سورة الفرقان

Suuradda Al-Furqaan oo af Soomaali ah

Kala saaraha

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Furqaan (الفرقان) waa suuradda 25aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 77 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Kala saaraha”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku fidsan tahay juz’ 18 iyo 19.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Furqaan oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Furqaan oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. تَبَارَكَ ٱلَّذِى نَزَّلَ ٱلْفُرْقَانَ عَلَىٰ عَبْدِهِۦ لِيَكُونَ لِلْعَـٰلَمِينَ نَذِيرًا۝١

    Tabaraka allathee nazzala alfurqana ʿala ʿabdihi liyakoona lilʿalameena natheeran

    Waxaa Barako iyo Khayr badan Kan (Alle) ee ku soo dejiyey Al-Furqaan1 addoonkiisa2 si uu ugu noqdo caalamka dige.

    Sharaxa hoose
    [1] Al-Furqaan waa Magac kale ee lagu magacaabo Qur’aanka, macnaha Al-Furqaan waxaa weeye kala saaraha runta iyo beenta, samaanta iyo xumaanta, xalaasha iyo xaaraanta. [2] Waxaa loola jeedaa addoonkiisa Nabi Muxammad s.c.w. waana sharfid sidaas.
  2. ٱلَّذِى لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَلَمْ يَتَّخِذْ وَلَدًا وَلَمْ يَكُن لَّهُۥ شَرِيكٌ فِى ٱلْمُلْكِ وَخَلَقَ كُلَّ شَىْءٍ فَقَدَّرَهُۥ تَقْدِيرًا۝٢

    Allathee lahu mulku alssamawati waalardi walam yattakhith waladan walam yakun lahu shareekun fee almulki wakhalaqa kulla shayin faqaddarahu taqdeeran

    (Alle) ee iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, aan yeelan wiil (ilmo) oo aan lahayn wax shariig ah (la wadaaga) Mulkiga (iyo Maamulka uunka). abuurayna wax walba, oo u qaddaray si qiyaasan oo isku jaan go'an.

  3. وَٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً لَّا يَخْلُقُونَ شَيْـًٔا وَهُمْ يُخْلَقُونَ وَلَا يَمْلِكُونَ لِأَنفُسِهِمْ ضَرًّا وَلَا نَفْعًا وَلَا يَمْلِكُونَ مَوْتًا وَلَا حَيَوٰةً وَلَا نُشُورًا۝٣

    Waittakhathoo min doonihi alihatan la yakhluqoona shayan wahum yukhlaqoona wala yamlikoona lianfusihim darran wala nafʿan wala yamlikoona mawtan wala hayatan wala nushooran

    Waxay yeesheenna Alle sokadi ilaahyo aan waxba abuuri karin iyagase la abuuray, oo aan u hanan karin nafahooda wax dhib ama dheef ah, oo aan laheyn wax awood ah (ay ku sababaan) dhimasho, ama noolaansho, ama soo nooleyn meydadka.

  4. وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّآ إِفْكٌ ٱفْتَرَىٰهُ وَأَعَانَهُۥ عَلَيْهِ قَوْمٌ ءَاخَرُونَ ۖ فَقَدْ جَآءُو ظُلْمًا وَزُورًا۝٤

    Waqala allatheena kafaroo in hatha illa ifkun iftarahu waaʿanahu ʿalayhi qawmun akharoona faqad jaoo thulman wazooran

    Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: “Kanu (Qur’aanka) ma aha waxaan aheyn been uu isagu (Muxammad) hal abuurtay, oo ay dad kale ku kaalmeeyeen. Waxay dhab ahaan la yimaadeen gef iyo been abuur.”

  5. وَقَالُوٓا۟ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ ٱكْتَتَبَهَا فَهِىَ تُمْلَىٰ عَلَيْهِ بُكْرَةً وَأَصِيلًا۝٥

    Waqaloo asateeru alawwaleena iktatabaha fahiya tumla ʿalayhi bukratan waaseelan

    Waxay yidhaahdeen: “Waa sheekooyinkii dadkii hore - waa uu soo qortay, marka waxaa loo soo yeedhiyaa subax iyo galabba.

  6. قُلْ أَنزَلَهُ ٱلَّذِى يَعْلَمُ ٱلسِّرَّ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ غَفُورًا رَّحِيمًا۝٦

    Qul anzalahu allathee yaʿlamu alssirra fee alssamawati waalardi innahu kana ghafooran raheeman

    (Nabiyow) dheh: “Waxaa (Qur’aankan) soo dejiyey (Allaah ee ah) Kan ogsoon sirta samooyinka iyo arlada. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

  7. وَقَالُوا۟ مَالِ هَـٰذَا ٱلرَّسُولِ يَأْكُلُ ٱلطَّعَامَ وَيَمْشِى فِى ٱلْأَسْوَاقِ ۙ لَوْلَآ أُنزِلَ إِلَيْهِ مَلَكٌ فَيَكُونَ مَعَهُۥ نَذِيرًا۝٧

    Waqaloo mali hatha alrrasooli yakulu alttaʿama wayamshee fee alaswaqi lawla onzila ilayhi malakun fayakoona maʿahu natheeran

    Waxay (gaaladii) yidhaahdeen:“Muxuu yahay arrinka Rasuulkan uu u cuni cunto, una socon suuqyada (sidayada oo kale). Maxaa malag loola soo diri waayey ee ahaada mid la jirki wax u diga?

  8. أَوْ يُلْقَىٰٓ إِلَيْهِ كَنزٌ أَوْ تَكُونُ لَهُۥ جَنَّةٌ يَأْكُلُ مِنْهَا ۚ وَقَالَ ٱلظَّـٰلِمُونَ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا رَجُلًا مَّسْحُورًا۝٨

    Aw yulqa ilayhi kanzun aw takoonu lahu jannatun yakulu minha waqala alththalimoona in tattabiʿoona illa rajulan mashooran

    “Ama (maxaa) looga soo dejin waayey xagga samada khaznad maal (ka buuxo uu kaga maarmo xoogsiga), ama u ahaato beer uu wax ka cuno? Waxayna daalimiintu yidhaahdeen: Ma raacdaan (Mu’miniintoy) waxaan aheyn nin sixran.”

