سورة الشعراء
Suuradda Ash-Shucaraa’ oo af Soomaali ah
Gabyaayada
- 26
- 227 aayadood
- Makki
- Juz’ 19
- Bogagga 367–376
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Ash-Shucaraa’ (الشعراء) waa suuradda 26aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 227 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Gabyaayada”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 19.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Ash-Shucaraa’ oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Ash-Shucaraa’ oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
طسٓمٓ١
Taseenmeem
Taa Siin Miim1.
Sharaxa hoose
[1] Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1. -
تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱلْكِتَـٰبِ ٱلْمُبِينِ٢
Tilka ayatu alkitabi almubeeni
Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee Cad.
-
لَعَلَّكَ بَـٰخِعٌ نَّفْسَكَ أَلَّا يَكُونُوا۟ مُؤْمِنِينَ٣
Laʿallaka bakhiʿun nafsaka alla yakoonoo mumineena
Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed.
-
إِن نَّشَأْ نُنَزِّلْ عَلَيْهِم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ءَايَةً فَظَلَّتْ أَعْنَـٰقُهُمْ لَهَا خَـٰضِعِينَ٤
In nasha nunazzil ʿalayhim mina alssamai ayatan fathallat aʿnaquhum laha khadiʿeena
Haddaan doonno, Waxaan kaga soo dejin calaamo cirka, ay luqumahoodu u hogtaan1.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha waxaa lagu qasbayaa inay rumeeyaan. -
وَمَا يَأْتِيهِم مِّن ذِكْرٍ مِّنَ ٱلرَّحْمَـٰنِ مُحْدَثٍ إِلَّا كَانُوا۟ عَنْهُ مُعْرِضِينَ٥
Wama yateehim min thikrin mina alrrahmani muhdathin illa kanoo ʿanhu muʿrideena
Uga ma yimaado waano (Qur'aan) xagga Raxmaanka 'Alle' iyagoo cusub oo is daba jooga, waase ka jeesadaan.
-
فَقَدْ كَذَّبُوا۟ فَسَيَأْتِيهِمْ أَنۢبَـٰٓؤُا۟ مَا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ٦
Faqad kaththaboo fasayateehim anbao ma kanoo bihi yastahzioona
Waxay dhab ahaan beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed waxaa u imaan wararka waxay ku jees-jeesayeen.
-
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَى ٱلْأَرْضِ كَمْ أَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ كَرِيمٍ٧
Awalam yaraw ila alardi kam anbatna feeha min kulli zawjin kareemin
Miyeyna arkayn dhulka intee baan nooc kasta oo dhir wanaagsan ah sababnay inuu ka soo baxo?
-
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ٨
Inna fee thalika laayatan wama kana aktharuhum mumineena
Hubaal, waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
-
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ٩
Wainna rabbaka lahuwa alʿazeezu alrraheemu
Hubaalna Rabbigaa waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
-
وَإِذْ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱئْتِ ٱلْقَوْمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ١٠
Waith nada rabbuka moosa ani iti alqawma alththalimeena
(Xus) markuu Rabbigaa u yeedhay Muuse (Isagoo leh): U tag qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.
-
قَوْمَ فِرْعَوْنَ ۚ أَلَا يَتَّقُونَ١١
Qawma firʿawna ala yattaqoona
Qolada Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Alle)?
-
قَالَ رَبِّ إِنِّىٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ١٢
Qala rabbi innee akhafu an yukaththibooni
(Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan ka cabsan inay i beeniyaan,
-
وَيَضِيقُ صَدْرِى وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِى فَأَرْسِلْ إِلَىٰ هَـٰرُونَ١٣
Wayadeequ sadree wala yantaliqu lisanee faarsil ila haroona
Oo ay cidhiidhyoonto laabteydu, oo caddeyn kari waayo (hadalka) carrabkaygu. Ee dir la jirkay Haaruun (inuu i caawiyo).
-
وَلَهُمْ عَلَىَّ ذَنۢبٌ فَأَخَافُ أَن يَقْتُلُونِ١٤
Walahum ʿalayya thanbun faakhafu an yaqtulooni
Waxayna igu heystaan denbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsan inay i dilaan.
-
قَالَ كَلَّا ۖ فَٱذْهَبَا بِـَٔايَـٰتِنَآ ۖ إِنَّا مَعَكُم مُّسْتَمِعُونَ١٥
Qala kalla faithhaba biayatina inna maʿakum mustamiʿoona
(Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal, Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna.
-
فَأْتِيَا فِرْعَوْنَ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولُ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ١٦
Fatiya firʿawna faqoola inna rasoolu rabbi alʿalameena
U taga Fircoon oo ku dhaha: "Innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uumanka".
-
أَنْ أَرْسِلْ مَعَنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ١٧
An arsil maʿana banee israeela
Ee nagu dar hana raacaane reer Israa’iil.
-
قَالَ أَلَمْ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدًا وَلَبِثْتَ فِينَا مِنْ عُمُرِكَ سِنِينَ١٨
Qala alam nurabbika feena waleedan walabithta feena min ʿumurika sineena
(Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? Oo aad nala joogin sannado badan ka mid ah cimrigaaga?
-
وَفَعَلْتَ فَعْلَتَكَ ٱلَّتِى فَعَلْتَ وَأَنتَ مِنَ ٱلْكَـٰفِرِينَ١٩
Wafaʿalta faʿlataka allatee faʿalta waanta mina alkafireena
Oo aad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin) waxaadna tahay abaal laawe.
-
قَالَ فَعَلْتُهَآ إِذًا وَأَنَا۠ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ٢٠
Qala faʿaltuha ithan waana mina alddalleena
(Muuse) wuxuu yidhi: “Waxaan falay anigoon wax garanayn.
-
فَفَرَرْتُ مِنكُمْ لَمَّا خِفْتُكُمْ فَوَهَبَ لِى رَبِّى حُكْمًا وَجَعَلَنِى مِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ٢١
Fafarartu minkum lamma khiftukum fawahaba lee rabbee hukman wajaʿalanee mina almursaleena
Waana idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey Nabinnimo (iyo Cilmi), oo iga yeelay mid ka mid ah Rususha.
-
وَتِلْكَ نِعْمَةٌ تَمُنُّهَا عَلَىَّ أَنْ عَبَّدتَّ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ٢٢
Watilka niʿmatun tamunnuha ʿalayya an ʿabbadta banee israeela
Oo taasi (inaan ku soo barbaaray gurigaaga) - ma nicmad baa aad iigu lib sheegan, adigoo addoonsaday reer Israa’iil?
-
قَالَ فِرْعَوْنُ وَمَا رَبُّ ٱلْعَـٰلَمِينَ٢٣
Qala firʿawnu wama rabbu alʿalameena
Fircoon wuxuu yidhi: Muxuu yahay Rabbiga uumanka?
-
قَالَ رَبُّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَآ ۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ٢٤
Qala rabbu alssamawati waalardi wama baynahuma in kuntum mooqineena
(Muuse) wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad (rumeyn) idinkoo yaqiinsan.
