سورة القيامة

Suuradda Al-Qiyaama oo af Soomaali ah

Qiyaamada

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Qiyaama (القيامة) waa suuradda 75aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 40 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Qiyaamada”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 29.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Qiyaama oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Qiyaama oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. لَآ أُقْسِمُ بِيَوْمِ ٱلْقِيَـٰمَةِ۝١

    La oqsimu biyawmi alqiyamati

    Waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha.

  2. وَلَآ أُقْسِمُ بِٱلنَّفْسِ ٱللَّوَّامَةِ۝٢

    Wala oqsimu bialnnafsi allawwamati

    Waxaan (kaloo) ku dhaartay nafta is eedda1 'in la idin soo bixin Aakhirada'.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa mu’minka, ee is canaanta markuu ku dhaco denbi ama gef oo ka xumaada.
  3. أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَـٰنُ أَلَّن نَّجْمَعَ عِظَامَهُۥ۝٣

    Ayahsabu alinsanu allan najmaʿa ʿithamahu

    Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu soo kulmineyn lafahiisa?

  4. بَلَىٰ قَـٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّىَ بَنَانَهُۥ۝٤

    Bala qadireena ʿala an nusawwiya bananahu

    Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan.

  5. بَلْ يُرِيدُ ٱلْإِنسَـٰنُ لِيَفْجُرَ أَمَامَهُۥ۝٥

    Bal yureedu alinsanu liyafjura amamahu

    Wuxuuse Aadmigu dooni inuu beeniyo waxa ka horreeya 'ee sugaya'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Macnaha waa inuu denbi isaga sii socdo. Waxaana loola jeedaa qofka gaalka ah ee beeniya maalinta xisaabta ee iska wata shirkiga iyo macaasidiisa.
  6. يَسْـَٔلُ أَيَّانَ يَوْمُ ٱلْقِيَـٰمَةِ۝٦

    Yasalu ayyana yawmu alqiyamati

    Wuxuu weydiin: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha?

  7. فَإِذَا بَرِقَ ٱلْبَصَرُ۝٧

    Faitha bariqa albasaru

    Ee marka araggu argagaxo (taagmo).

  8. وَخَسَفَ ٱلْقَمَرُ۝٨

    Wakhasafa alqamaru

    Oo dayaxu madoobaado.

  9. وَجُمِعَ ٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ۝٩

    Wajumiʿa alshshamsu waalqamaru

    Oo la kulmiyo qorraxda iyo dayaxa.

  10. يَقُولُ ٱلْإِنسَـٰنُ يَوْمَئِذٍ أَيْنَ ٱلْمَفَرُّ۝١٠

    Yaqoolu alinsanu yawmaithin ayna almafarru

    Aadmigu wuxuu Maalintaas odhan: Xaggee loo cararaa?

  11. كَلَّا لَا وَزَرَ۝١١

    Kalla la wazara

    Mayee! Ma jiro agab (meel la magan galo).

  12. إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمُسْتَقَرُّ۝١٢

    Ila rabbika yawmaithin almustaqarru

    Xagga Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah.

  13. يُنَبَّؤُا۟ ٱلْإِنسَـٰنُ يَوْمَئِذٍۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ۝١٣

    Yunabbao alinsanu yawmaithin bima qaddama waakhkhara

    Waxaa looga warrami Aadmiga Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday.

  14. بَلِ ٱلْإِنسَـٰنُ عَلَىٰ نَفْسِهِۦ بَصِيرَةٌ۝١٤

    Bali alinsanu ʿala nafsihi baseeratun

    Balse Aadmigu wuxuu ku marag furi naftiisa Isagaana is og.

  15. وَلَوْ أَلْقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ۝١٥

    Walaw alqa maʿatheerahu

    Si kasta hadduu u cudurdaarto (wax uma tarto cudur daarasho).

  16. لَا تُحَرِّكْ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعْجَلَ بِهِۦٓ۝١٦

    La tuharrik bihi lisanaka litaʿjala bihi

    Ha ku dhaqaajin (Nabiyow) carrabkaaga (markuu Waxyigu soo degayo) inaad ku degdegto (Qur’aanka akhrintiisa).

  17. إِنَّ عَلَيْنَا جَمْعَهُۥ وَقُرْءَانَهُۥ۝١٧

    Inna ʿalayna jamʿahu waquranahu

    Xaqiiq, waa xil Annaga na saaran inaan ku kulminno (laabtaada, ku xifdisiinno) oo kuu (sahalno) akhrintiisa (iyo fahankiisa).

  18. فَإِذَا قَرَأْنَـٰهُ فَٱتَّبِعْ قُرْءَانَهُۥ۝١٨

    Faitha qaranahu faittabiʿ quranahu

    Ee markaan akhrinno (Jabriil kuu akhriyo) u raarici (maqalka) akhriskiisa.

