سورة يس

Suuradda Yaasiin oo af Soomaali ah

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Yaasiin (يس) waa suuradda 36aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 83 aayadood. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku fidsan tahay juz’ 22 iyo 23.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Yaasiin oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Yaasiin oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. يسٓ۝١

    Yaseen

    Yaasiin1.

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1
  2. وَٱلْقُرْءَانِ ٱلْحَكِيمِ۝٢

    Waalqurani alhakeemi

    Waxaan ku dhaartay Qur’aanka, Xikmadda Badan.

  3. إِنَّكَ لَمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ۝٣

    Innaka lamina almursaleena

    Hubaal adigu (Muxammadow) waxaad ka mid tahay (Rususha Alle) soo diray.

  4. عَلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ۝٤

    ʿAla siratin mustaqeemin

    Waxaad ku sugan tahay Jid Toosan.

  5. تَنزِيلَ ٱلْعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ۝٥

    Tanzeela alʿazeezi alrraheemi

    (Qur’aankani waa) Waxyi ka soo degay (xagga Alle) Adkaadaha, Naxariista Badan.

  6. لِتُنذِرَ قَوْمًا مَّآ أُنذِرَ ءَابَآؤُهُمْ فَهُمْ غَـٰفِلُونَ۝٦

    Litunthira qawman ma onthira abaohum fahum ghafiloona

    Inaad u digto qolo aan aabbayaashood loo digin, ee iyagu ah kuwo dhoohan.

  7. لَقَدْ حَقَّ ٱلْقَوْلُ عَلَىٰٓ أَكْثَرِهِمْ فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ۝٧

    Laqad haqqa alqawlu ʿala aktharihim fahum la yuminoona

    Waxaa dhab ahaan ku rumoobay badankood Qowlka (Cadaabka), marka ma ay rumeeyaan (Xaqa).

  8. إِنَّا جَعَلْنَا فِىٓ أَعْنَـٰقِهِمْ أَغْلَـٰلًا فَهِىَ إِلَى ٱلْأَذْقَانِ فَهُم مُّقْمَحُونَ۝٨

    Inna jaʿalna fee aʿnaqihim aghlalan fahiya ila alathqani fahum muqmahoona

    (Waa sida) inaan yeelnay mareegyo bir ah luqumahooda oo gaadha ilaa gararkooda, sidaa awgeed madaxyadooda kor u taagan yihiin1.

    Sharaxa hoose
    [1] Marka way ka xidhan yihiin khayr oo dhan, Xaqana ma arkaan.
  9. وَجَعَلْنَا مِنۢ بَيْنِ أَيْدِيهِمْ سَدًّا وَمِنْ خَلْفِهِمْ سَدًّا فَأَغْشَيْنَـٰهُمْ فَهُمْ لَا يُبْصِرُونَ۝٩

    Wajaʿalna min bayni aydeehim saddan wamin khalfihim saddan faaghshaynahum fahum la yubsiroona

    Waxaan yeellay hortooda xidh, gadaashoodana xidh kale, waana arag daboolnay marka ma arkaan (Xaqa).

  10. وَسَوَآءٌ عَلَيْهِمْ ءَأَنذَرْتَهُمْ أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ۝١٠

    Wasawaon ʿalayhim aanthartahum am lam tunthirhum la yuminoona

    Waa isugu mid haddaad u digto ama aad u digin, (marna) ma rumeeyaan (Xaqa).

  11. إِنَّمَا تُنذِرُ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلذِّكْرَ وَخَشِىَ ٱلرَّحْمَـٰنَ بِٱلْغَيْبِ ۖ فَبَشِّرْهُ بِمَغْفِرَةٍ وَأَجْرٍ كَرِيمٍ۝١١

    Innama tunthiru mani ittabaʿa alththikra wakhashiya alrrahmana bialghaybi fabashshirhu bimaghfiratin waajrin kareemin

    Waxaad uun u digi (oo ay anfaci digadu) kan raaca Qur’aanka oo ka baqa Raxmaan- ka sir (iyo saaqba). Ee ugu bishaaree denbi dhaaf iyo abaalgud sharaf leh (Janno).

  12. إِنَّا نَحْنُ نُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰ وَنَكْتُبُ مَا قَدَّمُوا۟ وَءَاثَـٰرَهُمْ ۚ وَكُلَّ شَىْءٍ أَحْصَيْنَـٰهُ فِىٓ إِمَامٍ مُّبِينٍ۝١٢

    Inna nahnu nuhyee almawta wanaktubu ma qaddamoo waatharahum wakulla shayin ahsaynahu fee imamin mubeenin

    Xaqiiq waa Annaga kuwa nooleyn meytida, oo qora waxay hormarsadaan iyo raadadkoodaba (waxay gadaal uga soo tagaan khayr ama shar). Wax walba waxaynu ku koobnay1 (oo qornay) Kitaab cad (Looxa Maxfuudka).

