سورة نوح

Suuradda Nuux oo af Soomaali ah

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Nuux (نوح) waa suuradda 71aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 28 aayadood. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 29.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Nuux oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Nuux oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. إِنَّآ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِۦٓ أَنْ أَنذِرْ قَوْمَكَ مِن قَبْلِ أَن يَأْتِيَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ۝١

    Inna arsalna noohan ila qawmihi an anthir qawmaka min qabli an yatiyahum ʿathabun aleemun

    Waxaanu xaqiiq u dirnay Nuux qolodiisii (Annagoo leh): U dig qolodaada intaysan u iman cadaab xanuun badan.

  2. قَالَ يَـٰقَوْمِ إِنِّى لَكُمْ نَذِيرٌ مُّبِينٌ۝٢

    Qala ya qawmi innee lakum natheerun mubeenun

    (Nuux) Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Waxaan anigu idiin ahay dige cad.

  3. أَنِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُ وَأَطِيعُونِ۝٣

    Ani oʿbudoo Allaha waittaqoohu waateeʿooni

    Ee caabuda Alle oo keliya, oo ka cabsada, anigana i adeeca.

  4. يَغْفِرْ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمْ وَيُؤَخِّرْكُمْ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ إِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ إِذَا جَآءَ لَا يُؤَخَّرُ ۖ لَوْ كُنتُمْ تَعْلَمُونَ۝٤

    Yaghfir lakum min thunoobikum wayuakhkhirkum ila ajalin musamman inna ajala Allahi itha jaa la yuakhkharu law kuntum taʿlamoona

    Wuxuu 'Alle' idiin dhaafi denbiyadiinna, oo idiin dib dhigi ilaa muddo magacaaban. Ajasha Alle (mowdku) markuu yimaado lama dib dhigo, waase haddaad og tihiin.

  5. قَالَ رَبِّ إِنِّى دَعَوْتُ قَوْمِى لَيْلًا وَنَهَارًا۝٥

    Qala rabbi innee daʿawtu qawmee laylan wanaharan

    (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan qolodeydii ugu baaqay (Towxiid iyo falasho camallo san) habeen iyo maalinba.

  6. فَلَمْ يَزِدْهُمْ دُعَآءِىٓ إِلَّا فِرَارًا۝٦

    Falam yazidhum duʿaee illa firaran

    Ha yeeshee baaqeygu uma uusan kordhin waxaan aheyn didmo.

  7. وَإِنِّى كُلَّمَا دَعَوْتُهُمْ لِتَغْفِرَ لَهُمْ جَعَلُوٓا۟ أَصَـٰبِعَهُمْ فِىٓ ءَاذَانِهِمْ وَٱسْتَغْشَوْا۟ ثِيَابَهُمْ وَأَصَرُّوا۟ وَٱسْتَكْبَرُوا۟ ٱسْتِكْبَارًا۝٧

    Wainnee kullama daʿawtuhum litaghfira lahum jaʿaloo asabiʿahum fee athanihim waistaghshaw thiyabahum waasarroo waistakbaroo istikbaran

    Mar kastoo aan u yeedhana si aad ugu denbi dhaafto, waxay yeelaan farahooda dhegahooda, iskuna dadaan maryahooda1, oo madax adaygaan, wayna is kibriyaan iskibrin.

    Sharaxa hoose
    [1] Iyagoo diidaya inay fiirshaan ama dhageystaan Xaqa.
  8. ثُمَّ إِنِّى دَعَوْتُهُمْ جِهَارًا۝٨

    Thumma innee daʿawtuhum jiharan

    Haddana waxaan xaqiiq ugu baaqay (Towxiidka oo uga digay shirkiga) si cad.

  9. ثُمَّ إِنِّىٓ أَعْلَنتُ لَهُمْ وَأَسْرَرْتُ لَهُمْ إِسْرَارًا۝٩

    Thumma innee aʿlantu lahum waasrartu lahum israran

    Markaasaan ula hadlay si kore, si hoosana waan ula hadlay oo wax ugu sheegay1.

