سورة يوسف
Suuradda Yuusuf oo af Soomaali ah
- 12
- 111 aayadood
- Makki
- Juz’ 12–13
- Bogagga 235–248
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Yuusuf (يوسف) waa suuradda 12aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 111 aayadood. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku fidsan tahay juz’ 12 iyo 13.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Yuusuf oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Yuusuf oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
الٓر ۚ تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱلْكِتَـٰبِ ٱلْمُبِينِ١
Aliflamra tilka ayatu alkitabi almubeenu
Alif Laam Raa1. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) cad.
Sharaxa hoose
[1] Eeg sharaxa Suuraddda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1. -
إِنَّآ أَنزَلْنَـٰهُ قُرْءَٰنًا عَرَبِيًّا لَّعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ٢
Inna anzalnahu quranan ʿarabiyyan laʿallakum taʿqiloona
Annaga (Alle ah) baa xaqiiq soo dejinnay Qur’aan Carabi ah si aad u fahantaan1.
Sharaxa hoose
[1] Allaah Qur’aanka wuxuu ku soo dejiyey afka u sharaf badan afafka, af Carabi, Nabiga ugu sharaf badan anbiyada,Nabi Muxammad, waxaa ka soo gaaarsiiyey xagga Alle Malagga ugu sharaf badan malaa’igta, malag Jabriil, meesha ugu sharaf badan meelaha waa lagu soo dejiyey (Makkah), bisha ugu sharaf badan bilahana (bisha Ramadaan) waa la soo dejiyey, waana Kitaabka u sharaf badan Kutubta uu soo dejiyey Alle. Sidaasuu dhan walba kaamil uga yahay Qur’aanku. -
نَحْنُ نَقُصُّ عَلَيْكَ أَحْسَنَ ٱلْقَصَصِ بِمَآ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ هَـٰذَا ٱلْقُرْءَانَ وَإِن كُنتَ مِن قَبْلِهِۦ لَمِنَ ٱلْغَـٰفِلِينَ٣
Nahnu naqussu ʿalayka ahsana alqasasi bima awhayna ilayka hatha alqurana wain kunta min qablihi lamina alghafileena
Annaga ayaa kaaga qisoon qisooyinka midda u wanaagsan, ee aanu kuugu waxyoonno Qur'aankan, inkastoo ka hor, aad ka mid aheyd kuwaan u war heyn.
-
إِذْ قَالَ يُوسُفُ لِأَبِيهِ يَـٰٓأَبَتِ إِنِّى رَأَيْتُ أَحَدَ عَشَرَ كَوْكَبًا وَٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ رَأَيْتُهُمْ لِى سَـٰجِدِينَ٤
Ith qala yoosufu liabeehi ya abati innee raaytu ahada ʿashara kawkaban waalshshamsa waalqamara raaytuhum lee sajideena
Markuu Yuusuf ku yidhi aabbihii: "Aabbow! Waxaan arkay kow iyo toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa, waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan.
-
قَالَ يَـٰبُنَىَّ لَا تَقْصُصْ رُءْيَاكَ عَلَىٰٓ إِخْوَتِكَ فَيَكِيدُوا۟ لَكَ كَيْدًا ۖ إِنَّ ٱلشَّيْطَـٰنَ لِلْإِنسَـٰنِ عَدُوٌّ مُّبِينٌ٥
Qala ya bunayya la taqsus ruyaka ʿala ikhwatika fayakeedoo laka kaydan inna alshshaytana lilinsani ʿaduwwun mubeenun
(Yacquub) wuxuu yidhi: Maandhow! Ha uga qisoon riyadaada walaalahaa, si aanay kuugu dhigin shir qool iyo dabin kaa dhan ah: hubaal Shaydaanku wuxuu u yahay aadmiga cadow cad.
-
وَكَذَٰلِكَ يَجْتَبِيكَ رَبُّكَ وَيُعَلِّمُكَ مِن تَأْوِيلِ ٱلْأَحَادِيثِ وَيُتِمُّ نِعْمَتَهُۥ عَلَيْكَ وَعَلَىٰٓ ءَالِ يَعْقُوبَ كَمَآ أَتَمَّهَا عَلَىٰٓ أَبَوَيْكَ مِن قَبْلُ إِبْرَٰهِيمَ وَإِسْحَـٰقَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ عَلِيمٌ حَكِيمٌ٦
Wakathalika yajtabeeka rabbuka wayuʿallimuka min taweeli alahadeethi wayutimmu niʿmatahu ʿalayka waʿala ali yaʿqooba kama atammaha ʿala abawayka min qablu ibraheema waishaqa inna rabbaka ʿaleemun hakeemun
Sidaasuu kuu dooran Rabbigaa oo kuu bari fasirka 'riyooyinka iyo' dhacdooyinka, kuuna dhammeystiri Nicmaddiisa adiga iyo reer Yacquubba, siduu ugu dhammeystiray horey aabbayaashaa Ibraahiim iyo Isxaaq. Hubaal Rabbigaa waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah (odhaah iyo fal san).
-
۞ لَّقَدْ كَانَ فِى يُوسُفَ وَإِخْوَتِهِۦٓ ءَايَـٰتٌ لِّلسَّآئِلِينَ٧
Laqad kana fee yoosufa waikhwatihi ayatun lilssaileena
Xaqiiq Yuusuf iyo walaalihi, waxaa ugu sugan calaamooyin (waano) kuwa weydiin.
-
إِذْ قَالُوا۟ لَيُوسُفُ وَأَخُوهُ أَحَبُّ إِلَىٰٓ أَبِينَا مِنَّا وَنَحْنُ عُصْبَةٌ إِنَّ أَبَانَا لَفِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ٨
Ith qaloo layoosufu waakhoohu ahabbu ila abeena minna wanahnu ʿusbatun inna abana lafee dalalin mubeenin
Markay yidhaahdeen: Yuusuf iyo walaalki1 buu naga jecel yahay aabbaheen innagoo koox ah (toban rag ah). Hubaal aabbaheen wuu gefsan yahay.
Sharaxa hoose
[1] Binyaamiin, oo ay isku hooyo ahaayeen Yuusuf c.s. -
ٱقْتُلُوا۟ يُوسُفَ أَوِ ٱطْرَحُوهُ أَرْضًا يَخْلُ لَكُمْ وَجْهُ أَبِيكُمْ وَتَكُونُوا۟ مِنۢ بَعْدِهِۦ قَوْمًا صَـٰلِحِينَ٩
Oqtuloo yoosufa awi itrahoohu ardan yakhlu lakum wajhu abeekum watakoonoo min baʿdihi qawman saliheena
Dila Yuusuf ama ku tuura alro (uun), si uu idiinku gaar noqdo Wejiga aabbahiin, oo taasi ka dambow aad ahaataan dad wanaagsan.
-
قَالَ قَآئِلٌ مِّنْهُمْ لَا تَقْتُلُوا۟ يُوسُفَ وَأَلْقُوهُ فِى غَيَـٰبَتِ ٱلْجُبِّ يَلْتَقِطْهُ بَعْضُ ٱلسَّيَّارَةِ إِن كُنتُمْ فَـٰعِلِينَ١٠
Qala qailun minhum la taqtuloo yoosufa waalqoohu fee ghayabati aljubbi yaltaqithu baʿdu alssayyarati in kuntum faʿileena
Hadlaa ka mid ah (Judah) baa wuxuu yidhi: Ha dilina Yusuuf ee ku tuura ceel salkiis, ha qaateen qaar safar ahe, haddaad wax falaysaan.
-
قَالُوا۟ يَـٰٓأَبَانَا مَا لَكَ لَا تَأْمَ۫نَّا عَلَىٰ يُوسُفَ وَإِنَّا لَهُۥ لَنَـٰصِحُونَ١١
Qaloo ya abana ma laka la tamanna ʿala yoosufa wainna lahu lanasihoona
Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaad noogu aamini la'dahay Yusuuf? Innagoo daacad u ah, wanaag la jecel.
-
أَرْسِلْهُ مَعَنَا غَدًا يَرْتَعْ وَيَلْعَبْ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَـٰفِظُونَ١٢
Arsilhu maʿana ghadan yartaʿ wayalʿab wainna lahu lahafithoona
Nala dir berri si uu u miro cuno oo u cayaaro, innagaana ilaalin oo gaar ka heyn.
-
قَالَ إِنِّى لَيَحْزُنُنِىٓ أَن تَذْهَبُوا۟ بِهِۦ وَأَخَافُ أَن يَأْكُلَهُ ٱلذِّئْبُ وَأَنتُمْ عَنْهُ غَـٰفِلُونَ١٣
Qala innee layahzununee an thathhaboo bihi waakhafu an yakulahu alththibu waantum ʿanhu ghafiloona
(Yacquub) wuxuu yidhi: "Waxaa i walbahaarin inaad la tagtaan, waxaana ka cabsan inay yey cunto idinkoo mooggan".
-
قَالُوا۟ لَئِنْ أَكَلَهُ ٱلذِّئْبُ وَنَحْنُ عُصْبَةٌ إِنَّآ إِذًا لَّخَـٰسِرُونَ١٤
Qaloo lain akalahu alththibu wanahnu ʿusbatun inna ithan lakhasiroona
Waxay yidhaahdeen: 'Hadday yey cunto innagoo waliba koox ah, markaa hubaal, waa inaanu nahay kuwo khasaaray".
