سورة النمل

Suuradda An-Naml oo af Soomaali ah

Qudhaanjada

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda An-Naml (النمل) waa suuradda 27aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 93 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Qudhaanjada”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku fidsan tahay juz’ 19 iyo 20.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda An-Naml oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda An-Naml oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. طسٓ ۚ تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱلْقُرْءَانِ وَكِتَابٍ مُّبِينٍ۝١

    Taseen tilka ayatu alqurani wakitabin mubeenin

    Daa Siin1. Kuwaanu waa Aayadaha Qur'aanka oo Kitaab cad ah.

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda 1.
  2. هُدًى وَبُشْرَىٰ لِلْمُؤْمِنِينَ۝٢

    Hudan wabushra lilmumineena

    U ah hanuun iyo bishaaro mu’miniinta.

  3. ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ۝٣

    Allatheena yuqeemoona alssalata wayutoona alzzakata wahum bialakhirati hum yooqinoona

    Ee ah kuwa ooga salaadda oo bixiya Sakada, ahna kuwo iyagu Aakhiro yaqiinsan.

  4. إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ زَيَّنَّا لَهُمْ أَعْمَـٰلَهُمْ فَهُمْ يَعْمَهُونَ۝٤

    Inna allatheena la yuminoona bialakhirati zayyanna lahum aʿmalahum fahum yaʿmahoona

    Xaqiiq kuwaan rumeyn Aakhirada, waxaan u qurxinnay acmaashooda, waana ku jaha wareersan yihiin habowgooda.

  5. أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَهُمْ سُوٓءُ ٱلْعَذَابِ وَهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ هُمُ ٱلْأَخْسَرُونَ۝٥

    Olaika allatheena lahum sooo alʿathabi wahum fee alakhirati humu alakhsaroona

    Kuwaa waa kuwa mudan cadaab xun (adduunkan), Aakhirana iyaga uun baa ugu khasaare badan.

  6. وَإِنَّكَ لَتُلَقَّى ٱلْقُرْءَانَ مِن لَّدُنْ حَكِيمٍ عَلِيمٍ۝٦

    Wainnaka latulaqqa alqurana min ladun hakeemin ʿaleemin

    Wuxuu adigu (Rasuul Allow) kaaga yimaadaa Qur'aankan xagga Mid Xakiim ah, wax kasta Ogsoon (Allaah).

  7. إِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِأَهْلِهِۦٓ إِنِّىٓ ءَانَسْتُ نَارًا سَـَٔاتِيكُم مِّنْهَا بِخَبَرٍ أَوْ ءَاتِيكُم بِشِهَابٍ قَبَسٍ لَّعَلَّكُمْ تَصْطَلُونَ۝٧

    Ith qala moosa liahlihi innee anastu naran saateekum minha bikhabarin aw ateekum bishihabin qabasin laʿallakum tastaloona

    (Xus) markuu Muuse ku yidhi ehelkiisii: “Waxaan arkaa dab, Waxaan idiinka keeni war1 ama waxaan idiinka keeni dhimbilo dab ah inaad kulaashaan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waddada loo maro Masar.
  8. فَلَمَّا جَآءَهَا نُودِىَ أَنۢ بُورِكَ مَن فِى ٱلنَّارِ وَمَنْ حَوْلَهَا وَسُبْحَـٰنَ ٱللَّهِ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ۝٨

    Falamma jaaha noodiya an boorika man fee alnnari waman hawlaha wasubhana Allahi rabbi alʿalameena

    Markiise uu yimid, cod baa dhawaaqay leh: “Waa la barakeeyey waxa dabka agti ah iyo waxa hareera joogaba, xurmona waxaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan) Allaah, Rabbiga uumanka oo dhan.

  9. يَـٰمُوسَىٰٓ إِنَّهُۥٓ أَنَا ٱللَّهُ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ۝٩

    Ya moosa innahu ana Allahu alʿazeezu alhakeemu

    “Muusow! Xaqiiq waa Aniga Allaah, Adkaadaha Sare, Xikmadda Badan.

  10. وَأَلْقِ عَصَاكَ ۚ فَلَمَّا رَءَاهَا تَهْتَزُّ كَأَنَّهَا جَآنٌّ وَلَّىٰ مُدْبِرًا وَلَمْ يُعَقِّبْ ۚ يَـٰمُوسَىٰ لَا تَخَفْ إِنِّى لَا يَخَافُ لَدَىَّ ٱلْمُرْسَلُونَ۝١٠

    Waalqi ʿasaka falamma raaha tahtazzu kaannaha jannun walla mudbiran walam yuʿaqqib ya moosa la takhaf innee la yakhafu ladayya almursaloona

    “Oo tuur ushaada; markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa sidii mas, buu dib isu rogay oo carar is dhigay, dibna umuu soo jaleecin. Muusow! Ha cabsan, kuma cabsadaan agtayda Rusushu.

  11. إِلَّا مَن ظَلَمَ ثُمَّ بَدَّلَ حُسْنًۢا بَعْدَ سُوٓءٍ فَإِنِّى غَفُورٌ رَّحِيمٌ۝١١

    Illa man thalama thumma baddala husnan baʿda sooin fainnee ghafoorun raheemun

    Ciddiise dulma fasha markaas wanaag ku beddesha xumaan kaddib, Anigu waxaan ahay Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

  12. وَأَدْخِلْ يَدَكَ فِى جَيْبِكَ تَخْرُجْ بَيْضَآءَ مِنْ غَيْرِ سُوٓءٍ ۖ فِى تِسْعِ ءَايَـٰتٍ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَقَوْمِهِۦٓ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمًا فَـٰسِقِينَ۝١٢

    Waadkhil yadaka fee jaybika takhruj baydaa min ghayri sooin fee tisʿi ayatin ila firʿawna waqawmihi innahum kanoo qawman fasiqeena

    Gali gacantaada goshaada, waxay soo bixi durbaba caddaan (baras iyo) cudur la’aan. (kuwakani waa) qaar ka mid ah sagaalka calaamadood (aad ula tegi doonto) Fircoon iyo qolodiisa. Xaqiiq, waa qolo fallaago ah.

  13. فَلَمَّا جَآءَتْهُمْ ءَايَـٰتُنَا مُبْصِرَةً قَالُوا۟ هَـٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ۝١٣

    Falamma jaathum ayatuna mubsiratan qaloo hatha sihrun mubeenun

    Markiise Aayadahayaga cad ay u yimaadeen (Fircoon iyo qolodiisii), waxay yidhaahdeen: Kani waa sixir cad.

  14. وَجَحَدُوا۟ بِهَا وَٱسْتَيْقَنَتْهَآ أَنفُسُهُمْ ظُلْمًا وَعُلُوًّا ۚ فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلْمُفْسِدِينَ۝١٤

    Wajahadoo biha waistayqanatha anfusuhum thulman waʿuluwwan faonthur kayfa kana ʿaqibatu almufsideena

    Way dafireen Aayadahaa dulmi iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii xume 'iyo fasahaad' wadeenka.

