سورة طه

Suuradda Daahaa oo af Soomaali ah

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Daahaa (طه) waa suuradda 20aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 135 aayadood. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 16.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Daahaa oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Daahaa oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. طه۝١

    Taha

    Daa Haa1.

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
  2. مَآ أَنزَلْنَا عَلَيْكَ ٱلْقُرْءَانَ لِتَشْقَىٰٓ۝٢

    Ma anzalna ʿalayka alqurana litashqa

    Kuuguma aanu soo dejin (Nabiyow) Qur’aanka (inaad naftaada ku halaagto) murugo (inaysan rumayn Xaqa darteed).

  3. إِلَّا تَذْكِرَةً لِّمَن يَخْشَىٰ۝٣

    Illa tathkiratan liman yakhsha

    Waase u waano ciddii ka baqda 'Alle'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “ Qofkuu Alle la doono khayr wuxuu fahansiiyaa diinta”. W.w. Al-Bukhaari.
  4. تَنزِيلًا مِّمَّنْ خَلَقَ ٱلْأَرْضَ وَٱلسَّمَـٰوَٰتِ ٱلْعُلَى۝٤

    Tanzeelan mimman khalaqa alarda waalssamawati alʿula

    Waa soo dejinta (Alle) ee abuuray arlada iyo samooyinka sare.

  5. ٱلرَّحْمَـٰنُ عَلَى ٱلْعَرْشِ ٱسْتَوَىٰ۝٥

    Alrrahmanu ʿala alʿarshi istawa

    Raxmaanku (Allaah) wuxuu kor ahaaday Carshigiisa dushiisha (si u qalanta Weynidiisa).

  6. لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَمَا تَحْتَ ٱلثَّرَىٰ۝٦

    Lahu ma fee alssamawati wama fee alardi wama baynahuma wama tahta alththara

    Isagaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada iyo waxa u dhexeeya iyo waxa ka hooseeyaba rayska.

  7. وَإِن تَجْهَرْ بِٱلْقَوْلِ فَإِنَّهُۥ يَعْلَمُ ٱلسِّرَّ وَأَخْفَى۝٧

    Wain tajhar bialqawli fainnahu yaʿlamu alssirra waakhfa

    Haddaad kor codka ugu qaaddo hadalka, hubaal, Alle Wuu ogsoon yahay sirta iyo waxa weliba ka sii qarsoonaan badan.

  8. ٱللَّهُ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ لَهُ ٱلْأَسْمَآءُ ٱلْحُسْنَىٰ۝٨

    Allahu la ilaha illa huwa lahu alasmao alhusna

    Allaah! Ma jiro ilaah (xaq ah) aan Isaga aheyn, Wuxuu leeyahay Magacyada Wanaagga iyo Quruxda Badan.

  9. وَهَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ۝٩

    Wahal ataka hadeethu moosa

    Ma ku soo gaadhay qisadii Muuse?

  10. إِذْ رَءَا نَارًا فَقَالَ لِأَهْلِهِ ٱمْكُثُوٓا۟ إِنِّىٓ ءَانَسْتُ نَارًا لَّعَلِّىٓ ءَاتِيكُم مِّنْهَا بِقَبَسٍ أَوْ أَجِدُ عَلَى ٱلنَّارِ هُدًى۝١٠

    Ith raa naran faqala liahlihi omkuthoo innee anastu naran laʿallee ateekum minha biqabasin aw ajidu ʿala alnnari hudan

    Markuu arkay dab, oo ku yidhi reerkiisii: "Jooga halkan! Waxaan arkaa dab. Waa intaasoo aan idiinka keeno dhimbil aad kulaalsataan, ama aan ka helo dabka cid ii i tusisa (waddada Masar)".

  11. فَلَمَّآ أَتَىٰهَا نُودِىَ يَـٰمُوسَىٰٓ۝١١

    Falamma ataha noodiya ya moosa

    Markuu yimid meeshuu ka ifiyey dabka, waa loo yeedhay: Muusow!

  12. إِنِّىٓ أَنَا۠ رَبُّكَ فَٱخْلَعْ نَعْلَيْكَ ۖ إِنَّكَ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى۝١٢

    Innee ana rabbuka faikhlaʿ naʿlayka innaka bialwadi almuqaddasi tuwan

    Xaqiiq, Anigu waxaan ahay Rabbigaa! Ee iska siib kabahaaga, waxaad joogtaa togga daahirka ah ee Duwaa.

  13. وَأَنَا ٱخْتَرْتُكَ فَٱسْتَمِعْ لِمَا يُوحَىٰٓ۝١٣

    Waana ikhtartuka faistamiʿ lima yooha

    Aniga (Alle ah) baana ku doortay (Muusow) ee dhegayso waxa laguu Waxyoon.

  14. إِنَّنِىٓ أَنَا ٱللَّهُ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱعْبُدْنِى وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ لِذِكْرِىٓ۝١٤

    Innanee ana Allahu la ilaha illa ana faoʿbudnee waaqimi alssalata lithikree

    Anigu waxaan ahay Allaah. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Aniga, ee Anigoo Keliya i caabud, una oog salaadda Xuskayga.

  15. إِنَّ ٱلسَّاعَةَ ءَاتِيَةٌ أَكَادُ أُخْفِيهَا لِتُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا تَسْعَىٰ۝١٥

    Inna alssaʿata atiyatun akadu okhfeeha litujza kullu nafsin bima tasʿa

    Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa - waxaana u dhowahay inaan qariyo1 si naf walba loogu abaal mariyo waxay camal fashay.

    Sharaxa hoose
    [1] Macnaha waxaa weeye in Alle subxaanahu watacaalaa uu ka qariyo cid walba ogaanshaha waqtiga Saacadda Qiyaame dhaceyso, oo Isaga uun baa Ogsoon Keliya.
  16. فَلَا يَصُدَّنَّكَ عَنْهَا مَن لَّا يُؤْمِنُ بِهَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ فَتَرْدَىٰ۝١٦

    Fala yasuddannaka ʿanha man la yuminu biha waittabaʿa hawahu fatarda

    “Yaanu kaa weecin xaggeeda1 mid aan Rumaysnayn oo raaca hawadiisa, markaas waad halaagsami.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa inaad isugu diyaariso iimaan iyo ca- mallo wanaagsan Saacaddaa (Aakhirada).
  17. وَمَا تِلْكَ بِيَمِينِكَ يَـٰمُوسَىٰ۝١٧

    Wama tilka biyameenika ya moosa

    Waa maxay taasi ku jirta midigtaada Muusow?”

  18. قَالَ هِىَ عَصَاىَ أَتَوَكَّؤُا۟ عَلَيْهَا وَأَهُشُّ بِهَا عَلَىٰ غَنَمِى وَلِىَ فِيهَا مَـَٔارِبُ أُخْرَىٰ۝١٨

    Qala hiya ʿasaya atawakkao ʿalayha waahushshu biha ʿala ghanamee waliya feeha maaribu okhra

    Wuxuu yidhi: “Waa ushayda, waan cuskadaa, oo ugu lulaa caleemaha si ay ugu soo daataan arigayga dushiisa, waxaana iigu jira dano kale.”

  19. قَالَ أَلْقِهَا يَـٰمُوسَىٰ۝١٩

    Qala alqiha ya moosa

    (Alle) wuxuu yidhi: “Bal hoos u tuur Muusow!”

  20. فَأَلْقَىٰهَا فَإِذَا هِىَ حَيَّةٌ تَسْعَىٰ۝٢٠

    Faalqaha faitha hiya hayyatun tasʿa

    Markaasuu tuuray, mise! Waa abeeso ordaysa.

  21. قَالَ خُذْهَا وَلَا تَخَفْ ۖ سَنُعِيدُهَا سِيرَتَهَا ٱلْأُولَىٰ۝٢١

    Qala khuthha wala takhaf sanuʿeeduha seerataha aloola

    (Alle) wuxuu yidhi: “Qaado, hana cabsan, Waxaanu ku celin sideedii hore.

  22. وَٱضْمُمْ يَدَكَ إِلَىٰ جَنَاحِكَ تَخْرُجْ بَيْضَآءَ مِنْ غَيْرِ سُوٓءٍ ءَايَةً أُخْرَىٰ۝٢٢

    Waodmum yadaka ila janahika takhruj baydaa min ghayri sooin ayatan okhra

    Ku qabo gacantaada dhinacaaga, waxay soo bixi iyadoo cad (ifeysa) iin la’aan, waa calaamad kale.

  23. لِنُرِيَكَ مِنْ ءَايَـٰتِنَا ٱلْكُبْرَى۝٢٣

    Linuriyaka min ayatina alkubra

    “Si aanu kuu tusinno wax ka mid ah Aayadahayaga waaweyn.

  24. ٱذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ۝٢٤

    Ithhab ila firʿawna innahu tagha

    “Ee aad xagga Fircoon! Waa uu xad gudbaye.”

