سورة الرحمن

Suuradda Ar-Raxmaan oo af Soomaali ah

Naxariistaha

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Ar-Raxmaan (الرحمن) waa suuradda 55aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 78 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Naxariistaha”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 27.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Ar-Raxmaan oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Ar-Raxmaan oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. ٱلرَّحْمَـٰنُ۝١

    Alrrahmanu

    (Allaah) Raxmaanka,

  2. عَلَّمَ ٱلْقُرْءَانَ۝٢

    ʿAllama alqurana

    Wuxuu baray Qur'aanka.

  3. خَلَقَ ٱلْإِنسَـٰنَ۝٣

    Khalaqa alinsana

    Abuuray aadmiga.

  4. عَلَّمَهُ ٱلْبَيَانَ۝٤

    ʿAllamahu albayana

    Oo baray caddeynta (hadalka iyo waxa uu dooni).

  5. ٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ بِحُسْبَانٍ۝٥

    Alshshamsu waalqamaru bihusbanin

    Qorraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab.

  6. وَٱلنَّجْمُ وَٱلشَّجَرُ يَسْجُدَانِ۝٦

    Waalnnajmu waalshshajaru yasjudani

    Xiddigaha iyo geedahuna way sujuudaan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Xiddigaha waxaa caabudi jirey qaar ka mid ah Carabta waagii Jaahiliyadda. Halka xiddigaha iyo geeduhuba u sujuudaan Alle, oo u hoggaansan yihiin Xeerarkiisa.
  7. وَٱلسَّمَآءَ رَفَعَهَا وَوَضَعَ ٱلْمِيزَانَ۝٧

    Waalssamaa rafaʿaha wawadaʿa almeezana

    Samada wuu kor yeelay, wuxuuna dhigay caddaalad 'iyo garsoor wanaagsan'.

  8. أَلَّا تَطْغَوْا۟ فِى ٱلْمِيزَانِ۝٨

    Alla tatghaw fee almeezani

    Si aydaan ugu xad gudbin cadaaladda.

  9. وَأَقِيمُوا۟ ٱلْوَزْنَ بِٱلْقِسْطِ وَلَا تُخْسِرُوا۟ ٱلْمِيزَانَ۝٩

    Waaqeemoo alwazna bialqisti wala tukhsiroo almeezana

    Hagaajiya beegga si caadil ah, hana dhimina miisaanka.

  10. وَٱلْأَرْضَ وَضَعَهَا لِلْأَنَامِ۝١٠

    Waalarda wadaʿaha lilanami

    Dhulka Wuxuu (Alle) degaan uga dhigay uumanka nool oo dhan.

  11. فِيهَا فَـٰكِهَةٌ وَٱلنَّخْلُ ذَاتُ ٱلْأَكْمَامِ۝١١

    Feeha fakihatun waalnnakhlu thatu alakmami

    Dhexdeeda waxaa ah midho iyo geedaha timirta ee fiidaha leh.

  12. وَٱلْحَبُّ ذُو ٱلْعَصْفِ وَٱلرَّيْحَانُ۝١٢

    Waalhabbu thoo alʿasfi waalrrayhani

    Iyo haruurka leh balka iyo dhir udug wanaagsan.

  13. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝١٣

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee taa baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan (dadka iyo jinkow)?

  14. خَلَقَ ٱلْإِنسَـٰنَ مِن صَلْصَـٰلٍ كَٱلْفَخَّارِ۝١٤

    Khalaqa alinsana min salsalin kaalfakhkhari

    Wuxuu (Alle) ka abuuray Aadmiga dhoobo jilay oo kale ah.

  15. وَخَلَقَ ٱلْجَآنَّ مِن مَّارِجٍ مِّن نَّارٍ۝١٥

    Wakhalaqa aljanna min marijin min narin

    Jinkana wuxuu ka abuuray olol dab1.