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofka markuu dhinto wuu go’aa camalkiisu seddex mooyee: Cilmi lagu intifaaco, ilmo wanaagsan oo u soo duceeya iyo sadaqo u socota (waqaf)”.
  13. وَٱضْرِبْ لَهُم مَّثَلًا أَصْحَـٰبَ ٱلْقَرْيَةِ إِذْ جَآءَهَا ٱلْمُرْسَلُونَ۝١٣

    Waidrib lahum mathalan ashaba alqaryati ith jaaha almursaloona

    Waxaad ugu soo qaadataa tusaale; (qisada) dadkii magaalada (Antaakiya), markay u yimaadeen Rusushii (loo soo diray).

  14. إِذْ أَرْسَلْنَآ إِلَيْهِمُ ٱثْنَيْنِ فَكَذَّبُوهُمَا فَعَزَّزْنَا بِثَالِثٍ فَقَالُوٓا۟ إِنَّآ إِلَيْكُم مُّرْسَلُونَ۝١٤

    Ith arsalna ilayhimu ithnayni fakaththaboohuma faʿazzazna bithalithin faqaloo inna ilaykum mursaloona

    Markaan u dirnay Xaggooda labo (xertii Ciise ah), markaasay labadiiba beeniyeen, markaasaan ku xoojinnay mid seddexaad, waxayna yidhaahdeen: Waxaanu nahay Rusul xaggiinna loo soo diray.

  15. قَالُوا۟ مَآ أَنتُمْ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَمَآ أَنزَلَ ٱلرَّحْمَـٰنُ مِن شَىْءٍ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا تَكْذِبُونَ۝١٥

    Qaloo ma antum illa basharun mithluna wama anzala alrrahmanu min shayin in antum illa takthiboona

    Waxay 'dadkii magaalada' yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan ahayn dad nala mid ah, mana soo dejin Raxmaanku waxba, ee been uun baad sheegeysaan.

  16. قَالُوا۟ رَبُّنَا يَعْلَمُ إِنَّآ إِلَيْكُمْ لَمُرْسَلُونَ۝١٦

    Qaloo rabbuna yaʿlamu inna ilaykum lamursaloona

    Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Rabbigayo waa Og yahay inaan nahay Rusul xaggiinna loo soo diray.

  17. وَمَا عَلَيْنَآ إِلَّا ٱلْبَلَـٰغُ ٱلْمُبِينُ۝١٧

    Wama ʿalayna illa albalaghu almubeenu

    Nama saarna waxaan ahayn gaarsiin cad (ee Diinta Alle - Islaamka).

  18. قَالُوٓا۟ إِنَّا تَطَيَّرْنَا بِكُمْ ۖ لَئِن لَّمْ تَنتَهُوا۟ لَنَرْجُمَنَّكُمْ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٌ۝١٨

    Qaloo inna tatayyarna bikum lain lam tantahoo lanarjumannakum walayamassannakum minna ʿathabun aleemun

    Waxay 'dadkii magaalada' yidhaahdeen: Waan idin shareysannay, haddaydaan joojin (waxaad waddaan), waan idin dhagaxyeyn waxaana idinka taaban xaggayaga cadaab xanuun badan.

  19. قَالُوا۟ طَـٰٓئِرُكُم مَّعَكُمْ ۚ أَئِن ذُكِّرْتُم ۚ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ مُّسْرِفُونَ۝١٩

    Qaloo tairukum maʿakum ain thukkirtum bal antum qawmun musrifoona

    Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Shareysigiinnu waa la jirkiin (waana sababta shirkigiinna iyo xume falkiinna), ma in la idin waaniyey darteed1? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudub badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Gooddinta aad noo gooddineysaan ma waxaa u sabab ah inaan wax xaq ah idiin sheegno oo idinku waaninno.
  20. وَجَآءَ مِنْ أَقْصَا ٱلْمَدِينَةِ رَجُلٌ يَسْعَىٰ قَالَ يَـٰقَوْمِ ٱتَّبِعُوا۟ ٱلْمُرْسَلِينَ۝٢٠

    Wajaa min aqsa almadeenati rajulun yasʿa qala ya qawmi ittabiʿoo almursaleena

    Waxaa ka yimid magaalada dhan- keeda shishe nin rooraya, wuxuu yidhi: tolkayow! Raaca Rususha;

  21. ٱتَّبِعُوا۟ مَن لَّا يَسْـَٔلُكُمْ أَجْرًا وَهُم مُّهْتَدُونَ۝٢١

    Ittabiʿoo man la yasalukum ajran wahum muhtadoona

    Raaca kuwo aan idin weydiisan wax abaal gud ah, oo hanuunsan.