  15. وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا دَاوُۥدَ وَسُلَيْمَـٰنَ عِلْمًا ۖ وَقَالَا ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِى فَضَّلَنَا عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّنْ عِبَادِهِ ٱلْمُؤْمِنِينَ۝١٥

    Walaqad atayna dawooda wasulaymana ʿilman waqala alhamdu lillahi allathee faddalana ʿala katheerin min ʿibadihi almumineena

    Waxaan dhab ahaan siinnay Daawuud iyo Sulaymaan cilmi. Waxay yidhaahdeen: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga faddilay in badan oo ka mid ah addoomahiisa mu'miniinta ah.

  16. وَوَرِثَ سُلَيْمَـٰنُ دَاوُۥدَ ۖ وَقَالَ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ عُلِّمْنَا مَنطِقَ ٱلطَّيْرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَىْءٍ ۖ إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ ٱلْفَضْلُ ٱلْمُبِينُ۝١٦

    Wawaritha sulaymanu dawooda waqala ya ayyuha alnnasu ʿullimna mantiqa alttayri waooteena min kulli shayin inna hatha lahuwa alfadlu almubeenu

    Wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Wuxuu yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, waxaana wax nalaga siiyey wax walba1. Hubaal, kani waa Fadli 'Alle baxsho' oo cad.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabi Sulaymaan c.s. waxaa la siiyey Nabinnimada iyo Boqortooyada kaddib aabbihi Nabi Daawuud c.s.
  17. وَحُشِرَ لِسُلَيْمَـٰنَ جُنُودُهُۥ مِنَ ٱلْجِنِّ وَٱلْإِنسِ وَٱلطَّيْرِ فَهُمْ يُوزَعُونَ۝١٧

    Wahushira lisulaymana junooduhu mina aljinni waalinsi waalttayri fahum yoozaʿoona

    Waxaa loo soo kulmiyey Sulaymaan askartiisii oo jin, dad iyo shimbiraba leh iyagoo loo abuubalay kooxo ahaan.

  18. حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَوْا۟ عَلَىٰ وَادِ ٱلنَّمْلِ قَالَتْ نَمْلَةٌ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّمْلُ ٱدْخُلُوا۟ مَسَـٰكِنَكُمْ لَا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَـٰنُ وَجُنُودُهُۥ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ۝١٨

    Hatta itha ataw ʿala wadi alnnamli qalat namlatun ya ayyuha alnnamlu odkhuloo masakinakum la yahtimannakum sulaymanu wajunooduhu wahum la yashʿuroona

    ilaa, markay yimaadeen toggii qudhaanjada, qudhaanjo baa waxay tidhi: “Qudhaanjooy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn.

  19. فَتَبَسَّمَ ضَاحِكًا مِّن قَوْلِهَا وَقَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِىٓ أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ ٱلَّتِىٓ أَنْعَمْتَ عَلَىَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَىَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَـٰلِحًا تَرْضَىٰهُ وَأَدْخِلْنِى بِرَحْمَتِكَ فِى عِبَادِكَ ٱلصَّـٰلِحِينَ۝١٩

    Fatabassama dahikan min qawliha waqala rabbi awziʿnee an ashkura niʿmataka allatee anʿamta ʿalayya waʿala walidayya waan aʿmala salihan tardahu waadkhilnee birahmatika fee ʿibadika alssaliheena

    Markaasuu (Sulaymaan) muusooday, isagoo ku qosli hadalkeeda, oo yidhi: Rabbiyow! I waafaji inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad ugu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan falo camal san aad ka raalli tahay, oo igu geli1 Naxariistaada addoomahaaga wanaagsan dhexdooda2.

    Sharaxa hoose
    [1] Erey ahaan macnaha waxaa weeye igu dhex kulmi oo faafi quwad iyo awood aad u sarreysa ee I sahasha adeeciddaada iyo gudashada cibaadada. [2] Macnaha sidoo kale wuxuu noqon karaa: “ oo I geli la jirka addoomahaaga wanaagsan (jannada) lagu waadho.
  20. وَتَفَقَّدَ ٱلطَّيْرَ فَقَالَ مَا لِىَ لَآ أَرَى ٱلْهُدْهُدَ أَمْ كَانَ مِنَ ٱلْغَآئِبِينَ۝٢٠

    Watafaqqada alttayra faqala ma liya la ara alhudhuda am kana mina alghaibeena

    Wuxuu (Sulaymaan) kormeeray shimbirihii, markaasuu yidhi: Maxaa dhacay oo aan u arki la'ahay hud-hudkii1, mise ma wuxuu ka mid yahay kuwa maqan?

    Sharaxa hoose
    [1] Hud-hud gaar ah oo heer sare ah ka mid ah shimbiraha.
  21. لَأُعَذِّبَنَّهُۥ عَذَابًا شَدِيدًا أَوْ لَأَا۟ذْبَحَنَّهُۥٓ أَوْ لَيَأْتِيَنِّى بِسُلْطَـٰنٍ مُّبِينٍ۝٢١

    Laoʿaththibannahu ʿathaban shadeedan aw laathbahannahu aw layatiyannee bisultanin mubeenin

    Waxaan ciqaabi ciqaab daran ama waan gowrici ama wuxuu ii keeni xujo cad.

  22. فَمَكَثَ غَيْرَ بَعِيدٍ فَقَالَ أَحَطتُ بِمَا لَمْ تُحِطْ بِهِۦ وَجِئْتُكَ مِن سَبَإٍۭ بِنَبَإٍ يَقِينٍ۝٢٢

    Famakatha ghayra baʿeedin faqala ahattu bima lam tuhit bihi wajituka min sabain binabain yaqeenin

    Mase maqnaan muddo dheer, (wuxuuna joogsaday meel aan fogeyn) oo yidhi: Waxaan soo koobay (ogaalka wax) aad koobin, waxaana kaaga keenay Saba1 war la hubo.

    Sharaxa hoose
    [1] Saba’ waa magaca boqortooyo jirtay Yaman waa’ hore.
  23. إِنِّى وَجَدتُّ ٱمْرَأَةً تَمْلِكُهُمْ وَأُوتِيَتْ مِن كُلِّ شَىْءٍ وَلَهَا عَرْشٌ عَظِيمٌ۝٢٣

    Innee wajadtu imraatan tamlikuhum waootiyat min kulli shayin walaha ʿarshun ʿatheemun

    Waxaan helay haweeney1 xukumeysa, oo la siiyey wax walba 'oo mulki adduun ah'2, waxayna leedahay Carshi Weyn.

