سورة النبإ
Suuradda An-Naba’ oo af Soomaali ah
Warka
- 78
- 40 aayadood
- Makki
- Juz’ 30
- Bogagga 582–583
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda An-Naba’ (النبإ) waa suuradda 78aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 40 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Warka”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda An-Naba’ oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda An-Naba’ oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ١
ʿAmma yatasaaloona
Maxay isweydiinayaan (gaaladu)?
-
عَنِ ٱلنَّبَإِ ٱلْعَظِيمِ٢
ʿAni alnnabai alʿatheemi
Ma Warka Weyn (Qur’aanka ama Qiyaamada).
-
ٱلَّذِى هُمْ فِيهِ مُخْتَلِفُونَ٣
Allathee hum feehi mukhtalifoona
Ay isku khilaafsan yihiin (mid rumeysan iyo mid beeninaya)?
-
كَلَّا سَيَعْلَمُونَ٤
Kalla sayaʿlamoona
Mayee, way ogaan doonaan (waxa ku dhaca beenintooda Xaqa darteed).
-
ثُمَّ كَلَّا سَيَعْلَمُونَ٥
Thumma kalla sayaʿlamoona
Misna, mayee way ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
-
أَلَمْ نَجْعَلِ ٱلْأَرْضَ مِهَـٰدًا٦
Alam najʿali alarda mihadan
Miyaanaan ka yeelin dhulka gogol?
-
وَٱلْجِبَالَ أَوْتَادًا٧
Waaljibala awtadan
Buurahana tiirar (dhulka lagu adkeeyey)?
-
وَخَلَقْنَـٰكُمْ أَزْوَٰجًا٨
Wakhalaqnakum azwajan
Oo idinka abuurin noocyo (lab iyo dheddig)?,
-
وَجَعَلْنَا نَوْمَكُمْ سُبَاتًا٩
Wajaʿalna nawmakum subatan
oo ka yeelin hurdadiinna nasiino?,
-
وَجَعَلْنَا ٱلَّيْلَ لِبَاسًا١٠
Wajaʿalna allayla libasan
Oo ka dhigin habeenka hu’ oo kale (idinku daboola mugdigiisa)?,
-
وَجَعَلْنَا ٱلنَّهَارَ مَعَاشًا١١
Wajaʿalna alnnahara maʿashan
Oo ka dhigin maalinta maciishad raadin,
-
وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًا شِدَادًا١٢
Wabanayna fawqakum sabʿan shidadan
Oo ka dhisin korkiinna toddobo (samo) oo adadag?.
-
وَجَعَلْنَا سِرَاجًا وَهَّاجًا١٣
Wajaʿalna sirajan wahhajan
Oo yeelin nal shidan aad u ifi (qorrax)?.
-
وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلْمُعْصِرَٰتِ مَآءً ثَجَّاجًا١٤
Waanzalna mina almuʿsirati maan thajjajan
Oo ka soo dejinin daruuraha biyo badan oo shubmaya (roob)?.
-
لِّنُخْرِجَ بِهِۦ حَبًّا وَنَبَاتًا١٥
Linukhrija bihi habban wanabatan
Si aan ugu soo saarno haruur iyo naq.
-
وَجَنَّـٰتٍ أَلْفَافًا١٦
Wajannatin alfafan
Iyo beero isku maran.
-
إِنَّ يَوْمَ ٱلْفَصْلِ كَانَ مِيقَـٰتًا١٧
Inna yawma alfasli kana meeqatan
Xaqiiq, Maalinka kala baxu (Qiyaamaha) waa waqti go’an.
-
يَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ فَتَأْتُونَ أَفْوَاجًا١٨
Yawma yunfakhu fee alssoori fatatoona afwajan
Maalinka marka Buunka la afuufi, oo aad iman idinkoo ummado kala duwan ah;
-
وَفُتِحَتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتْ أَبْوَٰبًا١٩
Wafutihati alssamao fakanat abwaban
Oo samada la furi oo yeelan albaabbo.
-
وَسُيِّرَتِ ٱلْجِبَالُ فَكَانَتْ سَرَابًا٢٠
Wasuyyirati aljibalu fakanat saraban
Buurahana la rujin oo noqon dhalanteed oo kale.
-
إِنَّ جَهَنَّمَ كَانَتْ مِرْصَادًا٢١
Inna jahannama kanat mirsadan
Xaqiiq, Naartu waa heegan sugeysa,
-
لِّلطَّـٰغِينَ مَـَٔابًا٢٢
Lilttagheena maaban
Xad gudbayaasha, meel noqod u ah.
-
لَّـٰبِثِينَ فِيهَآ أَحْقَابًا٢٣
Labitheena feeha ahqaban
Iyagoo ku negaadi waayo badan,
-
لَّا يَذُوقُونَ فِيهَا بَرْدًا وَلَا شَرَابًا٢٤
La yathooqoona feeha bardan wala sharaban
Ma ku dhadhaminayaan dhexdeeda wax qabow ah iyo cabbitaan midna.
