanfiga kulul.

  28. إِنَّا كُنَّا مِن قَبْلُ نَدْعُوهُ ۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْبَرُّ ٱلرَّحِيمُ۝٢٨

    Inna kunna min qablu nadʿoohu innahu huwa albarru alrraheemu

    Waxaan ahayn horey kuwa barya Alle (Keliya).Waa Isaga xaqiiq Baarriga, Naxariista Badan.

  29. فَذَكِّرْ فَمَآ أَنتَ بِنِعْمَتِ رَبِّكَ بِكَاهِنٍ وَلَا مَجْنُونٍ۝٢٩

    Fathakkir fama anta biniʿmati rabbika bikahin wala majnoonin

    Ee waani (Nabi Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo jinnoole midna.

  30. أَمْ يَقُولُونَ شَاعِرٌ نَّتَرَبَّصُ بِهِۦ رَيْبَ ٱلْمَنُونِ۝٣٠

    Am yaqooloona shaʿirun natarabbasu bihi rayba almanooni

    Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibo waqtiga la iman1.

    Sharaxa hoose
    [1] Inay dhibaato uun ku dhacdo ama dhimasho dhaqso ah.
  31. قُلْ تَرَبَّصُوا۟ فَإِنِّى مَعَكُم مِّنَ ٱلْمُتَرَبِّصِينَ۝٣١

    Qul tarabbasoo fainnee maʿakum mina almutarabbiseena

    Dheh: Suga (geeridayda)! Aniguna waxaan sugi (waxa idinku dhaca).

  32. أَمْ تَأْمُرُهُمْ أَحْلَـٰمُهُم بِهَـٰذَآ ۚ أَمْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ۝٣٢

    Am tamuruhum ahlamuhum bihatha am hum qawmun taghoona

    Ma caqliyadooda (xun) baa ku amra sidaa (inay kaa been sheegaan Nabiyow), ma aha ee waa qolo xadgudub badan.

  33. أَمْ يَقُولُونَ تَقَوَّلَهُۥ ۚ بَل لَّا يُؤْمِنُونَ۝٣٣

    Am yaqooloona taqawwalahu bal la yuminoona

    Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay (Qur’aanka)? Mayee! Ma rumeysna (Xaqa).

  34. فَلْيَأْتُوا۟ بِحَدِيثٍ مِّثْلِهِۦٓ إِن كَانُوا۟ صَـٰدِقِينَ۝٣٤

    Falyatoo bihadeethin mithlihi in kanoo sadiqeena

    Ee ha keenaan hadal la mid ahi (Qur’aankani) hadday run sheegayaan.

  35. أَمْ خُلِقُوا۟ مِنْ غَيْرِ شَىْءٍ أَمْ هُمُ ٱلْخَـٰلِقُونَ۝٣٥

    Am khuliqoo min ghayri shayin am humu alkhaliqoona

    Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray nafahooda?.

  36. أَمْ خَلَقُوا۟ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ ۚ بَل لَّا يُوقِنُونَ۝٣٦

    Am khalaqoo alssamawati waalarda bal la yooqinoona

    Mise waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana.

  37. أَمْ عِندَهُمْ خَزَآئِنُ رَبِّكَ أَمْ هُمُ ٱلْمُصَۣيْطِرُونَ۝٣٧

    Am ʿindahum khazainu rabbika am humu almusaytiroona

    Mise waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan (mayee waa kuwo tabar daran, liita)?

  38. أَمْ لَهُمْ سُلَّمٌ يَسْتَمِعُونَ فِيهِ ۖ فَلْيَأْتِ مُسْتَمِعُهُم بِسُلْطَـٰنٍ مُّبِينٍ۝٣٨

    Am lahum sullamun yastamiʿoona feehi falyati mustamiʿuhum bisultanin mubeenin

    Mise waxay leeyihiin sallaanno ay ku dhegaystaan (Ghaybka iyo warka samada); ee ha keeno dhegaystahoodu xujo cad.

  39. أَمْ لَهُ ٱلْبَنَـٰتُ وَلَكُمُ ٱلْبَنُونَ۝٣٩

    Am lahu albanatu walakumu albanoona

    Mise wuxuu (Alle) leeyahay gabdho idinkuna leedihiin wiilal?

