سورة الغاشية
Suuradda Al-Ghaashiya oo af Soomaali ah
Dabooshada
- 88
- 26 aayadood
- Makki
- Juz’ 30
- Bogga 592
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Ghaashiya (الغاشية) waa suuradda 88aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 26 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Dabooshada”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Ghaashiya oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Ghaashiya oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْغَـٰشِيَةِ١
Hal ataka hadeethu alghashiyati
Mawuusan kuu iman warka dabooshada (Qiyaamada).
-
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ خَـٰشِعَةٌ٢
Wujoohun yawmaithin khashiʿatun
Wejiyaal maalintaas waxay ahaan kuwo dullaysan (waa gaalada).
-
عَامِلَةٌ نَّاصِبَةٌ٣
ʿamilatun nasibatun
(Ku) howlan (adduunka caabuddaada cid kale la jirka Alle), daallan (Aakhirada).
-
تَصْلَىٰ نَارًا حَامِيَةً٤
Tasla naran hamiyatan
Gali Naar kulul oo ku guban.
-
تُسْقَىٰ مِنْ عَيْنٍ ءَانِيَةٍ٥
Tusqa min ʿaynin aniyatin
Waxaa laga waraabin il kulul oo kareysa.
-
لَّيْسَ لَهُمْ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٍ٦
Laysa lahum taʿamun illa min dareeʿin
Ma laha wax cunto ah qodxo maahee.
-
لَّا يُسْمِنُ وَلَا يُغْنِى مِن جُوعٍ٧
La yusminu wala yughnee min jooʿin
Kaasoo aan waxna cayilineynin, gaajona wax ka tareyn.
-
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ نَّاعِمَةٌ٨
Wujoohun yawmaithin naʿimatun
Wejiyo Maalintaas waxay ahaan kuwo nicmeysan (waa wejiyada mu'miniinta).
-
لِّسَعْيِهَا رَاضِيَةٌ٩
Lisaʿyiha radiyatun
Raalli ah dadaalkoodii darti.
-
فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍ١٠
Fee jannatin ʿaliyatin
Ku sugnaan Janno sare gudaheed.
-
لَّا تَسْمَعُ فِيهَا لَـٰغِيَةً١١
La tasmaʿu feeha laghiyatan
Aysan ku maqleyn hadal macno darro ah.
-
فِيهَا عَيْنٌ جَارِيَةٌ١٢
Feeha ʿaynun jariyatun
Waxaa ah dhexdeeda il socota.
-
فِيهَا سُرُرٌ مَّرْفُوعَةٌ١٣
Feeha sururun marfooʿatun
Iyo sariirro la kor yeelay.
-
وَأَكْوَابٌ مَّوْضُوعَةٌ١٤
Waakwabun mawdooʿatun
Iyo koobab diyaar laga dhigay.
-
وَنَمَارِقُ مَصْفُوفَةٌ١٥
Wanamariqu masfoofatun
Iyo barkimooyin la safay.
-
وَزَرَابِىُّ مَبْثُوثَةٌ١٦
Wazarabiyyu mabthoothatun
Iyo gogollo la fidshey.
-
أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى ٱلْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ١٧
Afala yanthuroona ila alibili kayfa khuliqat
Mawaysan fiirin geela, sida loo abuuray?
-
وَإِلَى ٱلسَّمَآءِ كَيْفَ رُفِعَتْ١٨
Waila alssamai kayfa rufiʿat
Iyo cirka, sida loo kor yeelay?
-
وَإِلَى ٱلْجِبَالِ كَيْفَ نُصِبَتْ١٩
Waila aljibali kayfa nusibat
Iyo buuraha, sida loo taagay?
-
وَإِلَى ٱلْأَرْضِ كَيْفَ سُطِحَتْ٢٠
Waila alardi kayfa sutihat
Iyo dhulka, sida loo fidiyey?
-
فَذَكِّرْ إِنَّمَآ أَنتَ مُذَكِّرٌ٢١
Fathakkir innama anta muthakkirun
Ee waani (dadka), waayo waxaad adigu (Nabiyow) uun tahay waaniye.
-
لَّسْتَ عَلَيْهِم بِمُصَيْطِرٍ٢٢
Lasta ʿalayhim bimusaytirin
Ma tihid adigu mid qasab ku leh.
-
إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ٢٣
Illa man tawalla wakafara
Qofkiise (Xaqa) ka jeesada oo gaalooba;
-
فَيُعَذِّبُهُ ٱللَّهُ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَكْبَرَ٢٤
Fayuʿaththibuhu Allahu alʿathaba alakbara
Wuxuu Alle ku cadaabi cadaab aad u weyn.
-
إِنَّ إِلَيْنَآ إِيَابَهُمْ٢٥
Inna ilayna iyabahum
Hubaal waa Xaggayaga meel noqodkoodu;
-
ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا حِسَابَهُم٢٦
Thumma inna ʿalayna hisabahum
Markaas hubaal Annagay na saaran tahay xisaabintooda.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Ghaashiya?
Macnaha Al-Ghaashiya waa “Dabooshada”.
Suuradda Al-Ghaashiya juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Ghaashiya waxay ku jirtaa juz’ 30.
Suuradda Al-Ghaashiya immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Ghaashiya waxay leedahay 26 aayadood.
Suuradda Al-Ghaashiya ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Ghaashiya waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Ghaashiya waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 88aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.