سورة مريم

Suuradda Maryam oo af Soomaali ah

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Maryam (مريم) waa suuradda 19aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 98 aayadood. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 16.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Maryam oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Maryam oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. كٓهيعٓصٓ۝١

    Kafhayaʿaynsad

    Kaaf. Haa.Yaa. Cayn. Saad1.

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqara: Aayadda 1.
  2. ذِكْرُ رَحْمَتِ رَبِّكَ عَبْدَهُۥ زَكَرِيَّآ۝٢

    Thikru rahmati rabbika ʿabdahu zakariyya

    (Kani waa) xusid Naxariista Rabbigaa (u naxariistay) addoonkiisii Zakariya.

  3. إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُۥ نِدَآءً خَفِيًّا۝٣

    Ith nada rabbahu nidaan khafiyyan

    Markuu u dhawaaqay Rabbigi dhawaaq qarsoodi ah (oo Alle bari ah).

  4. قَالَ رَبِّ إِنِّى وَهَنَ ٱلْعَظْمُ مِنِّى وَٱشْتَعَلَ ٱلرَّأْسُ شَيْبًا وَلَمْ أَكُنۢ بِدُعَآئِكَ رَبِّ شَقِيًّا۝٤

    Qala rabbi innee wahana alʿathmu minnee waishtaʿala alrrasu shayban walam akun biduʿaika rabbi shaqiyyan

    Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, anigu way daciifeen lafahaygii filweyni darteed, madaxeyguna wuxuu la wada huray (caddaaday) cirro, mana ahi baryadayda aan ku baryo Rabbiyow mid ku hungooba.

  5. وَإِنِّى خِفْتُ ٱلْمَوَٰلِىَ مِن وَرَآءِى وَكَانَتِ ٱمْرَأَتِى عَاقِرًا فَهَبْ لِى مِن لَّدُنكَ وَلِيًّا۝٥

    Wainnee khiftu almawaliya min waraee wakanati imraatee ʿaqiran fahab lee min ladunka waliyyan

    Waxaana u cabsan xigtada1 iga dambeysa (inay xumaadaan), marwadeyduna waa ma dhaleys. Ee iga sii Xaggaaga wali 'walad'2.

    Sharaxa hoose
    [1] Qaraabada dhinaca aabbaha ah [2] Si uu u dhaxlo xilka diinta, cilmiga, iyo hoggaaminta reer Israa’iil.
  6. يَرِثُنِى وَيَرِثُ مِنْ ءَالِ يَعْقُوبَ ۖ وَٱجْعَلْهُ رَبِّ رَضِيًّا۝٦

    Yarithunee wayarithu min ali yaʿqooba waijʿalhu rabbi radiyyan

    I dhaxla1, dhaxlana reer Yacquub oo ka yeel Rabbiyow midaad ka raalli tahay.

    Sharaxa hoose
    [1] Iga dhaxla cilmiga diinta iyo Nabinnimada ee loola ma jeedo maalka, waayo anbiyadu lagama dhaxlo maal adduunyo, waxay ka tagaan oo maal ahna waa sadaqo.
  7. يَـٰزَكَرِيَّآ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَـٰمٍ ٱسْمُهُۥ يَحْيَىٰ لَمْ نَجْعَل لَّهُۥ مِن قَبْلُ سَمِيًّا۝٧

    Ya zakariyya inna nubashshiruka bighulamin ismuhu yahya lam najʿal lahu min qablu samiyyan

    (Waxaa lagu yidhi): “Zakariyow! Waxaannu kuugu bishaaaraynaynaa wiil magaciisu yahay Yaxyaa. Ma aanu u yeelin horey wax la magac ah.

  8. قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِى غُلَـٰمٌ وَكَانَتِ ٱمْرَأَتِى عَاقِرًا وَقَدْ بَلَغْتُ مِنَ ٱلْكِبَرِ عِتِيًّا۝٨

    Qala rabbi anna yakoonu lee ghulamun wakanati imraatee ʿaqiran waqad balaghtu mina alkibari ʿitiyyan

    Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, sidee baan u yeelan wiil iyadoo haweenteydu tahay ma dhalays,aniguna ka gaaray weynida gabow.

  9. قَالَ كَذَٰلِكَ قَالَ رَبُّكَ هُوَ عَلَىَّ هَيِّنٌ وَقَدْ خَلَقْتُكَ مِن قَبْلُ وَلَمْ تَكُ شَيْـًٔا۝٩

    Qala kathalika qala rabbuka huwa ʿalayya hayyinun waqad khalaqtuka min qablu walam taku shayan

    (Malaggii) baa yidhi: Sidaas (bay ahaan). Rabbigaa wuxuu yidhi1: Waa ii fududdahay. Waayo, waxaan ku abuuray kolkii horeba adigoon waxba ahayn.

    Sharaxa hoose
    [1] Alle Subxaanahu watacaalaa uu u soo faray malaa’igta.
  10. قَالَ رَبِّ ٱجْعَل لِّىٓ ءَايَةً ۚ قَالَ ءَايَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ ٱلنَّاسَ ثَلَـٰثَ لَيَالٍ سَوِيًّا۝١٠

    Qala rabbi ijʿal lee ayatan qala ayatuka alla tukallima alnnasa thalatha layalin sawiyyan

    (Zakariya) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii yeel calaamo.” Wuxuu yidhi: “Calaamad- daadu waa inaadan la hadli kareyn dadka saddex 'maalmood iyo' habeenno adigoo fayow.”

  11. فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوْمِهِۦ مِنَ ٱلْمِحْرَابِ فَأَوْحَىٰٓ إِلَيْهِمْ أَن سَبِّحُوا۟ بُكْرَةً وَعَشِيًّا۝١١

    Fakharaja ʿala qawmihi mina almihrabi faawha ilayhim an sabbihoo bukratan waʿashiyyan

    Markaasuu uga soo baxay qolodiisii mixraabka, oo u tilmaamay inay (Alle) u tasbiixsadaan (ka hufaan ceeb iyo nuqsaan) oo xusaan subax iyo galabba.

  12. يَـٰيَحْيَىٰ خُذِ ٱلْكِتَـٰبَ بِقُوَّةٍ ۖ وَءَاتَيْنَـٰهُ ٱلْحُكْمَ صَبِيًّا۝١٢

    Ya yahya khuthi alkitaba biquwwatin waataynahu alhukma sabiyyan

    (Waa' dambe, Alle Wuxuu yidhi): "Yaxyow! Ku qaado Kitaabka (Towraadda) go’aan adag.” Waxaanuna siinnay fahan iyo xikmad isagoo yar.

