سورة السجدة

Suuradda As-Sajda oo af Soomaali ah

Sujuudda

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda As-Sajda (السجدة) waa suuradda 32aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 30 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Sujuudda”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 21.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda As-Sajda oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda As-Sajda oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. الٓمٓ۝١

    Aliflammeem

    Alif laam-miim1.

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.
  2. تَنزِيلُ ٱلْكِتَـٰبِ لَا رَيْبَ فِيهِ مِن رَّبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ۝٢

    Tanzeelu alkitabi la rayba feehi min rabbi alʿalameena

    Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa xagga Rabbiga uumanka.

  3. أَمْ يَقُولُونَ ٱفْتَرَىٰهُ ۚ بَلْ هُوَ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّكَ لِتُنذِرَ قَوْمًا مَّآ أَتَىٰهُم مِّن نَّذِيرٍ مِّن قَبْلِكَ لَعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ۝٣

    Am yaqooloona iftarahu bal huwa alhaqqu min rabbika litunthira qawman ma atahum min natheerin min qablika laʿallahum yahtadoona

    Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Mayee! Waa Xaq ka yimid Rabbigaa, si aad ugu digtid qolo aanu dige u iman hortaa adiga (Nabi Muxammadow) si ay u hanuunaan.

  4. ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ ٱسْتَوَىٰ عَلَى ٱلْعَرْشِ ۖ مَا لَكُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِىٍّ وَلَا شَفِيعٍ ۚ أَفَلَا تَتَذَكَّرُونَ۝٤

    Allahu allathee khalaqa alssamawati waalarda wama baynahuma fee sittati ayyamin thumma istawa ʿala alʿarshi ma lakum min doonihi min waliyyin wala shafeeʿin afala tatathakkaroona

    Alle waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix Maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga1. Ma lihidin Alle sokadi wax gargaare ah ama Shafeece. Ee miyeydaan waansameyn?

    Sharaxa hoose
    [1] Istawaa waa ka kor ahaansho Carshiga, waana tilmaan waajib ah in la rumeeyo si ku habboon Weynida iyo Heybadda Alle iyo Awooddiisa.
  5. يُدَبِّرُ ٱلْأَمْرَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ إِلَى ٱلْأَرْضِ ثُمَّ يَعْرُجُ إِلَيْهِ فِى يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُۥٓ أَلْفَ سَنَةٍ مِّمَّا تَعُدُّونَ۝٥

    Yudabbiru alamra mina alssamai ila alardi thumma yaʿruju ilayhi fee yawmin kana miqdaruhu alfa sanatin mimma taʿuddoona

    Wuxuu (Alle) agaasimaa arrinka ka jira samada ilaa arlada, markaasuu arrinka Xaggiisa kor u aadaa Maalin qaddarkeedu yahay kun sano waxaad tirsataan ah1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa arrinka ay soo qaadaan malaa’igta. Aayaddan waxay muujineysaa awoodda Alle iyo Weynidiisa iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada.
  6. ذَٰلِكَ عَـٰلِمُ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَـٰدَةِ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ۝٦

    Thalika ʿalimu alghaybi waalshshahadati alʿazeezu alrraheemu

    Kaasi waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, Adkaadaha Sare, Naxariis Badnaha.

  7. ٱلَّذِىٓ أَحْسَنَ كُلَّ شَىْءٍ خَلَقَهُۥ ۖ وَبَدَأَ خَلْقَ ٱلْإِنسَـٰنِ مِن طِينٍ۝٧

    Allathee ahsana kulla shayin khalaqahu wabadaa khalqa alinsani min teenin

    Ee ah Kan u dhammeystiray wanaag wax kastuu abuuray, oo ka billaabay abuurista aadmiga dhoobo.

  8. ثُمَّ جَعَلَ نَسْلَهُۥ مِن سُلَـٰلَةٍ مِّن مَّآءٍ مَّهِينٍ۝٨

    Thumma jaʿala naslahu min sulalatin min main maheenin

    Markaas ka dhigay tarankiisa miir biyo la liidsado.

  9. ثُمَّ سَوَّىٰهُ وَنَفَخَ فِيهِ مِن رُّوحِهِۦ ۖ وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمْعَ وَٱلْأَبْصَـٰرَ وَٱلْأَفْـِٔدَةَ ۚ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ۝٩

    Thumma sawwahu wanafakha feehi min roohihi wajaʿala lakumu alssamʿa waalabsara waalafidata qaleelan ma tashkuroona

    Markaas ka yeelay mid dhan oo ku afuufay wax ka mid ah Ruuxdiisa (uu u abuuray), oo idiin yeelay maqalka iyo aragga iyo kasha, wax yar baadse mahdisaan.

