سورة المؤمنون
Suuradda Al-Mu’minuun oo af Soomaali ah
Mu’miniinta
- 23
- 118 aayadood
- Makki
- Juz’ 18
- Bogagga 342–349
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Mu’minuun (المؤمنون) waa suuradda 23aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 118 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Mu’miniinta”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 18.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Mu’minuun oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Mu’minuun oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
قَدْ أَفْلَحَ ٱلْمُؤْمِنُونَ١
Qad aflaha almuminoona
Waxaa dhab ahaan liibaanay mu’miniinta.
-
ٱلَّذِينَ هُمْ فِى صَلَاتِهِمْ خَـٰشِعُونَ٢
Allatheena hum fee salatihim khashiʿoona
Kuwa iyagu salaaddooda ku khushuuca.
-
وَٱلَّذِينَ هُمْ عَنِ ٱللَّغْوِ مُعْرِضُونَ٣
Waallatheena hum ʿani allaghwi muʿridoona
Ee ah kuwa ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun.
-
وَٱلَّذِينَ هُمْ لِلزَّكَوٰةِ فَـٰعِلُونَ٤
Waallatheena hum lilzzakati faʿiloona
Ee ah kuwa fala zakada (bixiya).
-
وَٱلَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَـٰفِظُونَ٥
Waallatheena hum lifuroojihim hafithoona
Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah.
-
إِلَّا عَلَىٰٓ أَزْوَٰجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ٦
Illa ʿala azwajihim aw ma malakat aymanuhum fainnahum ghayru maloomeena
Xaasaskooda ama kuwa ay gacmahoo- du midig hantaan mooyee1, xaqiiq laguma eedo taasi;
Sharaxa hoose
[1] Ma aha addoon ama addoonad mid aan lagu soo qafaalan dagaal lala galay gaalada. -
فَمَنِ ٱبْتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْعَادُونَ٧
Famani ibtagha waraa thalika faolaika humu alʿadoona
Qofkii se doona wax intaas dhaafsiisan, waa kuwaa xad gudbayaasha.
-
وَٱلَّذِينَ هُمْ لِأَمَـٰنَـٰتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَٰعُونَ٨
Waallatheena hum liamanatihim waʿahdihim raʿoona
Ee ah kuwa ammaanooyinkooda iyo ballankooda dhowra.
-
وَٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَوَٰتِهِمْ يُحَافِظُونَ٩
Waallatheena hum ʿala salawatihim yuhafithoona
Ee ah kuwa xafida salaadahooda.
-
أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْوَٰرِثُونَ١٠
Olaika humu alwarithoona
Waa kuwaa dhaxlayaasha.
-
ٱلَّذِينَ يَرِثُونَ ٱلْفِرْدَوْسَ هُمْ فِيهَا خَـٰلِدُونَ١١
Allatheena yarithoona alfirdawsa hum feeha khalidoona
Kuwa dhaxli Al-Firdaws1 way ku dhex waadhi weligood.
Sharaxa hoose
[1] Al-Firdaws waa qaybta ugu heer sarreysa Jannada. -
وَلَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ مِن سُلَـٰلَةٍ مِّن طِينٍ١٢
Walaqad khalaqna alinsana min sulalatin min teenin
Waxaan dhab ahaan ka abuurnay Aadmiga wax laga soo soocay dhoobo.
-
ثُمَّ جَعَلْنَـٰهُ نُطْفَةً فِى قَرَارٍ مَّكِينٍ١٣
Thumma jaʿalnahu nutfatan fee qararin makeenin
Dabeeto ka yeellay (ka abuurnaa ilmaha Aadam) dhibic mani ah ku sugnaata gunta meel aamin ah (riximka).
-
ثُمَّ خَلَقْنَا ٱلنُّطْفَةَ عَلَقَةً فَخَلَقْنَا ٱلْعَلَقَةَ مُضْغَةً فَخَلَقْنَا ٱلْمُضْغَةَ عِظَـٰمًا فَكَسَوْنَا ٱلْعِظَـٰمَ لَحْمًا ثُمَّ أَنشَأْنَـٰهُ خَلْقًا ءَاخَرَ ۚ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ أَحْسَنُ ٱلْخَـٰلِقِينَ١٤
Thumma khalaqna alnnutfata ʿalaqatan fakhalaqna alʿalaqata mudghatan fakhalaqna almudghata ʿithaman fakasawna alʿithama lahman thumma anshanahu khalqan akhara fatabaraka Allahu ahsanu alkhaliqeena
Markaasaan ka abuurnaa dhibicdaa xinjir, kana abuurnaa xinjirta cad yar oo hilib ah, kana abuurnaa cadkaa hilibka lafo, waxaana huwinnaa lafahaa hilib, markaasaan ka unugnaa abuur kale. Ee waxaa barako iyo khayr Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha1.
Sharaxa hoose
[1] Kan ugu farsamo wanaagsan ee ah abuuraha Keliya ee Runta ah. -
ثُمَّ إِنَّكُم بَعْدَ ذَٰلِكَ لَمَيِّتُونَ١٥
Thumma innakum baʿda thalika lamayyitoona
Markaas kaddib, waad dhimaneysaan.
-
ثُمَّ إِنَّكُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ تُبْعَثُونَ١٦
Thumma innakum yawma alqiyamati tubʿathoona
Markaas Maalinta Qiyaamaha baa la idin soo bixin.
-
وَلَقَدْ خَلَقْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعَ طَرَآئِقَ وَمَا كُنَّا عَنِ ٱلْخَلْقِ غَـٰفِلِينَ١٧
Walaqad khalaqna fawqakum sabʿa taraiqa wama kunna ʿani alkhalqi ghafileena
Waxaana xaqiiq abuurnay korkiinna toddoba samo oo kala korreeya, mana nahin kuwo moog uunka.
-
وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءًۢ بِقَدَرٍ فَأَسْكَنَّـٰهُ فِى ٱلْأَرْضِ ۖ وَإِنَّا عَلَىٰ ذَهَابٍۭ بِهِۦ لَقَـٰدِرُونَ١٨
Waanzalna mina alssamai maan biqadarin faaskannahu fee alardi wainna ʿala thahabin bihi laqadiroona
Waxaan ka soo dejinnay daruuraha biyo (roob) qiyaasan, oo waxaan dejinnay dhulka, waana Karnaa inaan la tagno.
