سورة فاطر

Suuradda Faadir oo af Soomaali ah

Abuuraha

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Faadir (فاطر) waa suuradda 35aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 45 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Abuuraha”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 22.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Faadir oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Faadir oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ فَاطِرِ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ جَاعِلِ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةِ رُسُلًا أُو۟لِىٓ أَجْنِحَةٍ مَّثْنَىٰ وَثُلَـٰثَ وَرُبَـٰعَ ۚ يَزِيدُ فِى ٱلْخَلْقِ مَا يَشَآءُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ۝١

    Alhamdu lillahi fatiri alssamawati waalardi jaʿili almalaikati rusulan olee ajnihatin mathna wathulatha warubaʿa yazeedu fee alkhalqi ma yashao inna Allaha ʿala kulli shayin qadeerun

    Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa mudan Allaah, askumaha (abuuray) samooyinka iyo arlada, ka yeelay malaa’igta Rusul (farriin sidayaal ah) leh garbo (baalal ay ku duulaan), labo iyo saddex iyo afarba. Wuxuu ku kordhiyaa abuurista wuxuu doono. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.

  2. مَّا يَفْتَحِ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ مِن رَّحْمَةٍ فَلَا مُمْسِكَ لَهَا ۖ وَمَا يُمْسِكْ فَلَا مُرْسِلَ لَهُۥ مِنۢ بَعْدِهِۦ ۚ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ۝٢

    Ma yaftahi Allahu lilnnasi min rahmatin fala mumsika laha wama yumsik fala mursila lahu min baʿdihi wahuwa alʿazeezu alhakeemu

    Wax kastoo Alle u furo dadka oo Naxariis ah, ma jiro wax celin kara, wuxuu celiyana ma jiro wax soo diri kara Isaga kadambow. Waana Adkaadaha, Xakiimka ah.

  3. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱذْكُرُوا۟ نِعْمَتَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ ۚ هَلْ مِنْ خَـٰلِقٍ غَيْرُ ٱللَّهِ يَرْزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ ۚ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ فَأَنَّىٰ تُؤْفَكُونَ۝٣

    Ya ayyuha alnnasu othkuroo niʿmata Allahi ʿalaykum hal min khaliqin ghayru Allahi yarzuqukum mina alssamai waalardi la ilaha illa huwa faanna tufakoona

    Dadow! Xusuusnaada Nicamadda Alle dushiinna; Ma waxaa jira abuure kale aan ahayn Allaah oo idinka arsaaqa cirka iyo dhulka? Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. Ee xaggee baa la idiinka iilay?

  4. وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدْ كُذِّبَتْ رُسُلٌ مِّن قَبْلِكَ ۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرْجَعُ ٱلْأُمُورُ۝٤

    Wain yukaththibooka faqad kuththibat rusulun min qablika waila Allahi turjaʿu alomooru

    Hadday ku beeniyaan (Nabiyow), waxaa la beeniyey Rusul kaa horreeyey. Alle baa loo celiyaa umuurahoo dhan.

  5. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ ۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا ۖ وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِٱللَّهِ ٱلْغَرُورُ۝٥

    Ya ayyuha alnnasu inna waʿda Allahi haqqun fala taghurrannakumu alhayatu alddunya wala yaghurrannakum biAllahi algharooru

    Dadow! Hubaal Ballanka Alle waa Xaq. Ee yeysan idin hodin noloshan soke ee adduunka, yuusanna kan hodista badan (shaydaanka) idinka hodin arrinka Alle.

  6. إِنَّ ٱلشَّيْطَـٰنَ لَكُمْ عَدُوٌّ فَٱتَّخِذُوهُ عَدُوًّا ۚ إِنَّمَا يَدْعُوا۟ حِزْبَهُۥ لِيَكُونُوا۟ مِنْ أَصْحَـٰبِ ٱلسَّعِيرِ۝٦

    Inna alshshaytana lakum ʿaduwwun faittakhithoohu ʿaduwwan innama yadʿoo hizbahu liyakoonoo min ashabi alssaʿeeri

    Xaqiiq, shaydaanku wuxuu idiin yahay cadow, ee idinkuna ka yeesha cadow. Wuxuu uun ugu yeedhaa Xisbigiisa inay ka mid noqdaan asxaabta Naarta hureysa.

  7. ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ ۖ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ كَبِيرٌ۝٧

    Allatheena kafaroo lahum ʿathabun shadeedun waallatheena amanoo waʿamiloo alssalihati lahum maghfiratun waajrun kabeerun

    Kuwa gaalooba waxay leeyihiin cadaab daran; kuwase rumeeyey (Xaqa) oo samaha fala, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud Weyn (Janno).

