سورة البلد

Suuradda Al-Balad oo af Soomaali ah

Magaalada

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Balad (البلد) waa suuradda 90aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 20 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Magaalada”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Balad oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Balad oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. لَآ أُقْسِمُ بِهَـٰذَا ٱلْبَلَدِ۝١

    La oqsimu bihatha albaladi

    Waxaan ku dhaartay magaaladan (Makkah ee xurmadda leh).

  2. وَأَنتَ حِلٌّۢ بِهَـٰذَا ٱلْبَلَدِ۝٢

    Waanta hillun bihatha albaladi

    Waa kuu xalaal (Nabiyow inaad saacad ku dagaallanto) magaaladan1 (aad horey u degganeyd).

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c w. Wuxuu yidhi: Aniga waxaa la I banneeyey inaan kula dagaalo (gaalada mushrikiinta ah) saacad keliya Makkah, haddana xurmadeedda waa sidii hore." Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi maalintii furashada Makkah: Beledkan Alle waa caagay, waa inaan la goyn qodaxdiisa, oo la didin ugaadhiisa, oo la qaadan wixii ku luma oo dad ka dhaca qof naadinaya oo carrifaya maahee.
  3. وَوَالِدٍ وَمَا وَلَدَ۝٣

    Wawalidin wama walada

    Waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo wiilkiisa 'Ismaaciil'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa kaloo lagu fasiray: Waa igu Aadam iyo durriyadiisa.
  4. لَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ فِى كَبَدٍ۝٤

    Laqad khalaqna alinsana fee kabadin

    Waxaan abuurnay aadmiga isagoo dhib iyo howl (kala kulmi nolosha adduunka).

  5. أَيَحْسَبُ أَن لَّن يَقْدِرَ عَلَيْهِ أَحَدٌ۝٥

    Ayahsabu an lan yaqdira ʿalayhi ahadun

    Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn?

  6. يَقُولُ أَهْلَكْتُ مَالًا لُّبَدًا۝٦

    Yaqoolu ahlaktu malan lubadan

    Wuxuu leeyahay (isagoo ku faani): Waxaan lumiyey maal tiro badan.

  7. أَيَحْسَبُ أَن لَّمْ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ۝٧

    Ayahsabu an lam yarahu ahadun

    Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag?

  8. أَلَمْ نَجْعَل لَّهُۥ عَيْنَيْنِ۝٨

    Alam najʿal lahu ʿaynayni

    Miyaannaan u yeelin labo indhood?.

  9. وَلِسَانًا وَشَفَتَيْنِ۝٩

    Walisanan washafatayni

    Iyo carrab iyo labo bishimood?

  10. وَهَدَيْنَـٰهُ ٱلنَّجْدَيْنِ۝١٠

    Wahadaynahu alnnajdayni

    oo aan tusin labada jidood (khayrka iyo sharka)?.

  11. فَلَا ٱقْتَحَمَ ٱلْعَقَبَةَ۝١١

    Fala iqtahama alʿaqabata

    Ee muu ka gudbo jidka buurta ah?

  12. وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْعَقَبَةُ۝١٢

    Wama adraka ma alʿaqabatu

    Maxaa ku ogeysiiyey (waxa looga gudbo) jidka buurta ah?

  13. فَكُّ رَقَبَةٍ۝١٣

    Fakku raqabatin

    Waa addoon la xoreeyo.

  14. أَوْ إِطْعَـٰمٌ فِى يَوْمٍ ذِى مَسْغَبَةٍ۝١٤

    Aw itʿamun fee yawmin thee masghabatin

    Ama siinta cunno maalin gaajo (abaar) jirto.

  15. يَتِيمًا ذَا مَقْرَبَةٍ۝١٥

    Yateeman tha maqrabatin

    Agoon kuu dhow.

  16. أَوْ مِسْكِينًا ذَا مَتْرَبَةٍ۝١٦

    Aw miskeenan tha matrabatin

    Ama miskiin dhulka yaal.

  17. ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلصَّبْرِ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلْمَرْحَمَةِ۝١٧

    Thumma kana mina allatheena amanoo watawasaw bialssabri watawasaw bialmarhamati

    Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeeyey, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo samirka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta).

  18. أُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ۝١٨

    Olaika ashabu almaymanati

    Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada).

  19. وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا هُمْ أَصْحَـٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ۝١٩

    Waallatheena kafaroo biayatina hum ashabu almashamati

    Kuwase ku gaalooba Aayadahayaga waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka).

  20. عَلَيْهِمْ نَارٌ مُّؤْصَدَةٌۢ۝٢٠

    ʿAlayhim narun musadatun

    Waxaa lagu dabooli dushooda Naar (dab aan dameyn ah).

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Balad?

Macnaha Al-Balad waa “Magaalada”.

Suuradda Al-Balad juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Balad waxay ku jirtaa juz’ 30.

Suuradda Al-Balad immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Balad waxay leedahay 20 aayadood.

Suuradda Al-Balad ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Balad waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Balad waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 90aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.