سورة الليل
Suuradda Al-Layl oo af Soomaali ah
Habeenka
- 92
- 21 aayadood
- Makki
- Juz’ 30
- Bogagga 595–596
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Layl (الليل) waa suuradda 92aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 21 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Habeenka”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Layl oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Layl oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰ١
Waallayli itha yaghsha
Waxaan ku dhaartay habeenka markuu daboolo (waxa samada iyo arlada dhexdooda ah).
-
وَٱلنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ٢
Waalnnahari itha tajalla
Iyo maalinta markay muuqato (ifto);
-
وَمَا خَلَقَ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰٓ٣
Wama khalaqa alththakara waalontha
Iyo abuurista labka iyo dheddigga.
-
إِنَّ سَعْيَكُمْ لَشَتَّىٰ٤
Inna saʿyakum lashatta
Xaqiiq, camalkiinnu (dadow) waa kala duwan yahay.
-
فَأَمَّا مَنْ أَعْطَىٰ وَٱتَّقَىٰ٥
Faamma man aʿta waittaqa
Ma kan bixiya (xuquuqda lagu leeyahay) oo iska jira (shirki iyo macaasi).
-
وَصَدَّقَ بِٱلْحُسْنَىٰ٦
Wasaddaqa bialhusna
Ee rumeeya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada):
-
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلْيُسْرَىٰ٧
Fasanuyassiruhu lilyusra
Waxaan u fududeyneynaa jidka fudud (Islaamka).
-
وَأَمَّا مَنۢ بَخِلَ وَٱسْتَغْنَىٰ٨
Waamma man bakhila waistaghna
Qofkiise ku bakheyla (maalka) oo isu arka mid deeqtoon (iskibriya).
-
وَكَذَّبَ بِٱلْحُسْنَىٰ٩
Wakaththaba bialhusna
Oo beeniya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada).
-
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلْعُسْرَىٰ١٠
Fasanuyassiruhu lilʿusra
Waxaan u fududeyneynaa jidka xun (dhabbaha Naarta);
-
وَمَا يُغْنِى عَنْهُ مَالُهُۥٓ إِذَا تَرَدَّىٰٓ١١
Wama yughnee ʿanhu maluhu itha taradda
Maalkiisu wax uma taro markuu halaagsamo.
-
إِنَّ عَلَيْنَا لَلْهُدَىٰ١٢
Inna ʿalayna lalhuda
Annagaa xaqiiq wax hanuuninna,
-
وَإِنَّ لَنَا لَلْـَٔاخِرَةَ وَٱلْأُولَىٰ١٣
Wainna lana lalakhirata waaloola
Oo Annagaa xaqiiq leh Aakhiro iyo adduunba.
-
فَأَنذَرْتُكُمْ نَارًا تَلَظَّىٰ١٤
Faanthartukum naran talaththa
Waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa.
-
لَا يَصْلَىٰهَآ إِلَّا ٱلْأَشْقَى١٥
La yaslaha illa alashqa
Uusan galaynin qof xun mooyaane.
-
ٱلَّذِى كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ١٦
Allathee kaththaba watawalla
Ee (Xaqa) beeniya oo ka jeesada.
-
وَسَيُجَنَّبُهَا ٱلْأَتْقَى١٧
Wasayujannabuha alatqa
Waxaana laga fogeyn (Naarta) kan (ka) dhowrsada (shirkiga iyo xumaha kale).
-
ٱلَّذِى يُؤْتِى مَالَهُۥ يَتَزَكَّىٰ١٨
Allathee yutee malahu yatazakka
Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo.
-
وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُۥ مِن نِّعْمَةٍ تُجْزَىٰٓ١٩
Wama liahadin ʿindahu min niʿmatin tujza
Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal uu u gudayo.
-
إِلَّا ٱبْتِغَآءَ وَجْهِ رَبِّهِ ٱلْأَعْلَىٰ٢٠
Illa ibtighaa wajhi rabbihi alaʿla
Waxse u bixiya doonista Wejiga Rabbigi, ee Sarreeya.
-
وَلَسَوْفَ يَرْضَىٰ٢١
Walasawfa yarda
Wuu raalli noqon doonaa qofkaasi.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Layl?
Macnaha Al-Layl waa “Habeenka”.
Suuradda Al-Layl juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Layl waxay ku jirtaa juz’ 30.
Suuradda Al-Layl immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Layl waxay leedahay 21 aayadood.
Suuradda Al-Layl ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Layl waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Layl waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 92aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.