سورة الأنبياء
Suuradda Al-Anbiyaa’ oo af Soomaali ah
Nabiyada
- 21
- 112 aayadood
- Makki
- Juz’ 17
- Bogagga 322–331
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Anbiyaa’ (الأنبياء) waa suuradda 21aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 112 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Nabiyada”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 17.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Anbiyaa’ oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Anbiyaa’ oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
ٱقْتَرَبَ لِلنَّاسِ حِسَابُهُمْ وَهُمْ فِى غَفْلَةٍ مُّعْرِضُونَ١
Iqtaraba lilnnasi hisabuhum wahum fee ghaflatin muʿridoona
(Waqtiga) xisaabintooda (Qiyaamo) baa ku soo dhow dadka halka ay dhoohnaan la sii jeedaan.
-
مَا يَأْتِيهِم مِّن ذِكْرٍ مِّن رَّبِّهِم مُّحْدَثٍ إِلَّا ٱسْتَمَعُوهُ وَهُمْ يَلْعَبُونَ٢
Ma yateehim min thikrin min rabbihim muhdathin illa istamaʿoohu wahum yalʿaboona
Ma jiro Xus (Waxyi) uga yimaada xagga Rabbbigood, waxayse dhegaystaan iyagoo iska cayaaraya.
-
لَاهِيَةً قُلُوبُهُمْ ۗ وَأَسَرُّوا۟ ٱلنَّجْوَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ هَلْ هَـٰذَآ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ ۖ أَفَتَأْتُونَ ٱلسِّحْرَ وَأَنتُمْ تُبْصِرُونَ٣
Lahiyatan quloobuhum waasarroo alnnajwa allatheena thalamoo hal hatha illa basharun mithlukum afatatoona alssihra waantum tubsiroona
Qalbiyadoodu shuqloon tahay. Kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxay qariyaan faqooda (iyagoo leh): Kani (Muxammad) ma wax aan ahayn baa qof idinkoo kale ah? Ma waxaad aqabaleysaan sixir1 idinkoo arka?
Sharaxa hoose
[1] Sixir waxay ku sheegayaan halkan waa Aayadaha Qur’aanka, Inkastoo ay arkeen calaamooyin iyo mucjisooyin dhab ah. -
قَالَ رَبِّى يَعْلَمُ ٱلْقَوْلَ فِى ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ ۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ٤
Qala rabbee yaʿlamu alqawla fee alssamai waalardi wahuwa alssameeʿu alʿaleemu
Wuxuu (Nabigu s.c.w) yidhi: “Rabbigay baa ogsoon qowl (kasta oo lagaga hadlo) samooyinka dhexdooda iyo arlada. Waana wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.”
-
بَلْ قَالُوٓا۟ أَضْغَـٰثُ أَحْلَـٰمٍۭ بَلِ ٱفْتَرَىٰهُ بَلْ هُوَ شَاعِرٌ فَلْيَأْتِنَا بِـَٔايَةٍ كَمَآ أُرْسِلَ ٱلْأَوَّلُونَ٥
Bal qaloo adghathu ahlamin bali iftarahu bal huwa shaʿirun falyatina biayatin kama orsila alawwaloona
Waxayse yidhaahdeen: “(Waxyigu wax kale maahee) waa hawaawi hadal hurdo! mayee isagaa hal abuuray - mayee waa gabyaa! Ee ha noo keeno mucjiso la mid ah (mucjisidihii) lala soo diray (anbiyadii) hore.
-
مَآ ءَامَنَتْ قَبْلَهُم مِّن قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَـٰهَآ ۖ أَفَهُمْ يُؤْمِنُونَ٦
Ma amanat qablahum min qaryatin ahlaknaha afahum yuminoona
Ma ayna rumeynin hortaa magaalo aan halaag la doonnay (inkastoy arkeen calaamooyin iyo mucjisooyin) ee ma iyagaa rumeyn?.
-
وَمَآ أَرْسَلْنَا قَبْلَكَ إِلَّا رِجَالًا نُّوحِىٓ إِلَيْهِمْ ۖ فَسْـَٔلُوٓا۟ أَهْلَ ٱلذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ٧
Wama arsalna qablaka illa rijalan noohee ilayhim faisaloo ahla alththikri in kuntum la taʿlamoona
Ma aanu soo dirin hortaa adiga (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn rag aan u waxyoonnay (Dhambaalka), ee weydiiya ehlu Kitaabka haddaydaan ogeyn.
-
وَمَا جَعَلْنَـٰهُمْ جَسَدًا لَّا يَأْكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَمَا كَانُوا۟ خَـٰلِدِينَ٨
Wama jaʿalnahum jasadan la yakuloona alttaʿama wama kanoo khalideena
Uma aan yeelin (anbiyada) jirar aan cunin cunto1 'sida malaa’igta', mana aheyn kuwo aan dhiman oo ku waadha (arlada).
Sharaxa hoose
[1] Sida malaa’igta, waxayse ahaayeen aadmi leh tilmaamaha dadka. -
ثُمَّ صَدَقْنَـٰهُمُ ٱلْوَعْدَ فَأَنجَيْنَـٰهُمْ وَمَن نَّشَآءُ وَأَهْلَكْنَا ٱلْمُسْرِفِينَ٩
Thumma sadaqnahumu alwaʿda faanjaynahum waman nashao waahlakna almusrifeena
Markaas, Waanu u rumaynay ballankaan u qaadnay waana badbaadinnay iyagii iyo ciddaan doonno, waxaana hallignay xad gudbayaashii.
-
لَقَدْ أَنزَلْنَآ إِلَيْكُمْ كِتَـٰبًا فِيهِ ذِكْرُكُمْ ۖ أَفَلَا تَعْقِلُونَ١٠
Laqad anzalna ilaykum kitaban feehi thikrukum afala taʿqiloona
Waxaan idiin soo dejinnay (dadow) Kitaab (Qur’aan) idiinku sugan1 xuskiinna (iyo sharaftiinna) ee miyeydaan garasho lahayn?.
Sharaxa hoose
[1] Kitaabka waa Qur’aanka, xuskiinna waxaa loola jeedaa la idinku sharfay ama la idinkula hadlay. Macno kale waa idiinku sugan waano. -
وَكَمْ قَصَمْنَا مِن قَرْيَةٍ كَانَتْ ظَالِمَةً وَأَنشَأْنَا بَعْدَهَا قَوْمًا ءَاخَرِينَ١١
Wakam qasamna min qaryatin kanat thalimatan waanshana baʿdaha qawman akhareena
Badanaa intaan halaagnay magaalo1 ay dadkeedu faleen dulmi (shirki iyo macaasi) oo aan soo saarnay iyaga kaddib qolo kale.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha waa dadkeedu ay ku adkeysteen xumaan falidda. -
فَلَمَّآ أَحَسُّوا۟ بَأْسَنَآ إِذَا هُم مِّنْهَا يَرْكُضُونَ١٢
Falamma ahassoo basana itha hum minha yarkudoona
Markay dareemeen cadaabkayagii, mise waxay billaabeen inay ka cararaan.
-
لَا تَرْكُضُوا۟ وَٱرْجِعُوٓا۟ إِلَىٰ مَآ أُتْرِفْتُمْ فِيهِ وَمَسَـٰكِنِكُمْ لَعَلَّكُمْ تُسْـَٔلُونَ١٣
La tarkudoo wairjiʿoo ila ma otriftum feehi wamasakinikum laʿallakum tusaloona
Ha cararina (haatan) ee dib ugu soo laabta wixii la idiinku raaxeeyey iyo guryihiinna, si wax la idiin weydiiyo1.
Sharaxa hoose
[1] Waxa idinku dhacay. Waxaa hadalkan loo yidhi ku digasho ahaan. -
قَالُوا۟ يَـٰوَيْلَنَآ إِنَّا كُنَّا ظَـٰلِمِينَ١٤
Qaloo ya waylana inna kunna thalimeena
Waxay yidhaahdeen: Hooggeenee! Waxaanu nahay daalimiin.
