سورة المعارج

Suuradda Al-Macaarij oo af Soomaali ah

Jaranjarooyinka

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Macaarij (المعارج) waa suuradda 70aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 44 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Jaranjarooyinka”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 29.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Macaarij oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Macaarij oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. سَأَلَ سَآئِلٌۢ بِعَذَابٍ وَاقِعٍ۝١

    Saala sailun biʿathabin waqiʿin

    Mid wax dalbaya baa dalbay in cadaab ku dhacda 'gaalada loo soo dedejiyo'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Gaaladu waxay ka hor yimaadeen Nabiga s.c.w. iyagoo ka dalbay inuu ku keeno cadaab dushooda.
  2. لِّلْكَـٰفِرِينَ لَيْسَ لَهُۥ دَافِعٌ۝٢

    Lilkafireena laysa lahu dafiʿun

    (Cadaabkaasna) ma jiro wax gaalada ka celin -

  3. مِّنَ ٱللَّهِ ذِى ٱلْمَعَارِجِ۝٣

    Mina Allahi thee almaʿariji

    Ka iman xagga Alle, ee leh jidadka kor loogu fuulo (samooyinka).

  4. تَعْرُجُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيْهِ فِى يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُۥ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ۝٤

    Taʿruju almalaikatu waalrroohu ilayhi fee yawmin kana miqdaruhu khamseena alfa sanatin

    Kor u koraan Malaa’igta iyo Ruuxa (Jabriil) Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano.

  5. فَٱصْبِرْ صَبْرًا جَمِيلًا۝٥

    Faisbir sabran jameelan

    Ee samir (Nabiyow) samir wanaagsan.

  6. إِنَّهُمْ يَرَوْنَهُۥ بَعِيدًا۝٦

    Innahum yarawnahu baʿeedan

    Waxay (gaaladu) u arkaan (cadaabka Qiyaame) wax fog.

  7. وَنَرَىٰهُ قَرِيبًا۝٧

    Wanarahu qareeban

    Annaguse waxaan u aragnaa inuu dhow yahay.

  8. يَوْمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلْمُهْلِ۝٨

    Yawma takoonu alssamao kaalmuhli

    Maalintay samadu noqon sida maar shuban.

  9. وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ۝٩

    Watakoonu aljibalu kaalʿihni

    Buuruhuna noqon sida cudbi la dhilay.

  10. وَلَا يَسْـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمًا۝١٠

    Wala yasalu hameemun hameeman

    Saaxiib uusan saaxiib kale wax weydiineyn.

  11. يُبَصَّرُونَهُمْ ۚ يَوَدُّ ٱلْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِى مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍۭ بِبَنِيهِ۝١١

    Yubassaroonahum yawaddu almujrimu law yaftadee min ʿathabi yawmiithin bibaneehi

    Wayse is arkayaan, denbiilahu wuxuu jeclaan inuu isaga furto Maalintaasi (Qiyaamada) cadaabka ilmahiisa.

  12. وَصَـٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ۝١٢

    Wasahibatihi waakheehi

    Iyo xaaskiisa iyo walaalki.

  13. وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِى تُـْٔوِيهِ۝١٣

    Wafaseelatihi allatee tuweehi

    Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo,

  14. وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا ثُمَّ يُنجِيهِ۝١٤

    Waman fee alardi jameeʿan thumma yunjeehi

    Iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan markaas uu isagu badbaado.

  15. كَلَّآ ۖ إِنَّهَا لَظَىٰ۝١٥

    Kalla innaha latha

    Mayee! Hubaal waa Naar ololeysa.

  16. نَزَّاعَةً لِّلشَّوَىٰ۝١٦

    Nazzaʿatan lilshshawa

    Diiraneysa haragga Madaxa.

  17. تَدْعُوا۟ مَنْ أَدْبَرَ وَتَوَلَّىٰ۝١٧

    Tadʿoo man adbara watawalla

    U yeedhi kan jeestay ee Xaqa diiday.

  18. وَجَمَعَ فَأَوْعَىٰٓ۝١٨

    Wajamaʿa faawʿa

    Oo maal kulmiyey oo afka u xiray (wax ka bixin sadaqo ahaan).

  19. ۞ إِنَّ ٱلْإِنسَـٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا۝١٩

    Inna alinsana khuliqa halooʿan

    Hubaal Aadmigu waxaa lagu abuuray samir yaraan iyo degdegsiinyo.

  20. إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعًا۝٢٠

    Itha massahu alshsharru jazooʿan

    Markuu dhib taabto wuu murugoodaa oo samir yar yahay.

  21. وَإِذَا مَسَّهُ ٱلْخَيْرُ مَنُوعًا۝٢١

    Waitha massahu alkhayru manooʿan

    Markuu khayr helana waa bakhayl (aan wax bixin).

  22. إِلَّا ٱلْمُصَلِّينَ۝٢٢

    Illa almusalleena

    Kuwa salaadda tukada mooyaane.

  23. ٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ دَآئِمُونَ۝٢٣

    Allatheena hum ʿala salatihim daimoona

    Ee ah kuwa salaaddooda daa’ima;

  24. وَٱلَّذِينَ فِىٓ أَمْوَٰلِهِمْ حَقٌّ مَّعْلُومٌ۝٢٤

    Waallatheena fee amwalihim haqqun maʿloomun

    Ee ah kuwa maalkooda uu ugu jiro qayb la yaqaan.

  25. لِّلسَّآئِلِ وَٱلْمَحْرُومِ۝٢٥

    Lilssaili waalmahroomi

    Kan wax weydiista, iyo kan aan wax heysan.