    Sharaxa hoose
    [1] Malaa’igta wuxuu ka abuuray nuur ifiya.
  16. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝١٦

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  17. رَبُّ ٱلْمَشْرِقَيْنِ وَرَبُّ ٱلْمَغْرِبَيْنِ۝١٧

    Rabbu almashriqayni warabbu almaghribayni

    (Alle) waa Rabbiga labada bari iyo Rabbiga labada galbeed1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa halka iyo dhibcaha ay ka soo baxaan qorraxda subaxii dhanka bari iyo halkay u dhacaan galabkii xilliyada jiilaalka iyo xagaayada.
  18. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝١٨

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  19. مَرَجَ ٱلْبَحْرَيْنِ يَلْتَقِيَانِ۝١٩

    Maraja albahrayni yaltaqiyani

    Wuxuu dareersiiyey labada badood1 iyagoo kulmi.

    Sharaxa hoose
    [1] Labada badood: Midda biyaha macaan iyo midda biyaha dhanaan.
  20. بَيْنَهُمَا بَرْزَخٌ لَّا يَبْغِيَانِ۝٢٠

    Baynahuma barzakhun la yabghiyani

    Dhexdooda waxaa ah shareer (soohdin), iskuma xad gudbaan.

  21. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٢١

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  22. يَخْرُجُ مِنْهُمَا ٱللُّؤْلُؤُ وَٱلْمَرْجَانُ۝٢٢

    Yakhruju minhuma alluluo waalmarjanu

    Waxaa ka soo baxa labadaba luul mid weyn iyo mid yarba.

  23. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٢٣

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  24. وَلَهُ ٱلْجَوَارِ ٱلْمُنشَـَٔاتُ فِى ٱلْبَحْرِ كَٱلْأَعْلَـٰمِ۝٢٤

    Walahu aljawari almunshaatu fee albahri kaalaʿlami

    Isagaa (Alle) leh doonyaha dhex maaxa1 badda ee buuraha la moodo.

    Sharaxa hoose
    [1] Haddii loo akhriyo munshi’aatu markaas macnuhu wuxuu noqon ka muuqda.
  25. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٢٥

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  26. كُلُّ مَنْ عَلَيْهَا فَانٍ۝٢٦

    Kullu man ʿalayha fanin

    Dhammaan waxa dhulka korkiisa ah way dhiman.

  27. وَيَبْقَىٰ وَجْهُ رَبِّكَ ذُو ٱلْجَلَـٰلِ وَٱلْإِكْرَامِ۝٢٧

    Wayabqa wajhu rabbika thoo aljalali waalikrami

    Waxaase waari abadki Wejiga Rabbigaa Haybadda iyo Sharafta Badan.

  28. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٢٨

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  29. يَسْـَٔلُهُۥ مَن فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ كُلَّ يَوْمٍ هُوَ فِى شَأْنٍ۝٢٩

    Yasaluhu man fee alssamawati waalardi kulla yawmin huwa fee shanin

    Waxaa wax weydiista (Alle) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Goor kasta wuxuu agaasimaa arrin.

  30. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٣٠

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  31. سَنَفْرُغُ لَكُمْ أَيُّهَ ٱلثَّقَلَانِ۝٣١

    Sanafrughu lakum ayyuha alththaqalani

    Waanu idinla xisaabtami labadiinna ciidammow culculus1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa labadaa culculus dadka iyo jinka.
  32. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٣٢

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  33. يَـٰمَعْشَرَ ٱلْجِنِّ وَٱلْإِنسِ إِنِ ٱسْتَطَعْتُمْ أَن تَنفُذُوا۟ مِنْ أَقْطَارِ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ فَٱنفُذُوا۟ ۚ لَا تَنفُذُونَ إِلَّا بِسُلْطَـٰنٍ۝٣٣

    Ya maʿshara aljinni waalinsi ini istataʿtum an tanfuthoo min aqtari alssamawati waalardi faonfuthoo la tanfuthoona illa bisultanin

    Kulanka jinka iyo insigoow! Haddaad kartaan inaad ka soo gudubtaan nawaaxiga cirarka iyo dhulka, ka soo gudba. Ma ka soo gudbi kartaan amar la'aan (xag Alle ah).

  34. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٣٤

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  35. يُرْسَلُ عَلَيْكُمَا شُوَاظٌ مِّن نَّارٍ وَنُحَاسٌ فَلَا تَنتَصِرَانِ۝٣٥

    Yursalu ʿalaykuma shuwathun min narin wanuhasun fala tantasirani

    Wuxuu idinku soo diri olol naar ah iyo maar 'la dhalaaliyey'1, ma kareysaan inaad is difaacdaan.