-
فَمَا زَالَت تِّلْكَ دَعْوَىٰهُمْ حَتَّىٰ جَعَلْنَـٰهُمْ حَصِيدًا خَـٰمِدِينَ١٥
Fama zalat tilka daʿwahum hatta jaʿalnahum haseedan khamideena
Ma ay deyn calaalcalkoodaas ilaa aan ka yeelnay wax la shafay oo baqtiya.
-
وَمَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَآءَ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا لَـٰعِبِينَ١٦
Wama khalaqna alssamaa waalarda wama baynahuma laʿibeena
Uma aan abuurinna samada iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel.
-
لَوْ أَرَدْنَآ أَن نَّتَّخِذَ لَهْوًا لَّٱتَّخَذْنَـٰهُ مِن لَّدُنَّآ إِن كُنَّا فَـٰعِلِينَ١٧
Law aradna an nattakhitha lahwan laittakhathnahu min ladunna in kunna faʿileena
Haddaan rabno inaan yeelanno wax aan isku maaweelinno1, waxaan ka yeelan lahayn waxa Agtannada ah, haddaan sidaas falayno.
Sharaxa hoose
[1] Sida xaas ama carruur. -
بَلْ نَقْذِفُ بِٱلْحَقِّ عَلَى ٱلْبَـٰطِلِ فَيَدْمَغُهُۥ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ ۚ وَلَكُمُ ٱلْوَيْلُ مِمَّا تَصِفُونَ١٨
Bal naqthifu bialhaqqi ʿala albatili fayadmaghuhu faitha huwa zahiqun walakumu alwaylu mimma tasifoona
Waxaanse Xaqa ku gannaa baadilka, markaas buu madaxa kala jabiyaa, mise durba wuu baabba’aa. Hoog baadna leedihiin beentaasi aad naga sheegtaan darteed1.
Sharaxa hoose
[1] waa odhaahdooda baadilka ah in Alle leeyahay xaas iyo ilmo. -
وَلَهُۥ مَن فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَمَنْ عِندَهُۥ لَا يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِهِۦ وَلَا يَسْتَحْسِرُونَ١٩
Walahu man fee alssamawati waalardi waman ʿindahu la yastakbiroona ʿan ʿibadatihi wala yastahsiroona
Alle baa leh wax kasta oo ku sugan samooyinka iyo arlada; kuwa (Alle) agtiisa ahna ee u dhow (malaa’igta) iskama wey- neeyaan cibaadadiisa, kamana daalaan.
-
يُسَبِّحُونَ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ لَا يَفْتُرُونَ٢٠
Yusabbihoona allayla waalnnahara la yafturoona
Waxay xurmo weyneeyaan oo hufaan habeen iyo maalinba, kamana noogaan.
-
أَمِ ٱتَّخَذُوٓا۟ ءَالِهَةً مِّنَ ٱلْأَرْضِ هُمْ يُنشِرُونَ٢١
Ami ittakhathoo alihatan mina alardi hum yunshiroona
Mise waxay yeesheen si ay u caabudaan ilaahyo dhulka jooga oo wax soo nooleeya?
-
لَوْ كَانَ فِيهِمَآ ءَالِهَةٌ إِلَّا ٱللَّهُ لَفَسَدَتَا ۚ فَسُبْحَـٰنَ ٱللَّهِ رَبِّ ٱلْعَرْشِ عَمَّا يَصِفُونَ٢٢
Law kana feehima alihatun illa Allahu lafasadata fasubhana Allahi rabbi alʿarshi ʿamma yasifoona
Hadday jiri lahaayeen dhexdooda (cirarka iyo dhulka) ilaahyo aan ahayn Alle, way fasaadi lahaayeen. Wuu ka hufan yahay Alle Rabbiga Carshiga Weyn leh oo ka Sarreeyaa waxay ku tilmaami.
-
لَا يُسْـَٔلُ عَمَّا يَفْعَلُ وَهُمْ يُسْـَٔلُونَ٢٣
La yusalu ʿamma yafʿalu wahum yusaloona
(Alle) lama weydiiyo wuxuu Falo, iyagase (dadka) waa la weydiin.
-
أَمِ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً ۖ قُلْ هَاتُوا۟ بُرْهَـٰنَكُمْ ۖ هَـٰذَا ذِكْرُ مَن مَّعِىَ وَذِكْرُ مَن قَبْلِى ۗ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ ٱلْحَقَّ ۖ فَهُم مُّعْرِضُونَ٢٤
Ami ittakhathoo min doonihi alihatan qul hatoo burhanakum hatha thikru man maʿiya wathikru man qablee bal aktharuhum la yaʿlamoona alhaqqa fahum muʿridoona
Mise waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo (kale) ay la barbar caabudaan? Dheh: “Keena Xujadiinna. Kani waa Xuska kuwa ila jooga iyo Xuska kuwii iga horreeyay1. Badankooduse ma gartaan Xaqa, marka way ka sii jeestaan.
Sharaxa hoose
[1] Dhammaan Rusushii hore waxay dadku ugu yeereen Towxiidka - caabudaadda Alle Keliya aan cid kale lala wadaajin cibaadada. -
وَمَآ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ مِن رَّسُولٍ إِلَّا نُوحِىٓ إِلَيْهِ أَنَّهُۥ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱعْبُدُونِ٢٥
Wama arsalna min qablika min rasoolin illa noohee ilayhi annahu la ilaha illa ana faoʿbudooni
Ma aanu soo dirin hortaa Rasuulna aan u waxyoonin (Annagoo leh), "Ma jiro Ilaah (Xaq ah oo) aan Aniga (Allaah) ahayn, ee i caabuda (Anigoo keliya).”
-
وَقَالُوا۟ ٱتَّخَذَ ٱلرَّحْمَـٰنُ وَلَدًا ۗ سُبْحَـٰنَهُۥ ۚ بَلْ عِبَادٌ مُّكْرَمُونَ٢٦
Waqaloo ittakhatha alrrahmanu waladan subhanahu bal ʿibadun mukramoona
Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Raxmaanku wuxuu yeeshay ilmo. Subxaanah! Wuu ka hufan yahay, waase addoomo (malaa’igta) la sharfay1.
Sharaxa hoose
[1] Kuwaa ay ku andoocadaan inay yihiin ilaah sida ruuxul qudus, ama ilmahii Alle sida Ciise, malaa’igta, iwm waa addoommo la sharfay. -
لَا يَسْبِقُونَهُۥ بِٱلْقَوْلِ وَهُم بِأَمْرِهِۦ يَعْمَلُونَ٢٧
La yasbiqoonahu bialqawli wahum biamrihi yaʿmaloona
Kagama hormaraan hadal, iyaguna amarkiisa uun bay ku camal falaan.
-
يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلَا يَشْفَعُونَ إِلَّا لِمَنِ ٱرْتَضَىٰ وَهُم مِّنْ خَشْيَتِهِۦ مُشْفِقُونَ٢٨
Yaʿlamu ma bayna aydeehim wama khalfahum wala yashfaʿoona illa limani irtada wahum min khashyatihi mushfiqoona
Wuxuu og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah, umana shafeecaan mid uu isagu oggolaado maahee iyaguna cabsidiisay la digtoon yihiin oo baqaan.
-
۞ وَمَن يَقُلْ مِنْهُمْ إِنِّىٓ إِلَـٰهٌ مِّن دُونِهِۦ فَذَٰلِكَ نَجْزِيهِ جَهَنَّمَ ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلظَّـٰلِمِينَ٢٩
Waman yaqul minhum innee ilahun min doonihi fathalika najzeehi jahannama kathalika najzee alththalimeena
Mid kastoo ka mid ah (uunka Alle sida Ibliis ama qeyrki) ee yidhaahda: “Waxaan anigu ahay Ilaah la jirkiis Isaga,” kaas oo kale waxaan ku abaal marin Jahannama. Sidaas oo kale baan ku abaal marinnaa daalimiinta.
