سورة سبإ

Suuradda Saba’ oo af Soomaali ah

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Saba’ (سبإ) waa suuradda 34aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 54 aayadood. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 22.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Saba’ oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Saba’ oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِى لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَلَهُ ٱلْحَمْدُ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ ۚ وَهُوَ ٱلْحَكِيمُ ٱلْخَبِيرُ۝١

    Alhamdu lillahi allathee lahu ma fee alssamawati wama fee alardi walahu alhamdu fee alakhirati wahuwa alhakeemu alkhabeeru

    Ammaan (oo idil) iyo mahad waxaa mudan Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Isagaana (sidoo kale) mudan ammaan oo idil iyo mahad Aakhirada, Waana Xikmad Badanaha, Xog Ogaalka ah.

  2. يَعْلَمُ مَا يَلِجُ فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا يَخْرُجُ مِنْهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعْرُجُ فِيهَا ۚ وَهُوَ ٱلرَّحِيمُ ٱلْغَفُورُ۝٢

    Yaʿlamu ma yaliju fee alardi wama yakhruju minha wama yanzilu mina alssamai wama yaʿruju feeha wahuwa alrraheemu alghafooru

    Wuxuu Ogyahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa iyo waxa ka soo dega samada iyo waxa kor ugu baxa. Waana Naxariis Badanaha, Denbi Dhaafka Badan.

  3. وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَا تَأْتِينَا ٱلسَّاعَةُ ۖ قُلْ بَلَىٰ وَرَبِّى لَتَأْتِيَنَّكُمْ عَـٰلِمِ ٱلْغَيْبِ ۖ لَا يَعْزُبُ عَنْهُ مِثْقَالُ ذَرَّةٍ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَلَا فِى ٱلْأَرْضِ وَلَآ أَصْغَرُ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكْبَرُ إِلَّا فِى كِتَـٰبٍ مُّبِينٍ۝٣

    Waqala allatheena kafaroo la tateena alssaʿatu qul bala warabbee latatiyannakum ʿalimi alghaybi la yaʿzubu ʿanhu mithqalu tharratin fee alssamawati wala fee alardi wala asgharu min thalika wala akbaru illa fee kitabin mubeenin

    Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: "Nooma imaaneyso Saacadda (Qiyaame). Dheh: "Haayoo, Waa igu Rabbigay, way idiin iman. (Alle waa) Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon". Kama qarsoona wax saxar le’eg (ama qudhaanjo) oo samada ama arlada yaal ama wax intaa ka sii yar ama ka sii weyn, intuba waxay ku yaallaan Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).

  4. لِّيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ۝٤

    Liyajziya allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati olaika lahum maghfiratun warizqun kareemun

    Si uu u abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, kuwaa waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo Risiq sharaf leh.

  5. وَٱلَّذِينَ سَعَوْ فِىٓ ءَايَـٰتِنَا مُعَـٰجِزِينَ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مِّن رِّجْزٍ أَلِيمٌ۝٥

    Waallatheena saʿaw fee ayatina muʿajizeena olaika lahum ʿathabun min rijzin aleemin

    Kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga1 - kuwaa waxay leeyihiin cadaab daran oo xanuun badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Inay qiimo dhimaan Aayadahaa oo ugu jeejeesaan si aan loo raacin Nabiga s.c.w.
  6. وَيَرَى ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ ٱلَّذِىٓ أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ هُوَ ٱلْحَقَّ وَيَهْدِىٓ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ۝٦

    Wayara allatheena ootoo alʿilma allathee onzila ilayka min rabbika huwa alhaqqa wayahdee ila sirati alʿazeezi alhameedi

    Kuwa la siiyey cilmiga waxay arkaan in Waxyiga lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq, wax ku hanuuniya Jidka (Alle) Adkaadaha Sare, Ammaanan.

  7. وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ هَلْ نَدُلُّكُمْ عَلَىٰ رَجُلٍ يُنَبِّئُكُمْ إِذَا مُزِّقْتُمْ كُلَّ مُمَزَّقٍ إِنَّكُمْ لَفِى خَلْقٍ جَدِيدٍ۝٧

    Waqala allatheena kafaroo hal nadullukum ʿala rajulin yunabbiokum itha muzziqtum kulla mumazzaqin innakum lafee khalqin jadeedin

    Kuwii gaaloobay waxay yidhaahdeen: Ma idin tusnaa nin idiin sheegi in markaad googo'daan googo’ dhan (oo carrada idin cunto) in la idin abuuri abuur cusub?.

  8. أَفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَم بِهِۦ جِنَّةٌۢ ۗ بَلِ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ فِى ٱلْعَذَابِ وَٱلضَّلَـٰلِ ٱلْبَعِيدِ۝٨

    Aftara ʿala Allahi kathiban am bihi jinnatun bali allatheena la yuminoona bialakhirati fee alʿathabi waalddalali albaʿeedi

    Ma Alle buu ka been sheegi mise jin baa ku jira? Mayee, kuwa aan rumeysnayn Aakhirada waxay ku sugan yihiin cadaab iyo habow fog.

  9. أَفَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَىٰ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ ۚ إِن نَّشَأْ نَخْسِفْ بِهِمُ ٱلْأَرْضَ أَوْ نُسْقِطْ عَلَيْهِمْ كِسَفًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّكُلِّ عَبْدٍ مُّنِيبٍ۝٩

    Afalam yaraw ila ma bayna aydeehim wama khalfahum mina alssamai waalardi in nasha nakhsif bihimu alarda aw nusqit ʿalayhim kisafan mina alssamai inna fee thalika laayatan likulli ʿabdin muneebin

    Miyaanay arkayn waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo arlo ah? Haddaan doonno, waxaanu la goyn dhulka, ama waxaan ku soo rideynaa gabal cirka ah. Arrinkaasi waxaa ugu sugan calaamo addoon kastoo tawbad keen badan.