-
فَلَمَّا ذَهَبُوا۟ بِهِۦ وَأَجْمَعُوٓا۟ أَن يَجْعَلُوهُ فِى غَيَـٰبَتِ ٱلْجُبِّ ۚ وَأَوْحَيْنَآ إِلَيْهِ لَتُنَبِّئَنَّهُم بِأَمْرِهِمْ هَـٰذَا وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ١٥
Falamma thahaboo bihi waajmaʿoo an yajʿaloohu fee ghayabati aljubbi waawhayna ilayhi latunabiannahum biamrihim hatha wahum la yashʿuroona
Markay la tageen oo ay ku heeshiiyeen iyagoo dhammi inay dhigaan gunta ceel salki. Waxaan (Yuusuf) u waxyoonnay: 'Waxaad (maalin uun) u sheegi doontaa arrinkani iyagoo aan ku baraarugsaneyn".
-
وَجَآءُوٓ أَبَاهُمْ عِشَآءً يَبْكُونَ١٦
Wajaoo abahum ʿishaan yabkoona
Waxayna u yimaadeen aabbahood habeen goor fiid ah iyagoo ooyaya.
-
قَالُوا۟ يَـٰٓأَبَانَآ إِنَّا ذَهَبْنَا نَسْتَبِقُ وَتَرَكْنَا يُوسُفَ عِندَ مَتَـٰعِنَا فَأَكَلَهُ ٱلذِّئْبُ ۖ وَمَآ أَنتَ بِمُؤْمِنٍ لَّنَا وَلَوْ كُنَّا صَـٰدِقِينَ١٧
Qaloo ya abana inna thahabna nastabiqu watarakna yoosufa ʿinda mataʿina faakalahu alththibu wama anta bimuminin lana walaw kunna sadiqeena
Waxay yidhaahdeen: "Aabbow! Waanu tagnay inaan tartanno, waxaana ku dhaafnay Yuusuf Alaabtayada agteed, markaasay yey cuntay adiguse nama ru- maysanaysid walow aan run sheegayno".
-
وَجَآءُو عَلَىٰ قَمِيصِهِۦ بِدَمٍ كَذِبٍ ۚ قَالَ بَلْ سَوَّلَتْ لَكُمْ أَنفُسُكُمْ أَمْرًا ۖ فَصَبْرٌ جَمِيلٌ ۖ وَٱللَّهُ ٱلْمُسْتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ١٨
Wajaoo ʿala qameesihi bidamin kathibin qala bal sawwalat lakum anfusukum amran fasabrun jameelun waAllahu almustaʿanu ʿala ma tasifoona
Waxayna keeneen shaarkiisii oo leh dhiig been ah1. (Yacquub) wuxuu yidhi: "Mayee, nafahiinnaa idiin qirxisay arrin. Samirkaase wanaagsan. Allena waa Kan laga kaalmeysto waxaad tilmaameysaan".
Sharaxa hoose
[1] Waxay ku bi’iyeen shaarkii Yuusuf dhiiggii ri’dii ay qasheen, waxayse hilmaameen inay jeexjeexaan shaarka, sidaasoo ay ku shaki geliyeen aabbahood. -
وَجَآءَتْ سَيَّارَةٌ فَأَرْسَلُوا۟ وَارِدَهُمْ فَأَدْلَىٰ دَلْوَهُۥ ۖ قَالَ يَـٰبُشْرَىٰ هَـٰذَا غُلَـٰمٌ ۚ وَأَسَرُّوهُ بِضَـٰعَةً ۚ وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِمَا يَعْمَلُونَ١٩
Wajaat sayyaratun faarsaloo waridahum faadla dalwahu qala ya bushra hatha ghulamun waasarroohu bidaʿatan waAllahu ʿaleemun bima yaʿmaloona
Waxaa yimid socoto, waxayna direen biyo dhaamiyahoodii, oo hoos (ceelka) ugu sii daayey wadaantiisii. Wuxuu yidhi: "Waa bishaaree! kani waa wiil yar"; wayna qarsadeen badeeco ahaan. Alle wuu Ogaa waxay fali.
-
وَشَرَوْهُ بِثَمَنٍۭ بَخْسٍ دَرَٰهِمَ مَعْدُودَةٍ وَكَانُوا۟ فِيهِ مِنَ ٱلزَّٰهِدِينَ٢٠
Washarawhu bithamanin bakhsin darahima maʿdoodatin wakanoo feehi mina alzzahideena
Waxayna siisteen qiimo yar - dhowr qadaadiic oo fiddo ah, waxayna ahaayeen kuwo aan u heyn wax rabitaan ah.
-
وَقَالَ ٱلَّذِى ٱشْتَرَىٰهُ مِن مِّصْرَ لِٱمْرَأَتِهِۦٓ أَكْرِمِى مَثْوَىٰهُ عَسَىٰٓ أَن يَنفَعَنَآ أَوْ نَتَّخِذَهُۥ وَلَدًا ۚ وَكَذَٰلِكَ مَكَّنَّا لِيُوسُفَ فِى ٱلْأَرْضِ وَلِنُعَلِّمَهُۥ مِن تَأْوِيلِ ٱلْأَحَادِيثِ ۚ وَٱللَّهُ غَالِبٌ عَلَىٰٓ أَمْرِهِۦ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ٢١
Waqala allathee ishtarahu min misra liimraatihi akrimee mathwahu ʿasa an yanfaʿana aw nattakhithahu waladan wakathalika makkanna liyoosufa fee alardi walinuʿallimahu min taweeli alahadeethi waAllahu ghalibun ʿala amrihi walakinna akthara alnnasi la yaʿlamoona
Kii gatay oo reer Masar ahaa1 wuxuu ku yidhi marwadiisii: Wanaaji oo ka yeel meel sharaf leh hoygiisa, waa intaasuu na anfaco ama ka dhiganno wiil. Sidaasaan ugu awood siinnay Yuusuf arlada (Masar), iyo inaan barno fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka). Allaana adag xagga arrinkiisa, dadku badankiisuse ma oga.
Sharaxa hoose
[1] Nin reer Masar ah oo wasiirka koowaad ah ayaa iibsaday Yuusuf addoon ahaan, magaca wasiirkaa sida caanka waa Qadfiir (ama Potiphar) oo loogu yeero darajo ahaan Al-Caziiz. Kutubta tafsiirka qaarkood waxay ku sheegaan magaca xaaskiisa “Raayil” qaar kalena Zuleekha, ama zuleyka waase werinno aan sugneyn. -
وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُۥٓ ءَاتَيْنَـٰهُ حُكْمًا وَعِلْمًا ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ٢٢
Walamma balagha ashuddahu ataynahu hukman waʿilman wakathalika najzee almuhsineena
Markuu tabar galay (Yuusuf), waxaan siinnay fahmo iyo cilmi, sidaasaana ku abaal marinnaa sama falayaasha.
-
وَرَٰوَدَتْهُ ٱلَّتِى هُوَ فِى بَيْتِهَا عَن نَّفْسِهِۦ وَغَلَّقَتِ ٱلْأَبْوَٰبَ وَقَالَتْ هَيْتَ لَكَ ۚ قَالَ مَعَاذَ ٱللَّهِ ۖ إِنَّهُۥ رَبِّىٓ أَحْسَنَ مَثْوَاىَ ۖ إِنَّهُۥ لَا يُفْلِحُ ٱلظَّـٰلِمُونَ٢٣
Warawadathu allatee huwa fee baytiha ʿan nafsihi waghallaqati alabwaba waqalat hayta laka qala maʿatha Allahi innahu rabbee ahsana mathwaya innahu la yuflihu alththalimoona
Waxaa doontay tii uu gurigeedii joogay inay u soo jiiddo xumaan (zino), waxayna xidhay albaabbadii oo tidhi: Ii kaalay, Wuxuu yidhi: "Allaan ka magan galay (zino iyo khiyaano). Hubaal Rabbigay wuu wanaajiyey hoygeyga. Mana liibaanaan daalimiintu."
-
وَلَقَدْ هَمَّتْ بِهِۦ ۖ وَهَمَّ بِهَا لَوْلَآ أَن رَّءَا بُرْهَـٰنَ رَبِّهِۦ ۚ كَذَٰلِكَ لِنَصْرِفَ عَنْهُ ٱلسُّوٓءَ وَٱلْفَحْشَآءَ ۚ إِنَّهُۥ مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُخْلَصِينَ٢٤
Walaqad hammat bihi wahamma biha lawla an raa burhana rabbihi kathalika linasrifa ʿanhu alssooa waalfahshaa innahu min ʿibadina almukhlaseena
Way ku hammiday (doontay inay u soo jiiddo falka xunee zinada), isaguna wuu u liici lahaa1, hadduusan arki lahayn Xujada cad ee Rabbigi. Sidaas (waxay ahayd) si aan uga duwno xumaanta, zinada 'iyo khiyaanada'. Hubaal wuxuu ka mid yahay addoomahayaga daacadda ah.
