سورة الفجر

Suuradda Al-Fajr oo af Soomaali ah

Waaberiga

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Fajr (الفجر) waa suuradda 89aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 30 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Waaberiga”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Fajr oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Fajr oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. وَٱلْفَجْرِ۝١

    Waalfajri

    Waxaan ku dhaartay waaberiga,

  2. وَلَيَالٍ عَشْرٍ۝٢

    Walayalin ʿashrin

    Iyo habeennada tobanka ah1.

    Sharaxa hoose
    [1] Tobanka maalmood ee u horreeya bisha Arrafo (Xajka).
  3. وَٱلشَّفْعِ وَٱلْوَتْرِ۝٣

    Waalshshafʿi waalwatri

    Iyo dhabanka iyo witirka (tirada is dheer).

  4. وَٱلَّيْلِ إِذَا يَسْرِ۝٤

    Waallayli itha yasri

    Iyo habeenka markuu (soo galo ama) baxo.

  5. هَلْ فِى ذَٰلِكَ قَسَمٌ لِّذِى حِجْرٍ۝٥

    Hal fee thalika qasamun lithee hijrin

    Miyey dhaarahaasi ahayn wax uu ku qanco in loogu dhaarto qof caqli leh?

  6. أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ۝٦

    Alam tara kayfa faʿala rabbuka biʿadin

    Mawaadan ogaan sida (Alle) Rabbigaa u galay (reer) Caad?

  7. إِرَمَ ذَاتِ ٱلْعِمَادِ۝٧

    Irama thati alʿimadi

    Qolodii Iram, ee xoogga lahaa, aadna u dhaadheeraa1.

    Sharaxa hoose
    [1] Sidoo kale lahaa dhismooyin dhaadheer iyo waddooyin habeysan.
  8. ٱلَّتِى لَمْ يُخْلَقْ مِثْلُهَا فِى ٱلْبِلَـٰدِ۝٨

    Allatee lam yukhlaq mithluha fee albiladi

    Aan wax la mid ah lagu abuurin dhulka.

  9. وَثَمُودَ ٱلَّذِينَ جَابُوا۟ ٱلصَّخْرَ بِٱلْوَادِ۝٩

    Wathamooda allatheena jaboo alssakhra bialwadi

    Iyo (siduu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad).

  10. وَفِرْعَوْنَ ذِى ٱلْأَوْتَادِ۝١٠

    Wafirʿawna thee alawtadi

    Iyo (siduu u galay) Fircoon, ee tiirarka lahaa (iyo ciidammada tirada badan)?

  11. ٱلَّذِينَ طَغَوْا۟ فِى ٱلْبِلَـٰدِ۝١١

    Allatheena taghaw fee albiladi

    Kuwaasoo ku xadgudbay dhulka.

  12. فَأَكْثَرُوا۟ فِيهَا ٱلْفَسَادَ۝١٢

    Faaktharoo feeha alfasada

    Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda?

  13. فَصَبَّ عَلَيْهِمْ رَبُّكَ سَوْطَ عَذَابٍ۝١٣

    Fasabba ʿalayhim rabbuka sawta ʿathabin

    Markaasuu Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah.

  14. إِنَّ رَبَّكَ لَبِٱلْمِرْصَادِ۝١٤

    Inna rabbaka labialmirsadi

    Xaqiiq, Rabbigaa baa u jeeda (addoomahiisa) oo gaar ka haya.

  15. فَأَمَّا ٱلْإِنسَـٰنُ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ رَبُّهُۥ فَأَكْرَمَهُۥ وَنَعَّمَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَكْرَمَنِ۝١٥

    Faamma alinsanu itha ma ibtalahu rabbuhu faakramahu wanaʿʿamahu fayaqoolu rabbee akramani

    Aadmiga (kan gaalka ahi), markuu Rabbigi imtixaano oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay.

  16. وَأَمَّآ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيْهِ رِزْقَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَهَـٰنَنِ۝١٦

    Waamma itha ma ibtalahu faqadara ʿalayhi rizqahu fayaqoolu rabbee ahanani

    Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday.