  13. وَحَنَانًا مِّن لَّدُنَّا وَزَكَوٰةً ۖ وَكَانَ تَقِيًّا۝١٣

    Wahananan min ladunna wazakatan wakana taqiyyan

    iyo maxabbad Xaggayaga ah iyo daahir ahaansho. Wuxuu ahaa mid ka cabsada Alle oo ka dhowrsada xumaha.

  14. وَبَرًّۢا بِوَٰلِدَيْهِ وَلَمْ يَكُن جَبَّارًا عَصِيًّا۝١٤

    Wabarran biwalidayhi walam yakun jabbaran ʿasiyyan

    Baarri u ah labadiisa waalid, ma aheyn macangag aan wax maqlin 'caasi ah'.

  15. وَسَلَـٰمٌ عَلَيْهِ يَوْمَ وُلِدَ وَيَوْمَ يَمُوتُ وَيَوْمَ يُبْعَثُ حَيًّا۝١٥

    Wasalamun ʿalayhi yawma wulida wayawma yamootu wayawma yubʿathu hayyan

    Nabad korkiisa ha ahaato maalintuu dhashay, iyo maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool.

  16. وَٱذْكُرْ فِى ٱلْكِتَـٰبِ مَرْيَمَ إِذِ ٱنتَبَذَتْ مِنْ أَهْلِهَا مَكَانًا شَرْقِيًّا۝١٦

    Waothkur fee alkitabi maryama ithi intabathat min ahliha makanan sharqiyyan

    Ku xus Kitaabka Qur’aanka (qisadii) Maryam, markay uga fogaatay ehelkeeda meel dhanka bari ah (bariga Qudus).

  17. فَٱتَّخَذَتْ مِن دُونِهِمْ حِجَابًا فَأَرْسَلْنَآ إِلَيْهَا رُوحَنَا فَتَمَثَّلَ لَهَا بَشَرًا سَوِيًّا۝١٧

    Faittakhathat min doonihim hijaban faarsalna ilayha roohana fatamaththala laha basharan sawiyyan

    Waxay yeelatay daah (ay iskaga asturto); Markaasaan u soo dirnay Malaggayaga (Jabriil) oo isaga soo dhigay qof Aadmi ah oo dhan.

  18. قَالَتْ إِنِّىٓ أَعُوذُ بِٱلرَّحْمَـٰنِ مِنكَ إِن كُنتَ تَقِيًّا۝١٨

    Qalat innee aʿoothu bialrrahmani minka in kunta taqiyyan

    (Maryam) waxay tidhi: Anigu Waxaan kaa magan galay Naxariistaha (Alle, ee iga dheerow) haddaad tahay mid dhowrsada.

  19. قَالَ إِنَّمَآ أَنَا۠ رَسُولُ رَبِّكِ لِأَهَبَ لَكِ غُلَـٰمًا زَكِيًّا۝١٩

    Qala innama ana rasoolu rabbiki liahaba laki ghulaman zakiyyan

    (Malaggii) wuxuu yidhi: Anigu Waxaan ahay uun Rasuulka Rabbigaa si aan (kuu ogeysiiyo) siismada wiil daahir ah.

  20. قَالَتْ أَنَّىٰ يَكُونُ لِى غُلَـٰمٌ وَلَمْ يَمْسَسْنِى بَشَرٌ وَلَمْ أَكُ بَغِيًّا۝٢٠

    Qalat anna yakoonu lee ghulamun walam yamsasnee basharun walam aku baghiyyan

    (Maryam) waxay tidhi: “Sidee baan u yeelan wiil, anigoo uusan nin i taaban, aniguna ma ahi zaaniyad?

  21. قَالَ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ هُوَ عَلَىَّ هَيِّنٌ ۖ وَلِنَجْعَلَهُۥٓ ءَايَةً لِّلنَّاسِ وَرَحْمَةً مِّنَّا ۚ وَكَانَ أَمْرًا مَّقْضِيًّا۝٢١

    Qala kathaliki qala rabbuki huwa ʿalayya hayyinun walinajʿalahu ayatan lilnnasi warahmatan minna wakana amran maqdiyyan

    (Malaggii) wuxuu yidhi: “Waa sidaas', Rabbigaa Wuxuu yidhi: "Waa ii fududdahay, waxaana uga yeeli calaamad dadka iyo naxariiis Xaggayaga ah, waana arrin (horay) loo xukumay (gooyey)".

  22. ۞ فَحَمَلَتْهُ فَٱنتَبَذَتْ بِهِۦ مَكَانًا قَصِيًّا۝٢٢

    Fahamalathu faintabathat bihi makanan qasiyyan

    Markaasay uur qaadday, waxayna ula fogaatay meel dheer (Beytlaxam oo Qudus u jirta 10km).

  23. فَأَجَآءَهَا ٱلْمَخَاضُ إِلَىٰ جِذْعِ ٱلنَّخْلَةِ قَالَتْ يَـٰلَيْتَنِى مِتُّ قَبْلَ هَـٰذَا وَكُنتُ نَسْيًا مَّنسِيًّا۝٢٣

    Faajaaha almakhadu ila jithʿi alnnakhlati qalat ya laytanee mittu qabla hatha wakuntu nasyan mansiyyan

    Wuxuu keenay xanuunkii foosha geed timir ah jiriddiisa. Waxay tidhi:“Alla haddaan dhiman lahaa waxaan ka hor, oo aan ahaan lahaa mid la halmaamo oo la waayo araggeeda”.