Sharaxa hoose
[1] Aayaddani ma muujineyso oo lagama qaadanayo in Yuusuf c.s. ku hammiyey inuu xume la falo haweentan, waxaana shaki ku jirin inuu Alle yahay Kan ka dhowray oo ka fogeeyey xumaha. -
وَٱسْتَبَقَا ٱلْبَابَ وَقَدَّتْ قَمِيصَهُۥ مِن دُبُرٍ وَأَلْفَيَا سَيِّدَهَا لَدَا ٱلْبَابِ ۚ قَالَتْ مَا جَزَآءُ مَنْ أَرَادَ بِأَهْلِكَ سُوٓءًا إِلَّآ أَن يُسْجَنَ أَوْ عَذَابٌ أَلِيمٌ٢٥
Waistabaqa albaba waqaddat qameesahu min duburin waalfaya sayyidaha lada albabi qalat ma jazao man arada biahlika sooan illa an yusjana aw ʿathabun aleemun
Waxay labaduba u orotameen albaabka, oo ka jeexday shaarkiisa xagga dambe (isagoo ka cararaya denbi), waxayna kula kulmeen ninkeedii albaabka. Waxay tidhi: "Muxuu yahay ciqaabka kan la doona xumaan xaaskaaga, aan aheyn in la xabbiso ama cadaab xanuun badan?"
-
قَالَ هِىَ رَٰوَدَتْنِى عَن نَّفْسِى ۚ وَشَهِدَ شَاهِدٌ مِّنْ أَهْلِهَآ إِن كَانَ قَمِيصُهُۥ قُدَّ مِن قُبُلٍ فَصَدَقَتْ وَهُوَ مِنَ ٱلْكَـٰذِبِينَ٢٦
Qala hiya rawadatnee ʿan nafsee washahida shahidun min ahliha in kana qameesuhu qudda min qubulin fasadaqat wahuwa mina alkathibeena
Wuxuu yidhi: Iyadaa doontay inay ii soo jiiddo xumaan (zino); oo markhaati ka mid ah ehelkeeda baa ka marag kacay: Haddii shaarkiisa laga jeexay dhinaca hore, run bay sheegeysaa, isaguna been buu sheegi.
-
وَإِن كَانَ قَمِيصُهُۥ قُدَّ مِن دُبُرٍ فَكَذَبَتْ وَهُوَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ٢٧
Wain kana qameesuhu qudda min duburin fakathabat wahuwa mina alssadiqeena
Haddiise shaarkiisa laga jeexay dhinaca dambe, been bay sheegeysaa, isaguna run buu sheegi.
-
فَلَمَّا رَءَا قَمِيصَهُۥ قُدَّ مِن دُبُرٍ قَالَ إِنَّهُۥ مِن كَيْدِكُنَّ ۖ إِنَّ كَيْدَكُنَّ عَظِيمٌ٢٨
Falamma raa qameesahu qudda min duburin qala innahu min kaydikunna inna kaydakunna ʿatheemun
Markuu arkay shaarkiisa oo ka jeexan gadaal, wuxuu yidhi: "Taasi waa dhagartiinna, dhagartiinnu way weyn tahay (haweenkow)."
-
يُوسُفُ أَعْرِضْ عَنْ هَـٰذَا ۚ وَٱسْتَغْفِرِى لِذَنۢبِكِ ۖ إِنَّكِ كُنتِ مِنَ ٱلْخَاطِـِٔينَ٢٩
Yoosufu aʿrid ʿan hatha waistaghfiree lithanbiki innaki kunti mina alkhatieena
Yuusufow! Iskaga jeedso waxakan1 oo (xaaskaygaay) u weydiiso cafis denbigaaga. Waxaad ka mid tahay kuwa gafaye.
Sharaxa hoose
[1] Waa qari arrinkan oo ka soo qaad waxaan dhicin. -
۞ وَقَالَ نِسْوَةٌ فِى ٱلْمَدِينَةِ ٱمْرَأَتُ ٱلْعَزِيزِ تُرَٰوِدُ فَتَىٰهَا عَن نَّفْسِهِۦ ۖ قَدْ شَغَفَهَا حُبًّا ۖ إِنَّا لَنَرَىٰهَا فِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ٣٠
Waqala niswatun fee almadeenati imraatu alʿazeezi turawidu fataha ʿan nafsihi qad shaghafaha hubban inna lanaraha fee dalalin mubeenin
Haween ku sugan magaalada waxay yidhaahdeen: "Marwadii wasiirka waxay dooneysaa inay u soo jiiddo xumaan wiilka yar ee addoonkeeda ah, jaceylkiisaa qalbiga ka galay, waxaan u aragnaa inay ku sugan tahay gef muuqda."
-
فَلَمَّا سَمِعَتْ بِمَكْرِهِنَّ أَرْسَلَتْ إِلَيْهِنَّ وَأَعْتَدَتْ لَهُنَّ مُتَّكَـًٔا وَءَاتَتْ كُلَّ وَٰحِدَةٍ مِّنْهُنَّ سِكِّينًا وَقَالَتِ ٱخْرُجْ عَلَيْهِنَّ ۖ فَلَمَّا رَأَيْنَهُۥٓ أَكْبَرْنَهُۥ وَقَطَّعْنَ أَيْدِيَهُنَّ وَقُلْنَ حَـٰشَ لِلَّهِ مَا هَـٰذَا بَشَرًا إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا مَلَكٌ كَرِيمٌ٣١
Falamma samiʿat bimakrihinna arsalat ilayhinna waaʿtadat lahunna muttakaan waatat kulla wahidatin minhunna sikkeenan waqalati okhruj ʿalayhinna falamma raaynahu akbarnahu waqattaʿna aydiyahunna waqulna hasha lillahi ma hatha basharan in hatha illa malakun kareemun
Markay maqashay xantoodii bay u cid dirtay oo u diyaarisay fadhi (marti qaad); waxayna siisay mid walba oo ka mid ah middi, oo (ku) tidhi (Yuusuf): U soo bax. Markaasay markay arkeen ku dhaygageen, (weyneyn darteed) oo iska sareen gacmahoodii (iyagoo la cajabsan quruxdiisa) oo yidhaahdeen: "Alle baa ka hufan 'xumaan'1 Kani maba aha qof caadi ah! Kani ma aha waxaan aheyn malag sharaf leh."
Sharaxa hoose
[1] Alle ee awood u leh inuu abuuro quruxdan oo kale. -
قَالَتْ فَذَٰلِكُنَّ ٱلَّذِى لُمْتُنَّنِى فِيهِ ۖ وَلَقَدْ رَٰوَدتُّهُۥ عَن نَّفْسِهِۦ فَٱسْتَعْصَمَ ۖ وَلَئِن لَّمْ يَفْعَلْ مَآ ءَامُرُهُۥ لَيُسْجَنَنَّ وَلَيَكُونًا مِّنَ ٱلصَّـٰغِرِينَ٣٢
Qalat fathalikunna allathee lumtunnanee feehi walaqad rawadtuhu ʿan nafsihi faistʿsama walain lam yafʿal ma amuruhu layusjananna walayakoonan mina alssaghireena
Waxay tidhi: "Kani waa midkaad igu eedayseen, anigaana doonay naftiisa, wuuse is dhowray, hadduusanna falin waxaan amrayo, wallee waa la xabbisi, wuxuuna ka mid noqon kuwa la liido."
-
قَالَ رَبِّ ٱلسِّجْنُ أَحَبُّ إِلَىَّ مِمَّا يَدْعُونَنِىٓ إِلَيْهِ ۖ وَإِلَّا تَصْرِفْ عَنِّى كَيْدَهُنَّ أَصْبُ إِلَيْهِنَّ وَأَكُن مِّنَ ٱلْجَـٰهِلِينَ٣٣
Qala rabbi alssijnu ahabbu ilayya mimma yadʿoonanee ilayhi wailla tasrif ʿannee kaydahunna asbu ilayhinna waakun mina aljahileena
(Yuusuf) wuxuu yidhi: "Rabbiyow! Xabbiskaan ka jeclahay waxay iigu yeedhi (oo xume ah). Haddaadan iga weecin dhagartooda, waan u iilan oo ka mid noqon jaahiliinta."
-
فَٱسْتَجَابَ لَهُۥ رَبُّهُۥ فَصَرَفَ عَنْهُ كَيْدَهُنَّ ۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ٣٤
Faistajaba lahu rabbuhu fasarafa ʿanhu kaydahunna innahu huwa alssameeʿu alʿaleemu
Markaasuu Rabbigi ka aqbalay baryadiisa oo ka weeciyey dhagartooda, hubaal (Alle) waa Wax kasta Maqlaha, Wax kasta Ogsoonaha ah.
-
ثُمَّ بَدَا لَهُم مِّنۢ بَعْدِ مَا رَأَوُا۟ ٱلْـَٔايَـٰتِ لَيَسْجُنُنَّهُۥ حَتَّىٰ حِينٍ٣٥
Thumma bada lahum min baʿdi ma raawoo alayati layasjununnahu hatta heenin
Dabeeto waxaa u muuqday kaddib markay arkeen caddeymaha1 inay xidhaan ilaa muddo2.
Sharaxa hoose
[1] Caddeymaha muujinaya inuusan denbi lahayn. [2] Ilaa fadeexadaa la illaabo. -
وَدَخَلَ مَعَهُ ٱلسِّجْنَ فَتَيَانِ ۖ قَالَ أَحَدُهُمَآ إِنِّىٓ أَرَىٰنِىٓ أَعْصِرُ خَمْرًا ۖ وَقَالَ ٱلْـَٔاخَرُ إِنِّىٓ أَرَىٰنِىٓ أَحْمِلُ فَوْقَ رَأْسِى خُبْزًا تَأْكُلُ ٱلطَّيْرُ مِنْهُ ۖ نَبِّئْنَا بِتَأْوِيلِهِۦٓ ۖ إِنَّا نَرَىٰكَ مِنَ ٱلْمُحْسِنِينَ٣٦
Wadakhala maʿahu alssijna fatayani qala ahaduhuma innee aranee aʿsiru khamran waqala alakharu innee aranee ahmilu fawqa rasee khubzan takulu alttayru minhu nabbina bitaweelihi inna naraka mina almuhsineena
Waxaa la galay xabsiga labo nin oo dhallinyaro ah, midkood baa wuxuu yidhi: "Waxaan is arkay anigoo miiraya khamro." Kii kalena wuxuu yidhi: "Aniguna waxaan is arkay anigoo ku sida madaxeyaga korkiisa kibis ay shimbiruhu wax ka cunayeen." Noo sheeg fasirkeeda. Waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha.
