سورة الانسان
Suuradda Al-Insaan oo af Soomaali ah
Aadmiga
- 76
- 31 aayadood
- Madani
- Juz’ 29
- Bogagga 578–580
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Insaan (الانسان) waa suuradda 76aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 31 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Aadmiga”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 29.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Insaan oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Insaan oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
هَلْ أَتَىٰ عَلَى ٱلْإِنسَـٰنِ حِينٌ مِّنَ ٱلدَّهْرِ لَمْ يَكُن شَيْـًٔا مَّذْكُورًا١
Hal ata ʿala alinsani heenun mina alddahri lam yakun shayan mathkooran
Waxaa Aadmiga soo maray waqti wax la sheego uusan aheyn (uusan jirinba).
-
إِنَّا خَلَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ مِن نُّطْفَةٍ أَمْشَاجٍ نَّبْتَلِيهِ فَجَعَلْنَـٰهُ سَمِيعًۢا بَصِيرًا٢
Inna khalaqna alinsana min nutfatin amshajin nabtaleehi fajaʿalnahu sameeʿan baseeran
Waxaanu xaqiiq ka abuurnay Aadmiga dhibic mani ah isku dhafanta1, si aynu u imtixaanno, markaas waxaan ka yeellay mid wax maqla, wax arka.
Sharaxa hoose
[1] Isku dhaf biyaha ninka iyo haweenta ee gala riximka haweenta. -
إِنَّا هَدَيْنَـٰهُ ٱلسَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرًا وَإِمَّا كَفُورًا٣
Inna hadaynahu alssabeela imma shakiran waimma kafooran
Waxaanu xaqiiq tusnay jidka ama waa mid mahad naqa ama mid abaal dhac badan (gaal ah).
-
إِنَّآ أَعْتَدْنَا لِلْكَـٰفِرِينَ سَلَـٰسِلَا۟ وَأَغْلَـٰلًا وَسَعِيرًا٤
Inna aʿtadna lilkafireena salasila waaghlalan wasaʿeeran
Waxaanu xaqiiq u diyaarinnay gaalada silsilado, heegayaal, iyo dab huraya.
-
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ يَشْرَبُونَ مِن كَأْسٍ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا٥
Inna alabrara yashraboona min kasin kana mizajuha kafooran
Hubaal, kuwa baarriyiinta ah waxay ka cabbi galaas (khamro saafi ah) oo lagu dheehay Kaafuur.
-
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا عِبَادُ ٱللَّهِ يُفَجِّرُونَهَا تَفْجِيرًا٦
ʿAynan yashrabu biha ʿibadu Allahi yufajjiroonaha tafjeeran
Il ay ka cabbi addoomaha Alle oo ay u burqin sida iyo halkay doonaan burqin.
-
يُوفُونَ بِٱلنَّذْرِ وَيَخَافُونَ يَوْمًا كَانَ شَرُّهُۥ مُسْتَطِيرًا٧
Yoofoona bialnnathri wayakhafoona yawman kana sharruhu mustateeran
Waa kuwa oofiya nidarradooda, ka cabsadana Maalin sharkeedu fidi (Maalinta Qayaamaha).
-
وَيُطْعِمُونَ ٱلطَّعَامَ عَلَىٰ حُبِّهِۦ مِسْكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا٨
Wayutʿimona alttaʿama ʿala hubbihi miskeenan wayateeman waaseeran
Waxay siiyaan cunno iyagoo jecel miskiinka, agoonka iyo maxbuuska.
-
إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ ٱللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمْ جَزَآءً وَلَا شُكُورًا٩
Innama nutʿimukum liwajhi Allahi la nureedu minkum jazaan wala shukooran
(iyagoo laabta ka leh) Waxaan uun idiin siin raashinka Wejiga Alle Darti idinkama rabno abaal gud iyo mahadnaq midna.
-
إِنَّا نَخَافُ مِن رَّبِّنَا يَوْمًا عَبُوسًا قَمْطَرِيرًا١٠
Inna nakhafu min rabbina yawman ʿaboosan qamtareeran
Xaqiiq, waxaanu ka cabsan Rabbigayo Maalin (wajigu) doorsoomi, murugo badan.