  9. ٱنظُرْ كَيْفَ ضَرَبُوا۟ لَكَ ٱلْأَمْثَـٰلَ فَضَلُّوا۟ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ سَبِيلًا۝٩

    Onthur kayfa daraboo laka alamthala fadalloo fala yastateeʿoona sabeelan

    Eeg siday kuugu yeeleen tusaalooyin1, oo ay u lumeen, una karin (qaadidda) Jid (Toosan).

    Sharaxa hoose
    [1] Oo malahooda ah si ay kuu beeniyaan oo wax kuugu dhimaan.
  10. تَبَارَكَ ٱلَّذِىٓ إِن شَآءَ جَعَلَ لَكَ خَيْرًا مِّن ذَٰلِكَ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ وَيَجْعَل لَّكَ قُصُورًۢا۝١٠

    Tabaraka allathee in shaa jaʿala laka khayran min thalika jannatin tajree min tahtiha alanharu wayajʿal laka qusooran

    Waxaa barako iyo khayr badan Kan (Alle) ee hadduu doono ku siin wax ka khayr badan taasi - jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, wuxuuna ku siin daaro waaweyn (Jannada gudaheeda).

  11. بَلْ كَذَّبُوا۟ بِٱلسَّاعَةِ ۖ وَأَعْتَدْنَا لِمَن كَذَّبَ بِٱلسَّاعَةِ سَعِيرًا۝١١

    Bal kaththaboo bialssaʿati waaʿtadna liman kaththaba bialssaʿati saʿeeran

    Waxayse beeniyeen Saacadda (Qiyaame), waxaana u diyaarinnay qofkii beeniya Saacadda dab huraya.

  12. إِذَا رَأَتْهُم مِّن مَّكَانٍۭ بَعِيدٍ سَمِعُوا۟ لَهَا تَغَيُّظًا وَزَفِيرًا۝١٢

    Itha raathum min makanin baʿeedin samiʿoo laha taghayyuthan wazafeeran

    Markay (Naartu) ka aragto meel fog, waxay ka maqlaan cadho daran iyo cartan.

  13. وَإِذَآ أُلْقُوا۟ مِنْهَا مَكَانًا ضَيِّقًا مُّقَرَّنِينَ دَعَوْا۟ هُنَالِكَ ثُبُورًا۝١٣

    Waitha olqoo minha makanan dayyiqan muqarraneena daʿaw hunalika thubooran

    Marka lagu tuuro dhexdeeda meel cidhiidhi ah iyagoo isku xidhan, waxay u yeedhan halkaa halaag1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay u rajeeyaan halaaggaa oo u yeertaan thubuur (dhimasho) si aan loogu cadaabin cadaabka daran ee Naarta.
  14. لَّا تَدْعُوا۟ ٱلْيَوْمَ ثُبُورًا وَٰحِدًا وَٱدْعُوا۟ ثُبُورًا كَثِيرًا۝١٤

    La tadʿoo alyawma thubooran wahidan waodʿoo thubooran katheeran

    (Waxaa la odhan): Ha u yeedhannina maanta halaag keliya, ee u yeedha halaag badan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Thubuuraa waa weedh ay Carabta odhan jireen markay la kulmaan cadow ka xoog badan ama ku dhacdo musiibo weyn, macnaheeduna waxaa weeye Allow naga soo gaadh oo na badbaadi ama nafta naga qaad.
  15. قُلْ أَذَٰلِكَ خَيْرٌ أَمْ جَنَّةُ ٱلْخُلْدِ ٱلَّتِى وُعِدَ ٱلْمُتَّقُونَ ۚ كَانَتْ لَهُمْ جَزَآءً وَمَصِيرًا۝١٥

    Qul athalika khayrun am jannatu alkhuldi allatee wuʿida almuttaqoona kanat lahum jazaan wamaseeran

    Dheh: Ma taasaa wanaagsan - mise Jannada waaridda ee loo yaboohay kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale)? Taasi waa u abaal marin iyo aayo wanaagsan.

  16. لَّهُمْ فِيهَا مَا يَشَآءُونَ خَـٰلِدِينَ ۚ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ وَعْدًا مَّسْـُٔولًا۝١٦

    Lahum feeha ma yashaoona khalideena kana ʿala rabbika waʿdan masoolan

    Waxay leeyihiin gudaheeda (Jannada) waxay doonaan iyagoo ku waadhaya; waa yabooh ku habboon in la weydiisto Rabbigaa1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa yabooh ay malaa’igta u dalbaan mu’miniinta oo Alle uga baryaan, mu’miniintana sidoo kale Alle weydiistaan.
  17. وَيَوْمَ يَحْشُرُهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ فَيَقُولُ ءَأَنتُمْ أَضْلَلْتُمْ عِبَادِى هَـٰٓؤُلَآءِ أَمْ هُمْ ضَلُّوا۟ ٱلسَّبِيلَ۝١٧

    Wayawma yahshuruhum wama yaʿbudoona min dooni Allahi fayaqoolu aantum adlaltum ʿibadee haolai am hum dalloo alssabeela

    (Xus) Maalintuu soo kulmin (gaalada) iyo waxay caabudayeen Alle sokadi, markaas wuxuu odhan: “Ma idinkaa lumiyey addoomahaygaan, mise iyagaa iskood uga lumay Jidka (Toosan ee Islaamka)?.”

  18. قَالُوا۟ سُبْحَـٰنَكَ مَا كَانَ يَنۢبَغِى لَنَآ أَن نَّتَّخِذَ مِن دُونِكَ مِنْ أَوْلِيَآءَ وَلَـٰكِن مَّتَّعْتَهُمْ وَءَابَآءَهُمْ حَتَّىٰ نَسُوا۟ ٱلذِّكْرَ وَكَانُوا۟ قَوْمًۢا بُورًا۝١٨

    Qaloo subhanaka ma kana yanbaghee lana an nattakhitha min doonika min awliyaa walakin mattaʿtahum waabaahum hatta nasoo alththikra wakanoo qawman booran

    Waxay odhan: “Xurmo oo dhan Adigaa (Allow) iska leh oo ka hufan (xumaan)! Naguma habboona inaan yeelanno awliyo (gargaarayaal) Adiga ka sokow, waxaadse u raaxeysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen waanada, waxayna ahaayeen qolo hoogay oo ba'ay.

