سورة الحج

Suuradda Al-Xajj oo af Soomaali ah

Xajka

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Xajj (الحج) waa suuradda 22aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 78 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Xajka”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 17.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Xajj oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Xajj oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُوا۟ رَبَّكُمْ ۚ إِنَّ زَلْزَلَةَ ٱلسَّاعَةِ شَىْءٌ عَظِيمٌ۝١

    Ya ayyuha alnnasu ittaqoo rabbakum inna zalzalata alssaʿati shayon ʿatheemun

    Dadow! Iska jira (Ciqaabka) Rabbigiin! Hubaal, Gariirka Saacadda (Qiyaame) waa wax weyn oo daran.

  2. يَوْمَ تَرَوْنَهَا تَذْهَلُ كُلُّ مُرْضِعَةٍ عَمَّآ أَرْضَعَتْ وَتَضَعُ كُلُّ ذَاتِ حَمْلٍ حَمْلَهَا وَتَرَى ٱلنَّاسَ سُكَـٰرَىٰ وَمَا هُم بِسُكَـٰرَىٰ وَلَـٰكِنَّ عَذَابَ ٱللَّهِ شَدِيدٌ۝٢

    Yawma tarawnaha tathhalu kullu murdiʿatin ʿamma ardaʿat watadaʿu kullu thati hamlin hamlaha watara alnnasa sukara wama hum bisukara walakinna ʿathaba Allahi shadeedun

    Maalinta aad arkeysaan haweeney kasta oo ilmo nuujinaysa iyadoo ka tegi ilmahay naaska nuujinaysay, oo haweeney walboo uur leh dhicin waxay uurka ku siddo, waxaadna arki dadka oo (ah sida kuwo) sakhraansan, mana aha kuwo sakhraansan, Cadaabka Alle baase ah mid Daran.

  3. وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُجَـٰدِلُ فِى ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَيَتَّبِعُ كُلَّ شَيْطَـٰنٍ مَّرِيدٍ۝٣

    Wamina alnnasi man yujadilu fee Allahi bighayri ʿilmin wayattabiʿu kulla shaytanin mareedin

    Waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Alle cilmi la’aan, raacana Shaydaan kastoo madax adag.

  4. كُتِبَ عَلَيْهِ أَنَّهُۥ مَن تَوَلَّاهُ فَأَنَّهُۥ يُضِلُّهُۥ وَيَهْدِيهِ إِلَىٰ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ۝٤

    Kutiba ʿalayhi annahu man tawallahu faannahu yudilluhu wayahdeehi ila ʿathabi alssaʿeeri

    Waxaa loo qoray in qofkii raaca (sheydaan) oo saaxiib ka yeesha inuu lumiyo oo ku hago cadaabka hurka badan.

  5. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِن كُنتُمْ فِى رَيْبٍ مِّنَ ٱلْبَعْثِ فَإِنَّا خَلَقْنَـٰكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ مِنْ عَلَقَةٍ ثُمَّ مِن مُّضْغَةٍ مُّخَلَّقَةٍ وَغَيْرِ مُخَلَّقَةٍ لِّنُبَيِّنَ لَكُمْ ۚ وَنُقِرُّ فِى ٱلْأَرْحَامِ مَا نَشَآءُ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى ثُمَّ نُخْرِجُكُمْ طِفْلًا ثُمَّ لِتَبْلُغُوٓا۟ أَشُدَّكُمْ ۖ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ وَمِنكُم مَّن يُرَدُّ إِلَىٰٓ أَرْذَلِ ٱلْعُمُرِ لِكَيْلَا يَعْلَمَ مِنۢ بَعْدِ عِلْمٍ شَيْـًٔا ۚ وَتَرَى ٱلْأَرْضَ هَامِدَةً فَإِذَآ أَنزَلْنَا عَلَيْهَا ٱلْمَآءَ ٱهْتَزَّتْ وَرَبَتْ وَأَنۢبَتَتْ مِن كُلِّ زَوْجٍۭ بَهِيجٍ۝٥

    Ya ayyuha alnnasu in kuntum fee raybin mina albaʿthi fainna khalaqnakum min turabin thumma min nutfatin thumma min ʿalaqatin thumma min mudghatin mukhallaqatin waghayri mukhallaqatin linubayyina lakum wanuqirru fee alarhami ma nashao ila ajalin musamman thumma nukhrijukum tiflan thumma litablughoo ashuddakum waminkum man yutawaffa waminkum man yuraddu ila arthali alʿumuri likayla yaʿlama min baʿdi ʿilmin shayan watara alarda hamidatan faitha anzalna ʿalayha almaa ihtazzat warabat waanbatat min kulli zawjin baheejin

    Dadow! Haddaad shaki ka qabtaan soo bixinta (iilka layska soo saari), Waxaanu idinka abuurnay carro, haddana dhibic mani ah, haddana xinjir, haddana cad hilib ah, in ka mid ahi la abuuro inna aan la abuurin (qaadis xumo darteed), si aanu idiinku caddayno. Waxaana ku sugnaa ilmo galeennada waxaan doonno ilaa muddo magacaaban. Markaasaan idin soo bixinnaa idinkoo ilmo yar ah, si aad u gaartaan xooggiina. Waxaa idin ka mid ah mid la oofsado (isagoo yar), waxaana idinka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita, si uusan waxba u ogaan ogaalkii kaddib. Waxaadna arkaysaa dhulkoo abaar ah, markase aan ku soo dejinno biyo korkeeda, la dhaqdhaqaaqda (nolol) oo fuurta oo soo saarta nooc walba oo dhir bilic san oo la jeclaado leh.

  6. ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْحَقُّ وَأَنَّهُۥ يُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰ وَأَنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ۝٦

    Thalika bianna Allaha huwa alhaqqu waannahu yuhyee almawta waannahu ʿala kulli shayin qadeerun

    Arrinkani waxaa ugu wacan in Alle Xaq yahay, oo uu nooleeyo meytida, iyo inuu wax walba Karo.

  7. وَأَنَّ ٱلسَّاعَةَ ءَاتِيَةٌ لَّا رَيْبَ فِيهَا وَأَنَّ ٱللَّهَ يَبْعَثُ مَن فِى ٱلْقُبُورِ۝٧

    Waanna alssaʿata atiyatun la rayba feeha waanna Allaha yabʿathu man fee alquboori

    Iyo in Saacadda (Qiyaame) iman, shaki ku jirin, iyo in Alle soo bixin waxa ku jira qubuuraha.

  8. وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُجَـٰدِلُ فِى ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَلَا هُدًى وَلَا كِتَـٰبٍ مُّنِيرٍ۝٨

    Wamina alnnasi man yujadilu fee Allahi bighayri ʿilmin wala hudan wala kitabin muneerin

    Waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Alle isagoon u haysan cilmi ama hanuun, ama kitaab wax ifaya.

  9. ثَانِىَ عِطْفِهِۦ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ۖ لَهُۥ فِى ٱلدُّنْيَا خِزْىٌ ۖ وَنُذِيقُهُۥ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ عَذَابَ ٱلْحَرِيقِ۝٩

    Thaniya ʿitfihi liyudilla ʿan sabeeli Allahi lahu fee alddunya khizyun wanutheequhu yawma alqiyamati ʿathaba alhareeqi

    Dadbi luquntiisa (kibir darti, lunsan) oo ka lumiya (dadka) Jidka Alle. Kaasi waxaa u sugnaaday noloshan adduunka dulli, Waxaana dhadhansiin Maalinta Qiyaame cadaab wax gubta.