  10. ۞ وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا دَاوُۥدَ مِنَّا فَضْلًا ۖ يَـٰجِبَالُ أَوِّبِى مَعَهُۥ وَٱلطَّيْرَ ۖ وَأَلَنَّا لَهُ ٱلْحَدِيدَ۝١٠

    Walaqad atayna dawooda minna fadlan ya jibalu awwibee maʿahu waalttayra waalanna lahu alhadeeda

    Waxaanu dhab ahaan ka siinnay Daawuud deeq dheeraad ah Xaggayaga. (Waxaana nidhi), "Buurahow, la qaada Alle ammaanka iyo xamdi naqa, iyo shimbirahowba. Waxaana u jilicinnay birta.

  11. أَنِ ٱعْمَلْ سَـٰبِغَـٰتٍ وَقَدِّرْ فِى ٱلسَّرْدِ ۖ وَٱعْمَلُوا۟ صَـٰلِحًا ۖ إِنِّى بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ۝١١

    Ani iʿmal sabighatin waqaddir fee alssardi waiʿmaloo salihan innee bima taʿmaloona baseerun

    'Annagoo leh': Samee duruucda (jaakado bireedyada loo qaato dagaalka), hagaaji sameyntooda, samana fala. Hubaal Anigu waan Arkaa waxaad fashaan.

  12. وَلِسُلَيْمَـٰنَ ٱلرِّيحَ غُدُوُّهَا شَهْرٌ وَرَوَاحُهَا شَهْرٌ ۖ وَأَسَلْنَا لَهُۥ عَيْنَ ٱلْقِطْرِ ۖ وَمِنَ ٱلْجِنِّ مَن يَعْمَلُ بَيْنَ يَدَيْهِ بِإِذْنِ رَبِّهِۦ ۖ وَمَن يَزِغْ مِنْهُمْ عَنْ أَمْرِنَا نُذِقْهُ مِنْ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ۝١٢

    Walisulaymana alrreeha ghuduwwuha shahrun warawahuha shahrun waasalna lahu ʿayna alqitri wamina aljinni man yaʿmalu bayna yadayhi biithni rabbihi waman yazigh minhum ʿan amrina nuthiqhu min ʿathabi alssaʿeeri

    Sulaymaan (waxaan u sakhirnay) dabeysha1, in bil loo socdo ku maraysay aroornimada (ilaa duhurka), in bil loo socdona ku maraysay (duhurka ilaa) galabnimada, Waxaana u dareerinnay il nuxaas (maar) ah. Waxaana ka mid ahaa jinka kuwo u shaqeynayey idanka Rabbigi, mid kastoona ka mid ah oo ka leexday Amarkayaga (aan ku amarnay inay adeecaan Sulaymaan ah) Waxaanu dhadhansiin cadaabka gubashada.

    Sharaxa hoose
    [1] Wuxuu Sulaymaan ku marayey safar subaxa ilaa duhurka masaafo dhan intay geelu u socdaan bil, sidoo kale wuxuu ku marayey duhurka ilaa gabbal dhaca masaafo le’eg inta geela u socdaan muddo bil ah.
  13. يَعْمَلُونَ لَهُۥ مَا يَشَآءُ مِن مَّحَـٰرِيبَ وَتَمَـٰثِيلَ وَجِفَانٍ كَٱلْجَوَابِ وَقُدُورٍ رَّاسِيَـٰتٍ ۚ ٱعْمَلُوٓا۟ ءَالَ دَاوُۥدَ شُكْرًا ۚ وَقَلِيلٌ مِّنْ عِبَادِىَ ٱلشَّكُورُ۝١٣

    Yaʿmaloona lahu ma yashao min mahareeba watamatheela wajifanin kaaljawabi waqudoorin rasiyatin iʿmaloo ala dawooda shukran waqaleelun min ʿibadiya alshshakooru

    Waxay u sameeyeen wuxuu rabo oo mixraabyo ah1 iyo taallooyin2 iyo xeerooyin (ballaadhan) baraago oo kale ah, iyo digsiyo (wax lagu kariyo) oo waaweyn aan laga qaadin meeshooda. Mahad naqa idinku Reer Daawuudow! Waa in yar addoomahayga mahad naqa badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa lagu fasiray saro dhaadheer, degaanno, ama masaajid lagu tukado. [2] Sawirradaa taalooyinka ah aan xaaraan ahayn xagga sharcigoodii, waxaase lagu xaaraantinimeeyey sharciga Nabi Muxammad s.c.w.
  14. فَلَمَّا قَضَيْنَا عَلَيْهِ ٱلْمَوْتَ مَا دَلَّهُمْ عَلَىٰ مَوْتِهِۦٓ إِلَّا دَآبَّةُ ٱلْأَرْضِ تَأْكُلُ مِنسَأَتَهُۥ ۖ فَلَمَّا خَرَّ تَبَيَّنَتِ ٱلْجِنُّ أَن لَّوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ ٱلْغَيْبَ مَا لَبِثُوا۟ فِى ٱلْعَذَابِ ٱلْمُهِينِ۝١٤

    Falamma qadayna ʿalayhi almawta ma dallahum ʿala mawtihi illa dabbatu alardi takulu minsaatahu falamma kharra tabayyanati aljinnu an law kanoo yaʿlamoona alghayba ma labithoo fee alʿathabi almuheeni

    Markaan u qaddarnay dhimashada (Sulaymaan), ma jirin wax tusiyey dhimashadiisa aan ahayn aboorka cunay ushiisa1. Markuu dhacay, waxaa u caddaaday jinka in hadday og yihiin Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon) aanay ku negaadeen dhibka 'shaqadaa'2.