-
فَأَنشَأْنَا لَكُم بِهِۦ جَنَّـٰتٍ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعْنَـٰبٍ لَّكُمْ فِيهَا فَوَٰكِهُ كَثِيرَةٌ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ١٩
Faanshana lakum bihi jannatin min nakheelin waaʿnabin lakum feeha fawakihu katheeratun waminha takuloona
Waxaana idiinku soo saarnay beero timir ah iyo canab oo aad ka heshaan midho badan oo aad wax ka cuntaan.
-
وَشَجَرَةً تَخْرُجُ مِن طُورِ سَيْنَآءَ تَنۢبُتُ بِٱلدُّهْنِ وَصِبْغٍ لِّلْـَٔاكِلِينَ٢٠
Washajaratan takhruju min toori saynaa tanbutu bialdduhni wasibghin lilakileena
Iyo geed (zaytuun) ka baxa Buurta Siinaay, oo u soo saarta saliid iyo koosaar kuwa cuna.
-
وَإِنَّ لَكُمْ فِى ٱلْأَنْعَـٰمِ لَعِبْرَةً ۖ نُّسْقِيكُم مِّمَّا فِى بُطُونِهَا وَلَكُمْ فِيهَا مَنَـٰفِعُ كَثِيرَةٌ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ٢١
Wainna lakum fee alanʿami laʿibratan nusqeekum mimma fee butooniha walakum feeha manafiʿu katheeratun waminha takuloona
Waxaa xaqiiq idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxa ku jira uurarkooda, waxaana idiinku sugan, manaafacaad (kale) oo badan oo ay idiin leeyihiin, xaggeedaadna wax ka cuntaan.
-
وَعَلَيْهَا وَعَلَى ٱلْفُلْكِ تُحْمَلُونَ٢٢
Waʿalayha waʿala alfulki tuhmaloona
Korkeeda iyo doonyaha korkooda baana la idinku rar qaadaa.
-
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِۦ فَقَالَ يَـٰقَوْمِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَـٰهٍ غَيْرُهُۥٓ ۖ أَفَلَا تَتَّقُونَ٢٣
Walaqad arsalna noohan ila qawmihi faqala ya qawmi oʿbudoo Allaha ma lakum min ilahin ghayruhu afala tattaqoona
Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii, wuxuuna yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle Keliya. Ma lihidin ilaah (Xaq ah) aan Isaga aheyn, miyeydaan ka cabsaneyn Alle oo iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?
-
فَقَالَ ٱلْمَلَؤُا۟ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن قَوْمِهِۦ مَا هَـٰذَآ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يُرِيدُ أَن يَتَفَضَّلَ عَلَيْكُمْ وَلَوْ شَآءَ ٱللَّهُ لَأَنزَلَ مَلَـٰٓئِكَةً مَّا سَمِعْنَا بِهَـٰذَا فِىٓ ءَابَآئِنَا ٱلْأَوَّلِينَ٢٤
Faqala almalao allatheena kafaroo min qawmihi ma hatha illa basharun mithlukum yureedu an yatafaddala ʿalaykum walaw shaa Allahu laanzala malaikatan ma samiʿna bihatha fee abaina alawwaleena
Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwaasi gaaloobay oo ka mid ah qolodiisii yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan ahayn qof idinla mid ah, raba inuu idin ka sare maro, hadduu Alle doono, wuxuu soo dejin lahaa malaa’ig, ma aanu ka maqal arrintan (towxiidka) aabbayaashayadii hore.
-
إِنْ هُوَ إِلَّا رَجُلٌۢ بِهِۦ جِنَّةٌ فَتَرَبَّصُوا۟ بِهِۦ حَتَّىٰ حِينٍ٢٥
In huwa illa rajulun bihi jinnatun fatarabbasoo bihi hatta heenin
Wax kalena ma uu aha ee waa uun nin jin ku jiro, ee u samra in muddo ah (intuu ka reysto ama dhinto).
-
قَالَ رَبِّ ٱنصُرْنِى بِمَا كَذَّبُونِ٢٦
Qala rabbi onsurnee bima kaththabooni
(Nuux) wuxuu yidhi: “Rabbiyow iiga gargaar beenintooda”.
-
فَأَوْحَيْنَآ إِلَيْهِ أَنِ ٱصْنَعِ ٱلْفُلْكَ بِأَعْيُنِنَا وَوَحْيِنَا فَإِذَا جَآءَ أَمْرُنَا وَفَارَ ٱلتَّنُّورُ ۙ فَٱسْلُكْ فِيهَا مِن كُلٍّ زَوْجَيْنِ ٱثْنَيْنِ وَأَهْلَكَ إِلَّا مَن سَبَقَ عَلَيْهِ ٱلْقَوْلُ مِنْهُمْ ۖ وَلَا تُخَـٰطِبْنِى فِى ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓا۟ ۖ إِنَّهُم مُّغْرَقُونَ٢٧
Faawhayna ilayhi ani isnaʿi alfulka biaʿyunina wawahyina faitha jaa amruna wafara alttannooru faosluk feeha min kullin zawjayni ithnayni waahlaka illa man sabaqa ʿalayhi alqawlu minhum wala tukhatibnee fee allatheena thalamoo innahum mughraqoona
Markaasaan u waxyoonnay (Annagoo leh): “Ku samee doonnida Indhahayaga hortood iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, markuu Amarkayagu yimaado, oo burqado tinnaarka, ku qaad doonnida noole walba lammaane (lab iyo dheddig) iyo intii ku raacday aan ahayn kuwaa qowlka (in la halligayo) horay ugu dhacay oo ka mid ah iyaga, hana igala hadlin (arrinka) kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), hubaal waa kuwo la harqin doono.
-
فَإِذَا ٱسْتَوَيْتَ أَنتَ وَمَن مَّعَكَ عَلَى ٱلْفُلْكِ فَقُلِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِى نَجَّىٰنَا مِنَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ٢٨
Faitha istawayta anta waman maʿaka ʿala alfulki faquli alhamdu lillahi allathee najjana mina alqawmi alththalimeena
Markaad ku dul fadhiisataan adiga iyo kuwaa ku wehliyaba doonnida, dheh: “Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle, ee naga babaadiyey qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
-
وَقُل رَّبِّ أَنزِلْنِى مُنزَلًا مُّبَارَكًا وَأَنتَ خَيْرُ ٱلْمُنزِلِينَ٢٩
Waqul rabbi anzilnee munzalan mubarakan waanta khayru almunzileena
Oo dheh: “Rabbiyow! I deji degaan barakaysan, Adigaa ugu wanaagsane inta wax dejisa'e ”.