  10. ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتْ يَدَاكَ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَيْسَ بِظَلَّـٰمٍ لِّلْعَبِيدِ۝١٠

    Thalika bima qaddamat yadaka waanna Allaha laysa bithallamin lilʿabeedi

    Arrinkani waa sababta waxay horey u geysteen gacmahaagu (oo denbiyo ah), Alle ma dulmiyo addoomahiisa.

  11. وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَعْبُدُ ٱللَّهَ عَلَىٰ حَرْفٍ ۖ فَإِنْ أَصَابَهُۥ خَيْرٌ ٱطْمَأَنَّ بِهِۦ ۖ وَإِنْ أَصَابَتْهُ فِتْنَةٌ ٱنقَلَبَ عَلَىٰ وَجْهِهِۦ خَسِرَ ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةَ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْخُسْرَانُ ٱلْمُبِينُ۝١١

    Wamina alnnasi man yaʿbudu Allaha ʿala harfin fain asabahu khayrun itmaanna bihi wain asabathu fitnatun inqalaba ʿala wajhihi khasira alddunya waalakhirata thalika huwa alkhusranu almubeenu

    Waxaa ka mid ah dadka mid u caabuda Alle si dhinac ka joog ah1 'shaki qaba'; hadduu khayr helo, ku xasila kheyrka (iyo diinta) haddiise la marsiiyo imtixaan, u gaddooma wejigiisa (gaalooba) wuxuu khasaaraa adduun iyo aakhiraba. Kaasi waa khasaaraha cad.

    Sharaxa hoose
    [1] Macnaha waa ka taagan qar diintiisa, waa qaba shaki, munaafiqnimo, ama dhoohnaan uu ka dhoohan yahay diintiisa aan dan u gelin inuu barto oo ku camal falo.
  12. يَدْعُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُۥ وَمَا لَا يَنفَعُهُۥ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلضَّلَـٰلُ ٱلْبَعِيدُ۝١٢

    Yadʿoo min dooni Allahi ma la yadurruhu wama la yanfaʿuhu thalika huwa alddalalu albaʿeedu

    Wuxuu baryaa Alle sokadi waxaan wax yeeli karin waxna u tari karin, Kaasi waa habowga fog.

  13. يَدْعُوا۟ لَمَن ضَرُّهُۥٓ أَقْرَبُ مِن نَّفْعِهِۦ ۚ لَبِئْسَ ٱلْمَوْلَىٰ وَلَبِئْسَ ٱلْعَشِيرُ۝١٣

    Yadʿoo laman darruhu aqrabu min nafʿihi labisa almawla walabisa alʿasheeru

    Wuxuu u yeedhaa oo baryaa mid dhibtiisu uga dhowdahay dheeftiisa; Isagaa u xun wax laga dhigto sokeeye, una xun wax laga dhigto xigaalo iyo saaxiib.

  14. إِنَّ ٱللَّهَ يُدْخِلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَفْعَلُ مَا يُرِيدُ۝١٤

    Inna Allaha yudkhilu allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati jannatin tajree min tahtiha alanharu inna Allaha yafʿalu ma yureedu

    Hubaal, Alle wuxuu gelin kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala Jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan. Hubaal Alle wuxuu Falaa wuxuu Doono.

  15. مَن كَانَ يَظُنُّ أَن لَّن يَنصُرَهُ ٱللَّهُ فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ فَلْيَمْدُدْ بِسَبَبٍ إِلَى ٱلسَّمَآءِ ثُمَّ لْيَقْطَعْ فَلْيَنظُرْ هَلْ يُذْهِبَنَّ كَيْدُهُۥ مَا يَغِيظُ۝١٥

    Man kana yathunnu an lan yansurahu Allahu fee alddunya waalakhirati falyamdud bisababin ila alssamai thumma liyaqtaʿ falyanthur hal yuthhibanna kayduhu ma yagheethu

    Qofkii u malayn inaanu Alle u gargaarayn (Rasuulkiisa) adduun iyo aakhiraba, ha u fidsho wuxuun sabab ah xagga samada1, markaas ha gooyo oo ha fiirsho inuu dhagartiisa ku ciil beelayo.

    Sharaxa hoose
    [1] Macnaha waa ha eego in sidaasi uu kaga go’ayo waxyiga iyo gargaarka Alle Nabiga ama inuu sidaas qofkaa uu ku ciil baxayo.
  16. وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَـٰهُ ءَايَـٰتٍۭ بَيِّنَـٰتٍ وَأَنَّ ٱللَّهَ يَهْدِى مَن يُرِيدُ۝١٦

    Wakathalika anzalnahu ayatin bayyinatin waanna Allaha yahdee man yureedu

    Sidaasaan u soo dejinnay (Qur’aankan) isagoo xujooyin cad ah, Allena wuxuu hanuuniyaa cidduu doono.

  17. إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَٱلَّذِينَ هَادُوا۟ وَٱلصَّـٰبِـِٔينَ وَٱلنَّصَـٰرَىٰ وَٱلْمَجُوسَ وَٱلَّذِينَ أَشْرَكُوٓا۟ إِنَّ ٱللَّهَ يَفْصِلُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ شَهِيدٌ۝١٧

    Inna allatheena amanoo waallatheena hadoo waalssabieena waalnnasara waalmajoosa waallatheena ashrakoo inna Allaha yafsilu baynahum yawma alqiyamati inna Allaha ʿala kulli shayin shaheedun

    Hubaal, kuwa 'xaqa' rumeeyey (Muslimiinta) iyo kuwa heysta Yuhuudiyada, Saabi’iinta, Nasaarada, Majuusta iyo Mushrikiinta, Alle baa kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha. Alle wax walba waa ka Markhaati oo Arkaa.

  18. أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يَسْجُدُ لَهُۥ مَن فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ وَٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ وَٱلنُّجُومُ وَٱلْجِبَالُ وَٱلشَّجَرُ وَٱلدَّوَآبُّ وَكَثِيرٌ مِّنَ ٱلنَّاسِ ۖ وَكَثِيرٌ حَقَّ عَلَيْهِ ٱلْعَذَابُ ۗ وَمَن يُهِنِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن مُّكْرِمٍ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَفْعَلُ مَا يَشَآءُ ۩۝١٨

    Alam tara anna Allaha yasjudu lahu man fee alssamawati waman fee alardi waalshshamsu waalqamaru waalnnujoomu waaljibalu waalshshajaru waalddawabbu wakatheerun mina alnnasi wakatheerun haqqa ʿalayhi alʿathabu waman yuhini Allahu fama lahu min mukrimin inna Allaha yafʿalu ma yashao

    Miyaadan ogeyn inay Alle u sujuudaan (oo adeecaan) waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada: qorraxda, dayaxa, xiddigaha, buuraha, geedaha, nafleyda dhul ku socodka ah, iyo in badan (oo dadka) ka mid ah, in badanna cadaabku u waajibay1. Qofkii uu Alle dulleeyo, ma leh wax darajeyn. Hubaal Alle wuxuu Falaa wuxuu doono.

    Sharaxa hoose
    [1] Oo sidaas awgeed loo qoray oo qaddaray.
  19. ۞ هَـٰذَانِ خَصْمَانِ ٱخْتَصَمُوا۟ فِى رَبِّهِمْ ۖ فَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ قُطِّعَتْ لَهُمْ ثِيَابٌ مِّن نَّارٍ يُصَبُّ مِن فَوْقِ رُءُوسِهِمُ ٱلْحَمِيمُ۝١٩

    Hathani khasmani ikhtasamoo fee rabbihim faallatheena kafaroo quttiʿat lahum thiyabun min narin yusabbu min fawqi ruoosihimu alhameemu

    Kuwani1 waa labo is-haya ee isku haya arrinka Rabbigood, kuwa gaaloobay waxaa loo goyn maryo Naar ah, waxaana lagu shubi madaxyadooda korkooda biyo kulul oo karaya .