  24. فَنَادَىٰهَا مِن تَحْتِهَآ أَلَّا تَحْزَنِى قَدْ جَعَلَ رَبُّكِ تَحْتَكِ سَرِيًّا۝٢٤

    Fanadaha min tahtiha alla tahzanee qad jaʿala rabbuki tahtaki sariyyan

    Markaasuu uga dhawaaqay1 meel ka hooseysa: “Ha murugoon! Rabbigaa Wuxuu yeelay hoostaada biyo durdur ah.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa jira kala duwanaan xagga aragtida ah in odhaahdaa: “Wuxuuse uga dhawaaqay meel ka hooseysa ” uu yidhi ilmaha ay dhashay (Ciise) ama malag Jabriil.
  25. وَهُزِّىٓ إِلَيْكِ بِجِذْعِ ٱلنَّخْلَةِ تُسَـٰقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا۝٢٥

    Wahuzzee ilayki bijithʿi alnnakhlati tusaqit ʿalayki rutaban janiyyan

    U soo rux-rux xaggaaga jirridda geedka timirta, wuxuu kuu soo daadin timir cusub oo bisil -

  26. فَكُلِى وَٱشْرَبِى وَقَرِّى عَيْنًا ۖ فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ ٱلْبَشَرِ أَحَدًا فَقُولِىٓ إِنِّى نَذَرْتُ لِلرَّحْمَـٰنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ ٱلْيَوْمَ إِنسِيًّا۝٢٦

    Fakulee waishrabee waqarree ʿaynan faimma tarayinna mina albashari ahadan faqoolee innee nathartu lilrrahmani sawman falan okallima alyawma insiyyan

    Cun oo cab il qabowsona, haddaad aragto cid uun dadka ka mid ah, dheh: Waxaan anigu u nidray Naxariistaha (Alle) soon (af qabsi), marka lama hadlayo maanta cidna aadmi ah.”

  27. فَأَتَتْ بِهِۦ قَوْمَهَا تَحْمِلُهُۥ ۖ قَالُوا۟ يَـٰمَرْيَمُ لَقَدْ جِئْتِ شَيْـًٔا فَرِيًّا۝٢٧

    Faatat bihi qawmaha tahmiluhu qaloo ya maryamu laqad jiti shayan fariyyan

    Waxay ula timid (Ciise) dadkeedii, iyadoo xambaarsan. Waxay yidhaahdeen: “Maryameey, Waxaad la timid wax weyn.

  28. يَـٰٓأُخْتَ هَـٰرُونَ مَا كَانَ أَبُوكِ ٱمْرَأَ سَوْءٍ وَمَا كَانَتْ أُمُّكِ بَغِيًّا۝٢٨

    Ya okhta haroona ma kana abooki imraa sawin wama kanat ommuki baghiyyan

    Haaruun Walaashiiseey, aabbahaa ma ahayn nin xun, mana ahayn hooyadaa zaaniyad.”

  29. فَأَشَارَتْ إِلَيْهِ ۖ قَالُوا۟ كَيْفَ نُكَلِّمُ مَن كَانَ فِى ٱلْمَهْدِ صَبِيًّا۝٢٩

    Faasharat ilayhi qaloo kayfa nukallimu man kana fee almahdi sabiyyan

    Waxay u tilmaantay (wiilka) xaggiisa. Waxay yidhaahdeen, “Sidee baan ula hadleynaa mid dhabta lagu hayoo ilmo yaroo dhashay ah"?

  30. قَالَ إِنِّى عَبْدُ ٱللَّهِ ءَاتَىٰنِىَ ٱلْكِتَـٰبَ وَجَعَلَنِى نَبِيًّا۝٣٠

    Qala innee ʿabdu Allahi ataniya alkitaba wajaʿalanee nabiyyan

    (Ciise) wuxuu yidhi: "Anigu waxaan ahay addoon Alle, wuxuu i siin Kitaab (Injiil) oo uu iga yeeli Nabi;”

  31. وَجَعَلَنِى مُبَارَكًا أَيْنَ مَا كُنتُ وَأَوْصَـٰنِى بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱلزَّكَوٰةِ مَا دُمْتُ حَيًّا۝٣١

    Wajaʿalanee mubarakan ayna ma kuntu waawsanee bialssalati waalzzakati ma dumtu hayyan

    Wuxuuna iga yeelay mid barakaysan meel aan joogaba, oo ii dardaarmay inaan oogo salaadda oo bixiyo Zakada intaan noolahay.”

  32. وَبَرًّۢا بِوَٰلِدَتِى وَلَمْ يَجْعَلْنِى جَبَّارًا شَقِيًّا۝٣٢

    Wabarran biwalidatee walam yajʿalnee jabbaran shaqiyyan

    Iyo inaan baarri u ahaado hooyaday, igamana dhigin macangag, khayr daran.

  33. وَٱلسَّلَـٰمُ عَلَىَّ يَوْمَ وُلِدتُّ وَيَوْمَ أَمُوتُ وَيَوْمَ أُبْعَثُ حَيًّا۝٣٣

    Waalssalamu ʿalayya yawma wulidtu wayawma amootu wayawma obʿathu hayyan

    Nabadi ha ahaato korkayga maalintaan dhashay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta la i soo bixin anoo nool”.

  34. ذَٰلِكَ عِيسَى ٱبْنُ مَرْيَمَ ۚ قَوْلَ ٱلْحَقِّ ٱلَّذِى فِيهِ يَمْتَرُونَ۝٣٤

    Thalika ʿeesa ibnu maryama qawla alhaqqi allathee feehi yamtaroona

    Kaasi waa Ciise ina Maryam, Qowlka Xaqa ah oo ay ka shakisan yihiin (kana ay doodi).

  35. مَا كَانَ لِلَّهِ أَن يَتَّخِذَ مِن وَلَدٍ ۖ سُبْحَـٰنَهُۥٓ ۚ إِذَا قَضَىٰٓ أَمْرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ۝٣٥

    Ma kana lillahi an yattakhitha min waladin subhanahu itha qada amran fainnama yaqoolu lahu kun fayakoonu

    Kuma habboona Alle inuu yeesho wiil (ilmo). Subxaanah (wuu ka hufan yahay nuqsaan). markuu arrin gooyo, wuxuu uun ku yidhaahdaa “Ahaw!” waana uu yahay.

  36. وَإِنَّ ٱللَّهَ رَبِّى وَرَبُّكُمْ فَٱعْبُدُوهُ ۚ هَـٰذَا صِرَٰطٌ مُّسْتَقِيمٌ۝٣٦

    Wainna Allaha rabbee warabbukum faoʿbudoohu hatha siratun mustaqeemun

    (Ciise wuxuu yidhi): “Xaqiiqna Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiinba. Ee caabuda Isagoo Keliya, kan baa ah Jid Toosan.

  37. فَٱخْتَلَفَ ٱلْأَحْزَابُ مِنۢ بَيْنِهِمْ ۖ فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن مَّشْهَدِ يَوْمٍ عَظِيمٍ۝٣٧

    Faikhtalafa alahzabu min baynihim fawaylun lillatheena kafaroo min mashhadi yawmin ʿatheemin

    Wayse is khilaafeen xisbiyadii dhexdoo- da (xagga Ciise), ee hoog bay leeyihiin kuwa gaalooba ka soo gaadhi kulan Maalin weyn.