-
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ وَإِن كُنَّا لَمُبْتَلِينَ٣٠
Inna fee thalika laayatin wain kunna lamubtaleena
Hubaal, Arrinkaa waxaa ku sugan calaamooyin, waxaana nahay xaqiiq kuwa wax imtixaama.
-
ثُمَّ أَنشَأْنَا مِنۢ بَعْدِهِمْ قَرْنًا ءَاخَرِينَ٣١
Thumma anshana min baʿdihim qarnan akhareena
Markaasaan waxaan soo bixinnay iyaga kadambow fac kale (qoonkii Caad).
-
فَأَرْسَلْنَا فِيهِمْ رَسُولًا مِّنْهُمْ أَنِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَـٰهٍ غَيْرُهُۥٓ ۖ أَفَلَا تَتَّقُونَ٣٢
Faarsalna feehim rasoolan minhum ani oʿbudoo Allaha ma lakum min ilahin ghayruhu afala tattaqoona
Waxaana u soo dirnay dhexdood Rasuul 'Nabi Huud'1 ka mid ah (oo amraya) Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah kale (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Ee miyeydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.
Sharaxa hoose
[1] Ee loo diray reer Caad. -
وَقَالَ ٱلْمَلَأُ مِن قَوْمِهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَكَذَّبُوا۟ بِلِقَآءِ ٱلْـَٔاخِرَةِ وَأَتْرَفْنَـٰهُمْ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا مَا هَـٰذَآ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يَأْكُلُ مِمَّا تَأْكُلُونَ مِنْهُ وَيَشْرَبُ مِمَّا تَشْرَبُونَ٣٣
Waqala almalao min qawmihi allatheena kafaroo wakaththaboo biliqai alakhirati waatrafnahum fee alhayati alddunya ma hatha illa basharun mithlukum yakulu mimma takuloona minhu wayashrabu mimma tashraboona
Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodiisa ee gaaloobay oo beeniyey la kulanka Aakhirada, kuwaasoo aan siinnay wax badan si ay ugu raaxeystaan noloshan adduunka waxay yidhaahdeen: “Kanu ma aha waxaan ahayn qof idin la mid ah cuna waxaad cuntaan,cabbana waxaad cabtaan.
-
وَلَئِنْ أَطَعْتُم بَشَرًا مِّثْلَكُمْ إِنَّكُمْ إِذًا لَّخَـٰسِرُونَ٣٤
Walain ataʿtum basharan mithlakum innakum ithan lakhasiroona
“Haddaad adeecdaanna qof idin la mid ah,idinku markaa xaqiiq waad khasaarteen.
-
أَيَعِدُكُمْ أَنَّكُمْ إِذَا مِتُّمْ وَكُنتُمْ تُرَابًا وَعِظَـٰمًا أَنَّكُم مُّخْرَجُونَ٣٥
Ayaʿidukum annakum itha mittum wakuntum turaban waʿithaman annakum mukhrajoona
“Ma wuxuu idiinku gooddiyaa in markaad dhimataan oo aad noqotaan carro iyo lafo in markaa la idin soo bixin (nooleyn mar kale).?
-
۞ هَيْهَاتَ هَيْهَاتَ لِمَا تُوعَدُونَ٣٦
Hayhata hayhata lima tooʿadoona
Waa wax fog, oo fog waxa la idiinku gooddiyey (oo aan dhaceyn).
-
إِنْ هِىَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنْيَا نَمُوتُ وَنَحْيَا وَمَا نَحْنُ بِمَبْعُوثِينَ٣٧
In hiya illa hayatuna alddunya namootu wanahya wama nahnu bimabʿootheena
“Ma jirto (nolol) aan aheyn noloshayada adduunka! Waanu dhiman (qaar) oo noolaan (qaar)! Mana nihin kuwo la soo bixin (nooleyn dhimasho kaddib).
-
إِنْ هُوَ إِلَّا رَجُلٌ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا وَمَا نَحْنُ لَهُۥ بِمُؤْمِنِينَ٣٨
In huwa illa rajulun iftara ʿala Allahi kathiban wama nahnu lahu bimumineena
“Ma aha waxaan ahayn nin ku been abuurtay Alle, mana nihin kuwo rumeyn.”
-
قَالَ رَبِّ ٱنصُرْنِى بِمَا كَذَّبُونِ٣٩
Qala rabbi onsurnee bima kaththabooni
Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar beenitooda .
-
قَالَ عَمَّا قَلِيلٍ لَّيُصْبِحُنَّ نَـٰدِمِينَ٤٠
Qala ʿamma qaleelin layusbihunna nadimeena
(Alle) wuxuu yidhi: In yar kaddib, waxay ahaan kuwo shallaaya.
-
فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّيْحَةُ بِٱلْحَقِّ فَجَعَلْنَـٰهُمْ غُثَآءً ۚ فَبُعْدًا لِّلْقَوْمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ٤١
Faakhathathumu alssayhatu bialhaqqi fajaʿalnahum ghuthaan fabuʿdan lilqawmi alththalimeena
Markaasaa waxaa qabtay qeylo si xaq ah, waxaana ka dhignay daad xoor. Ee meel daran ha ka dhaceen daalimiinta.
-
ثُمَّ أَنشَأْنَا مِنۢ بَعْدِهِمْ قُرُونًا ءَاخَرِينَ٤٢
Thumma anshana min baʿdihim quroonan akhareena
Markaasaan ahaysiinnay iyaga kadambow facyo kale (qolooyinkii Luud, Shucayb, Ayyuub iyo Yuunus).
-
مَا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَـْٔخِرُونَ٤٣
Ma tasbiqu min ommatin ajalaha wama yastakhiroona
Ma jirto ummad ka soo hor mari karta ajasheeda, ama ka dib mari karta.
-
ثُمَّ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا تَتْرَا ۖ كُلَّ مَا جَآءَ أُمَّةً رَّسُولُهَا كَذَّبُوهُ ۚ فَأَتْبَعْنَا بَعْضَهُم بَعْضًا وَجَعَلْنَـٰهُمْ أَحَادِيثَ ۚ فَبُعْدًا لِّقَوْمٍ لَّا يُؤْمِنُونَ٤٤
Thumma arsalna rusulana tatra kulla ma jaa ommatan rasooluha kaththaboohu faatbaʿna baʿdahum baʿdan wajaʿalnahum ahadeetha fabuʿdan liqawmin la yuminoona
Markaasaan soo dirnay Rusushayada oo is raacsan, mar kastoo uu u yimaado ummad Rasuulkeedu way beeniyaan, kolkaasaan ka yeellay qaarba inay raacaan qaar kale (halaagnay), oo ka dhignay wax lagu sheekeysto. Ee meel daran ha ka dhaceen qolodaan (Xaqa) rumeyn.