  25. قَالَ رَبِّ ٱشْرَحْ لِى صَدْرِى۝٢٥

    Qala rabbi ishrah lee sadree

    (Muuse) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii waasici (deji) laabtayda.

  26. وَيَسِّرْ لِىٓ أَمْرِى۝٢٦

    Wayassir lee amree

    “Ii fududee arrinkayga.

  27. وَٱحْلُلْ عُقْدَةً مِّن لِّسَانِى۝٢٧

    Waohlul ʿuqdatan min lisanee

    Ka fur guntintana carrabkayga,

  28. يَفْقَهُوا۟ قَوْلِى۝٢٨

    Yafqahoo qawlee

    “Si ay u fahmaan hadalkayga .

  29. وَٱجْعَل لِّى وَزِيرًا مِّنْ أَهْلِى۝٢٩

    Waijʿal lee wazeeran min ahlee

    “Ii yeelna wasiir (caawiye) ka mid ah ehelkayga,

  30. هَـٰرُونَ أَخِى۝٣٠

    Haroona akhee

    Haaruun, walaalkay,

  31. ٱشْدُدْ بِهِۦٓ أَزْرِى۝٣١

    Oshdud bihi azree

    “Ku adkee (xooji) tabarteyda (dhabarkeyga),

  32. وَأَشْرِكْهُ فِىٓ أَمْرِى۝٣٢

    Waashrikhu fee amree

    Igala qayb geli (wadaaji) arrinkayga ( Nabinnimada).

  33. كَىْ نُسَبِّحَكَ كَثِيرًا۝٣٣

    Kay nusabbihaka katheeran

    Si aan kuugu tasbiixsanno in badan.

  34. وَنَذْكُرَكَ كَثِيرًا۝٣٤

    Wanathkuraka katheeran

    Oo aan kuu xusno in badan,

  35. إِنَّكَ كُنتَ بِنَا بَصِيرًا۝٣٥

    Innaka kunta bina baseeran

    Hubaal, waxaad Adigu tahay Mid mar walba na Arka".

  36. قَالَ قَدْ أُوتِيتَ سُؤْلَكَ يَـٰمُوسَىٰ۝٣٦

    Qala qad ooteeta sulaka ya moosa

    (Alle) wuxuu yidhi” “Waa lagu siiyey codsigaaga Muusow!

  37. وَلَقَدْ مَنَنَّا عَلَيْكَ مَرَّةً أُخْرَىٰٓ۝٣٧

    Walaqad mananna ʿalayka marratan okhra

    Waxaanuna dhab ahaan kuu nicmeennay waqti kale (oo hore),

  38. إِذْ أَوْحَيْنَآ إِلَىٰٓ أُمِّكَ مَا يُوحَىٰٓ۝٣٨

    Ith awhayna ila ommika ma yooha

    Markaan u waxyoonnay hooyadaa waxaan u waxyoonnay.

  39. أَنِ ٱقْذِفِيهِ فِى ٱلتَّابُوتِ فَٱقْذِفِيهِ فِى ٱلْيَمِّ فَلْيُلْقِهِ ٱلْيَمُّ بِٱلسَّاحِلِ يَأْخُذْهُ عَدُوٌّ لِّى وَعَدُوٌّ لَّهُۥ ۚ وَأَلْقَيْتُ عَلَيْكَ مَحَبَّةً مِّنِّى وَلِتُصْنَعَ عَلَىٰ عَيْنِىٓ۝٣٩

    Ani iqthifeehi fee alttabooti faiqthifeehi fee alyammi falyulqihi alyammu bialssahili yakhuthhu ʿaduwwun lee waʿaduwwun lahu waalqaytu ʿalayka mahabbatan minnee walitusnaʿa ʿala ʿaynee

    (Waxaan ku nidhi): Ku rid isaga sanduuq oo ku tuur webiga (Niil), kolkaasna webigu wuxuu ku tuuri xeebta, halkaas waxaa qaadan mid cadow ii ah, isagana cadow u ah! Waxaan yeelay dushaada jaceyl lagu jeclaado Xaggeyga ah1, iyo in lagugu barbaariyo Ishayda horteed (waa Ilaalinteyda iyo Ogaanshaheyga),

    Sharaxa hoose
    [1] Alle wuxuu jeclaanta Muuse geliyey quluubta dadka.
  40. إِذْ تَمْشِىٓ أُخْتُكَ فَتَقُولُ هَلْ أَدُلُّكُمْ عَلَىٰ مَن يَكْفُلُهُۥ ۖ فَرَجَعْنَـٰكَ إِلَىٰٓ أُمِّكَ كَىْ تَقَرَّ عَيْنُهَا وَلَا تَحْزَنَ ۚ وَقَتَلْتَ نَفْسًا فَنَجَّيْنَـٰكَ مِنَ ٱلْغَمِّ وَفَتَنَّـٰكَ فُتُونًا ۚ فَلَبِثْتَ سِنِينَ فِىٓ أَهْلِ مَدْيَنَ ثُمَّ جِئْتَ عَلَىٰ قَدَرٍ يَـٰمُوسَىٰ۝٤٠

    Ith tamshee okhtuka fataqoolu hal adullukum ʿala man yakfuluhu farajaʿnaka ila ommika kay taqarra ʿaynuha wala tahzana waqatalta nafsan fanajjaynaka mina alghammi wafatannaka futoonan falabithta sineena fee ahli madyana thumma jita ʿala qadarin ya moosa

    (Waxaan kuu galnay wanaag mar kale) markay u tagtay walaashaa iyadoo leh: Ma idin tusaa cid idiin korin (nuujineysa)? Markaas baan kuu soo celinnay hooyadaa si ay u raalli noqoto oo aysan u murugoon. Waxaadna dishay nin1, waanse kaa badbaadinnay walbahaar weyn, oo aan ku imtixaannay imtixaan culus, Waxaad ku negaatay sanooyin tirsan reer Madyan dhexdood. Waxaadna halkaan ku timid Qaddar Alle, Muusow!.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa qibidigii Masriga ahaa ee dhintay kaddib markuu Muuse ku dhuftay Qibidigaa hal feedh.
  41. وَٱصْطَنَعْتُكَ لِنَفْسِى۝٤١

    Waistanaʿtuka linafsee

    Waxaan kuu doortay Nafteyda1.

    Sharaxa hoose
    [1] Alle baa doortay Muuse oo ka yeelay mid xoog leh jidh iyo shakshi ahaanba si uu u qaado xilka gaarsiinta diinta ilmaha Israa’iil.
  42. ٱذْهَبْ أَنتَ وَأَخُوكَ بِـَٔايَـٰتِى وَلَا تَنِيَا فِى ذِكْرِى۝٤٢

    Ithhab anta waakhooka biayatee wala taniya fee thikree

    “La taga adiga iyo walaalkaa Aayadahayga, hana ka daalina Xuskayga.

  43. ٱذْهَبَآ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ۝٤٣

    Ithhaba ila firʿawna innahu tagha

    Aada xagga Fircoon, wuu xadgudbaye.

  44. فَقُولَا لَهُۥ قَوْلًا لَّيِّنًا لَّعَلَّهُۥ يَتَذَكَّرُ أَوْ يَخْشَىٰ۝٤٤

    Faqoola lahu qawlan layyinan laʿallahu yatathakkaru aw yakhsha

    Kula hadlana hadal nugul, waa intaasoo uu waansamo ama ka baqo (Alle).

  45. قَالَا رَبَّنَآ إِنَّنَا نَخَافُ أَن يَفْرُطَ عَلَيْنَآ أَوْ أَن يَطْغَىٰ۝٤٥

    Qala rabbana innana nakhafu an yafruta ʿalayna aw an yatgha

    Waxay yidhaahdeen: “Rabbigayow! Waxaanu ka cabsan inuu ku degdego inuu na ciqaabo ama nagu xadgudbo.

  46. قَالَ لَا تَخَافَآ ۖ إِنَّنِى مَعَكُمَآ أَسْمَعُ وَأَرَىٰ۝٤٦

    Qala la takhafa innanee maʿakuma asmaʿu waara

    (Alle) Wuxuu yidhi: Ha cabsannina, Anigaa idin la jira, waan maqli oo arkaa.

  47. فَأْتِيَاهُ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولَا رَبِّكَ فَأَرْسِلْ مَعَنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ وَلَا تُعَذِّبْهُمْ ۖ قَدْ جِئْنَـٰكَ بِـَٔايَةٍ مِّن رَّبِّكَ ۖ وَٱلسَّلَـٰمُ عَلَىٰ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلْهُدَىٰٓ۝٤٧

    Fatiyahu faqoola inna rasoola rabbika faarsil maʿana banee israeela wala tuʿaththibhum qad jinaka biayatin min rabbika waalssalamu ʿala mani ittabaʿa alhuda

    U taga (Fircoon) oo dhahaya: Waxaanu nahay Rususha Rabbigaa, ee nagu dar ilmaha Israa'iil hana caddabin, waxaan kuu keennay calaamad xagga Rabbigaa ah. Nabadna korkiisa ha ahaato1 kan raaca hunuunka (Alle, Islaamka oo ku dhaqma).