  38. أَسْمِعْ بِهِمْ وَأَبْصِرْ يَوْمَ يَأْتُونَنَا ۖ لَـٰكِنِ ٱلظَّـٰلِمُونَ ٱلْيَوْمَ فِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ۝٣٨

    Asmiʿ bihim waabsir yawma yatoonana lakini alththalimoona alyawma fee dalalin mubeenin

    Wax maqli ogaa oo arki ogaa Maalinta la keenayo Hortayada! Daalimiintu se maanta waxay ku sugan yihiin habow cad.

  39. وَأَنذِرْهُمْ يَوْمَ ٱلْحَسْرَةِ إِذْ قُضِىَ ٱلْأَمْرُ وَهُمْ فِى غَفْلَةٍ وَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ۝٣٩

    Waanthirhum yawma alhasrati ith qudiya alamru wahum fee ghaflatin wahum la yuminoona

    Uga dig Maalinta qoomamada, marka arrinka la gooyo, haddase dhoohnaan baa heysa, mana rumeeyaan (Xaqa).

  40. إِنَّا نَحْنُ نَرِثُ ٱلْأَرْضَ وَمَنْ عَلَيْهَا وَإِلَيْنَا يُرْجَعُونَ۝٤٠

    Inna nahnu narithu alarda waman ʿalayha wailayna yurjaʿoona

    Waa Annaga (Allaah) kuwa dhaxli arlada iyo waxa korkeeda joogaba. Xaggaygaana laydiin soo celin.

  41. وَٱذْكُرْ فِى ٱلْكِتَـٰبِ إِبْرَٰهِيمَ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ صِدِّيقًا نَّبِيًّا۝٤١

    Waothkur fee alkitabi ibraheema innahu kana siddeeqan nabiyyan

    Ku xus Kitaabka Qur’aanka (Qisadii) Ibraahiim. Wuxuu ahaa run badne, Nabi ah.

  42. إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ يَـٰٓأَبَتِ لِمَ تَعْبُدُ مَا لَا يَسْمَعُ وَلَا يُبْصِرُ وَلَا يُغْنِى عَنكَ شَيْـًٔا۝٤٢

    Ith qala liabeehi ya abati lima taʿbudu ma la yasmaʿu wala yubsiru wala yughnee ʿanka shayan

    (Xus) markuu ku yidhi aabbihiis: Aabbow! Maxaad u caabudi waxaan wax maqleyn, waxna arkeyn waxnana ku tari karin.

  43. يَـٰٓأَبَتِ إِنِّى قَدْ جَآءَنِى مِنَ ٱلْعِلْمِ مَا لَمْ يَأْتِكَ فَٱتَّبِعْنِىٓ أَهْدِكَ صِرَٰطًا سَوِيًّا۝٤٣

    Ya abati innee qad jaanee mina alʿilmi ma lam yatika faittabiʿnee ahdika siratan sawiyyan

    Aabbow! Aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan kuu imaan. Ee i raac waxaan kugu hanuunin Jid Toosan (Islaamka).

  44. يَـٰٓأَبَتِ لَا تَعْبُدِ ٱلشَّيْطَـٰنَ ۖ إِنَّ ٱلشَّيْطَـٰنَ كَانَ لِلرَّحْمَـٰنِ عَصِيًّا۝٤٤

    Ya abati la taʿbudi alshshaytana inna alshshaytana kana lilrrahmani ʿasiyyan

    Aabbow! Ha caabudin (adeecin) shaydaan. Xaqiiq, Shaydaanku waa mid abad Raxmaanka ku caasi ah.

  45. يَـٰٓأَبَتِ إِنِّىٓ أَخَافُ أَن يَمَسَّكَ عَذَابٌ مِّنَ ٱلرَّحْمَـٰنِ فَتَكُونَ لِلشَّيْطَـٰنِ وَلِيًّا۝٤٥

    Ya abati innee akhafu an yamassaka ʿathabun mina alrrahmani fatakoona lilshshyatani waliyyan

    Aabbow! Anigu waxaan ka cabsan inuu kaa taabto cadaab xagga Raxmaanka, markaas aad u noqoto shaydaanka rafiiq (Naarta gudaheeda).

  46. قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنْ ءَالِهَتِى يَـٰٓإِبْرَٰهِيمُ ۖ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ لَأَرْجُمَنَّكَ ۖ وَٱهْجُرْنِى مَلِيًّا۝٤٦

    Qala araghibun anta ʿan alihatee ya ibraheemu lain lam tantahi laarjumannaka waohjurnee maliyyan

    Wuxuu (aabbihii) yidhi: “Ma waxaad nici ilaahyadayada, Ibraahiimow? Haddaad ka harin (waxakani), waan ku dhagaxyeyn. Ee iga dheerow in muddo ah.

  47. قَالَ سَلَـٰمٌ عَلَيْكَ ۖ سَأَسْتَغْفِرُ لَكَ رَبِّىٓ ۖ إِنَّهُۥ كَانَ بِى حَفِيًّا۝٤٧

    Qala salamun ʿalayka saastaghfiru laka rabbee innahu kana bee hafiyyan

    (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Nabad korkaada ha ahaato! Waxaan kaaga baryi denbi Dhaaf Rabbigay. Hubaal, waa Mid ii Roonaan Badane.

  48. وَأَعْتَزِلُكُمْ وَمَا تَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَأَدْعُوا۟ رَبِّى عَسَىٰٓ أَلَّآ أَكُونَ بِدُعَآءِ رَبِّى شَقِيًّا۝٤٨

    Waaʿtazilukum wama tadʿoona min dooni Allahi waadʿoo rabbee ʿasa alla akoona biduʿai rabbee shaqiyyan

    Waana idinka fogaan idinka iyo waxa aad caabuddaanba Alle sokadi. Waxaan baryi Rabbigay (Allaah Keliya); Waxaan rajeyn inaanan noqon mid baryada Rabbigay ku hungooba”.