-
ثُمَّ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ وَأَخَاهُ هَـٰرُونَ بِـَٔايَـٰتِنَا وَسُلْطَـٰنٍ مُّبِينٍ٤٥
Thumma arsalna moosa waakhahu haroona biayatina wasultanin mubeenin
Markaa Waxaan soo dirnay Muuse iyo walaalki Haaruun oo wata Aayadahayaga1 iyo Xujo Cad.
Sharaxa hoose
[1] waa sagaalkii mucjiso ee la siiyey Nabi Muuse. -
إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَإِي۟هِۦ فَٱسْتَكْبَرُوا۟ وَكَانُوا۟ قَوْمًا عَالِينَ٤٦
Ila firʿawna wamalaihi faistakbaroo wakanoo qawman ʿaleena
Xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, waxayse u dhaqmeen si isla weyni ah, waxayna ahaayeen qolo isla sarreeya.
-
فَقَالُوٓا۟ أَنُؤْمِنُ لِبَشَرَيْنِ مِثْلِنَا وَقَوْمُهُمَا لَنَا عَـٰبِدُونَ٤٧
Faqaloo anuminu libasharayni mithlina waqawmuhuma lana ʿabidoona
Waxay yidhaahdeen: “Ma waxaan rumeyn labo nin oo nala mid ah oo dadkoodu innaga noo adeegaaan.”
-
فَكَذَّبُوهُمَا فَكَانُوا۟ مِنَ ٱلْمُهْلَكِينَ٤٨
Fakaththaboohuma fakanoo mina almuhlakeena
Markaasay beeniyeen oo ka mid noqdeen kuwii la halaagay.
-
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا مُوسَى ٱلْكِتَـٰبَ لَعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ٤٩
Walaqad atayna moosa alkitaba laʿallahum yahtadoona
Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) si ay u hanuunaan1.
Sharaxa hoose
[1] Ilmahii Israa’iil. -
وَجَعَلْنَا ٱبْنَ مَرْيَمَ وَأُمَّهُۥٓ ءَايَةً وَءَاوَيْنَـٰهُمَآ إِلَىٰ رَبْوَةٍ ذَاتِ قَرَارٍ وَمَعِينٍ٥٠
Wajaʿalna ibna maryama waommahu ayatan waawaynahuma ila rabwatin thati qararin wamaʿeenin
Waxaana ka yeelnay wiilkii Maryam iyo hooyadiis calaamad1, waxaana ka siinnay hoy meel sare oo sugnaansho iyo biyo socda leh (ilo).
Sharaxa hoose
[1] Waa abuurista Ciise aabbe la'aan, iyo hooyadi oo uurkiisa qaadday iyadoo uu nin taaban. -
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلرُّسُلُ كُلُوا۟ مِنَ ٱلطَّيِّبَـٰتِ وَٱعْمَلُوا۟ صَـٰلِحًا ۖ إِنِّى بِمَا تَعْمَلُونَ عَلِيمٌ٥١
Ya ayyuha alrrusulu kuloo mina alttayyibati waiʿmaloo salihan innee bima taʿmaloona ʿaleemun
(idinka) Rususha ahow! Ka cuna cuntada inta xalaasha ah wanaagsan oo sama fala. Anigu xaqiiq waxaad faleysaan waan Ogahaye.
-
وَإِنَّ هَـٰذِهِۦٓ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَٰحِدَةً وَأَنَا۠ رَبُّكُمْ فَٱتَّقُونِ٥٢
Wainna hathihi ommatukum ommatan wahidatan waana rabbukum faittaqooni
Hubaal, diintiinnaan (Islaamka) waa diin mid keliya ah. Aniguna waxaan ahay Rabbiigiin, ee iga cabsada (oo ka fogaada shirkiga iyo xumaha kale) .
-
فَتَقَطَّعُوٓا۟ أَمْرَهُم بَيْنَهُمْ زُبُرًا ۖ كُلُّ حِزْبٍۭ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ٥٣
Fataqattaʿoo amrahum baynahum zuburan kullu hizbin bima ladayhim farihoona
Waxayse u kala goosgoosteen diintooda dhexdooda kooxo, koox walbaa waxay haystaan1 ay ku faraxsan yihiin.
Sharaxa hoose
[1] Oo caqiidooyin ah, dhaqammo, caadooyin, iwm. -
فَذَرْهُمْ فِى غَمْرَتِهِمْ حَتَّىٰ حِينٍ٥٤
Fatharhum fee ghamratihim hatta heenin
Ee iskaga tag jahliga daran ay ku jiraan ilaa iyo muddo.
-
أَيَحْسَبُونَ أَنَّمَا نُمِدُّهُم بِهِۦ مِن مَّالٍ وَبَنِينَ٥٥
Ayahsaboona annama numidduhum bihi min malin wabaneena
Ma waxay moodaan waxa aanu siinno ee maal iyo carruur ah.
-
نُسَارِعُ لَهُمْ فِى ٱلْخَيْرَٰتِ ۚ بَل لَّا يَشْعُرُونَ٥٦
Nusariʿu lahum fee alkhayrati bal la yashʿuroona
Inaan ula soo dhaqsanno waxyaalaha wanaagsan? mase dareensana1.
Sharaxa hoose
[1] In waxyaalaha wanaagsan ee lagu siiyey adduunkan ay keliya yihiin wax lagu imtixaamayo iyaga. -
إِنَّ ٱلَّذِينَ هُم مِّنْ خَشْيَةِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ٥٧
Inna allatheena hum min khashyati rabbihim mushfiqoona
Hubaal Kuway cabsida Rabbigood ku weyn tahay;
-
وَٱلَّذِينَ هُم بِـَٔايَـٰتِ رَبِّهِمْ يُؤْمِنُونَ٥٨
Waallatheena hum biayati rabbihim yuminoona
Ee ah Kuwa Aayadaha Rabbigood rumeysan,
-
وَٱلَّذِينَ هُم بِرَبِّهِمْ لَا يُشْرِكُونَ٥٩
Waallatheena hum birabbihim la yushrikoona
Oo ah kuwa aan cid kale la wadaajin Rabbigood (cibaadada);
-
وَٱلَّذِينَ يُؤْتُونَ مَآ ءَاتَوا۟ وَّقُلُوبُهُمْ وَجِلَةٌ أَنَّهُمْ إِلَىٰ رَبِّهِمْ رَٰجِعُونَ٦٠
Waallatheena yutoona ma ataw waquloobuhum wajilatun annahum ila rabbihim rajiʿoona
Ah kuwa bixiya waxay bixiyaan (oo sadaqo ah ama fala camallo wanaagsan), iyagoo qalbiyadoodu baqo ka qabto1 'inaan laga aqbalin, oo yaqiinsan' inay Rabbigood u soo noqon.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa la weydiiyey Nabiga s.c.w. in kuwaa ka baqa taasi ay yihiin kuwa wax xada ama zinaysta ama khamri cabba. Wuxuu yidhi: Ma aha kuwaasi, ee waa kuwa tukada salaadda, sooma oo wax sadaqeysta, haddana ka baqa in aan laga aqbalin.” -
أُو۟لَـٰٓئِكَ يُسَـٰرِعُونَ فِى ٱلْخَيْرَٰتِ وَهُمْ لَهَا سَـٰبِقُونَ٦١
Olaika yusariʿoona fee alkhayrati wahum laha sabiqoona
Kuwaasaa u degdega khayraadka, una dheereeya.