  8. أَفَمَن زُيِّنَ لَهُۥ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ فَرَءَاهُ حَسَنًا ۖ فَإِنَّ ٱللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ ۖ فَلَا تَذْهَبْ نَفْسُكَ عَلَيْهِمْ حَسَرَٰتٍ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌۢ بِمَا يَصْنَعُونَ۝٨

    Afaman zuyyina lahu sooo ʿamalihi faraahu hasanan fainna Allaha yudillu man yashao wayahdee man yashao fala tathhab nafsuka ʿalayhim hasaratin inna Allaha ʿaleemun bima yasnaʿoona

    Ma mid isaga loo qurxiyey camalkiisa xun, heer uu u arko wax wanaagsan (baa la siman mid isagu hanuunsan)? Alle wuxuu lumiyaa qofkuu doono, oo hanuuniyaa qofkuu doono, ee yeysan naftaadu ku tegin murugo dartood kuu qabata. Allaah wuu Ogsoon yahay waxay samayne.

  9. وَٱللَّهُ ٱلَّذِىٓ أَرْسَلَ ٱلرِّيَـٰحَ فَتُثِيرُ سَحَابًا فَسُقْنَـٰهُ إِلَىٰ بَلَدٍ مَّيِّتٍ فَأَحْيَيْنَا بِهِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا ۚ كَذَٰلِكَ ٱلنُّشُورُ۝٩

    WaAllahu allathee arsala alrriyaha fatutheeru sahaban fasuqnahu ila baladin mayyitin faahyayna bihi alarda baʿda mawtiha kathalika alnnushooru

    Allaah waa Kan soo dira dabeylaha ee kicisa daruur, oo aanu u kaxeyno beled dhintay (abaar ah), markaasaan ku noolaynaa arlada kaddib dhimashadeeda. Sidaas oo kale weeyaan soo Bixintiinna (Qiyaamada).

  10. مَن كَانَ يُرِيدُ ٱلْعِزَّةَ فَلِلَّهِ ٱلْعِزَّةُ جَمِيعًا ۚ إِلَيْهِ يَصْعَدُ ٱلْكَلِمُ ٱلطَّيِّبُ وَٱلْعَمَلُ ٱلصَّـٰلِحُ يَرْفَعُهُۥ ۚ وَٱلَّذِينَ يَمْكُرُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ ۖ وَمَكْرُ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُوَ يَبُورُ۝١٠

    Man kana yureedu alʿizzata falillahi alʿizzatu jameeʿan ilayhi yasʿadu alkalimu alttayyibu waalʿamalu alssalihu yarfaʿuhu waallatheena yamkuroona alssayyiati lahum ʿathabun shadeedun wamakru olaika huwa yabooru

    Qofkii raba sharaf (iyo cizo), Alle baa iska leh Sharaf iyo Cizoo dhan. Xaggiisay kor u aadaan weedhaha san oo idil, camalka sanna wuu kor yeelaa. Kuwase dhiga dabin ee xuma qoola waxay leeyihiin cadaab daran. Kuwaasu qorshahooda xun wuu iska baabbi’i.

  11. وَٱللَّهُ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ جَعَلَكُمْ أَزْوَٰجًا ۚ وَمَا تَحْمِلُ مِنْ أُنثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلْمِهِۦ ۚ وَمَا يُعَمَّرُ مِن مُّعَمَّرٍ وَلَا يُنقَصُ مِنْ عُمُرِهِۦٓ إِلَّا فِى كِتَـٰبٍ ۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٌ۝١١

    WaAllahu khalaqakum min turabin thumma min nutfatin thumma jaʿalakum azwajan wama tahmilu min ontha wala tadaʿu illa biʿilmihi wama yuʿammaru min muʿammarin wala yunqasu min ʿumurihi illa fee kitabin inna thalika ʿala Allahi yaseerun

    Alle wuxuu idinka abuuray carro, haddana dhibic mino ah, haddana wuxuu idinka yeelay lammaan (lab iyo dheddig); ma jirto dheddig uur qaadda, mana ku soo debed dhigto waxaan ahayn ogaalkiisa, mana jiro ku cimrigiisu la dheereeyo ama wax laga dhimo cimrigiisa oo aan dhammaan ku qornayn Kitaab (Looxa Maxfuudka). Hubaal arrinkaa waa mid Alle u Fudud.