-
قَالَ لَا يَأْتِيكُمَا طَعَامٌ تُرْزَقَانِهِۦٓ إِلَّا نَبَّأْتُكُمَا بِتَأْوِيلِهِۦ قَبْلَ أَن يَأْتِيَكُمَا ۚ ذَٰلِكُمَا مِمَّا عَلَّمَنِى رَبِّىٓ ۚ إِنِّى تَرَكْتُ مِلَّةَ قَوْمٍ لَّا يُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَهُم بِٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ كَـٰفِرُونَ٣٧
Qala la yateekuma taʿamun turzaqanihi illa nabbatukuma bitaweelihi qabla an yatiyakuma thalikuma mimma ʿallamanee rabbee innee taraktu millata qawmin la yuminoona biAllahi wahum bialakhirati hum kafiroona
Wuxuu yidhi: "Ma jirto cunto la idin siin oo aanan idiin sheegi doonin fasirkeeda ka hor inta aysan idiin imaan. kani waa wax ka mid ah waxa Rabbigay i baray. Waxaan anigu iskaga tagay diinta qolo aan rumaysnayn Alle oo ah kuwa beeniya Aakhirada.
-
وَٱتَّبَعْتُ مِلَّةَ ءَابَآءِىٓ إِبْرَٰهِيمَ وَإِسْحَـٰقَ وَيَعْقُوبَ ۚ مَا كَانَ لَنَآ أَن نُّشْرِكَ بِٱللَّهِ مِن شَىْءٍ ۚ ذَٰلِكَ مِن فَضْلِ ٱللَّهِ عَلَيْنَا وَعَلَى ٱلنَّاسِ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَشْكُرُونَ٣٨
Waittabaʿtu millata abaee ibraheema waishaqa wayaʿqooba ma kana lana an nushrika biAllahi min shayin thalika min fadli Allahi ʿalayna waʿala alnnasi walakinna akthara alnnasi la yashkuroona
Waxaana raacay (Islaamka) diinta Aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub; naguma habboona inaan la wadaajinno Alle cibaadada waxna waxay ahaadaanba. Arrinkani waa Fadliga Alle noo galay innaga iyo dadkaba, dadka badankiisuse kuma mahdiyaan 'Alle'.
-
يَـٰصَـٰحِبَىِ ٱلسِّجْنِ ءَأَرْبَابٌ مُّتَفَرِّقُونَ خَيْرٌ أَمِ ٱللَّهُ ٱلْوَٰحِدُ ٱلْقَهَّارُ٣٩
Ya sahibayi alssijni aarbabun mutafarriqoona khayrun ami Allahu alwahidu alqahharu
Labadayda saaxiib ee xabsigow! Ma rabbiyo kala duwan baa fiican mise Allaah Waaxidka, Maquuniya (daalimiinta iyo islaweynayaasha).
-
مَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِهِۦٓ إِلَّآ أَسْمَآءً سَمَّيْتُمُوهَآ أَنتُمْ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَـٰنٍ ۚ إِنِ ٱلْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ ۚ أَمَرَ أَلَّا تَعْبُدُوٓا۟ إِلَّآ إِيَّاهُ ۚ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلْقَيِّمُ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ٤٠
Ma taʿbudoona min doonihi illa asmaan sammaytumooha antum waabaokum ma anzala Allahu biha min sultanin ini alhukmu illa lillahi amara alla taʿbudoo illa iyyahu thalika alddeenu alqayyimu walakinna akthara alnnasi la yaʿlamoona
Ma caabuddaan Alle Sokadi waxaan aheyn (sanammo aad) magacyo u bixiseen idinka iyo aabbayaashiin oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah1. Xukunka ma leh cidaan aheyn Allaah. Wuxuu amray inaydaan caabudin waxaan aheyn Isaga Keligii. Arrinkani baa ah diinta toosan, dadka badankiisuse ma oga.
Sharaxa hoose
[1] Waxyaalaha baadilka ah ee la caabudo aad ku magacowdeen ilaahyo. -
يَـٰصَـٰحِبَىِ ٱلسِّجْنِ أَمَّآ أَحَدُكُمَا فَيَسْقِى رَبَّهُۥ خَمْرًا ۖ وَأَمَّا ٱلْـَٔاخَرُ فَيُصْلَبُ فَتَأْكُلُ ٱلطَّيْرُ مِن رَّأْسِهِۦ ۚ قُضِىَ ٱلْأَمْرُ ٱلَّذِى فِيهِ تَسْتَفْتِيَانِ٤١
Ya sahibayi alssijni amma ahadukuma fayasqee rabbahu khamran waamma alakharu fayuslabu fatakulu alttayru min rasihi qudiya alamru allathee feehi tastaftiyani
Labadayda Saaxiib ee xabsigow1! Ma Midkiin, wuxuu u shubi mudanahiisa khamri uu cabbo, ma kan kale, waa la deldeli, markaas shimbiruhu waxay wax ka cuni madaxiisa. Arrinka waa la xukumay la xidhiidha waxaad iga wareysateen."
Sharaxa hoose
[1] Waxaa la sheegay inay dhallinyaradaa ahaayeen labo khaadum oo u shaqeeya boqorka, midkood wuxuu u qaddimi jirey sharaab boqorka, kan kalena wuxuu u sameyn jirey roodhiga. -
وَقَالَ لِلَّذِى ظَنَّ أَنَّهُۥ نَاجٍ مِّنْهُمَا ٱذْكُرْنِى عِندَ رَبِّكَ فَأَنسَىٰهُ ٱلشَّيْطَـٰنُ ذِكْرَ رَبِّهِۦ فَلَبِثَ فِى ٱلسِّجْنِ بِضْعَ سِنِينَ٤٢
Waqala lillathee thanna annahu najin minhuma othkurnee ʿinda rabbika faansahu alshshaytanu thikra rabbihi falabitha fee alssijni bidʿa sineena
Wuxuuna ku yidhi midkoodii uu ogaaday inuu badbaadayo: "Igu xus mudanahaaga agtiisa"; ha yeeshee Shaydaan baa halmaansiiyey inuu u xuso mudanahiis, markaasuu ku sii jiray (Yuusuf) xabsiga dhowr sannadood.
-
وَقَالَ ٱلْمَلِكُ إِنِّىٓ أَرَىٰ سَبْعَ بَقَرَٰتٍ سِمَانٍ يَأْكُلُهُنَّ سَبْعٌ عِجَافٌ وَسَبْعَ سُنۢبُلَـٰتٍ خُضْرٍ وَأُخَرَ يَابِسَـٰتٍ ۖ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمَلَأُ أَفْتُونِى فِى رُءْيَـٰىَ إِن كُنتُمْ لِلرُّءْيَا تَعْبُرُونَ٤٣
Waqala almaliku innee ara sabʿa baqaratin simanin yakuluhunna sabʿun ʿijafun wasabʿa sunbulatin khudrin waokhara yabisatin ya ayyuha almalao aftoonee fee ruyaya in kuntum lilrruya taʿburoona
Boqorkii wuxuu yidhi: "Waxaan arkay toddoba sac oo buur-buuran, oo ay toddobo caato ah cunayaan, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan, iyo (toddobo) kale oo qallalan. ee mudanayaalow! Ii caddeeya fasirka riyadayda, haddaad fasiri kartaan riyooyinka."
-
قَالُوٓا۟ أَضْغَـٰثُ أَحْلَـٰمٍ ۖ وَمَا نَحْنُ بِتَأْوِيلِ ٱلْأَحْلَـٰمِ بِعَـٰلِمِينَ٤٤
Qaloo adghathu ahlamin wama nahnu bitaweeli alahlami biʿalimeena
Waxay yidhaahdeen: "Waa riyooyin qarow isku qasan ah, innaguna ma naqaanno fasirka riyooyinka."
-
وَقَالَ ٱلَّذِى نَجَا مِنْهُمَا وَٱدَّكَرَ بَعْدَ أُمَّةٍ أَنَا۠ أُنَبِّئُكُم بِتَأْوِيلِهِۦ فَأَرْسِلُونِ٤٥
Waqala allathee naja minhuma waiddakara baʿda ommatin ana onabbiokum bitaweelihi faarsilooni
Mid ka mid ah labadii (maxbuus) kii badbaaday oo xusuustay (Yuusuf) muddo dheer kaddib baa yidhi: "Anigaa idiin sheegi fasirka riyadaase ee i dira."