-
وَلَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۖ وَلَدَيْنَا كِتَـٰبٌ يَنطِقُ بِٱلْحَقِّ ۚ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ٦٢
Wala nukallifu nafsan illa wusʿaha waladayna kitabun yantiqu bialhaqqi wahum la yuthlamoona
Ma saarno nafna culeys aan aheyn karaankeeda, Waxaana agtannada ah Kitaab ku hadla xaq iyagoon la dulmineyn.
-
بَلْ قُلُوبُهُمْ فِى غَمْرَةٍ مِّنْ هَـٰذَا وَلَهُمْ أَعْمَـٰلٌ مِّن دُونِ ذَٰلِكَ هُمْ لَهَا عَـٰمِلُونَ٦٣
Bal quloobuhum fee ghamratin min hatha walahum aʿmalun min dooni thalika hum laha ʿamiloona
Waxayse quluubtooda kaga jiraan jahli daran kan (Qur’aankani), waxayna leeyihiin acmaal (kale oo xun) oo kuwan u wehliya oo ay falaan.
-
حَتَّىٰٓ إِذَآ أَخَذْنَا مُتْرَفِيهِم بِٱلْعَذَابِ إِذَا هُمْ يَجْـَٔرُونَ٦٤
Hatta itha akhathna mutrafeehim bialʿathabi itha hum yajaroona
Jeer markaan ku qabbanno kuwooda ladan ee ka mid ah cadaab1, markaasay calaacalaan.
Sharaxa hoose
[1] Waa ciqaabka Quraysh lagu ciqaabay abaarta iyo gaajada. Waxaa sidoo kale jab iyo hoog ku soo gaaray dagaalkii Badar, iyagoo badi madaxdoodii lagu dilay Badar, qaarna lagu soo qafaashay. -
لَا تَجْـَٔرُوا۟ ٱلْيَوْمَ ۖ إِنَّكُم مِّنَّا لَا تُنصَرُونَ٦٥
La tajaroo alyawma innakum minna la tunsaroona
Ha calaacalina maanta! Hubaal idinku xaggayaga laydiin kama gargaaro’e.
-
قَدْ كَانَتْ ءَايَـٰتِى تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فَكُنتُمْ عَلَىٰٓ أَعْقَـٰبِكُمْ تَنكِصُونَ٦٦
Qad kanat ayatee tutla ʿalaykum fakuntum ʿala aʿqabikum tankisoona
Aayadahaygii baa la idiin akhrinayey, waxaadse ahaydeen kuwo dib ugu gurta cirbihiinna (oo Xaq iyo Nabad diid ah).
-
مُسْتَكْبِرِينَ بِهِۦ سَـٰمِرًا تَهْجُرُونَ٦٧
Mustakbireena bihi samiran tahjuroona
Idinkoo isku kibrin (inaad tihiin ehlu Xaramka - Kacbada), ku caweeya habeenka hadal xun aad ka sheegtaan1.
Sharaxa hoose
[1] Qur’aanka ama waxaa loola jeedaa Nabiga s.c.w. -
أَفَلَمْ يَدَّبَّرُوا۟ ٱلْقَوْلَ أَمْ جَآءَهُم مَّا لَمْ يَأْتِ ءَابَآءَهُمُ ٱلْأَوَّلِينَ٦٨
Afalam yaddabbaroo alqawla am jaahum ma lam yati abaahumu alawwaleena
Miyaanay (gaalada) u fiirsan Qowlka (Qur’aanka), mise waxaa u yimid waxaan u iman aabbayaashoodii hore?
-
أَمْ لَمْ يَعْرِفُوا۟ رَسُولَهُمْ فَهُمْ لَهُۥ مُنكِرُونَ٦٩
Am lam yaʿrifoo rasoolahum fahum lahu munkiroona
Mise waxaanay garan Rasuulkooda (Muxammad) sidaas darteed diidaan?.
-
أَمْ يَقُولُونَ بِهِۦ جِنَّةٌۢ ۚ بَلْ جَآءَهُم بِٱلْحَقِّ وَأَكْثَرُهُمْ لِلْحَقِّ كَـٰرِهُونَ٧٠
Am yaqooloona bihi jinnatun bal jaahum bialhaqqi waaktharuhum lilhaqqi karihoona
Mise waxay leeyihiin: “jin baa ku jira?” mayee, wuxuu u keenay Xaq (Qur’aanka), badankooduse Xaqa bay neceb yihiin1.
Sharaxa hoose
[1] Towxiidka, halkii ay fahmi lahaayeen ama garowsan lahaayeen. -
وَلَوِ ٱتَّبَعَ ٱلْحَقُّ أَهْوَآءَهُمْ لَفَسَدَتِ ٱلسَّمَـٰوَٰتُ وَٱلْأَرْضُ وَمَن فِيهِنَّ ۚ بَلْ أَتَيْنَـٰهُم بِذِكْرِهِمْ فَهُمْ عَن ذِكْرِهِم مُّعْرِضُونَ٧١
Walawi ittabaʿa alhaqqu ahwaahum lafasadati alssamawatu waalardu waman feehinna bal ataynahum bithikrihim fahum ʿan thikrihim muʿridoona
Hadduu Xaqu raaci lahaa hawadooda, waxaa fasaadi lahaa samooyinka iyo arlada iyo waxa ku sugan. Waxaanse u keennay xuskooda (Qur'aankan), ha yeeshee xuskooda way ka sii jeestaan.