-
إِلَّا حَمِيمًا وَغَسَّاقًا٢٥
Illa hameeman waghassaqan
Biyo kulul oo karaya iyo malax maahee (dhacaanka ehlu Naarka ah)
-
جَزَآءً وِفَاقًا٢٦
Jazaan wifaqan
Waa abaal marin ku habboon (gaalada).
-
إِنَّهُمْ كَانُوا۟ لَا يَرْجُونَ حِسَابًا٢٧
Innahum kanoo la yarjoona hisaban
Waxay ahaayeen kuwo aan fileyn Xisaab (Aakhiro).
-
وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا كِذَّابًا٢٨
Wakaththaboo biayatina kiththaban
Oo waxay beeniyeen Aayadahayaga beenin cad.
-
وَكُلَّ شَىْءٍ أَحْصَيْنَـٰهُ كِتَـٰبًا٢٩
Wakulla shayin ahsaynahu kitaban
Wax walba se (oo camalladooda ah) waxaan ku koobnay qoraal.
-
فَذُوقُوا۟ فَلَن نَّزِيدَكُمْ إِلَّا عَذَابًا٣٠
Fathooqoo falan nazeedakum illa ʿathaban
Ee dhadhamiya (ciqaabka); idiinma kordhineyno waxaan ahayn Cadaab.
-
إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ مَفَازًا٣١
Inna lilmuttaqeena mafazan
Xaqiiq, kuwa Alle ka cabsada ee (ka) dhowrsada (xumaha) waxay leeyihiin meel lagu liibaano (Janno).
-
حَدَآئِقَ وَأَعْنَـٰبًا٣٢
Hadaiqa waaʿnaban
Beero iyo canabyo.
-
وَكَوَاعِبَ أَتْرَابًا٣٣
Wakawaʿiba atraban
Iyo gashaantiyo da' yar oo isla eg.
-
وَكَأْسًا دِهَاقًا٣٤
Wakasan dihaqan
Iyo galaas buuxa (oo khamri saafi ah).
-
لَّا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا كِذَّٰبًا٣٥
La yasmaʿoona feeha laghwan wala kiththaban
Kuma maqlayaan (Jannada) gudaheeda hadal macno darro ah ama wax been ah.
-
جَزَآءً مِّن رَّبِّكَ عَطَآءً حِسَابًا٣٦
Jazaan min rabbika ʿataan hisaban
Abaal marin xagga Rabbigaa; deeq (daa'in ah badan) oo ku filan.
-
رَّبِّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ٱلرَّحْمَـٰنِ ۖ لَا يَمْلِكُونَ مِنْهُ خِطَابًا٣٧
Rabbi alssamawati waalardi wama baynahuma alrrahmani la yamlikoona minhu khitaban
Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, - Raxmaanka, ma jiro wax ku soo celin karaa hadal (Qiyaamada).
-
يَوْمَ يَقُومُ ٱلرُّوحُ وَٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ صَفًّا ۖ لَّا يَتَكَلَّمُونَ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحْمَـٰنُ وَقَالَ صَوَابًا٣٨
Yawma yaqoomu alrroohu waalmalaikatu saffan la yatakallamoona illa man athina lahu alrrahmanu waqala sawaban
Maalinka uu Ruuxu iyo malaa’igtu ay u istaagi saf saf, ma jiro wax hadli, mid maahee Allaah - Raxmaanku u idmo, oo ku hadla hadal toosan oo abbaar ah.
-
ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلْحَقُّ ۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ مَـَٔابًا٣٩
Thalika alyawmu alhaqqu faman shaa ittakhatha ila rabbihi maaban
Kaasi waa Maalinka la hubo ee xaqa ah, ee qofkii doona, ha u maro Rabbigi jid toos ah uu ugula laabto (caqiido sax ah iyo camallo san).
-
إِنَّآ أَنذَرْنَـٰكُمْ عَذَابًا قَرِيبًا يَوْمَ يَنظُرُ ٱلْمَرْءُ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ وَيَقُولُ ٱلْكَافِرُ يَـٰلَيْتَنِى كُنتُ تُرَٰبًۢا٤٠
Inna antharnakum ʿathaban qareeban yawma yanthuru almaro ma qaddamat yadahu wayaqoolu alkafiru ya laytanee kuntu turaban
Waxaanu idiinka dignay cadaab dhow - Maalinka uu qofku arki waxay gacmihiisu hormarsadeen (oo khayr ah ama shar), oo gaalku odhan:Hoogaye! Maan ciid ahaado.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda An-Naba’?
Macnaha An-Naba’ waa “Warka”.
Suuradda An-Naba’ juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda An-Naba’ waxay ku jirtaa juz’ 30.
Suuradda An-Naba’ immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda An-Naba’ waxay leedahay 40 aayadood.
Suuradda An-Naba’ ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda An-Naba’ waa suurad Makki ah.
Suuradda An-Naba’ waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 78aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.