-
أَوَلَمْ يَرَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَنَّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقًا فَفَتَقْنَـٰهُمَا ۖ وَجَعَلْنَا مِنَ ٱلْمَآءِ كُلَّ شَىْءٍ حَىٍّ ۖ أَفَلَا يُؤْمِنُونَ٣٠
Awalam yara allatheena kafaroo anna alssamawati waalarda kanata ratqan fafataqnahuma wajaʿalna mina almai kulla shayin hayyin afala yuminoona
Miyaanay kuwa gaaloobay arag in samooyinka iyo arladu ay ahaayeen mid isku dheggan oo aan kala bixinnay, Waxaana ka abuurnay biyo wax kasta oo nool. Ee miyaanay rumayneyn1.
Sharaxa hoose
[1] Halka ay dalbi lahaayeen si gaalnimo iyo jeesjees leh in loo soo dedejiyo oo la tuso Cadaabka. -
وَجَعَلْنَا فِى ٱلْأَرْضِ رَوَٰسِىَ أَن تَمِيدَ بِهِمْ وَجَعَلْنَا فِيهَا فِجَاجًا سُبُلًا لَّعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ٣١
Wajaʿalna fee alardi rawasiya an tameeda bihim wajaʿalna feeha fijajan subulan laʿallahum yahtadoona
Waxaanu yeellay buuro adag dhulka gudahiisa si aanay ula dhaqdhaqaaqin, waxaana yeellay dhexdeeda waddooyin ballaaran oo ay ku toosaan.
-
وَجَعَلْنَا ٱلسَّمَآءَ سَقْفًا مَّحْفُوظًا ۖ وَهُمْ عَنْ ءَايَـٰتِهَا مُعْرِضُونَ٣٢
Wajaʿalna alssamaa saqfan mahfoothan wahum ʿan ayatiha muʿridoona
Waxaanu ka yeelnay samada saqaf ilaashan, iyaguna calaamadaheeda way ka jeesadaan .
-
وَهُوَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ وَٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ ۖ كُلٌّ فِى فَلَكٍ يَسْبَحُونَ٣٣
Wahuwa allathee khalaqa allayla waalnnahara waalshshamsa waalqamara kullun fee falakin yasbahoona
(Alle) waa Kan Abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa, dhammaan (meertooyinka) ay si dhakhso badan ugu socdaan garangartooda.
-
وَمَا جَعَلْنَا لِبَشَرٍ مِّن قَبْلِكَ ٱلْخُلْدَ ۖ أَفَإِي۟ن مِّتَّ فَهُمُ ٱلْخَـٰلِدُونَ٣٤
Wama jaʿalna libasharin min qablika alkhulda afain mitta fahumu alkhalidoona
Kama aanu yeelin qofna kaa horreeyey (Nabiyow) mid waadha. Ee haddaad adigu dhimato ma iyagaa waadhi?.
-
كُلُّ نَفْسٍ ذَآئِقَةُ ٱلْمَوْتِ ۗ وَنَبْلُوكُم بِٱلشَّرِّ وَٱلْخَيْرِ فِتْنَةً ۖ وَإِلَيْنَا تُرْجَعُونَ٣٥
Kullu nafsin thaiqatu almawti wanablookum bialshsharri waalkhayri fitnatan wailayna turjaʿoona
Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri, waxaanu idinku imtixaani shar iyo khayrba kala saar darteed, Xaggayagaana la idiin soo celin.
-
وَإِذَا رَءَاكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَـٰذَا ٱلَّذِى يَذْكُرُ ءَالِهَتَكُمْ وَهُم بِذِكْرِ ٱلرَّحْمَـٰنِ هُمْ كَـٰفِرُونَ٣٦
Waitha raaka allatheena kafaroo in yattakhithoonaka illa huzuwan ahatha allathee yathkuru alihatakum wahum bithikri alrrahmani hum kafiroona
Markay ku arkaan kuwa gaaloobay, kaama dhigtaan waxaan ahayn jeesjees (waxayna yidhaahdaan):” Ma kan baa kan wax ka sheega ilaahyadiinna?” Halka iyagu ay ku gaaloobaan xusidda Raxmaanka.
-
خُلِقَ ٱلْإِنسَـٰنُ مِنْ عَجَلٍ ۚ سَأُو۟رِيكُمْ ءَايَـٰتِى فَلَا تَسْتَعْجِلُونِ٣٧
Khuliqa alinsanu min ʿajalin saoreekum ayatee fala tastaʿjiloona
Aadmigu waxaa 'ku jira' uu ka abuuran yahay degdegsanaan, waxaan idin tusi calaamooyinkayga ee ha iga dalbina inaan idiin soo dedejiyo.
-
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَـٰذَا ٱلْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ٣٨
Wayaqooloona mata hatha alwaʿdu in kuntum sadiqeena
Waxay odhan: Waa goorma gooddigani (cadaabka) haddaad run sheegaysaan?”
-
لَوْ يَعْلَمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ حِينَ لَا يَكُفُّونَ عَن وُجُوهِهِمُ ٱلنَّارَ وَلَا عَن ظُهُورِهِمْ وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ٣٩
Law yaʿlamu allatheena kafaroo heena la yakuffoona ʿan wujoohihimu alnnara wala ʿan thuhoorihim wala hum yunsaroona
Hadday kuwa gaalooba ogaan lahaayeen markaan laga celinayn wejiyadooda Naarta iyo dhabarradoodaba oo aan loo gargaareyn (ma degdegsadeen Cadaabka).
-
بَلْ تَأْتِيهِم بَغْتَةً فَتَبْهَتُهُمْ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ رَدَّهَا وَلَا هُمْ يُنظَرُونَ٤٠
Bal tateehim baghtatan fatabhatuhum fala yastateeʿoona raddaha wala hum yuntharoona
Waxayse ugu iman Saacadda Qiyaame kedis, way jahawareerin, ma karayaan celinteeda, lamana siiyo fursad (tawbad keen ama cudur daarasho).
-
وَلَقَدِ ٱسْتُهْزِئَ بِرُسُلٍ مِّن قَبْلِكَ فَحَاقَ بِٱلَّذِينَ سَخِرُوا۟ مِنْهُم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ٤١
Walaqadi istuhzia birusulin min qablika fahaqa biallatheena sakhiroo minhum ma kanoo bihi yastahzioona
Waxaa lagu digtay Rusul (badan) oo kaa horreeyey, markaasaa waxaa ku dhacay kuwii ku jeesjeesay (oo gaalada ahaa) wixii (cadaabka) ay dheel dheesha u heysteen.
-
قُلْ مَن يَكْلَؤُكُم بِٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ مِنَ ٱلرَّحْمَـٰنِ ۗ بَلْ هُمْ عَن ذِكْرِ رَبِّهِم مُّعْرِضُونَ٤٢
Qul man yaklaokum biallayli waalnnahari mina alrrahmani bal hum ʿan thikri rabbihim muʿridoona
Dheh: “Yaa idinka ilaalin kara habeen iyo maalinba (Cadaabka) Naxariistaha (Allaah)? Waxayse iyagu ka jeesadaan xusidda Rabbigood.
-
أَمْ لَهُمْ ءَالِهَةٌ تَمْنَعُهُم مِّن دُونِنَا ۚ لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَ أَنفُسِهِمْ وَلَا هُم مِّنَّا يُصْحَبُونَ٤٣
Am lahum alihatun tamnaʿuhum min doonina la yastateeʿoona nasra anfusihim wala hum minna yushaboona
Mise ma waxay leeyihiin ilaahyo ka celin kara Ciqaabkayaga? Ma leh awood ay ugu gargaaraan nafahooda, mana ahaan doonaan kuwo nalaga magan geliyo.
-
بَلْ مَتَّعْنَا هَـٰٓؤُلَآءِ وَءَابَآءَهُمْ حَتَّىٰ طَالَ عَلَيْهِمُ ٱلْعُمُرُ ۗ أَفَلَا يَرَوْنَ أَنَّا نَأْتِى ٱلْأَرْضَ نَنقُصُهَا مِنْ أَطْرَافِهَآ ۚ أَفَهُمُ ٱلْغَـٰلِبُونَ٤٤
Bal mattaʿna haolai waabaahum hatta tala ʿalayhimu alʿumuru afala yarawna anna natee alarda nanqusuha min atrafiha afahumu alghaliboona
Mayee, waxaan u raaxaynay kuwani iyo aabbayaashoodba jeer uu la dheeraaday cimriga 'markaasay wax is bideen'1. Miyaanay arag inaan ku nimaanno arlada innagoo ka soo nusqaamin cirifyadiisa2? Ee ma iyagaa adag?