    Sharaxa hoose
    [1] Ushaashoo uu ku tiirsanaa waqtiga dhimashadiisa. Dhuur caso baa cuneysey usha ilaa ay dhacday sababta culeyskiisii oo ka tan batay awgeed. [2] Waa shaqo adag. Aayaddani waxay daliil u tahay in jinku ayan wax ka ogeyn cilmi Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon) kaasoo uu Ogsoon yahay Alle Keliya.
  15. لَقَدْ كَانَ لِسَبَإٍ فِى مَسْكَنِهِمْ ءَايَةٌ ۖ جَنَّتَانِ عَن يَمِينٍ وَشِمَالٍ ۖ كُلُوا۟ مِن رِّزْقِ رَبِّكُمْ وَٱشْكُرُوا۟ لَهُۥ ۚ بَلْدَةٌ طَيِّبَةٌ وَرَبٌّ غَفُورٌ۝١٥

    Laqad kana lisabain fee maskanihim ayatun jannatani ʿan yameenin washimalin kuloo min rizqi rabbikum waoshkuroo lahu baldatun tayyibatun warabbun ghafoorun

    Waxaa ugu sugnaa (reer) Saba’ calaamad degaankoodii: labo Beerood ka xiga xagga midig iyo xagga bidix. (Waxaana lagu yidhi), "Cuna risiqa Rabbigiin oo ku mahdiya. Beled wanaagsan iyo Rabbi Denbi Dhaaf Badan.

  16. فَأَعْرَضُوا۟ فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ سَيْلَ ٱلْعَرِمِ وَبَدَّلْنَـٰهُم بِجَنَّتَيْهِمْ جَنَّتَيْنِ ذَوَاتَىْ أُكُلٍ خَمْطٍ وَأَثْلٍ وَشَىْءٍ مِّن سِدْرٍ قَلِيلٍ۝١٦

    Faaʿradoo faarsalna ʿalayhim sayla alʿarimi wabaddalnahum bijannatayhim jannatayni thawatay okulin khamtin waathlin washayin min sidrin qaleelin

    Wayse ka jeesadeen 'xaqa' markaasaan ku soo dirnay Daad Weyn1, oo ugu beddelnay halkii labadoodii beerood labo beerood oo soo saara midho xun oo qadhaadh iyo qoryo, iyo wax yaroo geedo gob ah.

    Sharaxa hoose
    [1] Daadka weyn ee ku soo fatahay waxaa u sabab ahaa dumid ku yimid biyo xireenkii Ma’rab. Tafsiir kale waa daad aad u weyn oo qaaday.
  17. ذَٰلِكَ جَزَيْنَـٰهُم بِمَا كَفَرُوا۟ ۖ وَهَلْ نُجَـٰزِىٓ إِلَّا ٱلْكَفُورَ۝١٧

    Thalika jazaynahum bima kafaroo wahal nujazee illa alkafoora

    Sidaasaan ku abaal marinnay gaal- nimadoodii darteed; miyaan (sidaasoo kale) u abaal marinnaa waxaan aheyn kuwa abaal dhaca badan?

  18. وَجَعَلْنَا بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ ٱلْقُرَى ٱلَّتِى بَـٰرَكْنَا فِيهَا قُرًى ظَـٰهِرَةً وَقَدَّرْنَا فِيهَا ٱلسَّيْرَ ۖ سِيرُوا۟ فِيهَا لَيَالِىَ وَأَيَّامًا ءَامِنِينَ۝١٨

    Wajaʿalna baynahum wabayna alqura allatee barakna feeha quran thahiratan waqaddarna feeha alssayra seeroo feeha layaliya waayyaman amineena

    Waxaana yeellay dhexdooda Iyaga iyo magaalooyinkii aan barakaynnay magaalooyin (kale) ee muuqda1, waxaana qaddarnay socodkooda halkaa2, (Annagoo ku nidhi): Ku socdaala habeenno iyo maalmoba idinkoo nabad ah".

    Sharaxa hoose
    [1] Dhulka Shaam ee barakada badan, iyo dhulalka ku hareersan waxaa loola jeedaa Yaman iyo Shaam (Suuriya, Lubnaan, Urdun, Falastiin), waxay dadku ku socdaalayeen si nabad ah maalin iyo habeenba dhib iyo shiddo la’aan iyagoon cidna joojineyn. [2] Waxaan u yeelnay degaannada xiga masaafooyin la yaqaan si loogu sahlo musaafiriinta.
  19. فَقَالُوا۟ رَبَّنَا بَـٰعِدْ بَيْنَ أَسْفَارِنَا وَظَلَمُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ فَجَعَلْنَـٰهُمْ أَحَادِيثَ وَمَزَّقْنَـٰهُمْ كُلَّ مُمَزَّقٍ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ۝١٩

    Faqaloo rabbana baʿid bayna asfarina wathalamoo anfusahum fajaʿalnahum ahadeetha wamazzaqnahum kulla mumazzaqin inna fee thalika laayatin likulli sabbarin shakoorin