  10. وَقَالُوٓا۟ أَءِذَا ضَلَلْنَا فِى ٱلْأَرْضِ أَءِنَّا لَفِى خَلْقٍ جَدِيدٍۭ ۚ بَلْ هُم بِلِقَآءِ رَبِّهِمْ كَـٰفِرُونَ۝١٠

    Waqaloo aitha dalalna fee alardi ainna lafee khalqin jadeedin bal hum biliqai rabbihim kafiroona

    Waxay (gaaladu) yidhahdaan: Ma markaan (dhiminno oo noqonno) kuwa ku baabba’a dhulka, miyaa noqon abuur cusub? Mayee’ waxayan rumeysneyn la Kulanka Rabbigood (ee Aakhirada).

  11. ۞ قُلْ يَتَوَفَّىٰكُم مَّلَكُ ٱلْمَوْتِ ٱلَّذِى وُكِّلَ بِكُمْ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمْ تُرْجَعُونَ۝١١

    Qul yatawaffakum malaku almawti allathee wukkila bikum thumma ila rabbikum turjaʿoona

    Dheh: Waxaa idin oofsan Malakul mowd la idiin xil saaray, markaasaa xagga Rabbigiin la idin soo celin.

  12. وَلَوْ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلْمُجْرِمُونَ نَاكِسُوا۟ رُءُوسِهِمْ عِندَ رَبِّهِمْ رَبَّنَآ أَبْصَرْنَا وَسَمِعْنَا فَٱرْجِعْنَا نَعْمَلْ صَـٰلِحًا إِنَّا مُوقِنُونَ۝١٢

    Walaw tara ithi almujrimoona nakisoo ruoosihim ʿinda rabbihim rabbana absarna wasamiʿna faarjiʿna naʿmal salihan inna mooqinoona

    Haddaad arki lahayd markay denbiila- yaashu hoos u rogi madaxyadooda Rabbigood horti (iyagoo leh): Rabbigayow! Waan aragnay (Xaqa aan beenineynay) oo maqallay (waxay Rusushu la yimaadeen), ee dib noogu celi (adduunka), waxaanu fali camal san, haatan waanu yaqiinsannaye.

  13. وَلَوْ شِئْنَا لَـَٔاتَيْنَا كُلَّ نَفْسٍ هُدَىٰهَا وَلَـٰكِنْ حَقَّ ٱلْقَوْلُ مِنِّى لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ ٱلْجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ أَجْمَعِينَ۝١٣

    Walaw shina laatayna kulla nafsin hudaha walakin haqqa alqawlu minnee laamlaanna jahannama mina aljinnati waalnnasi ajmaʿeena

    Haddaan doonno waxaan siin laheyn naf walba hanuunkeeda, Qawl xaq ah baase horay iiga dhacay inaan ka buuxin Jahannama jinka iyo insiga (igu caasiya) dhammaan.

  14. فَذُوقُوا۟ بِمَا نَسِيتُمْ لِقَآءَ يَوْمِكُمْ هَـٰذَآ إِنَّا نَسِينَـٰكُمْ ۖ وَذُوقُوا۟ عَذَابَ ٱلْخُلْدِ بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ۝١٤

    Fathooqoo bima naseetum liqaa yawmikum hatha inna naseenakum wathooqoo ʿathaba alkhuldi bima kuntum taʿmaloona

    Ee dhadhamiya, waayo waxaad illowdeen (dan u geli weydeen) la Kulanka Maalintiinnaan (Qiyaame), Annaguna waanu idin illoowi (oo idiinka tageynaa Naarta), dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinnii xumaa dartiis.

  15. إِنَّمَا يُؤْمِنُ بِـَٔايَـٰتِنَا ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُوا۟ بِهَا خَرُّوا۟ سُجَّدًا وَسَبَّحُوا۟ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَهُمْ لَا يَسْتَكْبِرُونَ ۩۝١٥

    Innama yuminu biayatina allatheena itha thukkiroo biha kharroo sujjadan wasabbahoo bihamdi rabbihim wahum la yastakbiroona

    Sideedaba waxaa rumeysan Aayada- hayaga kuwa marka lagu waaniyo, la dhaca sujuud1 oo ku tasbiixsada Ammaanaha Rabbigood, oo aan iyagu is kibrinin.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay u sujuudaan Alle si khushuuc leh. Waxaa sunno ah in lala yimaado sujuud tilaawa halkan hadduu qofku akhriyo ama maqlo Aayaddan oo kale.
  16. تَتَجَافَىٰ جُنُوبُهُمْ عَنِ ٱلْمَضَاجِعِ يَدْعُونَ رَبَّهُمْ خَوْفًا وَطَمَعًا وَمِمَّا رَزَقْنَـٰهُمْ يُنفِقُونَ۝١٦

    Tatajafa junoobuhum ʿani almadajiʿi yadʿoona rabbahum khawfan watamaʿan wamimma razaqnahum yunfiqoona

    Waxay ka dheeraadaan dhinacyadoodu gogollada jiifka, baryaan Rabbigood si cabsi leh iyo Rajaba, waxaanu siinnayna wax ka bixiyaan (sadaqeystaan).