    Sharaxa hoose
    [1] Ammaan iyo nabad uu ka ahaado cadaabka Alle.
  48. إِنَّا قَدْ أُوحِىَ إِلَيْنَآ أَنَّ ٱلْعَذَابَ عَلَىٰ مَن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ۝٤٨

    Inna qad oohiya ilayna anna alʿathaba ʿala man kaththaba watawalla

    Waxaa xaqiiq naloo waxyooday in cadaab ku dhici qofkii (Xaqa) beeniya oo ka jeesta.”.

  49. قَالَ فَمَن رَّبُّكُمَا يَـٰمُوسَىٰ۝٤٩

    Qala faman rabbukuma ya moosa

    (Fircoon) wuxuu yidhi: “Waa Kuma Rabbigiin, Muusow?”

  50. قَالَ رَبُّنَا ٱلَّذِىٓ أَعْطَىٰ كُلَّ شَىْءٍ خَلْقَهُۥ ثُمَّ هَدَىٰ۝٥٠

    Qala rabbuna allathee aʿta kulla shayin khalqahu thumma hada

    (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbigayo waa kan siiyey wax walba qaabka uu leeyahay oo u tilmaamay (yoolkeed).”

  51. قَالَ فَمَا بَالُ ٱلْقُرُونِ ٱلْأُولَىٰ۝٥١

    Qala fama balu alqurooni aloola

    (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ka warran xaalka facyadii hore?.”

  52. قَالَ عِلْمُهَا عِندَ رَبِّى فِى كِتَـٰبٍ ۖ لَّا يَضِلُّ رَبِّى وَلَا يَنسَى۝٥٢

    Qala ʿilmuha ʿinda rabbee fee kitabin la yadillu rabbee wala yansa

    (Muuse) wuxuu yidhi: Cilmigoodu wuxuu la jiraa Rabbigay, Kitaab buu ku yaal (Looxa Maxfuudka). Rabbigay ma gefo, waxnana ma halmaamo.

  53. ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُمُ ٱلْأَرْضَ مَهْدًا وَسَلَكَ لَكُمْ فِيهَا سُبُلًا وَأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَخْرَجْنَا بِهِۦٓ أَزْوَٰجًا مِّن نَّبَاتٍ شَتَّىٰ۝٥٣

    Allathee jaʿala lakumu alarda mahdan wasalaka lakum feeha subulan waanzala mina alssamai maan faakhrajna bihi azwajan min nabatin shatta

    Waa Kan idiinka dhigay dhulka gogol (fidsan); oo idiinka furay waddooyin dhexdeeda, idiinkana soo dejiya biyo (roob) xagga daruuraha, markaasaan ku soo saarnaa dhir noocyo kala duwan ah.

  54. كُلُوا۟ وَٱرْعَوْا۟ أَنْعَـٰمَكُمْ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّأُو۟لِى ٱلنُّهَىٰ۝٥٤

    Kuloo wairʿaw anʿamakum inna fee thalika laayatin liolee alnnuha

    Cuna oo daaqsada xoolihiinna, hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin (muujin Awoodda Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) ciddii leh caqli fayow.

  55. ۞ مِنْهَا خَلَقْنَـٰكُمْ وَفِيهَا نُعِيدُكُمْ وَمِنْهَا نُخْرِجُكُمْ تَارَةً أُخْرَىٰ۝٥٥

    Minha khalaqnakum wafeeha nuʿeedukum waminha nukhrijukum taratan okhra

    Xaggeedaan (arlada) idinka abuurnay, gudaheeda baan idinku celin, xaggeedaana la idinka soo saari mar kale (geeri kaddib).

  56. وَلَقَدْ أَرَيْنَـٰهُ ءَايَـٰتِنَا كُلَّهَا فَكَذَّبَ وَأَبَىٰ۝٥٦

    Walaqad araynahu ayatina kullaha fakaththaba waaba

    Waxaan dhab ahaan tusnay (Fircoon) calaamooyinkayaga dhammaantood, waase beeniyey oo diiday.

  57. قَالَ أَجِئْتَنَا لِتُخْرِجَنَا مِنْ أَرْضِنَا بِسِحْرِكَ يَـٰمُوسَىٰ۝٥٧

    Qala ajitana litukhrijana min ardina bisihrika ya moosa

    (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad noogu timid inaad nooga saarto dhulkayaga sixirkaaga Muusow?.

  58. فَلَنَأْتِيَنَّكَ بِسِحْرٍ مِّثْلِهِۦ فَٱجْعَلْ بَيْنَنَا وَبَيْنَكَ مَوْعِدًا لَّا نُخْلِفُهُۥ نَحْنُ وَلَآ أَنتَ مَكَانًا سُوًى۝٥٨

    Falanatiyannaka bisihrin mithlihi faijʿal baynana wabaynaka mawʿidan la nukhlifuhu nahnu wala anta makanan suwan

    Waxaanu kuula iman sixir la mid ah ee noo qabo ballan dhexdeenna aan ku kulanno, oo aanaan ka dib dhaceyn innaga iyo adiguba midna meel fagaare ah1.

    Sharaxa hoose
    [1] Meel cayiman si loo ogaado, macno kale waa meel noo dhexeysa ee la isugu yimaado ama meel fagaare ah oo siman.
  59. قَالَ مَوْعِدُكُمْ يَوْمُ ٱلزِّينَةِ وَأَن يُحْشَرَ ٱلنَّاسُ ضُحًى۝٥٩

    Qala mawʿidukum yawmu alzzeenati waan yuhshara alnnasu duhan

    (Muuse) wuxuu yidhi: “Ballankiinnu waa maalinta Ciidda, hana la soo kulmiyo Dadka barqadii.

  60. فَتَوَلَّىٰ فِرْعَوْنُ فَجَمَعَ كَيْدَهُۥ ثُمَّ أَتَىٰ۝٦٠

    Fatawalla firʿawnu fajamaʿa kaydahu thumma ata

    Markaasuu Fircoon tagey, isuna keenay tabihiisii, markaas yimid.

  61. قَالَ لَهُم مُّوسَىٰ وَيْلَكُمْ لَا تَفْتَرُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا فَيُسْحِتَكُم بِعَذَابٍ ۖ وَقَدْ خَابَ مَنِ ٱفْتَرَىٰ۝٦١

    Qala lahum moosa waylakum la taftaroo ʿala Allahi kathiban fayushitakum biʿathabin waqad khaba mani iftara

    Muuse wuxuu ku yidhi (sixiroolayaashii uu keenay Fircoon): "Magaciin bi'i waaye! Ha ka been sheegina Alle si uusan idiinku dabar goyn cadaab. Waxaana hoogay qofkii ka been sheega (Alle)”.

  62. فَتَنَـٰزَعُوٓا۟ أَمْرَهُم بَيْنَهُمْ وَأَسَرُّوا۟ ٱلنَّجْوَىٰ۝٦٢

    Fatanazaʿoo amrahum baynahum waasarroo alnnajwa

    Markaasay ka doodeen arrinkooda dhexdooda oo qarsadeen faqooda.

  63. قَالُوٓا۟ إِنْ هَـٰذَٰنِ لَسَـٰحِرَٰنِ يُرِيدَانِ أَن يُخْرِجَاكُم مِّنْ أَرْضِكُم بِسِحْرِهِمَا وَيَذْهَبَا بِطَرِيقَتِكُمُ ٱلْمُثْلَىٰ۝٦٣

    Qaloo in hathani lasahirani yureedani an yukhrijakum min ardikum bisihrihima wayathhaba bitareeqatikumu almuthla

    Waxay yidhaahdeen: Kuwani waa labo saaxir oo doonaya inay idiinkaga saaraan dhulkiinna sixirkooda, oo ay bi'iyaan dariiqadiinna fiican (caadadiinna).

  64. فَأَجْمِعُوا۟ كَيْدَكُمْ ثُمَّ ٱئْتُوا۟ صَفًّا ۚ وَقَدْ أَفْلَحَ ٱلْيَوْمَ مَنِ ٱسْتَعْلَىٰ۝٦٤

    Faajmiʿoo kaydakum thumma itoo saffan waqad aflaha alyawma mani istaʿla

    Ee isu geeya Tabtiinna oo imaada idinkoo saf saf ah; waxaa liibaani maanta ciddii gacan sarreysa ”.

  65. قَالُوا۟ يَـٰمُوسَىٰٓ إِمَّآ أَن تُلْقِىَ وَإِمَّآ أَن نَّكُونَ أَوَّلَ مَنْ أَلْقَىٰ۝٦٥

    Qaloo ya moosa imma an tulqiya waimma an nakoona awwala man alqa

    Waxay yidhaahdeen: “Muusow! Ama tuur (usha) ama aan innagu ahaanno kuwa hor tuura?”

