سورة عبس
Suuradda Cabasa oo af Soomaali ah
Wuu kuduuday
- 80
- 42 aayadood
- Makki
- Juz’ 30
- Bogga 585
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Cabasa (عبس) waa suuradda 80aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 42 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Wuu kuduuday”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Cabasa oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Cabasa oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ١
ʿAbasa watawalla
(Wejiguu) kuduuday oo jeesaday (Nebiga s.c.w),
-
أَن جَآءَهُ ٱلْأَعْمَىٰ٢
An jaahu alaʿma
Inuu u yimid indhoolihii1 darteed,
Sharaxa hoose
[1] Waa Cabdullaah ibn Um Maktuum a.k.r. -
وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُۥ يَزَّكَّىٰٓ٣
Wama yudreeka laʿallahu yazzakka
Miyaadse ogtahay waa intaasoo uu dooni inuu hanuuno oo is daahiriyo,
-
أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ ٱلذِّكْرَىٰٓ٤
Aw yaththakkaru fatanfaʿahu alththikra
Ama waansamo, oo waanadu anfacdo.
-
أَمَّا مَنِ ٱسْتَغْنَىٰ٥
Amma mani istaghna
Kan is deeqtoonsiiya (ee isla weyn),
-
فَأَنتَ لَهُۥ تَصَدَّىٰ٦
Faanta lahu tasadda
Miyaad adigu u banbixi,
-
وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ٧
Wama ʿalayka alla yazzakka
Eedna kaama saarna hadduusan hanuunin oo daahirin naftiisa,
-
وَأَمَّا مَن جَآءَكَ يَسْعَىٰ٨
Waamma man jaaka yasʿa
Kan se kuu yimid isagoo dadaalaya,
-
وَهُوَ يَخْشَىٰ٩
Wahuwa yakhsha
Oo (Alle ka) baqa,
-
فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ١٠
Faanta ʿanhu talahha
Miyaad adigu ka mashquuli.
-
كَلَّآ إِنَّهَا تَذْكِرَةٌ١١
Kalla innaha tathkiratun
Mayee, Aayadahani waa waano.
-
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ١٢
Faman shaa thakarahu
Ee qofkii doona ha ku waano qaato.
-
فِى صُحُفٍ مُّكَرَّمَةٍ١٣
Fee suhufin mukarramatin
Waxay ku sugan tahay (waanadan) kutub la sharfay (Looxa Maxfuudka).
-
مَّرْفُوعَةٍ مُّطَهَّرَةٍۭ١٤
Marfooʿatin mutahharatin
Kor ah, la dahiray.
-
بِأَيْدِى سَفَرَةٍ١٥
Biaydee safaratin
Ku jira gacmaha qorayaal (malaa’ig).
-
كِرَامٍۭ بَرَرَةٍ١٦
Kiramin bararatin
Sharaf leh oo baariyaal ah.
-
قُتِلَ ٱلْإِنسَـٰنُ مَآ أَكْفَرَهُۥ١٧
Qutila alinsanu ma akfarahu
Belo ha ku dhacdo aadmigee (waa kan gaalka ahi)! Muxuu jazaar yahay!
-
مِنْ أَىِّ شَىْءٍ خَلَقَهُۥ١٨
Min ayyi shayin khalaqahu
Muxuu Alle ka abuuray?
-
مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُۥ فَقَدَّرَهُۥ١٩
Min nutfatin khalaqahu faqaddarahu
Dhibic mani ah buu ka abuuray wuuna ekeeyey.
-
ثُمَّ ٱلسَّبِيلَ يَسَّرَهُۥ٢٠
Thumma alssabeela yassarahu
Markaas uga dhigay sahal dhabbaha1;
Sharaxa hoose
[1] Waa ka soo bixitaanka uurka hooyadi ama dhabbaha nolosha Ama jidka hanuunka. -
ثُمَّ أَمَاتَهُۥ فَأَقْبَرَهُۥ٢١
Thumma amatahu faaqbarahu
Markaasuu sababaa inuu dhinto, oo qabri lagu aaso;
-
ثُمَّ إِذَا شَآءَ أَنشَرَهُۥ٢٢
Thumma itha shaa ansharahu
Markuu doonana wuu soo bixin.