  17. فَلَا تَعْلَمُ نَفْسٌ مَّآ أُخْفِىَ لَهُم مِّن قُرَّةِ أَعْيُنٍ جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ۝١٧

    Fala taʿlamu nafsun ma okhfiya lahum min qurrati aʿyunin jazaan bima kanoo yaʿmaloona

    Ma oga nafi waxa loo qariyey (Jannada dhexdeeda) oo ay indho ku qabowsadaan, abaal marin awgeed waxay camal san falayeen.

  18. أَفَمَن كَانَ مُؤْمِنًا كَمَن كَانَ فَاسِقًا ۚ لَّا يَسْتَوُۥنَ۝١٨

    Afaman kana muminan kaman kana fasiqan la yastawoona

    Ma mid mu'min ah baa la mid ah mid caasi ah? Ma ay sinna.

  19. أَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ فَلَهُمْ جَنَّـٰتُ ٱلْمَأْوَىٰ نُزُلًۢا بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ۝١٩

    Amma allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati falahum jannatu almawa nuzulan bima kanoo yaʿmaloona

    Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee fala samaha, Beeraha barwaaqada ah (Jannada) waa hoygooda daa’inka ah, marti soor ahaan waxay camal san falayeen.

  20. وَأَمَّا ٱلَّذِينَ فَسَقُوا۟ فَمَأْوَىٰهُمُ ٱلنَّارُ ۖ كُلَّمَآ أَرَادُوٓا۟ أَن يَخْرُجُوا۟ مِنْهَآ أُعِيدُوا۟ فِيهَا وَقِيلَ لَهُمْ ذُوقُوا۟ عَذَابَ ٱلنَّارِ ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ۝٢٠

    Waamma allatheena fasaqoo famawahumu alnnaru kullama aradoo an yakhrujoo minha oʿeedoo feeha waqeela lahum thooqoo ʿathaba alnnari allathee kuntum bihi tukaththiboona

    Kuwase caasiyooba, hoygoodu waa Naar, markastoo ay doonaan inay ka soo baxaan waa lagu celin, waxaana lagu odhan: Dhadhamiya cadaabka Naarta aad beenin jirteen.

  21. وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنَ ٱلْعَذَابِ ٱلْأَدْنَىٰ دُونَ ٱلْعَذَابِ ٱلْأَكْبَرِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ۝٢١

    Walanutheeqannahum mina alʿathabi aladna doona alʿathabi alakbari laʿallahum yarjiʿoona

    Waxaanu dhadhansiineynaa cadaabka dhow1 cadaabka weyn (ee Aakhiro) ka sokow, bal inay (u soo) noqdaan ( Xaqa oo tawbad keenaan).

    Sharaxa hoose
    [1] Waa dhibaatooyinka iyo musiibadaha adduunka.
  22. وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَـٰتِ رَبِّهِۦ ثُمَّ أَعْرَضَ عَنْهَآ ۚ إِنَّا مِنَ ٱلْمُجْرِمِينَ مُنتَقِمُونَ۝٢٢

    Waman athlamu mimman thukkira biayati rabbihi thumma aʿrada ʿanha inna mina almujrimeena muntaqimoona

    Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi oo ka jeesada? Waanu ka aarsan denbiilayaasha.

  23. وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا مُوسَى ٱلْكِتَـٰبَ فَلَا تَكُن فِى مِرْيَةٍ مِّن لِّقَآئِهِۦ ۖ وَجَعَلْنَـٰهُ هُدًى لِّبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ۝٢٣

    Walaqad atayna moosa alkitaba fala takun fee miryatin min liqaihi wajaʿalnahu hudan libanee israeela

    Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka1, ee ha ka shakiyin la kulankiisa2, Waxaana uga yeelnay (Tawraadda) hanuun reer Israa’iil.