  66. قَالَ بَلْ أَلْقُوا۟ ۖ فَإِذَا حِبَالُهُمْ وَعِصِيُّهُمْ يُخَيَّلُ إِلَيْهِ مِن سِحْرِهِمْ أَنَّهَا تَسْعَىٰ۝٦٦

    Qala bal alqoo faitha hibaluhum waʿisiyyuhum yukhayyalu ilayhi min sihrihim annaha tasʿa

    Wuxuu yidhi: “Bal tuura idinka (marka hore)"! Mise, xargahoodii iyo ulahoodii, waxaa loogu ekaysiiyey sixirkoodii dartiis sida inay ordi.

  67. فَأَوْجَسَ فِى نَفْسِهِۦ خِيفَةً مُّوسَىٰ۝٦٧

    Faawjasa fee nafsihi kheefatan moosa

    Markaasuu Muuse ka dareemay naftiisii cabsi.

  68. قُلْنَا لَا تَخَفْ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْأَعْلَىٰ۝٦٨

    Qulna la takhaf innaka anta alaʿla

    Waxaanu nidhi: Ha cabsan, waa adiga xaqiiq kan sarreyne.

  69. وَأَلْقِ مَا فِى يَمِينِكَ تَلْقَفْ مَا صَنَعُوٓا۟ ۖ إِنَّمَا صَنَعُوا۟ كَيْدُ سَـٰحِرٍ ۖ وَلَا يُفْلِحُ ٱلسَّاحِرُ حَيْثُ أَتَىٰ۝٦٩

    Waalqi ma fee yameenika talqaf ma sanaʿoo innama sanaʿoo kaydu sahirin wala yuflihu alssahiru haythu ata

    Tuurna waxa ku jira gacantaaada midig! Waxay liqi waxay sameeyeen, waxa ay sameeyeen waa uun tab sixirrow, mana liibaano sixirrow meeluu yimaadaba.

  70. فَأُلْقِىَ ٱلسَّحَرَةُ سُجَّدًا قَالُوٓا۟ ءَامَنَّا بِرَبِّ هَـٰرُونَ وَمُوسَىٰ۝٧٠

    Faolqiya alssaharatu sujjadan qaloo amanna birabbi haroona wamoosa

    Saaxirintii waxay ula dhaceen dhulka sujuud1.Waxay yidhaadeen: Waxaan rumeynay Rabbiga Haaruun iyo Muuse.”

    Sharaxa hoose
    [1] Kaddib markay arkeen mucjisooyinka uu Alle siiyey Muuse iyo inay yihiin xaqiiq oo aysan ahayn moodsiin sixir.
  71. قَالَ ءَامَنتُمْ لَهُۥ قَبْلَ أَنْ ءَاذَنَ لَكُمْ ۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِى عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحْرَ ۖ فَلَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُم مِّنْ خِلَـٰفٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ فِى جُذُوعِ ٱلنَّخْلِ وَلَتَعْلَمُنَّ أَيُّنَآ أَشَدُّ عَذَابًا وَأَبْقَىٰ۝٧١

    Qala amantum lahu qabla an athana lakum innahu lakabeerukumu allathee ʿallamakumu alssihra falaoqattiʿanna aydiyakum waarjulakum min khilafin walaosallibannakum fee juthooʿi alnnakhli walataʿlamunna ayyuna ashaddu ʿathaban waabqa

    (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad rumeyseen ka hor inta aanan idiin idmin? Hubaal waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka. Waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf, waxaana idinku daldali jirridaha geedaha timrta, waadna ogaan midkaayagii (aniga ama Rabbiga Muuse) cadaab daran oo daa’ insan.

  72. قَالُوا۟ لَن نُّؤْثِرَكَ عَلَىٰ مَا جَآءَنَا مِنَ ٱلْبَيِّنَـٰتِ وَٱلَّذِى فَطَرَنَا ۖ فَٱقْضِ مَآ أَنتَ قَاضٍ ۖ إِنَّمَا تَقْضِى هَـٰذِهِ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَآ۝٧٢

    Qaloo lan nuthiraka ʿala ma jaana mina albayyinati waallathee fatarana faiqdi ma anta qadin innama taqdee hathihi alhayata alddunya

    Waxay yidhaahdeen: “Kaa dooran mayno waxa noo yimid oo Xujooyin cad ah iyo Kan (Allaah) ee na abuuray1. Ee go'aami waxaad rabto inaad go'aamiso, waxaad oo keliya wax ka go'aamin kartaa (wixii la xidhiidha) noloshan Adduunka.

    Sharaxa hoose
    [1] Weedhan ‘ walladdii fadaranaa” waxaa sidoo kale lagu fasiray dhaar ahaan macnaha markaa waxaa weeye: Waxaan ku dhaarannay Kan na abuuraye.”
  73. إِنَّآ ءَامَنَّا بِرَبِّنَا لِيَغْفِرَ لَنَا خَطَـٰيَـٰنَا وَمَآ أَكْرَهْتَنَا عَلَيْهِ مِنَ ٱلسِّحْرِ ۗ وَٱللَّهُ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰٓ۝٧٣

    Inna amanna birabbina liyaghfira lana khatayana wama akrahtana ʿalayhi mina alssihri waAllahu khayrun waabqa

    Waxaanu xaqiiq rumeynay Rabbigayo si uu noogu dhaafo gefefkayaga iyo waxaad nagu khasabtay ee (barashda) sixirka ah. Alle baana khayr badan (abaal marin ahaan), oo daa’insanaan badan1 'cadaab ahaan'.

    Sharaxa hoose
    [1] Ajar ahaan iyo ciqaab ahaanba.
  74. إِنَّهُۥ مَن يَأْتِ رَبَّهُۥ مُجْرِمًا فَإِنَّ لَهُۥ جَهَنَّمَ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ۝٧٤

    Innahu man yati rabbahu mujriman fainna lahu jahannama la yamootu feeha wala yahya

    Qofkii u yimaada Rabbigiis isagoo denbiile ah, abaalkiisu waa Jahannamo, uusan ku dhimaneyn, kuna noolaaneyn.

  75. وَمَن يَأْتِهِۦ مُؤْمِنًا قَدْ عَمِلَ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمُ ٱلدَّرَجَـٰتُ ٱلْعُلَىٰ۝٧٥

    Waman yatihi muminan qad ʿamila alssalihati faolaika lahumu alddarajatu alʿula

    Qofkii se u yimaada isagoo mu’min ah oo samo fashay, kuwaasi waxay leeyihiin derejooyinka sare (nolosha dambe-Aakhiro)

  76. جَنَّـٰتُ عَدْنٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۚ وَذَٰلِكَ جَزَآءُ مَن تَزَكَّىٰ۝٧٦

    Jannatu ʿadnin tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha wathalika jazao man tazakka

    Beero (Jannooyin) ku yaal guryo san oo negaya (bay galayaan) oo ay hoos qul-qulaan webiyo, oo ay ku dhex waari weligood: kaasi waa abaalka kan ka daahiriya naftiisa 'shirkiga iyo macaasida'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Iska xala fadaro oo dhan, uu ugu daran yahay shirkiga.
  77. وَلَقَدْ أَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنْ أَسْرِ بِعِبَادِى فَٱضْرِبْ لَهُمْ طَرِيقًا فِى ٱلْبَحْرِ يَبَسًا لَّا تَخَـٰفُ دَرَكًا وَلَا تَخْشَىٰ۝٧٧

    Walaqad awhayna ila moosa an asri biʿibadee faidrib lahum tareeqan fee albahri yabasan la takhafu darakan wala takhsha

    Waxaan dhab ahaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo ku leh): "Guureysii addoomahayga oo uga yeel waddo badda dhexdeeda qallalan, ha ka cabsan haleel1 hana ka baqin (hafitaan)".

    Sharaxa hoose
    [1] Ku dhufashada badda usha, eeg Suuradda Ash-Shucaraa: Aayadda 63. Haleel macnaha inuu ku soo gaaro Fircoon.
  78. فَأَتْبَعَهُمْ فِرْعَوْنُ بِجُنُودِهِۦ فَغَشِيَهُم مِّنَ ٱلْيَمِّ مَا غَشِيَهُمْ۝٧٨

    Faatbaʿahum firʿawnu bijunoodihi faghashiyahum mina alyammi ma ghashiyahum

    Markaas waxaa raacay Fircoon oo wata askarahiisii, waxaana halkaas kaga daboo- lay xagga badda waxaasi daboolay1.

    Sharaxa hoose
    [1] Ma daboolin oo qaadin biyo oo keliya, balse waxaa daboolay oo wada qaatay waxaa daboolay uu Alle Keliya Ogsoon yahay sida argagax, xanuun, qoomamo, cadaab, iwm.
  79. وَأَضَلَّ فِرْعَوْنُ قَوْمَهُۥ وَمَا هَدَىٰ۝٧٩

    Waadalla firʿawnu qawmahu wama hada

    Wuxuu dhumiyey Fircoon qolodiisii, mana uu hanuunin.