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa mu’miniinta iyo gaalada.
  20. يُصْهَرُ بِهِۦ مَا فِى بُطُونِهِمْ وَٱلْجُلُودُ۝٢٠

    Yusharu bihi ma fee butoonihim waaljuloodu

    Waxaa lagula dhalaaliyaa waxa ku jira uurarkoooda iyo haragga (jirkooda).

  21. وَلَهُم مَّقَـٰمِعُ مِنْ حَدِيدٍ۝٢١

    Walahum maqamiʿu min hadeedin

    Waxay (gaaladu) ku mudan Naarta dubbayaal bir ah (oo lagu garaaco).

  22. كُلَّمَآ أَرَادُوٓا۟ أَن يَخْرُجُوا۟ مِنْهَا مِنْ غَمٍّ أُعِيدُوا۟ فِيهَا وَذُوقُوا۟ عَذَابَ ٱلْحَرِيقِ۝٢٢

    Kullama aradoo an yakhrujoo minha min ghammin oʿeedoo feeha wathooqoo ʿathaba alhareeqi

    Mar kasta oo ay doonaan inay ka soo baxaan xaggeeda, murugada heysata darteed, dib baa loogu celiyaa (iyagoo lagu dhihi): “Dhadhamiya cadaabka gubashada leh."

  23. إِنَّ ٱللَّهَ يُدْخِلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ يُحَلَّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٍ وَلُؤْلُؤًا ۖ وَلِبَاسُهُمْ فِيهَا حَرِيرٌ۝٢٣

    Inna Allaha yudkhilu allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati jannatin tajree min tahtiha alanharu yuhallawna feeha min asawira min thahabin waluluan walibasuhum feeha hareerun

    Hubaal, Alle wuxuu gelin kuwa Xaqa rumeeyey oo samaha fala Jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, waxaa loo xidhi gudaheeda qurxin darteed jijimo dahab iyo luul ah, dharkooduna gudaheeda waa xadhiidh.

  24. وَهُدُوٓا۟ إِلَى ٱلطَّيِّبِ مِنَ ٱلْقَوْلِ وَهُدُوٓا۟ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلْحَمِيدِ۝٢٤

    Wahudoo ila alttayyibi mina alqawli wahudoo ila sirati alhameedi

    Waxaa lagu hanuuniyaa hadalka kiisa wanaagsan, waxaana lagu hanuuniyaa Jidka la mahdiyo (waa Islaamka ee lagu galo Jannada).

  25. إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلْمَسْجِدِ ٱلْحَرَامِ ٱلَّذِى جَعَلْنَـٰهُ لِلنَّاسِ سَوَآءً ٱلْعَـٰكِفُ فِيهِ وَٱلْبَادِ ۚ وَمَن يُرِدْ فِيهِ بِإِلْحَادٍۭ بِظُلْمٍ نُّذِقْهُ مِنْ عَذَابٍ أَلِيمٍ۝٢٥

    Inna allatheena kafaroo wayasuddoona ʿan sabeeli Allahi waalmasjidi alharami allathee jaʿalnahu lilnnasi sawaan alʿakifu feehi waalbadi waman yurid feehi biilhadin bithulmin nuthiqhu min ʿathabin aleemin

    Hubaal, kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle iyo Masjidka Xaramka oo aan ka yeelnay (wax u furan) oo ay u siman yihiin dadka oo dhan, kan deggan dhexdeeda1 iyo soo booqdahaba. Qofkii u liicda xume fal uu ka sameeyo dhexdeeda xaq darro, Waxaan dhadhansiin cadaab xanuun badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Ama ha joogo markaa xuduuddeeda gudaheeda ama ha ka soo damco meel fog oo ka baxsan xuduuddeeda inuu ku sameeyo xumaan gudaheeda. Xaramku waa kaga duwan yahay arrinkan meelaha kale oo dhan, doonis keliya inuu qofku xumaan ku sameeyo (ama ha falo amase yuusan falin) ku filan inay u keento ciqaabka Alle.
  26. وَإِذْ بَوَّأْنَا لِإِبْرَٰهِيمَ مَكَانَ ٱلْبَيْتِ أَن لَّا تُشْرِكْ بِى شَيْـًٔا وَطَهِّرْ بَيْتِىَ لِلطَّآئِفِينَ وَٱلْقَآئِمِينَ وَٱلرُّكَّعِ ٱلسُّجُودِ۝٢٦

    Waith bawwana liibraheema makana albayti an la tushrik bee shayan watahhir baytiya lilttaifeena waalqaimeena waalrrukkaʿi alssujoodi

    (Xus, Nabi Muxammadow) markaan u cayinnay Ibraahiim halka Beytka (Kacbada), Annagoo leh: “Ha ila wadaajin (cibaadada) waxba, una daahiri Baytkayga (Kacbada) kuwa dawaafi iyo kuwa u istaagi inay ku tukadaan iyo kuwa rukuuca ee sujuuda.”

  27. وَأَذِّن فِى ٱلنَّاسِ بِٱلْحَجِّ يَأْتُوكَ رِجَالًا وَعَلَىٰ كُلِّ ضَامِرٍ يَأْتِينَ مِن كُلِّ فَجٍّ عَمِيقٍ۝٢٧

    Waaththin fee alnnasi bialhajji yatooka rijalan waʿala kulli damirin yateena min kulli fajjin ʿameeqin

    Ogeysiina dadka Xajka, waxay kuugu imaan lug iyo iyagoo fuushan rukuub kasta (oo munaasib ah), waxay ka imaan tub kasta oo fog.

  28. لِّيَشْهَدُوا۟ مَنَـٰفِعَ لَهُمْ وَيَذْكُرُوا۟ ٱسْمَ ٱللَّهِ فِىٓ أَيَّامٍ مَّعْلُومَـٰتٍ عَلَىٰ مَا رَزَقَهُم مِّنۢ بَهِيمَةِ ٱلْأَنْعَـٰمِ ۖ فَكُلُوا۟ مِنْهَا وَأَطْعِمُوا۟ ٱلْبَآئِسَ ٱلْفَقِيرَ۝٢٨

    Liyashhadoo manafiʿa lahum wayathkuroo isma Allahi fee ayyamin maʿloomatin ʿala ma razaqahum min baheemati alanʿami fakuloo minha waatʿimoo albaisa alfaqeera

    Inay goob joogaan ka ahaadaan waxyaalo manaafacaad u leh darteed, oo ay ugu xusaan Magaca Alle maalmo la yaqaan1 wuxuu siiyey oo xoolaha nicmooleyda ah, ee wax ka cuna, waxna ka siiya tabaaleysanaha, faqiirka.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa maalinta ciidda Carrafo iyo maalmaha tashriiqa ( hilba waradka) waa maalmaha 11, 12, 13 bisha Dul Xijjah.
  29. ثُمَّ لْيَقْضُوا۟ تَفَثَهُمْ وَلْيُوفُوا۟ نُذُورَهُمْ وَلْيَطَّوَّفُوا۟ بِٱلْبَيْتِ ٱلْعَتِيقِ۝٢٩

    Thumma lyaqdoo tafathahum walyoofoo nuthoorahum walyattawwafoo bialbayti alʿateeqi

    Markaas ha dhammeeyaan basaastooda1, hana oofiyeen nidarraooda, oo ha ku dawaafeen Baytka horreeyey (Kacbada).