-
قَالَ لِمَنْ حَوْلَهُۥٓ أَلَا تَسْتَمِعُونَ٢٥
Qala liman hawlahu ala tastamiʿoona
(Fircoon) wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn?
-
قَالَ رَبُّكُمْ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلْأَوَّلِينَ٢٦
Qala rabbukum warabbu abaikumu alawwaleena
(Muuse) Wuxuu yidhi: (Alle) waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.
-
قَالَ إِنَّ رَسُولَكُمُ ٱلَّذِىٓ أُرْسِلَ إِلَيْكُمْ لَمَجْنُونٌ٢٧
Qala inna rasoolakumu allathee orsila ilaykum lamajnoonun
(Fircoon) wuxuu yidhi1: Hubaal Rasuulkiinna la idiin soo diray waa jinnoole.
Sharaxa hoose
[1] Isagoo si ay cadho badan ku jirto ula hadlaya dadkii goob joogga ahaa. -
قَالَ رَبُّ ٱلْمَشْرِقِ وَٱلْمَغْرِبِ وَمَا بَيْنَهُمَآ ۖ إِن كُنتُمْ تَعْقِلُونَ٢٨
Qala rabbu almashriqi waalmaghribi wama baynahuma in kuntum taʿqiloona
(Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddaad wax fahmeysaan.
-
قَالَ لَئِنِ ٱتَّخَذْتَ إِلَـٰهًا غَيْرِى لَأَجْعَلَنَّكَ مِنَ ٱلْمَسْجُونِينَ٢٩
Qala laini ittakhathta ilahan ghayree laajʿalannaka mina almasjooneena
(Fircoon) wuxuu yidhi: Haddaad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xabbisan.
-
قَالَ أَوَلَوْ جِئْتُكَ بِشَىْءٍ مُّبِينٍ٣٠
Qala awalaw jituka bishayin mubeenin
(Muuse) wuxuu yidhi:“Ma xitaa haddaan kuula imaado wax cad?
-
قَالَ فَأْتِ بِهِۦٓ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ٣١
Qala fati bihi in kunta mina alssadiqeena
(Fircoon) wuxuu yidhi: La imow, haddaad run sheegi.
-
فَأَلْقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِىَ ثُعْبَانٌ مُّبِينٌ٣٢
Faalqa ʿasahu faitha hiya thuʿbanun mubeenun
Markaasuu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda.
-
وَنَزَعَ يَدَهُۥ فَإِذَا هِىَ بَيْضَآءُ لِلنَّـٰظِرِينَ٣٣
Wanazaʿa yadahu faitha hiya baydao lilnnathireena
Oo soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad (ifeysa) kuwa eegaya.
-
قَالَ لِلْمَلَإِ حَوْلَهُۥٓ إِنَّ هَـٰذَا لَسَـٰحِرٌ عَلِيمٌ٣٤
Qala lilmalai hawlahu inna hatha lasahirun ʿaleemun
(Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: Kanu xaqiiq waa saaxir xeel dheer.
-
يُرِيدُ أَن يُخْرِجَكُم مِّنْ أَرْضِكُم بِسِحْرِهِۦ فَمَاذَا تَأْمُرُونَ٣٥
Yureedu an yukhrijakum min ardikum bisihrihi famatha tamuroona
Raba inuu idin kaga saaro dhulkiinna sixirkiisa, ee maxaad ku talineysaan?
-
قَالُوٓا۟ أَرْجِهْ وَأَخَاهُ وَٱبْعَثْ فِى ٱلْمَدَآئِنِ حَـٰشِرِينَ٣٦
Qaloo arjih waakhahu waibʿath fee almadaini hashireena
Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalki (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo soo kulmiya1.
Sharaxa hoose
[1] Kuwa keena saaxiriin oo soo qora ciidammo badan si looga joojiyo reer Israa’iil inay ka tagaan oo ka baxaan halkaasi. -
يَأْتُوكَ بِكُلِّ سَحَّارٍ عَلِيمٍ٣٧
Yatooka bikulli sahharin ʿaleemin
Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer.
-
فَجُمِعَ ٱلسَّحَرَةُ لِمِيقَـٰتِ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ٣٨
Fajumiʿa alssaharatu limeeqati yawmin maʿloomin
Markaasaa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan.
-
وَقِيلَ لِلنَّاسِ هَلْ أَنتُم مُّجْتَمِعُونَ٣٩
Waqeela lilnnasi hal antum mujtamiʿoona
Waxaa lagu yidhi dadkii: Ma soo kulmeysaan?
-
لَعَلَّنَا نَتَّبِعُ ٱلسَّحَرَةَ إِن كَانُوا۟ هُمُ ٱلْغَـٰلِبِينَ٤٠
Laʿallana nattabiʿu alssaharata in kanoo humu alghalibeena
Inaan raacno sixiroolayasha hadday adkaadaan.
-
فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالُوا۟ لِفِرْعَوْنَ أَئِنَّ لَنَا لَأَجْرًا إِن كُنَّا نَحْنُ ٱلْغَـٰلِبِينَ٤١
Falamma jaa alssaharatu qaloo lifirʿawna ainna lana laajran in kunna nahnu alghalibeena
Markay yimaadeen sixiroolayaashii, waxay ku yidhaahdeen Fircoon: “Ma leennahay abaalgud haddaan innagu adkaanno?
-
قَالَ نَعَمْ وَإِنَّكُمْ إِذًا لَّمِنَ ٱلْمُقَرَّبِينَ٤٢
Qala naʿam wainnakum ithan lamina almuqarrabeena
(Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, idinkuna markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwa ii dhow.
-
قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلْقُوا۟ مَآ أَنتُم مُّلْقُونَ٤٣
Qala lahum moosa alqoo ma antum mulqoona
Muuse wuxuu ku yidhi: Tuura waxaad idinku tuuraysaan.
-
فَأَلْقَوْا۟ حِبَالَهُمْ وَعِصِيَّهُمْ وَقَالُوا۟ بِعِزَّةِ فِرْعَوْنَ إِنَّا لَنَحْنُ ٱلْغَـٰلِبُونَ٤٤
Faalqaw hibalahum waʿisiyyahum waqaloo biʿizzati firʿawna inna lanahnu alghaliboona
Markaasay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii oo yidhaahdeen: “Waa nagu sharafta Fircoone, innagaa adkaan".
-
فَأَلْقَىٰ مُوسَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِىَ تَلْقَفُ مَا يَأْفِكُونَ٤٥
Faalqa moosa ʿasahu faitha hiya talqafu ma yafikoona
Markaasuu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen.
-
فَأُلْقِىَ ٱلسَّحَرَةُ سَـٰجِدِينَ٤٦
Faolqiya alssaharatu sajideena
Sixiroolayaashiina dhulkay la dhaceen sujuud.
-
قَالُوٓا۟ ءَامَنَّا بِرَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ٤٧
Qaloo amanna birabbi alʿalameena
Waxay yidhaahdeen: Waxaynu rumeynay Rabbiga uumanka.