  22. وَمَا لِىَ لَآ أَعْبُدُ ٱلَّذِى فَطَرَنِى وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ۝٢٢

    Wama liya la aʿbudu allathee fataranee wailayhi turjaʿoona

    Maxaan u caabudeynin (Alle Keliya) ee ah kan i abuuray? Xaggiisaana la idin soo celin.

  23. ءَأَتَّخِذُ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً إِن يُرِدْنِ ٱلرَّحْمَـٰنُ بِضُرٍّ لَّا تُغْنِ عَنِّى شَفَـٰعَتُهُمْ شَيْـًٔا وَلَا يُنقِذُونِ۝٢٣

    Aattakhithu min doonihi alihatan in yuridni alrrahmanu bidurrin la tughni ʿannee shafaʿatuhum shayan wala yunqithooni

    Ma waxaan yeeshaa (Alle) sokadi ilaahyo (kale), hadduu Raxmaanku (Alle) ila doono dhibaato, ayan i tareyn garab siintoodu waxba, oo aan awoodinba inay i badbaadiyaan?

  24. إِنِّىٓ إِذًا لَّفِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ۝٢٤

    Innee ithan lafee dalalin mubeenin

    Markaa xaqiiq waxaan ku suganahay habow cad.

  25. إِنِّىٓ ءَامَنتُ بِرَبِّكُمْ فَٱسْمَعُونِ۝٢٥

    Innee amantu birabbikum faismaʿooni

    Hubaal anigu waxaan rumeeyey Rabbigiin, ee i maqla.

  26. قِيلَ ٱدْخُلِ ٱلْجَنَّةَ ۖ قَالَ يَـٰلَيْتَ قَوْمِى يَعْلَمُونَ۝٢٦

    Qeela odkhuli aljannata qala ya layta qawmee yaʿlamoona

    Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Ninkaa waxaa la odhan jirey Xabiib oo ahaa geed qore, sidaas darteed baa waxaa loo yiqiin Xabiib Al-Najjaar. Inta aysan nafta ka bixin waxaa soo degay malaa’ig ugu bishaaraysay in loo dhaafay dhammaan dunuubtiisa oo uu geli doono Jannada. Magaaladaas waxay ahayd Antaakiya.
  27. بِمَا غَفَرَ لِى رَبِّى وَجَعَلَنِى مِنَ ٱلْمُكْرَمِينَ۝٢٧

    Bima ghafara lee rabbee wajaʿalanee mina almukrameena

    Sida Rabbigay iigu denbi dhaafay, oo uu iiga mid yeelay kuwa la sharfay!

  28. ۞ وَمَآ أَنزَلْنَا عَلَىٰ قَوْمِهِۦ مِنۢ بَعْدِهِۦ مِن جُندٍ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا كُنَّا مُنزِلِينَ۝٢٨

    Wama anzalna ʿala qawmihi min baʿdihi min jundin mina alssamai wama kunna munzileena

    Kuma aanu soo dejin qolodiisii gadaashi wax ciidan ah aan kaga keennay samada, mana aanu falno sidaas.

  29. إِن كَانَتْ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً فَإِذَا هُمْ خَـٰمِدُونَ۝٢٩

    In kanat illa sayhatan wahidatan faitha hum khamidoona

    Waxay ahayd dhawaaq qaylo keliya ah, markaasay wada baseen.

  30. يَـٰحَسْرَةً عَلَى ٱلْعِبَادِ ۚ مَا يَأْتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ۝٣٠

    Ya hasratan ʿala alʿibadi ma yateehim min rasoolin illa kanoo bihi yastahzioona

    Maxay qoomamo u ahaatay addoomaha! Ma jiro Rasuul u yimaada aanay ku jeesjeesin.

  31. أَلَمْ يَرَوْا۟ كَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّنَ ٱلْقُرُونِ أَنَّهُمْ إِلَيْهِمْ لَا يَرْجِعُونَ۝٣١

    Alam yaraw kam ahlakna qablahum mina alqurooni annahum ilayhim la yarjiʿoona

    Miyeyna ogaan intee baan facyo halaagnay hortood, aan xaggooda u soo noqonayn?

  32. وَإِن كُلٌّ لَّمَّا جَمِيعٌ لَّدَيْنَا مُحْضَرُونَ۝٣٢

    Wain kullun lamma jameeʿun ladayna muhdaroona

    Kulligoodna iyagoo dhan Hortayadaa la keeni.

  33. وَءَايَةٌ لَّهُمُ ٱلْأَرْضُ ٱلْمَيْتَةُ أَحْيَيْنَـٰهَا وَأَخْرَجْنَا مِنْهَا حَبًّا فَمِنْهُ يَأْكُلُونَ۝٣٣

    Waayatun lahumu alardu almaytatu ahyaynaha waakhrajna minha habban faminhu yakuloona

    Waxaa Calaamo u ah arlada meydka ah aanu nooleyno, kana soo saarno hadhuudh ay wax ka cunaan.