  12. وَمَا يَسْتَوِى ٱلْبَحْرَانِ هَـٰذَا عَذْبٌ فُرَاتٌ سَآئِغٌ شَرَابُهُۥ وَهَـٰذَا مِلْحٌ أُجَاجٌ ۖ وَمِن كُلٍّ تَأْكُلُونَ لَحْمًا طَرِيًّا وَتَسْتَخْرِجُونَ حِلْيَةً تَلْبَسُونَهَا ۖ وَتَرَى ٱلْفُلْكَ فِيهِ مَوَاخِرَ لِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ۝١٢

    Wama yastawee albahrani hatha ʿathbun furatun saighun sharabuhu wahatha milhun ojajun wamin kullin takuloona lahman tariyyan watastakhrijoona hilyatan talbasoonaha watara alfulka feehi mawakhira litabtaghoo min fadlihi walaʿallakum tashkuroona

    Ma aha isku mid labada badood, mid waa macaan lagu harraad baxo ay wanaagsan tahay cabbiddiisu, kan kalena waa milix lagu gubto dhanaankeeda daran awgi, mid walbaana oo ka mid ah waxaad ka cuntaan hilib cusub oo jileec ah (kalluun), oo waxaad kala soo baxdaan (badda) waxyaalo aad qurux u xidhataan. Waxaad arkaysaa doonyaha oo dhex maaxaya badda, si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad (Alle) ku mahdisaan.

  13. يُولِجُ ٱلَّيْلَ فِى ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِى ٱلَّيْلِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ كُلٌّ يَجْرِى لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمْ لَهُ ٱلْمُلْكُ ۚ وَٱلَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِهِۦ مَا يَمْلِكُونَ مِن قِطْمِيرٍ۝١٣

    Yooliju allayla fee alnnahari wayooliju alnnahara fee allayli wasakhkhara alshshamsa waalqamara kullun yajree liajalin musamman thalikumu Allahu rabbukum lahu almulku waallatheena tadʿoona min doonihi ma yamlikoona min qitmeerin

    Wuxuu (Alle) habeenka dhex galiyaa maalinta, maalintana dhex galiyaa habeenka (macnaha kala badiyaa). Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, mid walba uu ku socdo marriinkiisa muddo magacaaban. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin; Isagaa leh Boqortooyada (Runta ah), kuwase aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi ma hantaan xitaa xuub laf timireed.

  14. إِن تَدْعُوهُمْ لَا يَسْمَعُوا۟ دُعَآءَكُمْ وَلَوْ سَمِعُوا۟ مَا ٱسْتَجَابُوا۟ لَكُمْ ۖ وَيَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ يَكْفُرُونَ بِشِرْكِكُمْ ۚ وَلَا يُنَبِّئُكَ مِثْلُ خَبِيرٍ۝١٤

    In tadʿoohum la yasmaʿoo duʿaakum walaw samiʿoo ma istajaboo lakum wayawma alqiyamati yakfuroona bishirkikum wala yunabbioka mithlu khabeerin

    Haddaad u yeedhataan ma maqlaan ducadiinna, hadday idin maqli lahaa- yeenna ma idin ajiibeen. Maalinta Qiyaamahana way diidi shirkigiinna1. Ma jiro cid wax kuugu sheegi kartaa sida Midka ah Xog ogaal Xeel dheer (Alle).

    Sharaxa hoose
    [1] Kuwa aad baridaan la jirka Alle oo aad caabuddaan.
  15. ۞ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ أَنتُمُ ٱلْفُقَرَآءُ إِلَى ٱللَّهِ ۖ وَٱللَّهُ هُوَ ٱلْغَنِىُّ ٱلْحَمِيدُ۝١٥

    Ya ayyuha alnnasu antumu alfuqarao ila Allahi waAllahu huwa alghaniyyu alhameedu

    Dadow! Idinka weeye kuwa u baahan Alle. Alle waa Hodanka, Ammaanan.

  16. إِن يَشَأْ يُذْهِبْكُمْ وَيَأْتِ بِخَلْقٍ جَدِيدٍ۝١٦

    In yasha yuthhibkum wayati bikhalqin jadeedin

    Hadduu doono, wuu idin tegsiin, oo keeni uun cusub.

  17. وَمَا ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ بِعَزِيزٍ۝١٧

    Wama thalika ʿala Allahi biʿazeezin

    Waxnana kuma adka Alle.

