سورة المدثر
Suuradda Al-Muddaththir oo af Soomaali ah
Kan huwanaya
- 74
- 56 aayadood
- Makki
- Juz’ 29
- Bogagga 575–577
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Muddaththir (المدثر) waa suuradda 74aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 56 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Kan huwanaya”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 29.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Muddaththir oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Muddaththir oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمُدَّثِّرُ١
Ya ayyuha almuddaththiru
Kani ku dedanow dharka!
-
قُمْ فَأَنذِرْ٢
Qum faanthir
Kac oo dig,
-
وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ٣
Warabbaka fakabbir
Rabbigaa weynee.
-
وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ٤
Wathiyabaka fatahhir
Maryahaagana daahiri.
-
وَٱلرُّجْزَ فَٱهْجُرْ٥
Waalrrujza faohjur
Fadaradana (sanamada iyo najaasooyinka) ka fogow.
-
وَلَا تَمْنُن تَسْتَكْثِرُ٦
Wala tamnun tastakthiru
Waxna ha u bixin si aad u hesho wax ka badan.
-
وَلِرَبِّكَ فَٱصْبِرْ٧
Walirabbika faisbir
Rabbigaana dartiis u samir.
-
فَإِذَا نُقِرَ فِى ٱلنَّاقُورِ٨
Faitha nuqira fee alnnaqoori
Marka Buunka (Qiyaame) la afuufo;
-
فَذَٰلِكَ يَوْمَئِذٍ يَوْمٌ عَسِيرٌ٩
Fathalika yawmaithin yawmun ʿaseerun
Maalintaasi waa maalin aad u Daran.
-
عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ غَيْرُ يَسِيرٍ١٠
ʿAla alkafireena ghayru yaseerin
Gaalada aan u fududeyn.
-
ذَرْنِى وَمَنْ خَلَقْتُ وَحِيدًا١١
Tharnee waman khalaqtu waheedan
Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isagoo keli ah (qaawan).
-
وَجَعَلْتُ لَهُۥ مَالًا مَّمْدُودًا١٢
Wajaʿaltu lahu malan mamdoodan
Oo aan siiyey hanti ballaadhan.
-
وَبَنِينَ شُهُودًا١٣
Wabaneena shuhoodan
Iyo wiilal ag jooga oo garabkiis ah.
-
وَمَهَّدتُّ لَهُۥ تَمْهِيدًا١٤
Wamahhadtu lahu tamheedan
(Oo aan u waasiciyey risiqa), una goglay wax walba hortiisa goglid.
-
ثُمَّ يَطْمَعُ أَنْ أَزِيدَ١٥
Thumma yatmaʿu an azeeda
Haddana damci inaan u ziyaadiyo;
-
كَلَّآ ۖ إِنَّهُۥ كَانَ لِـَٔايَـٰتِنَا عَنِيدًا١٦
Kalla innahu kana liayatina ʿaneedan
Mayee, kaasi wuxuu diiday Aayadahayaga.
-
سَأُرْهِقُهُۥ صَعُودًا١٧
Saorhiquhu saʿoodan
Waxaan ku kallifi inuu kor u fuulo cadaab silic iyo saxariir badan.
-
إِنَّهُۥ فَكَّرَ وَقَدَّرَ١٨
Innahu fakkara waqaddara
(Gaalkaasu) wuu fekaray, wax buuna goostay;
-
فَقُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ١٩
Faqutila kayfa qaddara
Nacaladi ha ku dhacdee! Siduu wax u qorsheeyey.
-
ثُمَّ قُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ٢٠
Thumma qutila kayfa qaddara
Misna, nacladi ha ku dhacdee, siduu wax u qorsheeyey.
-
ثُمَّ نَظَرَ٢١
Thumma nathara
Kaddib wuu eegay;
-
ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ٢٢
Thumma ʿabasa wabasara
Markaasuu wejiga kaduuday oo soo uruuriyey.
-
ثُمَّ أَدْبَرَ وَٱسْتَكْبَرَ٢٣
Thumma adbara waistakbara
Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay;
-
فَقَالَ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ يُؤْثَرُ٢٤
Faqala in hatha illa sihrun yutharu
Wuxuu yidhi: Kani (Qur'aanka) wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale.