  19. فَقَدْ كَذَّبُوكُم بِمَا تَقُولُونَ فَمَا تَسْتَطِيعُونَ صَرْفًا وَلَا نَصْرًا ۚ وَمَن يَظْلِم مِّنكُمْ نُذِقْهُ عَذَابًا كَبِيرًا۝١٩

    Faqad kaththabookum bima taqooloona fama tastateeʿoona sarfan wala nasran waman yathlim minkum nuthiqhu ʿathaban kabeeran

    Sidaasay dhab ahaan idiinku beenin waxaad sheegaysaan, markaasna ma kartaan is furasho iyo gargaar midna. Ciddiina wax dulmida1 oo idinka mid ah waxaanu dhadhansiin cadaab weyn.

    Sharaxa hoose
    [1] La timaadda shirki ama denbiyo kale oo weyn oo sidaa ku dhinta.
  20. وَمَآ أَرْسَلْنَا قَبْلَكَ مِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ إِلَّآ إِنَّهُمْ لَيَأْكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَيَمْشُونَ فِى ٱلْأَسْوَاقِ ۗ وَجَعَلْنَا بَعْضَكُمْ لِبَعْضٍ فِتْنَةً أَتَصْبِرُونَ ۗ وَكَانَ رَبُّكَ بَصِيرًا۝٢٠

    Wama arsalna qablaka mina almursaleena illa innahum layakuloona alttaʿama wayamshoona fee alaswaqi wajaʿalna baʿdakum libaʿdin fitnatan atasbiroona wakana rabbuka baseeran

    Ma aan dirinna hortaa adiga (Nabiyow) wax Rusul ah oo aan cunayn cunnada, soconayna suuqyada (shaqeysanayn). Waxaana uga yeelnay qaarkiinba qaar kale imtixaan ee ma samreysaan? Rabbigaa waa Mid Arka (oo u jeeda wax walba).

  21. ۞ وَقَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَرْجُونَ لِقَآءَنَا لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْنَا ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ أَوْ نَرَىٰ رَبَّنَا ۗ لَقَدِ ٱسْتَكْبَرُوا۟ فِىٓ أَنفُسِهِمْ وَعَتَوْ عُتُوًّا كَبِيرًا۝٢١

    Waqala allatheena la yarjoona liqaana lawla onzila ʿalayna almalaikatu aw nara rabbana laqadi istakbaroo fee anfusihim waʿataw ʿutuwwan kabeeran

    Kuwa aan rajeynayn la Kulankayaga waxay yidhaahdeen: “Maxaa malaa’ig na loogu soo diri waayey ama (maan) aragno Rabbigayo (Alle)?” Xaqiiq way isla weynaadeen (kibreen) oo ka madax adeygeen (Xaqa) madax adayg weyn.

  22. يَوْمَ يَرَوْنَ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةَ لَا بُشْرَىٰ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُجْرِمِينَ وَيَقُولُونَ حِجْرًا مَّحْجُورًا۝٢٢

    Yawma yarawna almalaikata la bushra yawmaithin lilmujrimeena wayaqooloona hijran mahjooran

    Maalinta ay arki malaa’igta1 uma ahaan doonto farxad Maalintaas denbiilayaasha, waxayna (malaa’igtu) odhan: “Waa wax idinka xarriman 'jannada' oo gebigeedaba idinka reebban2.

    Sharaxa hoose
    [1] Waqtiga dhimashadooda. [2] Ma jiro war san iyo wanaag oo dhan.
  23. وَقَدِمْنَآ إِلَىٰ مَا عَمِلُوا۟ مِنْ عَمَلٍ فَجَعَلْنَـٰهُ هَبَآءً مَّنثُورًا۝٢٣

    Waqadimna ila ma ʿamiloo min ʿamalin fajaʿalnahu habaan manthooran

    Waxaanu hor keeni1 waxay (mushrikiinta, gaalada) ay camal san faleen, oo ka yeeli (qiimo la'aan) sida boor hawada ku baabba’ay.

    Sharaxa hoose
    [1] Maalinta Qiyaamaha.
  24. أَصْحَـٰبُ ٱلْجَنَّةِ يَوْمَئِذٍ خَيْرٌ مُّسْتَقَرًّا وَأَحْسَنُ مَقِيلًا۝٢٤

    Ashabu aljannati yawmaithin khayrun mustaqarran waahsanu maqeelan

    Ehlu-Jannuhuse waxay Maalintaas ku sugnaan rug halka u khayr badan iyo meel harsimaysi iyo raaxo wanaagsan.

  25. وَيَوْمَ تَشَقَّقُ ٱلسَّمَآءُ بِٱلْغَمَـٰمِ وَنُزِّلَ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ تَنزِيلًا۝٢٥

    Wayawma tashaqqaqu alssamao bialghamami wanuzzila almalaikatu tanzeelan

    (Xus) Maalinta marka samada dillaac la furmi oo daruuro "cad ka soo baxayaan'1, lana soo dejin malaa’gta soo dejin.

    Sharaxa hoose
    [1] Daruurahaasoo ay malaa’ig ku jiraan.
  26. ٱلْمُلْكُ يَوْمَئِذٍ ٱلْحَقُّ لِلرَّحْمَـٰنِ ۚ وَكَانَ يَوْمًا عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ عَسِيرًا۝٢٦

    Almulku yawmaithin alhaqqu lilrrahmani wakana yawman ʿala alkafireena ʿaseeran

    Boqortooyada Maalintaas waxaa run ahaan iska leh Raxmaanka (Allaah), oo maalin daran bay u ahaan gaalada.