Sharaxa hoose
[1] Eeg sharaxa aan ku xusnay Suuradda 13: Aayadda 41. [2] Waa tilmaan guusha iyo fiditaanka Islaamka. -
قُلْ إِنَّمَآ أُنذِرُكُم بِٱلْوَحْىِ ۚ وَلَا يَسْمَعُ ٱلصُّمُّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا مَا يُنذَرُونَ٤٥
Qul innama onthirukum bialwahyi wala yasmaʿu alssummu aldduʿaa itha ma yuntharoona
Dheh waxaan uun idiinku digi Waxyiga (ka yimid Alle). Kuwase dhegaha li’i ma ay maqlaan dhawaaqa marka loo digi.
-
وَلَئِن مَّسَّتْهُمْ نَفْحَةٌ مِّنْ عَذَابِ رَبِّكَ لَيَقُولُنَّ يَـٰوَيْلَنَآ إِنَّا كُنَّا ظَـٰلِمِينَ٤٦
Walain massathum nafhatun min ʿathabi rabbika layaqoolunna ya waylana inna kunna thalimeena
Hadduu taabto (kuwa xaqa beeniya) wax yar oo ka mid ah cadaabka Rabbigaa, waxay odhan: Hooggeennee! Waxaanu nahay daalimiin (gar ma qaatayaal).
-
وَنَضَعُ ٱلْمَوَٰزِينَ ٱلْقِسْطَ لِيَوْمِ ٱلْقِيَـٰمَةِ فَلَا تُظْلَمُ نَفْسٌ شَيْـًٔا ۖ وَإِن كَانَ مِثْقَالَ حَبَّةٍ مِّنْ خَرْدَلٍ أَتَيْنَا بِهَا ۗ وَكَفَىٰ بِنَا حَـٰسِبِينَ٤٧
Wanadaʿu almawazeena alqista liyawmi alqiyamati fala tuthlamu nafsun shayan wain kana mithqala habbatin min khardalin atayna biha wakafa bina hasibeena
Waxaanu dhigi miisaan caadil ah Maalinta Qiyaamaha, lagamana dulmiyo nafna waxba, haba ahaado wax le’eg iniinta sisinta1 waanu keeni. Annagaana ku filan Xisaabiye ahaan.
Sharaxa hoose
[1] Ama wax ka yar ama wax ka weyn. -
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا مُوسَىٰ وَهَـٰرُونَ ٱلْفُرْقَانَ وَضِيَآءً وَذِكْرًا لِّلْمُتَّقِينَ٤٨
Walaqad atayna moosa waharoona alfurqana wadiyaan wathikran lilmuttaqeena
Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse iyo Haaruun Furqaanka1, iyo iftiin iyo waano2 ay leeyihiin kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarrada Alle).
Sharaxa hoose
[1] Kala sooce samaanta iyo xumaanta. [2] Kuwani waa seddex tilmaamood oo lagu sifeeyey isla Towraadda. -
ٱلَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِٱلْغَيْبِ وَهُم مِّنَ ٱلسَّاعَةِ مُشْفِقُونَ٤٩
Allatheena yakhshawna rabbahum bialghaybi wahum mina alssaʿati mushfiqoona
Kuwa ka baqa Rabbigood sir 'iyo saaqba'1, iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka cabsan.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa loola jeedaa Iyagoo aan arag ama iyagoo keli ah aan cidna u jeedin. -
وَهَـٰذَا ذِكْرٌ مُّبَارَكٌ أَنزَلْنَـٰهُ ۚ أَفَأَنتُمْ لَهُۥ مُنكِرُونَ٥٠
Wahatha thikrun mubarakun anzalnahu afaantum lahu munkiroona
Kanina (Qur'aanku) waa waano barakaysan aanu soo dejinnay, ee miyaad diideysaan oo ka jeesinaysaan1?
Sharaxa hoose
[1] Idinkoo iska yeelaya inaydaan aqoon, inkiraya ama diidaya inaad qirtaan. -
۞ وَلَقَدْ ءَاتَيْنَآ إِبْرَٰهِيمَ رُشْدَهُۥ مِن قَبْلُ وَكُنَّا بِهِۦ عَـٰلِمِينَ٥١
Walaqad atayna ibraheema rushdahu min qablu wakunna bihi ʿalimeena
Waxaanu dhab ahaan siinnay goor hore Ibraahiim (saamigiisa) hanuunka1, Waxaaanuna uga war qabnay si dhan.
Sharaxa hoose
[1] Ka hor Muuse, Alle wuxuu hanuunshay Ibraahiim tan iyo yaraantii. -
إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِۦ مَا هَـٰذِهِ ٱلتَّمَاثِيلُ ٱلَّتِىٓ أَنتُمْ لَهَا عَـٰكِفُونَ٥٢
Ith qala liabeehi waqawmihi ma hathihi alttamatheelu allatee antum laha ʿakifoona
Markuu ku yidhi aabbihii iyo qoladiisii: “Waa maxay sanamyadan aad idinku dul fadhidaan (ee aad caabudeysaan)?”
-
قَالُوا۟ وَجَدْنَآ ءَابَآءَنَا لَهَا عَـٰبِدِينَ٥٣
Qaloo wajadna abaana laha ʿabideena
Waxay yidhaahdeen: “Waxaan hellay aabbayaashayo oo caabudaya.”
-
قَالَ لَقَدْ كُنتُمْ أَنتُمْ وَءَابَآؤُكُمْ فِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ٥٤
Qala laqad kuntum antum waabaokum fee dalalin mubeenin
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: “ Waxaad idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin habow cad?.”
-
قَالُوٓا۟ أَجِئْتَنَا بِٱلْحَقِّ أَمْ أَنتَ مِنَ ٱللَّـٰعِبِينَ٥٥
Qaloo ajitana bialhaqqi am anta mina allaʿibeena
Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid xaq, mise adigu waad nagu ciyaari?.”
-
قَالَ بَل رَّبُّكُمْ رَبُّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ٱلَّذِى فَطَرَهُنَّ وَأَنَا۠ عَلَىٰ ذَٰلِكُم مِّنَ ٱلشَّـٰهِدِينَ٥٦
Qala bal rabbukum rabbu alssamawati waalardi allathee fatarahunna waana ʿala thalikum mina alshshahideena
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Mayee’ Rabbigiin waa Rabbiga samooyinka iyo arlada ee ah Kan abuuray, aniguna waxaan ka mid ahay kuwa arrinkani ka marag kaci.
-
وَتَٱللَّهِ لَأَكِيدَنَّ أَصْنَـٰمَكُم بَعْدَ أَن تُوَلُّوا۟ مُدْبِرِينَ٥٧
WataAllahi laakeedanna asnamakum baʿda an tuwalloo mudbireena
Tallaahi, Waxaan u degi qorshe (tab) (si aan u baabbi’iyo) asnaamtiinna markaad jeedsataan idinkoo tegi1.
Sharaxa hoose
[1] Ibraahiim c.s. wuxuu ka yidhi hadalladaa qalbigiisa oo keliya inuu tab u degeyo baabbi’inta sanammadooda. -
فَجَعَلَهُمْ جُذَٰذًا إِلَّا كَبِيرًا لَّهُمْ لَعَلَّهُمْ إِلَيْهِ يَرْجِعُونَ٥٨
Fajaʿalahum juthathan illa kabeeran lahum laʿallahum ilayhi yarjiʿoona
Markaasuu wuxuu ka dhigay digada (dhammaan) koodii u weynaa maahee, bal inay xaggiisa u noqdaan (oo ay weydiiyaan).
-
قَالُوا۟ مَن فَعَلَ هَـٰذَا بِـَٔالِهَتِنَآ إِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ٥٩
Qaloo man faʿala hatha bialihatina innahu lamina alththalimeena
Waxay yidhaahdeen: “Yaa ku falay sidan ilaahyadayada?, Kaasi waa daalime?”