  17. كَلَّا ۖ بَل لَّا تُكْرِمُونَ ٱلْيَتِيمَ۝١٧

    Kalla bal la tukrimoona alyateema

    Mayee’ ma daryeeshaan agoonka.

  18. وَلَا تَحَـٰٓضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ۝١٨

    Wala tahaddoona ʿala taʿami almiskeeni

    Oo iskuma boorrisaan in masaakiinta wax la siiyo.

  19. وَتَأْكُلُونَ ٱلتُّرَاثَ أَكْلًا لَّمًّا۝١٩

    Watakuloona altturatha aklan lamman

    Waxaadna cuntaan dhaxalka cunid xaqdarro ah.

  20. وَتُحِبُّونَ ٱلْمَالَ حُبًّا جَمًّا۝٢٠

    Watuhibboona almala hubban jamman

    Oo aad jeceshihiin maalka jaceyl daran.

  21. كَلَّآ إِذَا دُكَّتِ ٱلْأَرْضُ دَكًّا دَكًّا۝٢١

    Kalla itha dukkati alardu dakkan dakkan

    Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo,

  22. وَجَآءَ رَبُّكَ وَٱلْمَلَكُ صَفًّا صَفًّا۝٢٢

    Wajaa rabbuka waalmalaku saffan saffan

    Oo Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah.

  23. وَجِا۟ىٓءَ يَوْمَئِذٍۭ بِجَهَنَّمَ ۚ يَوْمَئِذٍ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَـٰنُ وَأَنَّىٰ لَهُ ٱلذِّكْرَىٰ۝٢٣

    Wajeea yawmaithin bijahannama yawmaithin yatathakkaru alinsanu waanna lahu alththikra

    Oo la keeno Maalintaas Naarta. Maalintaas buu Aadmigu (gaalku) waansami, maxayse waantoobidda (markaa) u tari?

  24. يَقُولُ يَـٰلَيْتَنِى قَدَّمْتُ لِحَيَاتِى۝٢٤

    Yaqoolu ya laytanee qaddamtu lihayatee

    Wuxuu odhan: Alla haddaan u soo hormarsan lahaa wanaag noloshaydatan (Aakhirada).

  25. فَيَوْمَئِذٍ لَّا يُعَذِّبُ عَذَابَهُۥٓ أَحَدٌ۝٢٥

    Fayawmaithin la yuʿaththibu ʿathabahu ahadun

    Maalintaas, cidna wax uma cadaabto (si daran sida) Cadaabka (Alle) oo kale.

  26. وَلَا يُوثِقُ وَثَاقَهُۥٓ أَحَدٌ۝٢٦

    Wala yoothiqu wathaqahu ahadun

    Cidna wax uma xidho (si adag sida), Xidhidda (Alle) oo kale.

  27. يَـٰٓأَيَّتُهَا ٱلنَّفْسُ ٱلْمُطْمَئِنَّةُ۝٢٧

    Ya ayyatuha alnnafsu almutmainnatu

    (Waxaa lagu odhan mu'minka): Naf yahay xasillooneey.

  28. ٱرْجِعِىٓ إِلَىٰ رَبِّكِ رَاضِيَةً مَّرْضِيَّةً۝٢٨

    Irjiʿee ila rabbiki radiyatan mardiyyatan

    U noqo Rabbigaa, adigoo raalli ah oo raalli lagaa yahay.

  29. فَٱدْخُلِى فِى عِبَـٰدِى۝٢٩

    Faodkhulee fee ʿibadee

    Ee gal addoomaheyga (wanaagsan) dhexdood.

  30. وَٱدْخُلِى جَنَّتِى۝٣٠

    Waodkhulee jannatee

    Gal Jannadeyda.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Fajr?

Macnaha Al-Fajr waa “Waaberiga”.

Suuradda Al-Fajr juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Fajr waxay ku jirtaa juz’ 30.

Suuradda Al-Fajr immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Fajr waxay leedahay 30 aayadood.

Suuradda Al-Fajr ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Fajr waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Fajr waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 89aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.