-
فَوَقَىٰهُمُ ٱللَّهُ شَرَّ ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمِ وَلَقَّىٰهُمْ نَضْرَةً وَسُرُورًا١١
Fawaqahumu Allahu sharra thalika alyawmi walaqqahum nadratan wasurooran
Sidaa awgeed Alle wuxuu ka samata bixin sharka Maalinkaas, oo siin nuur iyo farxad.
-
وَجَزَىٰهُم بِمَا صَبَرُوا۟ جَنَّةً وَحَرِيرًا١٢
Wajazahum bima sabaroo jannatan wahareeran
Oo ku abaal marin sabarkooda dartiis Janno iyo xariir.
-
مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ ۖ لَا يَرَوْنَ فِيهَا شَمْسًا وَلَا زَمْهَرِيرًا١٣
Muttakieena feeha ʿala alaraiki la yarawna feeha shamsan wala zamhareeran
Iyagoo ku dangiigsan sariiro korreeya korkooda, kuma arkayaan (Jannada) gudaheeda kuleyl qorrax iyo dhaxan midna.
-
وَدَانِيَةً عَلَيْهِمْ ظِلَـٰلُهَا وَذُلِّلَتْ قُطُوفُهَا تَذْلِيلًا١٤
Wadaniyatan ʿalayhim thilaluha wathullilat qutoofuha tathleelan
Waxaa u dhow (geedaha Jannada) Hoosaskooda, waana loo soo raaricin midhaheeda raaricin.
-
وَيُطَافُ عَلَيْهِم بِـَٔانِيَةٍ مِّن فِضَّةٍ وَأَكْوَابٍ كَانَتْ قَوَارِيرَا۠١٥
Wayutafu ʿalayhim bianiyatin min fiddatin waakwabin kanat qawareera
Waxaa lagula dhex wareegi weelal qalin ah iyo koobab quraarado ah.
-
قَوَارِيرَا۟ مِن فِضَّةٍ قَدَّرُوهَا تَقْدِيرًا١٦
Qawareera min fiddatin qaddarooha taqdeeran
Quraarado fiddo (qalin) ah si fiicanna u qiyaasan.
-
وَيُسْقَوْنَ فِيهَا كَأْسًا كَانَ مِزَاجُهَا زَنجَبِيلًا١٧
Wayusqawna feeha kasan kana mizajuha zanjabeelan
Waxaa laga waraabin galaas (khamro saafi ah) lagu dheehay Sanjabiil,
-
عَيْنًا فِيهَا تُسَمَّىٰ سَلْسَبِيلًا١٨
ʿAynan feeha tusamma salsabeelan
Il 'Jannada' gudaheeda ah, la yidhaahdo Salsabiil.
-
۞ وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَٰنٌ مُّخَلَّدُونَ إِذَا رَأَيْتَهُمْ حَسِبْتَهُمْ لُؤْلُؤًا مَّنثُورًا١٩
Wayatoofu ʿalayhim wildanun mukhalladoona itha raaytahum hasibtahum luluan manthooran
Waxaa u adeegi wiilal da’ yar aan gaboobin oo waari markaad aragto aad moodi sida luul la firdhiyey.
-
وَإِذَا رَأَيْتَ ثَمَّ رَأَيْتَ نَعِيمًا وَمُلْكًا كَبِيرًا٢٠
Waitha raayta thamma raayta naʿeeman wamulkan kabeeran
Haddaad aragto halkaas (Jannada), waxaad arki barwaaqo iyo boqortooyo weyn.
-
عَـٰلِيَهُمْ ثِيَابُ سُندُسٍ خُضْرٌ وَإِسْتَبْرَقٌ ۖ وَحُلُّوٓا۟ أَسَاوِرَ مِن فِضَّةٍ وَسَقَىٰهُمْ رَبُّهُمْ شَرَابًا طَهُورًا٢١
ʿaliyahum thiyabu sundusin khudrun waistabraqun wahulloo asawira min fiddatin wasaqahum rabbuhum sharaban tahooran
Dharkoodu (ehlu Jannaha) waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adagba. Waxaana lagu qurxin jin-jimo qalin ah, wuxuu Rabbigood ka waraabin sharaab daahir ah.