-
رَبِّ مُوسَىٰ وَهَـٰرُونَ٤٨
Rabbi moosa waharoona
Rabbiga Muuse iyo Haaruun.
-
قَالَ ءَامَنتُمْ لَهُۥ قَبْلَ أَنْ ءَاذَنَ لَكُمْ ۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِى عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحْرَ فَلَسَوْفَ تَعْلَمُونَ ۚ لَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُم مِّنْ خِلَـٰفٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ أَجْمَعِينَ٤٩
Qala amantum lahu qabla an athana lakum innahu lakabeerukumu allathee ʿallamakumu alssihra falasawfa taʿlamoona laoqattiʿanna aydiyakum waarjulakum min khilafin walaosallibannakum ajmaʿeena
(Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen (Muuse) ka hor intaan idiin idmin; waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka, waadse ogaan dontaan, waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf waana idin daldali dhammaan.
-
قَالُوا۟ لَا ضَيْرَ ۖ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ٥٠
Qaloo la dayra inna ila rabbina munqaliboona
Waxay yidhaahdeen: Dhib ma laha; Innagu Xagga Rabigayo baan u noqon.
-
إِنَّا نَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لَنَا رَبُّنَا خَطَـٰيَـٰنَآ أَن كُنَّآ أَوَّلَ ٱلْمُؤْمِنِينَ٥١
Inna natmaʿu an yaghfira lana rabbuna khatayana an kunna awwala almumineena
Waxaanu rajayneynaa inuu Rabbigayo noo dhaafo gefefkayaga, inaanu nahay kuwa u hor rumeeeyey (Xaqa).
-
۞ وَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنْ أَسْرِ بِعِبَادِىٓ إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ٥٢
Waawhayna ila moosa an asri biʿibadee innakum muttabaʿoona
Waxaanu u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idinkoo ku baxaya guuro habeennimo, waa la idiin soo raaciye.
-
فَأَرْسَلَ فِرْعَوْنُ فِى ٱلْمَدَآئِنِ حَـٰشِرِينَ٥٣
Faarsala firʿawnu fee almadaini hashireena
Markaasuu Fircoon u diray magaaloo- yinka kuwo soo kulmiya (askartiisii).
-
إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ لَشِرْذِمَةٌ قَلِيلُونَ٥٤
Inna haolai lashirthimatun qaleeloona
(Isagoo leh) xaqiiq kuwani wax koox yar,
-
وَإِنَّهُمْ لَنَا لَغَآئِظُونَ٥٥
Wainnahum lana laghaithoona
Wayna na cadho geliyeen runtii;
-
وَإِنَّا لَجَمِيعٌ حَـٰذِرُونَ٥٦
Wainna lajameeʿun hathiroona
Waxaanu nahay xaqiiq kuwo had iyo jeer digtoon.
-
فَأَخْرَجْنَـٰهُم مِّن جَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ٥٧
Faakhrajnahum min jannatin waʿuyoonin
Markaasaan ka saarnay beero iyo ilo.
-
وَكُنُوزٍ وَمَقَامٍ كَرِيمٍ٥٨
Wakunoozin wamaqamin kareemin
Iyo maaliyad iyo meeqaan wanaagsan.
-
كَذَٰلِكَ وَأَوْرَثْنَـٰهَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ٥٩
Kathalika waawrathnaha banee israeela
Waa sidaase, waxaan dhaxalsiinnay reer Israa’iil.
-
فَأَتْبَعُوهُم مُّشْرِقِينَ٦٠
Faatbaʿoohum mushriqeena
Markaasay (Fircoon iyo askartiisii) soo raacdeysteen goor qorrax soo bax ah.
-
فَلَمَّا تَرَٰٓءَا ٱلْجَمْعَانِ قَالَ أَصْحَـٰبُ مُوسَىٰٓ إِنَّا لَمُدْرَكُونَ٦١
Falamma taraa aljamʿani qala ashabu moosa inna lamudrakoona
Markay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “Xaqiiq, waa nala haleelay”.
-
قَالَ كَلَّآ ۖ إِنَّ مَعِىَ رَبِّى سَيَهْدِينِ٦٢
Qala kalla inna maʿiya rabbee sayahdeeni
(Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi jid aan ka baxo.
-
فَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱضْرِب بِّعَصَاكَ ٱلْبَحْرَ ۖ فَٱنفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرْقٍ كَٱلطَّوْدِ ٱلْعَظِيمِ٦٣
Faawhayna ila moosa ani idrib biʿasaka albahra fainfalaqa fakana kullu firqin kaalttawdi alʿatheemi
Markaasaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaasay kala dhanbalantay oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn.
-
وَأَزْلَفْنَا ثَمَّ ٱلْـَٔاخَرِينَ٦٤
Waazlafna thamma alakhareena
Waxaana ku soo dhoweynay halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon).
-
وَأَنجَيْنَا مُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُۥٓ أَجْمَعِينَ٦٥
Waanjayna moosa waman maʿahu ajmaʿeena
Waxaanu badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay dhammaan.
-
ثُمَّ أَغْرَقْنَا ٱلْـَٔاخَرِينَ٦٦
Thumma aghraqna alakhareena
Kaddib waxaan harqinnay kuwii kale (Fircoon iyo qolodiisii).
-
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ٦٧
Inna fee thalika laayatan wama kana aktharuhum mumineena
Hubaal, Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
-
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ٦٨
Wainna rabbaka lahuwa alʿazeezu alrraheemu
Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista badan.
-
وَٱتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ إِبْرَٰهِيمَ٦٩
Waotlu ʿalayhim nabaa ibraheema
Oo u akhri qisadii Ibraahiim.
-
إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِۦ مَا تَعْبُدُونَ٧٠
Ith qala liabeehi waqawmihi ma taʿbudoona
Markuu ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: “Waa maxay waxaad caabudaysaan?
-
قَالُوا۟ نَعْبُدُ أَصْنَامًا فَنَظَلُّ لَهَا عَـٰكِفِينَ٧١
Qaloo naʿbudu asnaman fanathallu laha ʿakifeena
Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budi asnaam, oo ag yuruursan (fadhin).
-
قَالَ هَلْ يَسْمَعُونَكُمْ إِذْ تَدْعُونَ٧٢
Qala hal yasmaʿoonakum ith tadʿoona
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Miyey idin maqlayaan markaad baryeysaan?.
-
أَوْ يَنفَعُونَكُمْ أَوْ يَضُرُّونَ٧٣
Aw yanfaʿoonakum aw yadurroona
Waxse ma idin tari karaan ama idin yeeli karaan?
-
قَالُوا۟ بَلْ وَجَدْنَآ ءَابَآءَنَا كَذَٰلِكَ يَفْعَلُونَ٧٤
Qaloo bal wajadna abaana kathalika yafʿaloona
Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan hellay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya.