    Sharaxa hoose
    [1] Balqiis (ama Makeda) waxay ka talineysey Saba’ waagii Sulaymaan. [2] Sida maal, beero badan, macaadinta dhulka, iwm.
  24. وَجَدتُّهَا وَقَوْمَهَا يَسْجُدُونَ لِلشَّمْسِ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيْطَـٰنُ أَعْمَـٰلَهُمْ فَصَدَّهُمْ عَنِ ٱلسَّبِيلِ فَهُمْ لَا يَهْتَدُونَ۝٢٤

    Wajadtuha waqawmaha yasjudoona lilshshamsi min dooni Allahi wazayyana lahumu alshshaytanu aʿmalahum fasaddahum ʿani alssabeeli fahum la yahtadoona

    Waxaan helay iyada iyo dadkeeda oo u sujuudaya qorraxda halkii Alle, wuxuuna u qurxiyey shaydaan camalladooda (xun), oo ka duway Jidka (Toosan ee Islaamka), marka ma ay hanuunsana.

  25. أَلَّا يَسْجُدُوا۟ لِلَّهِ ٱلَّذِى يُخْرِجُ ٱلْخَبْءَ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَيَعْلَمُ مَا تُخْفُونَ وَمَا تُعْلِنُونَ۝٢٥

    Alla yasjudoo lillahi allathee yukhriju alkhabaa fee alssamawati waalardi wayaʿlamu ma tukhfoona wama tuʿlinoona

    May u sujuudaan Alle ee soo bixiya waxa ku qarsoon samooyinka iyo arlada oo Ogsoon waxaad qarisaan, iyo waxaad muujisaanba.

  26. ٱللَّهُ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ ٱلْعَرْشِ ٱلْعَظِيمِ ۩۝٢٦

    Allahu la ilaha illa huwa rabbu alʿarshi alʿatheemi

    Allaah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Weyn.

  27. ۞ قَالَ سَنَنظُرُ أَصَدَقْتَ أَمْ كُنتَ مِنَ ٱلْكَـٰذِبِينَ۝٢٧

    Qala sananthuru asadaqta am kunta mina alkathibeena

    (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Waanu eegi inaad run sheegi ama inaad ka mid tahay beenlowyada.

  28. ٱذْهَب بِّكِتَـٰبِى هَـٰذَا فَأَلْقِهْ إِلَيْهِمْ ثُمَّ تَوَلَّ عَنْهُمْ فَٱنظُرْ مَاذَا يَرْجِعُونَ۝٢٨

    Ithhab bikitabee hatha faalqih ilayhim thumma tawalla ʿanhum faonthur matha yarjiʿoona

    Qaad warqaddaydaan oo u dhiib, kana soo laabo, markaas fiiri waxay (jawaab) soo celiyaan”.

  29. قَالَتْ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمَلَؤُا۟ إِنِّىٓ أُلْقِىَ إِلَىَّ كِتَـٰبٌ كَرِيمٌ۝٢٩

    Qalat ya ayyuha almalao innee olqiya ilayya kitabun kareemun

    Waxay tidhi: Mudanayaal! Waxaa la iigu dhiibay halkaan waraaq sharaf leh.

  30. إِنَّهُۥ مِن سُلَيْمَـٰنَ وَإِنَّهُۥ بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ۝٣٠

    Innahu min sulaymana wainnahu bismi Allahi alrrahmani alrraheemi

    Waxaa soo diray Sulaymaan, (waxaana ku yaal): Bismillaahir Raxmaanir Raxiim.

  31. أَلَّا تَعْلُوا۟ عَلَىَّ وَأْتُونِى مُسْلِمِينَ۝٣١

    Alla taʿloo ʿalayya watoonee muslimeena

    Ha iska kay weyneynina oo ii imaada idinkoo hoggaansan oo Muslimiin ah.

  32. قَالَتْ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمَلَؤُا۟ أَفْتُونِى فِىٓ أَمْرِى مَا كُنتُ قَاطِعَةً أَمْرًا حَتَّىٰ تَشْهَدُونِ۝٣٢

    Qalat ya ayyuha almalao aftoonee fee amree ma kuntu qatiʿatan amran hatta tashhadoona

    Waxay tidhi: Mudanayaal! Iga siiya talo arrinkaygaan. Anigu ma gooyo talo jeer aad goob joog tihiin1.

    Sharaxa hoose
    [1] Inaad ila joogtaan maahee golaha wada tashiga (baarlamaanka), oo aad oggolaansho cad i siisaan.
  33. قَالُوا۟ نَحْنُ أُو۟لُوا۟ قُوَّةٍ وَأُو۟لُوا۟ بَأْسٍ شَدِيدٍ وَٱلْأَمْرُ إِلَيْكِ فَٱنظُرِى مَاذَا تَأْمُرِينَ۝٣٣

    Qaloo nahnu oloo quwwatin waoloo basin shadeedin waalamru ilayki faonthuree matha tamureena

    Waxay yidhaahdeen: Waxaanu nahay kuwo xoog leh oo dagaal aqoon daran leh iyo geesinnimo, amarkase adigaa leh; ee ka fiirso waxaad amreyso.

  34. قَالَتْ إِنَّ ٱلْمُلُوكَ إِذَا دَخَلُوا۟ قَرْيَةً أَفْسَدُوهَا وَجَعَلُوٓا۟ أَعِزَّةَ أَهْلِهَآ أَذِلَّةً ۖ وَكَذَٰلِكَ يَفْعَلُونَ۝٣٤

    Qalat inna almulooka itha dakhaloo qaryatan afsadooha wajaʿaloo aʿizzata ahliha athillatan wakathalika yafʿaloona

    Waxay tidhi: Hubaal! Boqorradu, markay (ku) galaan magaalo (xoog) waa kharribaan, oo ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwa hoos ah. Sidaasayna falaan.

  35. وَإِنِّى مُرْسِلَةٌ إِلَيْهِم بِهَدِيَّةٍ فَنَاظِرَةٌۢ بِمَ يَرْجِعُ ٱلْمُرْسَلُونَ۝٣٥

    Wainnee mursilatun ilayhim bihadiyyatin fanathiratun bima yarjiʿu almursaloona

    Waxaanse u diri hadiyad oo sugi waxay (jawaab) la soo noqdaan ergaydu.

  36. فَلَمَّا جَآءَ سُلَيْمَـٰنَ قَالَ أَتُمِدُّونَنِ بِمَالٍ فَمَآ ءَاتَىٰنِۦَ ٱللَّهُ خَيْرٌ مِّمَّآ ءَاتَىٰكُم بَلْ أَنتُم بِهَدِيَّتِكُمْ تَفْرَحُونَ۝٣٦

    Falamma jaa sulaymana qala atumiddoonani bimalin fama ataniya Allahu khayrun mimma atakum bal antum bihadiyyatikum tafrahoona

    Markii (ergaygii oo sida hadiyadda) u yimid Sulaymaan, wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu deeqeysaan maal? Waxa se uu I siiyey Alle baa ka khayr badan waxa uu idin siiyey. Waxaadse idinku ku faraxsan tihiin hadiyaddiinna.