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa ha dhammeeyaan basaastooda halkan howlaha ay u baahan yihiin ee leh xiiridda timaha, jaridda ciddiyaha, is nadiifinta, iwm.
  30. ذَٰلِكَ وَمَن يُعَظِّمْ حُرُمَـٰتِ ٱللَّهِ فَهُوَ خَيْرٌ لَّهُۥ عِندَ رَبِّهِۦ ۗ وَأُحِلَّتْ لَكُمُ ٱلْأَنْعَـٰمُ إِلَّا مَا يُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ ۖ فَٱجْتَنِبُوا۟ ٱلرِّجْسَ مِنَ ٱلْأَوْثَـٰنِ وَٱجْتَنِبُوا۟ قَوْلَ ٱلزُّورِ۝٣٠

    Thalika waman yuʿaththim hurumati Allahi fahuwa khayrun lahu ʿinda rabbihi waohillat lakumu alanʿamu illa ma yutla ʿalaykum faijtaniboo alrrijsa mina alawthani waijtaniboo qawla alzzoori

    Waa sidaase, qofkii weyneeya oo iska jira waxyaalahuu Alle caagay1, isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis. Waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo (waxa la idinku dul) akhiryo 'oo laga soo reebay'2 Ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah (caabudidda) sanamyada, kana fogaada hadalka beenta ah.

    Sharaxa hoose
    [1] Xurumaat ee ku soo arooray Aayadda waxaa loola jeedaa bilaha xurmadda gaarka ah leh waa: Muxarram, Rajab, Dul Qicdah, iyo Dul Xijjah, waxyaalaha la reebay gaar ahaan bilahaas iyo guud ahaan bilaha oo dhanba. Waxaa sidoo kale loola jeedaa dhulka Xaramka ee ka caaggan in xitaa la damco in xumo lagu falo, waa Kacbada, maqaamu Ibraahiim, xuduudda Xaramka, iwm. Eeg Suuradda 2 Al-Baqara , Aayadda 191. [2] Eeg Suuradda 5: Aayadda 3.
  31. حُنَفَآءَ لِلَّهِ غَيْرَ مُشْرِكِينَ بِهِۦ ۚ وَمَن يُشْرِكْ بِٱللَّهِ فَكَأَنَّمَا خَرَّ مِنَ ٱلسَّمَآءِ فَتَخْطَفُهُ ٱلطَّيْرُ أَوْ تَهْوِى بِهِ ٱلرِّيحُ فِى مَكَانٍ سَحِيقٍ۝٣١

    Hunafaa lillahi ghayra mushrikeena bihi waman yushrik biAllahi fakaannama kharra mina alssamai fatakhtafuhu alttayru aw tahwee bihi alrreehu fee makanin saheeqin

    Idinkoo u toosan Alle, oo aan la wadaajin cidna cibaadada. Qofkii Alle la wadaajiya cid kale cibaadada, wuxuu la mid yahay sida mid ka soo dhacay samada oo ay kala dafayaan shimbiruhu, ama sida mid ay ku tuurayso dabeyshu meel gun dheer oo fog.

  32. ذَٰلِكَ وَمَن يُعَظِّمْ شَعَـٰٓئِرَ ٱللَّهِ فَإِنَّهَا مِن تَقْوَى ٱلْقُلُوبِ۝٣٢

    Thalika waman yuʿaththim shaʿaira Allahi fainnaha min taqwa alquloobi

    Waa sidaase, qofkii weyneeya (sharciga iyo) calaamooyinka Alle1, tani waa camal muujinaya Alle ka cabsiga quluubta.

    Sharaxa hoose
    [1] Shacaa’irallaah waxaa loola jeedaa acmaasha Xajka iyo meelaha lagu cibaadeysto iyo cilmiga sharciga iyo culimada aqoonta u leh diinta ee ku camal fala ee towxiidka heysta oo ka fog shirkiga iyo macaasida, xalaasha quuta, oo hoos isu dhiga, una jajaban dadka.
  33. لَكُمْ فِيهَا مَنَـٰفِعُ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى ثُمَّ مَحِلُّهَآ إِلَى ٱلْبَيْتِ ٱلْعَتِيقِ۝٣٣

    Lakum feeha manafiʿu ila ajalin musamman thumma mahilluha ila albayti alʿateeqi

    Waxaa idiinku sugan (xoolaha loo bixiyey sadaqada - hadyiga) manaafacaad tan iyo muddo magacaaban ah1, markaas waxaa loo keenaa gowrac Baytka da’da weyn2.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa hadyiga, waa lagu intifaaci karaa ka hor inta aan la gowricin sida in la listo caanahooda, ama la fuulo, iwm ilaa maalinta gowraca. [2] Xuduudda Xaramka, waxaana soo galaya sidoo kale Mina.
  34. وَلِكُلِّ أُمَّةٍ جَعَلْنَا مَنسَكًا لِّيَذْكُرُوا۟ ٱسْمَ ٱللَّهِ عَلَىٰ مَا رَزَقَهُم مِّنۢ بَهِيمَةِ ٱلْأَنْعَـٰمِ ۗ فَإِلَـٰهُكُمْ إِلَـٰهٌ وَٰحِدٌ فَلَهُۥٓ أَسْلِمُوا۟ ۗ وَبَشِّرِ ٱلْمُخْبِتِينَ۝٣٤

    Walikulli ommatin jaʿalna mansakan liyathkuroo isma Allahi ʿala ma razaqahum min baheemati alanʿami failahukum ilahun wahidun falahu aslimoo wabashshiri almukhbiteena

    Ummad walba waxaan u yeellay cibaado1 'ciid', si ay ugu xusaan Magaca Alle waxa uu siiyey ee xoolaha nicmooleyda ah. Ilaahiinnu waa Ilaah Keliya (Allaah) ee u hoggaansama oo u bishaaree kal samayaasha.

    Sharaxa hoose
    [1] Xagga hadyiga waxay ahayd mar waliba qayb ka mid ah diinta uu Alle soo waxyooday.
  35. ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَٱلصَّـٰبِرِينَ عَلَىٰ مَآ أَصَابَهُمْ وَٱلْمُقِيمِى ٱلصَّلَوٰةِ وَمِمَّا رَزَقْنَـٰهُمْ يُنفِقُونَ۝٣٥

    Allatheena itha thukira Allahu wajilat quloobuhum waalssabireena ʿala ma asabahum waalmuqeemee alssalati wamimma razaqnahum yunfiqoona

    Ee ah kuwa marka la xuso Alle ay baqo ka buuxsanto quluubtoodu, kuna samra waxa ku dhaca (oo musiiba ah) ee ooga salaadda, waxa aan siinnayna wax ka bixiya.

  36. وَٱلْبُدْنَ جَعَلْنَـٰهَا لَكُم مِّن شَعَـٰٓئِرِ ٱللَّهِ لَكُمْ فِيهَا خَيْرٌ ۖ فَٱذْكُرُوا۟ ٱسْمَ ٱللَّهِ عَلَيْهَا صَوَآفَّ ۖ فَإِذَا وَجَبَتْ جُنُوبُهَا فَكُلُوا۟ مِنْهَا وَأَطْعِمُوا۟ ٱلْقَانِعَ وَٱلْمُعْتَرَّ ۚ كَذَٰلِكَ سَخَّرْنَـٰهَا لَكُمْ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ۝٣٦

    Waalbudna jaʿalnaha lakum min shaʿairi Allahi lakum feeha khayrun faothkuroo isma Allahi ʿalayha sawaffa faitha wajabat junoobuha fakuloo minha waatʿimoo alqaniʿa waalmuʿtarra kathalika sakhkharnaha lakum laʿallakum tashkuroona

    Ishkinka (xoolaha waaweyn ee loo loogo hadyi ahaanta - lo'da iyo geela) waxaan idiinka yeelnay wax ka mid ah calaamooyinka (diinta) Alle, waxaa idiinku sugan khayr badan, ee ku xusa Magaca Alle korkeeda iyadoo jilib xidhan1, markay u dhacdo dhinacna (waa idiin xalaal), ee wax ka cuna, oo wax ka quudiya miskiinka dhowrsoon iyo weydiistaha. Sidaasaan idiinku sakhirnay si aad ugu mahdisaan (Alle).