-
يُوسُفُ أَيُّهَا ٱلصِّدِّيقُ أَفْتِنَا فِى سَبْعِ بَقَرَٰتٍ سِمَانٍ يَأْكُلُهُنَّ سَبْعٌ عِجَافٌ وَسَبْعِ سُنۢبُلَـٰتٍ خُضْرٍ وَأُخَرَ يَابِسَـٰتٍ لَّعَلِّىٓ أَرْجِعُ إِلَى ٱلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَعْلَمُونَ٤٦
Yoosufu ayyuha alssiddeequ aftina fee sabʿi baqaratin simanin yakuluhunna sabʿun ʿijafun wasabʿi sunbulatin khudrin waokhara yabisatin laʿallee arjiʿu ila alnnasi laʿallahum yaʿlamoona
Yuusuf, run badanow! Noo caddee fasirka riyada ah toddoba sac oo buur-buuran oo ay toddobo caato ahi cunayaan, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan iyo (toddobo) kale oo qallalan si aan ugu laabto dadka si ay u ogaadaan.
-
قَالَ تَزْرَعُونَ سَبْعَ سِنِينَ دَأَبًا فَمَا حَصَدتُّمْ فَذَرُوهُ فِى سُنۢبُلِهِۦٓ إِلَّا قَلِيلًا مِّمَّا تَأْكُلُونَ٤٧
Qala tazraʿoona sabʿa sineena daaban fama hasadtum fatharoohu fee sunbulihi illa qaleelan mimma takuloona
(Yuusuf) wuxuu yidhi: "Waxaad wax beeran toddobo sano oo xiriir ah ee waxaad goosataan u daaya sabuulkiisa wax yar maahee oo ka mid ah intaad cuni.
-
ثُمَّ يَأْتِى مِنۢ بَعْدِ ذَٰلِكَ سَبْعٌ شِدَادٌ يَأْكُلْنَ مَا قَدَّمْتُمْ لَهُنَّ إِلَّا قَلِيلًا مِّمَّا تُحْصِنُونَ٤٨
Thumma yatee min baʿdi thalika sabʿun shidadun yakulna ma qaddamtum lahunna illa qaleelan mimma tuhsinoona
Markaas waxaa imaan intaas kaddib toddobo (sannadood) oo dar-daran, oo aad cuni waxaad horay u dhigateen wax yar maahee oo ka mid ah waxaad kaydsateen.
-
ثُمَّ يَأْتِى مِنۢ بَعْدِ ذَٰلِكَ عَامٌ فِيهِ يُغَاثُ ٱلنَّاسُ وَفِيهِ يَعْصِرُونَ٤٩
Thumma yatee min baʿdi thalika ʿamun feehi yughathu alnnasu wafeehi yaʿsiroona
Markaas waxaa imaan intaas kaddib sano ay dadku heli roob oo ay dhexdi miiran doonaan (cinabyo iyo zaytuun)."
-
وَقَالَ ٱلْمَلِكُ ٱئْتُونِى بِهِۦ ۖ فَلَمَّا جَآءَهُ ٱلرَّسُولُ قَالَ ٱرْجِعْ إِلَىٰ رَبِّكَ فَسْـَٔلْهُ مَا بَالُ ٱلنِّسْوَةِ ٱلَّـٰتِى قَطَّعْنَ أَيْدِيَهُنَّ ۚ إِنَّ رَبِّى بِكَيْدِهِنَّ عَلِيمٌ٥٠
Waqala almaliku itoonee bihi falamma jaahu alrrasoolu qala irjiʿ ila rabbika faisalhu ma balu alnniswati allatee qattaʿna aydiyahunna inna rabbee bikaydihinna ʿaleemun
Boqorkii wuxuu yidhi: "Ii keena Yuusuf." Markuu farriin sidihii u yimid (Yuusuf), wuxuu yidhi: "U noqo mudanahaaga oo weydii muxuu ahaa xaalka haweenkii iska saray farahooda? Rabbigay waa og yahay dhagartooda."
-
قَالَ مَا خَطْبُكُنَّ إِذْ رَٰوَدتُّنَّ يُوسُفَ عَن نَّفْسِهِۦ ۚ قُلْنَ حَـٰشَ لِلَّهِ مَا عَلِمْنَا عَلَيْهِ مِن سُوٓءٍ ۚ قَالَتِ ٱمْرَأَتُ ٱلْعَزِيزِ ٱلْـَٔـٰنَ حَصْحَصَ ٱلْحَقُّ أَنَا۠ رَٰوَدتُّهُۥ عَن نَّفْسِهِۦ وَإِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ٥١
Qala ma khatbukunna ith rawadtunna yoosufa ʿan nafsihi qulna hasha lillahi ma ʿalimna ʿalayhi min sooin qalati imraatu alʿazeezi alana hashasa alhaqqu ana rawadtuhu ʿan nafsihi wainnahu lamina alssadiqeena
Wuxuu yidhi: "Muxuu ahaa arrinkiinnu markaad doonteen inaad u soo jiiddaan xumaan Yuusuf?" Waxay yidhaahdeen: "Alle baa ka hufan (ceeb oo iin lahayn)! Kuma aanu ogin wax xumaan ah xaggiisa"1. Marwadii wasiirkana waxay tidhi: "Hataan xaqu waa cad yahay, anigaa doonay inaan u soo jiido xumaan (zino), isaguna run buu sheegi."
Sharaxa hoose
[1] Waxaa la weydiiyey ra’yiga ay ka qabaan Yuusuf inay saameysay fidnadii iyo in kale oo doonistoodii ka yeelay, waxayna u sheegeen inuu ka fog yahay xumaan. Waxayna ammaaneen Alle Ee awood u leh inuu abuuro dabeecaddaas sare ee daahirka ah. -
ذَٰلِكَ لِيَعْلَمَ أَنِّى لَمْ أَخُنْهُ بِٱلْغَيْبِ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى كَيْدَ ٱلْخَآئِنِينَ٥٢
Thalika liyaʿlama annee lam akhunhu bialghaybi waanna Allaha la yahdee kayda alkhaineena
Arrintaasna waa inuu ogaado inaanan ku khiyaanin maqnaashihii iyo inuusan Alle toosinin dhagarta khaa’iniinta.
-
۞ وَمَآ أُبَرِّئُ نَفْسِىٓ ۚ إِنَّ ٱلنَّفْسَ لَأَمَّارَةٌۢ بِٱلسُّوٓءِ إِلَّا مَا رَحِمَ رَبِّىٓ ۚ إِنَّ رَبِّى غَفُورٌ رَّحِيمٌ٥٣
Wama obarrio nafsee inna alnnafsa laammaratun bialssooi illa ma rahima rabbee inna rabbee ghafoorun raheemun
Ma eed tirayo nafteyda1, naftu waa xume amarto, mid uu Rabbigay u naxariisto maahee. Hubaal Rabbigay waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Sharaxa hoose
[1] Inkastoo ibnu Kathiir uu u nisbeeyo ereyada aayadaha 52-53 xaaskii Al- Caziiz. Mufasiriin kale waxay qabeen inuu ku hadlay ereyadaa Yuusuf, isagoo dalbayey In la baaro arrinta, oo qiraya naxariista uu Alle u galay. -
وَقَالَ ٱلْمَلِكُ ٱئْتُونِى بِهِۦٓ أَسْتَخْلِصْهُ لِنَفْسِى ۖ فَلَمَّا كَلَّمَهُۥ قَالَ إِنَّكَ ٱلْيَوْمَ لَدَيْنَا مَكِينٌ أَمِينٌ٥٤
Waqala almaliku itoonee bihi astakhlishu linafsee falamma kallamahu qala innaka alyawma ladayna makeenun ameenun
Boqorkii wuxuu yidhi: "Ii keena Yuusuf, waxaan u gaar yeeli nafteyda (la taliyaheyga ahaan)." Markuu la hadlayna, wuxuu yidhi: "Waxaad ku tahay agtayada maanta sharafle, la aamino."
-
قَالَ ٱجْعَلْنِى عَلَىٰ خَزَآئِنِ ٱلْأَرْضِ ۖ إِنِّى حَفِيظٌ عَلِيمٌ٥٥
Qala ijʿalnee ʿala khazaini alardi innee hafeethun ʿaleemun
(Yuusuf) wuxuu yidhi: "Iiga dhig (mas’uul) khasnadaha arlada (maaliyadda iyo qorsheynta). Waxaan anigu ahay xafide aamin ah, aqoon leh."
-
وَكَذَٰلِكَ مَكَّنَّا لِيُوسُفَ فِى ٱلْأَرْضِ يَتَبَوَّأُ مِنْهَا حَيْثُ يَشَآءُ ۚ نُصِيبُ بِرَحْمَتِنَا مَن نَّشَآءُ ۖ وَلَا نُضِيعُ أَجْرَ ٱلْمُحْسِنِينَ٥٦
Wakathalika makanna liyoosufa fee alardi yatabawwao minha haythu yashao nuseebu birahmatina man nashao wala nudeeʿu ajra almuhsineena
Sidaasaan ugu siinnay Yuusuf awood dhan arlada (Masar), wuxuu ku hantay maamul dhan dhexdeeda meeshuu doonoba. Waxaan ku galladeysannaa Naxariistayada ciddaan doonno, mana dayacno abaalka sama falayaasha.
-
وَلَأَجْرُ ٱلْـَٔاخِرَةِ خَيْرٌ لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَكَانُوا۟ يَتَّقُونَ٥٧
Walaajru alakhirati khayrun lillatheena amanoo wakanoo yattaqoona
Ajarka Aakhiraana u khayr badan kuwa (Xaqa) rumeysan ee iska jira xumaha.
-
وَجَآءَ إِخْوَةُ يُوسُفَ فَدَخَلُوا۟ عَلَيْهِ فَعَرَفَهُمْ وَهُمْ لَهُۥ مُنكِرُونَ٥٨
Wajaa ikhwatu yoosufa fadakhaloo ʿalayhi faʿarafahum wahum lahu munkiroona
Yuusuf walaalihiis baa yimid1, markaasay u soo galeen, wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn2.