  49. فَلَمَّا ٱعْتَزَلَهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَهَبْنَا لَهُۥٓ إِسْحَـٰقَ وَيَعْقُوبَ ۖ وَكُلًّا جَعَلْنَا نَبِيًّا۝٤٩

    Falamma iʿtazalahum wama yaʿbudoona min dooni Allahi wahabna lahu ishaqa wayaʿqooba wakullan jaʿalna nabiyyan

    Markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi Alle sokadi, waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waxaan ka yeelnay Nabi.

  50. وَوَهَبْنَا لَهُم مِّن رَّحْمَتِنَا وَجَعَلْنَا لَهُمْ لِسَانَ صِدْقٍ عَلِيًّا۝٥٠

    Wawahabna lahum min rahmatina wajaʿalna lahum lisana sidqin ʿaliyyan

    Waxaana ka siinnay Naxariistayada (khayr iyo riziq badan), oo u yeelnay ammaan run ah oo sarreysa.

  51. وَٱذْكُرْ فِى ٱلْكِتَـٰبِ مُوسَىٰٓ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ مُخْلَصًا وَكَانَ رَسُولًا نَّبِيًّا۝٥١

    Waothkur fee alkitabi moosa innahu kana mukhlasan wakana rasoolan nabiyyan

    Ku xus Ktiaabka (Qur’aanka) Muuse. Wuxuu ahaa daacad, Rasuul Nabi ah1.

    Sharaxa hoose
    [1] Rasuul waa midka Alle u xil saaro inuu hanuuniyo dadka oo gaarsiiyo Fartiintiisa, halka Nabi loola jeedo midka ka hela Waxyi xagga Alle aanse la amrin inuu dadka gaarsiiyo, anbiyada baana ka badan Rususha.
  52. وَنَـٰدَيْنَـٰهُ مِن جَانِبِ ٱلطُّورِ ٱلْأَيْمَنِ وَقَرَّبْنَـٰهُ نَجِيًّا۝٥٢

    Wanadaynahu min janibi alttoori alaymani waqarrabnahu najiyyan

    Waxaan uga dhawaaqnay dhinaca Buurta ee midigta ah1, oo soo dhoweynay innagoo la faqeyna.

    Sharaxa hoose
    [1] Buurta Siinaay.
  53. وَوَهَبْنَا لَهُۥ مِن رَّحْمَتِنَآ أَخَاهُ هَـٰرُونَ نَبِيًّا۝٥٣

    Wawahabna lahu min rahmatina akhahu haroona nabiyyan

    Waxaana ka siinnay Naxariistayada walaalkii Haaruun oo Nabi ah.

  54. وَٱذْكُرْ فِى ٱلْكِتَـٰبِ إِسْمَـٰعِيلَ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ صَادِقَ ٱلْوَعْدِ وَكَانَ رَسُولًا نَّبِيًّا۝٥٤

    Waothkur fee alkitabi ismaʿeela innahu kana sadiqa alwaʿdi wakana rasoolan nabiyyan

    Ku xus Kitaabka (Qur’aanka) Ismaaciil. Wuxuu ahaa mid ka rumeeya ballanka uu galo, wuxuuna ahaa Rasuul Nabi ah.

  55. وَكَانَ يَأْمُرُ أَهْلَهُۥ بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱلزَّكَوٰةِ وَكَانَ عِندَ رَبِّهِۦ مَرْضِيًّا۝٥٥

    Wakana yamuru ahlahu bialssalati waalzzakati wakana ʿinda rabbihi mardiyyan

    Wuxuu amri jiray ehelkiisa Salaadda iyo Sakada, wuxuuna ahaa mid Rabbigiis Raalli ka yahay.

  56. وَٱذْكُرْ فِى ٱلْكِتَـٰبِ إِدْرِيسَ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ صِدِّيقًا نَّبِيًّا۝٥٦

    Waothkur fee alkitabi idreesa innahu kana siddeeqan nabiyyan

    Kuna xus Kitaabka (Qur’aanka) Idriis. Wuxuu ahaa run badane Nabi ah.

  57. وَرَفَعْنَـٰهُ مَكَانًا عَلِيًّا۝٥٧

    Warafaʿnahu makanan ʿaliyyan

    Waxaan kor ugu qaadnay meel sare.

  58. أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ أَنْعَمَ ٱللَّهُ عَلَيْهِم مِّنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مِن ذُرِّيَّةِ ءَادَمَ وَمِمَّنْ حَمَلْنَا مَعَ نُوحٍ وَمِن ذُرِّيَّةِ إِبْرَٰهِيمَ وَإِسْرَٰٓءِيلَ وَمِمَّنْ هَدَيْنَا وَٱجْتَبَيْنَآ ۚ إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَـٰتُ ٱلرَّحْمَـٰنِ خَرُّوا۟ سُجَّدًا وَبُكِيًّا ۩۝٥٨

    Olaika allatheena anʿama Allahu ʿalayhim mina alnnabiyyeena min thurriyyati adama wamimman hamalna maʿa noohin wamin thurriyyati ibraheema waisraeela wamimman hadayna waijtabayna itha tutla ʿalayhim ayatu alrrahmani kharroo sujjadan wabukiyyan

    Kuwaas waa kuwuu Alle u nicmeeyey oo Nabiyadii ah, durriyadii Aadam, iyo kuwa aan kula qaadnay (Doonnida) Nuux, iyo durriyadii Ibraahiim iyo Israa’iil (Yacquub) iyo kuwa aan hanuuninnay oo aan doorannay. Marka kuwaasi Aayadka Raxmaanka loo akhriyo, waxay ula dhacaan dhulka sujuud iyo oohin.

  59. ۞ فَخَلَفَ مِنۢ بَعْدِهِمْ خَلْفٌ أَضَاعُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَٱتَّبَعُوا۟ ٱلشَّهَوَٰتِ ۖ فَسَوْفَ يَلْقَوْنَ غَيًّا۝٥٩

    Fakhalafa min baʿdihim khalfun adaʿoo alssalata waittabaʿoo alshshahawati fasawfa yalqawna ghayyan

    Waxaase yimid iyaga ka dambow haraa (facyo dambe) ee dayacay salaadda oo raacay waxay naftu jecleysato (oo xun); marka waxay la kulmi hoog1.