-
قَالَ أَفَرَءَيْتُم مَّا كُنتُمْ تَعْبُدُونَ٧٥
Qala afaraaytum ma kuntum taʿbudoona
Wuxuu yidhi: Bal ka warrama waxaad caabudeysaan -
-
أَنتُمْ وَءَابَآؤُكُمُ ٱلْأَقْدَمُونَ٧٦
Antum waabaokumu alaqdamoona
“Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba?-
-
فَإِنَّهُمْ عَدُوٌّ لِّىٓ إِلَّا رَبَّ ٱلْعَـٰلَمِينَ٧٧
Fainnahum ʿaduwwun lee illa rabba alʿalameena
Iyagu waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uumanka1.
Sharaxa hoose
[1] Waayo dadkaasi waxay caabudayeen sannamo la jirka Alle, marka wuxuu Ibraahiim u sheegay inuu barii ka yahay dhammaan waxay caabudaan marka laga soo reebo Alle, Rabbiga uumanka, waan jeclahay Isaga. -
ٱلَّذِى خَلَقَنِى فَهُوَ يَهْدِينِ٧٨
Allathee khalaqanee fahuwa yahdeeni
“(Alle), ee i abuuray, ahna Kan i hanuunsha.
-
وَٱلَّذِى هُوَ يُطْعِمُنِى وَيَسْقِينِ٧٩
Waallathee huwa yutʿimunee wayasqeeni
Ee ah Kan I quudiya oo i waraabsha.
-
وَإِذَا مَرِضْتُ فَهُوَ يَشْفِينِ٨٠
Waitha maridtu fahuwa yashfeeni
Markaan bukoodo, Isagaa (Alle) I bogsiya.
-
وَٱلَّذِى يُمِيتُنِى ثُمَّ يُحْيِينِ٨١
Waallathee yumeetunee thumma yuhyeeni
Waa Kan i dhinsiin, haddana ii soo nooleyn (mar kale);
-
وَٱلَّذِىٓ أَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لِى خَطِيٓـَٔتِى يَوْمَ ٱلدِّينِ٨٢
Waallathee atmaʿu an yaghfira lee khateeatee yawma alddeeni
Waana Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta'Qiyaame'.
-
رَبِّ هَبْ لِى حُكْمًا وَأَلْحِقْنِى بِٱلصَّـٰلِحِينَ٨٣
Rabbi hab lee hukman waalhiqnee bialssaliheena
Rabbiyow! I sii cilmi (iyo fahmo), ina haleeshii kuwa wanaagsan.
-
وَٱجْعَل لِّى لِسَانَ صِدْقٍ فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ٨٤
Waijʿal lee lisana sidqin fee alakhireena
Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdood.
-
وَٱجْعَلْنِى مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ ٱلنَّعِيمِ٨٥
Waijʿalnee min warathati jannati alnnaʿeemi
Iga mid yeel dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah.
-
وَٱغْفِرْ لِأَبِىٓ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ٨٦
Waighfir liabee innahu kana mina alddalleena
U denbi dhaaf aabbahay, wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsane.
-
وَلَا تُخْزِنِى يَوْمَ يُبْعَثُونَ٨٧
Wala tukhzinee yawma yubʿathoona
Ha i dulleynna Maalinta la soo bixin (dadka - Maalinta Qiyaame).
-
يَوْمَ لَا يَنفَعُ مَالٌ وَلَا بَنُونَ٨٨
Yawma la yanfaʿu malun wala banoona
Maalinta aysan wax tareyn maal iyo ilmo midna.
-
إِلَّا مَنْ أَتَى ٱللَّهَ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ٨٩
Illa man ata Allaha biqalbin saleemin
Mid maahee ula yimaada Alle qalbi fayow1.
Sharaxa hoose
[1] Qalbi ka fayow shirki, gaalnimo, munaafiqnimo, shaki, isla weyni, is cjabin, xasad, xin, xumaato, khiyaano,dhagar, iwm. -
وَأُزْلِفَتِ ٱلْجَنَّةُ لِلْمُتَّقِينَ٩٠
Waozlifati aljannatu lilmuttaqeena
Waxaa loo soo dhoweynna Jannada kuwa Alle ka cabsada 'ee iska jira xumaha'.
-
وَبُرِّزَتِ ٱلْجَحِيمُ لِلْغَاوِينَ٩١
Waburrizati aljaheemu lilghaweena
Loo muujinna Naarta kuwa habowsan.
-
وَقِيلَ لَهُمْ أَيْنَ مَا كُنتُمْ تَعْبُدُونَ٩٢
Waqeela lahum ayna ma kuntum taʿbudoona
Waxaa lagu odhan: Meeye waxaad caabudeyseen?
-
مِن دُونِ ٱللَّهِ هَلْ يَنصُرُونَكُمْ أَوْ يَنتَصِرُونَ٩٣
Min dooni Allahi hal yansuroonakum aw yantasiroona
Alle sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda?
-
فَكُبْكِبُوا۟ فِيهَا هُمْ وَٱلْغَاوُۥنَ٩٤
Fakubkiboo feeha hum waalghawoona
Markaasaa waxaa loogu tuuri wejiweji (Naarta) - iyaga iyo kuwa habowsanba.
-
وَجُنُودُ إِبْلِيسَ أَجْمَعُونَ٩٥
Wajunoodu ibleesa ajmaʿoona
Iyo askartii ibliis oo dhan.
-
قَالُوا۟ وَهُمْ فِيهَا يَخْتَصِمُونَ٩٦
Qaloo wahum feeha yakhtasimoona
Waxay odhan iyagoo ku murmaya dhexdeeda (Naarta),
-
تَٱللَّهِ إِن كُنَّا لَفِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ٩٧
TaAllahi in kunna lafee dalalin mubeenin
Tallaahi, waxaanu ahayn kuwo ku sugan habow cad.
-
إِذْ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ٩٨
Ith nusawweekum birabbi alʿalameena
Markaan idin la sinnay Rabbiga uumanka.
-
وَمَآ أَضَلَّنَآ إِلَّا ٱلْمُجْرِمُونَ٩٩
Wama adallana illa almujrimoona
Cidna nama aysan luminna aan ahayn denbiilayaasha (madax xun, wadaaddo xun, faaliyayaal, saaxiibbo xun, iwm).
-
فَمَا لَنَا مِن شَـٰفِعِينَ١٠٠
Fama lana min shafiʿeena
Haatan ma lihin wax garab na siiya.
-
وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٍ١٠١
Wala sadeeqin hameemin
Iyo saaxiib run ah midna.
-
فَلَوْ أَنَّ لَنَا كَرَّةً فَنَكُونَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ١٠٢
Falaw anna lana karratan fanakoona mina almumineena
Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu'miniinta1.
Sharaxa hoose
[1] Dhammaadka hadalka ka go’an waa la iska qiyaasi karaa oo waxaa weeye waxaynu fali lahayn sidaa ama sidaasi. -
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ١٠٣
Inna fee thalika laayatan wama kana aktharuhum mumineena
Hubaal, waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
-
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ١٠٤
Wainna rabbaka lahuwa alʿazeezu alrraheemu
Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
-
كَذَّبَتْ قَوْمُ نُوحٍ ٱلْمُرْسَلِينَ١٠٥
Kaththabat qawmu noohin almursaleena
Qolodii Nuux waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
-
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ١٠٦
Ith qala lahum akhoohum noohun ala tattaqoona
Markuu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka dhowrsaneyn (shirkiga)?