    Sharaxa hoose
    [1] Macne kale waa naxaas.
  36. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٣٦

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  37. فَإِذَا ٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتْ وَرْدَةً كَٱلدِّهَانِ۝٣٧

    Faitha inshaqqati alssamao fakanat wardatan kaalddihani

    Markay samadu dillaacdo oo ay noqoto gaduud sida idiinta1.

    Sharaxa hoose
    [1] Sida harag (maqaar) la magdiyey ee gaduudan, waa Maalinta Qiyaamaha markaas baa la idin abaal marin.
  38. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٣٨

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin1 beenineysaan?.

    Sharaxa hoose
    [1] Macnaha Rabbi waa Abuuraha, Nooleeyaha, Dhinsiiyaha, maamulaha uunka, Irsaaqaha, iwm. Waana Allaah.
  39. فَيَوْمَئِذٍ لَّا يُسْـَٔلُ عَن ذَنۢبِهِۦٓ إِنسٌ وَلَا جَآنٌّ۝٣٩

    Fayawmaithin la yusalu ʿan thanbihi insun wala jannun

    Maalinkaas waxba lagama weydiiyo denbigooda Insi iyo Jinba (oo waa cad yihiin oo la og yahay, waase lagu qiri).

  40. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٤٠

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  41. يُعْرَفُ ٱلْمُجْرِمُونَ بِسِيمَـٰهُمْ فَيُؤْخَذُ بِٱلنَّوَٰصِى وَٱلْأَقْدَامِ۝٤١

    Yuʿrafu almujrimoona biseemahum fayukhathu bialnnawasee waalaqdami

    Denbiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, markaasaa laga soo qaban foodaha iyo cagaha (oo lagu tuuri Naarta).

  42. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٤٢

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  43. هَـٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِى يُكَذِّبُ بِهَا ٱلْمُجْرِمُونَ۝٤٣

    Hathihi jahannamu allatee yukaththibu biha almujrimoona

    Tanu waa Jahannamadii ay beeniyeen denbiilayaashu.

  44. يَطُوفُونَ بَيْنَهَا وَبَيْنَ حَمِيمٍ ءَانٍ۝٤٤

    Yatoofoona baynaha wabayna hameemin anin

    Waxay ku meereysan dhexdooda Naarta iyo biyo kulul ee karaya.

  45. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٤٥

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.

  46. وَلِمَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ جَنَّتَانِ۝٤٦

    Waliman khafa maqama rabbihi jannatani

    Kii se ka cabsada hor istaagga Rabbigi, wuxuu mudan labo beerood (Jannada gudaheed).

  47. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٤٧

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  48. ذَوَاتَآ أَفْنَانٍ۝٤٨

    Thawata afnanin

    (Labadaa beerood oo) leh midabyo kala duwan iyo laamo.

  49. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٤٩

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.

  50. فِيهِمَا عَيْنَانِ تَجْرِيَانِ۝٥٠

    Feehima ʿaynani tajriyani

    Dhexdooda (labadaa beerood) waxaa ah labo ilood oo dur dur ah.

  51. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٥١

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.

  52. فِيهِمَا مِن كُلِّ فَـٰكِهَةٍ زَوْجَانِ۝٥٢

    Feehima min kulli fakihatin zawjani

    Dhexdooda waxaa ah (labadaa beerood) midho nooc kasta oo lammaane ah.

  53. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٥٣

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  54. مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ فُرُشٍۭ بَطَآئِنُهَا مِنْ إِسْتَبْرَقٍ ۚ وَجَنَى ٱلْجَنَّتَيْنِ دَانٍ۝٥٤

    Muttakieena ʿala furushin batainuha min istabraqin wajana aljannatayni danin

    Iyagoo ku dangiigsan firaashyo cudbi-goodu xariir yahay, midhaha labadaa beeroodna waxay ahaan kuwo goosi dhow.