  27. وَيَوْمَ يَعَضُّ ٱلظَّالِمُ عَلَىٰ يَدَيْهِ يَقُولُ يَـٰلَيْتَنِى ٱتَّخَذْتُ مَعَ ٱلرَّسُولِ سَبِيلًا۝٢٧

    Wayawma yaʿaddu alththalimu ʿala yadayhi yaqoolu ya laytanee ittakhathtu maʿa alrrasooli sabeelan

    Oo (ka digtoonaada) Maalinta uu garmaqaataha qaniini doono gacmihiisa (shallayti iyo qoomamo) darteed isagoo leh: “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayey jidka 'toosan' Rasuulka1.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabiga la soo diray, jidkaas oo ah Islaamka.
  28. يَـٰوَيْلَتَىٰ لَيْتَنِى لَمْ أَتَّخِذْ فُلَانًا خَلِيلًا۝٢٨

    Ya waylata laytanee lam attakhith fulanan khaleelan

    Alla Hoogay oo ba'aye! Maxaan hebel saaxiib uga yeeshay1.

    Sharaxa hoose
    [1] Wuxuu sheegayaa qofkii habaabiyey.
  29. لَّقَدْ أَضَلَّنِى عَنِ ٱلذِّكْرِ بَعْدَ إِذْ جَآءَنِى ۗ وَكَانَ ٱلشَّيْطَـٰنُ لِلْإِنسَـٰنِ خَذُولًا۝٢٩

    Laqad adallanee ʿani alththikri baʿda ith jaanee wakana alshshaytanu lilinsani khathoolan

    Wuxuu iga habaabiyey waanada1, intuu ii yimid kaddib. Shaydaanna wuxuu abad uga tagaa qofka meel xun2 oo hungo ah.

    Sharaxa hoose
    [1] Wuxuu ula jeedaa Qur’aanka iyo Sunnaha. [2] Wuu isaga tagaa oo cidla’ uga dhaqaaqaa markuu lumiyo kaddib oo u horseedo xumaanta.
  30. وَقَالَ ٱلرَّسُولُ يَـٰرَبِّ إِنَّ قَوْمِى ٱتَّخَذُوا۟ هَـٰذَا ٱلْقُرْءَانَ مَهْجُورًا۝٣٠

    Waqala alrrasoolu ya rabbi inna qawmee ittakhathoo hatha alqurana mahjooran

    Wuxuu Rasuulkuna odhan: “Rabbiyow! Dadkeygii waxay ka yeesheen Qur’aankan wax laga tagey1.

    Sharaxa hoose
    [1] Iyagoo iska dhinac mara, iyagoo aan dhageysan ama aan fahmin, aan sidoo kale ku dhaqmin, ama wax kale ka hormariya oo ka soo dhoweysta.
  31. وَكَذَٰلِكَ جَعَلْنَا لِكُلِّ نَبِىٍّ عَدُوًّا مِّنَ ٱلْمُجْرِمِينَ ۗ وَكَفَىٰ بِرَبِّكَ هَادِيًا وَنَصِيرًا۝٣١

    Wakathalika jaʿalna likulli nabiyyin ʿaduwwan mina almujrimeena wakafa birabbika hadiyan wanaseeran

    Sidaasaan ugu yeellay Nabi walba cadow ka mid ah denbiilayaasha. Ku filan Rabbigaa Hanuuniye iyo Hiilliye uu ahaado.

  32. وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْلَا نُزِّلَ عَلَيْهِ ٱلْقُرْءَانُ جُمْلَةً وَٰحِدَةً ۚ كَذَٰلِكَ لِنُثَبِّتَ بِهِۦ فُؤَادَكَ ۖ وَرَتَّلْنَـٰهُ تَرْتِيلًا۝٣٢

    Waqala allatheena kafaroo lawla nuzzila ʿalayhi alquranu jumlatan wahidatan kathalika linuthabbita bihi fuadaka warattalnahu tarteelan

    Gaaladu waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu waa si aan ugu sugno laabtaada1, waxaana u soo Waxyoonnay oo kuugu akhrinnay qayb qayb si aayar ah iyo tartiib.

    Sharaxa hoose
    [1] Macnaha waxaa Qur’aanka looga dhigay Aayad Aayad iyo Suurad Suurad oo loogu soo dejiyey qaybqaybta 23 sano gudahood si aan ugu sugno laabtaada.
  33. وَلَا يَأْتُونَكَ بِمَثَلٍ إِلَّا جِئْنَـٰكَ بِٱلْحَقِّ وَأَحْسَنَ تَفْسِيرًا۝٣٣

    Wala yatoonaka bimathalin illa jinaka bialhaqqi waahsana tafseeran

    Ma jirtona dood ay (gaalada) kuula iman, balse waxaannu kuu keeni (mid) Xaq ah oo ka fasiraad wanaagsan (oo burin waxay ku doodayaan).

  34. ٱلَّذِينَ يُحْشَرُونَ عَلَىٰ وُجُوهِهِمْ إِلَىٰ جَهَنَّمَ أُو۟لَـٰٓئِكَ شَرٌّ مَّكَانًا وَأَضَلُّ سَبِيلًا۝٣٤

    Allatheena yuhsharoona ʿala wujoohihim ila jahannama olaika sharrun makanan waadallu sabeelan

    Kuwaa (gaalada ah ee) laysugu soo kulmin (iyagoo ku socda) wejiyadooda xagga Naarta, kuwaas baa ugu meeqaan xun, kana sii habowsan Jidka (Islaamka).

  35. وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا مُوسَى ٱلْكِتَـٰبَ وَجَعَلْنَا مَعَهُۥٓ أَخَاهُ هَـٰرُونَ وَزِيرًا۝٣٥

    Walaqad atayna moosa alkitaba wajaʿalna maʿahu akhahu haroona wazeeran

    Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) waxaana ka yeellay la jirkiis walaalkiis Haaruun wasiir ahaan.

  36. فَقُلْنَا ٱذْهَبَآ إِلَى ٱلْقَوْمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا فَدَمَّرْنَـٰهُمْ تَدْمِيرًا۝٣٦

    Faqulna ithhaba ila alqawmi allatheena kaththaboo biayatina fadammarnahum tadmeeran

    Waxaana nidhi: Aada qoladaa beeniyey Aayadahayaga, markaasaan baabbi’innay (qolodii Fircoon) baabbi’in dhan.