    Waxayse yidhaahdeen, "Rabbigayow! Kala fogee safarka dhexdayada ah1," oo dulmiyeen nafahooda, markaasaan ka dhignay wax lagu sheekeysto, oo kala goynay kala goyn dhan. Hubaal (arrin)kaasi waxaa ugu sugan calaamooyin mid kastoo samir badanoo, mahad naq badan2.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa dhacday in magaalooyinkaa dhowaa baabba’een, waxayna u dhoofeen meelo fog fog, taasoo keentay inay kor u dhigaan sicirka badeecada si ay u helaan faa’ido munaasib ah. [2] Qisooyinka dadka waxaan ugu soo tebinnaa casharro iyo cibrad qaadasho ahaan.
  20. وَلَقَدْ صَدَّقَ عَلَيْهِمْ إِبْلِيسُ ظَنَّهُۥ فَٱتَّبَعُوهُ إِلَّا فَرِيقًا مِّنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ۝٢٠

    Walaqad saddaqa ʿalayhim ibleesu thannahu faittabaʿoohu illa fareeqan mina almumineena

    Waxaa dhab ahaan ku rumoobay Ibliis malihiisii1, wayna raaceen2, koox ka mid ah mu'miniinta mooyee.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa dadkii Saba ama dadka oo idil. [2] Inay dadku u nugul yihiin dhumintiisa oo diyaar u yihiin.
  21. وَمَا كَانَ لَهُۥ عَلَيْهِم مِّن سُلْطَـٰنٍ إِلَّا لِنَعْلَمَ مَن يُؤْمِنُ بِٱلْـَٔاخِرَةِ مِمَّنْ هُوَ مِنْهَا فِى شَكٍّ ۗ وَرَبُّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ حَفِيظٌ۝٢١

    Wama kana lahu ʿalayhim min sultanin illa linaʿlama man yuminu bialakhirati mimman huwa minha fee shakkin warabbuka ʿala kulli shayin hafeethun

    Kuma laha (Ibliis) wax awood ah dushooda1, wax kalena uma aan yeelin sidaa (oo uguma salladin dadka) aan aheyn inay kala caddaato kan rumeyn Aakhirada iyo kan ka shakin. Rabbigaa waa Xafidaha wax kasta (abaal marinna qof walba).

    Sharaxa hoose
    [1] Dadka uu ku qasbo inay raacaan, waase Xikmo Xaggayaga ah inaan ku imtixaano dadka waswaasinta sheydaan.
  22. قُلِ ٱدْعُوا۟ ٱلَّذِينَ زَعَمْتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ ۖ لَا يَمْلِكُونَ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَلَا فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا لَهُمْ فِيهِمَا مِن شِرْكٍ وَمَا لَهُۥ مِنْهُم مِّن ظَهِيرٍ۝٢٢

    Quli odʿoo allatheena zaʿamtum min dooni Allahi la yamlikoona mithqala tharratin fee alssamawati wala fee alardi wama lahum feehima min shirkin wama lahu minhum min thaheerin

    Dheh: U yeedha kuwa aad sheegtaan (inay ilaahyo yihiin) Alle sokadi, kuma hantaan wax saxar le’eg (ama qudhaanjo yar) samooyinka ama arlada, kumana laha wax shirko (la wadaagid ah) dhexdooda midna, kumana laha (Alle) uunkiisa wax garab siiya (ugamana baahna).

  23. وَلَا تَنفَعُ ٱلشَّفَـٰعَةُ عِندَهُۥٓ إِلَّا لِمَنْ أَذِنَ لَهُۥ ۚ حَتَّىٰٓ إِذَا فُزِّعَ عَن قُلُوبِهِمْ قَالُوا۟ مَاذَا قَالَ رَبُّكُمْ ۖ قَالُوا۟ ٱلْحَقَّ ۖ وَهُوَ ٱلْعَلِىُّ ٱلْكَبِيرُ۝٢٣

    Wala tanfaʿu alshshafaʿatu ʿindahu illa liman athina lahu hatta itha fuzziʿa ʿan quloobihim qaloo matha qala rabbukum qaloo alhaqqa wahuwa alʿaliyyu alkabeeru

    Ma anfacdo shafeeco (Alle) Agtiisa, mid uu u idmo ma’ahee1. (Kuwaasna way sugaan) ilaa, marka laga faydo cabsida quluubtooda2: waxay odhan: Waa Maxay waxaa uu yidhi Rabbigiin? waxay odhan: Xaq. Waana Sarreeyaha, Weyn.

    Sharaxa hoose
    [1] Aayaddani waxay muujineysaa inaysan cidna u shafeeci karin cid kale inuu Alle idmo maahee oo ka raalli yahay in loo shafeeco qofkaa, waana inay kan shafeecaya iyo kan loo shafeecayo ay ka baqaan Allaah oo rajeeyaan oo yihiin dad heystay towxiidka iyo sunnada. [2] Waa quluubta malaa’igta ee loo oggolaan doono inay shafeecaan.
  24. ۞ قُلْ مَن يَرْزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ قُلِ ٱللَّهُ ۖ وَإِنَّآ أَوْ إِيَّاكُمْ لَعَلَىٰ هُدًى أَوْ فِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ۝٢٤

    Qul man yarzuqukum mina alssamawati waalardi quli Allahu wainna aw iyyakum laʿala hudan aw fee dalalin mubeenin

    Dheh: Yaa idinka irsaaqa samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Innaga ama idinkana mid uun baa hanuunsan ama ku sugan habow cad.