-
إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ١٠٧
Innee lakum rasoolun ameenun
Anigu waxaan xaqiiq idiin ahay Rasuul aamin ah.
-
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ١٠٨
Faittaqoo Allaha waateeʿooni
Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
-
وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ١٠٩
Wama asalukum ʿalayhi min ajrin in ajriya illa ʿala rabbi alʿalameena
“Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
-
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ١١٠
Faittaqoo Allaha waateeʿooni
Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
-
۞ قَالُوٓا۟ أَنُؤْمِنُ لَكَ وَٱتَّبَعَكَ ٱلْأَرْذَلُونَ١١١
Qaloo anuminu laka waittabaʿaka alarthaloona
Waxay yidhaahdeen: Ma adigaan ku rumaysannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen?
-
قَالَ وَمَا عِلْمِى بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ١١٢
Qala wama ʿilmee bima kanoo yaʿmaloona
Wuxuu yidhi: Maxaan ka ogahay waxay fali jireen?
-
إِنْ حِسَابُهُمْ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّى ۖ لَوْ تَشْعُرُونَ١١٣
In hisabuhum illa ʿala rabbee law tashʿuroona
“Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddaad garanaysaan.
-
وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلْمُؤْمِنِينَ١١٤
Wama ana bitaridi almumineena
Oo anigu ma eryayo mu’miniinta.
-
إِنْ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ١١٥
In ana illa natheerun mubeenun
Ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad.
-
قَالُوا۟ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَـٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلْمَرْجُومِينَ١١٦
Qaloo lain lam tantahi ya noohu latakoonanna mina almarjoomeena
Waxay yidhaahdeen: Haddaad joojin oo aadan ka harin 'ku baaqaaga Towxiidka' Nuuxow! Waxaad ka mid noqon kuwa la dhagaxyeeyo.
-
قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوْمِى كَذَّبُونِ١١٧
Qala rabbi inna qawmee kaththabooni
(Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Qoonkeygii way i beeniyeen.
-
فَٱفْتَحْ بَيْنِى وَبَيْنَهُمْ فَتْحًا وَنَجِّنِى وَمَن مَّعِىَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ١١٨
Faiftah baynee wabaynahum fathan wanajjinee waman maʿiya mina almumineena
Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (xaq ah), ina badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah.
-
فَأَنجَيْنَـٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِى ٱلْفُلْكِ ٱلْمَشْحُونِ١١٩
Faanjaynahu waman maʿahu fee alfulki almashhooni
Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday.
-
ثُمَّ أَغْرَقْنَا بَعْدُ ٱلْبَاقِينَ١٢٠
Thumma aghraqna baʿdu albaqeena
Kaddibna waxaan harqinnay kuwii hadhay (gaaladii).
-
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ١٢١
Inna fee thalika laayatan wama kana aktharuhum mumineena
Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
-
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ١٢٢
Wainna rabbaka lahuwa alʿazeezu alrraheemu
Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
-
كَذَّبَتْ عَادٌ ٱلْمُرْسَلِينَ١٢٣
Kaththabat ʿadun almursaleena
Caad waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
-
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ١٢٤
Ith qala lahum akhoohum hoodun ala tattaqoona
Markuu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.
-
إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ١٢٥
Innee lakum rasoolun ameenun
Xaqiiq, anigu Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
-
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ١٢٦
Faittaqoo Allaha waateeʿooni
Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
-
وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ١٢٧
Wama asalukum ʿalayhi min ajrin in ajriya illa ʿala rabbi alʿalameena
“Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
-
أَتَبْنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ ءَايَةً تَعْبَثُونَ١٢٨
Atabnoona bikulli reeʿin ayatan taʿbathoona
Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo1? Macno daranaa waxaas aad fashaan.
Sharaxa hoose
[1] Taallo ama wax muujinaya maalka iyo awooddooda. Waxay ka dhisi jireen dhismooyin dhaadheer agagaarka waddooyinka. -
وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمْ تَخْلُدُونَ١٢٩
Watattakhithoona masaniʿa laʿallakum takhludoona
Oo yeelataan dhismooyin adag inaad waartaan.
-
وَإِذَا بَطَشْتُم بَطَشْتُمْ جَبَّارِينَ١٣٠
Waitha batashtum batashtum jabbareena
Markaad cid soo qabaneysaanna waxaad u soo qabataan si daran idinkoo daalimiin ah?
-
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ١٣١
Faittaqoo Allaha waateeʿooni
Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
-
وَٱتَّقُوا۟ ٱلَّذِىٓ أَمَدَّكُم بِمَا تَعْلَمُونَ١٣٢
Waittaqoo allathee amaddakum bima taʿlamoona
Ka cabsada 'Alle ee ah' Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin.
-
أَمَدَّكُم بِأَنْعَـٰمٍ وَبَنِينَ١٣٣
Amaddakum bianʿamin wabaneena
Idin siiyey xoolo iyo ilmo.
-
وَجَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ١٣٤
Wajannatin waʿuyoonin
Iyo beero tanaad ah iyo ilo.
-
إِنِّىٓ أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ١٣٥
Innee akhafu ʿalaykum ʿathaba yawmin ʿatheemin
Waxaan xaqiiq idiinka cabsan (oo digayaa) cadaab Maalin weyn.
-
قَالُوا۟ سَوَآءٌ عَلَيْنَآ أَوَعَظْتَ أَمْ لَمْ تَكُن مِّنَ ٱلْوَٰعِظِينَ١٣٦
Qaloo sawaon ʿalayna awaʿathta am lam takun mina alwaʿitheena
Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddaad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya.
-
إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا خُلُقُ ٱلْأَوَّلِينَ١٣٧
In hatha illa khuluqu alawwaleena
Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay).
-
وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ١٣٨
Wama nahnu bimuʿaththabeena
Oo ma nihin kuwo la cadaabayo.
-
فَكَذَّبُوهُ فَأَهْلَكْنَـٰهُمْ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ١٣٩
Fakaththaboohu faahlaknahum inna fee thalika laayatan wama kana aktharuhum mumineena
Wayse beeniyeen, markaasaan halaagnay. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
-
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ١٤٠
Wainna rabbaka lahuwa alʿazeezu alrraheemu
Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
-
كَذَّبَتْ ثَمُودُ ٱلْمُرْسَلِينَ١٤١
Kaththabat thamoodu almursaleena
Thamuud waxay beenisay Rusushii.
-
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ صَـٰلِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ١٤٢
Ith qala lahum akhoohum salihun ala tattaqoona
Markuu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?
-
إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ١٤٣
Innee lakum rasoolun ameenun
Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah.
