سورة الحاقة

Suuradda Al-Xaaqqa oo af Soomaali ah

Xaqiiqada

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Xaaqqa (الحاقة) waa suuradda 69aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 52 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Xaqiiqada”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 29.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Xaaqqa oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Xaaqqa oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. ٱلْحَآقَّةُ۝١

    Alhaqqatu

    Xaqiiqda dhabta ah ee sugan1!

    Sharaxa hoose
    [1] Al-Xaaqqah: Xaqiiqda dhabta ah, waa magac kale oo loo yaqaan Qiyaamaha.
  2. مَا ٱلْحَآقَّةُ۝٢

    Ma alhaqqatu

    Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi?!

  3. وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْحَآقَّةُ۝٣

    Wama adraka ma alhaqqatu

    Maxaad ka og tahay waxay tahay xaqiiqdaa dhabta ahi ee sugan?!

  4. كَذَّبَتْ ثَمُودُ وَعَادٌۢ بِٱلْقَارِعَةِ۝٤

    Kaththabat thamoodu waʿadun bialqariʿati

    Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaame).

  5. فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهْلِكُوا۟ بِٱلطَّاغِيَةِ۝٥

    Faamma thamoodu faohlikoo bialttaghiyati

    Ma Thamuud, waxaa lagu halaagay Qeylo Daran1.

    Sharaxa hoose
    [1] Qarax xoog leh oo ay la dhinteen dadkii.
  6. وَأَمَّا عَادٌ فَأُهْلِكُوا۟ بِرِيحٍ صَرْصَرٍ عَاتِيَةٍ۝٦

    Waamma ʿadun faohlikoo bireehin sarsarin ʿatiyatin

    Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl daran oo qabow badan.

  7. سَخَّرَهَا عَلَيْهِمْ سَبْعَ لَيَالٍ وَثَمَـٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًا فَتَرَى ٱلْقَوْمَ فِيهَا صَرْعَىٰ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ خَاوِيَةٍ۝٧

    Sakhkharaha ʿalayhim sabʿa layalin wathamaniyata ayyamin husooman fatara alqawma feeha sarʿa kaannahum aʿjazu nakhlin khawiyatun

    (Alle) uu ku salliday toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay.

  8. فَهَلْ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةٍ۝٨

    Fahal tara lahum min baqiyatin

    Ee ma aragtaa wax ka hadhay?

  9. وَجَآءَ فِرْعَوْنُ وَمَن قَبْلَهُۥ وَٱلْمُؤْتَفِكَـٰتُ بِٱلْخَاطِئَةِ۝٩

    Wajaa firʿawnu waman qablahu waalmutafikatu bialkhatiati

    Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la rogay1 waxay joogto ula yimaadeen gefaf weyn.

    Sharaxa hoose
    [1] Ee qowmu Luud- Sodom iyo Gomorrah.
  10. فَعَصَوْا۟ رَسُولَ رَبِّهِمْ فَأَخَذَهُمْ أَخْذَةً رَّابِيَةً۝١٠

    Faʿasaw rasoola rabbihim faakhathahum akhthatan rabiyatan

    Waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood, markaasuu (Alle) qabtay 'ciqaabay' qabasho 'ciqaab' daran.

  11. إِنَّا لَمَّا طَغَا ٱلْمَآءُ حَمَلْنَـٰكُمْ فِى ٱلْجَارِيَةِ۝١١

    Inna lamma tagha almao hamalnakum fee aljariyati

    Markay biyihii xad dhaafeen waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux).

  12. لِنَجْعَلَهَا لَكُمْ تَذْكِرَةً وَتَعِيَهَآ أُذُنٌ وَٰعِيَةٌ۝١٢

    Linajʿalaha lakum tathkiratan wataʿiyaha othunun waʿiyatun

    Si aan idiinkaga dhigno waano, oo una xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto.

  13. فَإِذَا نُفِخَ فِى ٱلصُّورِ نَفْخَةٌ وَٰحِدَةٌ۝١٣

    Faitha nufikha fee alssoori nafkhatun wahidatun

    Ee marka Buunka (Qiyaame) la afuufo afuufid keliya (afuufka hore),

  14. وَحُمِلَتِ ٱلْأَرْضُ وَٱلْجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةً وَٰحِدَةً۝١٤

    Wahumilati alardu waaljibalu fadukkata dakkatan wahidatan

    Dhulka iyo buurahana laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah.