  25. قُل لَّا تُسْـَٔلُونَ عَمَّآ أَجْرَمْنَا وَلَا نُسْـَٔلُ عَمَّا تَعْمَلُونَ۝٢٥

    Qul la tusaloona ʿamma ajramna wala nusalu ʿamma taʿmaloona

    Dheh: La idin weydiin maayo wax ku saabsan dunuubtayada, innagana nala weydiin maayo waxaad fashaan.

  26. قُلْ يَجْمَعُ بَيْنَنَا رَبُّنَا ثُمَّ يَفْتَحُ بَيْنَنَا بِٱلْحَقِّ وَهُوَ ٱلْفَتَّاحُ ٱلْعَلِيمُ۝٢٦

    Qul yajmaʿu baynana rabbuna thumma yaftahu baynana bialhaqqi wahuwa alfattahu alʿaleemu

    Dheh: Rabbigeen baa na soo kulmin innagoo dhammi, markaasuu inoo kala garsoori si xaq ah, waana Garsooraha weyn, wax kasta Og.

  27. قُلْ أَرُونِىَ ٱلَّذِينَ أَلْحَقْتُم بِهِۦ شُرَكَآءَ ۖ كَلَّا ۚ بَلْ هُوَ ٱللَّهُ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ۝٢٧

    Qul arooniya allatheena alhaqtum bihi shurakaa kalla bal huwa Allahu alʿazeezu alhakeemu

    Dheh: I tusa kuwa aad Alle la wadaajiseen shuruko ahaan cibaadada, mayee (ma jiraan cid wax la wadaagta), waase Alle (Keliya), Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.

  28. وَمَآ أَرْسَلْنَـٰكَ إِلَّا كَآفَّةً لِّلنَّاسِ بَشِيرًا وَنَذِيرًا وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ۝٢٨

    Wama arsalnaka illa kaffatan lilnnasi basheeran wanatheeran walakinna akthara alnnasi la yaʿlamoona

    Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn dadka oo dhan bishaareeye iyo dige ahaan, dadku se badankoodu ma oga.

  29. وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَـٰذَا ٱلْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ۝٢٩

    Wayaqooloona mata hatha alwaʿdu in kuntum sadiqeena

    Waxay odhan: Waa goorma yaboohaasi (soo bixinta Qiyaame) haddaad run sheegaysaan?

  30. قُل لَّكُم مِّيعَادُ يَوْمٍ لَّا تَسْتَـْٔخِرُونَ عَنْهُ سَاعَةً وَلَا تَسْتَقْدِمُونَ۝٣٠

    Qul lakum meeʿadu yawmin la tastakhiroona ʿanhu saʿatan wala tastaqdimoona

    Dheh: Waqtiga la idiin qabtay waa Maalin aydaan saacad ka dib dhaceyn kana hor dhaceyn.

  31. وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَن نُّؤْمِنَ بِهَـٰذَا ٱلْقُرْءَانِ وَلَا بِٱلَّذِى بَيْنَ يَدَيْهِ ۗ وَلَوْ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلظَّـٰلِمُونَ مَوْقُوفُونَ عِندَ رَبِّهِمْ يَرْجِعُ بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ ٱلْقَوْلَ يَقُولُ ٱلَّذِينَ ٱسْتُضْعِفُوا۟ لِلَّذِينَ ٱسْتَكْبَرُوا۟ لَوْلَآ أَنتُمْ لَكُنَّا مُؤْمِنِينَ۝٣١

    Waqala allatheena kafaroo lan numina bihatha alqurani wala biallathee bayna yadayhi walaw tara ithi alththalimoona mawqoofoona ʿinda rabbihim yarjiʿu baʿduhum ila baʿdin alqawla yaqoolu allatheena istudʿifoo lillatheena istakbaroo lawla antum lakunna mumineena

    Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: "Ma rumeyneyno Qur’aankan iyo wixii ka horreeyay midna (oo Kutub Alle ah)". Haddaadse arki lahayd marka daalimiinta la soo hor joojin Rabbigood, iyagoo isku tuurtuuraya hadalka oo qaarba qaarka kale eedeynayo. Kuwii la daciifsaday (raciyadda) waxay ku odhan kuwii isla weynaa (madaxda): Haddaydaan jirteen waxaan ahaan laheyn mu’miniin.

  32. قَالَ ٱلَّذِينَ ٱسْتَكْبَرُوا۟ لِلَّذِينَ ٱسْتُضْعِفُوٓا۟ أَنَحْنُ صَدَدْنَـٰكُمْ عَنِ ٱلْهُدَىٰ بَعْدَ إِذْ جَآءَكُم ۖ بَلْ كُنتُم مُّجْرِمِينَ۝٣٢

    Qala allatheena istakbaroo lillatheena istudʿifoo anahnu sadadnakum ʿani alhuda baʿda ith jaakum bal kuntum mujrimeena

    Kuwii isla weynaa (madaxdii) waxay ku odhan kuwii la daciifsaday (raciyaddii): Ma innagaa iska kiin hortaagnay hanuunka kaddib markuu idiin yimid? Mayee’ idinka (naf ahaantiinna) ayaa ahaa denbiilayaal.