-
قَالُوا۟ سَمِعْنَا فَتًى يَذْكُرُهُمْ يُقَالُ لَهُۥٓ إِبْرَٰهِيمُ٦٠
Qaloo samiʿna fatan yathkuruhum yuqalu lahu ibraheemu
Waxay yidhaahdeen: Waxaan maqallay wiil hadal-haya oo la yidhaahdo Ibraahiim.”
-
قَالُوا۟ فَأْتُوا۟ بِهِۦ عَلَىٰٓ أَعْيُنِ ٱلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَشْهَدُونَ٦١
Qaloo fatoo bihi ʿala aʿyuni alnnasi laʿallahum yashhadoona
Waxay yidhaahdeen: “Keena oo soo hor joojiya dadka si ay ugu arkaan indhahooda bal inay ku markahaati furaan1?.”
Sharaxa hoose
[1] Wuxuu sidoo kale macnaha u dhici karaa: si ay markhaati iyo goob joog uga ahaadaan waxa lagu dhigo oo ciqaab ah. -
قَالُوٓا۟ ءَأَنتَ فَعَلْتَ هَـٰذَا بِـَٔالِهَتِنَا يَـٰٓإِبْرَٰهِيمُ٦٢
Qaloo aanta faʿalta hatha bialihatina ya ibraheemu
Waxay yidhaahdeen: “Ma adigaa kan si- daan ku falay ilaahyadayada, Ibraahiimow?
-
قَالَ بَلْ فَعَلَهُۥ كَبِيرُهُمْ هَـٰذَا فَسْـَٔلُوهُمْ إِن كَانُوا۟ يَنطِقُونَ٦٣
Qala bal faʿalahu kabeeruhum hatha faisaloohum in kanoo yantiqoona
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Mayee waxaa falay (fale uun) kooda u weyn (sanamyada) waa kane, ee weydiiya hadday hadli karaan!
-
فَرَجَعُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَنفُسِهِمْ فَقَالُوٓا۟ إِنَّكُمْ أَنتُمُ ٱلظَّـٰلِمُونَ٦٤
Farajaʿoo ila anfusihim faqaloo innakum antumu alththalimoona
Markaasay dib isugu noqdeen oo ay yidhaahdeen: Xaqiiq idinkaa daalimiin ah.”
-
ثُمَّ نُكِسُوا۟ عَلَىٰ رُءُوسِهِمْ لَقَدْ عَلِمْتَ مَا هَـٰٓؤُلَآءِ يَنطِقُونَ٦٥
Thumma nukisoo ʿala ruoosihim laqad ʿalimta ma haolai yantiqoona
Markaasaa laga yeelay inay madaxa hoos u rogtaan1 'oo yidhaahdeen': Waad og tahay inayan kuwakani hadlin"!
Sharaxa hoose
[1] Kaddib markay qirteen gefkoodii, waxaa galay kibir iyo cinaad markaasay haddana ka horyimaadeen oo is rogeen. -
قَالَ أَفَتَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُكُمْ شَيْـًٔا وَلَا يَضُرُّكُمْ٦٦
Qala afataʿbudoona min dooni Allahi ma la yanfaʿukum shayan wala yadurrukum
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Ma waxaad caabudeysaan Alle sokadi waxaan waxba idin tari karin waxbana idin yeeli karin?
-
أُفٍّ لَّكُمْ وَلِمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ ۖ أَفَلَا تَعْقِلُونَ٦٧
Offin lakum walima taʿbudoona min dooni Allahi afala taʿqiloona
“Uf baad leedihiin idinka iyo waxaad caabudeysaanba Alle sokadi. Miyeydaan wax fahmeyn?”
-
قَالُوا۟ حَرِّقُوهُ وَٱنصُرُوٓا۟ ءَالِهَتَكُمْ إِن كُنتُمْ فَـٰعِلِينَ٦٨
Qaloo harriqoohu waonsuroo alihatakum in kuntum faʿileena
Waxay yidhaahdeen: “Guba oo u gargaara ilaahyadiinna, haddaad (wax) falaysaan.”
-
قُلْنَا يَـٰنَارُ كُونِى بَرْدًا وَسَلَـٰمًا عَلَىٰٓ إِبْرَٰهِيمَ٦٩
Qulna ya naru koonee bardan wasalaman ʿala ibraheema
Waxaanu nidhi: Dabkow! U noqo qabow iyo nabad Ibraahiim!”
-
وَأَرَادُوا۟ بِهِۦ كَيْدًا فَجَعَلْنَـٰهُمُ ٱلْأَخْسَرِينَ٧٠
Waaradoo bihi kaydan fajaʿalnahumu alakhsareena
Waxay la dooneen dhagar (dhib), waxaanse ka yeelnay kuwo khasaaray.
-
وَنَجَّيْنَـٰهُ وَلُوطًا إِلَى ٱلْأَرْضِ ٱلَّتِى بَـٰرَكْنَا فِيهَا لِلْعَـٰلَمِينَ٧١
Wanajjaynahu walootan ila alardi allatee barakna feeha lilʿalameena
Waxaanu badbaadinnay isaga iyo Luudba (innagoo u wareejinnay xagga) arladii1 aan u barakaynay dadka oo dhan.
Sharaxa hoose
[1] Dhulkaa waxaa loola jeedaa arlada Shaam (oo ah: Falastiin, Urdun, Suuriya, Lubnaan iyo dhulalka hareerahooda ah). Wuxuuna Alle ku barakeeyey inuu ka soo diray badi anbiyada dhulkaasi, iyo inay sidoo kale tahay dhul wanaagsan oo barako iyo khayr badan. -
وَوَهَبْنَا لَهُۥٓ إِسْحَـٰقَ وَيَعْقُوبَ نَافِلَةً ۖ وَكُلًّا جَعَلْنَا صَـٰلِحِينَ٧٢
Wawahabna lahu ishaqa wayaʿqooba nafilatan wakullan jaʿalna saliheena
Waxaan siinnay Isxaaq iyo Yacquub oo wiil wiilki ah, waxaan ka yeelnay dhammaan kuwo wanaagsan.
-
وَجَعَلْنَـٰهُمْ أَئِمَّةً يَهْدُونَ بِأَمْرِنَا وَأَوْحَيْنَآ إِلَيْهِمْ فِعْلَ ٱلْخَيْرَٰتِ وَإِقَامَ ٱلصَّلَوٰةِ وَإِيتَآءَ ٱلزَّكَوٰةِ ۖ وَكَانُوا۟ لَنَا عَـٰبِدِينَ٧٣
Wajaʿalnahum aimmatan yahdoona biamrina waawhayna ilayhim fiʿla alkhayrati waiqama alssalati waeetaa alzzakati wakanoo lana ʿabideena
Waxaanu ka yeelnay hoggaamiyeyaal ku hanuuniya (dadka) Amarkagaya, Waxaana u waxyoonnay falidda khayraadka, oogidda salaadda, iyo bixinta sakada, waxayna ahaayeen kuwo na caabuda (Alle Keliya caabuda).
-
وَلُوطًا ءَاتَيْنَـٰهُ حُكْمًا وَعِلْمًا وَنَجَّيْنَـٰهُ مِنَ ٱلْقَرْيَةِ ٱلَّتِى كَانَت تَّعْمَلُ ٱلْخَبَـٰٓئِثَ ۗ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمَ سَوْءٍ فَـٰسِقِينَ٧٤
Walootan ataynahu hukman waʿilman wanajjaynahu mina alqaryati allatee kanat taʿmalu alkhabaitha innahum kanoo qawma sawin fasiqeena
Oo Luud Waxaanu siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi, Waxaana ka badbaadinnay magaaladii (Soodom) ee ahayd mid xumo1 fasha. Waxay ahaayeen qolo xun oo fallaago ah.