Sharaxa hoose
[1] Taariikhyahannada waxay sheegeen inay ka dhacday abaar daran Masar iyo nawaaxigeeda. Wuxuuna Nabi Yacquub u tilmaamay Yuusuf walaaladi inay aadaan Madyan oo la kulmaan ragga Masar u haya xilka si ay uga dalbaan raashin. [2] Iyagu ma garan isbeddelka ku dhacay muuqaalkiisa darteed ee sannado soo mareen. -
وَلَمَّا جَهَّزَهُم بِجَهَازِهِمْ قَالَ ٱئْتُونِى بِأَخٍ لَّكُم مِّنْ أَبِيكُمْ ۚ أَلَا تَرَوْنَ أَنِّىٓ أُوفِى ٱلْكَيْلَ وَأَنَا۠ خَيْرُ ٱلْمُنزِلِينَ٥٩
Walamma jahhazahum bijahazihim qala itoonee biakhin lakum min abeekum ala tarawna annee oofee alkayla waana khayru almunzileena
Markuu u diyaariyey rarkoodii raashinka, wuxuu yidhi: Ii keena walaal aad leedihiin oo xagga aabbihiin ah. Miyeydaan arkayn inaan bixiyo beeg dhan, iyo inaan Anigu u wanaagsnahay inta wax marti gelisa?
-
فَإِن لَّمْ تَأْتُونِى بِهِۦ فَلَا كَيْلَ لَكُمْ عِندِى وَلَا تَقْرَبُونِ٦٠
Fain lam tatoonee bihi fala kayla lakum ʿindee wala taqrabooni
Haddaydaan ii keeninna (walaakiin), kama heleysaan beeg xaggeyga, mana ii soo dhowaaneysaan (mar kale).
-
قَالُوا۟ سَنُرَٰوِدُ عَنْهُ أَبَاهُ وَإِنَّا لَفَـٰعِلُونَ٦١
Qaloo sanurawidu ʿanhu abahu wainna lafaʿiloona
Waxay yidhaahdeen: Waxaanu ka dhaadhicin aabbihi, waana faleynaa sidaas.
-
وَقَالَ لِفِتْيَـٰنِهِ ٱجْعَلُوا۟ بِضَـٰعَتَهُمْ فِى رِحَالِهِمْ لَعَلَّهُمْ يَعْرِفُونَهَآ إِذَا ٱنقَلَبُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَهْلِهِمْ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ٦٢
Waqala lifityanihi ijʿaloo bidaʿatahum fee rihalihim laʿallahum yaʿrifoonaha itha inqalaboo ila ahlihim laʿallahum yarjiʿoona
Wuxuuna, ku yidhi shaqaalahiisii: "U dhex geliya badeecaddoodii rarkooda1, si ay u gartaan markay u noqdaan reerkooda (oo u tixgeliyaan) si ay u soo laabtaan."
Sharaxa hoose
[1] Badi mufasiriinta waxay sheegaan in badeecaddii Yuusuf walaalihi ay u keeneen inay ku beddeshaan raashinka ay aheyd hargo, xargo, iyo saandallo, iwm. -
فَلَمَّا رَجَعُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَبِيهِمْ قَالُوا۟ يَـٰٓأَبَانَا مُنِعَ مِنَّا ٱلْكَيْلُ فَأَرْسِلْ مَعَنَآ أَخَانَا نَكْتَلْ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَـٰفِظُونَ٦٣
Falamma rajaʿoo ila abeehim qaloo ya abana muniʿa minna alkaylu faarsil maʿana akhana naktal wainna lahu lahafithoona
Markay u noqdeen aabbahood, waxay yidhaahdeen: "Aabbow! Waa naloo diiday wax beeg ah (hadda kaddib hadduuna walaalkayo Binyaamiin na raacin). Ee nagu dar walaalkayo1, waxaanu soo heli beeg dhan, innaguna waanu ilaalin isaga."
Sharaxa hoose
[1] Waa Binyaamiin ee la joogay aabbihi Yacquub guriga. -
قَالَ هَلْ ءَامَنُكُمْ عَلَيْهِ إِلَّا كَمَآ أَمِنتُكُمْ عَلَىٰٓ أَخِيهِ مِن قَبْلُ ۖ فَٱللَّهُ خَيْرٌ حَـٰفِظًا ۖ وَهُوَ أَرْحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ٦٤
Qala hal amanukum ʿalayhi illa kama amintukum ʿala akheehi min qablu faAllahu khayrun hafithan wahuwa arhamu alrrahimeena
(Yacquub) wuxuu yidhi: Miyaan idinku aamini karaa waxaan ahayn sidaan idiinku aaminay walaalki (Yuusuf) awal hore. Alle baase ah Kan u Wanaagsan ilaaliye ahaan, Isagaana u Naxariis Badan inta naxariisata.
-
وَلَمَّا فَتَحُوا۟ مَتَـٰعَهُمْ وَجَدُوا۟ بِضَـٰعَتَهُمْ رُدَّتْ إِلَيْهِمْ ۖ قَالُوا۟ يَـٰٓأَبَانَا مَا نَبْغِى ۖ هَـٰذِهِۦ بِضَـٰعَتُنَا رُدَّتْ إِلَيْنَا ۖ وَنَمِيرُ أَهْلَنَا وَنَحْفَظُ أَخَانَا وَنَزْدَادُ كَيْلَ بَعِيرٍ ۖ ذَٰلِكَ كَيْلٌ يَسِيرٌ٦٥
Walamma fatahoo mataʿahum wajadoo bidaʿatahum ruddat ilayhim qaloo ya abana ma nabghee hathihi bidaʿatuna ruddat ilayna wanameeru ahlana wanahfathu akhana wanazdadu kayla baʿeerin thalika kaylun yaseerun
Markay fureen alaabtoodii waxay heleen badeecaddoodii oo loo soo ceshay1. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaan (kaloo) rabnaa? Tani waa badeecaddayadii oo naloo soo ceshay, marka waxaan ugu keeni haruur (hor leh) reerkayaga waana ilaalin walaalkayo oo soo kororsan rati muggiis oo beeg siyaado ah. Kanu waa beeg sahlan2.
Sharaxa hoose
[1] Waxay u sameeyeen taa siyaasad ahaan inay u celiyaan alaabadoodii oo ugu axsaan falaan, iyo si ay ugu soo laabtaan Masar iyagoo uu la socdo walaalkood Binyaamiin. Binyaamiin waxay isku hooyo iyo aabbe yihiin Yuusuf, hooyadood Raashiil waxay la dhalatay oo ka yareyd Liya oo aheyd xaaska weyn ee Yacquub, shareecadooda waxaa ku bannaanaa in la isla guursan karo labo gabdhood oo walaalo ah. Marka Yuusuf iyo walaalki Binyaamiin waxaa dhashay Raashiil, halka Liyana ay dhashay tobanka ilmood ee kale ee Yacquub, waxayna ahayd habar yartood. [2] Waa iyaga u fudud ama mid aan ku heli karno si sahlan. -
قَالَ لَنْ أُرْسِلَهُۥ مَعَكُمْ حَتَّىٰ تُؤْتُونِ مَوْثِقًا مِّنَ ٱللَّهِ لَتَأْتُنَّنِى بِهِۦٓ إِلَّآ أَن يُحَاطَ بِكُمْ ۖ فَلَمَّآ ءَاتَوْهُ مَوْثِقَهُمْ قَالَ ٱللَّهُ عَلَىٰ مَا نَقُولُ وَكِيلٌ٦٦
Qala lan orsilahu maʿakum hatta tutooni mawthiqan mina Allahi latatunnanee bihi illa an yuhata bikum falamma atawhu mawthiqahum qala Allahu ʿala ma naqoolu wakeelun
Wuxuu (Yacquub) yidhi: Idinla diri maayo jeer aad i siisaan ballan adag oo aad ku dhaarataan Magaca Alle, inaad dib iigu keeneysaan, in (col) idin hareereeyo maahee, markay siiyeen ballankooda, wuxuu yidhi: Alle baa marag ka ah waxaanu leennahay.
-
وَقَالَ يَـٰبَنِىَّ لَا تَدْخُلُوا۟ مِنۢ بَابٍ وَٰحِدٍ وَٱدْخُلُوا۟ مِنْ أَبْوَٰبٍ مُّتَفَرِّقَةٍ ۖ وَمَآ أُغْنِى عَنكُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن شَىْءٍ ۖ إِنِ ٱلْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ ۖ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ ۖ وَعَلَيْهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُتَوَكِّلُونَ٦٧
Waqala ya baniyya la tadkhuloo min babin wahidin waodkhuloo min abwabin mutafarriqatin wama oghnee ʿankum mina Allahi min shayin ini alhukmu illa lillahi ʿalayhi tawakkaltu waʿalayhi falyatawakkali almutawakkiloona
Wuxuuna yidhi: Maandhooyinow! Ha ka wada gelina (idinkoo dhan) albaab keliya ee ka gala albaabbo kala duwan, waxnana idiinkama tari karo xagga Alle. Xukunka waxaa iska leh Alle Keliya. Isagaan tala saartay, ee Isaga uun ha tala saarteen oo ha isku halleeyeen kuwa wax tala saarta.
