سورة المرسلات
Suuradda Al-Mursalaat oo af Soomaali ah
Kuwa la soo diray
- 77
- 50 aayadood
- Makki
- Juz’ 29
- Bogagga 580–581
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Mursalaat (المرسلات) waa suuradda 77aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 50 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Kuwa la soo diray”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 29.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Mursalaat oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Mursalaat oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
وَٱلْمُرْسَلَـٰتِ عُرْفًا١
Waalmursalati ʿurfan
Waxaan ku dhaartay dabeylaha wanaagga lala soo diro.
-
فَٱلْعَـٰصِفَـٰتِ عَصْفًا٢
Faalʿasifati ʿasfan
Iyo dabeylaha sida daran u kaca.
-
وَٱلنَّـٰشِرَٰتِ نَشْرًا٣
Waalnnashirati nashran
Iyo dabeylaha u kaxeeya daruuraha meelahooda loogu tala galay;
-
فَٱلْفَـٰرِقَـٰتِ فَرْقًا٤
Faalfariqati farqan
Iyo (malaa'igta) kala saara (Xaqa iyo baadilka) kala saarid dhan1.
Sharaxa hoose
[1] Xalaasha iyo xaaraanta. -
فَٱلْمُلْقِيَـٰتِ ذِكْرًا٥
Faalmulqiyati thikran
Iyo malaa’igta keena Waxyiga
-
عُذْرًا أَوْ نُذْرًا٦
ʿUthran aw nuthran
Si loo caddeeyo (Xaqa) ama loo digo;
-
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَوَٰقِعٌ٧
Innama tooʿadoona lawaqiʿun
Ee waxa (dadow) la idiinku yabooho ( Qiyaamada) waa Xaq dhacaya.
-
فَإِذَا ٱلنُّجُومُ طُمِسَتْ٨
Faitha alnnujoomu tumisat
Marka xiddiguhu beelaan nuurkooda;
-
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ فُرِجَتْ٩
Waitha alssamao furijat
Oo samadu dildillaacdo,
-
وَإِذَا ٱلْجِبَالُ نُسِفَتْ١٠
Waitha aljibalu nusifat
Oo buuraha la rujiyo.
-
وَإِذَا ٱلرُّسُلُ أُقِّتَتْ١١
Waitha alrrusulu oqqitat
Oo Rusulladii la kulmiyo (iyo dadkoodii) waqtigii loo qabtay.
-
لِأَىِّ يَوْمٍ أُجِّلَتْ١٢
Liayyi yawmin ojjilat
Maalintee baa loo dib dhigay?
-
لِيَوْمِ ٱلْفَصْلِ١٣
Liyawmi alfasli
Maalinta kala baxa (Qiyaamada).
-
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلْفَصْلِ١٤
Wama adraka ma yawmu alfasli
Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta kala baxu tahay?
-
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ١٥
Waylun yawmaithin lilmukaththibeena
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
-
أَلَمْ نُهْلِكِ ٱلْأَوَّلِينَ١٦
Alam nuhliki alawwaleena
Miyaanaan halaagin facyadii hore (ee gaaloobay)?
-
ثُمَّ نُتْبِعُهُمُ ٱلْـَٔاخِرِينَ١٧
Thumma nutbiʿuhumu alakhireena
Misna waxaan raacin kuwa (facyada) dambe (ee eynigood ah).
-
كَذَٰلِكَ نَفْعَلُ بِٱلْمُجْرِمِينَ١٨
Kathalika nafʿalu bialmujrimeena
Sidaasaan u galnaa denbiilayaasha.
-
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ١٩
Waylun yawmaithin lilmukaththibeena
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
-
أَلَمْ نَخْلُقكُّم مِّن مَّآءٍ مَّهِينٍ٢٠
Alam nakhluqkum min main maheenin
Miyaanaan idinka abuurin biyo daciif ah liita?
-
فَجَعَلْنَـٰهُ فِى قَرَارٍ مَّكِينٍ٢١
Fajaʿalnahu fee qararin makeenin
Markaas yeelnay meel aamin ah gudaheed (riximka),
-
إِلَىٰ قَدَرٍ مَّعْلُومٍ٢٢
Ila qadarin maʿloomin
Ilaa muddo la yaqaanno,
-
فَقَدَرْنَا فَنِعْمَ ٱلْقَـٰدِرُونَ٢٣
Faqadarna faniʿma alqadiroona
Sidaasaan wax u qaddarnay, Annagaana u fiican kuwo wax qaddara.
-
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ٢٤
Waylun yawmaithin lilmukaththibeena
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
-
أَلَمْ نَجْعَلِ ٱلْأَرْضَ كِفَاتًا٢٥
Alam najʿali alarda kifatan
Miyaanaan ka dhigin dhulka mid qaada oo ku filan?
-
أَحْيَآءً وَأَمْوَٰتًا٢٦
Ahyaan waamwatan
Kuwa nool iyo kuwa mowtanba1.
Sharaxa hoose
[1] Alle wuxuu ku kulmiyey dadka nool arlada dusheeda, mowtidana arlada hoosteeda. -
وَجَعَلْنَا فِيهَا رَوَٰسِىَ شَـٰمِخَـٰتٍ وَأَسْقَيْنَـٰكُم مَّآءً فُرَاتًا٢٧
Wajaʿalna feeha rawasiya shamikhatin waasqaynakum maan furatan
Oo ka yeelin dhulka dhexdiisa buuro sugan oo dhaadheer oo aan idinka waraabinin biyo macaan?