  37. ٱرْجِعْ إِلَيْهِمْ فَلَنَأْتِيَنَّهُم بِجُنُودٍ لَّا قِبَلَ لَهُم بِهَا وَلَنُخْرِجَنَّهُم مِّنْهَآ أَذِلَّةً وَهُمْ صَـٰغِرُونَ۝٣٧

    Irjiʿ ilayhim falanatiyannahum bijunoodin la qibala lahum biha walanukhrijannahum minha athillatan wahum saghiroona

    U celi iyaga, waxaan ula imaaneynaa ciidammo aysan awood u lahayn inay ka hor tagaan, waxaana ka saari magaalada iyagoo dullaysan oo ku jira xaalad liidasho.

  38. قَالَ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمَلَؤُا۟ أَيُّكُمْ يَأْتِينِى بِعَرْشِهَا قَبْلَ أَن يَأْتُونِى مُسْلِمِينَ۝٣٨

    Qala ya ayyuha almalao ayyukum yateenee biʿarshiha qabla an yatoonee muslimeena

    (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Mudanayaal! Kiinnee baa ii keeni carshigeeda ka hor inta aanay ii imaan iyagoo hoggaansan oo Muslimiin ah?”

  39. قَالَ عِفْرِيتٌ مِّنَ ٱلْجِنِّ أَنَا۠ ءَاتِيكَ بِهِۦ قَبْلَ أَن تَقُومَ مِن مَّقَامِكَ ۖ وَإِنِّى عَلَيْهِ لَقَوِىٌّ أَمِينٌ۝٣٩

    Qala ʿifreetun mina aljinni ana ateeka bihi qabla an taqooma min maqamika wainne ʿalayhi laqawiyyun ameenun

    Cifriit ka mid ah jinka baa wuxuu yidhi: Anigaa kuu keenaya ka hor intaad ka kicin golahaaga, oo xaqiiq waxaan anigu ahay mid xoog u leh oo aamin ah.

  40. قَالَ ٱلَّذِى عِندَهُۥ عِلْمٌ مِّنَ ٱلْكِتَـٰبِ أَنَا۠ ءَاتِيكَ بِهِۦ قَبْلَ أَن يَرْتَدَّ إِلَيْكَ طَرْفُكَ ۚ فَلَمَّا رَءَاهُ مُسْتَقِرًّا عِندَهُۥ قَالَ هَـٰذَا مِن فَضْلِ رَبِّى لِيَبْلُوَنِىٓ ءَأَشْكُرُ أَمْ أَكْفُرُ ۖ وَمَن شَكَرَ فَإِنَّمَا يَشْكُرُ لِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ رَبِّى غَنِىٌّ كَرِيمٌ۝٤٠

    Qala allathee ʿindahu ʿilmun mina alkitabi ana ateeka bihi qabla an yartadda ilayka tarfuka falamma raahu mustaqirran ʿindahu qala hatha min fadli rabbee liyabluwanee aashkuru am akfuru waman shakara fainnama yashkuru linafsihi waman kafara fainna rabbee ghaniyyun kareemun

    Mid haystay cilmi Kitaabka ah1 wuxuu yidhi: Anigaa kuugu keenaya il biriqsi gudaheed. Markuu (Sulaymaan) arkay isagoo barbarkiisa yaal (carshigeedii), wuxuu yidhi: Kani waa fadliga Rabbigay - si uu ii imtixaano inaan ku mahdiyo ama aan ka abaal dhaco. Qofkii (Alle) ku mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, qofkiina ka abaal dhaca, hubaal Rabbigay waa mid kaaftoon, sharaf Badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa Kitaab halkan Kitaabkii la soo dejiyey ka hor Sulaymaan oo ah Towraadda iyo Zabuurka.
  41. قَالَ نَكِّرُوا۟ لَهَا عَرْشَهَا نَنظُرْ أَتَهْتَدِىٓ أَمْ تَكُونُ مِنَ ٱلَّذِينَ لَا يَهْتَدُونَ۝٤١

    Qala nakkiroo laha ʿarshaha nanthur atahtadee am takoonu mina allatheena la yahtadoona

    (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Dooriya carshigeeda si aan u aragno inay garato, mise inay noqoto mid aan garanayn.

  42. فَلَمَّا جَآءَتْ قِيلَ أَهَـٰكَذَا عَرْشُكِ ۖ قَالَتْ كَأَنَّهُۥ هُوَ ۚ وَأُوتِينَا ٱلْعِلْمَ مِن قَبْلِهَا وَكُنَّا مُسْلِمِينَ۝٤٢

    Falamma jaat qeela ahakatha ʿarshuki qalat kaannahu huwa waooteena alʿilma min qabliha wakunna muslimeena

    Markay timid baa waxaa lagu yidhi: Ma sidan baa Carshigaagu?. Waxay tidhi: Waxaadba mooddaa isagii. (Sulaymaan wuxuu yidhi): Waxaana nala siiyey cilmi horteed, waxaanu nahay Muslimiin.

  43. وَصَدَّهَا مَا كَانَت تَّعْبُدُ مِن دُونِ ٱللَّهِ ۖ إِنَّهَا كَانَتْ مِن قَوْمٍ كَـٰفِرِينَ۝٤٣

    Wasaddaha ma kanat taʿbudu min dooni Allahi innaha kanat min qawmin kafireena

    Waxaa (Xaqa) ka jeediyey waxay caabudeysey Alle sokadi, waxay ka mid aheyd qolo gaalo ah1.

    Sharaxa hoose
    [1] Balqiis waxay ku ogaatay Nabinnimada Sulaymaan ka hor inta aan la keenin carshigeeda xagga Falastiin soo celintii dib loogu soo celiyey hadiyaddii ay dirtay.
  44. قِيلَ لَهَا ٱدْخُلِى ٱلصَّرْحَ ۖ فَلَمَّا رَأَتْهُ حَسِبَتْهُ لُجَّةً وَكَشَفَتْ عَن سَاقَيْهَا ۚ قَالَ إِنَّهُۥ صَرْحٌ مُّمَرَّدٌ مِّن قَوَارِيرَ ۗ قَالَتْ رَبِّ إِنِّى ظَلَمْتُ نَفْسِى وَأَسْلَمْتُ مَعَ سُلَيْمَـٰنَ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ۝٤٤

    Qeela laha odkhulee alssarha falamma raathu hasibathu lujjatan wakashafat ʿan saqayha qala innahu sarhun mumarradun min qawareera qalat rabbi innee thalamtu nafsee waaslamtu maʿa sulaymana lillahi rabbi alʿalameena

    Waxaa lagu yidhi: Gal Daarta1, markay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaasay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Anigu waxaan dulmiyey naftayda, haddase islaamay oo waxaan si dhan isugu dhiibay la jirka Sulaymaan Alle, Rabbiga uumanka.

