سورة المطففين
Suuradda Al-Mudaffifiin oo af Soomaali ah
Kuwa miisaanka dhima
- 83
- 36 aayadood
- Makki
- Juz’ 30
- Bogagga 587–589
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Mudaffifiin (المطففين) waa suuradda 83aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 36 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Kuwa miisaanka dhima”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Mudaffifiin oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Mudaffifiin oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ١
Waylun lilmutaffifeena
Hoog waxaa leh kuwa dadka (xaqooda) duudsiya oo dhima 'nuqsaamiya'.
-
ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكْتَالُوا۟ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسْتَوْفُونَ٢
Allatheena itha iktaloo ʿala alnnasi yastawfoona
Waa kuwa markay wax beegan u oofsada si dhan oo kaamil ah.
-
وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ٣
Waitha kaloohum aw wazanoohum yukhsiroona
Markase ay u beegi dadka kale ama miisaami ka dhima oo nuqsaamiya.
-
أَلَا يَظُنُّ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبْعُوثُونَ٤
Ala yathunnu olaika annahum mabʿoothoona
Miyeyna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo).
-
لِيَوْمٍ عَظِيمٍ٥
Liyawmin ʿatheemin
Maalin weyn (Qiyaamada).
-
يَوْمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ٦
Yawma yaqoomu alnnasu lirabbi alʿalameena
Maalinta dadku istaagi Rabbiga uumanka horti?
-
كَلَّآ إِنَّ كِتَـٰبَ ٱلْفُجَّارِ لَفِى سِجِّينٍ٧
Kalla inna kitaba alfujjari lafee sijjeenin
Mayee, hubaal diiwaanka (camalka) dadka xun wuxuu yaal Sijjiin.
-
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سِجِّينٌ٨
Wama adraka ma sijjeenun
Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiin yahay1?
Sharaxa hoose
[1] Sijiin waa meel cidhiidhi ah oo ah halka u hooseysa arlada toddobaad. -
كِتَـٰبٌ مَّرْقُومٌ٩
Kitabun marqoomun
Waa (aayahooda) kitaab (ku) calaameysan.
-
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ١٠
Waylun yawmaithin lilmukaththibeena
Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
-
ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ١١
Allatheena yukaththiboona biyawmi alddeeni
Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta (Qiyaamada).
-
وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ١٢
Wama yukaththibu bihi illa kullu muʿtadin atheemin
Cidina ma beeniso aan aheyn xadgudbe kastoo denbiile ah.
-
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَـٰتُنَا قَالَ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ١٣
Itha tutla ʿalayhi ayatuna qala asateeru alawwaleena
Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore.
-
كَلَّا ۖ بَلْ ۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ١٤
Kalla bal rana ʿala quloobihim ma kanoo yaksiboona
Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood.
-
كَلَّآ إِنَّهُمْ عَن رَّبِّهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّمَحْجُوبُونَ١٥
Kalla innahum ʿan rabbihim yawmaithin lamahjooboona
Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi Rabbigood.
-
ثُمَّ إِنَّهُمْ لَصَالُوا۟ ٱلْجَحِيمِ١٦
Thumma innahum lasaloo aljaheemi
Markaasay waxay hubaal gali oo ku guban Naar olol badan.
-
ثُمَّ يُقَالُ هَـٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ١٧
Thumma yuqalu hatha allathee kuntum bihi tukaththiboona
Waxaa markaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen.
-
كَلَّآ إِنَّ كِتَـٰبَ ٱلْأَبْرَارِ لَفِى عِلِّيِّينَ١٨
Kalla inna kitaba alabrari lafee ʿilliyyeena
Mayee, hubaal, diiwaanka (camalka) dadka wanaagsan wuxuu yaal Cilliyyiin (samada toddobaad).
-
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ١٩
Wama adraka ma ʿilliyyoona
Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyiin yahay?
-
كِتَـٰبٌ مَّرْقُومٌ٢٠
Kitabun marqoomun
Waa (aayaha mu'miniinta) kitaab (ku) calaameysan.