-
أَمْ تَسْـَٔلُهُمْ خَرْجًا فَخَرَاجُ رَبِّكَ خَيْرٌ ۖ وَهُوَ خَيْرُ ٱلرَّٰزِقِينَ٧٢
Am tasaluhum kharjan fakharaju rabbika khayrun wahuwa khayru alrraziqeena
Mise waxaad adigu weydiisataa kharaj (ujuuro)? Kharajka Rabbigaa baa se kheyr badan, waana Isaga Kan u wanaagsan inta risiq bixisa.
-
وَإِنَّكَ لَتَدْعُوهُمْ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ٧٣
Wainnaka latadʿoohum ila siratin mustaqeemin
Waxaadna adigu (Nabiyow) ugu yeedhaa Jid Toosan (Islaamka).
-
وَإِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ عَنِ ٱلصِّرَٰطِ لَنَـٰكِبُونَ٧٤
Wainna allatheena la yuminoona bialakhirati ʿani alssirati lanakiboona
Kuwa aan rumeysneyn Aakhirona Jidka (Toosan) way ka iishaan.
-
۞ وَلَوْ رَحِمْنَـٰهُمْ وَكَشَفْنَا مَا بِهِم مِّن ضُرٍّ لَّلَجُّوا۟ فِى طُغْيَـٰنِهِمْ يَعْمَهُونَ٧٥
Walaw rahimnahum wakashafna ma bihim min durrin lalajjoo fee tughyanihim yaʿmahoona
Haddaan u naxariisanno oo aan ka feydno waxa haya oo dhib ah, waxay weli ku sii adkeysan lahaayeen xad gudub- kooda iyagoo ku indha la’.
-
وَلَقَدْ أَخَذْنَـٰهُم بِٱلْعَذَابِ فَمَا ٱسْتَكَانُوا۟ لِرَبِّهِمْ وَمَا يَتَضَرَّعُونَ٧٦
Walaqad akhathnahum bialʿathabi fama istakanoo lirabbihim wama yatadarraʿoona
Waxaanu ku qabannay cadaab, umase ayan hoggaansamin Rabbigood, umana baryin si khushuuc leh.
-
حَتَّىٰٓ إِذَا فَتَحْنَا عَلَيْهِم بَابًا ذَا عَذَابٍ شَدِيدٍ إِذَا هُمْ فِيهِ مُبْلِسُونَ٧٧
Hatta itha fatahna ʿalayhim baban tha ʿathabin shadeedin itha hum feehi mublisoona
Ilaa, markaan ku furno irrid cadaab daran ah, markaasay quustaan.
-
وَهُوَ ٱلَّذِىٓ أَنشَأَ لَكُمُ ٱلسَّمْعَ وَٱلْأَبْصَـٰرَ وَٱلْأَفْـِٔدَةَ ۚ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ٧٨
Wahuwa allathee anshaa lakumu alssamʿa waalabsara waalafidata qaleelan ma tashkuroona
(Alle) waa Kan idiin unkay dhegaha, indhaha iyo laabaha; waa yar tahay inta aad mahdisaan (Alle).
-
وَهُوَ ٱلَّذِى ذَرَأَكُمْ فِى ٱلْأَرْضِ وَإِلَيْهِ تُحْشَرُونَ٧٩
Wahuwa allathee tharaakum fee alardi wailayhi tuhsharoona
Waana Isaga Kan idinku fidiyey dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin.
-
وَهُوَ ٱلَّذِى يُحْىِۦ وَيُمِيتُ وَلَهُ ٱخْتِلَـٰفُ ٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ٨٠
Wahuwa allathee yuhyee wayumeetu walahu ikhtilafu allayli waalnnahari afala taʿqiloona
Waa Kan baxsha nolol, ee sababa dhimasho, ee leh (Agaasinka) isdhaafka habeenka iyo maalinta; ee miyeydaan wax fahmeyn.
-
بَلْ قَالُوا۟ مِثْلَ مَا قَالَ ٱلْأَوَّلُونَ٨١
Bal qaloo mithla ma qala alawwaloona
Waxayse yidhaahdeen wax la mid ah waxay dadkii hore yidhaahdeen.
-
قَالُوٓا۟ أَءِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَـٰمًا أَءِنَّا لَمَبْعُوثُونَ٨٢
Qaloo aitha mitna wakunna turaban waʿithaman ainna lamabʿoothoona
Waxay yidhaahdeen: “Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa markaa nala soo bixin?
-
لَقَدْ وُعِدْنَا نَحْنُ وَءَابَآؤُنَا هَـٰذَا مِن قَبْلُ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّآ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ٨٣
Laqad wuʿidna nahnu waabaona hatha min qablu in hatha illa asateeru alawwaleena
Waa naloogu yaboohay waxakan, innaga iyo aabbayaashayadii horeba! Waxa kani ma aha waxaan ahayn warkii dadkii hore.
-
قُل لِّمَنِ ٱلْأَرْضُ وَمَن فِيهَآ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ٨٤
Qul limani alardu waman feeha in kuntum taʿlamoona
Dheh: “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan, haddaad garaneysaan?!’’
-
سَيَقُولُونَ لِلَّهِ ۚ قُلْ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ٨٥
Sayaqooloona lillahi qul afala tathakkaroona
Waxay (gaaladu) odhan: "Allaah!” Dheh: Miyaydaan haddaba waansameyn?
-
قُلْ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ ٱلسَّبْعِ وَرَبُّ ٱلْعَرْشِ ٱلْعَظِيمِ٨٦
Qul man rabbu alssamawati alssabʿi warabbu alʿarshi alʿatheemi
Dheh: “Waa kuma Rabbiga samooyinka toddobada ah iyo Rabbiga Carshiga Weyn1?
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Xaalka Alle waa ka weyn yahay sidaas, Carshigiisuna waa sidaas, wuxuu ku tilmaamay gacantiisa sida qubbad”. -
سَيَقُولُونَ لِلَّهِ ۚ قُلْ أَفَلَا تَتَّقُونَ٨٧
Sayaqooloona lillahi qul afala tattaqoona
Waxay odhan: “Allaah.” Dheh: Miyeydaan iska jireyn Cadaabkiisa?.
-
قُلْ مَنۢ بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَىْءٍ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيْهِ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ٨٨
Qul man biyadihi malakootu kulli shayin wahuwa yujeeru wala yujaru ʿalayhi in kuntum taʿlamoona
Dheh: “Yey Gacantiisa ku jiraan mulkiga iyo maamulka wax walba ee Isagu wax u gargaara, Isagana aan waxba laga gargaarsan karin, haddaad garanaysaan?