-
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ١٤٤
Faittaqoo Allaha waateeʿooni
Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
-
وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ١٤٥
Wama asalukum ʿalayhi min ajrin in ajriya illa ʿala rabbi alʿalameena
Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Diinta Alle), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya Rabbiga uumanka.
-
أَتُتْرَكُونَ فِى مَا هَـٰهُنَآ ءَامِنِينَ١٤٦
Atutrakoona fee ma hahuna amineena
Ma waxaa la idiinkaga tagi halkan idinkoo nabad ah?
-
فِى جَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ١٤٧
Fee jannatin waʿuyoonin
Ku sugan beero iyo ilo.
-
وَزُرُوعٍ وَنَخْلٍ طَلْعُهَا هَضِيمٌ١٤٨
Wazurooʿin wanakhlin talʿuha hadeemun
Iyo dhir iyo geedo timir fiiddeedu bisayl tahay.
-
وَتَنْحِتُونَ مِنَ ٱلْجِبَالِ بُيُوتًا فَـٰرِهِينَ١٤٩
Watanhitoona mina aljibali buyootan fariheena
Oo aad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn.
-
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ١٥٠
Faittaqoo Allaha waateeʿooni
Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
-
وَلَا تُطِيعُوٓا۟ أَمْرَ ٱلْمُسْرِفِينَ١٥١
Wala tuteeʿoo amra almusrifeena
Oo ha adeecina amarka xad gudbayaasha.
-
ٱلَّذِينَ يُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا يُصْلِحُونَ١٥٢
Allatheena yufsidoona fee alardi wala yuslihoona
Kuwa fasahaadiya arlada oo aan hagaajin.
-
قَالُوٓا۟ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلْمُسَحَّرِينَ١٥٣
Qaloo innama anta mina almusahhareena
Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran.
-
مَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا فَأْتِ بِـَٔايَةٍ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ١٥٤
Ma anta illa basharun mithluna fati biayatin in kunta mina alssadiqeena
Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddaad run sheegayso.
-
قَالَ هَـٰذِهِۦ نَاقَةٌ لَّهَا شِرْبٌ وَلَكُمْ شِرْبُ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ١٥٥
Qala hathihi naqatun laha shirbun walakum shirbu yawmin maʿloomin
(Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal1; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan.
Sharaxa hoose
[1] Hal Mucjiso ahaan loogu soo diray Calaamo ahaan ka timid xagga Alle. -
وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابُ يَوْمٍ عَظِيمٍ١٥٦
Wala tamassooha bisooin fayakhuthakum ʿathabu yawmin ʿatheemin
Ee ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin weyn.
-
فَعَقَرُوهَا فَأَصْبَحُوا۟ نَـٰدِمِينَ١٥٧
Faʿaqarooha faasbahoo nadimeena
Waase boqna gooyeen hashii (oo dileen), markaasay ka shallaayeen.
-
فَأَخَذَهُمُ ٱلْعَذَابُ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ١٥٨
Faakhathahumu alʿathabu inna fee thalika laayatan wama kana aktharuhum mumineena
Markaasaa waxaa qabtay cadaab. Arrinkaa waxaa xaqiiq ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
-
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ١٥٩
Wainna rabbaka lahuwa alʿazeezu alrraheemu
Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
-
كَذَّبَتْ قَوْمُ لُوطٍ ٱلْمُرْسَلِينَ١٦٠
Kaththabat qawmu lootin almursaleena
Qoonkii Luud waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
-
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ١٦١
Ith qala lahum akhoohum lootun ala tattaqoona
Markuu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?
-
إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ١٦٢
Innee lakum rasoolun ameenun
Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
-
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ١٦٣
Faittaqoo Allaha waateeʿooni
Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
-
وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ١٦٤
Wama asalukum ʿalayhi min ajrin in ajriya illa ʿala rabbi alʿalameena
Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
-
أَتَأْتُونَ ٱلذُّكْرَانَ مِنَ ٱلْعَـٰلَمِينَ١٦٥
Atatoona alththukrana mina alʿalameena
Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uumanka1.
Sharaxa hoose
[1] Miyey jiraan wax ka mid ah uumanka Alle aan idinka ahayn oo fala falkaa xun oo ah fal aan caadi ahayn? -
وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمْ رَبُّكُم مِّنْ أَزْوَٰجِكُم ۚ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ عَادُونَ١٦٦
Watatharoona ma khalaqa lakum rabbukum min azwajikum bal antum qawmun ʿadoona
Oo aad ka tagtaan wuxuu Rabbigiin idiin abuuray oo xaasaskiinna ah? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudba.
-
قَالُوا۟ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَـٰلُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلْمُخْرَجِينَ١٦٧
Qaloo lain lam tantahi ya lootu latakoonanna mina almukhrajeena
Waxay yidhaahdeen: Haddaadan joojin Luudow (baaqaagan)! Waxaad ka mid noqon kuwa debedda loo saaro.
-
قَالَ إِنِّى لِعَمَلِكُم مِّنَ ٱلْقَالِينَ١٦٨
Qala innee liʿamalikum mina alqaleena
(Luud) wuxuu yidhi: Anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun).
-
رَبِّ نَجِّنِى وَأَهْلِى مِمَّا يَعْمَلُونَ١٦٩
Rabbi najjinee waahlee mimma yaʿmaloona
Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxay falaan.
-
فَنَجَّيْنَـٰهُ وَأَهْلَهُۥٓ أَجْمَعِينَ١٧٠
Fanajjaynahu waahlahu ajmaʿeena
Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan.
-
إِلَّا عَجُوزًا فِى ٱلْغَـٰبِرِينَ١٧١
Illa ʿajoozan fee alghabireena
Habar duqowday ma ahee1 ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal 'cadaabka'.
Sharaxa hoose
[1] Xaaskii Luud, taasoo kaalmeyn jirtey dadkeeda xun. -
ثُمَّ دَمَّرْنَا ٱلْـَٔاخَرِينَ١٧٢
Thumma dammarna alakhareena
Markaasaan baabbi’innay intii kale.
-
وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا ۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلْمُنذَرِينَ١٧٣
Waamtarna ʿalayhim mataran fasaa mataru almunthareena
Waxaana ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay.
-
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ١٧٤
Inna fee thalika laayatan wama kana aktharuhum mumineena
Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
-
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ١٧٥
Wainna rabbaka lahuwa alʿazeezu alrraheemu
Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
-
كَذَّبَ أَصْحَـٰبُ لْـَٔيْكَةِ ٱلْمُرْسَلِينَ١٧٦
Kaththaba ashabu alaykati almursaleena
Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
-
إِذْ قَالَ لَهُمْ شُعَيْبٌ أَلَا تَتَّقُونَ١٧٧
Ith qala lahum shuʿaybun ala tattaqoona
Markuu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo Xumaha kale)?.
-
إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ١٧٨
Innee lakum rasoolun ameenun
Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
-
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ١٧٩
Faittaqoo Allaha waateeʿooni
“Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
-
وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ١٨٠
Wama asalukum ʿalayhi min ajrin in ajriya illa ʿala rabbi alʿalameena
Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
-
۞ أَوْفُوا۟ ٱلْكَيْلَ وَلَا تَكُونُوا۟ مِنَ ٱلْمُخْسِرِينَ١٨١
Awfoo alkayla wala takoonoo mina almukhsireena
Bixiya beeg dhan hana ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima.