    Sharaxa hoose
    [1] Wuxuu Nuux c.s. la soo maray ku baaqiisa Islaamka heerar iyo xaalado kala duwan:
  10. فَقُلْتُ ٱسْتَغْفِرُوا۟ رَبَّكُمْ إِنَّهُۥ كَانَ غَفَّارًا۝١٠

    Faqultu istaghfiroo rabbakum innahu kana ghaffaran

    Waxaan ku idhi: Ka barya denbi dhaaf Rabbigiin; waa Denbi Dhaaf Badane’e.

  11. يُرْسِلِ ٱلسَّمَآءَ عَلَيْكُم مِّدْرَارًا۝١١

    Yursili alssamaa ʿalaykum midraran

    Wuxuu idiinka keeni daruuraha roob darar ah;

  12. وَيُمْدِدْكُم بِأَمْوَٰلٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَل لَّكُمْ جَنَّـٰتٍ وَيَجْعَل لَّكُمْ أَنْهَـٰرًا۝١٢

    Wayumdidkum biamwalin wabaneena wayajʿal lakum jannatin wayajʿal lakum anharan

    Oo idiinku deeqi maal iyo awlaad, oo idiin yeeli beero, idiinna yeeli webiyaal.

  13. مَّا لَكُمْ لَا تَرْجُونَ لِلَّهِ وَقَارًا۝١٣

    Ma lakum la tarjoona lillahi waqaran

    Maxaad leedihiin aydaan uga heybeysan Alle?

  14. وَقَدْ خَلَقَكُمْ أَطْوَارًا۝١٤

    Waqad khalaqakum atwaran

    Isagoo dhabtii idin abuuray idinkoo soo maray xaalado iyo heerar (kala duwan).

  15. أَلَمْ تَرَوْا۟ كَيْفَ خَلَقَ ٱللَّهُ سَبْعَ سَمَـٰوَٰتٍ طِبَاقًا۝١٥

    Alam taraw kayfa khalaqa Allahu sabʿa samawatin tibaqan

    Miyeydaan arag sida Alle u abuuray toddobada samo ee kala korreeya.

  16. وَجَعَلَ ٱلْقَمَرَ فِيهِنَّ نُورًا وَجَعَلَ ٱلشَّمْسَ سِرَاجًا۝١٦

    Wajaʿala alqamara feehinna nooran wajaʿala alshshamsa sirajan

    Oo dayaxa uga yeelay dhexdooda nuur, qorraxdana ka yeelay nal shidan?

  17. وَٱللَّهُ أَنۢبَتَكُم مِّنَ ٱلْأَرْضِ نَبَاتًا۝١٧

    WaAllahu anbatakum mina alardi nabatan

    Alle Waa Kan idinka beeray (abuuray) dhulka beeritaan (abuuris).

  18. ثُمَّ يُعِيدُكُمْ فِيهَا وَيُخْرِجُكُمْ إِخْرَاجًا۝١٨

    Thumma yuʿeedukum feeha wayukhrijukum ikhrajan

    Haddana idinku celin gudahiisa oo idinka soo bixin baxniin (cusub).

  19. وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُمُ ٱلْأَرْضَ بِسَاطًا۝١٩

    WaAllahu jaʿala lakumu alarda bisatan

    Alle waa Kan idiinka yeelay dhulka gogol fidsan.

  20. لِّتَسْلُكُوا۟ مِنْهَا سُبُلًا فِجَاجًا۝٢٠

    Litaslukoo minha subulan fijajan

    Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waasic ah.