  26. وَٱلَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ۝٢٦

    Waallatheena yusaddiqoona biyawmi alddeeni

    Ee ah kuwa rumeysan Maalinta jaazeynta (Qiyaamaha).

  27. وَٱلَّذِينَ هُم مِّنْ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ۝٢٧

    Waallatheena hum min ʿathabi rabbihim mushfiqoona

    Ee ah kuwa iyagu ka baqa cadaabka Rabbigood.

  28. إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمْ غَيْرُ مَأْمُونٍ۝٢٨

    Inna ʿathaba rabbihim ghayru mamoonin

    Hubaal Cadaabka Rabbigaa waa wax aan aamin laga aheyn.

  29. وَٱلَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَـٰفِظُونَ۝٢٩

    Waallatheena hum lifuroojihim hafithoona

    Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda gaarka ah.

  30. إِلَّا عَلَىٰٓ أَزْوَٰجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ۝٣٠

    Illa ʿala azwajihim aw ma malakat aymanuhum fainnahum ghayru maloomeena

    Xagga xaasaskooda ma’ahee ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan (markaa) ma laha wax eed ah.

  31. فَمَنِ ٱبْتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْعَادُونَ۝٣١

    Famani ibtagha waraa thalika faolaika humu alʿadoona

    Kiise doona inuu intaas dabo maro, kuwaa weeye kuwa xadgudbayaasha ah.

  32. وَٱلَّذِينَ هُمْ لِأَمَـٰنَـٰتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَٰعُونَ۝٣٢

    Waallatheena hum liamanatihim waʿahdihim raʿoona

    Ee ah kuwaa ilaaliya ammaanooyinkoo- da iyo ballankooda;

  33. وَٱلَّذِينَ هُم بِشَهَـٰدَٰتِهِمْ قَآئِمُونَ۝٣٣

    Waallatheena hum bishahadatihim qaimoona

    Ee ah kuwaa iyagu si toosan u guta oo u fura maraggooda;

  34. وَٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ۝٣٤

    Waallatheena hum ʿala salatihim yuhafithoona

    Ee ah kuwa xafida oo dhowra salaaddooda,

  35. أُو۟لَـٰٓئِكَ فِى جَنَّـٰتٍ مُّكْرَمُونَ۝٣٥

    Olaika fee jannatin mukramoona

    Kuwaasi waxay geli Beeraha Jannada iyagoo sharfan.

  36. فَمَالِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ قِبَلَكَ مُهْطِعِينَ۝٣٦

    Famali allatheena kafaroo qibalaka muhtiʿeena

    Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareerahaada’e.

  37. عَنِ ٱلْيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ عِزِينَ۝٣٧

    ʿAni alyameeni waʿani alshshimali ʿizeena

    Xagga midigta iyo bidixda koox koox u jooga?

  38. أَيَطْمَعُ كُلُّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍ۝٣٨

    Ayatmaʿu kullu imriin minhum an yudkhala jannata naʿeemin

    Ma wuxuu qof walba oo ka mid ahi damci in la geliyo Jannada barwaaqada ah?

  39. كَلَّآ ۖ إِنَّا خَلَقْنَـٰهُم مِّمَّا يَعْلَمُونَ۝٣٩

    Kalla inna khalaqnahum mimma yaʿlamoona

    Mayee, Waxaanu xaqiiq ka abuurnay waxay og yihiin (biyo liita oo haddana is kibriyaan).

  40. فَلَآ أُقْسِمُ بِرَبِّ ٱلْمَشَـٰرِقِ وَٱلْمَغَـٰرِبِ إِنَّا لَقَـٰدِرُونَ۝٤٠

    Fala oqsimu birabbi almashariqi waalmagharibi inna laqadiroona

    Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada (waa isla Alle'e oo naf ahaantiisa ku dhaaran) inaan xaqiiq Karno;

  41. عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ خَيْرًا مِّنْهُمْ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ۝٤١

    ʿAla an nubaddila khayran minhum wama nahnu bimasbooqeena

    Inaan ku beddelno (kuwo kale) oo ka wanaagsan; nalagamana adkaado.

  42. فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا۟ وَيَلْعَبُوا۟ حَتَّىٰ يُلَـٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى يُوعَدُونَ۝٤٢

    Fatharhum yakhoodoo wayalʿaboo hatta yulaqoo yawmahumu allathee yooʿadoona

    Ee iska dhaaf ha dhumbadeene (xumaanta) hana iska cayaareen, intay kala kulmaan Maalinkooda loogu gooddiyo.

  43. يَوْمَ يَخْرُجُونَ مِنَ ٱلْأَجْدَاثِ سِرَاعًا كَأَنَّهُمْ إِلَىٰ نُصُبٍ يُوفِضُونَ۝٤٣

    Yawma yakhrujoona mina alajdathi siraʿan kaannahum ila nusubin yoofidoona

    Maalintay ka soo bixi qubuuraha iyagoo degdegaya sida inay u tartarmayaan taallooyin loo taagay.

  44. خَـٰشِعَةً أَبْصَـٰرُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۚ ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يُوعَدُونَ۝٤٤

    Khashiʿatan absaruhum tarhaquhum thillatun thalika alyawmu allathee kanoo yooʿadoona

    Indhahoodu rogan yihiin, dulli baa dabooli (korka oo dhan)! Kaasi waa Maalin- kii loogu gooddiyey (ay beeninayeen).

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Macaarij?

Macnaha Al-Macaarij waa “Jaranjarooyinka”.

Suuradda Al-Macaarij juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Macaarij waxay ku jirtaa juz’ 29.

Suuradda Al-Macaarij immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Macaarij waxay leedahay 44 aayadood.

Suuradda Al-Macaarij ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Macaarij waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Macaarij waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 70aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.