-
سَيَقُولُونَ لِلَّهِ ۚ قُلْ فَأَنَّىٰ تُسْحَرُونَ٨٩
Sayaqooloona lillahi qul faanna tusharoona
Waxay odhan: "Allaah". Dheh: “ Xaggee baa haddaba la idiin sixray?”
-
بَلْ أَتَيْنَـٰهُم بِٱلْحَقِّ وَإِنَّهُمْ لَكَـٰذِبُونَ٩٠
Bal ataynahum bialhaqqi wainnahum lakathiboona
Waxaanse u keennay Xaq, oo xaqiiq waa beenalayaal.
-
مَا ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ مِن وَلَدٍ وَمَا كَانَ مَعَهُۥ مِنْ إِلَـٰهٍ ۚ إِذًا لَّذَهَبَ كُلُّ إِلَـٰهٍۭ بِمَا خَلَقَ وَلَعَلَا بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ سُبْحَـٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ٩١
Ma ittakhatha Allahu min waladin wama kana maʿahu min ilahin ithan lathahaba kullu ilahin bima khalaqa walaʿala baʿduhum ʿala baʿdin subhana Allahi ʿamma yasifoona
Alle ma yeelan wiil (ilmo), mana aha la jirkiis ilaah (kale) - markaas wuxuu la tagi lahaa ilaah walba wuxuu abuuray, oo qaarkood waxay ka adkaan lahaayeen qaar kale. Ka hufan Allaah (ceeb iyo nuqsaan oo dhan) waana ka Sarreeyaa waxyaalaha ay ku tilmaamayaan.
-
عَـٰلِمِ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَـٰدَةِ فَتَعَـٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ٩٢
ʿalimi alghaybi waalshshahadati fataʿala ʿamma yushrikoona
Waa ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqda! Wuu ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
-
قُل رَّبِّ إِمَّا تُرِيَنِّى مَا يُوعَدُونَ٩٣
Qul rabbi imma turiyannee ma yooʿadoona
Dheh: Rabbiyow! Haddaad i tuseyso waxa loogu gooddiyo (cadaabka).
-
رَبِّ فَلَا تَجْعَلْنِى فِى ٱلْقَوْمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ٩٤
Rabbi fala tajʿalnee fee alqawmi alththalimeena
Rabbiyow! Ha iga mid yeelin qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.”
-
وَإِنَّا عَلَىٰٓ أَن نُّرِيَكَ مَا نَعِدُهُمْ لَقَـٰدِرُونَ٩٥
Wainna ʿala an nuriyaka ma naʿiduhum laqadiroona
Annaguna inaan xaqiiqdii ku tusno waxaan ugu gooddinno waan Awoodnaa.
-
ٱدْفَعْ بِٱلَّتِى هِىَ أَحْسَنُ ٱلسَّيِّئَةَ ۚ نَحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَصِفُونَ٩٦
Idfaʿ biallatee hiya ahsanu alssayyiata nahnu aʿlamu bima yasifoona
Ku tir xumaanta sida u wanaagsan, Annagaa Ogsoon waxay sheegayaan.
-
وَقُل رَّبِّ أَعُوذُ بِكَ مِنْ هَمَزَٰتِ ٱلشَّيَـٰطِينِ٩٧
Waqul rabbi aʿoothu bika min hamazati alshshayateeni
Dheh: “Rabbiyow! Waxaan kaa magan gali waswaasinta shayaadiinta.
-
وَأَعُوذُ بِكَ رَبِّ أَن يَحْضُرُونِ٩٨
Waaʿoothu bika rabbi an yahdurooni
Waxaana kaa magan gali Rabbiyow inay ii yimaadaan shayaadiintu.
-
حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَ أَحَدَهُمُ ٱلْمَوْتُ قَالَ رَبِّ ٱرْجِعُونِ٩٩
Hatta itha jaa ahadahumu almawtu qala rabbi irjiʿooni
Ilaa markay geeridu u timaaddo midkood (gaalada), wuxuu yidhaahdaa; Rabbiyow! Dib ii celi (adduunkii).
-
لَعَلِّىٓ أَعْمَلُ صَـٰلِحًا فِيمَا تَرَكْتُ ۚ كَلَّآ ۚ إِنَّهَا كَلِمَةٌ هُوَ قَآئِلُهَا ۖ وَمِن وَرَآئِهِم بَرْزَخٌ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ١٠٠
Laʿallee aʿmalu salihan feema taraktu kalla innaha kalimatun huwa qailuha wamin waraihim barzakhun ila yawmi yubʿathoona
Si aan ugu falo wanaag waxaan ka soo tegay1. “May, ma jirto! Waa uun kelmad uu isaga hadlo, waxaana horti ah Barzakh 'xayir2 aan furmeyn ilaa Maalinta la soo bixin doono (Qiyaamada).
Sharaxa hoose
[1] Waxaasi aan ka dan iyo muraad la’aaday. [2] Barzakh waa xaalka qofka uu ku sugnaan marka uu dhinto ilaa laga soo bixinayo, waana xaal iyo moos xir u dhexeeya adduunka iyo Aakhirada. -
فَإِذَا نُفِخَ فِى ٱلصُّورِ فَلَآ أَنسَابَ بَيْنَهُمْ يَوْمَئِذٍ وَلَا يَتَسَآءَلُونَ١٠١
Faitha nufikha fee alssoori fala ansaba baynahum yawmaithin wala yatasaaloona
Marka la afuufo buunka, ma jirto qaraabbannimo dhexdooda ah Maalintaas, waxnana isma warsadaan.
-
فَمَن ثَقُلَتْ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ١٠٢
Faman thaqulat mawazeenuhu faolaika humu almuflihoona
Qofkay cuslaato miisaanka camalladiisa wanaagsan, kuwaa weeye kuwa ah liibaanayaasha.
-
وَمَنْ خَفَّتْ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ فِى جَهَنَّمَ خَـٰلِدُونَ١٠٣
Waman khaffat mawazeenuhu faolaika allatheena khasiroo anfusahum fee jahannama khalidoona
Qofkayse fududaato miisaanka camalladiisa wanaagsan - kuwaa weeye kuwa khasaaray nafahooda, Jahannamayna ku dhex waadhi.
-
تَلْفَحُ وُجُوهَهُمُ ٱلنَّارُ وَهُمْ فِيهَا كَـٰلِحُونَ١٠٤
Talfahu wujoohahumu alnnaru wahum feeha kalihoona
Naartu waxay diiran wajiyadooda, iyagoo kuduudsan oo faruuran1.