  37. وَقَوْمَ نُوحٍ لَّمَّا كَذَّبُوا۟ ٱلرُّسُلَ أَغْرَقْنَـٰهُمْ وَجَعَلْنَـٰهُمْ لِلنَّاسِ ءَايَةً ۖ وَأَعْتَدْنَا لِلظَّـٰلِمِينَ عَذَابًا أَلِيمًا۝٣٧

    Waqawma noohin lamma kaththaboo alrrusula aghraqnahum wajaʿalnahum lilnnasi ayatan waaʿtadna lilththalimeena ʿathaban aleeman

    Qolodii Nuuxna, markay beeniyeen Rusushii baan harqinnay ugana yeellay dadka calaamo. Waxaana u diyaarinnay daalimiinta (gar diidka) cadaab daran.

  38. وَعَادًا وَثَمُودَا۟ وَأَصْحَـٰبَ ٱلرَّسِّ وَقُرُونًۢا بَيْنَ ذَٰلِكَ كَثِيرًا۝٣٨

    Waʿadan wathamooda waashaba alrrassi waquroonan bayna thalika katheeran

    Sidaan Caad (u halaagnay) iyo Thamuud iyo qoladii Ar-Rass1 iyo qaaruumo intaas u dhexeeya oo badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Ar-Rass wuxuu ahaa ceel la yaqaan oo caan ah oo biyuhu ka gureen. Waxaa la yidhi dadkii ceelkan waxay ahaayeen dadkii beeniyey Nabi Shucayb.
  39. وَكُلًّا ضَرَبْنَا لَهُ ٱلْأَمْثَـٰلَ ۖ وَكُلًّا تَبَّرْنَا تَتْبِيرًا۝٣٩

    Wakullan darabna lahu alamthala wakullan tabbarna tatbeeran

    Dhammaan waxaanu siinnay oo u yeelnay tusaalooyin (mase rumeyn), dhammaanna waanu halaagnay halaagid.

  40. وَلَقَدْ أَتَوْا۟ عَلَى ٱلْقَرْيَةِ ٱلَّتِىٓ أُمْطِرَتْ مَطَرَ ٱلسَّوْءِ ۚ أَفَلَمْ يَكُونُوا۟ يَرَوْنَهَا ۚ بَلْ كَانُوا۟ لَا يَرْجُونَ نُشُورًا۝٤٠

    Walaqad ataw ʿala alqaryati allatee omtirat matara alssawi afalam yakoonoo yarawnaha bal kanoo la yarjoona nushooran

    Waxay (wax badan) soo ag mareen magaaladii (Sodom) ee lagu halaagay roobka xun. Ee miyaanay ku arag (indhahooda)? Mayee waxaanay rajeyneyn in la soo bixin doono iyagoo nool dhimasho kaddib 'oo la xisaabin'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Marka kama ayan faa’ideysan oo kuma ay cibrad qaadan tusaalooyinkii dadkii hore ee tagey iyo wixii ku dhacay.
  41. وَإِذَا رَأَوْكَ إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَـٰذَا ٱلَّذِى بَعَثَ ٱللَّهُ رَسُولًا۝٤١

    Waitha raawka in yattakhithoonaka illa huzuwan ahatha allathee baʿatha Allahu rasoolan

    Markay ku arkaan (gaalada) kaama dhigtaan (Nabiyow) waxaan ahayn jees-jees (iyagoo leh): Ma kan baa kan uu Alle u soo diray Rasuul ahaan?

  42. إِن كَادَ لَيُضِلُّنَا عَنْ ءَالِهَتِنَا لَوْلَآ أَن صَبَرْنَا عَلَيْهَا ۚ وَسَوْفَ يَعْلَمُونَ حِينَ يَرَوْنَ ٱلْعَذَابَ مَنْ أَضَلُّ سَبِيلًا۝٤٢

    In kada layudilluna ʿan alihatina lawla an sabarna ʿalayha wasawfa yaʿlamoona heena yarawna alʿathaba man adallu sabeelan

    Wuxuu u dhowaaday inuu naga lumiyo ilaahyadayada, haddaanan ku samrin oo sugnaanin. Wayse ogaan markay arkaan cadaabka kan ka lunsan Jidka (Toosan).

  43. أَرَءَيْتَ مَنِ ٱتَّخَذَ إِلَـٰهَهُۥ هَوَىٰهُ أَفَأَنتَ تَكُونُ عَلَيْهِ وَكِيلًا۝٤٣

    Araayta mani ittakhatha ilahahu hawahu afaanta takoonu ʿalayhi wakeelan

    Ka warran kan isagu ka yeesha hawadiisa ilaahiisa? Ma waxaad adigu u noqon wakiil?

  44. أَمْ تَحْسَبُ أَنَّ أَكْثَرَهُمْ يَسْمَعُونَ أَوْ يَعْقِلُونَ ۚ إِنْ هُمْ إِلَّا كَٱلْأَنْعَـٰمِ ۖ بَلْ هُمْ أَضَلُّ سَبِيلًا۝٤٤

    Am tahsabu anna aktharahum yasmaʿoona aw yaʿqiloona in hum illa kaalanʿami bal hum adallu sabeelan

    Mise waxaad mooddaa inay badankoo- du wax maqli ama wax fahmi? Ma aha waxaan xoolo oo kale ahayn1, iyagaabase ka sii lunsan jid ahaan.

    Sharaxa hoose
    [1] Geela, lo’da ama adhiga ee wax iska raaca weydiin la’aan meeshii loo kaxeeyaba.
  45. أَلَمْ تَرَ إِلَىٰ رَبِّكَ كَيْفَ مَدَّ ٱلظِّلَّ وَلَوْ شَآءَ لَجَعَلَهُۥ سَاكِنًا ثُمَّ جَعَلْنَا ٱلشَّمْسَ عَلَيْهِ دَلِيلًا۝٤٥

    Alam tara ila rabbika kayfa madda alththilla walaw shaa lajaʿalahu sakinan thumma jaʿalna alshshamsa ʿalayhi daleelan

    Miyaadan arag sida Rabbigaa u fidiyo hadhka? Hadduu doonona wuxuu ka yeeli lahaa mid xasilan 'taagan', markaasaan uga yeelnay qorraxda tilmaan ay leedahay1.