  80. يَـٰبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ قَدْ أَنجَيْنَـٰكُم مِّنْ عَدُوِّكُمْ وَوَٰعَدْنَـٰكُمْ جَانِبَ ٱلطُّورِ ٱلْأَيْمَنَ وَنَزَّلْنَا عَلَيْكُمُ ٱلْمَنَّ وَٱلسَّلْوَىٰ۝٨٠

    Ya banee israeela qad anjaynakum min ʿaduwwikum wawaʿadnakum janiba alttoori alaymana wanazzalna ʿalaykumu almanna waalssalwa

    Ilmahii Israa’iilow! Waxaan idinka badbaadinnay cadowgiinnii, waxaana idinkula gallay ballan dhinaca midig ee Buurta (Siinnay), oo idiin soo dejinnay Manna iyo Salwaa.

  81. كُلُوا۟ مِن طَيِّبَـٰتِ مَا رَزَقْنَـٰكُمْ وَلَا تَطْغَوْا۟ فِيهِ فَيَحِلَّ عَلَيْكُمْ غَضَبِى ۖ وَمَن يَحْلِلْ عَلَيْهِ غَضَبِى فَقَدْ هَوَىٰ۝٨١

    Kuloo min tayyibati ma razaqnakum wala tatghaw feehi fayahilla ʿalaykum ghadabee waman yahlil ʿalayhi ghadabee faqad hawa

    Cuna waxyaalaha wanaagsan (ee xalaasha ah) oo aan idinku irsaaqnay, hana ku xadugudbina oo qooqina (dhulka, ha dulminina dadka hana is kibrinana), yeysan idinku dhicine Cadhadaydu. Kay ku dhacdo cadhadayduna hoog oo ba'.

  82. وَإِنِّى لَغَفَّارٌ لِّمَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَـٰلِحًا ثُمَّ ٱهْتَدَىٰ۝٨٢

    Wainnee laghaffarun liman taba waamana waʿamila salihan thumma ihtada

    Oo xaqiiq, Anigu waan u denbi Dhaaf Badanahay qofkii tawbad keena oo (Xaqa) rumeeya oo sama fala, markaas ku sugnaada hanuunka oo toosnaada.

  83. ۞ وَمَآ أَعْجَلَكَ عَن قَوْمِكَ يَـٰمُوسَىٰ۝٨٣

    Wama aʿjalaka ʿan qawmika ya moosa

    (Alle wuxuu yidhi), “Maxaa kaa soo dedejiyey qoladaadii, Muusow?”

  84. قَالَ هُمْ أُو۟لَآءِ عَلَىٰٓ أَثَرِى وَعَجِلْتُ إِلَيْكَ رَبِّ لِتَرْضَىٰ۝٨٤

    Qala hum olai ʿala atharee waʿajiltu ilayka rabbi litarda

    Wuxuu yidhi: “Waa kuwaan ku soo jooga raadkayga, waana kuu soo deg-degay Rabbiyow si aad u raalli ahaato".

  85. قَالَ فَإِنَّا قَدْ فَتَنَّا قَوْمَكَ مِنۢ بَعْدِكَ وَأَضَلَّهُمُ ٱلسَّامِرِىُّ۝٨٥

    Qala fainna qad fatanna qawmaka min baʿdika waadallahumu alssamiriyyu

    (Alle) wuxuu yidhi: Waxaanu imtixaannay qolodaadii gadaashaa, waxaana lumiyey As-Saamiri.’

  86. فَرَجَعَ مُوسَىٰٓ إِلَىٰ قَوْمِهِۦ غَضْبَـٰنَ أَسِفًا ۚ قَالَ يَـٰقَوْمِ أَلَمْ يَعِدْكُمْ رَبُّكُمْ وَعْدًا حَسَنًا ۚ أَفَطَالَ عَلَيْكُمُ ٱلْعَهْدُ أَمْ أَرَدتُّمْ أَن يَحِلَّ عَلَيْكُمْ غَضَبٌ مِّن رَّبِّكُمْ فَأَخْلَفْتُم مَّوْعِدِى۝٨٦

    Farajaʿa moosa ila qawmihi ghadbana asifan qala ya qawmi alam yaʿidkum rabbukum waʿdan hasanan afatala ʿalaykumu alʿahdu am aradtum an yahilla ʿalaykum ghadabun min rabbikum faakhlaftum mawʿidee

    Markaasuu Muuse u noqday tolkiisii isagoo cadheysan oo ka xun, Wuxuu yidhi: “Tolkayow! Ma wuusan Rabbigiin idiin sameyn ballan qaad wanaagsan1? Ee ma waxaa idinku dheeraaday muddadii? Mise waxaad doonteen inay idiinka dhacdo Cadho xagga Rabbigiin, oo aad uga baxdeen ballankii aad ila gasheen?”

    Sharaxa hoose
    [1] La jirka Nabigiin si uu idiinku soo qaado Kitaabka Towreedda.
  87. قَالُوا۟ مَآ أَخْلَفْنَا مَوْعِدَكَ بِمَلْكِنَا وَلَـٰكِنَّا حُمِّلْنَآ أَوْزَارًا مِّن زِينَةِ ٱلْقَوْمِ فَقَذَفْنَـٰهَا فَكَذَٰلِكَ أَلْقَى ٱلسَّامِرِىُّ۝٨٧

    Qaloo ma akhlafna mawʿidaka bimalkina walakinna hummilna awzaran min zeenati alqawmi faqathafnaha fakathalika alqa alssamiriyyu

    Waxay yidhaahdeen: “Ugama aanu bixin Ballankii aan kula gallay ikhyaarka- yaga, waxaase nala saaray culaysyo ka mid ah alaab reer (Fircoon) isku qurxin jireen1, markaas baan ku tuurnay (dabka), sidaasuuna u tuuray As-Saamiri.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa horay loo amray inay soo qaataan waxyaalihii ay isku qurxin jireen dadkii Masar ee dahabka ahaa, markaasuu wuxuu amray Saamiri inay ku tuuraan dahabkaa dab si ay uga sameeyaan sanam leh muuqaal dibi oo kale, markaasay dabkii ku tuureen, Saamirina ku tuuray sidoo kale iyo carro uu ka soo qaaday raadka faraskii Jabriil oo uu arkay, markaasaa waxaa ka soo baxay sanam muuqaal dibi leh ay ilmihii Israa’iil qaarkood caabudeen. Saamiri wuxuu ahaa munaafiq ku dhex jiray ilmihii Israa’iil oo u horseeday sanam caabudka.
  88. فَأَخْرَجَ لَهُمْ عِجْلًا جَسَدًا لَّهُۥ خُوَارٌ فَقَالُوا۟ هَـٰذَآ إِلَـٰهُكُمْ وَإِلَـٰهُ مُوسَىٰ فَنَسِىَ۝٨٨

    Faakhraja lahum ʿijlan jasadan lahu khuwarun faqaloo hatha ilahukum wailahu moosa fanasiya

    Wuxuuna uga soo saaray (muuqaal) dibi oo cod leh. Waxayna yidhaahdeen: "Kan waa ilaahiinna iyo ilaaha Muuse, wuuse illoobay.

  89. أَفَلَا يَرَوْنَ أَلَّا يَرْجِعُ إِلَيْهِمْ قَوْلًا وَلَا يَمْلِكُ لَهُمْ ضَرًّا وَلَا نَفْعًا۝٨٩

    Afala yarawna alla yarjiʿu ilayhim qawlan wala yamliku lahum darran wala nafʿan

    Miyeynan arkayn in aanu u soo celin kareyn kelmadna (wax jawaab ah), oo aanu u haynin dhib iyo dheef midna?.

  90. وَلَقَدْ قَالَ لَهُمْ هَـٰرُونُ مِن قَبْلُ يَـٰقَوْمِ إِنَّمَا فُتِنتُم بِهِۦ ۖ وَإِنَّ رَبَّكُمُ ٱلرَّحْمَـٰنُ فَٱتَّبِعُونِى وَأَطِيعُوٓا۟ أَمْرِى۝٩٠

    Walaqad qala lahum haroonu min qablu ya qawmi innama futintum bihi wainna rabbakumu alrrahmanu faittabiʿoonee waateeʿoo amree

    Wuxuuna ku yidhi Haaruun kal hore (intaanu soo laaban Muuse):Tolkayow! Waxaad tihiin kuwo uun lagu imtixaanay arrintani, Rabbigiinna waa Raxmaanka ee i soo raaca, adeecana amarkayga.

  91. قَالُوا۟ لَن نَّبْرَحَ عَلَيْهِ عَـٰكِفِينَ حَتَّىٰ يَرْجِعَ إِلَيْنَا مُوسَىٰ۝٩١

    Qaloo lan nabraha ʿalayhi ʿakifeena hatta yarjiʿa ilayna moosa

    Waxay yidhaahdeen: “Ma deyneyno caabudidda (dibiga) intuu nooga soo noqon Muuse.”