  34. وَجَعَلْنَا فِيهَا جَنَّـٰتٍ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعْنَـٰبٍ وَفَجَّرْنَا فِيهَا مِنَ ٱلْعُيُونِ۝٣٤

    Wajaʿalna feeha jannatin min nakheelin waaʿnabin wafajjarna feeha mina alʿuyooni

    Waxaana yeellay dhexdeeda beero timir ah iyo canabyo, oo ka burqinnay dhexdeeda ilo (biyo ah).

  35. لِيَأْكُلُوا۟ مِن ثَمَرِهِۦ وَمَا عَمِلَتْهُ أَيْدِيهِمْ ۖ أَفَلَا يَشْكُرُونَ۝٣٥

    Liyakuloo min thamarihi wama ʿamilathu aydeehim afala yashkuroona

    Si ay wax uga cunaan midhahiisa, mana ayan sameyn gacmahoodu1. Ee Ma waysan (Alle u) mahad naqeyn?

    Sharaxa hoose
    [1] Macno kale: Waa inay wax ka cunaan waxa ay gacmahoodu faleen (beereen oo soo goosteen). Labada macnoba waa sax.
  36. سُبْحَـٰنَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلْأَزْوَٰجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنۢبِتُ ٱلْأَرْضُ وَمِنْ أَنفُسِهِمْ وَمِمَّا لَا يَعْلَمُونَ۝٣٦

    Subhana allathee khalaqa alazwaja kullaha mimma tunbitu alardu wamin anfusihim wamimma la yaʿlamoona

    Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo ka hufan (xumaan, Alle ee) abuuray noocyada dhammaan wuxuu dhulka soo saaro, iyo nafahooda iyo waxa aysan ogayn.

  37. وَءَايَةٌ لَّهُمُ ٱلَّيْلُ نَسْلَخُ مِنْهُ ٱلنَّهَارَ فَإِذَا هُم مُّظْلِمُونَ۝٣٧

    Waayatun lahumu allaylu naslakhu minhu alnnahara faitha hum muthlimoona

    waxaa Calaamo ugu sugan habeenka, aan ka soo saarno maalinta, oo markaas ay mugdi galaan.

  38. وَٱلشَّمْسُ تَجْرِى لِمُسْتَقَرٍّ لَّهَا ۚ ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ ٱلْعَزِيزِ ٱلْعَلِيمِ۝٣٨

    Waalshshamsu tajree limustaqarrin laha thalika taqdeeru alʿazeezi alʿaleemi

    Qorraxdu waxay ku oroddaa rugo ay leedahay. (Arrin)kaasi waa Qaddarka (Alle) Adkaadaha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.

  39. وَٱلْقَمَرَ قَدَّرْنَـٰهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَٱلْعُرْجُونِ ٱلْقَدِيمِ۝٣٩

    Waalqamara qaddarnahu manazila hatta ʿada kaalʿurjooni alqadeemi

    Dayaxa waxaanu u qaddarnay heerar uu maro ilaa uu soo noqdo mar kale sida laan timireed qallalan oo gabowday.

  40. لَا ٱلشَّمْسُ يَنۢبَغِى لَهَآ أَن تُدْرِكَ ٱلْقَمَرَ وَلَا ٱلَّيْلُ سَابِقُ ٱلنَّهَارِ ۚ وَكُلٌّ فِى فَلَكٍ يَسْبَحُونَ۝٤٠

    La alshshamsu yanbaghee laha an tudrika alqamara wala allaylu sabiqu alnnahari wakullun fee falakin yasbahoona

    Looma oggola qorraxda inay haleesho dayaxa, habeenkuna ma ka hor maro maalinta. Dhammaan waxay ku dabaashaan mareeg (garangar) dhexdi.

  41. وَءَايَةٌ لَّهُمْ أَنَّا حَمَلْنَا ذُرِّيَّتَهُمْ فِى ٱلْفُلْكِ ٱلْمَشْحُونِ۝٤١

    Waayatun lahum anna hamalna thurriyyatahum fee alfulki almashhooni

    Waxaa Calaamo ugu filan inaan ku qaadnay ubadkoodii1 Doonidii buuxday.

    Sharaxa hoose
    [1] Weedha durriyad halkan waxaa loola jeedaa fir (waa inay yihiin firkii Nuux) ee laga badbaadshay daadkii weynaa ee lagu halaagay qoonkii Nuux.
  42. وَخَلَقْنَا لَهُم مِّن مِّثْلِهِۦ مَا يَرْكَبُونَ۝٤٢

    Wakhalaqna lahum min mithlihi ma yarkaboona

    Waxaana uga abuurnay wax caynkeed ah waxay fuulaan.