-
يَشْهَدُهُ ٱلْمُقَرَّبُونَ٢١
Yashhaduhu almuqarraboona
Waxaa arka (malaa’igtaa) ku dhow (Alle).
-
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍ٢٢
Inna alabrara lafee naʿeemin
Hubaal, baarriyiinta waxay ku sugnaan barwaaqo (Janno).
-
عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ٢٣
ʿAla alaraiki yanthuroona
Sariiro boqoreed korkood iyagoo ka daawan (wax waliba oo nicmooyinka Jannada ah).
-
تَعْرِفُ فِى وُجُوهِهِمْ نَضْرَةَ ٱلنَّعِيمِ٢٤
Taʿrifu fee wujoohihim nadrata alnnaʿeemi
Waxaad ka garan wejiyadooda dhalaalka barwaaqada.
-
يُسْقَوْنَ مِن رَّحِيقٍ مَّخْتُومٍ٢٥
Yusqawna min raheeqin makhtoomin
Waxaa laga waraabin khamri (saafi ah) ee la abburay.
-
خِتَـٰمُهُۥ مِسْكٌ ۚ وَفِى ذَٰلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ ٱلْمُتَنَـٰفِسُونَ٢٦
Khitamuhu miskun wafee thalika falyatanafasi almutanafisoona
Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu.
-
وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسْنِيمٍ٢٧
Wamizajuhu min tasneemin
Dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah.
-
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا ٱلْمُقَرَّبُونَ٢٨
ʿAynan yashrabu biha almuqarraboona
Il ay ka cabbi kuwa (Alle) u dhow.
-
إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجْرَمُوا۟ كَانُوا۟ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يَضْحَكُونَ٢٩
Inna allatheena ajramoo kanoo mina allatheena amanoo yadhakoona
Denbiilayaashu waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeeyey ee mu'miniinta ah.
-
وَإِذَا مَرُّوا۟ بِهِمْ يَتَغَامَزُونَ٣٠
Waitha marroo bihim yataghamazoona
Hadday soo ag maraanna waa isu il-jabin jireen.
-
وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَهْلِهِمُ ٱنقَلَبُوا۟ فَكِهِينَ٣١
Waitha inqalaboo ila ahlihimu inqalaboo fakiheena
Markay u laabtaanna ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya,
-
وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوٓا۟ إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ٣٢
Waitha raawhum qaloo inna haolai ladalloona
Markay arkaan (mu'miniinta) waxay odhan jireen: Kuwakanu xaqiiq waa kuwo lunsan.
-
وَمَآ أُرْسِلُوا۟ عَلَيْهِمْ حَـٰفِظِينَ٣٣
Wama orsiloo ʿalayhim hafitheena
Ma loo dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda.
-
فَٱلْيَوْمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنَ ٱلْكُفَّارِ يَضْحَكُونَ٣٤
Faalyawma allatheena amanoo mina alkuffari yadhakoona
Maalinta (Qiyaame) kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay ku qosli gaalada.
-
عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ٣٥
ʿAla alaraiki yanthuroona
Sariiro boqoreed (sare) korkood iyagoo ka daawan.
-
هَلْ ثُوِّبَ ٱلْكُفَّارُ مَا كَانُوا۟ يَفْعَلُونَ٣٦
Hal thuwwiba alkuffaru ma kanoo yafʿaloona
Miyaan laga abaal marin gaalada waxay (xume) falayeen?
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Mudaffifiin?
Macnaha Al-Mudaffifiin waa “Kuwa miisaanka dhima”.
Suuradda Al-Mudaffifiin juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Mudaffifiin waxay ku jirtaa juz’ 30.
Suuradda Al-Mudaffifiin immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Mudaffifiin waxay leedahay 36 aayadood.
Suuradda Al-Mudaffifiin ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Mudaffifiin waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Mudaffifiin waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 83aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.