  15. فَيَوْمَئِذٍ وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ۝١٥

    Fayawmaithin waqaʿati alwaqiʿatu

    Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici (Qiyaamada).

  16. وَٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَهِىَ يَوْمَئِذٍ وَاهِيَةٌ۝١٦

    Wainshaqqati alssamao fahiya yawmaithin wahiyatun

    Samadu Maalintaa u kala dillaaci gaballo, marka waxay ahaan mid jilicsan.

  17. وَٱلْمَلَكُ عَلَىٰٓ أَرْجَآئِهَا ۚ وَيَحْمِلُ عَرْشَ رَبِّكَ فَوْقَهُمْ يَوْمَئِذٍ ثَمَـٰنِيَةٌ۝١٧

    Waalmalaku ʿala arjaiha wayahmilu ʿarsha rabbika fawqahum yawmaithin thamaniyatun

    Malaa’igtu waxay ahaan agagaar- keeda, waxaana ku xambaari Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah).

  18. يَوْمَئِذٍ تُعْرَضُونَ لَا تَخْفَىٰ مِنكُمْ خَافِيَةٌ۝١٨

    Yawmaithin tuʿradoona la takhfa minkum khafiyatun

    Maalintaas waa la idin soo bandhigi, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan.

  19. فَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَـٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَيَقُولُ هَآؤُمُ ٱقْرَءُوا۟ كِتَـٰبِيَهْ۝١٩

    Faamma man ootiya kitabahu biyameenihi fayaqoolu haomu iqraoo kitabiyah

    Kan laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa midig, wuxuu odhan: Waa kane, akhriya kitaabkeyga.

  20. إِنِّى ظَنَنتُ أَنِّى مُلَـٰقٍ حِسَابِيَهْ۝٢٠

    Innee thanantu annee mulaqin hisabiyah

    Anigu waan hubay inaan la kulmi Xisaabteyda.

  21. فَهُوَ فِى عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ۝٢١

    Fahuwa fee ʿeeshatin radiyatin

    Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh.

  22. فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍ۝٢٢

    Fee jannatin ʿaliyatin

    Beer sare gudaheed ah (Janno),

  23. قُطُوفُهَا دَانِيَةٌ۝٢٣

    Qutoofuha daniyatun

    Midhaheedu (goosasho iyo) gurasho dhow yihiin.

  24. كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَآ أَسْلَفْتُمْ فِى ٱلْأَيَّامِ ٱلْخَالِيَةِ۝٢٤

    Kuloo waishraboo haneean bima aslaftum fee alayyami alkhaliyati

    Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye.

  25. وَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَـٰبَهُۥ بِشِمَالِهِۦ فَيَقُولُ يَـٰلَيْتَنِى لَمْ أُوتَ كِتَـٰبِيَهْ۝٢٥

    Waamma man ootiya kitabahu bishimalihi fayaqoolu ya laytanee lam oota kitabiyah

    Kanse laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa bidix, wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen kitaabkeyga.

  26. وَلَمْ أَدْرِ مَا حِسَابِيَهْ۝٢٦

    Walam adri ma hisabiyah

    Oo aan ogaadeen, waxay xisaabteydu tahay?

  27. يَـٰلَيْتَهَا كَانَتِ ٱلْقَاضِيَةَ۝٢٧

    Ya laytaha kanati alqadiyatu

    Alla hadday taa (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga.

  28. مَآ أَغْنَىٰ عَنِّى مَالِيَهْ ۜ۝٢٨

    Ma aghna ʿannee maliyah

    Maalkeygii waxba iima tarin.

  29. هَلَكَ عَنِّى سُلْطَـٰنِيَهْ۝٢٩

    Halaka ʿannee sultaniyah

    Awooddeydii waa iga baabba’een.

  30. خُذُوهُ فَغُلُّوهُ۝٣٠

    Khuthoohu faghulloohu

    (Waxaa la odhan): Qabta oo xidha.

  31. ثُمَّ ٱلْجَحِيمَ صَلُّوهُ۝٣١

    Thumma aljaheema salloohu

    Markaas geliya dabka ololka badan.

  32. ثُمَّ فِى سِلْسِلَةٍ ذَرْعُهَا سَبْعُونَ ذِرَاعًا فَٱسْلُكُوهُ۝٣٢

    Thumma fee silsilatin tharʿuha sabʿoona thiraʿan faoslukoohu

    Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood.

  33. إِنَّهُۥ كَانَ لَا يُؤْمِنُ بِٱللَّهِ ٱلْعَظِيمِ۝٣٣

    Innahu kana la yuminu biAllahi alʿatheemi

    Ma uu rumeysneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn.

