سورة الإنشقاق

Suuradda Al-Inshiqaaq oo af Soomaali ah

Kala jeexmidda

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Inshiqaaq (الإنشقاق) waa suuradda 84aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 25 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Kala jeexmidda”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Inshiqaaq oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Inshiqaaq oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنشَقَّتْ۝١

    Itha alssamao inshaqqat

    Markay samadu dildillaacdo (Qiyaamada).

  2. وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ۝٢

    Waathinat lirabbiha wahuqqat

    Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo;

  3. وَإِذَا ٱلْأَرْضُ مُدَّتْ۝٣

    Waitha alardu muddat

    Marka arlada la fidiyo,

  4. وَأَلْقَتْ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتْ۝٤

    Waalqat ma feeha watakhallat

    Oo u soo tuurto debedda waxa gudaheeda ku jira oo ka marnaato,

  5. وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ۝٥

    Waathinat lirabbiha wahuqqat

    Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo1.

    Sharaxa hoose
    [1] Wuxuu la kulmi qof walba camalkiisa.
  6. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْإِنسَـٰنُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدْحًا فَمُلَـٰقِيهِ۝٦

    Ya ayyuha alinsanu innaka kadihun ila rabbika kadhan famulaqeehi

    Qofyahow! Waad dhibboon oo u camal fali xagga Rabbigaa, waadna la kulmi1.

    Sharaxa hoose
    [1] Natiijada camalkaaga khayr ama shar wuxuu yahayba Maalinta Qiyaamaha.
  7. فَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَـٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ۝٧

    Faama man ootiya kitabahu biyameenihi

    Ee ma kan lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig,

  8. فَسَوْفَ يُحَاسَبُ حِسَابًا يَسِيرًا۝٨

    Fasawfa yuhasabu hisaban yaseeran

    Waxaa la xisaabin xisaab fudud.

  9. وَيَنقَلِبُ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ مَسْرُورًا۝٩

    Wayanqalibu ila ahlihi masrooran

    Wuxuu u laaban ehelkiisa (Jannada ku sugan) isagoo faraxsan.

  10. وَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَـٰبَهُۥ وَرَآءَ ظَهْرِهِۦ۝١٠

    Waamma man ootiya kitabahu waraa thahrihi

    Kanse laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa,

  11. فَسَوْفَ يَدْعُوا۟ ثُبُورًا۝١١

    Fasawfa yadʿoo thubooran

    Wuxuu u yeedhan hoog iyo ba'.

  12. وَيَصْلَىٰ سَعِيرًا۝١٢

    Wayasla saʿeeran

    Oo geli naar ololeysa oo hur badan.

  13. إِنَّهُۥ كَانَ فِىٓ أَهْلِهِۦ مَسْرُورًا۝١٣

    Innahu kana fee ahlihi masrooran

    Wuxuu ahaa xaqiiq mid Ehelkiisa dhexdooda (waagii adduunka) kibirsan.

  14. إِنَّهُۥ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ۝١٤

    Innahu thanna an lan yahoora

    Wuxuu xaqiiq moodayey inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga).

  15. بَلَىٰٓ إِنَّ رَبَّهُۥ كَانَ بِهِۦ بَصِيرًا۝١٥

    Bala inna rabbahu kana bihi baseeran

    Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday.

  16. فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلشَّفَقِ۝١٦

    Fala oqsimu bialshshafaqi

    Mayee, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac;

  17. وَٱلَّيْلِ وَمَا وَسَقَ۝١٧

    Waallayli wama wasaqa

    Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo;

  18. وَٱلْقَمَرِ إِذَا ٱتَّسَقَ۝١٨

    Waalqamari itha ittasaqa

    Iyo dayaxa markuu buuxsamo.

  19. لَتَرْكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٍ۝١٩

    Latarkabunna tabaqan ʿan tabaqin

    Waxaad (dadow) mari heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba).

  20. فَمَا لَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ۝٢٠

    Fama lahum la yuminoona

    Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn xaqa?

  21. وَإِذَا قُرِئَ عَلَيْهِمُ ٱلْقُرْءَانُ لَا يَسْجُدُونَ ۩۝٢١

    Waitha quria ʿalayhimu alquranu la yasjudoona

    Marka Qur’aanka loo akhriyana uma sujuudaan Rabbigood (umana hoggansamaan)?

  22. بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يُكَذِّبُونَ۝٢٢

    Bali allatheena kafaroo yukaththiboona

    Waxayse kuwa gaalooba beeniyaan (Xaqa).

  23. وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا يُوعُونَ۝٢٣

    WaAllahu aʿlamu bima yooʿoona

    Oo Alle waa og yahay waxay qarsan.

  24. فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ۝٢٤

    Fabashshirhum biʿathabin aleemin

    Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.

  25. إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍۭ۝٢٥

    Illa allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati lahum ajrun ghayru mamnoonin

    Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’eynin (waa Jannada'e).

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Inshiqaaq?

Macnaha Al-Inshiqaaq waa “Kala jeexmidda”.

Suuradda Al-Inshiqaaq juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Inshiqaaq waxay ku jirtaa juz’ 30.

Suuradda Al-Inshiqaaq immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Inshiqaaq waxay leedahay 25 aayadood.

Suuradda Al-Inshiqaaq ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Inshiqaaq waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Inshiqaaq waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 84aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.