  92. قَالَ يَـٰهَـٰرُونُ مَا مَنَعَكَ إِذْ رَأَيْتَهُمْ ضَلُّوٓا۟۝٩٢

    Qala ya haroonu ma manaʿaka ith raaytahum dalloo

    (Muuse) wuxuu yidhi: Haaruunow! Maxaa kuu diiday markaad aragtay inay lumeen.

  93. أَلَّا تَتَّبِعَنِ ۖ أَفَعَصَيْتَ أَمْرِى۝٩٣

    Alla tattabiʿani afaʿasayta amree

    Inaad I soo raacdo (oo ka soo tagto)? Ma waxaad caasiday amarkaygii?.

  94. قَالَ يَبْنَؤُمَّ لَا تَأْخُذْ بِلِحْيَتِى وَلَا بِرَأْسِىٓ ۖ إِنِّى خَشِيتُ أَن تَقُولَ فَرَّقْتَ بَيْنَ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ وَلَمْ تَرْقُبْ قَوْلِى۝٩٤

    Qala ya bna omma la takhuth bilihyatee wala birasee innee khasheetu an taqoola farraqta bayna banee israeela walam tarqub qawlee

    (Haaruun) wuxuu yidhi: “Ina hooyow! Ha iga soo qaban garkeyga ama madaxeyga midkoodna. Anigu waxaan ka baqay inaad tidhaahdo: “Waxaad kala qaybisay ilmihii Israa’iil, mana aadan dhowrin (sugin) qowlkeyga.”

  95. قَالَ فَمَا خَطْبُكَ يَـٰسَـٰمِرِىُّ۝٩٥

    Qala fama khatbuka ya samiriyyu

    (Muuse) wuxuu yidhi: “Muxuu yahay xaalkaagu Saamiriyow?

  96. قَالَ بَصُرْتُ بِمَا لَمْ يَبْصُرُوا۟ بِهِۦ فَقَبَضْتُ قَبْضَةً مِّنْ أَثَرِ ٱلرَّسُولِ فَنَبَذْتُهَا وَكَذَٰلِكَ سَوَّلَتْ لِى نَفْسِى۝٩٦

    Qala basurtu bima lam yabsuroo bihi faqabadtu qabdatan min athari alrrasooli fanabathtuha wakathalika sawwalat lee nafsee

    Wuxuu yidhi: “Waxaan arkay wax aysan arag. Waxaana ka soo qaaatay sacab muggi (oo carro ah) raadkii Rasuulka1 (Faraskii Jabriil) oo aan ku tuuray2. Sidaasayna ii qurxisay nafteydu.

    Sharaxa hoose
    [1] Raadka Rasuulka waxaa loola jeedaa Raadka qoobka faraskii uu watay Jabriil c.s. Waxaa kaloo lagu fasiray Raadka Rasuulka:Risaaladii Rasuulka oo ah sharciga uu la yimid Muuse, inuu Saamiri isaga tagay sharcigaas. [2] Dabkii lagu riday alaabadii ay isku qurxin jireen reer Fircoon si aan uga sameeyo sawir dibi.
  97. قَالَ فَٱذْهَبْ فَإِنَّ لَكَ فِى ٱلْحَيَوٰةِ أَن تَقُولَ لَا مِسَاسَ ۖ وَإِنَّ لَكَ مَوْعِدًا لَّن تُخْلَفَهُۥ ۖ وَٱنظُرْ إِلَىٰٓ إِلَـٰهِكَ ٱلَّذِى ظَلْتَ عَلَيْهِ عَاكِفًا ۖ لَّنُحَرِّقَنَّهُۥ ثُمَّ لَنَنسِفَنَّهُۥ فِى ٱلْيَمِّ نَسْفًا۝٩٧

    Qala faithhab fainna laka fee alhayati an taqoola la misasa wainna laka mawʿidan lan tukhlafahu waonthur ila ilahika allathee thalta ʿalayhi ʿakifan lanuharriqannahu thumma lanansifannahu fee alyammi nasfan

    (Muuse) wuxuu yidhi: Tag oo naga fagow! Waxaa kuu sugnaaday noloshan inaad tidhaahdo: "Taabasho ma jirto"1, waxaa kaloo leedahay ballan aad dib uga dhici doonin (oo ah cadaabka Aakhiro). Eegna ilaah ku sheeggaagii aad in door ah dul joogtay ee aad caabudaysay. Waanu gubi (oo aanu ka dhigi dambas) aanu badda ku firdhinno oo waxba aanu ka hari doonin.’

    Sharaxa hoose
    [1] “ Ha i taabaannina” waa ciqaab ahaan adduunka, waayo waxaa la amray inay dadku u gooyaan si dhan oo waxba ku darsan. Aakhirona waxaa sugaya Naar olol badan.
  98. إِنَّمَآ إِلَـٰهُكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِى لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ وَسِعَ كُلَّ شَىْءٍ عِلْمًا۝٩٨

    Innama ilahukumu Allahu allathee la ilaha illa huwa wasiʿa kulla shayin ʿilman

    Ilaahiinnu waa oo keliya Allaah, ee aanu jirin Ilaah (xaq ah) oo aan Isaga ahayn. Wuxuu ku koobay wax walba Cilmi.

  99. كَذَٰلِكَ نَقُصُّ عَلَيْكَ مِنْ أَنۢبَآءِ مَا قَدْ سَبَقَ ۚ وَقَدْ ءَاتَيْنَـٰكَ مِن لَّدُنَّا ذِكْرًا۝٩٩

    Kathalika naqussu ʿalayka min anbai ma qad sabaqa waqad ataynaka min ladunna thikran

    Sidaasaan (Muxammadow) kuugu soo tebinnaa warar ka mid ah wixii horey u dhacay. Waxaanuna xaqiiq kaa siinnay Xaggayaga waano (Qur’aankan).

  100. مَّنْ أَعْرَضَ عَنْهُ فَإِنَّهُۥ يَحْمِلُ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ وِزْرًا۝١٠٠

    Man aʿrada ʿanhu fainnahu yahmilu yawma alqiyamati wizran

    Qofkii ka jeesta wuxuu xambaaran Maalinta Qiyaame culaab culus (denbi).

  101. خَـٰلِدِينَ فِيهِ ۖ وَسَآءَ لَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ حِمْلًا۝١٠١

    Khalideena feehi wasaa lahum yawma alqiyamati himlan

    Iyagoo ku dhex waari (cadaabka). Xumaa maalinta Qiyaamaha culaabka ay qaadi.

  102. يَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ ۚ وَنَحْشُرُ ٱلْمُجْرِمِينَ يَوْمَئِذٍ زُرْقًا۝١٠٢

    Yawma yunfakhu fee alssoori wanahshuru almujrimeena yawmaithin zurqan

    Maaalinta buunka la afuufi1, oo aan isu soo kulmin denbiilayaasha Maalintaa iyagoo indho cawlan2.

    Sharaxa hoose
    [1] Afuufka labaad, waana afuufka dadka ay ka soo bixi doonaan qubuurahooda iyagoo nool. [2] Cabsi darteed, ama macnaha waa iyagoo indha la’ waxba aan arkayn.
  103. يَتَخَـٰفَتُونَ بَيْنَهُمْ إِن لَّبِثْتُمْ إِلَّا عَشْرًا۝١٠٣

    Yatakhafatoona baynahum in labithtum illa ʿashran

    Iyagoo Hoos u wada hadlaya oo isku leh: Ma aydaan joogin waxaan aheyn toban (maalmood adduunka).”

  104. نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ إِذْ يَقُولُ أَمْثَلُهُمْ طَرِيقَةً إِن لَّبِثْتُمْ إِلَّا يَوْمًا۝١٠٤

    Nahnu aʿlamu bima yaqooloona ith yaqoolu amthaluhum tareeqatan in labithtum illa yawman

    Annagaa ka ogsoon waxay leeyihiin, marka kooda ugu jid wanaagsani odhan, “Ma aydaan joogin (adduunka) maalin mooyee.”

  105. وَيَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلْجِبَالِ فَقُلْ يَنسِفُهَا رَبِّى نَسْفًا۝١٠٥

    Wayasaloonaka ʿani aljibali faqul yansifuha rabbee nasfan

    Waxay wax kaa weydiin buuraha, dheh: Rabbigay baa baabbi’in isagoo ka dhigaya sida budo ciid ah.

  106. فَيَذَرُهَا قَاعًا صَفْصَفًا۝١٠٦

    Fayatharuha qaʿan safsafan

    Wuxuu ka yeeli (arladana) ban siman.

  107. لَّا تَرَىٰ فِيهَا عِوَجًا وَلَآ أَمْتًا۝١٠٧

    La tara feeha ʿiwajan wala amtan

    Aad ku dhex arkeyn meel hoosaysa ama sarreysa.”