    Sharaxa hoose
    [1] Towraadda ee lagu soo dejiyey Nabi Muuse c.s., Qur’aankana waxaa lagu soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w., waana u hanuun dhammaan ummadaha. [2] La kulankii Nabi Muxammad s.c.w. uu la kulmay Nabi Muuse c.s. habeenkii Micraajka.
  24. وَجَعَلْنَا مِنْهُمْ أَئِمَّةً يَهْدُونَ بِأَمْرِنَا لَمَّا صَبَرُوا۟ ۖ وَكَانُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا يُوقِنُونَ۝٢٤

    Wajaʿalna minhum aimmatan yahdoona biamrina lamma sabaroo wakanoo biayatina yooqinoona

    Waxaanu ka yeellay qaar ka mid ah (ilmahii Israa’iil) hoggaamiyaal wax ku hanuuniya Amarkayaga, markay samreen1, waxayna ahaayeen kuwo yaqiinsan Aayadahayaga.

    Sharaxa hoose
    [1] Markay ku samreen oogidda Xaqa iyo ku dhaqanki.
  25. إِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَفْصِلُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ فِيمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ۝٢٥

    Inna rabbaka huwa yafsilu baynahum yawma alqiyamati feema kanoo feehi yakhtalifoona

    Hubaal, Rabbigaa baa kala xukumi (mu'miniinta iyo gaalada) dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanayeen.

  26. أَوَلَمْ يَهْدِ لَهُمْ كَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَبْلِهِم مِّنَ ٱلْقُرُونِ يَمْشُونَ فِى مَسَـٰكِنِهِمْ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ ۖ أَفَلَا يَسْمَعُونَ۝٢٦

    Awalam yahdi lahum kam ahlakna min qablihim mina alqurooni yamshoona fee masakinihim inna fee thalika laayatin afala yasmaʿoona

    Miyaanay u caddaan intaan hallignay hortood oo facyo ah oo ay guryahoodii maraan, hubaal arrinkaasi waxaa ku sugan calaamooyin. Ee miyaanay wax maqleyn?

  27. أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّا نَسُوقُ ٱلْمَآءَ إِلَى ٱلْأَرْضِ ٱلْجُرُزِ فَنُخْرِجُ بِهِۦ زَرْعًا تَأْكُلُ مِنْهُ أَنْعَـٰمُهُمْ وَأَنفُسُهُمْ ۖ أَفَلَا يُبْصِرُونَ۝٢٧

    Awalam yaraw anna nasooqu almaa ila alardi aljuruzi fanukhriju bihi zarʿan takulu minhu anʿamuhum waanfusuhum afala yubsiroona

    Miyaanay arkayn inaanu u soo kaxeyno biyaha dhul abaar ah aan dhir laheyn, oo aan ka soo saarno sarac ay wax ka cunaan xoolahooda iyo nafahoodaba? Ee miyaanay wax arkeyn?

  28. وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَـٰذَا ٱلْفَتْحُ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ۝٢٨

    Wayaqooloona mata hatha alfathu in kuntum sadiqeena

    Waxay odhan: Waa goorma kala xukunku haddaad run sheegaysaan?

  29. قُلْ يَوْمَ ٱلْفَتْحِ لَا يَنفَعُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِيمَـٰنُهُمْ وَلَا هُمْ يُنظَرُونَ۝٢٩

    Qul yawma alfathi la yanfaʿu allatheena kafaroo eemanuhum wala hum yuntharoona

    Dheh: Maalinta kala xukunku1 ma anfaco gaalada iimaankoodu (markaas), lamana siiyo fursad (tawbad keen).

    Sharaxa hoose
    [1] Maalinta kala baxa waa maalinta loo kala garsoori doono dadka oo dhan, waxaana loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha.
  30. فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ وَٱنتَظِرْ إِنَّهُم مُّنتَظِرُونَ۝٣٠

    Faaʿrid ʿanhum waintathir innahum muntathiroona

    Ee isaga jeeso oo sug1, iyaguna (gaalada) waxay sugayaan (waxaad ku dambeysaan).

    Sharaxa hoose
    [1] Nabi Muxmmad s.c.w. iyo mu’miniinta waxaa la amray inay ka sugaan guul xagga Alle iyo halaagga gaalada dulmiga badan gooray ahaataba.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda As-Sajda?

Macnaha As-Sajda waa “Sujuudda”.

Suuradda As-Sajda juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda As-Sajda waxay ku jirtaa juz’ 21.

Suuradda As-Sajda immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda As-Sajda waxay leedahay 30 aayadood.

Suuradda As-Sajda ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda As-Sajda waa suurad Makki ah.

Suuradda As-Sajda waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 32aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.