    Sharaxa hoose
    [1] Geela waxaa la bireeyaa iyagoo taagan.
  37. لَن يَنَالَ ٱللَّهَ لُحُومُهَا وَلَا دِمَآؤُهَا وَلَـٰكِن يَنَالُهُ ٱلتَّقْوَىٰ مِنكُمْ ۚ كَذَٰلِكَ سَخَّرَهَا لَكُمْ لِتُكَبِّرُوا۟ ٱللَّهَ عَلَىٰ مَا هَدَىٰكُمْ ۗ وَبَشِّرِ ٱلْمُحْسِنِينَ۝٣٧

    Lan yanala Allaha luhoomuha wala dimaoha walakin yanaluhu alttaqwa minkum kathalika sakhkharaha lakum litukabbiroo Allaha ʿala ma hadakum wabashshiri almuhsineena

    Ma gaadho Alle hilibkeedu iyo dhiiggeedu, waxase gaadha ee aqbalka ah Xaggiisa waa ka dhowrsoonidiinna (xumaha). Sidaasuu idiinku sakhiray si aad u weyneysaan Alle hanuunka uu idin hanuuniyey darteed. U bishaaree sama falayaasha.

  38. ۞ إِنَّ ٱللَّهَ يُدَٰفِعُ عَنِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ خَوَّانٍ كَفُورٍ۝٣٨

    Inna Allaha yudafiʿu ʿani allatheena amanoo inna Allaha la yuhibbu kulla khawwanin kafoorin

    Xaqiiq Alle wuu difaacaa addoomahiisa rumeysan. Xaqiiq, Alle ma jecla mid kastoo khiyaano badan, abaal dhac badan.

  39. أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَـٰتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا۟ ۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ۝٣٩

    Othina lillatheena yuqataloona biannahum thulimoo wainna Allaha ʿala nasrihim laqadeerun

    Waxaa loo idmay kuwa lala dagaallami 'inay dagaallamaan'1 waayo waa la dulmiyey. Alle wuu Karaa inuu guul siiyo.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa halkan asxaabtii Nabiga s.c.w.
  40. ٱلَّذِينَ أُخْرِجُوا۟ مِن دِيَـٰرِهِم بِغَيْرِ حَقٍّ إِلَّآ أَن يَقُولُوا۟ رَبُّنَا ٱللَّهُ ۗ وَلَوْلَا دَفْعُ ٱللَّهِ ٱلنَّاسَ بَعْضَهُم بِبَعْضٍ لَّهُدِّمَتْ صَوَٰمِعُ وَبِيَعٌ وَصَلَوَٰتٌ وَمَسَـٰجِدُ يُذْكَرُ فِيهَا ٱسْمُ ٱللَّهِ كَثِيرًا ۗ وَلَيَنصُرَنَّ ٱللَّهُ مَن يَنصُرُهُۥٓ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَقَوِىٌّ عَزِيزٌ۝٤٠

    Allatheena okhrijoo min diyarihim bighayri haqqin illa an yaqooloo rabbuna Allahu walawla dafʿu Allahi alnnasa baʿdahum bibaʿdin lahuddimat sawamiʿu wabiyaʿun wasalawatun wamasajidu yuthkaru feeha ismu Allahi katheeran walayansuranna Allahu man yansuruhu inna Allaha laqawiyyun ʿazeezun

    Kuwa looga soo saaray guryahoodii xaq darro iyagoon waxba geysan, inay yidhaahdeen maahee: Rabbigayo waa Allaah.” Haddayna jirin ku difaacidda Alle dadka qaarkoodba qaar, waxaa la dumin lahaa sawmacado, kaniisado, macaabid, iyo masaajid gudahooda Magaca Alle in badan lagu xuso. Alle wuu u gargaari kuwa u gargaara (Diintiisa), hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaada.

  41. ٱلَّذِينَ إِن مَّكَّنَّـٰهُمْ فِى ٱلْأَرْضِ أَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُا۟ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَمَرُوا۟ بِٱلْمَعْرُوفِ وَنَهَوْا۟ عَنِ ٱلْمُنكَرِ ۗ وَلِلَّهِ عَـٰقِبَةُ ٱلْأُمُورِ۝٤١

    Allatheena in makkannahum fee alardi aqamoo alssalata waatawoo alzzakata waamaroo bialmaʿroofi wanahaw ʿani almunkari walillahi ʿaqibatu alomoori

    Kuwa haddaan ku siinno awood arlada, ooga salaadda, bixiya Zakada, oo amra wanaagga, oo reeba xumaha. Alle baa ka taliya aayaha arrimaha oo idil.

  42. وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدْ كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَعَادٌ وَثَمُودُ۝٤٢

    Wain yukaththibooka faqad kaththabat qablahum qawmu noohin waʿadun wathamoodu

    Hadday ku beeniyaan (Nabiyow), waxaa hortood beeniyey qolodii Nuux, Caad, iyo Thamuud,

  43. وَقَوْمُ إِبْرَٰهِيمَ وَقَوْمُ لُوطٍ۝٤٣

    Waqawmu ibraheema waqawmu lootin

    Iyo qolodii Ibraahiim iyo qolodii Luud,

  44. وَأَصْحَـٰبُ مَدْيَنَ ۖ وَكُذِّبَ مُوسَىٰ فَأَمْلَيْتُ لِلْكَـٰفِرِينَ ثُمَّ أَخَذْتُهُمْ ۖ فَكَيْفَ كَانَ نَكِيرِ۝٤٤

    Waashabu madyana wakuththiba moosa faamlaytu lilkafireena thumma akhathtuhum fakayfa kana nakeeri

    Iyo reer Madyan, Muusena (sidoo kale) waa la beeniyey, markaasaan u seeto dheereeyey gaaladii, ka dambowna qabtay, ee sidee ahaa Ciqaabkeygii.

  45. فَكَأَيِّن مِّن قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَـٰهَا وَهِىَ ظَالِمَةٌ فَهِىَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَبِئْرٍ مُّعَطَّلَةٍ وَقَصْرٍ مَّشِيدٍ۝٤٥

    Fakaayyin min qaryatin ahlaknaha wahiya thalimatun fahiya khawiyatun ʿala ʿurooshiha wabirin muʿattalatin waqasrin masheedin

    Badanaa inta magaalo aan halaagnay iyadoo dulmi fali, sidaa darteed iyadu ku dambeysay burbur (ilaa iyo maanta), badanaana inta ceel laga qaxay iyo daaro waaweyn.

  46. أَفَلَمْ يَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَتَكُونَ لَهُمْ قُلُوبٌ يَعْقِلُونَ بِهَآ أَوْ ءَاذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا ۖ فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى ٱلْأَبْصَـٰرُ وَلَـٰكِن تَعْمَى ٱلْقُلُوبُ ٱلَّتِى فِى ٱلصُّدُورِ۝٤٦

    Afalam yaseeroo fee alardi fatakoona lahum quloobun yaʿqiloona biha aw athanun yasmaʿoona biha fainnaha la taʿma alabsaru walakin taʿma alquloobu allatee fee alssudoori

    Miyeyna marin dhulka, si ay u yeeshaan qalbiyo ay wax ku gartaan ama dhego ay wax ku maqlaan? Hubaal, Ma aha indha beel isha oo arag beesha, ee indha beelka dhabta ah waa arag beelka quluubta ku jira laabaha.