  108. يَوْمَئِذٍ يَتَّبِعُونَ ٱلدَّاعِىَ لَا عِوَجَ لَهُۥ ۖ وَخَشَعَتِ ٱلْأَصْوَاتُ لِلرَّحْمَـٰنِ فَلَا تَسْمَعُ إِلَّا هَمْسًا۝١٠٨

    Yawmaithin yattabiʿoona alddaʿiya la ʿiwaja lahu wakhashaʿati alaswatu lilrrahmani fala tasmaʿu illa hamsan

    Maalintaas waxay iyagu (qof walbaa) raaci (dhawaaqa) dhawaaqaha isagoon leexleexasho lahayn. Waxayna ahaan codadka oo dhan kuwo kushuucsan Raxmaanka (Alle) horti, mana maqleysid waxaan aheyn shanqarta (socodkooda).

  109. يَوْمَئِذٍ لَّا تَنفَعُ ٱلشَّفَـٰعَةُ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحْمَـٰنُ وَرَضِىَ لَهُۥ قَوْلًا۝١٠٩

    Yawmaithin la tanfaʿu alshshafaʿatu illa man athina lahu alrrahmanu waradiya lahu qawlan

    Maalintaas shafeeco wax ma tarto, mid maahee uu Raxmaanku (Alle) u idmo oo uu ka raalli yahay hadalkiisa.

  110. يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلَا يُحِيطُونَ بِهِۦ عِلْمًا۝١١٠

    Yaʿlamu ma bayna aydeehim wama khalfahum wala yuheetoona bihi ʿilman

    Wuxuu (Alle) og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadhaashooda ah, Mase ku koobi karaan (waxa uu Og yahay) Cilmi.

  111. ۞ وَعَنَتِ ٱلْوُجُوهُ لِلْحَىِّ ٱلْقَيُّومِ ۖ وَقَدْ خَابَ مَنْ حَمَلَ ظُلْمًا۝١١١

    Waʿanati alwujoohu lilhayyi alqayyoomi waqad khaba man hamala thulman

    Waxay dhammaan wejiyadu u khushuuci (Allaah), Noolaha Daa’inka ah, Irsaaqaha iyo Maamulaha waxa uunka jira oo dhan. Waxaana khasaaray kii geystay dulmi1.

    Sharaxa hoose
    [1] Qofkii gef ka galay Alle ee yidhi wiil buu leeyahay ama ilmo ama ku tilmaamay sifad xun ama gef ka galay mid ka mid ah uumankiisa.
  112. وَمَن يَعْمَلْ مِنَ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَا يَخَافُ ظُلْمًا وَلَا هَضْمًا۝١١٢

    Waman yaʿmal mina alssalihati wahuwa muminun fala yakhafu thulman wala hadman

    Qofka se samo fala oo mu’min ah, ma ka cabsanayo dulmi loo geysto iyo wax loo dhimo midna.

  113. وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَـٰهُ قُرْءَانًا عَرَبِيًّا وَصَرَّفْنَا فِيهِ مِنَ ٱلْوَعِيدِ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ أَوْ يُحْدِثُ لَهُمْ ذِكْرًا۝١١٣

    Wakathalika anzalnahu quranan ʿarabiyyan wasarrafna feehi mina alwaʿeedi laʿallahum yattaqoona aw yuhdithu lahum thikran

    Sidaasaan kugu soo dejinnay Qur’aan af Carabi ah, oo ugu celcelinnay si cad digniiniha iyo gooddiyada, bal inay iska jiraan oo ka dhowrsadaan (shirkiga iyo xumaha kale), ama uu ku dhaliyo waantow.

  114. فَتَعَـٰلَى ٱللَّهُ ٱلْمَلِكُ ٱلْحَقُّ ۗ وَلَا تَعْجَلْ بِٱلْقُرْءَانِ مِن قَبْلِ أَن يُقْضَىٰٓ إِلَيْكَ وَحْيُهُۥ ۖ وَقُل رَّبِّ زِدْنِى عِلْمًا۝١١٤

    Fataʿala Allahu almaliku alhaqqu wala taʿjal bialqurani min qabli an yuqda ilayka wahyuhu waqul rabbi zidnee ʿilman

    Ee waxaa Sarreeya oo ka kor ah (dhammaan uumanka) Allaah, Boqorka Xaqa ah. Ee (Muxammadow) ha ku degdegin Qur'aanka (akhriskiisa) ka hor inta aan laguu dhammayn Waxyigiisa, oo dheh: “Rabbiyow ii kordhi cilmi.”

  115. وَلَقَدْ عَهِدْنَآ إِلَىٰٓ ءَادَمَ مِن قَبْلُ فَنَسِىَ وَلَمْ نَجِدْ لَهُۥ عَزْمًا۝١١٥

    Walaqad ʿahidna ila adama min qablu fanasiya walam najid lahu ʿazman

    Waxaan dhab ahaan la galnay ballan Aadam mar hore1, wuuse illoobay, kamana aanu helin go’aan adag.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa axdigaa lagu xusay Suuradda 2 Al-Baqara : Aayadda 35, wuxuuna Allaah halkan ku xusay inaan laga helin Aadam go’aan adag si uu uga hortago fidnada shaydaanka.
  116. وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَـٰٓئِكَةِ ٱسْجُدُوا۟ لِـَٔادَمَ فَسَجَدُوٓا۟ إِلَّآ إِبْلِيسَ أَبَىٰ۝١١٦

    Waith qulna lilmalaikati osjudoo liadama fasajadoo illa ibleesa aba

    (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, wayna sujuudeen (dhammaan) Ibliis maahee, wuu diiday.

  117. فَقُلْنَا يَـٰٓـَٔادَمُ إِنَّ هَـٰذَا عَدُوٌّ لَّكَ وَلِزَوْجِكَ فَلَا يُخْرِجَنَّكُمَا مِنَ ٱلْجَنَّةِ فَتَشْقَىٰٓ۝١١٧

    Faqulna ya adamu inna hatha ʿaduwwun laka walizawjika fala yukhrijannakuma mina aljannati fatashqa

    Waxaanu nidhi: Aadamow! Kani (Ibliis) waa kuu cadow adiga iyo xaaskaagaba. Ee yuusan idinka saarin Jannada, si aydaan u dhibtoon.

  118. إِنَّ لَكَ أَلَّا تَجُوعَ فِيهَا وَلَا تَعْرَىٰ۝١١٨

    Inna laka alla tajooʿa feeha wala taʿra

    Waxaa kuu sugnaaday halkaan inaadan ku gaajoon kuna arradin.

  119. وَأَنَّكَ لَا تَظْمَؤُا۟ فِيهَا وَلَا تَضْحَىٰ۝١١٩

    Waannaka la tathmao feeha wala tadha

    Oo aad ku harraadeyn, qorrax kulkeedna kugu dhaceyn.

  120. فَوَسْوَسَ إِلَيْهِ ٱلشَّيْطَـٰنُ قَالَ يَـٰٓـَٔادَمُ هَلْ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ ٱلْخُلْدِ وَمُلْكٍ لَّا يَبْلَىٰ۝١٢٠

    Fawaswasa ilayhi alshshaytanu qala ya adamu hal adulluka ʿala shajarati alkhuldi wamulkin la yabla

    Markaasuu shaydaan si hoose wax ugu sheegay, isagoo ku leh: “Aadamow! Ma ku tusaa geedka waaridda iyo boqortooyo aan dhammaaneyn?”

  121. فَأَكَلَا مِنْهَا فَبَدَتْ لَهُمَا سَوْءَٰتُهُمَا وَطَفِقَا يَخْصِفَانِ عَلَيْهِمَا مِن وَرَقِ ٱلْجَنَّةِ ۚ وَعَصَىٰٓ ءَادَمُ رَبَّهُۥ فَغَوَىٰ۝١٢١

    Faakala minha fabadat lahuma sawatuhuma watafiqa yakhsifani ʿalayhima min waraqi aljannati waʿasa adamu rabbahu faghawa

    Markaasay (Aadam iyo Xawwaa) wax ka cuneen (geedkii), saa waxaa u muuqday cawradoodii, waxayna billaabeen inay ku dhejiyaan (asturaan) korkooda caleemihii Jannada. Wuxuu Aadam ku caasiyey Rabbigi oo wuu habaabay1.

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa Suuradda 9 Al-Acraaf: Aayadda 19.
  122. ثُمَّ ٱجْتَبَـٰهُ رَبُّهُۥ فَتَابَ عَلَيْهِ وَهَدَىٰ۝١٢٢

    Thumma ijtabahu rabbuhu fataba ʿalayhi wahada

    Markaas waxaa doortay Rabbigiis wuuna ka tawbad aqbalay oo hanuuniyey.

  123. قَالَ ٱهْبِطَا مِنْهَا جَمِيعًۢا ۖ بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ ۖ فَإِمَّا يَأْتِيَنَّكُم مِّنِّى هُدًى فَمَنِ ٱتَّبَعَ هُدَاىَ فَلَا يَضِلُّ وَلَا يَشْقَىٰ۝١٢٣

    Qala ihbita minha jameeʿan baʿdukum libaʿdin ʿaduwwun faimma yatiyannakum minnee hudan famani ittabaʿa hudaya fala yadillu wala yashqa

    (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannadan) dhammaantiin, iyagoo qaarkiinba cadow u yahay qaar kale. Hadduu idiinka yimaado Xaggayga hanuun, qofkii raaca hanuunkayga ma ku lumayo (adduunkan), mana ku dar xumaanayo (Aakhirada).