-
إِنَّ هَـٰذَا كَانَ لَكُمْ جَزَآءً وَكَانَ سَعْيُكُم مَّشْكُورًا٢٢
Inna hatha kana lakum jazaan wakana saʿyukum mashkooran
Hubaal kani waa abaalgud aad leedihiin, dadaalkiinniina waa la idiin gudi oo ajar weyn la idinka siin.
-
إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا عَلَيْكَ ٱلْقُرْءَانَ تَنزِيلًا٢٣
Inna nahnu nazzalna ʿalayka alqurana tanzeelan
Xaqiiq, Annagaa kugu soo dejinnay Qur’aanka (Muxammadow) si qayb qayb ah (Suurado iyo Aayado) soo dejin dhan.
-
فَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تُطِعْ مِنْهُمْ ءَاثِمًا أَوْ كَفُورًا٢٤
Faisbir lihukmi rabbika wala tutiʿ minhum athiman aw kafooran
Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, hana adeecin denbiile iyo abaal darne midna.
-
وَٱذْكُرِ ٱسْمَ رَبِّكَ بُكْرَةً وَأَصِيلًا٢٥
Waothkuri isma rabbika bukratan waaseelan
Xus Magaca Rabbigaa subax iyo galabba.
-
وَمِنَ ٱلَّيْلِ فَٱسْجُدْ لَهُۥ وَسَبِّحْهُ لَيْلًا طَوِيلًا٢٦
Wamina allayli faosjud lahu wasabbihhu laylan taweelan
Habeenka qaarkina u sujuud, oo ammaan (hufna) in dheer oo habeenka ah.
-
إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ يُحِبُّونَ ٱلْعَاجِلَةَ وَيَذَرُونَ وَرَآءَهُمْ يَوْمًا ثَقِيلًا٢٧
Inna haolai yuhibboona alʿajilata wayatharoona waraahum yawman thaqeelan
Xaqiiq, kuwaasi (gaalada ah) waxay jecel yihiin noloshatan adduunka, waxayna mariyaan gadaashooda (oo dan u gelin) Maalin culus (Qiyaamada).
-
نَّحْنُ خَلَقْنَـٰهُمْ وَشَدَدْنَآ أَسْرَهُمْ ۖ وَإِذَا شِئْنَا بَدَّلْنَآ أَمْثَـٰلَهُمْ تَبْدِيلًا٢٨
Nahnu khalaqnahum washadadna asrahum waitha shina baddalna amthalahum tabdeelan
Annagaa abuurnay oo adkaynay seedahooda, haddaan doonnona Waxaan ku beddeli karnaa kuwo kale oo la mid ah beddelid dhan.
-
إِنَّ هَـٰذِهِۦ تَذْكِرَةٌ ۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا٢٩
Inna hathihi tathkiratun faman shaa ittakhatha ila rabbihi sabeelan
Suuraddani xaqiiq waa waano, ee qofkii doonaa, ha u samaysto jid xagga Rabbigi.
-
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا٣٠
Wama tashaoona illa an yashaa Allahu inna Allaha kana ʿaleeman hakeeman
Waxna ma dooni kartaan in Alle doono mooyee. Hubaal, Alle waa wax walba Oge, Xikmad Badan.
-
يُدْخِلُ مَن يَشَآءُ فِى رَحْمَتِهِۦ ۚ وَٱلظَّـٰلِمِينَ أَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا أَلِيمًۢا٣١
Yudkhilu man yashao fee rahmatihi waalththalimeena aʿadda lahum ʿathaban aleeman
Wuxuu geliyaa qofkuu doono Naxariistiisa, daalimiintana (mushrikiinta, gaalada, denbiilayaasha) wuxuu u diyaariyey cadaab xanuun badan.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Insaan?
Macnaha Al-Insaan waa “Aadmiga”.
Suuradda Al-Insaan juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Insaan waxay ku jirtaa juz’ 29.
Suuradda Al-Insaan immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Insaan waxay leedahay 31 aayadood.
Suuradda Al-Insaan ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Insaan waa suurad Madani ah.
Suuradda Al-Insaan waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 76aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.