  40. أَمْ تَسْـَٔلُهُمْ أَجْرًا فَهُم مِّن مَّغْرَمٍ مُّثْقَلُونَ۝٤٠

    Am tasaluhum ajran fahum min maghramin muthqaloona

    Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin?

  41. أَمْ عِندَهُمُ ٱلْغَيْبُ فَهُمْ يَكْتُبُونَ۝٤١

    Am ʿindahumu alghaybu fahum yaktuboona

    Mise waxay og yihiin waxa qarsoon aan muuqan oo ay qoraan?.

  42. أَمْ يُرِيدُونَ كَيْدًا ۖ فَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ هُمُ ٱلْمَكِيدُونَ۝٤٢

    Am yureedoona kaydan faallatheena kafaroo humu almakeedoona

    Mise waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda.

  43. أَمْ لَهُمْ إِلَـٰهٌ غَيْرُ ٱللَّهِ ۚ سُبْحَـٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشْرِكُونَ۝٤٣

    Am lahum ilahun ghayru Allahi subhana Allahi ʿamma yushrikoona

    Mise waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Alle? Alle waa ka hufan yahay waxay la wadaajiyaan (cibaadada).

  44. وَإِن يَرَوْا۟ كِسْفًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ سَاقِطًا يَقُولُوا۟ سَحَابٌ مَّرْكُومٌ۝٤٤

    Wain yaraw kisfan mina alssamai saqitan yaqooloo sahabun markoomun

    Hadday arkaan gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya1 waxay odhan: Waa daruuro is dul saaran (cinaad darti).

    Sharaxa hoose
    [1] Kaasoo calaamo u ah soo degitaanka Ciqaabka Alle, sida ay dalbadeen ah.
  45. فَذَرْهُمْ حَتَّىٰ يُلَـٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى فِيهِ يُصْعَقُونَ۝٤٥

    Fatharhum hatta yulaqoo yawmahumu allathee feehi yusʿaqoona

    Ee iskaga tag intay la kulmaan Maalinkooda ay la suuxi (qarracan).

  46. يَوْمَ لَا يُغْنِى عَنْهُمْ كَيْدُهُمْ شَيْـًٔا وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ۝٤٦

    Yawma la yughnee ʿanhum kayduhum shayan wala hum yunsaroona

    Maalinka uusan dabinkoodu waxba u tareyn oo aan loo gargaareyn.

  47. وَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ عَذَابًا دُونَ ذَٰلِكَ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ۝٤٧

    Wainna lillatheena thalamoo ʿathaban doona thalika walakinna aktharahum la yaʿlamoona

    Waxay xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) la kulmi cadaab taa ka sokow 'adduunka gudahi'1 badankooduse ma ay oga.

    Sharaxa hoose
    [1] In lagu sallado daadyo, dhul gariirro, abaaro, gaajo, jirrooyin, musiibooyin, iwm. Haddaan lagu ciqaabin adduunka, markaas waa cadaabka qabriga.
  48. وَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعْيُنِنَا ۖ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ۝٤٨

    Waisbir lihukmi rabbika fainnaka biaʿyunina wasabbih bihamdi rabbika heena taqoomu

    Ee ku samir (Nabiyow) xukunka Rabbigaa, waxaad tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa markaad soo kacdo.

  49. وَمِنَ ٱلَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَإِدْبَـٰرَ ٱلنُّجُومِ۝٤٩

    Wamina allayli fasabbihhu waidbara alnnujoomi

    Habeenka qaarkiisna tuko, iyo markay xiddiguhu dhacaan (oogga hore).

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Ad-Duur?

Macnaha Ad-Duur waa “Buurta”.

Suuradda Ad-Duur juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Ad-Duur waxay ku jirtaa juz’ 27.

Suuradda Ad-Duur immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Ad-Duur waxay leedahay 49 aayadood.

Suuradda Ad-Duur ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Ad-Duur waa suurad Makki ah.

Suuradda Ad-Duur waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 52aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.