سورة النجم

Suuradda An-Najm oo af Soomaali ah

Xiddigta

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda An-Najm (النجم) waa suuradda 53aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 62 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Xiddigta”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 27.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda An-Najm oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda An-Najm oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. وَٱلنَّجْمِ إِذَا هَوَىٰ۝١

    Waalnnajmi itha hawa

    Waxaan ku dhaartay xiddigaha markay dhacaan.

  2. مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمْ وَمَا غَوَىٰ۝٢

    Ma dalla sahibukum wama ghawa

    Saaxibkiin (Nabi Muxammad s.c.w.) ma ka habaabin (Jidka Toosan iyo hanuunka), (Xaqana) kama uusan lumin.

  3. وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلْهَوَىٰٓ۝٣

    Wama yantiqu ʿani alhawa

    Ma ku hadlo hawadiisa.

  4. إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْىٌ يُوحَىٰ۝٤

    In huwa illa wahyun yooha

    Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday.

  5. عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلْقُوَىٰ۝٥

    ʿAllamahu shadeedu alquwa

    Waxaa baray (oo xagga Alle ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn.

  6. ذُو مِرَّةٍ فَٱسْتَوَىٰ۝٦

    Thoo mirratin faistawa

    Ee muuqaal san, abuuraddiisuna dhan tahay 'waa Jabriil c.s.'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Jabriil wuxuu ugu muuqday Nabi Muxammad s.c.w. muuqaalkiisa dhabta ah.
  7. وَهُوَ بِٱلْأُفُقِ ٱلْأَعْلَىٰ۝٧

    Wahuwa bialofuqi alaʿla

    Isagoo ku sugan halka ugu sarreysa jihada sare1.

    Sharaxa hoose
    [1] Cirka, halka ka korreysa jihada bari ee qorrax soo baxa.
  8. ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ۝٨

    Thumma dana fatadalla

    Markaasuu (Jabriil) soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday.

  9. فَكَانَ قَابَ قَوْسَيْنِ أَوْ أَدْنَىٰ۝٩

    Fakana qaba qawsayni aw adna

    In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka dhow.

  10. فَأَوْحَىٰٓ إِلَىٰ عَبْدِهِۦ مَآ أَوْحَىٰ۝١٠

    Faawha ila ʿabdihi ma awha

    Markaasuu (Alle) u Waxyooday addoonkiisa (Nabi Muxammad s.c.w.) wuxuu u waxyooday1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa Qur'aanka.
  11. مَا كَذَبَ ٱلْفُؤَادُ مَا رَأَىٰٓ۝١١

    Ma kathaba alfuadu ma raa

    Kama been sheegin Qalbiga wuxuu arkay1.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w habeenkii micraajka ee Calaamooyinka waaweyn ah ee Rabbi.
  12. أَفَتُمَـٰرُونَهُۥ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ۝١٢

    Afatumaroonahu ʿala ma yara

    Ma waxaad kala murmi wuxuu arkay (habeenkii Israha iyo Micraajka).

  13. وَلَقَدْ رَءَاهُ نَزْلَةً أُخْرَىٰ۝١٣

    Walaqad raahu nazlatan okhra

    Wuxuuna dhab ahaan ku arkay (Jabriil) soo degid kale.

  14. عِندَ سِدْرَةِ ٱلْمُنتَهَىٰ۝١٤

    ʿInda sidrati almuntaha

    Dhammaadka xadka geedka gobka1.

    Sharaxa hoose
    [1] Sidratal muntahaa, waa halka u sarreysa samada toddobaad.
  15. عِندَهَا جَنَّةُ ٱلْمَأْوَىٰٓ۝١٥

    ʿIndaha jannatu almawa

    Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada.

  16. إِذْ يَغْشَى ٱلسِّدْرَةَ مَا يَغْشَىٰ۝١٦

    Ith yaghsha alssidrata ma yaghsha

    Markuu daboolay gobka waxa daboolay (oo qurux ah).

  17. مَا زَاغَ ٱلْبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ۝١٧

    Ma zagha albasaru wama tagha

    Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay.

  18. لَقَدْ رَأَىٰ مِنْ ءَايَـٰتِ رَبِّهِ ٱلْكُبْرَىٰٓ۝١٨

    Laqad raa min ayati rabbihi alkubra

    Wuxuu xaqiiq wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn.

  19. أَفَرَءَيْتُمُ ٱللَّـٰتَ وَٱلْعُزَّىٰ۝١٩

    Afaraaytumu allata waalʿuzza

    Ee (gaaloy) ka warrama (sanamyada) Al-Laat iyo Al-Cuzza.