  55. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٥٥

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  56. فِيهِنَّ قَـٰصِرَٰتُ ٱلطَّرْفِ لَمْ يَطْمِثْهُنَّ إِنسٌ قَبْلَهُمْ وَلَا جَآنٌّ۝٥٦

    Feehinna qasiratu alttarfi lam yatmithhunna insun qablahum wala jannun

    Waxaa ku sugan (Jannada) kuwaa soo laaba araggooda (ku kooba nimankooda keliya) ka hor iyaga aanu taaban insi iyo jin midkoodna.

  57. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٥٧

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  58. كَأَنَّهُنَّ ٱلْيَاقُوتُ وَٱلْمَرْجَانُ۝٥٨

    Kaannahunna alyaqootu waalmarjanu

    (Haweenkaa oo) la moodo dheeman iyo luul.

  59. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٥٩

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  60. هَلْ جَزَآءُ ٱلْإِحْسَـٰنِ إِلَّا ٱلْإِحْسَـٰنُ۝٦٠

    Hal jazao alihsani illa alihsanu

    Wanaag abaalkiisu ma waxaan ahayn baa wanaag?

  61. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٦١

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  62. وَمِن دُونِهِمَا جَنَّتَانِ۝٦٢

    Wamin doonihima jannatani

    Barbarkoodana labadatani (beerood), waxaa ah labo beerood oo kale (Jannada).

  63. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٦٣

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  64. مُدْهَآمَّتَانِ۝٦٤

    Mudhammatani

    Madow cagaaran ah.

  65. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٦٥

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  66. فِيهِمَا عَيْنَانِ نَضَّاخَتَانِ۝٦٦

    Feehima ʿaynani naddakhatani

    Dhexdooda (labadaa beerood) waxaa ah labo ilood oo burqanaya.

  67. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٦٧

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  68. فِيهِمَا فَـٰكِهَةٌ وَنَخْلٌ وَرُمَّانٌ۝٦٨

    Feehima fakihatun wanakhlun warummanun

    Waxaa (labadaa beerood) dhexdooda ah midho, geedo timir iyo Rummaan.

  69. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٦٩

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  70. فِيهِنَّ خَيْرَٰتٌ حِسَانٌ۝٧٠

    Feehinna khayratun hisanun

    Dhexdooda waxaa ah (afartaa beerood) xaasas khayr iyo qurux badnooyin ah.

  71. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٧١

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  72. حُورٌ مَّقْصُورَٰتٌ فِى ٱلْخِيَامِ۝٧٢

    Hoorun maqsooratun fee alkhiyami

    Xuurulceyn ku kooban oo aan ka bixin guryahooda.

  73. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٧٣

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  74. لَمْ يَطْمِثْهُنَّ إِنسٌ قَبْلَهُمْ وَلَا جَآنٌّ۝٧٤

    Lam yatmithhunna insun qablahum wala jannun

    Aanay horey u taabanin insi iyo jin midkoodna.

  75. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٧٥

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

  76. مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ رَفْرَفٍ خُضْرٍ وَعَبْقَرِىٍّ حِسَانٍ۝٧٦

    Muttakieena ʿala rafrafin khudrin waʿabqariyyin hisanin

    Iyagoo ku dangiigsan barkimooyin cagaaran iyo gogollo qurux badan.

  77. فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ۝٧٧

    Fabiayyi alai rabbikuma tukaththibani

    Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan1?

    Sharaxa hoose
    [1] Midna beeninmeyno Allow ka mid ah Nicmooyinkaaga oo ammaan iyo mahad idilkeed Adigaa leh oo ku caabudi Adigoo Keliya annagoon waxba kula wadaajin cibaadada.
  78. تَبَـٰرَكَ ٱسْمُ رَبِّكَ ذِى ٱلْجَلَـٰلِ وَٱلْإِكْرَامِ۝٧٨

    Tabaraka ismu rabbika thee aljalali waalikrami

    Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Ar-Raxmaan?

Macnaha Ar-Raxmaan waa “Naxariistaha”.

Suuradda Ar-Raxmaan juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Ar-Raxmaan waxay ku jirtaa juz’ 27.

Suuradda Ar-Raxmaan immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Ar-Raxmaan waxay leedahay 78 aayadood.

Suuradda Ar-Raxmaan ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Ar-Raxmaan waa suurad Madani ah.

Suuradda Ar-Raxmaan waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 55aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.