سورة القلم

Suuradda Al-Qalam oo af Soomaali ah

Qalinka

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Qalam (القلم) waa suuradda 68aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 52 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Qalinka”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 29.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Qalam oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Qalam oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. نٓ ۚ وَٱلْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ۝١

    Noon waalqalami wama yasturoona

    Nuun1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qalinka iyo waxay (malaa’igtu) qoraan.

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
  2. مَآ أَنتَ بِنِعْمَةِ رَبِّكَ بِمَجْنُونٍ۝٢

    Ma anta biniʿmati rabbika bimajnoonin

    Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) jinnoole.

  3. وَإِنَّ لَكَ لَأَجْرًا غَيْرَ مَمْنُونٍ۝٣

    Wainna laka laajran ghayra mamnoonin

    Waxaad leedahay (Nabiyow) ajar aan weligii go'eyn.

  4. وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ۝٤

    Wainnaka laʿala khuluqin ʿatheemin

    Waxaa xaqiiq kuu sugnaaday (Nabiyow) dabeecad san oo sare.

  5. فَسَتُبْصِرُ وَيُبْصِرُونَ۝٥

    Fasatubsiru wayubsiroona

    Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki,

  6. بِأَييِّكُمُ ٱلْمَفْتُونُ۝٦

    Biayyikumu almaftoonu

    Kiinna fidmeysan (ama la cadaabo).

  7. إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعْلَمُ بِٱلْمُهْتَدِينَ۝٧

    Inna rabbaka huwa aʿlamu biman dalla ʿan sabeelihi wahuwa aʿlamu bialmuhtadeena

    Hubaal Rabbigaa baa Ogsoon kan ka dhuma Jidkiisa, Isagaana Og kuwa hanuunsan.

  8. فَلَا تُطِعِ ٱلْمُكَذِّبِينَ۝٨

    Fala tutiʿi almukaththibeena

    Ee ha adeecin xaq beeniyayaasha.

  9. وَدُّوا۟ لَوْ تُدْهِنُ فَيُدْهِنُونَ۝٩

    Waddoo law tudhinu fayudhinoona

    Waxay jecel yihiin inaad u iilato (oo ku raacdo wax ka mid ah baadilkooda), iyaguna (markaa) kuu soo iishaan.

  10. وَلَا تُطِعْ كُلَّ حَلَّافٍ مَّهِينٍ۝١٠

    Wala tutiʿ kulla hallafin maheenin

    Oo ha adeecin mid kastoo dhaar badan qiimo laheyn.

  11. هَمَّازٍ مَّشَّآءٍۭ بِنَمِيمٍ۝١١

    Hammazin mashshain binameemin

    Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah).

  12. مَّنَّاعٍ لِّلْخَيْرِ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ۝١٢

    Mannaʿin lilkhayri muʿtadin atheemin

    Khayr diid, xad-gudbe, denbi badan.

  13. عُتُلٍّۭ بَعْدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ۝١٣

    ʿUtullin baʿda thalika zaneemin

    macangag ah madax adag - intaasoo dhan ka sokow mid liita ah (aan nasab ahayn).

  14. أَن كَانَ ذَا مَالٍ وَبَنِينَ۝١٤

    An kana tha malin wabaneena

    Haba lahaadee maal iyo wiilal.

  15. إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَـٰتُنَا قَالَ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ۝١٥

    Itha tutla ʿalayhi ayatuna qala asateeru alawwaleena

    Kaasoo marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii kuwii hore.

  16. سَنَسِمُهُۥ عَلَى ٱلْخُرْطُومِ۝١٦

    Sanasimuhu ʿala alkhurtoomi

    Waxaanu ka calaameyn sanqaroorka dushiisa.

  17. إِنَّا بَلَوْنَـٰهُمْ كَمَا بَلَوْنَآ أَصْحَـٰبَ ٱلْجَنَّةِ إِذْ أَقْسَمُوا۟ لَيَصْرِمُنَّهَا مُصْبِحِينَ۝١٧

    Inna balawnahum kama balawna ashaba aljannati ith aqsamoo layasrimunnaha musbiheena

    Waxaanu u imtixaannay sidaanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, markay ku dhaarteen inay goosanayaan midhaheeda aroorta hore.

  18. وَلَا يَسْتَثْنُونَ۝١٨

    Wala yastathnoona

    Iyagoon dhihin inshaa Allaah (dooneyna inay qayb u dhigaan saboolka).

  19. فَطَافَ عَلَيْهَا طَآئِفٌ مِّن رَّبِّكَ وَهُمْ نَآئِمُونَ۝١٩

    Fatafa ʿalayha taifun min rabbika wahum naimoona

    Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadii (oo beertii gubatay) intay hurdeen.

  20. فَأَصْبَحَتْ كَٱلصَّرِيمِ۝٢٠

    Faasbahat kaalssareemi

    Markaasay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay.