  34. وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ۝٣٤

    Wala yahuddu ʿala taʿami almiskeeni

    Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka.

  35. فَلَيْسَ لَهُ ٱلْيَوْمَ هَـٰهُنَا حَمِيمٌ۝٣٥

    Falaysa lahu alyawma hahuna hameemun

    Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah.

  36. وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنْ غِسْلِينٍ۝٣٦

    Wala taʿamun illa min ghisleenin

    ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee.

  37. لَّا يَأْكُلُهُۥٓ إِلَّا ٱلْخَـٰطِـُٔونَ۝٣٧

    La yakuluhu illa alkhatioona

    Aanay cidi cunin geflowyada maahee.

  38. فَلَآ أُقْسِمُ بِمَا تُبْصِرُونَ۝٣٨

    Fala oqsimu bima tubsiroona

    Mayee, waxaan ku dhaartay waxaad aragtaan.

  39. وَمَا لَا تُبْصِرُونَ۝٣٩

    Wama la tubsiroona

    Iyo wax aydaan aragba,

  40. إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ۝٤٠

    Innahu laqawlu rasoolin kareemin

    Kani hubaal waa hadal (Alle) uu keenay Rasuul sharaf leh (Nabi Muxammad s.c.w.)

  41. وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَاعِرٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تُؤْمِنُونَ۝٤١

    Wama huwa biqawli shaʿirin qaleelan ma tuminoona

    Ma aha hadal gabyaa, yaraa intaad rumeysaan.

  42. وَلَا بِقَوْلِ كَاهِنٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ۝٤٢

    Wala biqawli kahinin qaleelan ma tathakkaroona

    ama hadal curraafle, yaraa intaad waantowdaan.

  43. تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ۝٤٣

    Tanzeelun min rabbi alʿalameena

    Waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka (Allaah).

  44. وَلَوْ تَقَوَّلَ عَلَيْنَا بَعْضَ ٱلْأَقَاوِيلِ۝٤٤

    Walaw taqawwala ʿalayna baʿda alaqaweeli

    Hadduu (Nabi Muxammad) naga been sheegi lahaa;

  45. لَأَخَذْنَا مِنْهُ بِٱلْيَمِينِ۝٤٥

    Laakhathna minhu bialyameeni

    Waxaan ku qaban laheyn gacanta Midig.

  46. ثُمَّ لَقَطَعْنَا مِنْهُ ٱلْوَتِينَ۝٤٦

    Thumma laqataʿna minhu alwateena

    Oo waxaan goyn laheyn halbowlaha.

  47. فَمَا مِنكُم مِّنْ أَحَدٍ عَنْهُ حَـٰجِزِينَ۝٤٧

    Fama minkum min ahadin ʿanhu hajizeena

    Ma jiro qof idinka mid ahi oo naga celin lahaa.

  48. وَإِنَّهُۥ لَتَذْكِرَةٌ لِّلْمُتَّقِينَ۝٤٨

    Wainnahu latathkiratun lilmuttaqeena

    (Qur'aanku) waa u waano kuwa ka dhowrsada xumaha ee Alle u hoggaansan.

  49. وَإِنَّا لَنَعْلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ۝٤٩

    Wainna lanaʿlamu anna minkum mukaththibeena

    Waan ognahay dhabtii inay idinka mid yihiin kuwa beeniya (Xaqa).

  50. وَإِنَّهُۥ لَحَسْرَةٌ عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ۝٥٠

    Wainnahu lahasratun ʿala alkafireena

    (Qur’aanku) hubaal waa qoomamada gaalada (Maalinta Qiyaame).

  51. وَإِنَّهُۥ لَحَقُّ ٱلْيَقِينِ۝٥١

    Wainnahu lahaqqu alyaqeeni

    Waana xaq dhab ah oo la hubo.

  52. فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ۝٥٢

    Fasabbih biismi rabbika alʿatheemi

    Ee ku tasbiixso, oo huf Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Subxaannallaah wa bi xamdihi Subxaanallaahi Cadiim.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Xaaqqa?

Macnaha Al-Xaaqqa waa “Xaqiiqada”.

Suuradda Al-Xaaqqa juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Xaaqqa waxay ku jirtaa juz’ 29.

Suuradda Al-Xaaqqa immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Xaaqqa waxay leedahay 52 aayadood.

Suuradda Al-Xaaqqa ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Xaaqqa waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Xaaqqa waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 69aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.