  47. وَيَسْتَعْجِلُونَكَ بِٱلْعَذَابِ وَلَن يُخْلِفَ ٱللَّهُ وَعْدَهُۥ ۚ وَإِنَّ يَوْمًا عِندَ رَبِّكَ كَأَلْفِ سَنَةٍ مِّمَّا تَعُدُّونَ۝٤٧

    Wayastaʿjiloonaka bialʿathabi walan yukhlifa Allahu waʿdahu wainna yawman ʿinda rabbika kaalfi sanatin mimma taʿuddoona

    Waxay kaa dalbaan inaad u soo dedejiso cadaabka. Allena kama baxo Ballankiisa. Hubaal, maalin Rabbigaa agtiis ah waxay la mid tahay kun sano waxaad idinku tirsataan.

  48. وَكَأَيِّن مِّن قَرْيَةٍ أَمْلَيْتُ لَهَا وَهِىَ ظَالِمَةٌ ثُمَّ أَخَذْتُهَا وَإِلَىَّ ٱلْمَصِيرُ۝٤٨

    Wakaayyin min qaryatin amlaytu laha wahiya thalimatun thumma akhathtuha wailayya almaseeru

    Badanaa inta magaalo aan u seeto dheereeyey iyadoo la ceegaagan dulmi, kaddib aan qabtay, waana Xaggeyga halka loo soo laabmayo.

  49. قُلْ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّمَآ أَنَا۠ لَكُمْ نَذِيرٌ مُّبِينٌ۝٤٩

    Qul ya ayyuha alnnasu innama ana lakum natheerun mubeenun

    Dheh: "Dadow! Waxaan uun anigu idiin ahay Dige Cad (ka digaya cadaab daran)".

  50. فَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ۝٥٠

    Faallatheena amanoo waʿamiloo alssalihati lahum maghfiratun warizqun kareemun

    Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyhiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Jannada gudaheeda).

  51. وَٱلَّذِينَ سَعَوْا۟ فِىٓ ءَايَـٰتِنَا مُعَـٰجِزِينَ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلْجَحِيمِ۝٥١

    Waallatheena saʿaw fee ayatina muʿajizeena olaika ashabu aljaheemi

    Kuwase u xusul duubta ka hortagga Aayadahayaga, kuwaasi waa ehlu Naarka.

  52. وَمَآ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ مِن رَّسُولٍ وَلَا نَبِىٍّ إِلَّآ إِذَا تَمَنَّىٰٓ أَلْقَى ٱلشَّيْطَـٰنُ فِىٓ أُمْنِيَّتِهِۦ فَيَنسَخُ ٱللَّهُ مَا يُلْقِى ٱلشَّيْطَـٰنُ ثُمَّ يُحْكِمُ ٱللَّهُ ءَايَـٰتِهِۦ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ۝٥٢

    Wama arsalna min qablika min rasoolin wala nabiyyin illa itha tamanna alqa alshshaytanu fee omniyyatihi fayansakhu Allahu ma yulqee alshshaytanu thumma yuhkimu Allahu ayatihi waAllahu ʿaleemun hakeemun

    Ma aanu soo dirin hortaa Rasuul ama Nabi aan markuu hadlayey (ama wax akhrinayey) aanu wax ku tuurin sheydaanku akhrintiisa, wuxuuse Alle nasakhaa oo tiraa waxa uu shaydaan soo tuuro, markaa Alle sugaa Aayadahiisa1. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

    Sharaxa hoose
    [1] Markuu Nabigu s.c.w. akhriyo Aayad loogu digayo gaalada, waxay gaaladu ku kordhin jireen waxaan jirin ama u fasiri jireen si kale, markaasuu Alle caddeeyaa arrimahaa khaladka loo fahmay si uu meesha uga saaro wax mugdi ah ama shaki.
  53. لِّيَجْعَلَ مَا يُلْقِى ٱلشَّيْطَـٰنُ فِتْنَةً لِّلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَٱلْقَاسِيَةِ قُلُوبُهُمْ ۗ وَإِنَّ ٱلظَّـٰلِمِينَ لَفِى شِقَاقٍۭ بَعِيدٍ۝٥٣

    Liyajʿala ma yulqee alshshaytanu fitnatan lillatheena fee quloobihim maradun waalqasiyati quloobuhum wainna alththalimeena lafee shiqaqin baʿeedin

    Waa si u ugaga yeelo waxa uu Shaydaanku soo tuuro imtixaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur iyo kuwa quluubtoodu adag yihiin. Daalimiintu (gaalada) waxay ku sugan yihiin gaalnimo iyo khilaaf fog.

  54. وَلِيَعْلَمَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ أَنَّهُ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَيُؤْمِنُوا۟ بِهِۦ فَتُخْبِتَ لَهُۥ قُلُوبُهُمْ ۗ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَهَادِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ۝٥٤

    Waliyaʿlama allatheena ootoo alʿilma annahu alhaqqu min rabbika fayuminoo bihi fatukhbita lahu quloobuhum wainna Allaha lahadi allatheena amanoo ila siratin mustaqeemin

    Waa si ay u ogaadaan kuwa la siiyey cilmiga inuu (Qur’aankani) yahay xaq ka yimid Rabbigaa, oo ay rumeeyaan oo ay u khushuucdo quluubtoodu. Hubaal Alle wuu ku hanuunin kuwa rumeeyey (Xaqa) Jid Toosan (Islaamka).

  55. وَلَا يَزَالُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فِى مِرْيَةٍ مِّنْهُ حَتَّىٰ تَأْتِيَهُمُ ٱلسَّاعَةُ بَغْتَةً أَوْ يَأْتِيَهُمْ عَذَابُ يَوْمٍ عَقِيمٍ۝٥٥

    Wala yazalu allatheena kafaroo fee miryatin minhu hatta tatiyahumu alssaʿatu baghtatan aw yatiyahum ʿathabu yawmin ʿaqeemin

    Kuwa gaaloobana ma deyn doonaan inay shaki ka qabaan (Qur’aankani) jeer ay Saacdda (Qiyaame) ugu timaaddo kedis ama u timaado cadaab Maalin daran oo maalin kale ka dambeyn1.

    Sharaxa hoose
    [1] Maalin daran oo ma dhaleys ah waa maalin aan habeen ka dambeyn, sidaas darteed aan dhali doonin maalin cusub, waxaana loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha
  56. ٱلْمُلْكُ يَوْمَئِذٍ لِّلَّهِ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ ۚ فَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ فِى جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ۝٥٦

    Almulku yawmaithin lillahi yahkumu baynahum faallatheena amanoo waʿamiloo alssalihati fee jannati alnnaʿeemi

    Xukunka Maalinkaas waxaa iska leh Allaah, Wuxuu kala xukumi dhexdooda. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay geli beeraha barwaaqada ah (Janno).

  57. وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا فَأُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ۝٥٧

    Waallatheena kafaroo wakaththaboo biayatina faolaika lahum ʿathabun muheenun

    Kuwase gaalooba ee beeniya Aayadahayaga, kuwaa weeye kuwa leh cadaab dulleysa.