Sharaxa hoose
[1] Xumahaas oo ahaa shirki, gaalnimo, fuulitaanka ragga 'khaniisnimo', tuugo, boob, dhac, jid gooyo, iwm iyagoo waxaasi oo idil u fali jiray si bareer ah. -
وَأَدْخَلْنَـٰهُ فِى رَحْمَتِنَآ ۖ إِنَّهُۥ مِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ٧٥
Waadkhalnahu fee rahmatina innahu mina alssaliheena
Waxaana gelinnay Naxariistayada, wuxuu ka mid ahaa inta wanaagsan.
-
وَنُوحًا إِذْ نَادَىٰ مِن قَبْلُ فَٱسْتَجَبْنَا لَهُۥ فَنَجَّيْنَـٰهُ وَأَهْلَهُۥ مِنَ ٱلْكَرْبِ ٱلْعَظِيمِ٧٦
Wanoohan ith nada min qablu faistajabna lahu fanajjaynahu waahlahu mina alkarbi alʿatheemi
Oo Nuux waa badbaadinnay, markuu noo dhawaaqday kol hore1. Waana ka ajiibnay baryadii, oo ka samatabixinnay isaga iyo intii raacday musiibadii weyneyd (harqintii qoonkiisii).
Sharaxa hoose
[1] Macnaha uu habaaray qolodiisii kuwaasoo ku adkeystey shirkiga iyo macaasida. -
وَنَصَرْنَـٰهُ مِنَ ٱلْقَوْمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَآ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمَ سَوْءٍ فَأَغْرَقْنَـٰهُمْ أَجْمَعِينَ٧٧
Wanasarnahu mina alqawmi allatheena kaththaboo biayatina innahum kanoo qawma sawin faaghraqnahum ajmaʿeena
Waana uga gargaarnay qolodii beeniyey Aayadahayaga, waxay ahaayeen qolo xun, mrkaasaan harqinnay dhammaan.
-
وَدَاوُۥدَ وَسُلَيْمَـٰنَ إِذْ يَحْكُمَانِ فِى ٱلْحَرْثِ إِذْ نَفَشَتْ فِيهِ غَنَمُ ٱلْقَوْمِ وَكُنَّا لِحُكْمِهِمْ شَـٰهِدِينَ٧٨
Wadawooda wasulaymana ith yahkumani fee alharthi ith nafashat feehi ghanamu alqawmi wakunna lihukmihim shahideena
(Xus) Daawuud iyo Sulaymaan, markay ka garsooreen arrinkii beerta markuu daaqay (beerta) adhi dad leeyihiin (goor habeen ah), Waxaanu aheyn Kuwo garsoorkoodii u marag ah 'arka'1.
Sharaxa hoose
[1] Wuxuu Daawuud xukumay in adhigaa beertaa daaqay la siiyo ninkii lahaa beerta khasaarahii loo geystey darteed. -
فَفَهَّمْنَـٰهَا سُلَيْمَـٰنَ ۚ وَكُلًّا ءَاتَيْنَا حُكْمًا وَعِلْمًا ۚ وَسَخَّرْنَا مَعَ دَاوُۥدَ ٱلْجِبَالَ يُسَبِّحْنَ وَٱلطَّيْرَ ۚ وَكُنَّا فَـٰعِلِينَ٧٩
Fafahhamnaha sulaymana wakullan atayna hukman waʿilman wasakhkharna maʿa dawooda aljibala yusabbihna waalttayra wakunna faʿileena
Waxaanse fahansiinnay Sulaymaan, mid walbaana waxaan siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi, Waxaana u sakhirnay Daawuud buuraha iyo shimbiraha inay la tasbiixsadaan oo Alle amaanaan. Waana Annaga kuwa falay 'waxaasi oo idil'1.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha waa inuu Alle mar waliba karo inuu fuliyo wuxuu doono. Nabi Sulaymaan wuxuu islaa arrinkaa u xukumay si ka duwan xukunkii Nabi Daawuud, wuxuu Sulaymaan guddoonshay in ninkii adhiga lahaa falo beertii adhigiisu halleeyey oo sideedii ku soo cesho, ninkii beerta lahaana uu ku sii intifaaco adhigiisa inta beertiisa looga hagaajinayo, kaddibna mid walbaa wixiisa qaato kii adhiga lahaa adhigiisa, kii beerta lahaana beertiisii oo loo hagaajiyey. -
وَعَلَّمْنَـٰهُ صَنْعَةَ لَبُوسٍ لَّكُمْ لِتُحْصِنَكُم مِّنۢ بَأْسِكُمْ ۖ فَهَلْ أَنتُمْ شَـٰكِرُونَ٨٠
Waʿallamnahu sanʿata laboosin lakum lituhsinakum min basikum fahal antum shakiroona
Waxaana barnay Daawuud sameynta jaakado bir ah aad labbisataan si ay idiinka dhowrto dhibaatada dagaalkiinna. Ee ma tihiin kuwo (Alle u) mahad naqaya?
-
وَلِسُلَيْمَـٰنَ ٱلرِّيحَ عَاصِفَةً تَجْرِى بِأَمْرِهِۦٓ إِلَى ٱلْأَرْضِ ٱلَّتِى بَـٰرَكْنَا فِيهَا ۚ وَكُنَّا بِكُلِّ شَىْءٍ عَـٰلِمِينَ٨١
Walisulaymana alrreeha ʿasifatan tajree biamrihi ila alardi allatee barakna feeha wakunna bikulli shayin ʿalimeena
(Waxaan u sakhirnay) Sulaymaan dabeysha sida xoogga leh u socota, ee ugu ordeysa si xowli ah amarkiisa xagga dhulkii aan barakaynay (ee Falastiin iyo Suuriya). Waxaana nahay kuwo wax walba Ogsoon.
-
وَمِنَ ٱلشَّيَـٰطِينِ مَن يَغُوصُونَ لَهُۥ وَيَعْمَلُونَ عَمَلًا دُونَ ذَٰلِكَ ۖ وَكُنَّا لَهُمْ حَـٰفِظِينَ٨٢
Wamina alshshayateeni man yaghoosoona lahu wayaʿmaloona ʿamalan doona thalika wakunna lahum hafitheena
Shaydaammada (dadka iyo jinkaba leh waan u sakhirnay) waxaana ka mid ahaa kuwo u quusa (badda) una fala camallo kale oo taa barbarkeed ah: Waana Annaga kuwa dhowrayey1.
Sharaxa hoose
[1] Innagaa ka dhowrnay inay caasiyaan oo khilaafaan amarka Sulaymaan, oo ka dhowrnay Sulaymaan inay u geystaan wax waxyeello ah. -
۞ وَأَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُۥٓ أَنِّى مَسَّنِىَ ٱلضُّرُّ وَأَنتَ أَرْحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ٨٣
Waayyooba ith nada rabbahu annee massaniya alddurru waanta arhamu alrrahimeena
(Xus) Ayyuub markuu u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): "Waxaa I taabtay dhib, Adiguna waxaad tahay (Allow) Kan ugu Naxariista Badan inta naxariista.”
-
فَٱسْتَجَبْنَا لَهُۥ فَكَشَفْنَا مَا بِهِۦ مِن ضُرٍّ ۖ وَءَاتَيْنَـٰهُ أَهْلَهُۥ وَمِثْلَهُم مَّعَهُمْ رَحْمَةً مِّنْ عِندِنَا وَذِكْرَىٰ لِلْعَـٰبِدِينَ٨٤
Faistajabna lahu fakashafna ma bihi min durrin waataynahu ahlahu wamithlahum maʿahum rahmatan min ʿindina wathikra lilʿabideena
Markaasaan ajiibnay, Waxaana ka feydnay dhibtii haysey, waxaana siinnay ehelkiisii (uu waayey) iyo in le’eg oo wehlisa - Naxariis Xaggayaga ah, iyo xusuus inay u ahaato kuwa na caabuda.
-
وَإِسْمَـٰعِيلَ وَإِدْرِيسَ وَذَا ٱلْكِفْلِ ۖ كُلٌّ مِّنَ ٱلصَّـٰبِرِينَ٨٥
Waismaʿeela waidreesa watha alkifli kullun mina alssabireena
(Xus) sidoo kale Ismaaciil, iyo Idriis, iyo Dul- Kifil, kulli waxay ka mid ahaayeen kuwa samra.
