سورة المزمل

Suuradda Al-Muzzammil oo af Soomaali ah

Kan isku duubay

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Muzzammil (المزمل) waa suuradda 73aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 20 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Kan isku duubay”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 29.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Muzzammil oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Muzzammil oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمُزَّمِّلُ۝١

    Ya ayyuha almuzzammilu

    Kani isku duuduubayow maryaha1.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabiga s.c.w. waxaa la amray halkii hurda macaansiga inuu xilkaa weyn qaado oo u kaco cibaado iyo Alle bari iyo inuu dadka amro (towxiidka) iyo camalka san oo kaga digo shirkiga iyo xuma falka.
  2. قُمِ ٱلَّيْلَ إِلَّا قَلِيلًا۝٢

    Qumi allayla illa qaleelan

    U kac (salaad) habeenka in yar maahee.

  3. نِّصْفَهُۥٓ أَوِ ٱنقُصْ مِنْهُ قَلِيلًا۝٣

    Nisfahu awi onqus minhu qaleelan

    Barkiis ama ka nusqaami in yar.

  4. أَوْ زِدْ عَلَيْهِ وَرَتِّلِ ٱلْقُرْءَانَ تَرْتِيلًا۝٤

    Aw zid ʿalayhi warattili alqurana tarteelan

    Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka si wanaagsan oo habboon.

  5. إِنَّا سَنُلْقِى عَلَيْكَ قَوْلًا ثَقِيلًا۝٥

    Inna sanulqee ʿalayka qawlan thaqeelan

    Waxaanu kugu soo dejin Hadal culus1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa Waxyiga iyo xeerarka sharciga, oo ku soo degayey Nabiga s.c.w. ee ah xil culus.
  6. إِنَّ نَاشِئَةَ ٱلَّيْلِ هِىَ أَشَدُّ وَطْـًٔا وَأَقْوَمُ قِيلًا۝٦

    Inna nashiata allayli hiya ashaddu watan waaqwamu qeelan

    Xaqiiq, habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan aadna u toosan odhaah ahaan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Tafsiir kale oo aqbal ah ee isla ereyadaa waa: Hubaal kicitaanka habeenka baa sii adag.
  7. إِنَّ لَكَ فِى ٱلنَّهَارِ سَبْحًا طَوِيلًا۝٧

    Inna laka fee alnnahari sabhan taweelan

    Waxaad xaqiiq leedahay inta maalinta ah howl dheer.

  8. وَٱذْكُرِ ٱسْمَ رَبِّكَ وَتَبَتَّلْ إِلَيْهِ تَبْتِيلًا۝٨

    Waothkuri isma rabbika watabattal ilayhi tabteelan

    Ee xus Magaca Rabbigaa, oo u ahow daacad si dhan Isagoo Keliyana u go'.

  9. رَّبُّ ٱلْمَشْرِقِ وَٱلْمَغْرِبِ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱتَّخِذْهُ وَكِيلًا۝٩

    Rabbu almashriqi waalmaghribi la ilaha illa huwa faittakhithhu wakeelan

    Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil (maamula arrimahaaga oo dhan).

  10. وَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱهْجُرْهُمْ هَجْرًا جَمِيلًا۝١٠

    Waisbir ʿala ma yaqooloona waohjurhum hajran jameelan

    U samir waxay (gaaladu) yidhaahdaan, oo uga dheerow si qurxoon.

  11. وَذَرْنِى وَٱلْمُكَذِّبِينَ أُو۟لِى ٱلنَّعْمَةِ وَمَهِّلْهُمْ قَلِيلًا۝١١

    Watharnee waalmukaththibeena olee alnnaʿmati wamahhilhum qaleelan

    Isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga) ee nicmeysan, una sug in xoogaa ah.

  12. إِنَّ لَدَيْنَآ أَنكَالًا وَجَحِيمًا۝١٢

    Inna ladayna ankalan wajaheeman

    Xaqiiq waxaa agtannada ah jeebbado iyo dab ololaya.

  13. وَطَعَامًا ذَا غُصَّةٍ وَعَذَابًا أَلِيمًا۝١٣

    Wataʿaman tha ghussatin waʿathaban aleeman

    Iyo cunno lagu margado, iyo cadaab xanuun badan.

  14. يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلْأَرْضُ وَٱلْجِبَالُ وَكَانَتِ ٱلْجِبَالُ كَثِيبًا مَّهِيلًا۝١٤

    Yawma tarjufu alardu waaljibalu wakanati aljibalu katheeban maheelan

    (Waxay ku dhici arrintaasi) Maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, buuruhuna ahaan (sida) bacaad la shubay.

  15. إِنَّآ أَرْسَلْنَآ إِلَيْكُمْ رَسُولًا شَـٰهِدًا عَلَيْكُمْ كَمَآ أَرْسَلْنَآ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ رَسُولًا۝١٥

    Inna arsalna ilaykum rasoolan shahidan ʿalaykum kama arsalna ila firʿawna rasoolan

    Waxaanu xaqiiq idiin soo dirnay Rasuul markhaati idinku ah, sidaan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon.