Sharaxa hoose
[1] Waxay noqon kuwo faruuran ilaa ilkuhu fool xumo muuqdaan. -
أَلَمْ تَكُنْ ءَايَـٰتِى تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فَكُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ١٠٥
Alam takun ayatee tutla ʿalaykum fakuntum biha tukaththiboona
(Waxaa lagu dhihi): Sow Aayadahayga la idiin ma akhriyi jirin oo ma aydaan beenin jirin.?”
-
قَالُوا۟ رَبَّنَا غَلَبَتْ عَلَيْنَا شِقْوَتُنَا وَكُنَّا قَوْمًا ضَآلِّينَ١٠٦
Qaloo rabbana ghalabat ʿalayna shiqwatuna wakunna qawman dalleena
Waxay odhan: “Rabbigayow! Ayaandarradayadii baa naga adkaatay, waxaana aheyn qolo habowsan.
-
رَبَّنَآ أَخْرِجْنَا مِنْهَا فَإِنْ عُدْنَا فَإِنَّا ظَـٰلِمُونَ١٠٧
Rabbana akhrijna minha fain ʿudna fainna thalimoona
Rabbigayow! Naga bixi xaggeeda (Naarta); haddaan u noqonno (xumaan fal), innagaa daalimiin (gar ma qaatayaal) ah.”
-
قَالَ ٱخْسَـُٔوا۟ فِيهَا وَلَا تُكَلِّمُونِ١٠٨
Qala ikhsaoo feeha wala tukallimooni
(Alle) Wuxuu odhan: Ku dullooba dhexdeeda (Naarta), hana ila hadlina.
-
إِنَّهُۥ كَانَ فَرِيقٌ مِّنْ عِبَادِى يَقُولُونَ رَبَّنَآ ءَامَنَّا فَٱغْفِرْ لَنَا وَٱرْحَمْنَا وَأَنتَ خَيْرُ ٱلرَّٰحِمِينَ١٠٩
Innahu kana fareequn min ʿibadee yaqooloona rabbana amanna faighfir lana wairhamna waanta khayru alrrahimeena
Waxaa xaqiiq jiray qaar ka mid ah Addoomahayga oo odhan jiray: “Rabbigayow! waan rumaynay (Xaqa) ee noo denbi dhaaf, noona naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”
-
فَٱتَّخَذْتُمُوهُمْ سِخْرِيًّا حَتَّىٰٓ أَنسَوْكُمْ ذِكْرِى وَكُنتُم مِّنْهُمْ تَضْحَكُونَ١١٠
Faittakhathtumoohum sikhriyyan hatta ansawkum thikree wakuntum minhum tadhakoona
Waxaadse ka yeelateen jees-jees, ilaa ay idin illowsiiyeen Xusiddeydii, waadna ku qosli jirteen.
-
إِنِّى جَزَيْتُهُمُ ٱلْيَوْمَ بِمَا صَبَرُوٓا۟ أَنَّهُمْ هُمُ ٱلْفَآئِزُونَ١١١
Innee jazaytuhumu alyawma bima sabaroo annahum humu alfaizoona
Waxaan anigu ku abaal mariyey Maanta samirkoodii darti inay iyagu yihiin guuleystayaasha.
-
قَـٰلَ كَمْ لَبِثْتُمْ فِى ٱلْأَرْضِ عَدَدَ سِنِينَ١١٢
Qala kam labithtum fee alardi ʿadada sineena
(Alle) wuxuu odhan: “Immisa sano baad joogteen arlada?”
-
قَالُوا۟ لَبِثْنَا يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍ فَسْـَٔلِ ٱلْعَآدِّينَ١١٣
Qaloo labithna yawman aw baʿda yawmin faisali alʿaddeena
Waxay odhan: “Waxaan joognay maalin ama maalin gelinkeed. Weydiiya kuwa wax tiriya (malaa'igta).”
-
قَـٰلَ إِن لَّبِثْتُمْ إِلَّا قَلِيلًا ۖ لَّوْ أَنَّكُمْ كُنتُمْ تَعْلَمُونَ١١٤
Qala in labithtum illa qaleelan law annakum kuntum taʿlamoona
Wuxuu odhan: “Ma aydaan joogin adduunka in yar ma’ahee haddaad ogaan lahaydeen.
-
أَفَحَسِبْتُمْ أَنَّمَا خَلَقْنَـٰكُمْ عَبَثًا وَأَنَّكُمْ إِلَيْنَا لَا تُرْجَعُونَ١١٥
Afahasibtum annama khalaqnakum ʿabathan waannakum ilayna la turjaʿoona
Ma waxaad mooddaan inaan idiin abuurnay dheel, oo aan Xaggayaga la idiin soo celineyn?
-
فَتَعَـٰلَى ٱللَّهُ ٱلْمَلِكُ ٱلْحَقُّ ۖ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ ٱلْعَرْشِ ٱلْكَرِيمِ١١٦
Fataʿala Allahu almaliku alhaqqu la ilaha illa huwa rabbu alʿarshi alkareemi
Waxaa Kor ah oo Sarreeya Allaah Boqorka Runta ah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Sharafta Badan.
-
وَمَن يَدْعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَـٰهًا ءَاخَرَ لَا بُرْهَـٰنَ لَهُۥ بِهِۦ فَإِنَّمَا حِسَابُهُۥ عِندَ رَبِّهِۦٓ ۚ إِنَّهُۥ لَا يُفْلِحُ ٱلْكَـٰفِرُونَ١١٧
Waman yadʿu maʿa Allahi ilahan akhara la burhana lahu bihi fainnama hisabuhu ʿinda rabbihi innahu la yuflihu alkafiroona
Qofkii barya (caabuda) Alle la jirkiis ilaah kale, uma heysto wax xujo ah arrinkani, xisaabintiisu waxay uun la jirtaa Rabbigi. Hubaal gaaladu ma liibaanaan.
-
وَقُل رَّبِّ ٱغْفِرْ وَٱرْحَمْ وَأَنتَ خَيْرُ ٱلرَّٰحِمِينَ١١٨
Waqul rabbi ighfir wairham waanta khayru alrrahimeena
Dheh: Rabbiyow! Denbi dhaaf oo Naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Mu’minuun?
Macnaha Al-Mu’minuun waa “Mu’miniinta”.
Suuradda Al-Mu’minuun juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Mu’minuun waxay ku jirtaa juz’ 18.
Suuradda Al-Mu’minuun immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Mu’minuun waxay leedahay 118 aayadood.
Suuradda Al-Mu’minuun ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Mu’minuun waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Mu’minuun waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 23aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.