سورة التكوير
Suuradda At-Takwiir oo af Soomaali ah
Duubidda
- 81
- 29 aayadood
- Makki
- Juz’ 30
- Bogga 586
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda At-Takwiir (التكوير) waa suuradda 81aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 29 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Duubidda”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda At-Takwiir oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda At-Takwiir oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
إِذَا ٱلشَّمْسُ كُوِّرَتْ١
Itha alshshamsu kuwwirat
Marka qorraxda la duubo (oo la iftiin tiro),
-
وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتْ٢
Waitha alnnujoomu inkadarat
Oo xiddiguhu daataan (oo nuurkoodu tago),
-
وَإِذَا ٱلْجِبَالُ سُيِّرَتْ٣
Waitha aljibalu suyyirat
Oo buuraha la rujiyo 'oo budo noqdaan'.
-
وَإِذَا ٱلْعِشَارُ عُطِّلَتْ٤
Waitha alʿisharu ʿuttilat
Oo geela rimman1 la cidleeyo (oo laga hayaamo).
Sharaxa hoose
[1] Qofka waxa uu maal ugu jecel yahay. -
وَإِذَا ٱلْوُحُوشُ حُشِرَتْ٥
Waitha alwuhooshu hushirat
Oo dugaagga la soo wada kulmiyo (qisaas darteed).
-
وَإِذَا ٱلْبِحَارُ سُجِّرَتْ٦
Waitha albiharu sujjirat
Oo badaha la shido (ama isku soo fatahmaan);
-
وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتْ٧
Waitha alnnufoosu zuwwijat
Oo nafaha lagu lammaaniyo jirarkoodii1;
Sharaxa hoose
[1] Macno kale lagu lammaansho eynigood iyo waxay is leeyihiin oo la mid ah. -
وَإِذَا ٱلْمَوْءُۥدَةُ سُئِلَتْ٨
Waitha almawoodatu suilat
Oo (tii kastoo yaraan) lagu nolol xabaalay la weydiiyo,
-
بِأَىِّ ذَنۢبٍ قُتِلَتْ٩
Biayyi thanbin qutilat
Maxaa denbi ahoo loo dilay?
-
وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتْ١٠
Waitha alssuhufu nushirat
Marka kutubta (acmaasha aadmiga ee malaa'igtu qorayeen) la fidiyo.
-
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتْ١١
Waitha alssamao kushitat
Oo samada laga rujiyo meesheeda,
-
وَإِذَا ٱلْجَحِيمُ سُعِّرَتْ١٢
Waitha aljaheemu suʿʿirat
Oo Naarta la huriyo.
-
وَإِذَا ٱلْجَنَّةُ أُزْلِفَتْ١٣
Waitha aljannatu ozlifat
Oo Jannada la soo dhoweeyo.
-
عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّآ أَحْضَرَتْ١٤
ʿAlimat nafsun ma ahdarat
Waxay ogaan nafi waxay la timid (khayr ama shar).
-
فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلْخُنَّسِ١٥
Fala oqsimu bialkhunnasi
Waxaan ku dhaartay xiddigaha qarsooma (maalintii).
-
ٱلْجَوَارِ ٱلْكُنَّسِ١٦
Aljawari alkunnasi
Ee ku socda rugahooda ee qarsoomee (dhaca).
-
وَٱلَّيْلِ إِذَا عَسْعَسَ١٧
Waallayli itha ʿasʿasa
Iyo habeenka markuu yimaado (ama tago).
-
وَٱلصُّبْحِ إِذَا تَنَفَّسَ١٨
Waalssubhi itha tanaffasa
Iyo subaxu markuu neefsado (oo soo baxo iftiinkiisa).
-
إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ١٩
Innahu laqawlu rasoolin kareemin
Hubaal kani (Qur'aanka) waa hadal 'Alle' uu keenay Rasuul sharaf badan (Jabriil).
-
ذِى قُوَّةٍ عِندَ ذِى ٱلْعَرْشِ مَكِينٍ٢٠
Thee quwwatin ʿinda thee alʿarshi makeenin
Awood iyo meeqaan sare ku leh (Alle) agtiis, Rabbiga Carshiga Weyn,
-
مُّطَاعٍ ثَمَّ أَمِينٍ٢١
Mutaʿin thamma ameenin
La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo.
-
وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجْنُونٍ٢٢
Wama sahibukum bimajnoonin
Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha jinnoole.
-
وَلَقَدْ رَءَاهُ بِٱلْأُفُقِ ٱلْمُبِينِ٢٣
Walaqad raahu bialofuqi almubeeni
Horay buuna ugu arkay (Jabriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa).
-
وَمَا هُوَ عَلَى ٱلْغَيْبِ بِضَنِينٍ٢٤
Wama huwa ʿala alghaybi bidaneenin
Ma aha (Nabi Muxammad) mid ceshada 'bakheyla amaba looga shakiyo' cilmiga ku saabsan Ghaybka 'ee Qarsoon'.
-
وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَيْطَـٰنٍ رَّجِيمٍ٢٥
Wama huwa biqawli shaytanin rajeemin
(Qur’aankuna) ma aha hadalka Shaydaan laga fogeeyey (Naxariista Alle).
-
فَأَيْنَ تَذْهَبُونَ٢٦
Faayna tathhaboona
Ee xaggee 'gaalooy' aadeysaan?
-
إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَـٰلَمِينَ٢٧
In huwa illa thikrun lilʿalameena
(Qur’aanku) ma aha waxaan aheyn Waano ku socota ummadaha oo dhan.
-
لِمَن شَآءَ مِنكُمْ أَن يَسْتَقِيمَ٢٨
Liman shaa minkum an yastaqeema
Qofkii idinka mid ah ee dooni inuu (ku) toosnaado (Xaqa).
-
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلْعَـٰلَمِينَ٢٩
Wama tashaoona illa an yashaa Allahu rabbu alʿalameena
Oo waxna ma dooni kartaan wuxuu Alle doono maahee, Rabbiga uumanka.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda At-Takwiir?
Macnaha At-Takwiir waa “Duubidda”.
Suuradda At-Takwiir juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda At-Takwiir waxay ku jirtaa juz’ 30.
Suuradda At-Takwiir immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda At-Takwiir waxay leedahay 29 aayadood.
Suuradda At-Takwiir ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda At-Takwiir waa suurad Makki ah.
Suuradda At-Takwiir waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 81aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.