سورة الجن
Suuradda Al-Jinn oo af Soomaali ah
Jinniga
- 72
- 28 aayadood
- Makki
- Juz’ 29
- Bogagga 572–573
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Jinn (الجن) waa suuradda 72aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 28 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Jinniga”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 29.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Jinn oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Jinn oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
قُلْ أُوحِىَ إِلَىَّ أَنَّهُ ٱسْتَمَعَ نَفَرٌ مِّنَ ٱلْجِنِّ فَقَالُوٓا۟ إِنَّا سَمِعْنَا قُرْءَانًا عَجَبًا١
Qul oohiya ilayya annahu istamaʿa nafarun mina aljinni faqaloo inna samiʿna quranan ʿajaban
(Nabi Muxammadow) dheh: Waxaa la ii waxyooday inay koox Jin ahi dhegaysteen (Qur’aanka). Markaasay yidhaahdeen: Waxaanu maqallay Qur'aan cajab leh.
-
يَهْدِىٓ إِلَى ٱلرُّشْدِ فَـَٔامَنَّا بِهِۦ ۖ وَلَن نُّشْرِكَ بِرَبِّنَآ أَحَدًا٢
Yahdee ila alrrushdi faamanna bihi walan nushrika birabbina ahadan
Oo wax ku hanuunin dhabbaha toosan ee abbaarta ah, markaasaan rumeynay, umana shariig yeeleyno cidna Rabbigayo.
-
وَأَنَّهُۥ تَعَـٰلَىٰ جَدُّ رَبِّنَا مَا ٱتَّخَذَ صَـٰحِبَةً وَلَا وَلَدًا٣
Waannahu taʿala jaddu rabbina ma ittakhatha sahibatan wala waladan
Waxaa sarreeya Sharafta iyo Haybadda (Alle) Rabbigeen, ma uusan yeelan xaas iyo ilmo midna1.
Sharaxa hoose
[1] Waxay qaarkood rumeysnaayeen jinku inuu Allaah leeyahay xaas iyo ilmo, laakiin kaddib markay soo Islameen waa ka hareen odhaahdaasi xun iyo caqiidadaas gurracan oo ka hufeen Alle inuu leeyahay wiil ama gabdho ama shariigyo. -
وَأَنَّهُۥ كَانَ يَقُولُ سَفِيهُنَا عَلَى ٱللَّهِ شَطَطًا٤
Waannahu kana yaqoolu safeehuna ʿala Allahi shatatan
Wuxuu ahaa kan maan gaabka ahi1 ee dhexdeenna ah mid ka sheega hadallo xadgudub ah aan habbooneyn Alle.
Sharaxa hoose
[1] Ibliis. Waxaa sidoo kale lagu fasiri karaa wadar ahaan, markaas waa in la yidhaahdo: “iyo in kuweenna maangaabka ahi ee naga mid ah”. -
وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن تَقُولَ ٱلْإِنسُ وَٱلْجِنُّ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا٥
Waanna thananna an lan taqoola alinsu waaljinnu ʿala Allahi kathiban
Waxaan u malaynaynay inaysan dadka iyo jinkaba ka been sheegin Alle.
-
وَأَنَّهُۥ كَانَ رِجَالٌ مِّنَ ٱلْإِنسِ يَعُوذُونَ بِرِجَالٍ مِّنَ ٱلْجِنِّ فَزَادُوهُمْ رَهَقًا٦
Waannahu kana rijalun mina alinsi yaʿoothoona birijalin mina aljinni fazadoohum rahaqan
Waxay rag ku jira dadka magan galayeen rag ku jira jinka, markaasay u kordhiyeen dhib iyo culeys (denbi).
-
وَأَنَّهُمْ ظَنُّوا۟ كَمَا ظَنَنتُمْ أَن لَّن يَبْعَثَ ٱللَّهُ أَحَدًا٧
Waannahum thannoo kama thanantum an lan yabʿatha Allahu ahadan
Waxay moodeen sidaad idinkuba mooddeen inuusan Alle ka soo bixineyn (iilka) qofna.
-
وَأَنَّا لَمَسْنَا ٱلسَّمَآءَ فَوَجَدْنَـٰهَا مُلِئَتْ حَرَسًا شَدِيدًا وَشُهُبًا٨
Waanna lamasna alssamaa fawajadnaha muliat harasan shadeedan washuhuban
Waxaan doonnay inaan gaarno samada, waxaanse la kulannay iyadoo laga buuxiyey ilaalooyin adag iyo danabyo.
-
وَأَنَّا كُنَّا نَقْعُدُ مِنْهَا مَقَـٰعِدَ لِلسَّمْعِ ۖ فَمَن يَسْتَمِعِ ٱلْـَٔانَ يَجِدْ لَهُۥ شِهَابًا رَّصَدًا٩
Waanna kunna naqʿudu minha maqaʿida lilssamʿi faman yastamiʿi alana yajid lahu shihaban rasadan
Waxaan ka fadhiisan jirnay rugag laga fadhiisto si aan u raaricinno maqalka, kiise (isku dayaa) inuu wax soo dhegaysto haatan wuxuu la kulmayaa danab sugaya.
