سورة الطارق

Suuradda Ad-Daariq oo af Soomaali ah

Kan habeenkii yimaada

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Ad-Daariq (الطارق) waa suuradda 86aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 17 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Kan habeenkii yimaada”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Ad-Daariq oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Ad-Daariq oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ۝١

    Waalssamai waalttariqi

    Waxaan ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura.

  2. وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلطَّارِقُ۝٢

    Wama adraka ma alttariqu

    Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay?

  3. ٱلنَّجْمُ ٱلثَّاقِبُ۝٣

    Alnnajmu alththaqibu

    Waa xiddiggaa iftiinka badan.

  4. إِن كُلُّ نَفْسٍ لَّمَّا عَلَيْهَا حَافِظٌ۝٤

    In kullu nafsin lamma ʿalayha hafithun

    Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag).

  5. فَلْيَنظُرِ ٱلْإِنسَـٰنُ مِمَّ خُلِقَ۝٥

    Falyanthuri alinsanu mimma khuliqa

    Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray.

  6. خُلِقَ مِن مَّآءٍ دَافِقٍ۝٦

    Khuliqa min main dafiqin

    Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda.

  7. يَخْرُجُ مِنۢ بَيْنِ ٱلصُّلْبِ وَٱلتَّرَآئِبِ۝٧

    Yakhruju min bayni alssulbi waalttaraibi

    Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood,

  8. إِنَّهُۥ عَلَىٰ رَجْعِهِۦ لَقَادِرٌ۝٨

    Innahu ʿala rajʿihi laqadirun

    Hubaal (Alle) wuu Karaa inuu u soo celiyo nolosha (dhimasho kaddib).

  9. يَوْمَ تُبْلَى ٱلسَّرَآئِرُ۝٩

    Yawma tubla alssarairu

    Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo siraha la soo bandhigi (xaqiiqdooda).

  10. فَمَا لَهُۥ مِن قُوَّةٍ وَلَا نَاصِرٍ۝١٠

    Fama lahu min quwwatin wala nasirin

    Ma leh (gaalku Maalintaas) xoog ama wax u soo gargaara midna.

  11. وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجْعِ۝١١

    Waalssamai thati alrrajʿi

    Waxaan ku dhaartay cirka leh roobka soo noqnoqda.

  12. وَٱلْأَرْضِ ذَاتِ ٱلصَّدْعِ۝١٢

    Waalardi thati alssadʿi

    Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa),

  13. إِنَّهُۥ لَقَوْلٌ فَصْلٌ۝١٣

    Innahu laqawlun faslun

    Xaqiiq, kani (Qur'aanku) waa hadal cad oo kala saara (xaqa iyo baadilka).

  14. وَمَا هُوَ بِٱلْهَزْلِ۝١٤

    Wama huwa bialhazli

    Oo ma aha dhayal (dheel).

  15. إِنَّهُمْ يَكِيدُونَ كَيْدًا۝١٥

    Innahum yakeedoona kaydan

    Xaqiiq (gaaladu) wax bay dhagri oo qorsheyn.

  16. وَأَكِيدُ كَيْدًا۝١٦

    Waakeedu kaydan

    Aniguna (sidoo kale) Waxaan qorsheyn qorshe.

  17. فَمَهِّلِ ٱلْكَـٰفِرِينَ أَمْهِلْهُمْ رُوَيْدًۢا۝١٧

    Famahhili alkafireena amhilhum ruwaydan

    Ee u sug gaalada: Daa wax yar.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Ad-Daariq?

Macnaha Ad-Daariq waa “Kan habeenkii yimaada”.

Suuradda Ad-Daariq juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Ad-Daariq waxay ku jirtaa juz’ 30.

Suuradda Ad-Daariq immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Ad-Daariq waxay leedahay 17 aayadood.

Suuradda Ad-Daariq ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Ad-Daariq waa suurad Makki ah.

Suuradda Ad-Daariq waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 86aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.