  16. فَعَصَىٰ فِرْعَوْنُ ٱلرَّسُولَ فَأَخَذْنَـٰهُ أَخْذًا وَبِيلًا۝١٦

    Faʿasa firʿawnu alrrasoola faakhathnahu akhthan wabeelan

    Fircoon se wuu caasiyey Rasuulka, markaasaan qabannay qabasho daran.

  17. فَكَيْفَ تَتَّقُونَ إِن كَفَرْتُمْ يَوْمًا يَجْعَلُ ٱلْوِلْدَٰنَ شِيبًا۝١٧

    Fakayfa tattaqoona in kafartum yawman yajʿalu alwildana sheeban

    Ee sidee baad isaga celin (cadaabka), haddaad gaalowdaan Maalin ka dhigi carruurta cirroole.

  18. ٱلسَّمَآءُ مُنفَطِرٌۢ بِهِۦ ۚ كَانَ وَعْدُهُۥ مَفْعُولًا۝١٨

    Alssamao munfatirun bihi kana waʿduhu mafʿoolan

    Samada arrinkaa darti la dildillaaci. Yabooha (Alle) waa mid abad fula.

  19. إِنَّ هَـٰذِهِۦ تَذْكِرَةٌ ۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا۝١٩

    Inna hathihi tathkiratun faman shaa ittakhatha ila rabbihi sabeelan

    Hubaal tani wa waano, ee qofkii doonaa ha u samaysto xagga Rabbigi jid.

  20. ۞ إِنَّ رَبَّكَ يَعْلَمُ أَنَّكَ تَقُومُ أَدْنَىٰ مِن ثُلُثَىِ ٱلَّيْلِ وَنِصْفَهُۥ وَثُلُثَهُۥ وَطَآئِفَةٌ مِّنَ ٱلَّذِينَ مَعَكَ ۚ وَٱللَّهُ يُقَدِّرُ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ ۚ عَلِمَ أَن لَّن تُحْصُوهُ فَتَابَ عَلَيْكُمْ ۖ فَٱقْرَءُوا۟ مَا تَيَسَّرَ مِنَ ٱلْقُرْءَانِ ۚ عَلِمَ أَن سَيَكُونُ مِنكُم مَّرْضَىٰ ۙ وَءَاخَرُونَ يَضْرِبُونَ فِى ٱلْأَرْضِ يَبْتَغُونَ مِن فَضْلِ ٱللَّهِ ۙ وَءَاخَرُونَ يُقَـٰتِلُونَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ۖ فَٱقْرَءُوا۟ مَا تَيَسَّرَ مِنْهُ ۚ وَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُوا۟ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَقْرِضُوا۟ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا ۚ وَمَا تُقَدِّمُوا۟ لِأَنفُسِكُم مِّنْ خَيْرٍ تَجِدُوهُ عِندَ ٱللَّهِ هُوَ خَيْرًا وَأَعْظَمَ أَجْرًا ۚ وَٱسْتَغْفِرُوا۟ ٱللَّهَ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌۢ۝٢٠

    Inna rabbaka yaʿlamu annaka taqoomu adna min thuluthayi allayli wanisfahu wathuluthahu wataifatun mina allatheena maʿaka waAllahu yuqaddiru allayla waalnnahara ʿalima an lan tuhsoohu fataba ʿalaykum faiqraoo ma tayassara mina alqurani ʿalima an sayakoonu minkum marda waakharoona yadriboona fee alardi yabtaghoona min fadli Allahi waakharoona yuqatiloona fee sabeeli Allahi faiqraoo ma tayassara minhu waaqeemoo alssalata waatoo alzzakata waaqridoo Allaha qardan hasanan wama tuqaddimoo lianfusikum min khayrin tajidoohu ʿinda Allahi huwa khayran waaʿthama ajran waistaghfiroo Allaha inna Allaha ghafoorun raheemun

    Xaqiiq, Rabbigaa waa og yahay inaad u istaagto (salaad) ku dhowaad saddex meeloodoo labo meelood habeenka, (mararka qaarna) kala barkiis, (marmarna) saddex meeloodoo meel, iyo in koox ka mid ah kuwaa kula jira. Alle waa u qaddaran yahay habeenka iyo maalintuba. Wuxuu og yahay inaydaan fali kareyn sidaas (inaad tukataan habeenka intiisa badan), sidaa awgeed wuu idinka cafiyey oo tawbad aqbalay. Ee akhriya wixii idiin fududaada oo Qur’aan ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid yihiin kuwo buka, iyo kuwo kale oo ku safra dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Alle; iyo kuwo kale oo u diriraya Jidka Alle. Ee akhriya wixii idiin fududaada (oo Qur’aan ah), oo ooga salaadda, bixiyana Zakada, amaahsada Alle Amaah wanaagsan. Waxaad u hormarsataan nafahiinna oo khayr ah waxaad ka heli Alle agtiisa; sidaasaa khayr badan oo ajar weyn. Weydiista Denbi dhaaf Alle. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Muzzammil?

Macnaha Al-Muzzammil waa “Kan isku duubay”.

Suuradda Al-Muzzammil juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Muzzammil waxay ku jirtaa juz’ 29.

Suuradda Al-Muzzammil immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Muzzammil waxay leedahay 20 aayadood.

Suuradda Al-Muzzammil ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Muzzammil waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Muzzammil waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 73aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.