    Sharaxa hoose
    [1] Daartaa waxay ahayd mid loo malaasay si qurux badan, aad u salaaxan, marmarkeedu ka sameysan yahay muraayado layska arko, hoostiisana waxaa sii ahaa biyo badan oo socda, iyo kalluun, iwm.
  45. وَلَقَدْ أَرْسَلْنَآ إِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَـٰلِحًا أَنِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ فَإِذَا هُمْ فَرِيقَانِ يَخْتَصِمُونَ۝٤٥

    Walaqad arsalna ila thamooda akhahum salihan ani oʿbudoo Allaha faitha hum fareeqani yakhtasimoona

    Waxaan u dirnay (reer) Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Alle (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya1.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabi Saalix c.s iyo qolodiisii.
  46. قَالَ يَـٰقَوْمِ لِمَ تَسْتَعْجِلُونَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبْلَ ٱلْحَسَنَةِ ۖ لَوْلَا تَسْتَغْفِرُونَ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ۝٤٦

    Qala ya qawmi lima tastaʿjiloona bialssayyiati qabla alhasanati lawla tastaghfiroona Allaha laʿallakum turhamoona

    (Saalix) wuxuu yidhi: “Tolkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaanta halkii samaanta1? Maxaad uga dalbi weydeen Denbi Dhaaf Alle inuu idiin naxariisto?

    Sharaxa hoose
    [1] Iyagoo kula dooday Saalix inuu u keeno cadaabka uu ugu gooddiyey, halkii ay dalbi lahaayeen Naxariis Alle.
  47. قَالُوا۟ ٱطَّيَّرْنَا بِكَ وَبِمَن مَّعَكَ ۚ قَالَ طَـٰٓئِرُكُمْ عِندَ ٱللَّهِ ۖ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ تُفْتَنُونَ۝٤٧

    Qaloo ittayyarna bika wabiman maʿaka qala tairukum ʿinda Allahi bal antum qawmun tuftanoona

    Waxay yidhahdeen: Waan ku shareysan- nay adiga iyo kuwa kula jira. Wuxuu yidhi: "Waxa idinku dhaca (khayr ama shar) waa Alle agti1; waxaadse tihiin qolo la imtaxaanayo.”

    Sharaxa hoose
    [1] Qaddarka iyo qadahiisa.
  48. وَكَانَ فِى ٱلْمَدِينَةِ تِسْعَةُ رَهْطٍ يُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا يُصْلِحُونَ۝٤٨

    Wakana fee almadeenati tisʿatu rahtin yufsidoona fee alardi wala yuslihoona

    Waxaa magaalada1 ku sugnaa sagaal nin2, ku fala fasahaad arlada aan wax hagaajin.

    Sharaxa hoose
    [1] Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen waxaa loola jeedaa magaalada halkan magaaladii qolodii Thamuud, waana magaaladii Al-Xijir. [2] Oo ahaa madaxdoodii iyo wiilasha ay dhaleen oo diinta colaadinayey.
  49. قَالُوا۟ تَقَاسَمُوا۟ بِٱللَّهِ لَنُبَيِّتَنَّهُۥ وَأَهْلَهُۥ ثُمَّ لَنَقُولَنَّ لِوَلِيِّهِۦ مَا شَهِدْنَا مَهْلِكَ أَهْلِهِۦ وَإِنَّا لَصَـٰدِقُونَ۝٤٩

    Qaloo taqasamoo biAllahi lanubayyitannahu waahlahu thumma lanaqoolanna liwaliyyihi ma shahidna mahlika ahlihi wainna lasadiqoona

    Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Alle inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisa goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan xigtadiisa dhow1: Maa aanu joogin meeshuu ku halaagsamay ehelkiisu,run baynuna sheegi.

    Sharaxa hoose
    [1] Midka ay saaran tahay inuu fuliyo dardaarankiisa, oo leh diyadiisa.
  50. وَمَكَرُوا۟ مَكْرًا وَمَكَرْنَا مَكْرًا وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ۝٥٠

    Wamakaroo makran wamakarna makran wahum la yashʿuroona

    Waxay tabeeyeen tab, Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn.

  51. فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ مَكْرِهِمْ أَنَّا دَمَّرْنَـٰهُمْ وَقَوْمَهُمْ أَجْمَعِينَ۝٥١

    Faonthur kayfa kana ʿaqibatu makrihim anna dammarnahum waqawmahum ajmaʿeena

    Ee fiiri siday aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan.

  52. فَتِلْكَ بُيُوتُهُمْ خَاوِيَةًۢ بِمَا ظَلَمُوٓا۟ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَعْلَمُونَ۝٥٢

    Fatilka buyootuhum khawiyatan bima thalamoo inna fee thalika laayatan liqawmin yaʿlamoona

    Waana kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan dulmigoodii darti. Hubaal, arrinkaa waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax garan.

  53. وَأَنجَيْنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَكَانُوا۟ يَتَّقُونَ۝٥٣

    Waanjayna allatheena amanoo wakanoo yattaqoona

    Waxaanu badbaaddinnay kuwii (xaqa) rumeeyey oo ka dhowrsanayey (shirkiga iyo macaasida).

  54. وَلُوطًا إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِۦٓ أَتَأْتُونَ ٱلْفَـٰحِشَةَ وَأَنتُمْ تُبْصِرُونَ۝٥٤

    Walootan ith qala liqawmihi atatoona alfahishata waantum tubsiroona

    (Waxaana dirnay) Luud markuu ku lahaa qolodiisii: Ma waxaad la imanaysaan faaxisho1 idinkoo arka2?

    Sharaxa hoose
    [1] Faaxishah wax xille oo foolxun waxaa halkan loola jeedaa zinada iyo ficilkii qoomu luud -Falalka khaniisnimada ah, iwm. [2] Si caddaan ah, tafsiir kale waa idinkoo ogsoon inay tahay denbi weyn.
  55. أَئِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ ٱلرِّجَالَ شَهْوَةً مِّن دُونِ ٱلنِّسَآءِ ۚ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ تَجْهَلُونَ۝٥٥

    Ainnakum latatoona alrrijala shahwatan min dooni alnnisai bal antum qawmun tajhaloona

    Ma waxaad u tageysaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Waxaadse tihiin qolo jaahiliin ah aan garan (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada).

  56. ۞ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُوٓا۟ أَخْرِجُوٓا۟ ءَالَ لُوطٍ مِّن قَرْيَتِكُمْ ۖ إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ۝٥٦

    Fama kana jawaba qawmihi illa an qaloo akhrijoo ala lootin min qaryatikum innahum onasun yatatahharoona

    Mase ahayn jawaabtii qolodiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: “Ka saara reer Luud magaaladiinna, waa dad is daahirine.