    Sharaxa hoose
    [1] Ghayyan waxaa lagu fasiray tog ku yaal Naarta, ama waxaa loola jeedaa wuxuu la kulmi “cidhibta xun ee camalkiisa”
  60. إِلَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَـٰلِحًا فَأُو۟لَـٰٓئِكَ يَدْخُلُونَ ٱلْجَنَّةَ وَلَا يُظْلَمُونَ شَيْـًٔا۝٦٠

    Illa man taba waamana waʿamila salihan faolaika yadkhuloona aljannata wala yuthlamoona shayan

    Kan tawbad keena, oo rumeeya (Xaqa), oo sama fala mooyee. Kuwaasu waxay geli Jannada, iyagoon waxba laga dulmineyn.

  61. جَنَّـٰتِ عَدْنٍ ٱلَّتِى وَعَدَ ٱلرَّحْمَـٰنُ عِبَادَهُۥ بِٱلْغَيْبِ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ وَعْدُهُۥ مَأْتِيًّا۝٦١

    Jannati ʿadnin allatee waʿada alrrahmanu ʿibadahu bialghaybi innahu kana waʿduhu matiyyan

    Beero nagaya (Jannooyinka Cadni) oo uu Naxariistaha (Allaah) ugu yaboohay addoomahiisa Ghaybka (iyagoon arag). Yaboohiisu waa kii yimaada oo hirgala.

  62. لَّا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا إِلَّا سَلَـٰمًا ۖ وَلَهُمْ رِزْقُهُمْ فِيهَا بُكْرَةً وَعَشِيًّا۝٦٢

    La yasmaʿoona feeha laghwan illa salaman walahum rizquhum feeha bukratan waʿashiyyan

    Kuma maqlayaan gudaheeda wax Hadal macno darro ah, waa uun Salaan (is nabaadin). Waxayna ku lahaan risiqooda subax iyo galabba (kala go' la'aan).

  63. تِلْكَ ٱلْجَنَّةُ ٱلَّتِى نُورِثُ مِنْ عِبَادِنَا مَن كَانَ تَقِيًّا۝٦٣

    Tilka aljannatu allatee noorithu min ʿibadina man kana taqiyyan

    Taasu waa Jannada aan dhaxalsiinno addoomahayaga kooda ka dhowrsada xumaha (oo noo hoggaansan).

  64. وَمَا نَتَنَزَّلُ إِلَّا بِأَمْرِ رَبِّكَ ۖ لَهُۥ مَا بَيْنَ أَيْدِينَا وَمَا خَلْفَنَا وَمَا بَيْنَ ذَٰلِكَ ۚ وَمَا كَانَ رَبُّكَ نَسِيًّا۝٦٤

    Wama natanazzalu illa biamri rabbika lahu ma bayna aydeena wama khalfana wama bayna thalika wama kana rabbuka nasiyyan

    (Jabriil wuxuu yidhi) oo Annagu (malaa’igta ah) kuma soo degno waxaan ahayn Amarka Rabbigaa1. Isagaa leh waxa hortayada ah iyo waxa gadaashaya- da ah iyo waxa labadaa u dhexeeyaba. Ma aha Rabbigaa mid wax halmaama.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa ka jawaabid doonista Nabiga s.c.w inuu Jabriil in badan soo siyaarto.
  65. رَّبُّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا فَٱعْبُدْهُ وَٱصْطَبِرْ لِعِبَـٰدَتِهِۦ ۚ هَلْ تَعْلَمُ لَهُۥ سَمِيًّا۝٦٥

    Rabbu alssamawati waalardi wama baynahuma faoʿbudhu waistabir liʿibadatihi hal taʿlamu lahu samiyyan

    Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ee caabud Isagoo Keliya oo u samir yeelo cibaadadii. Miyaad garan wax la mid ah oo la Magac iyo Tilmaan ah?

  66. وَيَقُولُ ٱلْإِنسَـٰنُ أَءِذَا مَا مِتُّ لَسَوْفَ أُخْرَجُ حَيًّا۝٦٦

    Wayaqoolu alinsanu aitha ma mittu lasawfa okhraju hayyan

    Aadmigu (kan gaalka ahi) wuxuu yidhaahdaa: “Ma markaan dhinto, miyaa la I soo bixin anigoo nool?”

  67. أَوَلَا يَذْكُرُ ٱلْإِنسَـٰنُ أَنَّا خَلَقْنَـٰهُ مِن قَبْلُ وَلَمْ يَكُ شَيْـًٔا۝٦٧

    Awala yathkuru alinsanu anna khalaqnahu min qablu walam yaku shayan

    Miyuusan Aadmigu xusuusnayn inaan abuurnay kal hore isagoon waxba ahayn?

  68. فَوَرَبِّكَ لَنَحْشُرَنَّهُمْ وَٱلشَّيَـٰطِينَ ثُمَّ لَنُحْضِرَنَّهُمْ حَوْلَ جَهَنَّمَ جِثِيًّا۝٦٨

    Fawarabbika lanahshurannahum waalshshayateena thumma lanuhdirannahum hawla jahannama jithiyyan

    Ee waa igu Rabbigaaye, waanu soo kulmin iyaga iyo shaydaammadaba, markaas waxaanu keeni hareeraha jahannama iyagoo jilba joogsan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Iyagoo kuf kufaya oo jilbahooda u dhacaya argagax darteed ama loo jiidayo Naarta iyagoo aan dooneyn oo jilbaha ku jooga oo dhulka ku jiidaya.
  69. ثُمَّ لَنَنزِعَنَّ مِن كُلِّ شِيعَةٍ أَيُّهُمْ أَشَدُّ عَلَى ٱلرَّحْمَـٰنِ عِتِيًّا۝٦٩

    Thumma lananziʿanna min kulli sheeʿatin ayyuhum ashaddu ʿala alrrahmani ʿitiyyan

    Markaas waxaan ka soo siibi qolo walba kuwooda ugu dar-darnaa xagga Raxmaanka (Allaah).

  70. ثُمَّ لَنَحْنُ أَعْلَمُ بِٱلَّذِينَ هُمْ أَوْلَىٰ بِهَا صِلِيًّا۝٧٠

    Thumma lanahnu aʿlamu biallatheena hum awla biha siliyyan

    Annagaana dhab u ogsoon kuwa u sii mudan Naarta geliddeeda oo ku gubtaan.

  71. وَإِن مِّنكُمْ إِلَّا وَارِدُهَا ۚ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ حَتْمًا مَّقْضِيًّا۝٧١

    Wain minkum illa wariduha kana ʿala rabbika hatman maqdiyyan

    Ma jiro mid idinka mid ah oo aan dul mareyn (Naarta) korkeeda; kani waa Guddoon Rabbigaa waajib ah xukman.