-
وَأَدْخَلْنَـٰهُمْ فِى رَحْمَتِنَآ ۖ إِنَّهُم مِّنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ٨٦
Waadkhalnahum fee rahmatina innahum mina alssaliheena
Waxaana dhex gelinnay Naxariistayada. Waxay ka mid ahaayeen kuwa wanaagsan.
-
وَذَا ٱلنُّونِ إِذ ذَّهَبَ مُغَـٰضِبًا فَظَنَّ أَن لَّن نَّقْدِرَ عَلَيْهِ فَنَادَىٰ فِى ٱلظُّلُمَـٰتِ أَن لَّآ إِلَـٰهَ إِلَّآ أَنتَ سُبْحَـٰنَكَ إِنِّى كُنتُ مِنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ٨٧
Watha alnnooni ith thahaba mughadiban fathanna an lan naqdira ʿalayhi fanada fee alththulumati an la ilaha illa anta subhanaka innee kuntu mina alththalimeena
(Xus qisada) rafiiqii nibriga (Yuunus) markuu isaga tegay [dadkiisii] isagoo cadheysan1, wuxuuna mooday inaanu qabanayn2! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyo dhexdooda3 'isagoo leh': Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn (Allow). Adigaa hufan, anigu xaqiiq waan gefay.
Sharaxa hoose
[1] Ka cadheysan gaalnimada iyo caasiyoobiddooda. [2] Macne kale waa aan ku cidhiidhyi doonin (caloosha nibriga). [3] Mugdiyadaas oo ah mugdiga habeenka, kan badda, iyo kan caloosha nibriga. -
فَٱسْتَجَبْنَا لَهُۥ وَنَجَّيْنَـٰهُ مِنَ ٱلْغَمِّ ۚ وَكَذَٰلِكَ نُـۨجِى ٱلْمُؤْمِنِينَ٨٨
Faistajabna lahu wanajjaynahu mina alghammi wakathalika nunjee almumineena
Markaasaan ajiibnnay baryadiisii, kana badbaadinnay murugadii. Sidaasaana u badbaadinnaa mu’miniinta.
-
وَزَكَرِيَّآ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُۥ رَبِّ لَا تَذَرْنِى فَرْدًا وَأَنتَ خَيْرُ ٱلْوَٰرِثِينَ٨٩
Wazakariyya ith nada rabbahu rabbi la tatharnee fardan waanta khayru alwaritheena
(Xus) Zakariya, markuu u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh):” Rabbiyow! Ha igu dhaafin keli ahaan, Adigaana u Kheyr roon cid wax dhaxasha (u hadha)”.
-
فَٱسْتَجَبْنَا لَهُۥ وَوَهَبْنَا لَهُۥ يَحْيَىٰ وَأَصْلَحْنَا لَهُۥ زَوْجَهُۥٓ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ يُسَـٰرِعُونَ فِى ٱلْخَيْرَٰتِ وَيَدْعُونَنَا رَغَبًا وَرَهَبًا ۖ وَكَانُوا۟ لَنَا خَـٰشِعِينَ٩٠
Faistajabna lahu wawahabna lahu yahya waaslahna lahu zawjahu innahum kanoo yusariʿoona fee alkhayrati wayadʿoonana raghaban warahaban wakanoo lana khashiʿeena
Markaasaan ajiibnay baryadiisii, oo siinnay Yaxyaa, una hagaajinnay xaaskiisii. Waxay ahaayeen kuwo u degdega inay falaan camallo wanaagsan oo na barya si rajo iyo cabsiba leh, waxayna ahaayeen kuwo noo nugul (oo kal san).
-
وَٱلَّتِىٓ أَحْصَنَتْ فَرْجَهَا فَنَفَخْنَا فِيهَا مِن رُّوحِنَا وَجَعَلْنَـٰهَا وَٱبْنَهَآ ءَايَةً لِّلْعَـٰلَمِينَ٩١
Waallatee ahsanat farjaha fanafakhna feeha min roohina wajaʿalnaha waibnaha ayatan lilʿalameena
(Xusna) tii xafidday farjigeeda (Maryam), uu ka afuufay (jeebka canbuurkeeda) malaggayaga (Jabriil, markaasay uur qaadday), Waxaana uga yeelnay iyada iyo wiilkeedii (Ciise) calaamo caalamka.
-
إِنَّ هَـٰذِهِۦٓ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَٰحِدَةً وَأَنَا۠ رَبُّكُمْ فَٱعْبُدُونِ٩٢
Inna hathihi ommatukum ommatan wahidatan waana rabbukum faoʿbudooni
Hubaal, diintiinnani (Islaamka) waa diin mid ah1, Oo Anigu (Alle ah) waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda Anigoo keliya.
Sharaxa hoose
[1] Ummah waxaa loola jeedaa diin :hab nololeed ay jamaaco dhan wada qaataan oo raacaan, ama dhaqan iyo hannaan wanaagsan ay ummadi raacdo. -
وَتَقَطَّعُوٓا۟ أَمْرَهُم بَيْنَهُمْ ۖ كُلٌّ إِلَيْنَا رَٰجِعُونَ٩٣
Wataqattaʿoo amrahum baynahum kullun ilayna rajiʿoona
Waxayse u kala goosgoosteen diintoodii (dariiqooyin iyo looxo) dhexdooda1. Xaggayagay dhammaan u soo wada noqon.
Sharaxa hoose
[1] Iyagoo noqday dariiqooyin iyo kooxo kala duwan. -
فَمَن يَعْمَلْ مِنَ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَا كُفْرَانَ لِسَعْيِهِۦ وَإِنَّا لَهُۥ كَـٰتِبُونَ٩٤
Faman yaʿmal mina alssalihati wahuwa muminun fala kufrana lisaʿyihi wainna lahu katiboona
Ee qofkii fasha camallo wanaagsan isagoo mu’min ah, lama duudsiyo ajarka camalkiisa. Oo hubaal Waan u qoreynaa.
-
وَحَرَٰمٌ عَلَىٰ قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَـٰهَآ أَنَّهُمْ لَا يَرْجِعُونَ٩٥
Waharamun ʿala qaryatin ahlaknaha annahum la yarjiʿoona
Waxaa ka reebban magaalo aan halaagnay inay dib u soo noqoto1.
Sharaxa hoose
[1] Uma soo laaban karaan adduunkan, mana u tawbad keeni karaan Alle. -
حَتَّىٰٓ إِذَا فُتِحَتْ يَأْجُوجُ وَمَأْجُوجُ وَهُم مِّن كُلِّ حَدَبٍ يَنسِلُونَ٩٦
Hatta itha futihat yajooju wamajooju wahum min kulli hadabin yansiloona
Ilaa laga soo furo (moos xirkii) Yuug iyo Yamaayuug, waxayna ka soo dhaadhici taag walba si degdeg ah.
-
وَٱقْتَرَبَ ٱلْوَعْدُ ٱلْحَقُّ فَإِذَا هِىَ شَـٰخِصَةٌ أَبْصَـٰرُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يَـٰوَيْلَنَا قَدْ كُنَّا فِى غَفْلَةٍ مِّنْ هَـٰذَا بَلْ كُنَّا ظَـٰلِمِينَ٩٧
Waiqtaraba alwaʿdu alhaqqu faitha hiya shakhisatun absaru allatheena kafaroo ya waylana qad kunna fee ghaflatin min hatha bal kunna thalimeena
Markuu soo dhowaado Yabooha Xaqa ah (ee Qiyaamada la gaadho) mise indhaha kuwii gaaloobay way dhaygagi (iyagoo leh): Hoogeennee! Waxaan aheyn kuwo kaga sugan dhoohnaan waxakani; waxaanuna aheyn daalimiin (gar ma qaatayaal).
-
إِنَّكُمْ وَمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ حَصَبُ جَهَنَّمَ أَنتُمْ لَهَا وَٰرِدُونَ٩٨
Innakum wama taʿbudoona min dooni Allahi hasabu jahannama antum laha waridoona
Hubaal, Idinka iyo waxaad caabud- daan Alle sokadi, waxaad ahaan shidaalka Naarta, xaggeedaad ku arooreysaan.