  43. وَإِن نَّشَأْ نُغْرِقْهُمْ فَلَا صَرِيخَ لَهُمْ وَلَا هُمْ يُنقَذُونَ۝٤٣

    Wain nasha nughriqhum fala sareekha lahum wala hum yunqathoona

    Haddaan doonnona waanu harqin, markaa ma helaan wax u soo gurmada, lamana badbaadiyo.

  44. إِلَّا رَحْمَةً مِّنَّا وَمَتَـٰعًا إِلَىٰ حِينٍ۝٤٤

    Illa rahmatan minna wamataʿan ila heenin

    Naxariis Xaggayaga ah mooyee iyo raaxo ilaa muddo ah.

  45. وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّقُوا۟ مَا بَيْنَ أَيْدِيكُمْ وَمَا خَلْفَكُمْ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ۝٤٥

    Waitha qeela lahumu ittaqoo ma bayna aydeekum wama khalfakum laʿallakum turhamoona

    Marka (gaalada) lagu yidhaahdo: Iska jira waxa ah hortiinna iyo waxa ah gadaashiinna1 si la idiinkugu naxariisto 'ma maqlaan'2.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa Aakhirada iyo cadaabkeeda iyo adduunka iyo xaaladahiisa kala duwan. [2] Macnaha way iska dhego tiraan waanooyinka oo dan u geli waayaan digniinaha.
  46. وَمَا تَأْتِيهِم مِّنْ ءَايَةٍ مِّنْ ءَايَـٰتِ رَبِّهِمْ إِلَّا كَانُوا۟ عَنْهَا مُعْرِضِينَ۝٤٦

    Wama tateehim min ayatin min ayati rabbihim illa kanoo ʿanha muʿrideena

    Uma timaaddo calaamad ka mid ah calaamooyinka Rabbigood, wayse ka sii jeesadaan.

  47. وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ أَنفِقُوا۟ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَنُطْعِمُ مَن لَّوْ يَشَآءُ ٱللَّهُ أَطْعَمَهُۥٓ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا فِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ۝٤٧

    Waitha qeela lahum anfiqoo mimma razaqakumu Allahu qala allatheena kafaroo lillatheena amanoo anutʿimu man law yashao Allahu atʿamahu in antum illa fee dalalin mubeenin

    Marka lagu yidhaahdo: Wax ka bixiya waxa uu Alle idinku irsaaqay, kuwa gaalooba waxay ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeeyey: Ma waxaan quudinnaa`mid hadduu doono Alle uu quudin lahaa? Idinku kuma sugnidin waxaan ahayn habow cad.

  48. وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَـٰذَا ٱلْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ۝٤٨

    Wayaqooloona mata hatha alwaʿdu in kuntum sadiqeena

    Waxay (gaaladu) odhan: Goormay gooddintani fuli, haddaad run sheegaysaan?

  49. مَا يَنظُرُونَ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً تَأْخُذُهُمْ وَهُمْ يَخِصِّمُونَ۝٤٩

    Ma yanthuroona illa sayhatan wahidatan takhuthuhum wahum yakhissimoona

    Ma sugayaan (gaaladu) wax kale aan aheyn hal Qaylo1, qabaneysa iyagoo murmi.

    Sharaxa hoose
    [1] Erey ahaan macnaha waa dhawaaq ama qeylo daran, waxaana loola jeedaa afuufka koowaad ee Buunka uu dhiman noole kasta oo dhulka jooga digniin hore la’aan.
  50. فَلَا يَسْتَطِيعُونَ تَوْصِيَةً وَلَآ إِلَىٰٓ أَهْلِهِمْ يَرْجِعُونَ۝٥٠

    Fala yastateeʿoona tawsiyatan wala ila ahlihim yarjiʿoona

    Markaas ma karaan dardaaran, ehelkoodiina uma soo noqdaan.

  51. وَنُفِخَ فِى ٱلصُّورِ فَإِذَا هُم مِّنَ ٱلْأَجْدَاثِ إِلَىٰ رَبِّهِمْ يَنسِلُونَ۝٥١

    Wanufikha fee alssoori faitha hum mina alajdathi ila rabbihim yansiloona

    Buunkaa la aafuufi1, mise kolkaa bay qubuurahooda ka soo yaaci iygoo u degdegaya xagga Rabbigood.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa afuufka labaad ee Buunka, markaasoo ay ka soo bixi doonaan qubuuraha iyagoo la soo nooleeyey.
  52. قَالُوا۟ يَـٰوَيْلَنَا مَنۢ بَعَثَنَا مِن مَّرْقَدِنَا ۜ ۗ هَـٰذَا مَا وَعَدَ ٱلرَّحْمَـٰنُ وَصَدَقَ ٱلْمُرْسَلُونَ۝٥٢

    Qaloo ya waylana man baʿathana min marqadina hatha ma waʿada alrrahmanu wasadaqa almursaloona

    Waxay odhan: Hoognaye! Yaa naga soo kiciyey meeshayadii aan hurudnay? (Waxaa lagu odhan): Kanu waa wuxuu Raxmaan- ku ballan qaaday, Rusushuna run bay sheegeen.