-
وَلَمَّا دَخَلُوا۟ مِنْ حَيْثُ أَمَرَهُمْ أَبُوهُم مَّا كَانَ يُغْنِى عَنْهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن شَىْءٍ إِلَّا حَاجَةً فِى نَفْسِ يَعْقُوبَ قَضَىٰهَا ۚ وَإِنَّهُۥ لَذُو عِلْمٍ لِّمَا عَلَّمْنَـٰهُ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ٦٨
Walamma dakhaloo min haythu amarahum aboohum ma kana yughnee ʿanhum mina Allahi min shayin illa hajatan fee nafsi yaʿqooba qadaha wainnahu lathoo ʿilmin lima ʿallamnahu walakinna akthara alnnasi la yaʿlamoona
Markay u galeen (magaalada) siduu amray aabbahood, waxba ugama tarin innaba ha ahaatee (Qaddarka) Alle, waxayse aheyd oo keliya rabitaan ku jirtay nafta Yacquub oo uu gutay. Wuxuuna lahaa cilmi, waxa aanu barnay ah, dadka badankiisuse ma oga.
-
وَلَمَّا دَخَلُوا۟ عَلَىٰ يُوسُفَ ءَاوَىٰٓ إِلَيْهِ أَخَاهُ ۖ قَالَ إِنِّىٓ أَنَا۠ أَخُوكَ فَلَا تَبْتَئِسْ بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ٦٩
Walamma dakhaloo ʿala yoosufa awa ilayhi akhahu qala innee ana akhooka fala tabtais bima kanoo yaʿmaloona
Markay u galeen Yuusuf, wuxuu u soo dhoweeyey xaggiisa walaalki oo ku yidhi: Anigu waxaan ahay walaalkaa, ee ha ka xumaan waxay falayeen.
-
فَلَمَّا جَهَّزَهُم بِجَهَازِهِمْ جَعَلَ ٱلسِّقَايَةَ فِى رَحْلِ أَخِيهِ ثُمَّ أَذَّنَ مُؤَذِّنٌ أَيَّتُهَا ٱلْعِيرُ إِنَّكُمْ لَسَـٰرِقُونَ٧٠
Falamma jahhazahum bijahazihim jaʿala alssiqayata fee rahli akheehi thumma aththana muaththinun ayyatuha alʿeeru innakum lasariqoona
Markuu u diyaariyey rarkoodii raashinka, (qof) baa dhex galiyey koobkii wax lagu beegayey rarkii walaalki. markaas waxaa dhawaaqay dhawaaqe (leh): Safaryahow! Waxaad tihiin tuugo.
-
قَالُوا۟ وَأَقْبَلُوا۟ عَلَيْهِم مَّاذَا تَفْقِدُونَ٧١
Qaloo waaqbaloo ʿalayhim matha tafqidoona
Intay ku soo jeesadeen bay waxay yidhaahdeen:waa maxay waxaad weydeen.
-
قَالُوا۟ نَفْقِدُ صُوَاعَ ٱلْمَلِكِ وَلِمَن جَآءَ بِهِۦ حِمْلُ بَعِيرٍ وَأَنَا۠ بِهِۦ زَعِيمٌ٧٢
Qaloo nafqidu suwaʿa almaliki waliman jaa bihi himlu baʿeerin waana bihi zaʿeemun
Waxay yidhaahdeen: Waxaanu weynay koobkii1 wax lagu beegayey ee boqorka, kii keenaana wuxuu leeyahay (abaal gud ah) awr muggiis (oo raashin ah); anigaana ka damiin ah.
Sharaxa hoose
[1] Weel ka sameysan dahab oo wax lagu beego. -
قَالُوا۟ تَٱللَّهِ لَقَدْ عَلِمْتُم مَّا جِئْنَا لِنُفْسِدَ فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا كُنَّا سَـٰرِقِينَ٧٣
Qaloo taAllahi laqad ʿalimtum ma jina linufsida fee alardi wama kunna sariqeena
Waxay yidhaahdeen: Tallaahiye! Waad og tihiin inaannu u imaan inaan ku falno fasahaad arlada, mana ahin tuugo.
-
قَالُوا۟ فَمَا جَزَٰٓؤُهُۥٓ إِن كُنتُمْ كَـٰذِبِينَ٧٤
Qaloo fama jazaohu in kuntum kathibeena
Waxay yidhaahdeen: Waa maxay jazaha arrinkani1, haddaad been sheegeysaan?
Sharaxa hoose
[1] Ciqaabta u dhigan tuugada: Shareecada Yacquub c.s. qofkii wax xada ciqaabtiisu waxay ahayd inuu noqdo addoon lagu adeegto muddo sannad ah. -
قَالُوا۟ جَزَٰٓؤُهُۥ مَن وُجِدَ فِى رَحْلِهِۦ فَهُوَ جَزَٰٓؤُهُۥ ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلظَّـٰلِمِينَ٧٥
Qaloo jazaohu man wujida fee rahlihi fahuwa jazaohu kathalika najzee alththalimeena
Waxay yidhaahdeen: Jazaha arrinkani1 waa in kii rarkiisa laga dhex helo loo heysto isaga naf ahaantiisa (addoon ahaan). Sidaasaan ku jaazaynaa daalimiinta (denbiilayaasha).
Sharaxa hoose
[1] Xeerkooda wuxuu dhigayey in tuuggii la qabto uu addoon u noqonayo cidduu wax ka xaday. -
فَبَدَأَ بِأَوْعِيَتِهِمْ قَبْلَ وِعَآءِ أَخِيهِ ثُمَّ ٱسْتَخْرَجَهَا مِن وِعَآءِ أَخِيهِ ۚ كَذَٰلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ ۖ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِى دِينِ ٱلْمَلِكِ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ ۚ نَرْفَعُ دَرَجَـٰتٍ مَّن نَّشَآءُ ۗ وَفَوْقَ كُلِّ ذِى عِلْمٍ عَلِيمٌ٧٦
Fabadaa biawʿiyatihim qabla wiʿai akheehi thumma istakhrajaha min wiʿai akheehi kathalika kidna liyoosufa ma kana liyakhutha akhahu fee deeni almaliki illa an yashaa Allahu narfaʿu darajatin man nashao wafawqa kulli thee ʿilmin ʿaleemun
Wuxuuna ka billaabay (fatashiddii) weelashoodii ka hor weelkii walaalki, markaasuu ka soo bixiyey weelkii walaalki. Sidaasaan wax ugu tabeynay Yuusuf. Ma ahayn mid bannaan inuu ku qaado walaalki xeerkii boqorka, inuu Alle doono maahee: Waxaan u qaadnaa kor derejooyin ciddaan doonno, waxaana ka sarreeya mid kasta oo cilmi leh, Wax kasta Ogsoonaha (Allaah).
-
۞ قَالُوٓا۟ إِن يَسْرِقْ فَقَدْ سَرَقَ أَخٌ لَّهُۥ مِن قَبْلُ ۚ فَأَسَرَّهَا يُوسُفُ فِى نَفْسِهِۦ وَلَمْ يُبْدِهَا لَهُمْ ۚ قَالَ أَنتُمْ شَرٌّ مَّكَانًا ۖ وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا تَصِفُونَ٧٧
Qaloo in yasriq faqad saraqa akhun lahu min qablu faasarraha yoosufu fee nafsihi walam yubdiha lahum qala antum sharrun makanan waAllahu aʿlamu bima tasifoona
Waxay yidhaahdeen: Hadduu wax xaday, mid la walaal ah (Yuusuf) baa wax xaday waa’ hore: Wuxuuse Yuusuf ku qarsaday naftiisa waxyaalaha uu og yahay1, umana muujin. Wuxuu yidhi: Idinkaa ka shar badan. Alle dhab u Ogsoon waxaad sheegeysaan.
Sharaxa hoose
[1] Ugama uusan jawaabin in isagu qudhiisa ay ka soo xadeen aabbihi. -
قَالُوا۟ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْعَزِيزُ إِنَّ لَهُۥٓ أَبًا شَيْخًا كَبِيرًا فَخُذْ أَحَدَنَا مَكَانَهُۥٓ ۖ إِنَّا نَرَىٰكَ مِنَ ٱلْمُحْسِنِينَ٧٨
Qaloo ya ayyuha alʿazeezu inna lahu aban shaykhan kabeeran fakhuth ahadana makanahu inna naraka mina almuhsineena
Waxay yidhaahdeen: Mudanow1! Wuxuu leeyahay aabbe, oday weyn ah, ee midkayo u qaado meeshiisa. Waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha.
Sharaxa hoose
[1] Iyagoo la hadlaya Yuusuf, oo markaas ahaa Caziizka (wasiirka koowaad ee) Masar. -
قَالَ مَعَاذَ ٱللَّهِ أَن نَّأْخُذَ إِلَّا مَن وَجَدْنَا مَتَـٰعَنَا عِندَهُۥٓ إِنَّآ إِذًا لَّظَـٰلِمُونَ٧٩
Qala maʿatha Allahi an nakhutha illa man wajadna mataʿana ʿindahu inna ithan lathalimoona
Wuxuu yidhi: Allaan ka magan galay inaan qaadanno qofaan aheyn midkaan alaabtayada ka hellay agtiisa. (Haddaan sidaas yeello), waxaan markaas innagu nahay daalimiin (gar ma qaatayaal).