    Sharaxa hoose
    [1] Kaasoo tusineysa jiritaanka hadhka, ama ka yeesha wax u muuqda siyaalo kala duwan. Markaasaan soo qabannaa qabasho qarsoon oo soo ururinnaa oo xaggeenna u soo noqdaa ilaa la waayo hadh oo dhan.
  46. ثُمَّ قَبَضْنَـٰهُ إِلَيْنَا قَبْضًا يَسِيرًا۝٤٦

    Thumma qabadnahu ilayna qabdan yaseeran

    Markaasaan u soo qabannaa xaggayaga qabasho aayar ah oo yar1.

    Sharaxa hoose
    [1] Marka qorraxdu ku aaddan tahay madaxayaga oo maalinta kala baranto.
  47. وَهُوَ ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيْلَ لِبَاسًا وَٱلنَّوْمَ سُبَاتًا وَجَعَلَ ٱلنَّهَارَ نُشُورًا۝٤٧

    Wahuwa allathee jaʿala lakumu allayla libasan waalnnawma subatan wajaʿala alnnahara nushooran

    (Alle) waa Kan idiin ka yeelay habeenka hu'1, hurdadana nasasho, kana dhigay maalinta foof2.

    Sharaxa hoose
    [1] Macnaha waa idinku daboola oo qariya mugdigiisa. [2] Waxaa loola jeedaa cusbooneysiinta nolosha iyo dhaqdhaqaaqa.
  48. وَهُوَ ٱلَّذِىٓ أَرْسَلَ ٱلرِّيَـٰحَ بُشْرًۢا بَيْنَ يَدَىْ رَحْمَتِهِۦ ۚ وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً طَهُورًا۝٤٨

    Wahuwa allathee arsala alrriyaha bushran bayna yaday rahmatihi waanzalna mina alssamai maan tahooran

    Waa Kan soo dira dabeylaha bishaaro ahaan ka horreeya Raxmaddiisa (roobka), Waxaana ka soo dejinnaa daruuraha biyo daahir ah.

  49. لِّنُحْـِۧىَ بِهِۦ بَلْدَةً مَّيْتًا وَنُسْقِيَهُۥ مِمَّا خَلَقْنَآ أَنْعَـٰمًا وَأَنَاسِىَّ كَثِيرًا۝٤٩

    Linuhyiya bihi baldatan maytan wanusqiyahu mimma khalaqna anʿaman waanasiyya katheeran

    Si aan ugu nooleyno dhul dhintay, oo ugu waraabinno waxaan abuurnay oo duunyo iyo dad badanba leh.

  50. وَلَقَدْ صَرَّفْنَـٰهُ بَيْنَهُمْ لِيَذَّكَّرُوا۟ فَأَبَىٰٓ أَكْثَرُ ٱلنَّاسِ إِلَّا كُفُورًا۝٥٠

    Walaqad sarrafnahu baynahum liyaththakkaroo faaba aktharu alnnasi illa kufooran

    Waana u kala duwnay (badinnay) qaybinta (roobka, biyaha) bal inay waansamaan1, wayse diideen dadku badankiisu waxaan aheyn gaalnimo.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa inuu Alle awoodo inuu soo nooleyn karo meytida.
  51. وَلَوْ شِئْنَا لَبَعَثْنَا فِى كُلِّ قَرْيَةٍ نَّذِيرًا۝٥١

    Walaw shina labaʿathna fee kulli qaryatin natheeran

    Haddaan doonno, waxaan u soo diri laheyn magaalo walba dige1.

    Sharaxa hoose
    [1] Wuxuuse Alle doonay inuu soo diro Nabi Muxammad s.c.w. inuu ahaado Rasuulka lagu khatimo Rususha Alle oo dhan, isagoo loo diray dhammaan dadka arlada jooga ilaa Qiyaamaha.
  52. فَلَا تُطِعِ ٱلْكَـٰفِرِينَ وَجَـٰهِدْهُم بِهِۦ جِهَادًا كَبِيرًا۝٥٢

    Fala tutiʿi alkafireena wajahidhum bihi jihadan kabeeran

    Ee ha adeecin gaalada, kulana dadaal dadaal weyn (gaarsiinta Qur'aanka ee u muujiya Xaqa si dhan, buriyana baadilka).

  53. ۞ وَهُوَ ٱلَّذِى مَرَجَ ٱلْبَحْرَيْنِ هَـٰذَا عَذْبٌ فُرَاتٌ وَهَـٰذَا مِلْحٌ أُجَاجٌ وَجَعَلَ بَيْنَهُمَا بَرْزَخًا وَحِجْرًا مَّحْجُورًا۝٥٣

    Wahuwa allathee maraja albahrayni hatha ʿathbun furatun wahatha milhun ojajun wajaʿala baynahuma barzakhan wahijran mahjooran

    (Alle) waa Kan isku dara labada badood, kan waa macaan lagu oon baxo, kanna waa qadhaadh (afka huriya), Wuxuuna yeelay xayir iyo xijaab kala dhex yaal.

  54. وَهُوَ ٱلَّذِى خَلَقَ مِنَ ٱلْمَآءِ بَشَرًا فَجَعَلَهُۥ نَسَبًا وَصِهْرًا ۗ وَكَانَ رَبُّكَ قَدِيرًا۝٥٤

    Wahuwa allathee khalaqa mina almai basharan fajaʿalahu nasaban wasihran wakana rabbuka qadeeran

    Waa Kan ka abuuray dadka biyo, markaas u yeelay xigto iyo xididba. Rabbigaa waa Mid Wax Walba Kara.

  55. وَيَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُهُمْ وَلَا يَضُرُّهُمْ ۗ وَكَانَ ٱلْكَافِرُ عَلَىٰ رَبِّهِۦ ظَهِيرًا۝٥٥

    Wayaʿbudoona min dooni Allahi ma la yanfaʿuhum wala yadurruhum wakana alkafiru ʿala rabbihi thaheeran

    Waxayse caabudaan Alle sokadi, waxaan wax tari karin, waxna yeeli karin, gaalna waa sheydaan kalkaal ka soo hor jeeda Rabbigi.

