سورة النازعات
Suuradda An-Naazicaat oo af Soomaali ah
Kuwa soo siiba
- 79
- 46 aayadood
- Makki
- Juz’ 30
- Bogagga 583–584
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda An-Naazicaat (النازعات) waa suuradda 79aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 46 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Kuwa soo siiba”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda An-Naazicaat oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda An-Naazicaat oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
وَٱلنَّـٰزِعَـٰتِ غَرْقًا١
Waalnnaziʿati gharqan
Waxaan ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha (gaalada).
-
وَٱلنَّـٰشِطَـٰتِ نَشْطًا٢
Waalnnashitati nashtan
Iyo (malaa'igta) sida fudud u qaadda (nafaha mu’miniinta waqtiga dhimashada).
-
وَٱلسَّـٰبِحَـٰتِ سَبْحًا٣
Waalssabihati sabhan
Iyo (malaa'igta) hawada dabaalata (iyagoo u socda fulin amarrada Alle).
-
فَٱلسَّـٰبِقَـٰتِ سَبْقًا٤
Faalssabiqati sabqan
Iyo (malaa'igta) u dheereeya 'khayrka iyo wanaagga' dheereyn.
-
فَٱلْمُدَبِّرَٰتِ أَمْرًا٥
Faalmudabbirati amran
Iyo 'malaa'igta' isku duwa arrin 'walba'1
Sharaxa hoose
[1] Si waafaqsan amarka Alle, in dadow la idin soo bixin oo xisaabin Aakhirada. -
يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ٦
Yawma tarjufu alrrajifatu
Maalinta ay gilgilatadu gilgilan (waa afuufka hore ee Buunka).
-
تَتْبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ٧
Tatbaʿuha alrradifatu
Oo ay raaci tan xigta (afuufka labaad).
-
قُلُوبٌ يَوْمَئِذٍ وَاجِفَةٌ٨
Quloobun yawmaithin wajifatun
Quluub (qalbiyada gaalada) Maalintaas way gariiri.
-
أَبْصَـٰرُهَا خَـٰشِعَةٌ٩
Absaruha khashiʿatun
Indhahoodu dulleysnaan.
-
يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِى ٱلْحَافِرَةِ١٠
Yaqooloona ainna lamardoodoona fee alhafirati
Waxay (haatan) leeyihiin: Ma waxaa naloo soo celin (dhimashadayada kaddib) sidayadii hore (ee nolosha adduunka)?
-
أَءِذَا كُنَّا عِظَـٰمًا نَّخِرَةً١١
Aitha kunna ʿithaman nakhiratan
Ma markaan noqonno lafo bololay?
-
قَالُوا۟ تِلْكَ إِذًا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌ١٢
Qaloo tilka ithan karratun khasiratun
Waxay odhan: Taasi waa noqosho khasaaro ah.
-
فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌ وَٰحِدَةٌ١٣
Fainnama hiya zajratun wahidatun
Waase hal Qeylo keliya.
-
فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ١٤
Faitha hum bialssahirati
Mise, waxay ahaan (kuwo nool) dhulka guudki (dhimashadoodii kaddib).
-
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ١٥
Hal ataka hadeethu moosa
Ma ku soo gaaray warkii Muuse?
-
إِذْ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى١٦
Ith nadahu rabbuhu bialwadi almuqaddasi tuwan
Markuu Rabbigi (Alle) uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwa.
-
ٱذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ١٧
Ithhab ila firʿawna innahu tagha
Aad Fircoon, wuu xadgudbaye.
-
فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ١٨
Faqul hal laka ila an tazakka
Oo ku dheh: Ma dooneysaa inaad iska daahiriso (shirkiga iyo macaasida)?
-
وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ١٩
Waahdiyaka ila rabbika fatakhsha
Oo aan kugu hanuunsho xagga Rabbigaa si aad uga baqdo?.
-
فَأَرَىٰهُ ٱلْـَٔايَةَ ٱلْكُبْرَىٰ٢٠
Faarahu alayata alkubra
Markaasuu tusay Calaamddii Weyneyd1.
Sharaxa hoose
[1] Gacantii ifeysay ama ushii maska weyn noqoneysay. -
فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ٢١
Fakaththaba waʿasa
(Fircoon) se wuu beeniyey oo caasiyey.
-
ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَىٰ٢٢
Thumma adbara yasʿa
Markaasuu dib u jeestay isagoo (xumaan u) socda.
-
فَحَشَرَ فَنَادَىٰ٢٣
Fahashara fanada
Oo soo kulmiyey (dadkiisii) oo kor u dhawaaqay.
-
فَقَالَ أَنَا۠ رَبُّكُمُ ٱلْأَعْلَىٰ٢٤
Faqala ana rabbukumu alaʿla
Oo yidhi: Waa aniga rabbigiin, sarreeya.