-
وَزِنُوا۟ بِٱلْقِسْطَاسِ ٱلْمُسْتَقِيمِ١٨٢
Wazinoo bialqistasi almustaqeemi
Oo wax ku miisaama Miisaan toosan.
-
وَلَا تَبْخَسُوا۟ ٱلنَّاسَ أَشْيَآءَهُمْ وَلَا تَعْثَوْا۟ فِى ٱلْأَرْضِ مُفْسِدِينَ١٨٣
Wala tabkhasoo alnnasa ashyaahum wala taʿthaw fee alardi mufsideena
Ha ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad.
-
وَٱتَّقُوا۟ ٱلَّذِى خَلَقَكُمْ وَٱلْجِبِلَّةَ ٱلْأَوَّلِينَ١٨٤
Waittaqoo allathee khalaqakum waaljibillata alawwaleena
Oo ka cabsada (Alle ee ah) Kan idin abuuray idinka iyo uumankii horeba.
-
قَالُوٓا۟ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلْمُسَحَّرِينَ١٨٥
Qaloo innama anta mina almusahhareena
Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran1.
Sharaxa hoose
[1] Waa haddii loo akhriyo “ minal mussaxariin” waxaa sidoo kale loo akhiryaa akhrin kale “ minal mussaxiriin” markaas mancaha waa kuwa wax sixra. -
وَمَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ ٱلْكَـٰذِبِينَ١٨٦
Wama anta illa basharun mithluna wain nathunnuka lamina alkathibeena
Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, waxaana malaynaynaa inaad ka mid tahay beenlowyada.
-
فَأَسْقِطْ عَلَيْنَا كِسَفًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ١٨٧
Faasqit ʿalayna kisafan mina alssamai in kunta mina alssadiqeena
Ee nagu soo rid gabal samada ah haddaad run sheegi.
-
قَالَ رَبِّىٓ أَعْلَمُ بِمَا تَعْمَلُونَ١٨٨
Qala rabbee aʿlamu bima taʿmaloona
Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxaad fashaan.
-
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمْ عَذَابُ يَوْمِ ٱلظُّلَّةِ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ١٨٩
Fakaththaboohu faakhathahum ʿathabu yawmi alththullati innahu kana ʿathaba yawmin ʿatheemin
Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, waxay aheyd cadaab Maalin daran.
-
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ١٩٠
Inna fee thalika laayatan wama kana aktharuhum mumineena
Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
-
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ١٩١
Wainna rabbaka lahuwa alʿazeezu alrraheemu
Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
-
وَإِنَّهُۥ لَتَنزِيلُ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ١٩٢
Wainnahu latanzeelu rabbi alʿalameena
Oo hubaal, (Qur’aan)kani waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka.
-
نَزَلَ بِهِ ٱلرُّوحُ ٱلْأَمِينُ١٩٣
Nazala bihi alrroohu alameenu
Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay) .
-
عَلَىٰ قَلْبِكَ لِتَكُونَ مِنَ ٱلْمُنذِرِينَ١٩٤
ʿAla qalbika litakoona mina almunthireena
Qalbigaaga (Nabi Muxammadow) si aad uga mid noqoto Digayaasha.
-
بِلِسَانٍ عَرَبِىٍّ مُّبِينٍ١٩٥
Bilisanin ʿarabiyyin mubeenin
Isagoo af Carabi faseex ah.
-
وَإِنَّهُۥ لَفِى زُبُرِ ٱلْأَوَّلِينَ١٩٦
Wainnahu lafee zuburi alawwaleena
Wuxuuna xaqiiq ku yaal Kutubtii dadkii hore (Towraadda iyo Injiilka).
-
أَوَلَمْ يَكُن لَّهُمْ ءَايَةً أَن يَعْلَمَهُۥ عُلَمَـٰٓؤُا۟ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ١٩٧
Awalam yakun lahum ayatan an yaʿlamahu ʿulamao banee israeela
Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii reer Israa'iil ogaayeen?
-
وَلَوْ نَزَّلْنَـٰهُ عَلَىٰ بَعْضِ ٱلْأَعْجَمِينَ١٩٨
Walaw nazzalnahu ʿala baʿdi alaʿjameena
Haddaan ku soo dejin laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood1.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha waa aan ku soo dejin lahayn Qur’aanka cid kale aan Carab ahayn, ama si fiican u aqoon afka Carabiga oo aan faseex ahayn. -
فَقَرَأَهُۥ عَلَيْهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ مُؤْمِنِينَ١٩٩
Faqaraahu ʿalayhim ma kanoo bihi mumineena
Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray1.
Sharaxa hoose
[1] Mucjiso ahaan xagga Alle. -
كَذَٰلِكَ سَلَكْنَـٰهُ فِى قُلُوبِ ٱلْمُجْرِمِينَ٢٠٠
Kathalika salaknahu fee quloobi almujrimeena
Sidaasaan u galinnaa 'diiddada Xaqa' quluubta denbiilayaasha.
-
لَا يُؤْمِنُونَ بِهِۦ حَتَّىٰ يَرَوُا۟ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَلِيمَ٢٠١
La yuminoona bihi hatta yarawoo alʿathaba alaleema
Ma ay rumaynayaan (Xaqa) jeeray arkaan cadaabka xanuunka badan.
-
فَيَأْتِيَهُم بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ٢٠٢
Fayatiyahum baghtatan wahum la yashʿuroona
Oo ugu imaan si kedis ah iyagoo aan fileyn.
-
فَيَقُولُوا۟ هَلْ نَحْنُ مُنظَرُونَ٢٠٣
Fayaqooloo hal nahnu muntharoona
Markaasay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)?
-
أَفَبِعَذَابِنَا يَسْتَعْجِلُونَ٢٠٤
Afabiʿathabina yastaʿjiloona
Ee ma cadaabkayaga bay degdegsan?
-
أَفَرَءَيْتَ إِن مَّتَّعْنَـٰهُمْ سِنِينَ٢٠٥
Afaraayta in mattaʿnahum sineena
Bal ka warran, haddaan u deyno inay raaxeystaan sanooyin.
-
ثُمَّ جَآءَهُم مَّا كَانُوا۟ يُوعَدُونَ٢٠٦
Thumma jaahum ma kanoo yooʿadoona
Markaas uu u yimaado ciqaabka loogu gooddiyo.
-
مَآ أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يُمَتَّعُونَ٢٠٧
Ma aghna ʿanhum ma kanoo yumattaʿoona
Maxay u tari Waxa loogu raaxeeyey?
-
وَمَآ أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا لَهَا مُنذِرُونَ٢٠٨
Wama ahlakna min qaryatin illa laha munthiroona
Ma jirtona magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal.