  72. ثُمَّ نُنَجِّى ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوا۟ وَّنَذَرُ ٱلظَّـٰلِمِينَ فِيهَا جِثِيًّا۝٧٢

    Thumma nunajjee allatheena ittaqaw wanatharu alththalimeena feeha jithiyyan

    Markaas waxaanu badbaadin kuwii iska jiray (shirkiga iyo xumaha kale) oo uga tegi daalimiinta dhexdeeda iyagoo ku jilbo joogsan.

  73. وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَـٰتُنَا بَيِّنَـٰتٍ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَىُّ ٱلْفَرِيقَيْنِ خَيْرٌ مَّقَامًا وَأَحْسَنُ نَدِيًّا۝٧٣

    Waitha tutla ʿalayhim ayatuna bayyinatin qala allatheena kafaroo lillatheena amanoo ayyu alfareeqayni khayrun maqaman waahsanu nadiyyan

    Marka Aayadahayaga loo akhriyo xujooyin cad ahaan, waxay kuwa gaalooba ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeeyey, “Midkee baa labadaya qolo degmo wanaagsan oo joog fiican.

  74. وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّن قَرْنٍ هُمْ أَحْسَنُ أَثَـٰثًا وَرِءْيًا۝٧٤

    Wakam ahlakna qablahum min qarnin hum ahsanu athathan wariyan

    Badanaa intaan halaagnay hortood fac, oo ka hanti, alaab iyo arag wanaagsanaa?.

  75. قُلْ مَن كَانَ فِى ٱلضَّلَـٰلَةِ فَلْيَمْدُدْ لَهُ ٱلرَّحْمَـٰنُ مَدًّا ۚ حَتَّىٰٓ إِذَا رَأَوْا۟ مَا يُوعَدُونَ إِمَّا ٱلْعَذَابَ وَإِمَّا ٱلسَّاعَةَ فَسَيَعْلَمُونَ مَنْ هُوَ شَرٌّ مَّكَانًا وَأَضْعَفُ جُندًا۝٧٥

    Qul man kana fee alddalalati falyamdud lahu alrrahmanu maddan hatta itha raaw ma yooʿadoona imma alʿathaba waimma alssaʿata fasayaʿlamoona man huwa sharrun makanan waadʿafu jundan

    Dheh, "kii ku jira habow, ha u fidiyo Raxmaanku waxa uu heysto fidin (maalka iyo waqtiga), jeer markay arkaan waxaa loogu gooddiyey, oo cadaab (adduunka) ah ama Saacadda (Qiyaame), way ogaan kan xun degmo ahaan oo tabar yar ciidan ahaan.

  76. وَيَزِيدُ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ٱهْتَدَوْا۟ هُدًى ۗ وَٱلْبَـٰقِيَـٰتُ ٱلصَّـٰلِحَـٰتُ خَيْرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابًا وَخَيْرٌ مَّرَدًّا۝٧٦

    Wayazeedu Allahu allatheena ihtadaw hudan waalbaqiyatu alssalihatu khayrun ʿinda rabbika thawaban wakhayrun maraddan

    Wuxuu Alle u kordhiyaa kuwa hanuunay hanuun. Camallada wanaagsan ee baaqiga ah baana khayr roon Rabbigaa agtiis oo leh aayo wanaagsan.

  77. أَفَرَءَيْتَ ٱلَّذِى كَفَرَ بِـَٔايَـٰتِنَا وَقَالَ لَأُوتَيَنَّ مَالًا وَوَلَدًا۝٧٧

    Afaraayta allathee kafara biayatina waqala laootayanna malan wawaladan

    Bal ka warran kan ku gaaloobay Aayadahayaga ee yidhi: Waxaa hubaal la i siin (Aakhiro) maal iyo carruur1.”

    Sharaxa hoose
    [1] Halka aan ka siin lahayn maal iyo carruur, Alle wuxuu ka qaadi doonaa waxaas uu ku heysto nolosha adduunka uu ku faano waqtiga dhimashadiisa.
  78. أَطَّلَعَ ٱلْغَيْبَ أَمِ ٱتَّخَذَ عِندَ ٱلرَّحْمَـٰنِ عَهْدًا۝٧٨

    Attalaʿa alghayba ami ittakhatha ʿinda alrrahmani ʿahdan

    Ma wuxuu daalacday cilmi Ghaybka mise Raxmaanka buu ka helay ballan?

  79. كَلَّا ۚ سَنَكْتُبُ مَا يَقُولُ وَنَمُدُّ لَهُۥ مِنَ ٱلْعَذَابِ مَدًّا۝٧٩

    Kalla sanaktubu ma yaqoolu wanamuddu lahu mina alʿathabi maddan

    Mayee’ waanu qori wuxuu sheegi, oo waan u fidin (kordhin) cadaabka fidin;

  80. وَنَرِثُهُۥ مَا يَقُولُ وَيَأْتِينَا فَرْدًا۝٨٠

    Wanarithuhu ma yaqoolu wayateena fardan

    Waxaanuna ka dhaxli wuxuu sheegi oo dhan wuxuuna noo iman isagoo keli ah.

  81. وَٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةً لِّيَكُونُوا۟ لَهُمْ عِزًّا۝٨١

    Waittakhathoo min dooni Allahi alihatan liyakoonoo lahum ʿizzan

    Waxay yeeshaan Allaah sokadi ilaahyo (baadil ah) si ay u siiyaan ciso.

  82. كَلَّا ۚ سَيَكْفُرُونَ بِعِبَادَتِهِمْ وَيَكُونُونَ عَلَيْهِمْ ضِدًّا۝٨٢

    Kalla sayakfuroona biʿibadatihim wayakoonoona ʿalayhim diddan

    Mayee’ iyagu (ilaahyadaa) waaba ay dafiri doonaan cibaadadoodii, wayna ka soo hor jeesan col ahaan (Qiyaamaha).

  83. أَلَمْ تَرَ أَنَّآ أَرْسَلْنَا ٱلشَّيَـٰطِينَ عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ تَؤُزُّهُمْ أَزًّا۝٨٣

    Alam tara anna arsalna alshshayateena ʿala alkafireena taozzuhum azzan

    Miyaadan arag inaan ku soo dirno shayaadiinta gaalada iyagoo geliya (xumaan) gelin (joogto ah).