-
فَأَخَذَهُ ٱللَّهُ نَكَالَ ٱلْـَٔاخِرَةِ وَٱلْأُولَىٰٓ٢٥
Faakhathahu Allahu nakala alakhirati waaloola
Markaasuu Alle ku dhigay ciqaab lagu tusaale qaato (xadgudubkii) dambe (sheegashadiisa ilaahnimo) iyo tii hore darteed (beeninta Muuse).
-
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِّمَن يَخْشَىٰٓ٢٦
Inna fee thalika laʿibratan liman yakhsha
Arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan cibrad (digniin) qof kastoo ka baqa Alle.
-
ءَأَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ ٱلسَّمَآءُ ۚ بَنَىٰهَا٢٧
Aantum ashaddu khalqan ami alssamao banaha
Ma idinkaa adag abuur ahaan, mise samada, wuu dhisay.
-
رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّىٰهَا٢٨
Rafaʿa samkaha fasawwaha
Wuxuu (samada) kor yeelay jurmigeeda oo waliba simay.
-
وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَىٰهَا٢٩
Waaghtasha laylaha waakhraja duhaha
Oo ka yeelay mugdi habeenkeeda oo soo bixiyey maalinteeda (ifiyey).
-
وَٱلْأَرْضَ بَعْدَ ذَٰلِكَ دَحَىٰهَآ٣٠
Waalarda baʿda thalika dahaha
Dhulka markaa kaddib fidshay.
-
أَخْرَجَ مِنْهَا مَآءَهَا وَمَرْعَىٰهَا٣١
Akhraja minha maaha wamarʿaha
Wuxuu ka soo saaray biyaheeda iyo baadkeeda;
-
وَٱلْجِبَالَ أَرْسَىٰهَا٣٢
Waaljibala arsaha
Buurahana wuu dhidbay;
-
مَتَـٰعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَـٰمِكُمْ٣٣
Mataʿan lakum walianʿamikum
Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolahiinnuba.
-
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلطَّآمَّةُ ٱلْكُبْرَىٰ٣٤
Faitha jaati alttammatu alkubra
Markase ay timaaddo musiibada weyni.
-
يَوْمَ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَـٰنُ مَا سَعَىٰ٣٥
Yawma yatathakkaru alinsanu ma saʿa
Maalinka uu Aadmigu xusuusan wuxuu falay oo dhan.
-
وَبُرِّزَتِ ٱلْجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ٣٦
Waburrizati aljaheemu liman yara
Oo Naarta loo muujiyo qof (waliba) oo arkaya,
-
فَأَمَّا مَن طَغَىٰ٣٧
Faamma man tagha
Ma qofkii xad gudba.
-
وَءَاثَرَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا٣٨
Waathara alhayata alddunya
Oo door bida nolosha adduunkan.
-
فَإِنَّ ٱلْجَحِيمَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ٣٩
Fainna aljaheema hiya almawa
Hubaal Naarta waa hoygiisa.
-
وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ وَنَهَى ٱلنَّفْسَ عَنِ ٱلْهَوَىٰ٤٠
Waama man khafa maqama rabbihi wanaha alnnafsa ʿani alhawa
Qofkiise ka cabsada hor istaagga Rabbigi, oo ka reeba nafta hawa raaca.
-
فَإِنَّ ٱلْجَنَّةَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ٤١
Fainna aljannata hiya almawa
Hubaal Jannada - waa hoygiisa.
-
يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَىٰهَا٤٢
Yasaloonaka ʿani alssaʿati ayyana mursaha
Waxay wax kaa weydiin (Nabiyow) Saacadda (Qiyaame) goortay tahay.
-
فِيمَ أَنتَ مِن ذِكْرَىٰهَآ٤٣
Feema anta min thikraha
Maxaa ku ogeysiiyey waqtigeeda? Waxaad tahay mid ka mid ah calaamadaha soo dhowaanshaheeda.
-
إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَىٰهَآ٤٤
Ila rabbika muntahaha
Waa xagga Rabbigaa halkay ku dhammaan (ogaanshaheeda).
-
إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخْشَىٰهَا٤٥
Innama anta munthiru man yakhshaha
Waxaad uun tahay (Nabiyow) u dige kuwa ka baqa.
-
كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوٓا۟ إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَىٰهَا٤٦
Kaannahum yawma yarawnaha lam yalbathoo illa ʿashiyyatan aw duhaha
Maalinta ay arkayaan waxay ahaan sida inaysan ku nagaadin (adduunka) waxaan ahayn galab ama barqadeed.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda An-Naazicaat?
Macnaha An-Naazicaat waa “Kuwa soo siiba”.
Suuradda An-Naazicaat juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda An-Naazicaat waxay ku jirtaa juz’ 30.
Suuradda An-Naazicaat immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda An-Naazicaat waxay leedahay 46 aayadood.
Suuradda An-Naazicaat ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda An-Naazicaat waa suurad Makki ah.
Suuradda An-Naazicaat waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 79aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.