-
وَأَنَّا لَا نَدْرِىٓ أَشَرٌّ أُرِيدَ بِمَن فِى ٱلْأَرْضِ أَمْ أَرَادَ بِهِمْ رَبُّهُمْ رَشَدًا١٠
Waanna la nadree asharrun oreeda biman fee alardi am arada bihim rabbuhum rashadan
Ma ogin in shar lala maagay waxa jooga dhulka korkiisa, ama in Rabbigood la doonay hanuun toosan.
-
وَأَنَّا مِنَّا ٱلصَّـٰلِحُونَ وَمِنَّا دُونَ ذَٰلِكَ ۖ كُنَّا طَرَآئِقَ قِدَدًا١١
Waanna minna alssalihoona waminna doona thalika kunna taraiqa qidadan
Waxaa naga mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo kaleba aan sidaasi ahayn, waxaanu nahay kooxo raaca dariiqooyin kala duwan.
-
وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن نُّعْجِزَ ٱللَّهَ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَن نُّعْجِزَهُۥ هَرَبًا١٢
Wanna thananna an lan nuʿjiza Allaha fee alardi walan nuʿjizahu haraban
Waxaan hubnaa inaan uga fakan karin (ciqaabka) Alle dhulka, oo ugama fakan karno (ciqaabka) carar.
-
وَأَنَّا لَمَّا سَمِعْنَا ٱلْهُدَىٰٓ ءَامَنَّا بِهِۦ ۖ فَمَن يُؤْمِنۢ بِرَبِّهِۦ فَلَا يَخَافُ بَخْسًا وَلَا رَهَقًا١٣
Waanna lamma samiʿna alhuda amanna bihi faman yumin birabbihi fala yakhafu bakhsan wala rahaqan
Markaan maqallay Hanuunkana waan rumaynay, qofkii rumeeya Rabbigi (Alle) kama baqo nuqsaan ajar ama dulmi midna.
-
وَأَنَّا مِنَّا ٱلْمُسْلِمُونَ وَمِنَّا ٱلْقَـٰسِطُونَ ۖ فَمَنْ أَسْلَمَ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ تَحَرَّوْا۟ رَشَدًا١٤
Waanna minna almuslimoona waminna alqasitoona faman aslama faolaika taharraw rashadan
Waxaa naga mid ah kuwo 'Alle u' hoggaansan (Muslimiin ah), iyo kuwo xadgudba; qofkii u hoggaansama (Alle), kuwaasi waxay raacaan hanuun toosan.
-
وَأَمَّا ٱلْقَـٰسِطُونَ فَكَانُوا۟ لِجَهَنَّمَ حَطَبًا١٥
Waama alqasitoona fakanoo lijahannama hataban
Kuwase ah xadgudbayaasha, kuwaasu waa xaabada Naarta,
-
وَأَلَّوِ ٱسْتَقَـٰمُوا۟ عَلَى ٱلطَّرِيقَةِ لَأَسْقَيْنَـٰهُم مَّآءً غَدَقًا١٦
Waallawi istaqamoo ʿala alttareeqati laasqaynahum maan ghadaqan
Hadday ku toosaan (dadku) Jidka (Islaamka) waxaan ka waraabin laheyn biyo badan (risiq wanaagsan).
-
لِّنَفْتِنَهُمْ فِيهِ ۚ وَمَن يُعْرِضْ عَن ذِكْرِ رَبِّهِۦ يَسْلُكْهُ عَذَابًا صَعَدًا١٧
Linaftinahum feehi waman yuʿrid ʿan thikri rabbihi yaslukhu ʿathaban saʿadan
Si aan ugu imtixaanno. Qofkii ka jeesada Xusidda (Alle) Rabbigi, Wuxuu galin cadaab sii kordheysa.
-
وَأَنَّ ٱلْمَسَـٰجِدَ لِلَّهِ فَلَا تَدْعُوا۟ مَعَ ٱللَّهِ أَحَدًا١٨
Waanna almasajida lillahi fala tadʿoo maʿa Allahi ahadan
Masaajidda (iyo dhulkoo dhan) waxaa leh Alle keliya, ee ha kula baryina (caabudina) Alle cid kale.
-
وَأَنَّهُۥ لَمَّا قَامَ عَبْدُ ٱللَّهِ يَدْعُوهُ كَادُوا۟ يَكُونُونَ عَلَيْهِ لِبَدًا١٩
Waannahu lamma qama ʿabdu Allahi yadʿoohu kadoo yakoonoona ʿalayhi libadan
Markuu addoonkaa Alle (Nabi Muxammad) istaagay isagoo (Alle Keliya) baryaya, waxay jinku u dhowaadeen inay is buurtaan dushiisa (si ay u dhageystaan).