  58. وَٱلَّذِينَ هَاجَرُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ثُمَّ قُتِلُوٓا۟ أَوْ مَاتُوا۟ لَيَرْزُقَنَّهُمُ ٱللَّهُ رِزْقًا حَسَنًا ۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَهُوَ خَيْرُ ٱلرَّٰزِقِينَ۝٥٨

    Waallatheena hajaroo fee sabeeli Allahi thumma qutiloo aw matoo layarzuqannahumu Allahu rizqan hasanan wainna Allaha lahuwa khayru alrraziqeena

    Kuwa u soo haajira Alle darti, markaa la dilo ama dhinta, Wuxuu Alle siin risiq wanaagsan. Alle waa Kan u wanaagsan inta bixisa risiqa.

  59. لَيُدْخِلَنَّهُم مُّدْخَلًا يَرْضَوْنَهُۥ ۗ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَعَلِيمٌ حَلِيمٌ۝٥٩

    Layudkhilannahum mudkhalan yardawnahu wainna Allaha laʿaleemun haleemun

    Wuxuu galin meel gelitaan ay ka raalli noqon (Janno). Alle waa wax kasta Ogsoone, Dul qaad Badan.

  60. ۞ ذَٰلِكَ وَمَنْ عَاقَبَ بِمِثْلِ مَا عُوقِبَ بِهِۦ ثُمَّ بُغِىَ عَلَيْهِ لَيَنصُرَنَّهُ ٱللَّهُ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٌ۝٦٠

    Thalika waman ʿaqaba bimithli ma ʿooqiba bihi thumma bughiya ʿalayhi layansurannahu Allahu inna Allaha laʿafuwwun ghafoorun

    Waa sidaase, kan isagu ku aar guta intii gef loo geystey in le’eg, kaasoo lagu gardarrooday, hubaal Alle wuu u gargaari. Hubaal Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Isagoo awooda inuu aar guto. Waxaa laga qaadanayaa Aayadda inay sidoo kale mu’miniinta wax cafiyaan iyagoo aar goosan kara.
  61. ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ يُولِجُ ٱلَّيْلَ فِى ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِى ٱلَّيْلِ وَأَنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌۢ بَصِيرٌ۝٦١

    Thalika bianna Allaha yooliju allayla fee alnnahari wayooliju alnnahara fee allayli waanna Allaha sameeʿun baseerun

    Arrinkani waxaa ku wacan inuu Alle habeenka dhex geliyo maalinta, maalintana dhex geliyo habeenka (kala badiyo), Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

  62. ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدْعُونَ مِن دُونِهِۦ هُوَ ٱلْبَـٰطِلُ وَأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْعَلِىُّ ٱلْكَبِيرُ۝٦٢

    Thalika bianna Allaha huwa alhaqqu waanna ma yadʿoona min doonihi huwa albatilu waanna Allaha huwa alʿaliyyu alkabeeru

    Arrinkani waxaa ku wacan waa in Alle uu yahay Xaq, iyo in waxay baryaan (caabudaan) sokadi uu yahay Baadil, iyo in Alle yahay Sarreeyaha, Weyn .

  63. أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَتُصْبِحُ ٱلْأَرْضُ مُخْضَرَّةً ۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٌ۝٦٣

    Alam tara anna Allaha anzala mina alssamai maan fatusbihu alardu mukhdarratan inna Allaha lateefun khabeerun

    Miyaanad arag inuu Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, markaas dhulku noqdo doog? Hubaal, Alle waa Roonaan Badane, Xog-Ogaal ah.

  64. لَّهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۗ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَهُوَ ٱلْغَنِىُّ ٱلْحَمِيدُ۝٦٤

    Lahu ma fee alssamawati wama fee alardi wainna Allaha lahuwa alghaniyyu alhameedu

    Wuxuu leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Hubaal, Alle waa Hodonka (ka deeqtoon wax waliba) la ammaanoo Mahadsan.

  65. أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ سَخَّرَ لَكُم مَّا فِى ٱلْأَرْضِ وَٱلْفُلْكَ تَجْرِى فِى ٱلْبَحْرِ بِأَمْرِهِۦ وَيُمْسِكُ ٱلسَّمَآءَ أَن تَقَعَ عَلَى ٱلْأَرْضِ إِلَّا بِإِذْنِهِۦٓ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِٱلنَّاسِ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ۝٦٥

    Alam tara anna Allaha sakhkhara lakum ma fee alardi waalfulka tajree fee albahri biamrihi wayumsiku alssamaa an taqaʿa ʿala alardi illa biithnihi inna Allaha bialnnasi laraoofun raheemun

    Miyaanad arag inuu Alle idiin sakhiray waxa ku sugan dhulka, iyo doonyaha ku socda badda Amarkiisa? Wuxuuna ka hayaa cirka inuu ku soo dhaco dhulka Isagoo idmo ma ahee. Alle waa Mid dadka u Turid iyo Naxariis Badan.

  66. وَهُوَ ٱلَّذِىٓ أَحْيَاكُمْ ثُمَّ يُمِيتُكُمْ ثُمَّ يُحْيِيكُمْ ۗ إِنَّ ٱلْإِنسَـٰنَ لَكَفُورٌ۝٦٦

    Wahuwa allathee ahyakum thumma yumeetukum thumma yuhyeekum inna alinsana lakafoorun

    Waa Isaga 'Alle' Kan idin nooleeya, haddana idin dhinsiiya, haddana idin soo nooleyn mar kale (Qiyaamaha). Aadmigu xaqiiq waa mid abaal dhac badan.

  67. لِّكُلِّ أُمَّةٍ جَعَلْنَا مَنسَكًا هُمْ نَاسِكُوهُ ۖ فَلَا يُنَـٰزِعُنَّكَ فِى ٱلْأَمْرِ ۚ وَٱدْعُ إِلَىٰ رَبِّكَ ۖ إِنَّكَ لَعَلَىٰ هُدًى مُّسْتَقِيمٍ۝٦٧

    Likulli ommatin jaʿalna mansakan hum nasikoohu fala yunaziʿunnaka fee alamri waodʿu ila rabbika innaka laʿala hudan mustaqeemin

    Ummad walba waxaan u yeellay hab cibaado oo ay ku cibaadeystaan ee yeyna kugula doodin arrinka, oo ugu yeedh xagga Rabbigaa. Hubaal, Adigu waxaad ku sugan tahay hanuun toosan.

  68. وَإِن جَـٰدَلُوكَ فَقُلِ ٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا تَعْمَلُونَ۝٦٨

    Wain jadalooka faquli Allahu aʿlamu bima taʿmaloona

    Hadday kula doodaan, dheh: Alle baa dhab u ogsoon waxaad fashaan.

  69. ٱللَّهُ يَحْكُمُ بَيْنَكُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ فِيمَا كُنتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ۝٦٩

    Allahu yahkumu baynakum yawma alqiyamati feema kuntum feehi takhtalifoona

    Alle baa idiin kala garsoori dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha waxaad isku khilaafsaneydeen.

  70. أَلَمْ تَعْلَمْ أَنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ مَا فِى ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ ۗ إِنَّ ذَٰلِكَ فِى كِتَـٰبٍ ۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٌ۝٧٠

    Alam taʿlam anna Allaha yaʿlamu ma fee alssamai waalardi inna thalika fee kitabin inna thalika ʿala Allahi yaseerun

    Miyaadan ogayn inuu Alle og yahay waxa ku sugan samada iyo arlada? Hubaal, arrinkani wuxuu ku yaal Kitaab1. Hubaal, arrinkani wuu u fudud yahay Alle.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka uu Alle ku heysto agtiisa.
  71. وَيَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَمْ يُنَزِّلْ بِهِۦ سُلْطَـٰنًا وَمَا لَيْسَ لَهُم بِهِۦ عِلْمٌ ۗ وَمَا لِلظَّـٰلِمِينَ مِن نَّصِيرٍ۝٧١

    Wayaʿbudoona min dooni Allahi ma lam yunazzil bihi sultanan wama laysa lahum bihi ʿilmun wama lilththalimeena min naseerin

    Waxay caabudaan Alle sokadi wax uusan u soo dejin wax xujo ah, iyo waxaa aysan u lahayn wax cilmi ah. Daalimiinta (gaalada, mushrikiinta, iwm) ma heli doonaan wax u soo gargaara.