  56. وَمَآ أَرْسَلْنَـٰكَ إِلَّا مُبَشِّرًا وَنَذِيرًا۝٥٦

    Wama arsalnaka illa mubashshiran wanatheeran

    Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn inaad bishaareeye iyo dige ahaato.

  57. قُلْ مَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِلَّا مَن شَآءَ أَن يَتَّخِذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا۝٥٧

    Qul ma asalukum ʿalayhi min ajrin illa man shaa an yattakhitha ila rabbihi sabeelan

    Dheh: “Idinkuma weydiisto wax ajar ah ( gaarsiinta Dhambaalkan), qofkiise dooni inuu ka yeesho Rabbigi xaggiisa waddo (ha samo falo)".

  58. وَتَوَكَّلْ عَلَى ٱلْحَىِّ ٱلَّذِى لَا يَمُوتُ وَسَبِّحْ بِحَمْدِهِۦ ۚ وَكَفَىٰ بِهِۦ بِذُنُوبِ عِبَادِهِۦ خَبِيرًا۝٥٨

    Watawakkal ʿala alhayyi allathee la yamootu wasabbih bihamdihi wakafa bihi bithunoobi ʿibadihi khabeeran

    Tala saarona Allaah, Noolaha (Daa’inka) ah aan dhiman, kuna tasbiixso Ammaanahiisa. Rabbi ku Filan ogaanshaha denbiyada addoomahiisa.

  59. ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ ٱسْتَوَىٰ عَلَى ٱلْعَرْشِ ۚ ٱلرَّحْمَـٰنُ فَسْـَٔلْ بِهِۦ خَبِيرًا۝٥٩

    Allathee khalaqa alssamawati waalarda wama baynahuma fee sittati ayyamin thumma istawa ʿala alʿarshi alrrahmanu faisal bihi khabeeran

    (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood, markaas kor ahaaday Carshiga (si u qalanta Weynadiisa). Naxariis Badanaha wax ka weydii mid Xog ogaal ah.

  60. وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱسْجُدُوا۟ لِلرَّحْمَـٰنِ قَالُوا۟ وَمَا ٱلرَّحْمَـٰنُ أَنَسْجُدُ لِمَا تَأْمُرُنَا وَزَادَهُمْ نُفُورًا ۩۝٦٠

    Waitha qeela lahumu osjudoo lilrrahmani qaloo wama alrrahmanu anasjudu lima tamuruna wazadahum nufooran

    Marka lagu yidhaahdo: “U sujuuda Raxmaanka.Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Muxuu yahay Ar-Raxmaan? Ma waxaan u sujuudeynaa waxaad nagu amreyso? Wuxuuna u kordhiyaa didmo.

  61. تَبَارَكَ ٱلَّذِى جَعَلَ فِى ٱلسَّمَآءِ بُرُوجًا وَجَعَلَ فِيهَا سِرَٰجًا وَقَمَرًا مُّنِيرًا۝٦١

    Tabaraka allathee jaʿala fee alssamai buroojan wajaʿala feeha sirajan waqamaran muneeran

    Waxaa khayr iyo barako badan Kan 'Alle' ee u yeelay samada xiddigo waaweyn, yeelayna dhexdeeda nal 'qorrax' iyo dayax ifiya.

  62. وَهُوَ ٱلَّذِى جَعَلَ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ خِلْفَةً لِّمَنْ أَرَادَ أَن يَذَّكَّرَ أَوْ أَرَادَ شُكُورًا۝٦٢

    Wahuwa allathee jaʿala allayla waalnnahara khilfatan liman arada an yaththakkara aw arada shukooran

    Waa Isaga (Alle) Kan uga yeelay habeenka iyo maalinta is dhaaf qofkii raba inuu waano qaato ama raba inuu ku mahdiyo (Alle).

  63. وَعِبَادُ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلَّذِينَ يَمْشُونَ عَلَى ٱلْأَرْضِ هَوْنًا وَإِذَا خَاطَبَهُمُ ٱلْجَـٰهِلُونَ قَالُوا۟ سَلَـٰمًا۝٦٣

    Waʿibadu alrrahmani allatheena yamshoona ʿala alardi hawnan waitha khatabahumu aljahiloona qaloo salaman

    Addoomaha Raxmaanka (Alle) waa kuwa ku mara dhulka miyir1, markay maangaabyada kula hadlaan (ereyo xun) ku yidhaahda salaamaa 'nabadgelyo'2.

    Sharaxa hoose
    [1] Xasillooni si sharaf leh aan iskibrin lahayn. [2] Salaamaa macnaha waa hadal nabad ah ka maran gef ama xumaan.
  64. وَٱلَّذِينَ يَبِيتُونَ لِرَبِّهِمْ سُجَّدًا وَقِيَـٰمًا۝٦٤

    Waallatheena yabeetoona lirabbihim sujjadan waqiyaman

    Waa kuwa ku dhaxa habeenkii iyagoo u sujuudsan Rabbigood oo u taagan 'salaad'.

  65. وَٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا ٱصْرِفْ عَنَّا عَذَابَ جَهَنَّمَ ۖ إِنَّ عَذَابَهَا كَانَ غَرَامًا۝٦٥

    Waallatheena yaqooloona rabbana isrif ʿanna ʿathaba jahannama inna ʿathabaha kana gharaman

    Kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Naga duw cadaabka Jahannama, hubaal! Cadaabkeedu waa wax joogta ah.

  66. إِنَّهَا سَآءَتْ مُسْتَقَرًّا وَمُقَامًا۝٦٦

    Innaha saat mustaqarran wamuqaman

    Hubaal waa hoy xun iyo meel baas ee la dego.

  67. وَٱلَّذِينَ إِذَآ أَنفَقُوا۟ لَمْ يُسْرِفُوا۟ وَلَمْ يَقْتُرُوا۟ وَكَانَ بَيْنَ ذَٰلِكَ قَوَامًا۝٦٧

    Waallatheena itha anfaqoo lam yusrifoo walam yaqturoo wakana bayna thalika qawaman

    Waa kuwa markay wax bixiyaan aan xad gudbin ama aan wax ciriiryin, oo intaas dhexdooda ku toosnaada.