  18. وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ ۚ وَإِن تَدْعُ مُثْقَلَةٌ إِلَىٰ حِمْلِهَا لَا يُحْمَلْ مِنْهُ شَىْءٌ وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَىٰٓ ۗ إِنَّمَا تُنذِرُ ٱلَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِٱلْغَيْبِ وَأَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ ۚ وَمَن تَزَكَّىٰ فَإِنَّمَا يَتَزَكَّىٰ لِنَفْسِهِۦ ۚ وَإِلَى ٱللَّهِ ٱلْمَصِيرُ۝١٨

    Wala taziru waziratun wizra okhra wain tadʿu muthqalatun ila himliha la yuhmal minhu shayon walaw kana tha qurba innama tunthiru allatheena yakhshawna rabbahum bialghaybi waaqamoo alssalata waman tazakka fainnama yatazakka linafsihi waila Allahi almaseeru

    Nafna naf kale denbigeed ma qaaddo; haddii naf culaabeysan u yeedhato (mid kale inuu qaado) culayskeeda, waxba kama qaado, qaraaboba ha ahaadeene. Waxaad uun u digi kuwa ka baqa Rabbigood sir 'iyo saaqba'1, oo ooga salaadda. Qofkii is daahiriya2, naftiisu uun buu isu daahiriyey, waana Xagga Alle meesha loo socdaa (geeri dabadeed).

    Sharaxa hoose
    [1] Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Ghaybka –maqnaanta- halkan waxaa loola jeedaa marka uu qofku keli yahay aan la arkayn. [2] Nabi Muxammad s.c.w. ma hanuunin karo mushrikiinta quluubtooda ka xidhan yahay iimaanka aan iyagu dooneyn hanuunka oo dan ka lahayn.
  19. وَمَا يَسْتَوِى ٱلْأَعْمَىٰ وَٱلْبَصِيرُ۝١٩

    Wama yastawee alaʿma waalbaseeru

    Ma sinna indhoolaha iyo mid wax arka.

  20. وَلَا ٱلظُّلُمَـٰتُ وَلَا ٱلنُّورُ۝٢٠

    Wala alththulumatu wala alnnooru

    Iyo mugdiyada iyo nuurka.

  21. وَلَا ٱلظِّلُّ وَلَا ٱلْحَرُورُ۝٢١

    Wala alththillu wala alharooru

    Iyo harka iyo kuleylka1.

    Sharaxa hoose
    [1] Kuleylka qorraxda ama hanfiga dabeysha kulul.
  22. وَمَا يَسْتَوِى ٱلْأَحْيَآءُ وَلَا ٱلْأَمْوَٰتُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُسْمِعُ مَن يَشَآءُ ۖ وَمَآ أَنتَ بِمُسْمِعٍ مَّن فِى ٱلْقُبُورِ۝٢٢

    Wama yastawee alahyao wala alamwatu inna Allaha yusmiʿu man yashao wama anta bimusmiʿin man fee alquboori

    Ma sinna kuwa nool iyo kuwa meydka ah1. Alle Wuxuu wax maqashiiyaa cidduu doono2, adiguna wax ma maqashiin kartid kuwa ku jira qubuuraha.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa tusaalaha ay kala leeyihiin mu’minka iyo gaalka, noocyada kala duwan ee gaalnimada iyo iimaanka runta ah, Jannada iyo Naarta, hanuunka iyo habowga. [2] Alle wuxuu hanuuniyaa qofkuu doono, oo maqashiiyaa Xaqa qofkuu doono.
  23. إِنْ أَنتَ إِلَّا نَذِيرٌ۝٢٣

    In anta illa natheerun

    Adigu (Nabi Muxammadow) ma tihid waxaan ahayn dige.

  24. إِنَّآ أَرْسَلْنَـٰكَ بِٱلْحَقِّ بَشِيرًا وَنَذِيرًا ۚ وَإِن مِّنْ أُمَّةٍ إِلَّا خَلَا فِيهَا نَذِيرٌ۝٢٤

    Inna arsalnaka bialhaqqi basheeran wanatheeran wain min ommatin illa khala feeha natheerun

    Waxaan kula soo dirnay (Nabiyow) Xaqa bishaareeye iyo dige ahaan. Ma jirto ummad aanu soo marin dige.

  25. وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدْ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ جَآءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ وَبِٱلزُّبُرِ وَبِٱلْكِتَـٰبِ ٱلْمُنِيرِ۝٢٥

    Wain yukaththibooka faqad kaththaba allatheena min qablihim jaathum rusuluhum bialbayyinati wabialzzuburi wabialkitabi almuneeri

    Hadday ku beeeniyaan, waxaa sidoo kale beeniyey kuwii ka horreeyey; Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad iyo Qoraallo iyo kitaab iftiimaya.