  53. إِن كَانَتْ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً فَإِذَا هُمْ جَمِيعٌ لَّدَيْنَا مُحْضَرُونَ۝٥٣

    In kanat illa sayhatan wahidatan faitha hum jameeʿun ladayna muhdaroona

    Ma ahaaneyso wax kale aan aheyn hal Qaylo keliya, Mise kolkaa! Waxay dham- maan ahaan kuwo Hortayada la keeno.

  54. فَٱلْيَوْمَ لَا تُظْلَمُ نَفْسٌ شَيْـًٔا وَلَا تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ۝٥٤

    Faalyawma la tuthlamu nafsun shayan wala tujzawna illa ma kuntum taʿmaloona

    Marka Maanta (Qiyaamada) lagama dulmiyo nafna waxba, la idinkana abaal marin maayo waxaad camal fasheen mooyee.

  55. إِنَّ أَصْحَـٰبَ ٱلْجَنَّةِ ٱلْيَوْمَ فِى شُغُلٍ فَـٰكِهُونَ۝٥٥

    Inna ashaba aljannati alyawma fee shughulin fakihoona

    Hubaal ehlu-jannuhu, waxay maalintaas ku sugnaan shuqul (la raaxeysi xaasaskooda) iyagoo faraxsan.

  56. هُمْ وَأَزْوَٰجُهُمْ فِى ظِلَـٰلٍ عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ مُتَّكِـُٔونَ۝٥٦

    Hum waazwajuhum fee thilalin ʿala alaraiki muttakioona

    Iyaga iyo xaasaskoodu waxay ku sugnaan hoosas harac ah, iyagoo ku dangiigsanaan sariiro sare.

  57. لَهُمْ فِيهَا فَـٰكِهَةٌ وَلَهُم مَّا يَدَّعُونَ۝٥٧

    Lahum feeha fakihatun walahum ma yaddaʿoona

    Waxay ku lahaan midho gudaheeda waxayna lahaan waxay doonaanba.

  58. سَلَـٰمٌ قَوْلًا مِّن رَّبٍّ رَّحِيمٍ۝٥٨

    Salamun qawlan min rabbin raheemin

    Salaam (Nabad ahaada): waa qowl uga imaan Rabbi, Naxariis Badan (Allaah Kor ahaaye).

  59. وَٱمْتَـٰزُوا۟ ٱلْيَوْمَ أَيُّهَا ٱلْمُجْرِمُونَ۝٥٩

    Waimtazoo alyawma ayyuha almujrimoona

    Soocma maanta denbiilayaashow1!

    Sharaxa hoose
    [1] Waa ka baxa safka mu’miniinta oo gooni u istaaga si la idiinka garto iyaga.
  60. ۞ أَلَمْ أَعْهَدْ إِلَيْكُمْ يَـٰبَنِىٓ ءَادَمَ أَن لَّا تَعْبُدُوا۟ ٱلشَّيْطَـٰنَ ۖ إِنَّهُۥ لَكُمْ عَدُوٌّ مُّبِينٌ۝٦٠

    Alam aʿhad ilaykum ya banee adama an la taʿbudoo alshshaytana innahu lakum ʿaduwwun mubeenun

    Miyaanan idiin xil saarin Ilma Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan? Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad.

  61. وَأَنِ ٱعْبُدُونِى ۚ هَـٰذَا صِرَٰطٌ مُّسْتَقِيمٌ۝٦١

    Waani oʿbudoonee hatha siratun mustaqeemun

    Iyo inaad i caabudaan Aniga (Allaah Keliya) wa kaa Jidka Toosane.

  62. وَلَقَدْ أَضَلَّ مِنكُمْ جِبِلًّا كَثِيرًا ۖ أَفَلَمْ تَكُونُوا۟ تَعْقِلُونَ۝٦٢

    Walaqad adalla minkum jibillan katheeran afalam takoonoo taʿqiloona

    Wuxuu (Shaydaan) dhab ahaan habaabiyey dad badan oo idinka mid ah. Ee miyeydaan aheyn kuwo wax garta?

  63. هَـٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِى كُنتُمْ تُوعَدُونَ۝٦٣

    Hathihi jahannamu allatee kuntum tooʿadoona

    Waa tan Jahannamadii la idiinku gooddinayey.

  64. ٱصْلَوْهَا ٱلْيَوْمَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ۝٦٤

    Islawha alyawma bima kuntum takfuroona

    Ee gala oo ku gubta (Naarta) maanta gaalnimadiinnii darteed.