  20. وَمَنَوٰةَ ٱلثَّالِثَةَ ٱلْأُخْرَىٰٓ۝٢٠

    Wamanata alththalithata alokhra

    Iyo Manaat, tan seddexaad ee kale1?

    Sharaxa hoose
    [1] Seddexdan magac ee lagu xusay halkan iyo Aayadda ka horreysa waa ilaahyo caan ahaa oo dheddig ah ay caabudi jireen mushrikiintii Carbeed.
  21. أَلَكُمُ ٱلذَّكَرُ وَلَهُ ٱلْأُنثَىٰ۝٢١

    Alakumu alththakaru walahu alontha

    idinku ma waxaad leedihiin labka Isaguna dheddigga?

  22. تِلْكَ إِذًا قِسْمَةٌ ضِيزَىٰٓ۝٢٢

    Tilka ithan qismatun deeza

    Tanu waa qayb dulun ah.

  23. إِنْ هِىَ إِلَّآ أَسْمَآءٌ سَمَّيْتُمُوهَآ أَنتُمْ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَـٰنٍ ۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَمَا تَهْوَى ٱلْأَنفُسُ ۖ وَلَقَدْ جَآءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ ٱلْهُدَىٰٓ۝٢٣

    In hiya illa asmaon sammaytumooha antum waabaokum ma anzala Allahu biha min sultanin in yattabiʿoona illa alththanna wama tahwa alanfusu walaqad jaahum min rabbihimu alhuda

    Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen - idinka iyo aabbayaashiin - oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah. Ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, waxaana uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan (Islaamka).

  24. أَمْ لِلْإِنسَـٰنِ مَا تَمَنَّىٰ۝٢٤

    Am lilinsani ma tamanna

    Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleystoba?

  25. فَلِلَّهِ ٱلْـَٔاخِرَةُ وَٱلْأُولَىٰ۝٢٥

    Falillahi alakhiratu waaloola

    Mayee, Alle baa iska leh tan dambe 'Aakhirada' iyo 'nolosha' horeba 'Adduunka'.

  26. ۞ وَكَم مِّن مَّلَكٍ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ لَا تُغْنِى شَفَـٰعَتُهُمْ شَيْـًٔا إِلَّا مِنۢ بَعْدِ أَن يَأْذَنَ ٱللَّهُ لِمَن يَشَآءُ وَيَرْضَىٰٓ۝٢٦

    Wakam min malakin fee alssamawati la tughnee shafaʿatuhum shayan illa min baʿdi an yathana Allahu liman yashao wayarda

    Badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Alle u idmo maahee cidduu doono oo ka Raalli yahay.

  27. إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ لَيُسَمُّونَ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةَ تَسْمِيَةَ ٱلْأُنثَىٰ۝٢٧

    Inna allatheena la yuminoona bialakhirati layusammoona almalaikata tasmiyata alontha

    Hubaal kuwaa (gaalada mushrikiinta ah) aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah.

  28. وَمَا لَهُم بِهِۦ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ ۖ وَإِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغْنِى مِنَ ٱلْحَقِّ شَيْـًٔا۝٢٨

    Wama lahum bihi min ʿilmin in yattabiʿoona illa alththanna wainna alththanna la yughnee mina alhaqqi shayan

    Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, maluhuna waxba kama taro Xaqa.

  29. فَأَعْرِضْ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكْرِنَا وَلَمْ يُرِدْ إِلَّا ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا۝٢٩

    Faaʿrid ʿan man tawalla ʿan thikrina walam yurid illa alhayata alddunya

    Ee iskaga jeeso kan ka tegay Xuskayga (Qur’aanka) oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka.

  30. ذَٰلِكَ مَبْلَغُهُم مِّنَ ٱلْعِلْمِ ۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ ٱهْتَدَىٰ۝٣٠

    Thalika mablaghuhum mina alʿilmi inna rabbaka huwa aʿlamu biman dalla ʿan sabeelihi wahuwa aʿlamu bimani ihtada

    Kaasi waa intuu gaaray garaadkooda aqooneed. Rabbigaa waa Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, waana Ogsoon yahay kan hanuunsan.