  26. ثُمَّ أَخَذْتُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ۖ فَكَيْفَ كَانَ نَكِيرِ۝٢٦

    Thumma akhathtu allatheena kafaroo fakayfa kana nakeeri

    Markaasaan qabtay gaaladii, ee sidee buu ahaa Ciqaabkeygii (aan ku ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).

  27. أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَخْرَجْنَا بِهِۦ ثَمَرَٰتٍ مُّخْتَلِفًا أَلْوَٰنُهَا ۚ وَمِنَ ٱلْجِبَالِ جُدَدٌۢ بِيضٌ وَحُمْرٌ مُّخْتَلِفٌ أَلْوَٰنُهَا وَغَرَابِيبُ سُودٌ۝٢٧

    Alam tara anna Allaha anzala mina alssamai maan faakhrajna bihi thamaratin mukhtalifan alwanuha wamina aljibali judadun beedun wahumrun mukhtalifun alwanuha wagharabeebu soodun

    Miyaadan arag in Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, markaas aanu ku soo saarno midho midabbo kala duwan leh. Buuraha waxaa ka mid ah kuwo leh diillimo cad cad iyo kuwo casaan ah oo midabbo kala duwan iyo kuwo madow daran ah.

  28. وَمِنَ ٱلنَّاسِ وَٱلدَّوَآبِّ وَٱلْأَنْعَـٰمِ مُخْتَلِفٌ أَلْوَٰنُهُۥ كَذَٰلِكَ ۗ إِنَّمَا يَخْشَى ٱللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ ٱلْعُلَمَـٰٓؤُا۟ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ۝٢٨

    Wamina alnnasi waalddawabbi waalanʿami mukhtalifun alwanuhu kathalika innama yakhsha Allaha min ʿibadihi alʿulamao inna Allaha ʿazeezun ghafoorun

    Dadka iyo nafleyda dhul ku socotada ah iyo xoolaha daaqana waa kuwo kala midab duwan sidoo kale. Sideedaba waxaa uun ka baqa Alle kuwa cilmiga leh ee ka mid ah addoomahiisa. Hubaal Alle waa Adkaade, Denbi Dhaaf Badan.

  29. إِنَّ ٱلَّذِينَ يَتْلُونَ كِتَـٰبَ ٱللَّهِ وَأَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنفَقُوا۟ مِمَّا رَزَقْنَـٰهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً يَرْجُونَ تِجَـٰرَةً لَّن تَبُورَ۝٢٩

    Inna allatheena yatloona kitaba Allahi waaqamoo alssalata waanfaqoo mimma razaqnahum sirran waʿalaniyatan yarjoona tijaratan lan taboora

    Hubaal kuwa akhriya Kitaabka Alle oo ooga salaadda, oo wax ka bixiya 'sadaqo ahaan' waxaan siinnay sir iyo caddaanba, waxay rajeeyaan ganacsi la hubo faa’ideeda aan weligeed baareyn.

  30. لِيُوَفِّيَهُمْ أُجُورَهُمْ وَيَزِيدَهُم مِّن فَضْلِهِۦٓ ۚ إِنَّهُۥ غَفُورٌ شَكُورٌ۝٣٠

    Liyuwaffiyahum ojoorahum wayazeedahum min fadlihi innahu ghafoorun shakoorun

    Si uu Alle ugu gudo si dhan ujuura- doodii, waxna uga ziyaadiyo Deeqdiisa. Hubaal, Alle Waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin badan.

  31. وَٱلَّذِىٓ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ مِنَ ٱلْكِتَـٰبِ هُوَ ٱلْحَقُّ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِعِبَادِهِۦ لَخَبِيرٌۢ بَصِيرٌ۝٣١

    Waallathee awhayna ilayka mina alkitabi huwa alhaqqu musaddiqan lima bayna yadayhi inna Allaha biʿibadihi lakhabeerun baseerun

    Kaan kuu waxyoonnay (Nabiyow) ee Kitaabka 'Qur'aanka' ah waa Xaq rumeynaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah). Hubaal, Alle addoomahiisa wuu ka War Qabaa, Arkaa.

