سورة الشمس

Suuradda Ash-Shams oo af Soomaali ah

Qorraxda

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Ash-Shams (الشمس) waa suuradda 91aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 15 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Qorraxda”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Ash-Shams oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Ash-Shams oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. وَٱلشَّمْسِ وَضُحَىٰهَا۝١

    Waalshshamsi waduhaha

    Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo caddaanta barqadeeda;

  2. وَٱلْقَمَرِ إِذَا تَلَىٰهَا۝٢

    Waalqamari itha talaha

    Iyo dayaxa markuu raaco (qorraxda).

  3. وَٱلنَّهَارِ إِذَا جَلَّىٰهَا۝٣

    Waalnnahari itha jallaha

    Iyo maalinta markay muujiso (arlada) oo ifiso.

  4. وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰهَا۝٤

    Waallayli itha yaghshaha

    Iyo habeenka markuu daboolo arlada (oo madoobaado).

  5. وَٱلسَّمَآءِ وَمَا بَنَىٰهَا۝٥

    Waalssamai wama banaha

    Iyo samada iyo siduu (Alle) u dhisay;

  6. وَٱلْأَرْضِ وَمَا طَحَىٰهَا۝٦

    Waalardi wama tahaha

    Iyo arlada iyo siduu (Alle) u fidshay,

  7. وَنَفْسٍ وَمَا سَوَّىٰهَا۝٧

    Wanafsin wama sawwaha

    Iyo nafta iyo siduu (Alle) u ekeeyey.

  8. فَأَلْهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقْوَىٰهَا۝٨

    Faalhamaha fujooraha wataqwaha

    Markaas kala garansiiyey xumaheeda iyo toosnideeda,

  9. قَدْ أَفْلَحَ مَن زَكَّىٰهَا۝٩

    Qad aflaha man zakkaha

    Waxaa liibaani qofka (ka) daahiriya naftiisa (shirki iyo macaasi).

  10. وَقَدْ خَابَ مَن دَسَّىٰهَا۝١٠

    Waqad khaba man dassaha

    Waxaa khasaari qofka xumeeya naftiisa.

  11. كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِطَغْوَىٰهَآ۝١١

    Kaththabat thamoodu bitaghwaha

    Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti.

  12. إِذِ ٱنۢبَعَثَ أَشْقَىٰهَا۝١٢

    Ithi inbaʿatha ashqaha

    Markuu soo baxay koodii uga sharka badnaa (si uu hasha u dilo).

  13. فَقَالَ لَهُمْ رَسُولُ ٱللَّهِ نَاقَةَ ٱللَّهِ وَسُقْيَـٰهَا۝١٣

    Faqala lahum rasoolu Allahi naqata Allahi wasuqyaha

    Markaasuu Rasuulkii Alle (Nabi Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Alle (ha dilana) oo siiya waraabkeeda.

  14. فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمْدَمَ عَلَيْهِمْ رَبُّهُم بِذَنۢبِهِمْ فَسَوَّىٰهَا۝١٤

    Fakaththaboohu faʿaqarooha fadamdama ʿalayhim rabbuhum bithanbihim fasawwaha

    Wayse beeniyeen oo boqna gooyeen hashii (dileen). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey denbigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii).

  15. وَلَا يَخَافُ عُقْبَـٰهَا۝١٥

    Wala yakhafu ʿuqbaha

    Kama uuna cabsado cidhibteeda1.

    Sharaxa hoose
    [1] Cidhibta kuwa uu halaagay oo wax loo soo raacdo ama looga daba yimaado, waayo waa Adkaadaha aan laga adkaan.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Ash-Shams?

Macnaha Ash-Shams waa “Qorraxda”.

Suuradda Ash-Shams juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Ash-Shams waxay ku jirtaa juz’ 30.

Suuradda Ash-Shams immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Ash-Shams waxay leedahay 15 aayadood.

Suuradda Ash-Shams ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Ash-Shams waa suurad Makki ah.

Suuradda Ash-Shams waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 91aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.