-
ذِكْرَىٰ وَمَا كُنَّا ظَـٰلِمِينَ٢٠٩
Thikra wama kunna thalimeena
Si loo waaniyo, mana nihin kuwo ku gardarrooda (dadka).
-
وَمَا تَنَزَّلَتْ بِهِ ٱلشَّيَـٰطِينُ٢١٠
Wama tanazzalat bihi alshshayateenu
Ma ayan keenin1 'Qur’aankan' Shaydaammada.
Sharaxa hoose
[1] Siday yidhaahdaan gaalada, waxaase Alle Xaggiisa ka keenay malag Jabriil, Ruuxa aaminka ah oo ku soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w. -
وَمَا يَنۢبَغِى لَهُمْ وَمَا يَسْتَطِيعُونَ٢١١
Wama yanbaghee lahum wama yastateeʿoona
Kuma habboona, mana laha awood (sheydaammadu) inay isagoo kale (Qur’aankan) keenaan.
-
إِنَّهُمْ عَنِ ٱلسَّمْعِ لَمَعْزُولُونَ٢١٢
Innahum ʿani alssamʿi lamaʿzooloona
Waa kuwo laga fogeeyey inay maqalaan 'Qur’aanka'1.
Sharaxa hoose
[1] Sida lagu xusay Suuradda 72: Aayadda 9. -
فَلَا تَدْعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَـٰهًا ءَاخَرَ فَتَكُونَ مِنَ ٱلْمُعَذَّبِينَ٢١٣
Fala tadʿu maʿa Allahi ilahan akhara fatakoona mina almuʿaththabeena
Ee ha la baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle si aadan uga mid noqon kuwa la cadaabayo.
-
وَأَنذِرْ عَشِيرَتَكَ ٱلْأَقْرَبِينَ٢١٤
Waanthir ʿasheerataka alaqrabeena
U dig xigtadaada kuu dhow.
-
وَٱخْفِضْ جَنَاحَكَ لِمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ٢١٥
Waikhfid janahaka limani ittabaʿaka mina almumineena
Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta.
-
فَإِنْ عَصَوْكَ فَقُلْ إِنِّى بَرِىٓءٌ مِّمَّا تَعْمَلُونَ٢١٦
Fain ʿasawka faqul innee bareeon mimma taʿmaloona
Haddayse ku caasiyaan dheh: Anigu barii baan ka ahay waxaad fashaan.
-
وَتَوَكَّلْ عَلَى ٱلْعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ٢١٧
Watawakkal ʿala alʿazeezi alrraheemi
Talo saarona (Alle) Adkaadaha Sare, Naxariista Badan,
-
ٱلَّذِى يَرَىٰكَ حِينَ تَقُومُ٢١٨
Allathee yaraka heena taqoomu
Ee ku arka markaad kaceyso1.
Sharaxa hoose
[1] Markaad ka soo kacdo gogoshaada habeenkii si aad u tukato salaatu leyl adigoo keligaa ah. -
وَتَقَلُّبَكَ فِى ٱلسَّـٰجِدِينَ٢١٩
Wataqallubaka fee alssajideena
Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood1 kuwa u sujuuda (Alle).
Sharaxa hoose
[1] Adigoo ku dhex jira kuwaasi kula tukada jameeco ahaanta. -
إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ٢٢٠
Innahu huwa alssameeʿu alʿaleemu
Hubaal (Alle) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
-
هَلْ أُنَبِّئُكُمْ عَلَىٰ مَن تَنَزَّلُ ٱلشَّيَـٰطِينُ٢٢١
Hal onabbiokum ʿala man tanazzalu alshshayateenu
Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada?
-
تَنَزَّلُ عَلَىٰ كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍ٢٢٢
Tanazzalu ʿala kulli affakin atheemin
Waxay ku soo degaan beenaale kasta, denbiile ah.
-
يُلْقُونَ ٱلسَّمْعَ وَأَكْثَرُهُمْ كَـٰذِبُونَ٢٢٣
Yulqoona alssamʿa waaktharuhum kathiboona
Waxay dhigtaan dhegaha1, badankoodna waa beenlawyo.
Sharaxa hoose
[1] Tani waxay ahayd ka hor inta aan arrinkaa laga mamnuucin shayaadiinta oo laga hor joogsan, sida ku soo aroortay Suuradda 72: Aayadaha 8-9. -
وَٱلشُّعَرَآءُ يَتَّبِعُهُمُ ٱلْغَاوُۥنَ٢٢٤
Waalshshuʿarao yattabiʿuhumu alghawoona
Gabyaayadana waxaa raaca kuwa habowsan.
-
أَلَمْ تَرَ أَنَّهُمْ فِى كُلِّ وَادٍ يَهِيمُونَ٢٢٥
Alam tara annahum fee kulli wadin yaheemoona
Miyaadan arag inay tog kasta la wareegeystaan (wareer ku jira, iyagoo ku ammaana dad run iyo beenba)?
-
وَأَنَّهُمْ يَقُولُونَ مَا لَا يَفْعَلُونَ٢٢٦
Waannahum yaqooloona ma la yafʿaloona
Iyo inay sheegaan waxaysan falayn1.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa loola jeedaa in gabyaayada qaarkood iska tiriyaan gabayga iyagoo aan ugala jeedin khayr fidin, aan lahayn wax mowqif cad ah, iyagoo ku hadla been iyagoo aan wax kala saarin, wax iska ammaana ama caaya iyagoo uun raacaya hawadooda iyo danahooda. -
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ وَذَكَرُوا۟ ٱللَّهَ كَثِيرًا وَٱنتَصَرُوا۟ مِنۢ بَعْدِ مَا ظُلِمُوا۟ ۗ وَسَيَعْلَمُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓا۟ أَىَّ مُنقَلَبٍ يَنقَلِبُونَ٢٢٧
Illa allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati wathakaroo Allaha katheeran waintasaroo min baʿdi ma thulimoo wasayaʿlamu allatheena thalamoo ayya munqalabin yanqaliboona
Kuwa (Xaqa) rumeeyey ma'ahee oo samaha fala, oo xusa Alle in badan, oo difaaca nafahooda (iyo mu’miniintaba) marka la dulmiyo kaddib1. Way ogaan kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) rogmasho noocee ah bay rogmi 'Qiyaamada'2?
Sharaxa hoose
[1] Ee ugu jawaaba gabay ahaan wax sheegga gabyaayada cadowga. [2] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: In laabta midkiin malax ka buuxsanto baa ka fiican inuu ka buuxsamo gabay.” Waa gabayada xun aan qiimaha lahayn.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Ash-Shucaraa’?
Macnaha Ash-Shucaraa’ waa “Gabyaayada”.
Suuradda Ash-Shucaraa’ juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Ash-Shucaraa’ waxay ku jirtaa juz’ 19.
Suuradda Ash-Shucaraa’ immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Ash-Shucaraa’ waxay leedahay 227 aayadood.
Suuradda Ash-Shucaraa’ ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Ash-Shucaraa’ waa suurad Makki ah.
Suuradda Ash-Shucaraa’ waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 26aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.