  72. وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَـٰتُنَا بَيِّنَـٰتٍ تَعْرِفُ فِى وُجُوهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ٱلْمُنكَرَ ۖ يَكَادُونَ يَسْطُونَ بِٱلَّذِينَ يَتْلُونَ عَلَيْهِمْ ءَايَـٰتِنَا ۗ قُلْ أَفَأُنَبِّئُكُم بِشَرٍّ مِّن ذَٰلِكُمُ ۗ ٱلنَّارُ وَعَدَهَا ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ۖ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ۝٧٢

    Waitha tutla ʿalayhim ayatuna bayyinatin taʿrifu fee wujoohi allatheena kafaroo almunkara yakadoona yastoona biallatheena yatloona ʿalayhim ayatina qul afaonabbiokum bisharrin min thalikum alnnaru waʿadaha Allahu allatheena kafaroo wabisa almaseeru

    Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxaad ka garan wejiyada kuwa gaalooba nac! Waxay ku sigtaan inay ku soo boodaan kuwa u akhriya Aayadahayaga. Dheh: “Ma idiin sheegaa wax waxakani ka xun1? waa Naarta, Alle wuxuu u yaboohay kuwa gaalada ah, iyadaana u xun meel la ahaado.

    Sharaxa hoose
    [1] Ka daran cadhada aad u qabtaan kuwa akhriya Aayadaha Alle ama ka daran waxa aad ugu gooddisaan.
  73. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ضُرِبَ مَثَلٌ فَٱسْتَمِعُوا۟ لَهُۥٓ ۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَن يَخْلُقُوا۟ ذُبَابًا وَلَوِ ٱجْتَمَعُوا۟ لَهُۥ ۖ وَإِن يَسْلُبْهُمُ ٱلذُّبَابُ شَيْـًٔا لَّا يَسْتَنقِذُوهُ مِنْهُ ۚ ضَعُفَ ٱلطَّالِبُ وَٱلْمَطْلُوبُ۝٧٣

    Ya ayyuha alnnasu duriba mathalun faistamiʿoo lahu inna allatheena tadʿoona min dooni Allahi lan yakhluqoo thubaban walawi ijtamaʿoo lahu wain yaslubuhumu alththubabu shayan la yastanqithoohu minhu daʿufa alttalibu waalmatloobu

    Dadow! Waxaa la yeelay tusaale ee u dhegaysta (si wanaagsan). Kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi ma abuuri karaan duqsi, haba u kulmaane dhammaantood arrinkaa, hadduuna duqsigu wax ka dafo, kama soo ceshan karaan. Liidasho badanaa kan wax dooni (caabudaha asnaamta) iyo kan la dooni (asnaamta ay caabudaan).

  74. مَا قَدَرُوا۟ ٱللَّهَ حَقَّ قَدْرِهِۦٓ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَقَوِىٌّ عَزِيزٌ۝٧٤

    Ma qadaroo Allaha haqqa qadrihi inna Allaha laqawiyyun ʿazeezun

    Ma ay qaddarin Alle qaddarinta uu mudan yahay. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaada.

  75. ٱللَّهُ يَصْطَفِى مِنَ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةِ رُسُلًا وَمِنَ ٱلنَّاسِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌۢ بَصِيرٌ۝٧٥

    Allahu yastafee mina almalaikati rusulan wamina alnnasi inna Allaha sameeʿun baseerun

    Alle wuxuu ka dhex doortaa Rusul malaa’igta iyo dadkaba. Hubaal, Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

  76. يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ ۗ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرْجَعُ ٱلْأُمُورُ۝٧٦

    Yaʿlamu ma bayna aydeehim wama khalfahum waila Allahi turjaʿu alomooru

    Wuxuu ogsoon yahay Waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah. Xagga Alle baana loo celiyaa umuurahoo dhan.

  77. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱرْكَعُوا۟ وَٱسْجُدُوا۟ وَٱعْبُدُوا۟ رَبَّكُمْ وَٱفْعَلُوا۟ ٱلْخَيْرَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ ۩۝٧٧

    Ya ayyuha allatheena amanoo irkaʿoo waosjudoo waoʿbudoo rabbakum waifʿaloo alkhayra laʿallakum tuflihoona

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Rukuuca oo sujuuda oo caabuda Rabbigiin (idinkoon waxba la wadaajin cibaadada) falana khayr aad liibaantaane.

  78. وَجَـٰهِدُوا۟ فِى ٱللَّهِ حَقَّ جِهَادِهِۦ ۚ هُوَ ٱجْتَبَىٰكُمْ وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِى ٱلدِّينِ مِنْ حَرَجٍ ۚ مِّلَّةَ أَبِيكُمْ إِبْرَٰهِيمَ ۚ هُوَ سَمَّىٰكُمُ ٱلْمُسْلِمِينَ مِن قَبْلُ وَفِى هَـٰذَا لِيَكُونَ ٱلرَّسُولُ شَهِيدًا عَلَيْكُمْ وَتَكُونُوا۟ شُهَدَآءَ عَلَى ٱلنَّاسِ ۚ فَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُوا۟ ٱلزَّكَوٰةَ وَٱعْتَصِمُوا۟ بِٱللَّهِ هُوَ مَوْلَىٰكُمْ ۖ فَنِعْمَ ٱلْمَوْلَىٰ وَنِعْمَ ٱلنَّصِيرُ۝٧٨

    Wajahidoo fee Allahi haqqa jihadihi huwa ijtabakum wama jaʿala ʿalaykum fee alddeeni min harajin millata abeekum ibraheema huwa sammakumu almuslimeena min qablu wafee hatha liyakoona alrrasoolu shaheedan ʿalaykum watakoonoo shuhadaa ʿala alnnasi faaqeemoo alssalata waatoo alzzakata waiʿtasimoo biAllahi huwa mawlakum faniʿma almawla waniʿma alnnaseeru

    Kun dadaala Arrinka Alle (xoojinta diinta Islaamka) dadaal dhab ah (idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinna). Isagaa (Alle) idin doortay, mana yeelin dushiinna xagga diinta waxaad ku dhib mudataan, waa diintii Aabbihiin Ibraahiim. Isaga (Alle) baa idiin bixiyey kol hor Muslimiin iyo Qur’aankan (dhexdiisaba) si uu Rasuulku idiinku ahaado markhaati, idinkuna aad markhaati kaga ahaataan dadka. Ee ooga salaadda oo bixiya zakada oo qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa) oo isku dhowra. Waa Alle Mudanahiin, Isagaa u fiican Mudane ahaan, Isagaana u Fiican Gargaare ahaan.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Xajj?

Macnaha Al-Xajj waa “Xajka”.

Suuradda Al-Xajj juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Xajj waxay ku jirtaa juz’ 17.

Suuradda Al-Xajj immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Xajj waxay leedahay 78 aayadood.

Suuradda Al-Xajj ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Xajj waa suurad Madani ah.

Suuradda Al-Xajj waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 22aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.