-
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ٢٨
Waylun yawmaithin lilmukaththibeena
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
-
ٱنطَلِقُوٓا۟ إِلَىٰ مَا كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ٢٩
Intaliqoo ila ma kuntum bihi tukaththiboona
Aada waxaad beenin jirteen.
-
ٱنطَلِقُوٓا۟ إِلَىٰ ظِلٍّ ذِى ثَلَـٰثِ شُعَبٍ٣٠
Intaliqoo ila thillin thee thalathi shuʿabin
Aada hoos (qiiqa Naarta ah) oo seddex laamood leh1.
Sharaxa hoose
[1] Xagga seddex jiho: Midigta, bidixda, iyo dusha sare, macnaha waa cadaabka wuxuu uga iman oo ka hareereyn gaalada jiho kasta. -
لَّا ظَلِيلٍ وَلَا يُغْنِى مِنَ ٱللَّهَبِ٣١
La thaleelin wala yughnee mina allahabi
Oo aan harsi laheyn, waxnana ka tareyn ololka dabka.
-
إِنَّهَا تَرْمِى بِشَرَرٍ كَٱلْقَصْرِ٣٢
Innaha tarmee bishararin kaalqasri
Waxay (Naartu) tuuri dhimbilo daran oo daaro oo kale ah .
-
كَأَنَّهُۥ جِمَـٰلَتٌ صُفْرٌ٣٣
Kaannahu jimalatun sufrun
Aad mooddo awr aydin ah.
-
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ٣٤
Waylun yawmaithin lilmukaththibeena
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
-
هَـٰذَا يَوْمُ لَا يَنطِقُونَ٣٥
Hatha yawmu la yantiqoona
Kanu waa Maalin aysan (gaaladu) hadleyn.
-
وَلَا يُؤْذَنُ لَهُمْ فَيَعْتَذِرُونَ٣٦
Wala yuthanu lahum fayaʿtathiroona
Oo aan idan la siineyn si ay u cudurdaartaan.
-
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ٣٧
Waylun yawmaithin lilmukaththibeena
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
-
هَـٰذَا يَوْمُ ٱلْفَصْلِ ۖ جَمَعْنَـٰكُمْ وَٱلْأَوَّلِينَ٣٨
Hatha yawmu alfasli jamaʿnakum waalawwaleena
Kani waa Maalinka kala Baxa. Waa idin soo kulminnay idinka iyo kuwii horreeyey.
-
فَإِن كَانَ لَكُمْ كَيْدٌ فَكِيدُونِ٣٩
Fain kana lakum kaydun fakeedooni
Ee haddaad wax dhagri kartaan, Aniga I dhagra.
-
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ٤٠
Waylun yawmaithin lilmukaththibeena
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
-
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى ظِلَـٰلٍ وَعُيُونٍ٤١
Inna almuttaqeena fee thilalin waʿuyoonin
Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan hoosas iyo ilo.
-
وَفَوَٰكِهَ مِمَّا يَشْتَهُونَ٤٢
Wafawakiha mimma yashtahoona
Iyo midho waxay doonaan ah.
-
كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ٤٣
Kuloo waishraboo haneean bima kuntum taʿmaloona
Cuna oo cabba si raaxo leh waa waxaad camalsan fali jirteen darteed.
-
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ٤٤
Inna kathalika najzee almuhsineena
Sidaasaan xaqiiq u abaal marinnaa sama falayaasha.
-
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ٤٥
Waylun yawmaithin lilmukaththibeena
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
-
كُلُوا۟ وَتَمَتَّعُوا۟ قَلِيلًا إِنَّكُم مُّجْرِمُونَ٤٦
Kuloo watamattaʿoo qaleelan innakum mujrimoona
(Gaaloy) cuna oo raaxeysta in yar. waxaad tihiin denbiilayaal.
-
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ٤٧
Waylun yawmaithin lilmukaththibeena
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
-
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱرْكَعُوا۟ لَا يَرْكَعُونَ٤٨
Waitha qeela lahumu irkaʿoo la yarkaʿoona
Marka lagu yidhaahdo: Rukuuca ma ay rukuucaan1.
Sharaxa hoose
[1] Marka lagu yidhaahdo u hoggaansama Amarka Alle uma hoggaansamaan, sidoo kale waxaa lagu fasiray marka lagu yidhaahdo tukada ma ay tukadaan. -
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ٤٩
Waylun yawmaithin lilmukaththibeena
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
-
فَبِأَىِّ حَدِيثٍۭ بَعْدَهُۥ يُؤْمِنُونَ٥٠
Fabiayyi hadeethin baʿdahu yuminoona
Ee Hadalkee bay kan (Qur’aanka) kaddib (gaaladu) rumeynayaan?
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Mursalaat?
Macnaha Al-Mursalaat waa “Kuwa la soo diray”.
Suuradda Al-Mursalaat juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Mursalaat waxay ku jirtaa juz’ 29.
Suuradda Al-Mursalaat immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Mursalaat waxay leedahay 50 aayadood.
Suuradda Al-Mursalaat ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Mursalaat waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Mursalaat waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 77aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.