  32. ثُمَّ أَوْرَثْنَا ٱلْكِتَـٰبَ ٱلَّذِينَ ٱصْطَفَيْنَا مِنْ عِبَادِنَا ۖ فَمِنْهُمْ ظَالِمٌ لِّنَفْسِهِۦ وَمِنْهُم مُّقْتَصِدٌ وَمِنْهُمْ سَابِقٌۢ بِٱلْخَيْرَٰتِ بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَضْلُ ٱلْكَبِيرُ۝٣٢

    Thumma awrathna alkitaba allatheena istafayna min ʿibadina faminhum thalimun linafsihi waminhum muqtasidun waminhum sabiqun bialkhayrati biithni Allahi thalika huwa alfadlu alkabeeru

    Kaddib waxaan dhaxalsiinnay Kitaabka kuwa aan doorannay oo addoomahayaga ka mid ah. Waxaa ka mid ah mid dulmiya naftiisa1, iyo mid dhexdhexeysta2, iyo mid u dheereeya khayrka Idanka Alle3. Kaa weeye Fadliga Weyn.

    Sharaxa hoose
    [1] Qofka dulmiya naftiisa waa qofkay khaladaadkiisa ka badan yihiin saxiisa. [2] Muqtasidna oo ah midka dhexdhexysta waa qofkay camalladiisa wanaagsan le’eg yihiin camalladiisa xun. [3] Qofka u dheereeya khayraadkana waa qofka ay acmaashiisa san badan yihiin .
  33. جَنَّـٰتُ عَدْنٍ يَدْخُلُونَهَا يُحَلَّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٍ وَلُؤْلُؤًا ۖ وَلِبَاسُهُمْ فِيهَا حَرِيرٌ۝٣٣

    Jannatu ʿadnin yadkhuloonaha yuhallawna feeha min asawira min thahabin waluluan walibasuhum feeha hareerun

    Jannooyin cadni (beero lagu waari) bay geli, waxaa lagu qurxin inay xidhaan gudaheeda jinjimooyin dahab iyo luul ah, dharkooduna gudaheeda waa xariir.

  34. وَقَالُوا۟ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِىٓ أَذْهَبَ عَنَّا ٱلْحَزَنَ ۖ إِنَّ رَبَّنَا لَغَفُورٌ شَكُورٌ۝٣٤

    Waqaloo alhamdu lillahi allathee athhaba ʿanna alhazana inna rabbana laghafoorun shakoorun

    Waxay odhan: Ammaan (oo dhan) iyo mahad waxaa leh Allaah, ee naga tagsiiyey murugo (oo dhan). Hubaal Rabbigayo waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin Badan.

  35. ٱلَّذِىٓ أَحَلَّنَا دَارَ ٱلْمُقَامَةِ مِن فَضْلِهِۦ لَا يَمَسُّنَا فِيهَا نَصَبٌ وَلَا يَمَسُّنَا فِيهَا لُغُوبٌ۝٣٥

    Allathee ahallana dara almuqamati min fadlihi la yamassuna feeha nasabun wala yamassuna feeha lughoobun

    Kan nagu dejiyey Daarta Negaadeysa (Jannada) Fadligiisa; nagu taaban maayo dhexdeeda dhibi, naguna taaban maayo daal.

  36. وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَهُمْ نَارُ جَهَنَّمَ لَا يُقْضَىٰ عَلَيْهِمْ فَيَمُوتُوا۟ وَلَا يُخَفَّفُ عَنْهُم مِّنْ عَذَابِهَا ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِى كُلَّ كَفُورٍ۝٣٦

    Waallatheena kafaroo lahum naru jahannama la yuqda ʿalayhim fayamootoo wala yukhaffafu ʿanhum min ʿathabiha kathalika najzee kulla kafoorin

    Kuwase gaalooba abaalkooda waa Naarta Jahannama. Laguma xukumo geeri si ay u dhintaan, lagamana khafiifiyo cadaabkeeda. Sidaas baan ku abaal marinnaa mid kastoo gaalnimo badan.

  37. وَهُمْ يَصْطَرِخُونَ فِيهَا رَبَّنَآ أَخْرِجْنَا نَعْمَلْ صَـٰلِحًا غَيْرَ ٱلَّذِى كُنَّا نَعْمَلُ ۚ أَوَلَمْ نُعَمِّرْكُم مَّا يَتَذَكَّرُ فِيهِ مَن تَذَكَّرَ وَجَآءَكُمُ ٱلنَّذِيرُ ۖ فَذُوقُوا۟ فَمَا لِلظَّـٰلِمِينَ مِن نَّصِيرٍ۝٣٧

    Wahum yastarikhoona feeha rabbana akhrijna naʿmal salihan ghayra allathee kunna naʿmalu awalam nuʿammirkum ma yatathakkaru feehi man tathakkara wajaakumu alnnatheeru fathooqoo fama lilththalimeena min naseerin