  84. فَلَا تَعْجَلْ عَلَيْهِمْ ۖ إِنَّمَا نَعُدُّ لَهُمْ عَدًّا۝٨٤

    Fala taʿjal ʿalayhim innama naʿuddu lahum ʿaddan

    Ee ha u samir waayin, waxaan uun u tirinaynaa tiro1 'maalmo go’an'.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaan u tirinnaa neefahiisa uu neefsado, iyo maalmahiisa, ama camalladiisa xun.
  85. يَوْمَ نَحْشُرُ ٱلْمُتَّقِينَ إِلَى ٱلرَّحْمَـٰنِ وَفْدًا۝٨٥

    Yawma nahshuru almuttaqeena ila alrrahmani wafdan

    Maalinta aan u soo gelbin dhowrsana- yaasha xagga Raxmaanka iyagoo wafdi ah.

  86. وَنَسُوقُ ٱلْمُجْرِمِينَ إِلَىٰ جَهَنَّمَ وِرْدًا۝٨٦

    Wanasooqu almujrimeena ila jahannama wirdan

    Oo aan u soo kaxeyn denbiilayaasha Jahannama iyagoo la asqoobay harraad.

  87. لَّا يَمْلِكُونَ ٱلشَّفَـٰعَةَ إِلَّا مَنِ ٱتَّخَذَ عِندَ ٱلرَّحْمَـٰنِ عَهْدًا۝٨٧

    La yamlikoona alshshafaʿata illa mani ittakhatha ʿinda alrrahmani ʿahdan

    Ma hantaan shafeeco, mid maahee ka yeesha Raxmaanka agtiisa ballan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Inuusan caabudin cid kale aan ahayn Alle.
  88. وَقَالُوا۟ ٱتَّخَذَ ٱلرَّحْمَـٰنُ وَلَدًا۝٨٨

    Waqaloo ittakhatha alrrahmanu waladan

    Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Raxamaanku (Allaah) wuxuu yeeshay ilmo.

  89. لَّقَدْ جِئْتُمْ شَيْـًٔا إِدًّا۝٨٩

    Laqad jitum shayan iddan

    Waxaad la timaaddeen wax daran oo baas.

  90. تَكَادُ ٱلسَّمَـٰوَٰتُ يَتَفَطَّرْنَ مِنْهُ وَتَنشَقُّ ٱلْأَرْضُ وَتَخِرُّ ٱلْجِبَالُ هَدًّا۝٩٠

    Takadu alssamawatu yatafattarna minhu watanshaqqu alardu watakhirru aljibalu haddan

    Samooyinka ay ku sigtaan inay la dildillaacaan, dhulkuna la jeexmo, oo ay la hoobtaan buuruhu burbur.

  91. أَن دَعَوْا۟ لِلرَّحْمَـٰنِ وَلَدًا۝٩١

    An daʿaw lilrrahmani waladan

    Inay ku sheegaan Raxmaanka inuu leeyahay wiil (ilmo).

  92. وَمَا يَنۢبَغِى لِلرَّحْمَـٰنِ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا۝٩٢

    Wama yanbaghee lilrrahmani an yattakhitha waladan

    Kuma habboona Raxmaanka inuu yeesho wiil (ilmo).

  93. إِن كُلُّ مَن فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ إِلَّآ ءَاتِى ٱلرَّحْمَـٰنِ عَبْدًا۝٩٣

    In kullu man fee alssamawati waalardi illa atee alrrahmani ʿabdan

    Wax kastoo ku sugan samooyinka iyo arlada wuxuu u imaan (Allaah) Raxmaanka isagoo addoon ah.

  94. لَّقَدْ أَحْصَىٰهُمْ وَعَدَّهُمْ عَدًّا۝٩٤

    Laqad ahsahum waʿaddahum ʿaddan

    Dhab ahaan wuu koobay oo tiriyey dhammaan tirin dhan.

  95. وَكُلُّهُمْ ءَاتِيهِ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ فَرْدًا۝٩٥

    Wakulluhum ateehi yawma alqiyamati fardan

    Mid walbaa wuxuu Alle u iman Maalinta Qiyaame isagoo keli ah.

  96. إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ سَيَجْعَلُ لَهُمُ ٱلرَّحْمَـٰنُ وُدًّا۝٩٦

    Inna allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati sayajʿalu lahumu alrrahmanu wuddan

    Xaqiiq kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala, Raxmaanku wuxuu u yeeli maxabbad 'qalbiyada mu’miniinta'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: Markuu Alle jeclaado addoon ka mid ah addoomahiisa, wuxuu u yeedhaa malag Jabriil oo u sheegaa in Alle Kor ahaaye jecel yahay hebel, ee adiguna jeclow. Markaas baa Jabriil jeclaadaa oo waxa cirka jooga u dhawaaqaa in Alle jecel yahay hebel, iyaguna sidaas darteed ay jeclaadaan, markaasay jeclaadaan waxa cirka jooga, dabeeto loo dhigaa aqbal iyo oggolaansho arlada dhexdeeda. (W.w. Al-Bukhaari).
  97. فَإِنَّمَا يَسَّرْنَـٰهُ بِلِسَانِكَ لِتُبَشِّرَ بِهِ ٱلْمُتَّقِينَ وَتُنذِرَ بِهِۦ قَوْمًا لُّدًّا۝٩٧

    Fainnama yassarnahu bilisanika litubashshira bihi almuttaqeena watunthira bihi qawman luddan

    Ee (Nabi Muxammadow) waxaan uun uga yeelnay (Qur’aanka) wax u fudud carrabkaaga si aad ugu bishaareyso dhowrsanayaasha, uguna digto qolo muran iyo been badan.

  98. وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّن قَرْنٍ هَلْ تُحِسُّ مِنْهُم مِّنْ أَحَدٍ أَوْ تَسْمَعُ لَهُمْ رِكْزًۢا۝٩٨

    Wakam ahlakna qablahum min qarnin hal tuhissu minhum min ahadin aw tasmaʿu lahum rikzan

    Badanaa intaan halaagnay hortood fac, ma ka aragtaa qof keliya oo ka mid ah iyaga mase ka maqashaa xaggooda in yar oo shanqar ah?.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Suuradda Maryam juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Maryam waxay ku jirtaa juz’ 16.

Suuradda Maryam immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Maryam waxay leedahay 98 aayadood.

Suuradda Maryam ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Maryam waa suurad Makki ah.

Suuradda Maryam waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 19aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.