  19. ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا بَيَانَهُۥ۝١٩

    Thumma inna ʿalayna bayanahu

    Kaddib xaqiiq Annaggay na saaran tahay inaan kuu caddeyno (fasirkiisa).

  20. كَلَّا بَلْ تُحِبُّونَ ٱلْعَاجِلَةَ۝٢٠

    Kalla bal tuhibboona alʿajilata

    Mayee se, waxaad jeceshihiin noloshatan (adduunka) ee durba tageysa.

  21. وَتَذَرُونَ ٱلْـَٔاخِرَةَ۝٢١

    Watatharoona alakhirata

    Oo dayacdaan Aakhirada.

  22. وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ نَّاضِرَةٌ۝٢٢

    Wujoohun yawmaithin nadiratun

    Wejiyo Maalintaas way ifi.

  23. إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٌ۝٢٣

    Ila rabbiha nathiratun

    Xagga Rabbigood iyagoo eegaya;

  24. وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍۭ بَاسِرَةٌ۝٢٤

    Wawujoohun yawmaithin basiratun

    Wejiyo (kale) Maalintaas waxay ahaan kuwo kuduudsan.

  25. تَظُنُّ أَن يُفْعَلَ بِهَا فَاقِرَةٌ۝٢٥

    Tathunnu an yufʿala biha faqiratun

    Waxay hubtaa in lagu fali balaayo weyn;

  26. كَلَّآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلتَّرَاقِىَ۝٢٦

    Kalla itha balaghati alttaraqiya

    Mayee, markay (naftu) soo gaarto mirgiga (waqtiga geerida).

  27. وَقِيلَ مَنْ ۜ رَاقٍ۝٢٧

    Waqeela man raqin

    Oo la yidhaahdo: Yaa ku tufi oo dabiibi?

  28. وَظَنَّ أَنَّهُ ٱلْفِرَاقُ۝٢٨

    Wathanna annahu alfiraqu

    Oo yaqiinsado inay tahay (waqtigii) tagidda (geerida).

  29. وَٱلْتَفَّتِ ٱلسَّاقُ بِٱلسَّاقِ۝٢٩

    Wailtaffati alssaqu bialssaqi

    Oo lagu isku maro labada jeeni (kafno).

  30. إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمَسَاقُ۝٣٠

    Ila rabbika yawmaithin almasaqu

    Waa xagga Rabbigaa Maalintaas halka laysu wadaa.

  31. فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ۝٣١

    Fala saddaqa wala salla

    (Gaalkuse) ma rumeyn (Xaqa) mana tukan.

  32. وَلَـٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ۝٣٢

    Walakin kaththaba watawalla

    Wuuse beeniyey oo jeesaday.

  33. ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ يَتَمَطَّىٰٓ۝٣٣

    Thumma thahaba ila ahlihi yatamatta

    Markaasuu aaday xagga ehelkiisa isagoo u socda si kibir iyo faan leh.

  34. أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰ۝٣٤

    Awla laka faawla

    Dhowaa hooggaagu oo dhowaa.

  35. ثُمَّ أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰٓ۝٣٥

    Thumma awla laka faawla

    Haddana dhowaa hoggaagu oo dhowaa.

  36. أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَـٰنُ أَن يُتْرَكَ سُدًى۝٣٦

    Ayahsabu alinsanu an yutraka sudan

    Ma wuxuu Aadmigu moodaa in looga tegi bilaash (ujeeddo la'aan)?

  37. أَلَمْ يَكُ نُطْفَةً مِّن مَّنِىٍّ يُمْنَىٰ۝٣٧

    Alam yaku nutfatan min manayyin yumna

    Miyuusan aheyn mani-nool oo la dhibciyo?

  38. ثُمَّ كَانَ عَلَقَةً فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ۝٣٨

    Thumma kana ʿalaqatan fakhalaqa fasawwa

    Markaas noqota xinjir oo (Alle) abuuro qaab wanaagsanna u yeelo.

  39. فَجَعَلَ مِنْهُ ٱلزَّوْجَيْنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰٓ۝٣٩

    Fajaʿala minhu alzzawjayni alththakara waalontha

    Oo ka yeelo labo nooc, lab iyo dheddig.

  40. أَلَيْسَ ذَٰلِكَ بِقَـٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحْـِۧىَ ٱلْمَوْتَىٰ۝٤٠

    Alaysa thalika biqadirin ʿala an yuhyiya almawta

    Miyuusan Kaasi (Alle) awoodin inuu soo nooleeyo maytida1?

    Sharaxa hoose
    [1] Haayoo wuu Karaa.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Qiyaama?

Macnaha Al-Qiyaama waa “Qiyaamada”.

Suuradda Al-Qiyaama juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Qiyaama waxay ku jirtaa juz’ 29.

Suuradda Al-Qiyaama immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Qiyaama waxay leedahay 40 aayadood.

Suuradda Al-Qiyaama ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Qiyaama waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Qiyaama waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 75aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.