  57. فَأَنجَيْنَـٰهُ وَأَهْلَهُۥٓ إِلَّا ٱمْرَأَتَهُۥ قَدَّرْنَـٰهَا مِنَ ٱلْغَـٰبِرِينَ۝٥٧

    Faanjaynahu waahlahu illa imraatahu qaddarnaha mina alghabireena

    Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisii marwadiisii maahee. Waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haray gadaal (ee la halaagay).

  58. وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا ۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلْمُنذَرِينَ۝٥٨

    Waamtarna ʿalayhim mataran fasaa mataru almunthareena

    Waxaana ku soo daadinnay korkooda roob (dhagaxyo naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay.

  59. قُلِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ وَسَلَـٰمٌ عَلَىٰ عِبَادِهِ ٱلَّذِينَ ٱصْطَفَىٰٓ ۗ ءَآللَّهُ خَيْرٌ أَمَّا يُشْرِكُونَ۝٥٩

    Quli alhamdu lillahi wasalamun ʿala ʿibadihi allatheena istafa allahu khayrun amma yushrikoona

    Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, nabadna ha ahaato addoomahiisa uu doortay dushooda. Ma Alle baa wanaagsan, mise kuwa (ilaahyada beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada shariigyo ahaan?

  60. أَمَّنْ خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَنۢبَتْنَا بِهِۦ حَدَآئِقَ ذَاتَ بَهْجَةٍ مَّا كَانَ لَكُمْ أَن تُنۢبِتُوا۟ شَجَرَهَآ ۗ أَءِلَـٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ ۚ بَلْ هُمْ قَوْمٌ يَعْدِلُونَ۝٦٠

    Amman khalaqa alssamawati waalarda waanzala lakum mina alssamai maan faanbatna bihi hadaiqa thata bahjatin ma kana lakum an tunbitoo shajaraha ailahun maʿa Allahi bal hum qawmun yaʿdiloona

    Mayee, (Alle baa wanaagsan) ee ah Kan abuuray cirarka iyo dhulka, oo idiinka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo aan ku soo bixinno beero cajab leh oo bilic iyo barwaaqo badan; Ma aha wax aad kartaan inaad soo saartaan geedahooda. Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Mayee, waa qolo ka weecata (Xaqa oo la wadaajiya Alle cibaadada cid kale oo la mid dhiga).

  61. أَمَّن جَعَلَ ٱلْأَرْضَ قَرَارًا وَجَعَلَ خِلَـٰلَهَآ أَنْهَـٰرًا وَجَعَلَ لَهَا رَوَٰسِىَ وَجَعَلَ بَيْنَ ٱلْبَحْرَيْنِ حَاجِزًا ۗ أَءِلَـٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ۝٦١

    Amman jaʿala alarda qararan wajaʿala khilalaha anharan wajaʿala laha rawasiya wajaʿala bayna albahrayni hajizan ailahun maʿa Allahi bal aktharuhum la yaʿlamoona

    (Waxaa wanaagsan Alle ee) ka dhigay dhulka meel la dego oo ka yeelay dhexdiisa webiyo, oo u yeelay buuro suga, yeelayna dhexdooda labada badood xidh. Ee ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Mayee, badankood garasho ma leh.

  62. أَمَّن يُجِيبُ ٱلْمُضْطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكْشِفُ ٱلسُّوٓءَ وَيَجْعَلُكُمْ خُلَفَآءَ ٱلْأَرْضِ ۗ أَءِلَـٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ ۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ۝٦٢

    Amman yujeebu almudtarra itha daʿahu wayakshifu alssooa wayajʿalukum khulafaa alardi ailahun maʿa Allahi qaleelan ma tathakkaroona

    (Waxaa Wanaagsan Alle ee ah) Kan ajiiba dhibbanaha markuu baryo oo ka qaada dhibka, idinkana yeela kuwa u hadha (oo isku beddela) dhulka1. Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Yaraa intaad xusuusataan (oo waantowdaan).

    Sharaxa hoose
    [1] Fac walba uu xigsado fac kale.
  63. أَمَّن يَهْدِيكُمْ فِى ظُلُمَـٰتِ ٱلْبَرِّ وَٱلْبَحْرِ وَمَن يُرْسِلُ ٱلرِّيَـٰحَ بُشْرًۢا بَيْنَ يَدَىْ رَحْمَتِهِۦٓ ۗ أَءِلَـٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ ۚ تَعَـٰلَى ٱللَّهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ۝٦٣

    Amman yahdeekum fee thulumati albarri waalbahri waman yursilu alrriyaha bushran bayna yaday rahmatihi ailahun maʿa Allahi taʿala Allahu ʿamma yushrikoona

    (Waxaa wanaagsan Alle ee ah) Kan idin haga markaad ku dhex jirtaan mugdiyada berriga iyo badda oo ah Kan soo dira dabeylaha ceelalyo ahaan bishaara sida ka horreeya Raxmaddiisa (roobka)? Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Waa ka sarreeyaa Alle waxay la wadaajiyaan cibaadada (oo la mid dhigaan).

  64. أَمَّن يَبْدَؤُا۟ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَمَن يَرْزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ ۗ أَءِلَـٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ ۚ قُلْ هَاتُوا۟ بُرْهَـٰنَكُمْ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ۝٦٤

    Amman yabdao alkhalqa thumma yuʿeeduhu waman yarzuqukum mina alssamai waalardi ailahun maʿa Allahi qul hatoo burhanakum in kuntum sadiqeena

    (Alle ee ah) Kan billaaba asal ahaan abuurka, haddana soo celin, ee ah Kan idinka irsaaqa samada iyo arlada? Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Dheh: Keena Xujadiinna, haddaad run sheegaysaan.

  65. قُل لَّا يَعْلَمُ مَن فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ٱلْغَيْبَ إِلَّا ٱللَّهُ ۚ وَمَا يَشْعُرُونَ أَيَّانَ يُبْعَثُونَ۝٦٥

    Qul la yaʿlamu man fee alssamawati waalardi alghayba illa Allahu wama yashʿuroona ayyana yubʿathoona

    Dheh: Ma jiraan cid ku sugan samooyinka iyo arlada oo ogsoon Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan) Alle ma’ahee, mana ay oga goorta la soo bixin.

  66. بَلِ ٱدَّٰرَكَ عِلْمُهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ ۚ بَلْ هُمْ فِى شَكٍّ مِّنْهَا ۖ بَلْ هُم مِّنْهَا عَمُونَ۝٦٦

    Bali iddaraka ʿilmuhum fee alakhirati bal hum fee shakkin minha bal hum minha ʿamoona

    Mayee’, Cilmigooda xagga Aakhirada waa wax yar oo aan dhammeyn. Waxaybase ka qabaan shaki, wayna ka indha la' yihiin xaggeeda.