  33. وَقَالَ ٱلَّذِينَ ٱسْتُضْعِفُوا۟ لِلَّذِينَ ٱسْتَكْبَرُوا۟ بَلْ مَكْرُ ٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ إِذْ تَأْمُرُونَنَآ أَن نَّكْفُرَ بِٱللَّهِ وَنَجْعَلَ لَهُۥٓ أَندَادًا ۚ وَأَسَرُّوا۟ ٱلنَّدَامَةَ لَمَّا رَأَوُا۟ ٱلْعَذَابَ وَجَعَلْنَا ٱلْأَغْلَـٰلَ فِىٓ أَعْنَاقِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ۚ هَلْ يُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ۝٣٣

    Waqala allatheena istudʿifoo lillatheena istakbaroo bal makru allayli waalnnahari ith tamuroonana an nakfura biAllahi wanajʿala lahu andadan waasarroo alnnadamata lamma raawoo alʿathaba wajaʿalna alaghlala fee aʿnaqi allatheena kafaroo hal yujzawna illa ma kanoo yaʿmaloona

    Kuwii la daciifsaday (raciyaddii) waxay ku odhan kuwii isla weynaa (madaxdii): Mayee’ waa dabinkaad noo dhigeyseen habeen iyo maalinba, markaad na amarteen inaan ku gaalowno Alle oo u yeello shariigyo. Waxayna muujin qoomamo markay arkaan cadaabka, waxaanu u suri luqumaha kuwa gaaloobay mereegyo bir ah. Miyaa laga abaal marin (gaalada) waxay camal xun faleen mooyee?

  34. وَمَآ أَرْسَلْنَا فِى قَرْيَةٍ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتْرَفُوهَآ إِنَّا بِمَآ أُرْسِلْتُم بِهِۦ كَـٰفِرُونَ۝٣٤

    Wama arsalna fee qaryatin min natheerin illa qala mutrafooha inna bima orsiltum bihi kafiroona

    Ma jirto magaalo aan u dirnay dige, oo aysan ladanayaasheedii odhan: Innagu waxa la idinla soo diray ku gaalownay.

  35. وَقَالُوا۟ نَحْنُ أَكْثَرُ أَمْوَٰلًا وَأَوْلَـٰدًا وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ۝٣٥

    Waqaloo nahnu aktharu amwalan waawladan wama nahnu bimuʿaththabeena

    Waxayna yidhaahdeen: Innagaa idinka maal iyo awlaad badan, mana nihin kuwa la cadaabayo1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa hoda gaalada waxa uu Alle ku siiyey adduunka, waxayna moodaan inuu u naxariisan Aakhirada oo cadaabeyn.
  36. قُلْ إِنَّ رَبِّى يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقْدِرُ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ۝٣٦

    Qul inna rabbee yabsutu alrrizqa liman yashao wayaqdiru walakinna akthara alnnasi la yaʿlamoona

    Dheh: Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), dadka badankiisuse ma oga.

  37. وَمَآ أَمْوَٰلُكُمْ وَلَآ أَوْلَـٰدُكُم بِٱلَّتِى تُقَرِّبُكُمْ عِندَنَا زُلْفَىٰٓ إِلَّا مَنْ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَـٰلِحًا فَأُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ جَزَآءُ ٱلضِّعْفِ بِمَا عَمِلُوا۟ وَهُمْ فِى ٱلْغُرُفَـٰتِ ءَامِنُونَ۝٣٧

    Wama amwalukum wala awladukum biallatee tuqarribukum ʿindana zulfa illa man amana waʿamila salihan faolaika lahum jazao alddiʿfi bima ʿamiloo wahum fee alghurufati aminoona

    Ma aha maalkiinna iyo awlaaddiinna waxa noo kiin soo dhoweeya meeqaan ahaan, hase yeeshee qofkii (Xaqa) rumeeya oo sama fala, waa kuwan kuwa iska leh abaalmarin labolaab ah waxay camalsan faleen darteed, waxayna ku sugnaan iyagoo nabdoon rugaha ugu sarreeya (ee Jannada).

  38. وَٱلَّذِينَ يَسْعَوْنَ فِىٓ ءَايَـٰتِنَا مُعَـٰجِزِينَ أُو۟لَـٰٓئِكَ فِى ٱلْعَذَابِ مُحْضَرُونَ۝٣٨

    Waallatheena yasʿawna fee ayatina muʿajizeena olaika fee alʿathabi muhdaroona

    Kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga, kuwaas cadaabkaa la keeni.

  39. قُلْ إِنَّ رَبِّى يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦ وَيَقْدِرُ لَهُۥ ۚ وَمَآ أَنفَقْتُم مِّن شَىْءٍ فَهُوَ يُخْلِفُهُۥ ۖ وَهُوَ خَيْرُ ٱلرَّٰزِقِينَ۝٣٩

    Qul inna rabbee yabsutu alrrizqa liman yashao min ʿibadihi wayaqdiru lahu wama anfaqtum min shayin fahuwa yukhlifuhu wahuwa khayru alrraziqeena

    Dheh: Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo addoomahiisa ka mid ah, oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxaad bixisaanna oo wuxuun ah (sadaqo ah), wax ka khayr badan buu idin siin. Alle waa Kan u wanaagsan inta wax arsaaqda.

  40. وَيَوْمَ يَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا ثُمَّ يَقُولُ لِلْمَلَـٰٓئِكَةِ أَهَـٰٓؤُلَآءِ إِيَّاكُمْ كَانُوا۟ يَعْبُدُونَ۝٤٠

    Wayawma yahshuruhum jameeʿan thumma yaqoolu lilmalaikati ahaolai iyyakum kanoo yaʿbudoona

    (Xus) Maalinta markuu soo wada kulmin iyagoo dhan (gaalada), markaasuu ku odhan malaa’igta: Kuwani ma idinkay idin caabudayeen?