-
قُلْ إِنَّمَآ أَدْعُوا۟ رَبِّى وَلَآ أُشْرِكُ بِهِۦٓ أَحَدًا٢٠
Qul innama adʿoo rabbee wala oshriku bihi ahadan
Dheh: Waxaan uun baryayaa (caabudi Allaah Keliya) Rabbigay, lana wadaajin maayo cidna cibaadada.
-
قُلْ إِنِّى لَآ أَمْلِكُ لَكُمْ ضَرًّا وَلَا رَشَدًا٢١
Qul innee la amliku lakum darran wala rashadan
Dheh: Anigu xaqiiq idiin ma hayo dhib ama dheef (habow ama hanuun) midna.
-
قُلْ إِنِّى لَن يُجِيرَنِى مِنَ ٱللَّهِ أَحَدٌ وَلَنْ أَجِدَ مِن دُونِهِۦ مُلْتَحَدًا٢٢
Qul innee lan yujeeranee mina Allahi ahadun walan ajida min doonihi multahadan
Dheh: Cidina igama celin karto (Ciqaabka) Alle (Haddaan ku caasiyo), mana helayo sokadi wax ciirsi iyo agab ah.
-
إِلَّا بَلَـٰغًا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِسَـٰلَـٰتِهِۦ ۚ وَمَن يَعْصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَإِنَّ لَهُۥ نَارَ جَهَنَّمَ خَـٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا٢٣
Illa balaghan mina Allahi warisalatihi waman yaʿsi Allaha warasoolahu fainna lahu nara jahannama khalideena feeha abadan
(Xilkeygu waa) oo keliya Gaarsiinta (Xaqa) ka yimid Alle iyo Farriimahiisa (Towxiidka). Qofkii caasiya Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal wuxuu mudan Naarta Jahannama ay ku dhex waari weligood.
-
حَتَّىٰٓ إِذَا رَأَوْا۟ مَا يُوعَدُونَ فَسَيَعْلَمُونَ مَنْ أَضْعَفُ نَاصِرًا وَأَقَلُّ عَدَدًا٢٤
Hatta itha raaw ma yooʿadoona fasayaʿlamoona man adʿafu nasiran waaqallu ʿadadan
Jeer markay arkaan waxa loogu gooddiyo, markaasay ogaan cidda gargaarahiisu tabar daran yahay oo tiro yar.
-
قُلْ إِنْ أَدْرِىٓ أَقَرِيبٌ مَّا تُوعَدُونَ أَمْ يَجْعَلُ لَهُۥ رَبِّىٓ أَمَدًا٢٥
Qul in adree aqareebun ma tooʿadoona am yajʿalu lahu rabbee amadan
Dheh: Anigu ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay, ama in Rabbigay u yeeli waqti go’an.
-
عَـٰلِمُ ٱلْغَيْبِ فَلَا يُظْهِرُ عَلَىٰ غَيْبِهِۦٓ أَحَدًا٢٦
ʿalimu alghaybi fala yuthhiru ʿala ghaybihi ahadan
Waa Ogsoonaha Ghaybka (waxaan muuqan ee qarsoon), umana bandhigo Ghaybkiisa qofna.
-
إِلَّا مَنِ ٱرْتَضَىٰ مِن رَّسُولٍ فَإِنَّهُۥ يَسْلُكُ مِنۢ بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِۦ رَصَدًا٢٧
Illa mani irtada min rasoolin fainnahu yasluku min bayni yadayhi wamin khalfihi rasadan
Mid maahee uu u doorto Rasuul ahaan, markaa wuxuu u yeelaa ilaalo socota hortiisa iyo gadaashiisaba.
-
لِّيَعْلَمَ أَن قَدْ أَبْلَغُوا۟ رِسَـٰلَـٰتِ رَبِّهِمْ وَأَحَاطَ بِمَا لَدَيْهِمْ وَأَحْصَىٰ كُلَّ شَىْءٍ عَدَدًۢا٢٨
Liyaʿlama an qad ablaghoo risalati rabbihim waahata bima ladayhim waahsa kulla shayin ʿadadan
Si uu u muujiiyo inay run ahaan gaarsiiyeen Farriimihii Rabbigood, (Allena) wuu koobay waxa agtooda ah, wayna u tira kooban yihiin wax walba.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Jinn?
Macnaha Al-Jinn waa “Jinniga”.
Suuradda Al-Jinn juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Jinn waxay ku jirtaa juz’ 29.
Suuradda Al-Jinn immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Jinn waxay leedahay 28 aayadood.
Suuradda Al-Jinn ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Jinn waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Jinn waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 72aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.