  67. وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبًا وَءَابَآؤُنَآ أَئِنَّا لَمُخْرَجُونَ۝٦٧

    Waqala allatheena kafaroo aitha kunna turaban waabaona ainna lamukhrajoona

    Kuwa gaalooba waxay dhahaan: Ma markaan noqonno carro, innaga iyo aabba- yaashayo, miyaa nala soo bixin (mar kale)?

  68. لَقَدْ وُعِدْنَا هَـٰذَا نَحْنُ وَءَابَآؤُنَا مِن قَبْلُ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّآ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ۝٦٨

    Laqad wuʿidna hatha nahnu waabaona min qablu in hatha illa asateeru alawwaleena

    Waxaa naloo yaboohay (arrin)kan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan aheyn sheeko xariirtii kuwii hore.

  69. قُلْ سِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَٱنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلْمُجْرِمِينَ۝٦٩

    Qul seeroo fee alardi faonthuroo kayfa kana ʿaqibatu almujrimeena

    Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya siday aheyd cidhibtii denbiilayaasha.

  70. وَلَا تَحْزَنْ عَلَيْهِمْ وَلَا تَكُن فِى ضَيْقٍ مِّمَّا يَمْكُرُونَ۝٧٠

    Wala tahzan ʿalayhim wala takun fee dayqin mimma yamkuroona

    Ee ha u murugoon, hana ka cidhiidhyamin waxay dhagar dhigi darteed.

  71. وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَـٰذَا ٱلْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ۝٧١

    Wayaqooloona mata hatha alwaʿdu in kuntum sadiqeena

    Waxay yidhaahdaan: Waa goorma yaboohaasi haddaad run sheegaysaan?

  72. قُلْ عَسَىٰٓ أَن يَكُونَ رَدِفَ لَكُم بَعْضُ ٱلَّذِى تَسْتَعْجِلُونَ۝٧٢

    Qul ʿasa an yakoona radifa lakum baʿdu allathee tastaʿjiloona

    Dheh: Waa intaasoo ay yihiin wax dhow oo gadaashiinna ah qaar ka mid ah waxaad rabtaan in la soo dedjiyo (Cadaabka).

  73. وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو فَضْلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَشْكُرُونَ۝٧٣

    Wainna rabbaka lathoo fadlin ʿala alnnasi walakinna aktharahum la yashkuroona

    Hubaalna Rabbigaa waa u Roon yahay dadka, badankooduse ma mahad naqaan.

  74. وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَعْلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمْ وَمَا يُعْلِنُونَ۝٧٤

    Wainna rabbaka layaʿlamu ma tukinnu sudooruhum wama yuʿlinoona

    Xaqiiq Rabbigaa waa Og yahay waxay laabahoodu qarin iyo waxay muujinba.

  75. وَمَا مِنْ غَآئِبَةٍ فِى ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ إِلَّا فِى كِتَـٰبٍ مُّبِينٍ۝٧٥

    Wama min ghaibatin fee alssamai waalardi illa fee kitabin mubeenin

    Ma jiro wax ku qarsoon samada iyo arlada oo aan ku qorneyni Kitaab cad1.

    Sharaxa hoose
    [1] Looxa Maxfuudka.
  76. إِنَّ هَـٰذَا ٱلْقُرْءَانَ يَقُصُّ عَلَىٰ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ أَكْثَرَ ٱلَّذِى هُمْ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ۝٧٦

    Inna hatha alqurana yaqussu ʿala banee israeela akthara allathee hum feehi yakhtalifoona

    Xaqiiq, Qur’aankani wuxuu kaga warrami reer Israa’iil badi waxay isku hayeen oo ay isku khilaafsanaayeen.

  77. وَإِنَّهُۥ لَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ۝٧٧

    Wainnahu lahudan warahmatun lilmumineena

    Xaqiiqna, waa u Hanuun iyo Naxariis mu’miniinta.

  78. إِنَّ رَبَّكَ يَقْضِى بَيْنَهُم بِحُكْمِهِۦ ۚ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْعَلِيمُ۝٧٨

    Inna rabbaka yaqdee baynahum bihukmihi wahuwa alʿazeezu alʿaleemu

    Hubaal Rabbigaa wuxuu ugu kala garsoori dhexdooda xukunkiisa, waana Adkaadaha, wax kasta Ogsoon.

  79. فَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ ۖ إِنَّكَ عَلَى ٱلْحَقِّ ٱلْمُبِينِ۝٧٩

    Fatawakkal ʿala Allahi innaka ʿala alhaqqi almubeeni

    Ee talo saaro Alle; hubaal, waxaad ku sugan tahay Xaq Cad.

  80. إِنَّكَ لَا تُسْمِعُ ٱلْمَوْتَىٰ وَلَا تُسْمِعُ ٱلصُّمَّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا وَلَّوْا۟ مُدْبِرِينَ۝٨٠

    Innaka la tusmiʿu almawta wala tusmiʿu alssumma aldduʿaa itha wallaw mudbireena

    Adigu dhabtii wax ma maqashiin kartid meytida, mana maqashiin kartid dhagoolaha dhawaaqa markay tagaan oo dhabarka jeediyaan.

  81. وَمَآ أَنتَ بِهَـٰدِى ٱلْعُمْىِ عَن ضَلَـٰلَتِهِمْ ۖ إِن تُسْمِعُ إِلَّا مَن يُؤْمِنُ بِـَٔايَـٰتِنَا فَهُم مُّسْلِمُونَ۝٨١

    Wama anta bihadee alʿumyi ʿan dalalatihim in tusmiʿu illa man yuminu biayatina fahum muslimoona

    Oo ma thid mid ka toosin kara indhoolayaasha habowgooda, cidna wax wax maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga ee iyagu Muslimiin ah (Alle u hoggaansan).

  82. ۞ وَإِذَا وَقَعَ ٱلْقَوْلُ عَلَيْهِمْ أَخْرَجْنَا لَهُمْ دَآبَّةً مِّنَ ٱلْأَرْضِ تُكَلِّمُهُمْ أَنَّ ٱلنَّاسَ كَانُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا لَا يُوقِنُونَ۝٨٢

    Waitha waqaʿa alqawlu ʿalayhim akhrajna lahum dabbatan mina alardi tukallimuhum anna alnnasa kanoo biayatina la yooqinoona

    Markuu Qawlka (Cadaabka) ku fulo dushooda1, Waxaan uga soo bixin Neef (dugaag) arlada la hadleysa inay dadku ahaayeen kuwo aan yaqiinsaneyn Aayadahayaga.