  68. وَٱلَّذِينَ لَا يَدْعُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَـٰهًا ءَاخَرَ وَلَا يَقْتُلُونَ ٱلنَّفْسَ ٱلَّتِى حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَلَا يَزْنُونَ ۚ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ يَلْقَ أَثَامًا۝٦٨

    Waallatheena la yadʿoona maʿa Allahi ilahan akhara wala yaqtuloona alnnafsa allatee harrama Allahu illa bialhaqqi wala yaznoona waman yafʿal thalika yalqa athaman

    Ee ah kuwa aan baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle, oo aan ku dilin nafta uu Alle xarrimay waxaan ahayn xaq, oo aan zineyzan (dhilleysan), qofkii falana waxaa, wuxuu la kulmi eedsiin denbiguu galay ah.

  69. يُضَـٰعَفْ لَهُ ٱلْعَذَابُ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ وَيَخْلُدْ فِيهِۦ مُهَانًا۝٦٩

    Yudaʿaf lahu alʿathabu yawma alqiyamati wayakhlud feehi muhanan

    Waxaa loo laba laabi Cadaabka Maalin- ta Qiyaamaha, wuuna ku dhex waari isagoo dulleysan.

  70. إِلَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ عَمَلًا صَـٰلِحًا فَأُو۟لَـٰٓئِكَ يُبَدِّلُ ٱللَّهُ سَيِّـَٔاتِهِمْ حَسَنَـٰتٍ ۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا۝٧٠

    Illa man taba waamana waʿamila ʿamalan salihan faolaika yubaddilu Allahu sayyiatihim hasanatin wakana Allahu ghafooran raheeman

    Qofkii tawbad keena oo rumeeya (Xaqa) oo sama fala mooyee, kuwaas wuxuu Alle ugu beddeli xumohoodii xasanaad. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

  71. وَمَن تَابَ وَعَمِلَ صَـٰلِحًا فَإِنَّهُۥ يَتُوبُ إِلَى ٱللَّهِ مَتَابًا۝٧١

    Waman taba waʿamila salihan fainnahu yatoobu ila Allahi mataban

    Qofkii tawbad keena oo sama fala, wuxuu hubaal u soo laaban (oo tawbad keeni) xagga Alle laabasho (towbad) wanaagsan.

  72. وَٱلَّذِينَ لَا يَشْهَدُونَ ٱلزُّورَ وَإِذَا مَرُّوا۟ بِٱللَّغْوِ مَرُّوا۟ كِرَامًا۝٧٢

    Waallatheena la yashhadoona alzzoora waitha marroo biallaghwi marroo kiraman

    Waa kuwa aan furin markhaati been ah, markay maqlaanna wax uun hadal macno darro ah ku mara sharaf (ka jeesada).

  73. وَٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ رَبِّهِمْ لَمْ يَخِرُّوا۟ عَلَيْهَا صُمًّا وَعُمْيَانًا۝٧٣

    Waallatheena itha thukkiroo biayati rabbihim lam yakhirroo ʿalayha summan waʿumyanan

    Waa kuwa marka lagu waaniyo Aayadaha Rabbigood aan uga dhul dhicin dhega la’aan iyo indho la’aan.

  74. وَٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا هَبْ لَنَا مِنْ أَزْوَٰجِنَا وَذُرِّيَّـٰتِنَا قُرَّةَ أَعْيُنٍ وَٱجْعَلْنَا لِلْمُتَّقِينَ إِمَامًا۝٧٤

    Waallatheena yaqooloona rabbana hab lana min azwajina wathurriyyatina qurrata aʿyunin waijʿalna lilmuttaqeena imaman

    Waa kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Naga sii xaasaskayaga iyo ubadkayaga waxay indhaheenna ku farxaan1, noogana yeel kuwa Alle ka cabsada Iimaam (ay ku daydaan).

    Sharaxa hoose
    [1] Macnaha waa aan ku faraxno oo il qabowsanno sababta toosnidooda darteed iyo Alle ka cabsigooda.
  75. أُو۟لَـٰٓئِكَ يُجْزَوْنَ ٱلْغُرْفَةَ بِمَا صَبَرُوا۟ وَيُلَقَّوْنَ فِيهَا تَحِيَّةً وَسَلَـٰمًا۝٧٥

    Olaika yujzawna alghurfata bima sabaroo wayulaqqawna feeha tahiyyatan wasalaman

    Kuwaasi waxaa lagu abaal marin dabaqyo sare 'jannada gudaheeda'1 samirkoodii dartiis, waxayna kula kulmi dhexdeeda salaan iyo soo dhoweyn sare.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa halka ugu sarreysa uguna fiican Jannada.
  76. خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۚ حَسُنَتْ مُسْتَقَرًّا وَمُقَامًا۝٧٦

    Khalideena feeha hasunat mustaqarran wamuqaman

    Iyagoo ku dhex waaraya weligood, wanaagsanaa hoy iyo degmo ahaan.

  77. قُلْ مَا يَعْبَؤُا۟ بِكُمْ رَبِّى لَوْلَا دُعَآؤُكُمْ ۖ فَقَدْ كَذَّبْتُمْ فَسَوْفَ يَكُونُ لِزَامًۢا۝٧٧

    Qul ma yaʿbao bikum rabbee lawla duʿaokum faqad kaththabtum fasawfa yakoonu lizaman

    Dheh: “Rabbigay dan idiinma galeen haddaydaan barideen1. Haatanse waad beeniseen (Xaqa). Wuxuuna ahaan mid idin laasuma 'cadaabka'2.

    Sharaxa hoose
    [1] Codsigiinna in la idiin soo diro Rasuul. [2] Waa idinku lammaanaan si joogto ah.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Furqaan?

Macnaha Al-Furqaan waa “Kala saaraha”.

Suuradda Al-Furqaan juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Furqaan waxay ku fidsan tahay juz’ 18 iyo 19.

Suuradda Al-Furqaan immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Furqaan waxay leedahay 77 aayadood.

Suuradda Al-Furqaan ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Furqaan waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Furqaan waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 25aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.