  65. ٱلْيَوْمَ نَخْتِمُ عَلَىٰٓ أَفْوَٰهِهِمْ وَتُكَلِّمُنَآ أَيْدِيهِمْ وَتَشْهَدُ أَرْجُلُهُم بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ۝٦٥

    Alyawma nakhtimu ʿala afwahihim watukallimuna aydeehim watashhadu arjuluhum bima kanoo yaksiboona

    Maanta Waxaynu dabooli afafkooda, waxaa nala hadli gacmahooda, waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasbadeen (oo denbiyo ah darteed).

  66. وَلَوْ نَشَآءُ لَطَمَسْنَا عَلَىٰٓ أَعْيُنِهِمْ فَٱسْتَبَقُوا۟ ٱلصِّرَٰطَ فَأَنَّىٰ يُبْصِرُونَ۝٦٦

    Walaw nashao latamasna ʿala aʿyunihim faistabaqoo alssirata faanna yubsiroona

    Haddaan doonno, waxaan malaasay- naa indhahooda, markaasay hadba dhinac u cararayaan iyagoo raadinaya Jidka, Sidee bayse u arkayaan1?

    Sharaxa hoose
    [1] Alle s.w.t. wuu kaga tegi karay aadmiga hanuunin la’aan nolosha adduunkan, ha yeeshee ma uusan yeelin sidaas Naxariistiisa awgeed.
  67. وَلَوْ نَشَآءُ لَمَسَخْنَـٰهُمْ عَلَىٰ مَكَانَتِهِمْ فَمَا ٱسْتَطَـٰعُوا۟ مُضِيًّا وَلَا يَرْجِعُونَ۝٦٧

    Walaw nashao lamasakhnahum ʿala makanatihim fama istataʿoo mudiyyan wala yarjiʿoona

    Haddaan doonnona, waxaan ku masakhaynaa halkooda, markaas ma kara- yaan tagitaan iyo soo noqosho midna1.

    Sharaxa hoose
    [1] Alle s.w.t. wuu ka celin karay aadmiga inuu sameeyo wax dan u ah adduunkan ama Aakhirada, sidaas oy tahay ma uusan yeelin.
  68. وَمَن نُّعَمِّرْهُ نُنَكِّسْهُ فِى ٱلْخَلْقِ ۖ أَفَلَا يَعْقِلُونَ۝٦٨

    Waman nuʿammirhu nunakkishu fee alkhalqi afala yaʿqiloona

    Qofkaan siinno cimri dherer, Waanu tabar yareynaa abuur ahaan (oo asaasiqinnaa). Ee miyeyna wax fahmeyn?

  69. وَمَا عَلَّمْنَـٰهُ ٱلشِّعْرَ وَمَا يَنۢبَغِى لَهُۥٓ ۚ إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ وَقُرْءَانٌ مُّبِينٌ۝٦٩

    Wama ʿallamnahu alshshiʿra wama yanbaghee lahu in huwa illa thikrun waquranun mubeenun

    Ma aanu barin isaga (Nabi Muxammad) gabay, mana aha wax ku habboon. Kani ma aha waxaan ahayn Waano iyo Qur’aan cad.

  70. لِّيُنذِرَ مَن كَانَ حَيًّا وَيَحِقَّ ٱلْقَوْلُ عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ۝٧٠

    Liyunthira man kana hayyan wayahiqqa alqawlu ʿala alkafireena

    Si uu ugu digo kan nool (mu'miniinta) oo Weedha (Cadaabka) ugu rumowdo gaalada.

  71. أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّا خَلَقْنَا لَهُم مِّمَّا عَمِلَتْ أَيْدِينَآ أَنْعَـٰمًا فَهُمْ لَهَا مَـٰلِكُونَ۝٧١

    Awalam yaraw anna khalaqna lahum mimma ʿamilat aydeena anʿaman fahum laha malikoona

    Miyeyna arkaynin inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxay Gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin?

  72. وَذَلَّلْنَـٰهَا لَهُمْ فَمِنْهَا رَكُوبُهُمْ وَمِنْهَا يَأْكُلُونَ۝٧٢

    Wathallalnaha lahum faminha rakoobuhum waminha yakuloona

    Oo aan u laylinnay, sidaa awgeed waxna way adeegsadaan rukuub ahaan, waxna wax ka cunaan.

  73. وَلَهُمْ فِيهَا مَنَـٰفِعُ وَمَشَارِبُ ۖ أَفَلَا يَشْكُرُونَ۝٧٣

    Walahum feeha manafiʿu wamasharibu afala yashkuroona

    Waxaana ugu sugan manaafacaad kale iyo cabbitaanno. Ee Miyayna mahadineyn?