    Sharaxa hoose
    [1] Markay soo dhowaato Saacadda Qiyaame.
  83. وَيَوْمَ نَحْشُرُ مِن كُلِّ أُمَّةٍ فَوْجًا مِّمَّن يُكَذِّبُ بِـَٔايَـٰتِنَا فَهُمْ يُوزَعُونَ۝٨٣

    Wayawma nahshuru min kulli ommatin fawjan mimman yukaththibu biayatina fahum yoozaʿoona

    (Oo ka dig) Maalintaan ka soo saari ummad walba koox ah kuwii beeniyey Aayadahayaga iyagoo is cidhiidhyi.

  84. حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُو قَالَ أَكَذَّبْتُم بِـَٔايَـٰتِى وَلَمْ تُحِيطُوا۟ بِهَا عِلْمًا أَمَّاذَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ۝٨٤

    Hatta itha jaoo qala akaththabtum biayatee walam tuheetoo biha ʿilman ammatha kuntum taʿmaloona

    Ilaa markay yimaadaan (Rabbigood hortiis) Wuxuu ku odhan: Ma waxaad beeniseen Aayadahaygii idinkoon ku koobin cilmi, maxaadse fali jirteen?

  85. وَوَقَعَ ٱلْقَوْلُ عَلَيْهِم بِمَا ظَلَمُوا۟ فَهُمْ لَا يَنطِقُونَ۝٨٥

    Wawaqaʿa alqawlu ʿalayhim bima thalamoo fahum la yantiqoona

    Waxaa ku fuli Qowlkii 'Cadaabka'1, dulmigoodii darti, marka ma hadlayaan.

    Sharaxa hoose
    [1] Qaddarka Alle baa ku dhaboobi korkooda, oo yaboohiisa waa fuli.
  86. أَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّا جَعَلْنَا ٱلَّيْلَ لِيَسْكُنُوا۟ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبْصِرًا ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ۝٨٦

    Alam yaraw anna jaʿalna allayla liyaskunoo feehi waalnnahara mubsiran inna fee thalika laayatin liqawmin yuminoona

    Mawaysan arkayn inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan, Maalintana iftiin? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn (Xaqa).

  87. وَيَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ فَفَزِعَ مَن فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ إِلَّا مَن شَآءَ ٱللَّهُ ۚ وَكُلٌّ أَتَوْهُ دَٰخِرِينَ۝٨٧

    Wayawma yunfakhu fee alssoori fafaziʿa man fee alssamawati waman fee alardi illa man shaa Allahu wakullun atawhu dakhireena

    (Ka dig) Maalinta buunka la afuufi, oo ay argagixi kuwa ku sugan cirarka iyo kuwa ku sugan dhulka cidduu Alle doono mooyee, kullina waxay u imaan iyagoo dullaysan.

  88. وَتَرَى ٱلْجِبَالَ تَحْسَبُهَا جَامِدَةً وَهِىَ تَمُرُّ مَرَّ ٱلسَّحَابِ ۚ صُنْعَ ٱللَّهِ ٱلَّذِىٓ أَتْقَنَ كُلَّ شَىْءٍ ۚ إِنَّهُۥ خَبِيرٌۢ بِمَا تَفْعَلُونَ۝٨٨

    Watara aljibala tahsabuha jamidatan wahiya tamurru marra alssahabi sunʿa Allahi allathee atqana kulla shayin innahu khabeerun bima tafʿaloona

    Waxaad arkaysaa buurahii aad u maleyn wax adag oo sugan, iyagoo socon socodka daruuraha oo kale, waa Sancada Alle ee hagaajiyey wax waliba. Hubaal, waa u Xog ogaal waxaad fashaan.

  89. مَن جَآءَ بِٱلْحَسَنَةِ فَلَهُۥ خَيْرٌ مِّنْهَا وَهُم مِّن فَزَعٍ يَوْمَئِذٍ ءَامِنُونَ۝٨٩

    Man jaa bialhasanati falahu khayrun minha wahum min fazaʿin yawmaithin aminoona

    Qofkii la yimaada wanaag1 wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (Janno), argagaxa Maalinta (Qiyaamana) waa ka aamin.

    Sharaxa hoose
    [1] Halkan wanaagga waxaa loola jeedaa towxiidka iyo camal kastoo san.
  90. وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَكُبَّتْ وُجُوهُهُمْ فِى ٱلنَّارِ هَلْ تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ۝٩٠

    Waman jaa bialssayyiati fakubbat wujoohuhum fee alnnari hal tujzawna illa ma kuntum taʿmaloona

    Qofkiise la yimaada xumaan1 waxaa loogu tuuri weji weji Naarta: Ma waxaa la idinku abaal marin waxaan ahayn waxaad fasheen (wax la mid ah oo xumaan ah)?

    Sharaxa hoose
    [1] Halkan xumaanta waxaa loola jeedaa shirkiga iyo macaasida.
  91. إِنَّمَآ أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ رَبَّ هَـٰذِهِ ٱلْبَلْدَةِ ٱلَّذِى حَرَّمَهَا وَلَهُۥ كُلُّ شَىْءٍ ۖ وَأُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ مِنَ ٱلْمُسْلِمِينَ۝٩١

    Innama omirtu an aʿbuda rabba hathihi albaldati allathee harramaha walahu kullu shayin waomirtu an akoona mina almuslimeena

    Waxaa aniga la i amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan1 (Makkah) ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Waxaana la i amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta (kuwa isu dhiiba Alle ee u hoggaansan).

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa Makkah iyo hareeraheeda.
  92. وَأَنْ أَتْلُوَا۟ ٱلْقُرْءَانَ ۖ فَمَنِ ٱهْتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهْتَدِى لِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَن ضَلَّ فَقُلْ إِنَّمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلْمُنذِرِينَ۝٩٢

    Waan atluwa alqurana famani ihtada fainnama yahtadee linafsihi waman dalla faqul innama ana mina almunthireena

    Iyo inaan akhriyo Qur’aanka. Qofkii hanuuna, wuxuu uun u hanuunaa naftiisa, qofkiise lumaa, dheh: Anigu waxaan ahay uun mid ka mid ah digayaasha.

  93. وَقُلِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ سَيُرِيكُمْ ءَايَـٰتِهِۦ فَتَعْرِفُونَهَا ۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَـٰفِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ۝٩٣

    Waquli alhamdu lillahi sayureekum ayatihi fataʿrifoonaha wama rabbuka bighafilin ʿamma taʿmaloona

    Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle. Wuxuu idin tusi calaamoo- yinkiisa, waadna garan doontaan. Ma aha Rabbigaa mid moog waxaad falaysaan.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda An-Naml?

Macnaha An-Naml waa “Qudhaanjada”.

Suuradda An-Naml juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda An-Naml waxay ku fidsan tahay juz’ 19 iyo 20.

Suuradda An-Naml immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda An-Naml waxay leedahay 93 aayadood.

Suuradda An-Naml ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda An-Naml waa suurad Makki ah.

Suuradda An-Naml waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 27aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.