    Waxay ku qeyliyi dhexdeeda: Rabbiyow! Naga saar (halkan Naarta), waxaanu fali camal san aan aheyn kaan horay u fali jirnay. (Waxaa lagu odhan): Miyaanaan idin cimri siin in ku filan inuu ku waantoobo qofkii waansami1? Oo idiin iman Dige. Ee dhadhamiya (Naarta), waayo daalimiinta ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle waa u dhammeystiray cudur daar qofkii uu dib u dhigay ilaa uu ka gaaro lixdan sano.”
  38. إِنَّ ٱللَّهَ عَـٰلِمُ غَيْبِ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ إِنَّهُۥ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ۝٣٨

    Inna Allaha ʿalimu ghaybi alssamawati waalardi innahu ʿaleemun bithati alssudoori

    Hubaal, Alle waa Ogsoonaha waxa ku qarsoon aan muuqan cirarka iyo dhulka gudahooda. Hubaal waa Isaga Ogsoonaha waxa ku jira laabaha (dadka).

  39. هُوَ ٱلَّذِى جَعَلَكُمْ خَلَـٰٓئِفَ فِى ٱلْأَرْضِ ۚ فَمَن كَفَرَ فَعَلَيْهِ كُفْرُهُۥ ۖ وَلَا يَزِيدُ ٱلْكَـٰفِرِينَ كُفْرُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ إِلَّا مَقْتًا ۖ وَلَا يَزِيدُ ٱلْكَـٰفِرِينَ كُفْرُهُمْ إِلَّا خَسَارًا۝٣٩

    Huwa allathee jaʿalakum khalaifa fee alardi faman kafara faʿalayhi kufruhu wala yazeedu alkafireena kufruhum ʿinda rabbihim illa maqtan wala yazeedu alkafireena kufruhum illa khasaran

    Waa Isaga 'Alle' Kan idinka dhigay kuwo dhulka ku tarma ee isaga dambeeya, ee qofkii gaalooba isagay u daran tahay gaalnimadiisu. Uma kordhiso gaalada gaalnimadooda Rabbigood agtiis waxaan nac aheyn, oo uma kordhiso gaalada gaalnimadooda waxaan khasaaro aheyn.

  40. قُلْ أَرَءَيْتُمْ شُرَكَآءَكُمُ ٱلَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَرُونِى مَاذَا خَلَقُوا۟ مِنَ ٱلْأَرْضِ أَمْ لَهُمْ شِرْكٌ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ أَمْ ءَاتَيْنَـٰهُمْ كِتَـٰبًا فَهُمْ عَلَىٰ بَيِّنَتٍ مِّنْهُ ۚ بَلْ إِن يَعِدُ ٱلظَّـٰلِمُونَ بَعْضُهُم بَعْضًا إِلَّا غُرُورًا۝٤٠

    Qul araaytum shurakaakumu allatheena tadʿoona min dooni Allahi aroonee matha khalaqoo mina alardi am lahum shirkun fee alssamawati am ataynahum kitaban fahum ʿala bayyinatin minhu bal in yaʿidu alththalimoona baʿduhum baʿdan illa ghurooran

    Dheh: Bal ka warrama ilaahyada aad (Alle) shurukada uga dhigtaan, kuwaasoo aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi, i tusa wax arlada ka mid ah ay abuureen, mise ma waxay ku leeyihiin wax saami ah samooyinka? Mise ma waxaan siinnay Kitaab sidaa awgeed ay raacaan xujo cad Xaggiisa ah? Mayee’ daalimiinta uma ballan qaadaan qaarkoodba qaar kale waxaan uun hoditaan aheyn.

  41. ۞ إِنَّ ٱللَّهَ يُمْسِكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ أَن تَزُولَا ۚ وَلَئِن زَالَتَآ إِنْ أَمْسَكَهُمَا مِنْ أَحَدٍ مِّنۢ بَعْدِهِۦٓ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ حَلِيمًا غَفُورًا۝٤١

    Inna Allaha yumsiku alssamawati waalarda an tazoola walain zalata in amsakahuma min ahadin min baʿdihi innahu kana haleeman ghafooran

    Alle baa ka haya samooyinka iyo arlada inay ka gilgashaan (tagaan) halkooda, hadday gilgashaanna, ma jiro mid qaban kara oo Isaga ka dambeeya. Hubaal Alle waa Dul-qaadasho Badne, Denbi Dhaaf Badan.