-
كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَآ أَمَرَهُۥ٢٣
Kalla lamma yaqdi ma amarahu
Mayee, ma uusan yeelin wuxuu amray.
-
فَلْيَنظُرِ ٱلْإِنسَـٰنُ إِلَىٰ طَعَامِهِۦٓ٢٤
Falyanthuri alinsanu ila taʿamihi
Ee qofku bal ha eego cunnadiisa.
-
أَنَّا صَبَبْنَا ٱلْمَآءَ صَبًّا٢٥
Anna sababna almaa sabban
Annagaa soo shubna biyaha (roobka) soo shubid badan,
-
ثُمَّ شَقَقْنَا ٱلْأَرْضَ شَقًّا٢٦
Thumma shaqaqna alarda shaqqan
Markaas Waxaan jeexnaa arlada jeexdin.
-
فَأَنۢبَتْنَا فِيهَا حَبًّا٢٧
Faanbatna feeha habban
Oo ka soo bixinnaa hadhuudh,
-
وَعِنَبًا وَقَضْبًا٢٨
Waʿinaban waqadban
Iyo cinab iyo naq.
-
وَزَيْتُونًا وَنَخْلًا٢٩
Wazaytoonan wanakhlan
Iyo zaytuun iyo geedo timireed.
-
وَحَدَآئِقَ غُلْبًا٣٠
Wahadaiqa ghulban
Iyo beero tanaad ah.
-
وَفَـٰكِهَةً وَأَبًّا٣١
Wafakihatan waabban
Iyo midho iyo caws.
-
مَّتَـٰعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَـٰمِكُمْ٣٢
Mataʿan lakum walianʿamikum
Sahay aad leedihiin ah idinka iyo xoolihiinnuba.
-
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلصَّآخَّةُ٣٣
Faitha jaati alssakhkhatu
Markase ay qeylada dhego beelisada ah timaaddo (afuufka labaad ee Buunka).
-
يَوْمَ يَفِرُّ ٱلْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ٣٤
Yawma yafirru almaro min akheehi
Maalinta uu qofku ka carari walaalki,
-
وَأُمِّهِۦ وَأَبِيهِ٣٥
Waommihi waabeehi
Iyo hooyadi iyo aabbihi.
-
وَصَـٰحِبَتِهِۦ وَبَنِيهِ٣٦
Wasahibatihi wabaneehi
Iyo xaaskiisa iyo ilmahiisa,
-
لِكُلِّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍ شَأْنٌ يُغْنِيهِ٣٧
Likulli imriin minhum yawmaithin shanun yughneehi
Qof walba oo ka mid ah Maalinkaas waxaa heysan arrin ku filan.
-
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ مُّسْفِرَةٌ٣٨
Wujoohun yawmaithin musfiratun
Wejiyo (qaar) Maalinkaas way ifi.
-
ضَاحِكَةٌ مُّسْتَبْشِرَةٌ٣٩
Dahikatun mustabshiratun
Iyagoo qosli ku faraxsan (Jannada) loogu bishaareyey.
-
وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌ٤٠
Wawujoohun yawmaithin ʿalayha ghabaratun
Wejiyona Maalinkaas (Qiyaame) waxay ahaan kuwo booreysan dulli ka muuqdo;
-
تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ٤١
Tarhaquha qataratun
Mugdi baa dabooli (iyo naxdin).
-
أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْكَفَرَةُ ٱلْفَجَرَةُ٤٢
Olaika humu alkafaratu alfajaratu
Kuwaasi waa kuwa ah gaalada, denbiilayaasha.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Cabasa?
Macnaha Cabasa waa “Wuu kuduuday”.
Suuradda Cabasa juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Cabasa waxay ku jirtaa juz’ 30.
Suuradda Cabasa immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Cabasa waxay leedahay 42 aayadood.
Suuradda Cabasa ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Cabasa waa suurad Makki ah.
Suuradda Cabasa waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 80aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.