  124. وَمَنْ أَعْرَضَ عَن ذِكْرِى فَإِنَّ لَهُۥ مَعِيشَةً ضَنكًا وَنَحْشُرُهُۥ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ أَعْمَىٰ۝١٢٤

    Waman aʿrada ʿan thikree fainna lahu maʿeeshatan dankan wanahshuruhu yawma alqiyamati aʿman

    Qofkii se ka jeesta Xuskayga (Qur’aankan) wuxuu mudan nolol adag oo cidhiidhi ah, waxaana la soo kulmin Maalinta Qiyaamaha isagoo indha la'.

  125. قَالَ رَبِّ لِمَ حَشَرْتَنِىٓ أَعْمَىٰ وَقَدْ كُنتُ بَصِيرًا۝١٢٥

    Qala rabbi lima hashartanee aʿma waqad kuntu baseeran

    Wuxuu odhan: Rabbiyow! Maxaad ii soo kulmisay (ii keentay Qiyaamada) anoo indha la’ anoo (hadda ka hor) wax arki jiray.

  126. قَالَ كَذَٰلِكَ أَتَتْكَ ءَايَـٰتُنَا فَنَسِيتَهَا ۖ وَكَذَٰلِكَ ٱلْيَوْمَ تُنسَىٰ۝١٢٦

    Qala kathalika atatka ayatuna fanaseetaha wakathalika alyawma tunsa

    (Alle) wuxuu odhan: Sidaasoo kale waxaa kuu yimid Aayadahayaga, waadse iska illowday (oo ka dan la’aatay), sidaas darteed Maanta, waxaa lagaaga tegi oo lagugu illoobi (Naarta).”

  127. وَكَذَٰلِكَ نَجْزِى مَنْ أَسْرَفَ وَلَمْ يُؤْمِنۢ بِـَٔايَـٰتِ رَبِّهِۦ ۚ وَلَعَذَابُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَشَدُّ وَأَبْقَىٰٓ۝١٢٧

    Wakathalika najzee man asrafa walam yumin biayati rabbihi walaʿathabu alakhirati ashaddu waabqa

    Sidaasaan ku abaal marinnaa ciddii xadgudubta oo aan rumeyn Aayadaha Rabbigii, cadaabka Aakhiro ayaana sii daran oo joogto daa'in ah.

  128. أَفَلَمْ يَهْدِ لَهُمْ كَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّنَ ٱلْقُرُونِ يَمْشُونَ فِى مَسَـٰكِنِهِمْ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّأُو۟لِى ٱلنُّهَىٰ۝١٢٨

    Afalam yahdi lahum kam ahlakna qablahum mina alqurooni yamshoona fee masakinihim inna fee thalika laayatin liolee alnnuha

    Miyaanay u caddaan intaan facyo hallignay iyaga hortood oo ay ku dul soc- daan guryahoodii? Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa leh caqliga fayow.

  129. وَلَوْلَا كَلِمَةٌ سَبَقَتْ مِن رَّبِّكَ لَكَانَ لِزَامًا وَأَجَلٌ مُّسَمًّى۝١٢٩

    Walawla kalimatun sabaqat min rabbika lakana lizaman waajalun musamman

    Haddayna jirin Kelmed hore oo ka soo fushay Rabbigaa, in dib loogu dhigo abaal marintooda maalin la yaqaan iyo ajal magacaabani waxaa ku waajibi laheyd1 'cadaab ku dhacda intay joogaan adduunka'.

    Sharaxa hoose
    [1] Alle wuxuu ku ciqaabi lahaa adduunkan sida uu u galayba dadkii hore.
  130. فَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ ٱلشَّمْسِ وَقَبْلَ غُرُوبِهَا ۖ وَمِنْ ءَانَآئِ ٱلَّيْلِ فَسَبِّحْ وَأَطْرَافَ ٱلنَّهَارِ لَعَلَّكَ تَرْضَىٰ۝١٣٠

    Faisbir ʿala ma yaqooloona wasabbih bihamdi rabbika qabla tulooʿi alshshamsi waqabla ghuroobiha wamin anai allayli fasabbih waatrafa alnnahari laʿallaka tarda

    Ee u samir waxay leeyihiin, oo ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor dhiciddeeda, oo (tuko) qaar ka mid ah saacadaha habeenka iyo dacallada maalinta si aad u raali noqoto.

  131. وَلَا تَمُدَّنَّ عَيْنَيْكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعْنَا بِهِۦٓ أَزْوَٰجًا مِّنْهُمْ زَهْرَةَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا لِنَفْتِنَهُمْ فِيهِ ۚ وَرِزْقُ رَبِّكَ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ۝١٣١

    Wala tamuddanna ʿaynayka ila ma mattaʿna bihi azwajan minhum zahrata alhayati alddunya linaftinahum feehi warizqu rabbika khayrun waabqa

    Ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaarkood (gaalada) ee quruxda nolosha adduunka ah si aan ugu imtixaanno, risiqa Rabbigaa (Jannada gudaheeda) baana ka khayr badan (waxaa adduunka lagu siiyey) oo ka daa’in san.

  132. وَأْمُرْ أَهْلَكَ بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱصْطَبِرْ عَلَيْهَا ۖ لَا نَسْـَٔلُكَ رِزْقًا ۖ نَّحْنُ نَرْزُقُكَ ۗ وَٱلْعَـٰقِبَةُ لِلتَّقْوَىٰ۝١٣٢

    Wamur ahlaka bialssalati waistabir ʿalayha la nasaluka rizqan nahnu narzuquka waalʿaqibatu lilttaqwa

    Ku amar salaadda ehelkaaga, oo u samir yeelo gudashada (salaadaha) kuma weydiisaneyno risiq; Annagaa ku irsaaqi. Cidhibta wanaagsan (ee Jannada) waxaa leh kuwa Alle ka cabsada ee ka dhowrsada (xumaha).

  133. وَقَالُوا۟ لَوْلَا يَأْتِينَا بِـَٔايَةٍ مِّن رَّبِّهِۦٓ ۚ أَوَلَمْ تَأْتِهِم بَيِّنَةُ مَا فِى ٱلصُّحُفِ ٱلْأُولَىٰ۝١٣٣

    Waqaloo lawla yateena biayatin min rabbihi awalam tatihim bayyinatu ma fee alssuhufi aloola

    Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Muxuu (Muxammad) noogu keeni waayey calaamo (mucjiso) xagga Rabbigii ah?” Miyaanay u imaan maraggii (ku sugnaa) Kutubtii hore (ee ku saabsanaa imaanshaha Nabiga Muxammad).

  134. وَلَوْ أَنَّآ أَهْلَكْنَـٰهُم بِعَذَابٍ مِّن قَبْلِهِۦ لَقَالُوا۟ رَبَّنَا لَوْلَآ أَرْسَلْتَ إِلَيْنَا رَسُولًا فَنَتَّبِعَ ءَايَـٰتِكَ مِن قَبْلِ أَن نَّذِلَّ وَنَخْزَىٰ۝١٣٤

    Walaw anna ahlaknahum biʿathabin min qablihi laqaloo rabbana lawla arsalta ilayna rasoolan fanattabiʿa ayatika min qabli an nathilla wanakhza

    Haddaan ku halaagi laheyn cadaab isaga ka hor1, waxay odhan lahaayeen: Rabbigayow! Maxaad noogu soo diri weydey Rasuul si aan u raacno Aayadahaa- ga, ka hor dullowga iyo dufowgannaga.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa Nabi Muxammad s.c.w. . waxaa sidoo kale lagu fasiray weedha : Isaga hortiis” in loola jeedo Qur’aanka.
  135. قُلْ كُلٌّ مُّتَرَبِّصٌ فَتَرَبَّصُوا۟ ۖ فَسَتَعْلَمُونَ مَنْ أَصْحَـٰبُ ٱلصِّرَٰطِ ٱلسَّوِىِّ وَمَنِ ٱهْتَدَىٰ۝١٣٥

    Qul kullun mutarabbisun fatarabbasoo fasataʿlamoona man ashabu alssirati alssawiyyi wamani ihtada

    Dheh: Mid walba oo naga mid ah wax buu sugayaaye, ee suga1. Waadna ogaan doontaan waa kuwama kuwa ku taagan Jidka Toosan iyo kuwa hanuunsan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxa ka soo baxa arrinkan oo uu ku dhammaado.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Suuradda Daahaa juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Daahaa waxay ku jirtaa juz’ 16.

Suuradda Daahaa immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Daahaa waxay leedahay 135 aayadood.

Suuradda Daahaa ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Daahaa waa suurad Makki ah.

Suuradda Daahaa waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 20aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.