  41. قَالُوا۟ سُبْحَـٰنَكَ أَنتَ وَلِيُّنَا مِن دُونِهِم ۖ بَلْ كَانُوا۟ يَعْبُدُونَ ٱلْجِنَّ ۖ أَكْثَرُهُم بِهِم مُّؤْمِنُونَ۝٤١

    Qaloo subhanaka anta waliyyuna min doonihim bal kanoo yaʿbudoona aljinna aktharuhum bihim muminoona

    Waxay odhan: Xurmo oo dhan Adigaa iska leh (Allow) oo ka hufan (xumaan iyo nuqsaan), Adiga ayaa ah Gargaarahayaga iyagu ma aha. Mayee’ Waxay caabudayeen jinka oo badankoodu rumaysnaayeen.

  42. فَٱلْيَوْمَ لَا يَمْلِكُ بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ نَّفْعًا وَلَا ضَرًّا وَنَقُولُ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ ذُوقُوا۟ عَذَابَ ٱلنَّارِ ٱلَّتِى كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ۝٤٢

    Faalyawma la yamliku baʿdukum libaʿdin nafʿan wala darran wanaqoolu lillatheena thalamoo thooqoo ʿathaba alnnari allatee kuntum biha tukaththiboona

    Marka Maalintaa (Qiyaame) uma hana- nayo midkiinna midka kale dheef iyo dhib midna,waxaanu ku odhan kuwaasi dulmiga (shirkiga iyo macaasida) falay: Dhadhami- ya Cadaabka Naarta aad beeninayseen.

  43. وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَـٰتُنَا بَيِّنَـٰتٍ قَالُوا۟ مَا هَـٰذَآ إِلَّا رَجُلٌ يُرِيدُ أَن يَصُدَّكُمْ عَمَّا كَانَ يَعْبُدُ ءَابَآؤُكُمْ وَقَالُوا۟ مَا هَـٰذَآ إِلَّآ إِفْكٌ مُّفْتَرًى ۚ وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلْحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمْ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ۝٤٣

    Waitha tutla ʿalayhim ayatuna bayyinatin qaloo ma hatha illa rajulun yureedu an yasuddakum ʿamma kana yaʿbudu abaokum waqaloo ma hatha illa ifkun muftaran waqala allatheena kafaroo lilhaqqi lamma jaahum in hatha illa sihrun mubeenun

    Marka loo akhriyo Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdaan: Kani (Muxammad) ma aha waxaan ahayn Nin raba inuu idinka jeediyo waxay caabudayeen aabbayaashiin Waxayna yidhaahdaan: Kanu (Qur’aanku) wax kale ma’aha aan ahayn been abuurasho. Kuwa gaalada ahina waxay ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimid: Kanu (Qur’aanku) ma aha waxaan ahayn sixir cad.

  44. وَمَآ ءَاتَيْنَـٰهُم مِّن كُتُبٍ يَدْرُسُونَهَا ۖ وَمَآ أَرْسَلْنَآ إِلَيْهِمْ قَبْلَكَ مِن نَّذِيرٍ۝٤٤

    Wama ataynahum min kutubin yadrusoonaha wama arsalna ilayhim qablaka min natheerin

    Ma aanu siin wax Kutub (Xaggayaga) ah ay akhriyaan, umana aanu soo dirin hortaa wax dige ah.

  45. وَكَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ وَمَا بَلَغُوا۟ مِعْشَارَ مَآ ءَاتَيْنَـٰهُمْ فَكَذَّبُوا۟ رُسُلِى ۖ فَكَيْفَ كَانَ نَكِيرِ۝٤٥

    Wakaththaba allatheena min qablihim wama balaghoo miʿshara ma ataynahum fakaththaboo rusulee fakayfa kana nakeeri

    Kuwii ka horreeyey waxay beeniyeen (Xaqa), kuwanna (Nabiga beeniyey) ma gaadhin toban meeloodoo meel wax ka mid ah waxa aan siinnay kuwaasi; Waxayse beeniyeen Rusushayadii, ee sidee buu mid daran u ahaa Ciqaabkeygii (aan ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).

  46. ۞ قُلْ إِنَّمَآ أَعِظُكُم بِوَٰحِدَةٍ ۖ أَن تَقُومُوا۟ لِلَّهِ مَثْنَىٰ وَفُرَٰدَىٰ ثُمَّ تَتَفَكَّرُوا۟ ۚ مَا بِصَاحِبِكُم مِّن جِنَّةٍ ۚ إِنْ هُوَ إِلَّا نَذِيرٌ لَّكُم بَيْنَ يَدَىْ عَذَابٍ شَدِيدٍ۝٤٦

    Qul innama aʿithukum biwahidatin an taqoomoo lillahi mathna wafurada thumma tatafakkaroo ma bisahibikum min jinnatin in huwa illa natheerun lakum bayna yaday ʿathabin shadeedin

    Dheh: Waxaan uun idinku waaninayaa mid keliya; inaad u kacdaan Alle Darti labo-labo iyo mid mid1, markaas aad fekertaan: kuma jiro jin saaxiibkiin (Nabi Muxammad), waa oo keliya ka dige cadaab daran oo soo fool leh.

    Sharaxa hoose
    [1] Labo labo iyo mid mid, sidaas awgeed hadduu la faqayo Alle, wuxuu u gudan si deggan oo wanaagsan.
  47. قُلْ مَا سَأَلْتُكُم مِّنْ أَجْرٍ فَهُوَ لَكُمْ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِ ۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ شَهِيدٌ۝٤٧

    Qul ma saaltukum min ajrin fahuwa lakum in ajriya illa ʿala Allahi wahuwa ʿala kulli shayin shaheedun

    Dheh (Nabiyow): Waxaan idin weydiiyo oo ajar ah, waa waxaad idinku leedihiin1. ajarkeyga waxaan ka sugayaa Alle Keliya. Wax walbana Alle wuu u Jeedaa.

