سورة البروج

Suuradda Al-Buruuj oo af Soomaali ah

Xiddigaha waaweyn

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Buruuj (البروج) waa suuradda 85aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 22 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Xiddigaha waaweyn”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Buruuj oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Buruuj oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلْبُرُوجِ۝١

    Waalssamai thati alburooji

    Waxaan ku dhaartay samada xiddigaha waaweyn leh iyo (jidadkooda).

  2. وَٱلْيَوْمِ ٱلْمَوْعُودِ۝٢

    Waalyawmi almawʿoodi

    Iyo Maalinta ballanta ah (Qiyaamada).

  3. وَشَاهِدٍ وَمَشْهُودٍ۝٣

    Washahidin wamashhoodin

    Iyo Mid marag furi oo Nabiga ah iyo kuwo lagu marag furi 'oo ummadda ah.'

  4. قُتِلَ أَصْحَـٰبُ ٱلْأُخْدُودِ۝٤

    Qutila ashabu alukhdoodi

    Lacnadi ha ku dhacdo qoladii godka lahaa (mu'miniinta lagu caddibo).

  5. ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلْوَقُودِ۝٥

    Alnnari thati alwaqoodi

    Ee ahaa dab olol iyo huritaan badan.

  6. إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌ۝٦

    Ith hum ʿalayha quʿoodun

    Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka).

  7. وَهُمْ عَلَىٰ مَا يَفْعَلُونَ بِٱلْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌ۝٧

    Wahum ʿala ma yafʿaloona bialmumineena shuhoodun

    Waxay ka ahaayeen goob joog waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta.

  8. وَمَا نَقَمُوا۟ مِنْهُمْ إِلَّآ أَن يُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ۝٨

    Wama naqamoo minhum illa an yuminoo biAllahi alʿazeezi alhameedi

    Kuma ay qoonsan wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh, Ammaanan.

  9. ٱلَّذِى لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ شَهِيدٌ۝٩

    Allathee lahu mulku alssamawati waalardi waAllahu ʿala kulli shayin shaheedun

    Ee iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada! Alle wax walba waa u Jeedaa.

  10. إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُوا۟ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَـٰتِ ثُمَّ لَمْ يَتُوبُوا۟ فَلَهُمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمْ عَذَابُ ٱلْحَرِيقِ۝١٠

    Inna allatheena fatanoo almumineena waalmuminati thumma lam yatooboo falahum ʿathabu jahannama walahum ʿathabu alhareeqi

    Xaqiiq kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, haddana aan tawbad keenin, waxay mudan cadaab Naar ah, waxayna mudan cadaab gubeysa.

  11. إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ لَهُمْ جَنَّـٰتٌ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ ۚ ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْكَبِيرُ۝١١

    Inna allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati lahum jannatun tajree min tahtiha alanharu thalika alfawzu alkabeeru

    Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan. Kaasi baa ah Liibaanta Weyn.

  12. إِنَّ بَطْشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ۝١٢

    Inna batsha rabbika lashadeedun

    Xaqiiq, Qabashada Rabbigaa (Ciqaabtiisu) way daran tahay.

  13. إِنَّهُۥ هُوَ يُبْدِئُ وَيُعِيدُ۝١٣

    Innahu huwa yubdio wayuʿeedu

    Xaqiiq (Alle) Isagaa uumay (uunka) dibna u soo nooleyn (dhimasho kaddib).

  14. وَهُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلْوَدُودُ۝١٤

    Wahuwa alghafooru alwadoodu

    Waana Denbi Dhaaf Badanaha, Jecel (kuwa adeeca).

  15. ذُو ٱلْعَرْشِ ٱلْمَجِيدُ۝١٥

    Thoo alʿarshi almajeedi

    Ee iska leh Carshiga Sharafta Badan.

  16. فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ۝١٦

    Faʿʿalun lima yureedu

    Falaha Weyn ee wuxuu Doono.

  17. هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْجُنُودِ۝١٧

    Hal ataka hadeethu aljunoodi

    Ma ku soo gaaray warka ciidammadii,

  18. فِرْعَوْنَ وَثَمُودَ۝١٨

    Firʿawna wathamooda

    Fircoon iyo Thamuud?

  19. بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فِى تَكْذِيبٍ۝١٩

    Bali allatheena kafaroo fee taktheebin

    Kuwase gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta Xaqa.

  20. وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطٌۢ۝٢٠

    WaAllahu min waraihim muheetun

    Allena wuu koobay (oo kama baxsan karaan).

  21. بَلْ هُوَ قُرْءَانٌ مَّجِيدٌ۝٢١

    Bal huwa quranun majeedun

    Kani se waa Qur’aan Sharaf Badan.

  22. فِى لَوْحٍ مَّحْفُوظٍۭ۝٢٢

    Fee lawhin mahfoothin

    Oo ku qoran Loox la dhowray (Looxul Maxfuudka).

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Buruuj?

Macnaha Al-Buruuj waa “Xiddigaha waaweyn”.

Suuradda Al-Buruuj juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Buruuj waxay ku jirtaa juz’ 30.

Suuradda Al-Buruuj immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Buruuj waxay leedahay 22 aayadood.

Suuradda Al-Buruuj ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Buruuj waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Buruuj waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 85aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.