  21. فَتَنَادَوْا۟ مُصْبِحِينَ۝٢١

    Fatanadaw musbiheena

    Waxay isu dhawaaqeen subaxnimadii,

  22. أَنِ ٱغْدُوا۟ عَلَىٰ حَرْثِكُمْ إِن كُنتُمْ صَـٰرِمِينَ۝٢٢

    Ani ighdoo ʿala harthikum in kuntum sarimeena

    iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddaad goosanaysaan midhaha.

  23. فَٱنطَلَقُوا۟ وَهُمْ يَتَخَـٰفَتُونَ۝٢٣

    Faintalaqoo wahum yatakhafatoona

    Markaasay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah,

  24. أَن لَّا يَدْخُلَنَّهَا ٱلْيَوْمَ عَلَيْكُم مِّسْكِينٌ۝٢٤

    An la yadkhulannaha alyawma ʿalaykum miskeenun

    Inuusan qof miskiin ah u soo gelin maanta (beerta, waxnana siin).

  25. وَغَدَوْا۟ عَلَىٰ حَرْدٍ قَـٰدِرِينَ۝٢٥

    Waghadaw ʿala hardin qadireena

    Waxayna kallaheen subaxii hore iyagoo go’aansan inay (beerta) ka celiyaan (masaakiinta).

  26. فَلَمَّا رَأَوْهَا قَالُوٓا۟ إِنَّا لَضَآلُّونَ۝٢٦

    Falamma raawha qaloo inna ladalloona

    Markayse arkeen beertii, waxay yidhaahdeen: xaqiiq waanu dhunnay.

  27. بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ۝٢٧

    Bal nahnu mahroomoona

    Mayee, waa la ina hoojiyey .

  28. قَالَ أَوْسَطُهُمْ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ لَوْلَا تُسَبِّحُونَ۝٢٨

    Qala awsatuhum alam aqul lakum lawla tusabbihoona

    Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaana idinku odhan: (Alle) u tasbiixsada oo hufa?

  29. قَالُوا۟ سُبْحَـٰنَ رَبِّنَآ إِنَّا كُنَّا ظَـٰلِمِينَ۝٢٩

    Qaloo subhana rabbina inna kunna thalimeena

    Waxay yidhaahdeen: Xurmoo idil waxaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan Rabbigeen. Hubaal Waanu gefnay.

  30. فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَلَـٰوَمُونَ۝٣٠

    Faaqbala baʿduhum ʿala baʿdin yatalawamoona

    Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday iyagoo is eedeynaya.

  31. قَالُوا۟ يَـٰوَيْلَنَآ إِنَّا كُنَّا طَـٰغِينَ۝٣١

    Qaloo ya waylana inna kunna tagheena

    Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, waanu xadgudubnay.

  32. عَسَىٰ رَبُّنَآ أَن يُبْدِلَنَا خَيْرًا مِّنْهَآ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا رَٰغِبُونَ۝٣٢

    ʿAsa rabbuna an yubdilana khayran minha inna ila rabbina raghiboona

    Waa intaasoo Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan, Isagaan innagu xaqiiq khayr ka rajeyne.

  33. كَذَٰلِكَ ٱلْعَذَابُ ۖ وَلَعَذَابُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَكْبَرُ ۚ لَوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ۝٣٣

    Kathalika alʿathabu walaʿathabu alakhirati akbaru law kanoo yaʿlamoona

    Waa sidaas cadaabku. Cadaabka Aakhiraana ka sii weyn. Hadday ogaan lahaayeen.

  34. إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ۝٣٤

    Inna lilmuttaqeena ʿinda rabbihim jannati alnnaʿeemi

    Hubaal kuwa Alle ka cabsada (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa Jannooyin barwaaqo ah.

  35. أَفَنَجْعَلُ ٱلْمُسْلِمِينَ كَٱلْمُجْرِمِينَ۝٣٥

    Afanajʿalu almuslimeena kaalmujrimeena

    Ma Muslimiinta (Alle u hoggaansan) baanu kala mid dhigi denbiilayaasha.

  36. مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ۝٣٦

    Ma lakum kayfa tahkumoona

    Maxaad leedihiin? Sidee baad wax u xukumeysaan?

  37. أَمْ لَكُمْ كِتَـٰبٌ فِيهِ تَدْرُسُونَ۝٣٧

    Am lakum kitabun feehi tadrusoona

    Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan -

  38. إِنَّ لَكُمْ فِيهِ لَمَا تَخَيَّرُونَ۝٣٨

    Inna lakum feehi lama takhayyaroona

    Inaad heleysaan waxaad doorataanba?

  39. أَمْ لَكُمْ أَيْمَـٰنٌ عَلَيْنَا بَـٰلِغَةٌ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۙ إِنَّ لَكُمْ لَمَا تَحْكُمُونَ۝٣٩

    Am lakum aymanun ʿalayna balighatun ila yawmi alqiyamati inna lakum lama tahkumoona

    Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad heleysaan waxaad doontaanba?

  40. سَلْهُمْ أَيُّهُم بِذَٰلِكَ زَعِيمٌ۝٤٠

    Salhum ayyuhum bithalika zaʿeemun

    Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin.