-
إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا قَوْلُ ٱلْبَشَرِ٢٥
In hatha illa qawlu albashari
Kanu (Qur'aanku) ma aha waxaan aheyn hadal Aadmi.
-
سَأُصْلِيهِ سَقَرَ٢٦
Saosleehi saqara
Waxaan galin kaasi Saqaro (Naar).
-
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سَقَرُ٢٧
Wama adraka ma saqaru
Maxaad ka og tahay waxay Saqaro tahay?
-
لَا تُبْقِى وَلَا تَذَرُ٢٨
La tubqee wala tatharu
Ma reebto (hilib iyo laf midna) waxnana kama tagto.
-
لَوَّاحَةٌ لِّلْبَشَرِ٢٩
Lawwahatun lilbashari
Waxay doorisaa jirka oo gubtaa.
-
عَلَيْهَا تِسْعَةَ عَشَرَ٣٠
ʿAlayha tisʿata ʿashara
Waxaa kor jooga sagaal iyo toban (malag oo adadag).
-
وَمَا جَعَلْنَآ أَصْحَـٰبَ ٱلنَّارِ إِلَّا مَلَـٰٓئِكَةً ۙ وَمَا جَعَلْنَا عِدَّتَهُمْ إِلَّا فِتْنَةً لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِيَسْتَيْقِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ وَيَزْدَادَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِيمَـٰنًا ۙ وَلَا يَرْتَابَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْمُؤْمِنُونَ ۙ وَلِيَقُولَ ٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَٱلْكَـٰفِرُونَ مَاذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِهَـٰذَا مَثَلًا ۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ ۚ وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ ۚ وَمَا هِىَ إِلَّا ذِكْرَىٰ لِلْبَشَرِ٣١
Wama jaʿalna ashaba alnnari illa malaikatan wama jaʿalna ʿiddatahum illa fitnatan lillatheena kafaroo liyastayqina allatheena ootoo alkitaba wayazdada allatheena amanoo eemanan wala yartaba allatheena ootoo alkitaba waalmuminoona waliyaqoola allatheena fee quloobihim maradun waalkafiroona matha arada Allahu bihatha mathalan kathalika yudillu Allahu man yashao wayahdee man yashao wama yaʿlamu junooda rabbika illa huwa wama hiya illa thikra lilbashari
Kama aanu yeelin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, umana aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada - si ay ehlu Kitaabku u yaqiinsadaan (Xaq ahaanta Islaamka), mu’miniintuna u kororsadaan Iimaan - oo aanay kuwaa ehlu Kitaabka ah iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada (mushrikiinta ah) u yidhaahdaan: Muxuu Alle ugala jeedaa tusaalahan? Sidaasuu Alle u lumiyaa qofkuu doono, oo u hanuuniyaa qofkuu doono. Ma jiro wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee. Waxan la soo sheegayna ma aha waxaan aheyn waano ku socota dadka.
-
كَلَّا وَٱلْقَمَرِ٣٢
Kalla waalqamari
Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa,
-
وَٱلَّيْلِ إِذْ أَدْبَرَ٣٣
Waallayli ith adbara
Iyo habeenka markuu tago.
-
وَٱلصُّبْحِ إِذَآ أَسْفَرَ٣٤
Waalssubhi itha asfara
Iyo waagu markuu caddaado.
-
إِنَّهَا لَإِحْدَى ٱلْكُبَرِ٣٥
Innaha laihda alkubari
Hubaal iyadu (Naartu) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn.
-
نَذِيرًا لِّلْبَشَرِ٣٦
Natheeran lilbashari
Digniin u ah dadka.
-
لِمَن شَآءَ مِنكُمْ أَن يَتَقَدَّمَ أَوْ يَتَأَخَّرَ٣٧
Liman shaa minkum an yataqaddama aw yataakhkhara
Qofkii doona inuu ku hormaro (camallo san) ama dib ugu haro (xume fal),
-
كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ رَهِينَةٌ٣٨
Kullu nafsin bima kasabat raheenatun
Naf walbaa waxaa loogu heystaa curaar waxay kasbato.
-
إِلَّآ أَصْحَـٰبَ ٱلْيَمِينِ٣٩
Illa ashaba alyameeni
Qolada midigta maahee.