  74. وَٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةً لَّعَلَّهُمْ يُنصَرُونَ۝٧٤

    Waittakhathoo min dooni Allahi alihatan laʿallahum yunsaroona

    Waxayse yeesheen Alle ka sokow ilaahyo kale si ay ugu gargaaraan.

  75. لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَهُمْ وَهُمْ لَهُمْ جُندٌ مُّحْضَرُونَ۝٧٥

    La yastateeʿoona nasrahum wahum lahum jundun muhdaroona

    Ma karaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada1.

    Sharaxa hoose
    [1] Iyagoo ilaaliya oo dhowra ilaahyadooda beenta ah. Tafsiir kale waa inay ilaahyadaasi ahaan askar colkood ah iyaga Naarta gudaheeda.
  76. فَلَا يَحْزُنكَ قَوْلُهُمْ ۘ إِنَّا نَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ۝٧٦

    Fala yahzunka qawluhum inna naʿlamu ma yusirroona wama yuʿlinoona

    Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxay u falaan qarsoodiga iyo waxay caddaystaanba.

  77. أَوَلَمْ يَرَ ٱلْإِنسَـٰنُ أَنَّا خَلَقْنَـٰهُ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ۝٧٧

    Awalam yara alinsanu anna khalaqnahu min nutfatin faitha huwa khaseemun mubeenun

    Miyuusan aadmigu arag inaan ka abuurnay dhibic mino ah. Mise waa col iska cad oo dood badan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa markuu kaaftoomo oo isku filnaado.
  78. وَضَرَبَ لَنَا مَثَلًا وَنَسِىَ خَلْقَهُۥ ۖ قَالَ مَن يُحْىِ ٱلْعِظَـٰمَ وَهِىَ رَمِيمٌ۝٧٨

    Wadaraba lana mathalan wanasiya khalqahu qala man yuhyee alʿithama wahiya rameemun

    Wuxuu soo qaatay tusaale uu Annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamay abuurkiisa. Wuxuu yidhi: Yaa nooleyn lafo baaliyoobay1?

    Sharaxa hoose
    [1] Isagoo isku dayaya inuu sugo inaanay jirin iska soo saarid qubuuraha.
  79. قُلْ يُحْيِيهَا ٱلَّذِىٓ أَنشَأَهَآ أَوَّلَ مَرَّةٍ ۖ وَهُوَ بِكُلِّ خَلْقٍ عَلِيمٌ۝٧٩

    Qul yuhyeeha allathee anshaaha awwala marratin wahuwa bikulli khalqin ʿaleemun

    Dheh: Waxaa nooleyn Kan ifka keenay kolkii horeba. Isagaana (Alle) u Xog ogaal ah uunka oo idil.

  80. ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلشَّجَرِ ٱلْأَخْضَرِ نَارًا فَإِذَآ أَنتُم مِّنْهُ تُوقِدُونَ۝٨٠

    Allathee jaʿala lakum mina alshshajari alakhdari naran faitha antum minhu tooqidoona

    Waa Kan idiinka yeelay geedka cagaaran dab oo markaas aad hursataan.

  81. أَوَلَيْسَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِقَـٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يَخْلُقَ مِثْلَهُم ۚ بَلَىٰ وَهُوَ ٱلْخَلَّـٰقُ ٱلْعَلِيمُ۝٨١

    Awalaysa allathee khalaqa alssamawati waalarda biqadirin ʿala an yakhluqa mithlahum bala wahuwa alkhallaqu alʿaleemu

    Miyuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale1? Haaheey, Waana Abuuraha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.

    Sharaxa hoose
    [1] Soo nooleeyo aadmiga oo dib u abuuro.
  82. إِنَّمَآ أَمْرُهُۥٓ إِذَآ أَرَادَ شَيْـًٔا أَن يَقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ۝٨٢

    Innama amruhu itha arada shayan an yaqoola lahu kun fayakoonu

    Amarkiisu markuu doono wax uun, waa inuu keliya ku yidhaahdo: Ahaw, waana yahay.

  83. فَسُبْحَـٰنَ ٱلَّذِى بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَىْءٍ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ۝٨٣

    Fasubhana allathee biyadihi malakootu kulli shayin wailayhi turjaʿoona

    Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan (Alle) ay Gacantiisu ku jiraan Mulkiga (iyo Maamulka) wax kasta, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin1.

    Sharaxa hoose
    [1] Maalinta uu Alle u kala garsoori doono addoomahiisa oo abaal marin.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Suuradda Yaasiin juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Yaasiin waxay ku fidsan tahay juz’ 22 iyo 23.

Suuradda Yaasiin immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Yaasiin waxay leedahay 83 aayadood.

Suuradda Yaasiin ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Yaasiin waa suurad Makki ah.

Suuradda Yaasiin waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 36aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.