  41. أَمْ لَهُمْ شُرَكَآءُ فَلْيَأْتُوا۟ بِشُرَكَآئِهِمْ إِن كَانُوا۟ صَـٰدِقِينَ۝٤١

    Am lahum shurakao falyatoo bishurakaihim in kanoo sadiqeena

    Mise waxay leeyihiin shariigyo (ilaahyo u soo gargaaraya), marka ha keenaan shariigyadooda hadday run sheegayaan.

  42. يَوْمَ يُكْشَفُ عَن سَاقٍ وَيُدْعَوْنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ۝٤٢

    Yawma yukshafu ʿan saqin wayudʿawna ila alssujoodi fala yastateeʿoona

    Maalinta (Qiyaamada) marka dhudhunka la feydo 'dhudhunka Alle'1 oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase karayaan inay sujuudaan (waa gaalada iyo munaafiqiinta).

    Sharaxa hoose
    [1] Dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada weyn, waa Maalinta Qiyaamaha.
  43. خَـٰشِعَةً أَبْصَـٰرُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۖ وَقَدْ كَانُوا۟ يُدْعَوْنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ وَهُمْ سَـٰلِمُونَ۝٤٣

    Khashiʿatan absaruhum tarhaquhum thillatun waqad kanoo yudʿawna ila alssujoodi wahum salimoona

    Indhahoodu hoos u rogan yihiin, dulli baa dabooli; waxaana loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo fayow 'mase yeelin'.

  44. فَذَرْنِى وَمَن يُكَذِّبُ بِهَـٰذَا ٱلْحَدِيثِ ۖ سَنَسْتَدْرِجُهُم مِّنْ حَيْثُ لَا يَعْلَمُونَ۝٤٤

    Fatharnee waman yukaththibu bihatha alhadeethi sanastadrijuhum min haythu la yaʿlamoona

    Ee isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan (Qur’aanka); waxaan ka qaban si heerar ah meel aysan fileyn.

  45. وَأُمْلِى لَهُمْ ۚ إِنَّ كَيْدِى مَتِينٌ۝٤٥

    Waomlee lahum inna kaydee mateenun

    Waan u seeto dheereyn, hubaal, tabteydu waa mid sugan oo adag.

  46. أَمْ تَسْـَٔلُهُمْ أَجْرًا فَهُم مِّن مَّغْرَمٍ مُّثْقَلُونَ۝٤٦

    Am tasaluhum ajran fahum min maghramin muthqaloona

    Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn?

  47. أَمْ عِندَهُمُ ٱلْغَيْبُ فَهُمْ يَكْتُبُونَ۝٤٧

    Am ʿindahumu alghaybu fahum yaktuboona

    Mise cilmiga waxaan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan?

  48. فَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ ٱلْحُوتِ إِذْ نَادَىٰ وَهُوَ مَكْظُومٌ۝٤٨

    Faisbir lihukmi rabbika wala takun kasahibi alhooti ith nada wahuwa makthoomun

    Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yuunus) rafiiqii nibiriga - markuu noo yeedhay isagoo walbahaarsan,

  49. لَّوْلَآ أَن تَدَٰرَكَهُۥ نِعْمَةٌ مِّن رَّبِّهِۦ لَنُبِذَ بِٱلْعَرَآءِ وَهُوَ مَذْمُومٌ۝٤٩

    Lawla an tadarakahu niʿmatun min rabbihi lanubitha bialʿarai wahuwa mathmoomun

    Haddaysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan.

  50. فَٱجْتَبَـٰهُ رَبُّهُۥ فَجَعَلَهُۥ مِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ۝٥٠

    Faijtabahu rabbuhu fajaʿalahu mina alssaliheena

    Rabbigiis baase doortay, kana mid yeelay kuwa wanaagsan.

  51. وَإِن يَكَادُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَيُزْلِقُونَكَ بِأَبْصَـٰرِهِمْ لَمَّا سَمِعُوا۟ ٱلذِّكْرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُۥ لَمَجْنُونٌ۝٥١

    Wain yakadu allatheena kafaroo layuzliqoonaka biabsarihim lamma samiʿoo alththikra wayaqooloona innahu lamajnoonun

    Kuwaa gaalada ahise waxay sigaan inay kugu gubaan indhahooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada (Qur’aankan); waxayna yidhaahdaan: Kani waa jinnoole.

  52. وَمَا هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَـٰلَمِينَ۝٥٢

    Wama huwa illa thikrun lilʿalameena

    Ma se ah (Qur’aanka) wax kale aan aheyn Waano ku socota ummadahoo dhan.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Qalam?

Macnaha Al-Qalam waa “Qalinka”.

Suuradda Al-Qalam juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Qalam waxay ku jirtaa juz’ 29.

Suuradda Al-Qalam immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Qalam waxay leedahay 52 aayadood.

Suuradda Al-Qalam ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Qalam waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Qalam waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 68aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.