  21. قَالَ نُوحٌ رَّبِّ إِنَّهُمْ عَصَوْنِى وَٱتَّبَعُوا۟ مَن لَّمْ يَزِدْهُ مَالُهُۥ وَوَلَدُهُۥٓ إِلَّا خَسَارًا۝٢١

    Qala noohun rabbi innahum ʿasawnee waittabaʿoo man lam yazidhu maluhu wawaladuhu illa khasaran

    Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waa ii caasiyeen, waxayna raaceen mid aan maalkiisa iyo dhashiisa u kordhin waxaan ahayn khasaaro.

  22. وَمَكَرُوا۟ مَكْرًا كُبَّارًا۝٢٢

    Wamakaroo makran kubbaran

    Oo waxay qooleen shirqool aad u weyn.

  23. وَقَالُوا۟ لَا تَذَرُنَّ ءَالِهَتَكُمْ وَلَا تَذَرُنَّ وَدًّا وَلَا سُوَاعًا وَلَا يَغُوثَ وَيَعُوقَ وَنَسْرًا۝٢٣

    Waqaloo la tatharunna alihatakum wala tatharunna waddan wala suwaʿan wala yaghootha wayaʿooqa wanasran

    Oo yidhaahdeen: Sinnaba ha uga tegina ilaahyadiinna, hana ka tegina (gaar ahaan) Wadd ama Suwaac ama Yaquus iyo Yacuuq iyo Nasar.

  24. وَقَدْ أَضَلُّوا۟ كَثِيرًا ۖ وَلَا تَزِدِ ٱلظَّـٰلِمِينَ إِلَّا ضَلَـٰلًا۝٢٤

    Waqad adalloo katheeran wala tazidi alththalimeena illa dalalan

    Waxay lumiyeen dad badan, ee (Allow) ha u kordhin daalimiinta 'gar diidka' waxaan aheyn habow.

  25. مِّمَّا خَطِيٓـَٔـٰتِهِمْ أُغْرِقُوا۟ فَأُدْخِلُوا۟ نَارًا فَلَمْ يَجِدُوا۟ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ أَنصَارًا۝٢٥

    Mimma khateeatihim oghriqoo faodkhiloo naran falam yajidoo lahum min dooni Allahi ansaran

    Gefafkoodii dartood baa loo harqiyey, Naarna loo geliyay, marka ma helin cid u soo gargaarta Alle sokadi.

  26. وَقَالَ نُوحٌ رَّبِّ لَا تَذَرْ عَلَى ٱلْأَرْضِ مِنَ ٱلْكَـٰفِرِينَ دَيَّارًا۝٢٦

    Waqala noohun rabbi la tathar ʿala alardi mina alkafireena dayyaran

    Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ha kaga tegin dhulka korkiisa gaalada qofna.

  27. إِنَّكَ إِن تَذَرْهُمْ يُضِلُّوا۟ عِبَادَكَ وَلَا يَلِدُوٓا۟ إِلَّا فَاجِرًا كَفَّارًا۝٢٧

    Innaka in tatharhum yudilloo ʿibadaka wala yalidoo illa fajiran kaffaran

    Waayo haddaad kaga tagto, waxay xaqiiq dhumin addoomahaaga, mana dhalayaan waxaan aheyn faajir, gaalnimo badan.

  28. رَّبِّ ٱغْفِرْ لِى وَلِوَٰلِدَىَّ وَلِمَن دَخَلَ بَيْتِىَ مُؤْمِنًا وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَـٰتِ وَلَا تَزِدِ ٱلظَّـٰلِمِينَ إِلَّا تَبَارًۢا۝٢٨

    Rabbi ighfir lee waliwalidayya waliman dakhala baytiya muminan walilmumineena waalmuminati wala tazidi alththalimeena illa tabaran

    Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf aniga, iyo waalidkeyba iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Hana u kordhin daalimiinta (gar diidka) waxaan aheyn baabba’.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Suuradda Nuux juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Nuux waxay ku jirtaa juz’ 29.

Suuradda Nuux immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Nuux waxay leedahay 28 aayadood.

Suuradda Nuux ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Nuux waa suurad Makki ah.

Suuradda Nuux waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 71aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.