  31. وَلِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ لِيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ أَسَـٰٓـُٔوا۟ بِمَا عَمِلُوا۟ وَيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ أَحْسَنُوا۟ بِٱلْحُسْنَى۝٣١

    Walillahi ma fee alssamawati wama fee alardi liyajziya allatheena asaoo bima ʿamiloo wayajziya allatheena ahsanoo bialhusna

    Allaah baa iska leh waxaa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta samaan (Janno).

  32. ٱلَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَـٰٓئِرَ ٱلْإِثْمِ وَٱلْفَوَٰحِشَ إِلَّا ٱللَّمَمَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ وَٰسِعُ ٱلْمَغْفِرَةِ ۚ هُوَ أَعْلَمُ بِكُمْ إِذْ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلْأَرْضِ وَإِذْ أَنتُمْ أَجِنَّةٌ فِى بُطُونِ أُمَّهَـٰتِكُمْ ۖ فَلَا تُزَكُّوٓا۟ أَنفُسَكُمْ ۖ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ ٱتَّقَىٰٓ۝٣٢

    Allatheena yajtaniboona kabaira alithmi waalfawahisha illa allamama inna rabbaka wasiʿu almaghfirati huwa aʿlamu bikum ith anshaakum mina alardi waith antum ajinnatun fee butooni ommahatikum fala tuzakkoo anfusakum huwa aʿlamu bimani ittaqa

    Kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, waxa yar yar ee ku soo dhaca maanankooda mooyaane - Rabbigaa waa mid leh denbi dhaaf ballaadhan. Wuuna idin og yahay, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku asturan tihiin uurarka hooyooyinkiin, ee ha is ammaanina, Isagaa (Alle) Og kan ka dhowrsada xumaha.

  33. أَفَرَءَيْتَ ٱلَّذِى تَوَلَّىٰ۝٣٣

    Afaraayta allathee tawalla

    Ee ma aragtay kan ka jeesaday (Islaamka).

  34. وَأَعْطَىٰ قَلِيلًا وَأَكْدَىٰٓ۝٣٤

    Waaʿta qaleelan waakda

    Oo wax yar bixiyey1, inta kalena ceshaday.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa ka dhaadhacsan in maalkiisa uu ku yaraan hadduu wax siiyo saboolka, halka Alle subxaanahu wa tacaalaa uu ballan qaaday si ka duwan.
  35. أَعِندَهُۥ عِلْمُ ٱلْغَيْبِ فَهُوَ يَرَىٰٓ۝٣٥

    aʿindahu ʿilmu alghaybi fahuwa yara

    Ma wuxuu hayaa cilmiga waxaan muuqan, oo arkaa?

  36. أَمْ لَمْ يُنَبَّأْ بِمَا فِى صُحُفِ مُوسَىٰ۝٣٦

    Am lam yunabba bima fee suhufi moosa

    Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse -

  37. وَإِبْرَٰهِيمَ ٱلَّذِى وَفَّىٰٓ۝٣٧

    Waibraheema allathee waffa

    Iyo Ibraahiim ee oofiyey 'amarradii Alle'.

  38. أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ۝٣٨

    Alla taziru waziratun wizra okhra

    Inaan nafna naf kale denbigeeda qaadeyn (inuu gacan ka geysto maahee).

  39. وَأَن لَّيْسَ لِلْإِنسَـٰنِ إِلَّا مَا سَعَىٰ۝٣٩

    Waan laysa lilinsani illa ma saʿa

    Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn wuxuu shaqeysto (khayr ama shar).

  40. وَأَنَّ سَعْيَهُۥ سَوْفَ يُرَىٰ۝٤٠

    Waanna saʿyahu sawfa yura

    Camalkiisana la arki doono.

  41. ثُمَّ يُجْزَىٰهُ ٱلْجَزَآءَ ٱلْأَوْفَىٰ۝٤١

    Thumma yujzahu aljazaa alawfa

    Kaddibna looga abaal marin si buuxda.

  42. وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلْمُنتَهَىٰ۝٤٢

    Waanna ila rabbika almuntaha

    Iyo in xagga Rabbigaa uu yahay meel noqodka dambe.

  43. وَأَنَّهُۥ هُوَ أَضْحَكَ وَأَبْكَىٰ۝٤٣

    Waannahu huwa adhaka waabka

    Waana Kan wax ka qosliya kana oohiya.

  44. وَأَنَّهُۥ هُوَ أَمَاتَ وَأَحْيَا۝٤٤

    Waannahu huwa amata waahya

    Isagaana wax dhinsiiya waxna nooleeya.