  42. وَأَقْسَمُوا۟ بِٱللَّهِ جَهْدَ أَيْمَـٰنِهِمْ لَئِن جَآءَهُمْ نَذِيرٌ لَّيَكُونُنَّ أَهْدَىٰ مِنْ إِحْدَى ٱلْأُمَمِ ۖ فَلَمَّا جَآءَهُمْ نَذِيرٌ مَّا زَادَهُمْ إِلَّا نُفُورًا۝٤٢

    Waaqsamoo biAllahi jahda aymanihim lain jaahum natheerun layakoonunna ahda min ihda alomami falamma jaahum natheerun ma zadahum illa nufooran

    Waxay ku dhaarteen Alle kan ugu culus dhaarahooda; in hadduu u yimaado dige ay ahaanayaan kuwa ka sii hanuunsan ummadahii kale oo dhan (ee ka horreeyey), markase uu u yimid dige (Nabi Muxammad), uma kordhin waxaan didmo aheyn.

  43. ٱسْتِكْبَارًا فِى ٱلْأَرْضِ وَمَكْرَ ٱلسَّيِّئِ ۚ وَلَا يَحِيقُ ٱلْمَكْرُ ٱلسَّيِّئُ إِلَّا بِأَهْلِهِۦ ۚ فَهَلْ يَنظُرُونَ إِلَّا سُنَّتَ ٱلْأَوَّلِينَ ۚ فَلَن تَجِدَ لِسُنَّتِ ٱللَّهِ تَبْدِيلًا ۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّتِ ٱللَّهِ تَحْوِيلًا۝٤٣

    Istikbaran fee alardi wamakra alssayyii wala yaheequ almakru alssayyio illa biahlihi fahal yanthuroona illa sunnata alawwaleena falan tajida lisunnati Allahi tabdeelan walan tajida lisunnati Allahi tahweelan

    Isla weyni ay ku kibraan arlada iyo sameyn dhagar xun. Dhagarta xumina kuma dhacdo cidna aan ahayn kuwa soo abaabula. Ma waxay sugayaan wax kale aan aheyn waddadii (aayihii) kuwii hore? Ma heleysid wax beddela Xeerka Alle; mana heleysid wax wareejiya Xeerka Alle.

  44. أَوَلَمْ يَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَيَنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ وَكَانُوٓا۟ أَشَدَّ مِنْهُمْ قُوَّةً ۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُعْجِزَهُۥ مِن شَىْءٍ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَلَا فِى ٱلْأَرْضِ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَلِيمًا قَدِيرًا۝٤٤

    Awalam yaseeroo fee alardi fayanthuroo kayfa kana ʿaqibatu allatheena min qablihim wakanoo ashadda minhum quwwatan wama kana Allahu liyuʿjizahu min shayin fee alssamawati wala fee alardi innahu kana ʿaleeman qadeeran

    Miyaanay marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey (ee beeniyey Rusushii Alle), kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan kuwakani awood ahaan? Ma jiro wax Alle ka baxsan kara oo jooga samooyinka ama arlada midna. Hubaal Alle waa wax kasta Oge, wax walba Kara.

  45. وَلَوْ يُؤَاخِذُ ٱللَّهُ ٱلنَّاسَ بِمَا كَسَبُوا۟ مَا تَرَكَ عَلَىٰ ظَهْرِهَا مِن دَآبَّةٍ وَلَـٰكِن يُؤَخِّرُهُمْ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى ۖ فَإِذَا جَآءَ أَجَلُهُمْ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِعِبَادِهِۦ بَصِيرًۢا۝٤٥

    Walaw yuakhithu Allahu alnnasa bima kasaboo ma taraka ʿala thahriha min dabbatin walakin yuakhkhiruhum ila ajalin musamman faitha jaa ajaluhum fainna Allaha kana biʿibadihi baseeran

    Hadduu Alle u qaban lahaa dadka waxay kasbadaan (oo denbiyo ah), kagama tageen (arlada) korkeeda nafley dhul ku socod ah, wuxuuse u dib dhigaa ilaa muddo magacaaban, markase uu ajalkooda yimaado, hubaal Alle wuu arkaa xaalka addoomahiisa .

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Faadir?

Macnaha Faadir waa “Abuuraha”.

Suuradda Faadir juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Faadir waxay ku jirtaa juz’ 22.

Suuradda Faadir immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Faadir waxay leedahay 45 aayadood.

Suuradda Faadir ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Faadir waa suurad Makki ah.

Suuradda Faadir waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 35aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.