-
فِى جَنَّـٰتٍ يَتَسَآءَلُونَ٤٠
Fee jannatin yatasaaloona
Jannooyin gudahood waxay iska wareysan,
-
عَنِ ٱلْمُجْرِمِينَ٤١
ʿAni almujrimeena
Xaalka denbiilayaasha:
-
مَا سَلَكَكُمْ فِى سَقَرَ٤٢
Ma salakakum fee saqara
Maxaa idin keenay Naarta Saqaro?
-
قَالُوا۟ لَمْ نَكُ مِنَ ٱلْمُصَلِّينَ٤٣
Qaloo lam naku mina almusalleena
Waxay odhan: Kama aynu mid aheyn kuwa tukada.
-
وَلَمْ نَكُ نُطْعِمُ ٱلْمِسْكِينَ٤٤
Walam naku nutʿimu almiskeena
Mana aannaan aheyn kuwo quudiya miskiinka;
-
وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ ٱلْخَآئِضِينَ٤٥
Wakunna nakhoodu maʿa alkhaideena
Waxaanu ahayn kuwo la dhumbada waxyaalo been ahoo aan jirin iyo xumaan kuwa dhumbada.
-
وَكُنَّا نُكَذِّبُ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ٤٦
Wakunna nukaththibu biyawmi alddeeni
Waxaanu ahayn kuwa beeniya Maalinta abaal marinta (jaazeynta).
-
حَتَّىٰٓ أَتَىٰنَا ٱلْيَقِينُ٤٧
Hatta atana alyaqeenu
Jeer ay noo timid yaqiinta la hubo (geeridu).
-
فَمَا تَنفَعُهُمْ شَفَـٰعَةُ ٱلشَّـٰفِعِينَ٤٨
Fama tanfaʿuhum shafaʿatu alshshafiʿeena
Marka waxba u tarimeyso shafeecada kuwa shafeeca.
-
فَمَا لَهُمْ عَنِ ٱلتَّذْكِرَةِ مُعْرِضِينَ٤٩
Fama lahum ʿani alttathkirati muʿrideena
Ee maxaa heysta iyaga oo ay uga jeestaan (qaadashada) waanada?
-
كَأَنَّهُمْ حُمُرٌ مُّسْتَنفِرَةٌ٥٠
Kaannahum humurun mustanfiratun
Sida inay yihiin dameero duur joog ah oo didsan.
-
فَرَّتْ مِن قَسْوَرَةٍۭ٥١
Farrat min qaswaratin
Ee ka soo cararay libaax?
-
بَلْ يُرِيدُ كُلُّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُؤْتَىٰ صُحُفًا مُّنَشَّرَةً٥٢
Bal yureedu kullu imriin minhum an yuta suhufan munashsharatan
Mayee, qof walba oo ka mid ahi wuxuu rabaa in la siiyo kitaab faahfaahsan (oo xag Alle ah).
-
كَلَّا ۖ بَل لَّا يَخَافُونَ ٱلْـَٔاخِرَةَ٥٣
Kalla bal la yakhafoona alakhirata
Mayee! balse, kama cabsadaan Aakhirada (Ciqaabka Alle).
-
كَلَّآ إِنَّهُۥ تَذْكِرَةٌ٥٤
Kalla innahu tathkiratun
Mayee, hubaal kani (Qur’aanka) waa waano.
-
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ٥٥
Faman shaa thakarahu
Ee qofkii rabaa ha ku waano qaato.
-
وَمَا يَذْكُرُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ ۚ هُوَ أَهْلُ ٱلتَّقْوَىٰ وَأَهْلُ ٱلْمَغْفِرَةِ٥٦
Wama yathkuroona illa an yashaa Allahu huwa ahlu alttaqwa waahlu almaghfirati
Ma waantoobayaanse in Alle doono maahee; waa Isaga Kan mudan inay aadmigu ka cabsadaan, oo mudan inuu Denbi Dhaafo.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Muddaththir?
Macnaha Al-Muddaththir waa “Kan huwanaya”.
Suuradda Al-Muddaththir juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Muddaththir waxay ku jirtaa juz’ 29.
Suuradda Al-Muddaththir immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Muddaththir waxay leedahay 56 aayadood.
Suuradda Al-Muddaththir ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Muddaththir waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Muddaththir waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 74aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.