  45. وَأَنَّهُۥ خَلَقَ ٱلزَّوْجَيْنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰ۝٤٥

    Waannahu khalaqa alzzawjayni alththakara waalontha

    Isagaa (Alle) abuuray labada nooc, labka iyo dheddigga.

  46. مِن نُّطْفَةٍ إِذَا تُمْنَىٰ۝٤٦

    Min nutfatin itha tumna

    Ka abuuray dhibic mino ah marka la shubo.

  47. وَأَنَّ عَلَيْهِ ٱلنَّشْأَةَ ٱلْأُخْرَىٰ۝٤٧

    Waanna ʿalayhi alnnashata alokhra

    Isagayna saaran tahay soo celinta kale (abuurista Aakhirada).

  48. وَأَنَّهُۥ هُوَ أَغْنَىٰ وَأَقْنَىٰ۝٤٨

    Waannahu huwa aghna waaqna

    Waa Isaga Kan wax hodmiya waxna faqiiriya;

  49. وَأَنَّهُۥ هُوَ رَبُّ ٱلشِّعْرَىٰ۝٤٩

    Waannahu huwa rabbu alshshiʿra

    Waana Rabbiga xiddiga Shicra1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa xiddig ay caabudi jireen qaar ka mid ah mushrikiintii Carbeed.
  50. وَأَنَّهُۥٓ أَهْلَكَ عَادًا ٱلْأُولَىٰ۝٥٠

    Waannahu ahlaka ʿadan aloola

    Alle Isagaa halaagay Caadkii hore,

  51. وَثَمُودَا۟ فَمَآ أَبْقَىٰ۝٥١

    Wathamooda fama abqa

    Iyo Thamuudba, waxnana kama reebin.

  52. وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ هُمْ أَظْلَمَ وَأَطْغَىٰ۝٥٢

    Waqawma noohin min qablu innahum kanoo hum athlama waatgha

    Iyo qolodii Nuux awal hore; waxay ahaayeen kuwo dulmi iyo xadgudub badan.

  53. وَٱلْمُؤْتَفِكَةَ أَهْوَىٰ۝٥٣

    Waalmutafikata ahwa

    Iyo magaalooyinkii (Sodom iyo Gammurah) ee la rogay1.

    Sharaxa hoose
    [1] Dadka degaankaasoo ka hor yimid Nabi Luud.
  54. فَغَشَّىٰهَا مَا غَشَّىٰ۝٥٤

    Faghashshaha ma ghashsha

    Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay (oo cadaab ah).

  55. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ۝٥٥

    Fabiayyi alai rabbika tatamara

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodeysaa oo ka shaki qabtaa?

  56. هَـٰذَا نَذِيرٌ مِّنَ ٱلنُّذُرِ ٱلْأُولَىٰٓ۝٥٦

    Hatha natheerun mina alnnuthuri aloola

    Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore.

  57. أَزِفَتِ ٱلْـَٔازِفَةُ۝٥٧

    Azifati alazifatu

    Way soo dhowaatay Saacaddii (Qiyaame).

  58. لَيْسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ كَاشِفَةٌ۝٥٨

    Laysa laha min dooni Allahi kashifatun

    Ma jiro Alle ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda ama og waqtigeeda).

  59. أَفَمِنْ هَـٰذَا ٱلْحَدِيثِ تَعْجَبُونَ۝٥٩

    Afamin hatha alhadeethi taʿjaboona

    Ma waxaad la yaabban tihiin warkani weyn (Qur’aanka Kariimka)?.

  60. وَتَضْحَكُونَ وَلَا تَبْكُونَ۝٦٠

    Watadhakoona wala tabkoona

    Oo aad qoslaysaan (idinkoo beenin) oo aydaan ooyeynin (cabsi Alle darteed)?

  61. وَأَنتُمْ سَـٰمِدُونَ۝٦١

    Waantum samidoona

    Idinkoo iska haasaawaya.

  62. فَٱسْجُدُوا۟ لِلَّهِ وَٱعْبُدُوا۟ ۩۝٦٢

    Faosjudoo lillahi waoʿbudoo

    Ee u sujuuda Alle oo caabuda (Isagoo Keliya idinkoon waxba u shariik yeelin).

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda An-Najm?

Macnaha An-Najm waa “Xiddigta”.

Suuradda An-Najm juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda An-Najm waxay ku jirtaa juz’ 27.

Suuradda An-Najm immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda An-Najm waxay leedahay 62 aayadood.

Suuradda An-Najm ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda An-Najm waa suurad Makki ah.

Suuradda An-Najm waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 53aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.