-
لَوْ كَانَ هَـٰٓؤُلَآءِ ءَالِهَةً مَّا وَرَدُوهَا ۖ وَكُلٌّ فِيهَا خَـٰلِدُونَ٩٩
Law kana haolai alihatan ma waradooha wakullun feeha khalidoona
Hadday kuwakani ahaan lahaayeen ilaahyo ma ay galeen (Naarta), dhammaanna way ku waadhi.
-
لَهُمْ فِيهَا زَفِيرٌ وَهُمْ فِيهَا لَا يَسْمَعُونَ١٠٠
Lahum feeha zafeerun wahum feeha la yasmaʿoona
Waxay ku leeyihiin gudaheeda cartan iyo hiinraag, oo waxna gudaheeda kuma maqlaan.
-
إِنَّ ٱلَّذِينَ سَبَقَتْ لَهُم مِّنَّا ٱلْحُسْنَىٰٓ أُو۟لَـٰٓئِكَ عَنْهَا مُبْعَدُونَ١٠١
Inna allatheena sabaqat lahum minna alhusna olaika ʿanha mubʿadoona
Hubaal, kuwa (Nabi Ciise, hooyadi Maryam, iyo addoomaha Alle ee kale ee wanaagsan) ay u hor martay xaggayaga wanaagga, kuwaasu xaggeeda (Naarta) waa laga fogeyn.
-
لَا يَسْمَعُونَ حَسِيسَهَا ۖ وَهُمْ فِى مَا ٱشْتَهَتْ أَنفُسُهُمْ خَـٰلِدُونَ١٠٢
La yasmaʿoona haseesaha wahum fee ma ishtahat anfusuhum khalidoona
Ma maqlaan shanqarteeda, iyagoo ku dhex waadhi waxay nafahooda rabaan.
-
لَا يَحْزُنُهُمُ ٱلْفَزَعُ ٱلْأَكْبَرُ وَتَتَلَقَّىٰهُمُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ هَـٰذَا يَوْمُكُمُ ٱلَّذِى كُنتُمْ تُوعَدُونَ١٠٣
La yahzunuhumu alfazaʿu alakbaru watatalaqqahumu almalaikatu hatha yawmukumu allathee kuntum tooʿadoona
Argagaxa weyn (ee Maalinta Qiyaamada) ma murugo geliyo, malaa’igtuna waxay ku soo dhoweyn (salaan diirran iyagoo ku leh): Kani waa Maalinkiinnii la idin yaboohay.
-
يَوْمَ نَطْوِى ٱلسَّمَآءَ كَطَىِّ ٱلسِّجِلِّ لِلْكُتُبِ ۚ كَمَا بَدَأْنَآ أَوَّلَ خَلْقٍ نُّعِيدُهُۥ ۚ وَعْدًا عَلَيْنَآ ۚ إِنَّا كُنَّا فَـٰعِلِينَ١٠٤
Yawma natwee alssamaa katayyi alssijlli lilkutubi kama badana awwala khalqin nuʿeeduhu waʿdan ʿalayna inna kunna faʿileena
Maalinka aan u duubeyno samada sida loo duubo waraaqaha waxa lagu qoro, sidaan u billownay abuuriddii hore baan ku soo celineynaa, (waa) ballan aan qaadnay oo na saaran, hubaal waanu fali.
-
وَلَقَدْ كَتَبْنَا فِى ٱلزَّبُورِ مِنۢ بَعْدِ ٱلذِّكْرِ أَنَّ ٱلْأَرْضَ يَرِثُهَا عِبَادِىَ ٱلصَّـٰلِحُونَ١٠٥
Walaqad katabna fee alzzaboori min baʿdi alththikri anna alarda yarithuha ʿibadiya alssalihoona
Waxaanu ku qornay Zabuurka1 kaddib (markaan horay ugu) xusnay Kitaabka2 in arlada (Jannada) ay dhaxli addoomahyaga wanaagsan.
Sharaxa hoose
[1] Zabuur waa kitaabkii loo waxyooday Nabi Daawuud c.s.Waxaa sidoo kale la yidhi waxaa loola jeedaa Kutubta Alle oo dhan. [2] Waa Towraadda, waxaa sidoo kale lagu fasiray Looxa Maxfuudka. -
إِنَّ فِى هَـٰذَا لَبَلَـٰغًا لِّقَوْمٍ عَـٰبِدِينَ١٠٦
Inna fee hatha labalaghan liqawmin ʿabideena
Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan Gaarsiin cad qolo na caabudda.
-
وَمَآ أَرْسَلْنَـٰكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَـٰلَمِينَ١٠٧
Wama arsalnaka illa rahmatan lilʿalameena
Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn Naxariis aad u ahaato uumanka oo idil.
-
قُلْ إِنَّمَا يُوحَىٰٓ إِلَىَّ أَنَّمَآ إِلَـٰهُكُمْ إِلَـٰهٌ وَٰحِدٌ ۖ فَهَلْ أَنتُم مُّسْلِمُونَ١٠٨
Qul innama yooha ilayya annama ilahukum ilahun wahidun fahal antum muslimoona
Dheh: Waxaa uun la ii waxyooday inuu Ilaahiinnu yahay ilaah Keliya 'Allaah', ee ma u hoggaansameysaan Muslimiin ahaan?.
-
فَإِن تَوَلَّوْا۟ فَقُلْ ءَاذَنتُكُمْ عَلَىٰ سَوَآءٍ ۖ وَإِنْ أَدْرِىٓ أَقَرِيبٌ أَم بَعِيدٌ مَّا تُوعَدُونَ١٠٩
Fain tawallaw faqul athantukum ʿala sawain wain adree aqareebun am baʿeedun ma tooʿadoona
Haddiise ay (ka) jeesadaan (Iimaanka), ku dheh waxaan idin siiyey digniin cad ee xaq ah. Mana ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay ama fog yahay.”
-
إِنَّهُۥ يَعْلَمُ ٱلْجَهْرَ مِنَ ٱلْقَوْلِ وَيَعْلَمُ مَا تَكْتُمُونَ١١٠
Innahu yaʿlamu aljahra mina alqawli wayaʿlamu ma taktumoona
Hubaal Wuxuu (Alle) Og yahay hadalka kii kor loo qaado, wuxuuna Og yahay waxaad qarineysaan.
-
وَإِنْ أَدْرِى لَعَلَّهُۥ فِتْنَةٌ لَّكُمْ وَمَتَـٰعٌ إِلَىٰ حِينٍ١١١
Wain adree laʿallahu fitnatun lakum wamataʿun ila heenin
Aniguse ma ogi, waa intaasoo ay idiin tahay fidmo (imtixaan dib u dhigidda cadaabka) iyo raaxo ku eg ilaa muddo.
-
قَـٰلَ رَبِّ ٱحْكُم بِٱلْحَقِّ ۗ وَرَبُّنَا ٱلرَّحْمَـٰنُ ٱلْمُسْتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ١١٢
Qala rabbi ohkum bialhaqqi warabbuna alrrahmanu almustaʿanu ʿala ma tasifoona
(Nabigu isagoo baryaya Rabbigi) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Noogu kala garsoor xaq. Rabbigayona waa (Allaah) Raxmaanka ah ee laga kaalmaysto waxaad sheegeysaan1.
Sharaxa hoose
[1] Waa beenahooda iyo gaalnimadooda iyagoo ku sheega inuu Alle leeyahay ilmo, iyo in Muxammad s.c.w. yahay saaxir, jinnoole, gabyaa, iyo in Qur’aanka yahay gabay, sheeko xariir, sixir, iwm.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Anbiyaa’?
Macnaha Al-Anbiyaa’ waa “Nabiyada”.
Suuradda Al-Anbiyaa’ juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Anbiyaa’ waxay ku jirtaa juz’ 17.
Suuradda Al-Anbiyaa’ immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Anbiyaa’ waxay leedahay 112 aayadood.
Suuradda Al-Anbiyaa’ ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Anbiyaa’ waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Anbiyaa’ waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 21aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.