    Sharaxa hoose
    [1] Rasuulka Alle s.c.w. kama dalbo wax abaal gud ah iyaga, ee wuxuu ka dalbaa inay rumeeyaan Alle oo camallo san fashaan, sidaasina iyagay khayr u tahay.
  48. قُلْ إِنَّ رَبِّى يَقْذِفُ بِٱلْحَقِّ عَلَّـٰمُ ٱلْغُيُوبِ۝٤٨

    Qul inna rabbee yaqthifu bialhaqqi ʿallamu alghuyoobi

    Dheh: Rabbigay wuxuu soo diraa Xaqa (oo xumaanta ku tiraa), waa Ogsoonaha sare ee waxaan muuqan (Ghaybka).

  49. قُلْ جَآءَ ٱلْحَقُّ وَمَا يُبْدِئُ ٱلْبَـٰطِلُ وَمَا يُعِيدُ۝٤٩

    Qul jaa alhaqqu wama yubdio albatilu wama yuʿeedu

    Dheh: Xaqu (Qur’aanka) waa yimid, Baadilkuna (Ibliis) waxna ma abuuri karo mana soo nooleyn karo1.

    Sharaxa hoose
    [1] Weedhan waxaa laga qaadanayaa inuu baadilku si dhan u awood beelayo, macnaha waa in la tirtirayo baadilka oo gebigaba meesha laga saarayo. Marka uu xaqu hirgalo, baadilka wuu hoobtaa.
  50. قُلْ إِن ضَلَلْتُ فَإِنَّمَآ أَضِلُّ عَلَىٰ نَفْسِى ۖ وَإِنِ ٱهْتَدَيْتُ فَبِمَا يُوحِىٓ إِلَىَّ رَبِّىٓ ۚ إِنَّهُۥ سَمِيعٌ قَرِيبٌ۝٥٠

    Qul in dalaltu fainnama adillu ʿala nafsee waini ihtadaytu fabima yoohee ilayya rabbee innahu sameeʿun qareebun

    Dheh: Haddaan gefo waxaan uun u gefaa nafteyda. haddaan hanuunana, waa sababta wuxuu ii waxyoodo Rabbigay. Hubaal waa wax kasta Maqle, aad u Dhow.

  51. وَلَوْ تَرَىٰٓ إِذْ فَزِعُوا۟ فَلَا فَوْتَ وَأُخِذُوا۟ مِن مَّكَانٍ قَرِيبٍ۝٥١

    Walaw tara ith faziʿoo fala fawta waokhithoo min makanin qareebin

    Haddaad arki lahayd1 markay (gaalada) noqon kuwo qarracansan, oo meelay u cararaan lahayn, waxaana laga soo qabqaban meel dhow.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaad arki lahayd wax weyn.
  52. وَقَالُوٓا۟ ءَامَنَّا بِهِۦ وَأَنَّىٰ لَهُمُ ٱلتَّنَاوُشُ مِن مَّكَانٍۭ بَعِيدٍ۝٥٢

    Waqaloo amanna bihi waanna lahumu alttanawushu min makanin baʿeedin

    Waxay (markay arkaan cadaabka Aakhiro) odhan: Waanu rumeynay (haatan). Sidee bayse qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel fog (inay u soo laabtaan noloshii adduunka)?

  53. وَقَدْ كَفَرُوا۟ بِهِۦ مِن قَبْلُ ۖ وَيَقْذِفُونَ بِٱلْغَيْبِ مِن مَّكَانٍۭ بَعِيدٍ۝٥٣

    Waqad kafaroo bihi min qablu wayaqthifoona bialghaybi min makanin baʿeedin

    Waxay dhab ahaan horey1 ugu gaaloobeen (Xaqa), waxayna kaga sheegayeen been waxyaalaha aan muuqan ee Ghaybka ahaa xagga meel fog2.

    Sharaxa hoose
    [1] Noloshoodii hore ee arlada, ay ku heysteen fursad kasta, ha yeeshee hadda dhaaftay, waana fursad aan marnaba soo laabanayn. [2] Af ahaan, iyagoo wax iska mala awaalayey, oo inkirayey Xaqa sida Aakhirada, Naarta, Jannada, Iska soo bixinta qubuuraha, iwm.
  54. وَحِيلَ بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ مَا يَشْتَهُونَ كَمَا فُعِلَ بِأَشْيَاعِهِم مِّن قَبْلُ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ فِى شَكٍّ مُّرِيبٍۭ۝٥٤

    Waheela baynahum wabayna ma yashtahoona kama fuʿila biashyaʿihim min qablu innahum kanoo fee shakkin mureebin

    Waase la kala ooday iyaga iyo waxay rabeen1, sidii loo galay kuwii la midka ahaa ee ka horreeyey. Hubaal waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki walaac leh.

    Sharaxa hoose
    [1] Macnaha waa haleelidda iimaanka iyo waxa khayr ku jira iyo faa’idooyin aad u badan ama gelitaanka Jannada.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Suuradda Saba’ juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Saba’ waxay ku jirtaa juz’ 22.

Suuradda Saba’ immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Saba’ waxay leedahay 54 aayadood.

Suuradda Saba’ ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Saba’ waa suurad Makki ah.

Suuradda Saba’ waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 34aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.