-
فَلَمَّا ٱسْتَيْـَٔسُوا۟ مِنْهُ خَلَصُوا۟ نَجِيًّا ۖ قَالَ كَبِيرُهُمْ أَلَمْ تَعْلَمُوٓا۟ أَنَّ أَبَاكُمْ قَدْ أَخَذَ عَلَيْكُم مَّوْثِقًا مِّنَ ٱللَّهِ وَمِن قَبْلُ مَا فَرَّطتُمْ فِى يُوسُفَ ۖ فَلَنْ أَبْرَحَ ٱلْأَرْضَ حَتَّىٰ يَأْذَنَ لِىٓ أَبِىٓ أَوْ يَحْكُمَ ٱللَّهُ لِى ۖ وَهُوَ خَيْرُ ٱلْحَـٰكِمِينَ٨٠
Falamma istayasoo minhu khalasoo najiyyan qala kabeeruhum alam taʿlamoo anna abakum qad akhatha ʿalaykum mawthiqan mina Allahi wamin qablu ma farrattum fee yoosufa falan abraha alarda hatta yathana lee abee aw yahkuma Allahu lee wahuwa khayru alhakimeena
Markay ka quusteen bay isula baxeen faq gaar ah. Koodii u weynaa (Rubiin) baa wuxuu yidhi: Ma waydaan ogeyn in aabbihiin ballan adag idiinka qaaday Magaca Alle, iyo sidaad horeyba ugu gabood fasheen arrinkii Yuusuf? Sidaa awgeed anigu kama tegayo arladan jeer aabbahay ii idmo, ama Alle xukumo arrinkayga1, Isagaana u wanaagsan inta wax Xukunta.
Sharaxa hoose
[1] Xukun aniga ii dan ah oo la xidhiidha soo deynta Binyaamiin. -
ٱرْجِعُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَبِيكُمْ فَقُولُوا۟ يَـٰٓأَبَانَآ إِنَّ ٱبْنَكَ سَرَقَ وَمَا شَهِدْنَآ إِلَّا بِمَا عَلِمْنَا وَمَا كُنَّا لِلْغَيْبِ حَـٰفِظِينَ٨١
Irjiʿoo ila abeekum faqooloo ya abana inna ibnaka saraqa wama shahidna illa bima ʿalimna wama kunna lilghaybi hafitheena
U noqda Aabbihiin oo dhaha, Aabbow! Wiilkaagii wax buu xaday, mana marag fureyno waxaan ognahay mooyee, mana nihin kuwo og waxa qarsoon aan muuqan1.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha waa ma aanan ogeyn markii aan wacad kula galnay, inuu wax xadayo oo la qabanayo. -
وَسْـَٔلِ ٱلْقَرْيَةَ ٱلَّتِى كُنَّا فِيهَا وَٱلْعِيرَ ٱلَّتِىٓ أَقْبَلْنَا فِيهَا ۖ وَإِنَّا لَصَـٰدِقُونَ٨٢
Waisali alqaryata allatee kunna feeha waalʿeera allatee aqbalna feeha wainna lasadiqoona
Weydii (dadka) magaaladii aan joognay iyo safarradii aan la soo noqonnay, oo run baan sheegeynaa.
-
قَالَ بَلْ سَوَّلَتْ لَكُمْ أَنفُسُكُمْ أَمْرًا ۖ فَصَبْرٌ جَمِيلٌ ۖ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَأْتِيَنِى بِهِمْ جَمِيعًا ۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْحَكِيمُ٨٣
Qala bal sawwalat lakum anfusukum amran fasabrun jameelun ʿasa Allahu an yatiyanee bihim jameeʿan innahu huwa alʿaleemu alhakeemu
(Yacquub) wuxuu yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiin qurxisay arrin. Ee samir qurxoon (baa ila gudboon). Waa intaasoo Alle (dib) iigu keeno iyagoo dhan. Waa Isaga Wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.
-
وَتَوَلَّىٰ عَنْهُمْ وَقَالَ يَـٰٓأَسَفَىٰ عَلَىٰ يُوسُفَ وَٱبْيَضَّتْ عَيْنَاهُ مِنَ ٱلْحُزْنِ فَهُوَ كَظِيمٌ٨٤
Watawalla ʿanhum waqala ya asafa ʿala yoosufa waibyaddat ʿaynahu mina alhuzni fahuwa katheemun
Wuuna ka jeesaday xaggoodii oo yidhi: u walbahaarkaygow Yuusuf! Waxayna la caddaadeen indhahiisu murugo darteed1 isagoo ahaa mid tiiraanyeysan.
Sharaxa hoose
[1] Wuxuu beelay araggiisa. -
قَالُوا۟ تَٱللَّهِ تَفْتَؤُا۟ تَذْكُرُ يُوسُفَ حَتَّىٰ تَكُونَ حَرَضًا أَوْ تَكُونَ مِنَ ٱلْهَـٰلِكِينَ٨٥
Qaloo taAllahi taftao tathkuru yoosufa hatta takoona haradan aw takoona mina alhalikeena
Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! ma dayn doontid hadal haynta Yuusuf jeer aad bukaan jiif noqoto ama (jeer) aad dhimato.
-
قَالَ إِنَّمَآ أَشْكُوا۟ بَثِّى وَحُزْنِىٓ إِلَى ٱللَّهِ وَأَعْلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ٨٦
Qala innama ashkoo baththee wahuznee ila Allahi waaʿlamu mina Allahi ma la taʿlamoona
Wuxuu yidhi: Waxaan uun u sheegan baahideyda iyo walbahaarkeyga Alle, waxaana ka ogahay xagga Alle1 wax aydaan ogayn.
Sharaxa hoose
[1] Uma uusan muujin inta ay gaarsiisan tahay ka xumaantiisa ama cadhadiisa waxa uu ka shakiyey ilmahiisa inay faleen, wuuse iska samrayey, isagoo isku halleynaya Alle oo ka doonaya kaalmo. -
يَـٰبَنِىَّ ٱذْهَبُوا۟ فَتَحَسَّسُوا۟ مِن يُوسُفَ وَأَخِيهِ وَلَا تَا۟يْـَٔسُوا۟ مِن رَّوْحِ ٱللَّهِ ۖ إِنَّهُۥ لَا يَا۟يْـَٔسُ مِن رَّوْحِ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلْقَوْمُ ٱلْكَـٰفِرُونَ٨٧
Ya baniyya ithhaboo fatahassasoo min yoosufa waakheehi wala tayasoo min rawhi Allahi innahu la yayasu min rawhi Allahi illa alqawmu alkafiroona
Maandhooyinow! Taga oo soo wareysta arrinka Yuusuf iyo walaalki, hana ka quusannina Naxariista Alle. Hubaal cidina kama quusato Naxariista Alle aan aheyn qoloda gaalada ah.
-
فَلَمَّا دَخَلُوا۟ عَلَيْهِ قَالُوا۟ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْعَزِيزُ مَسَّنَا وَأَهْلَنَا ٱلضُّرُّ وَجِئْنَا بِبِضَـٰعَةٍ مُّزْجَىٰةٍ فَأَوْفِ لَنَا ٱلْكَيْلَ وَتَصَدَّقْ عَلَيْنَآ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ يَجْزِى ٱلْمُتَصَدِّقِينَ٨٨
Falamma dakhaloo ʿalayhi qaloo ya ayyuha alʿazeezu massana waahlana alddurru wajina bibidaʿatin muzjatin faawfi lana alkayla watasaddaq ʿalayna inna Allaha yajzee almutasaddiqeena
Markay u soo galeen (Yuusuf), waxay yidhaahdeen: Mudanow! Dhib baa na taabtay innaga iyo ehelkayagaba, waxaana la nimid badeecad liidata, ee na sii beeg dhan oo wax nagu sadaqeyso. Hubaal, Alle baa u abaal guda kuwa wax sadaqeysta.
-
قَالَ هَلْ عَلِمْتُم مَّا فَعَلْتُم بِيُوسُفَ وَأَخِيهِ إِذْ أَنتُمْ جَـٰهِلُونَ٨٩
Qala hal ʿalimtum ma faʿaltum biyoosufa waakheehi ith antum jahiloona
Wuxuu yidhi: Ma ogtihiin sidaad u gasheen Yuusuf iyo walaalkiis idinkoo markaas ahaa jaahiliin?
-
قَالُوٓا۟ أَءِنَّكَ لَأَنتَ يُوسُفُ ۖ قَالَ أَنَا۠ يُوسُفُ وَهَـٰذَآ أَخِى ۖ قَدْ مَنَّ ٱللَّهُ عَلَيْنَآ ۖ إِنَّهُۥ مَن يَتَّقِ وَيَصْبِرْ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ ٱلْمُحْسِنِينَ٩٠
Qaloo ainnaka laanta yoosufa qala ana yoosufu wahatha akhee qad manna Allahu ʿalayna innahu man yattaqi wayasbir fainna Allaha la yudeeʿu ajra almuhsineena
Waxay yidhaahdeen: Adigu ma Yuusuf baa tahay? Wuxuu yidhi: Waa aniga Yuusuf, kanina waa walaalkay. Alle baa runtii noo nicmeeyey. Hubaal, kii isagu iska dhowra (xume) oo samir yeesha (waa loo abaal gudaa), hubaal Alle ma dayaco abaalka sama falayaasha.
-
قَالُوا۟ تَٱللَّهِ لَقَدْ ءَاثَرَكَ ٱللَّهُ عَلَيْنَا وَإِن كُنَّا لَخَـٰطِـِٔينَ٩١
Qaloo taAllahi laqad atharaka Allahu ʿalayna wain kunna lakhatieena
Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! Waxaa runtii naga kaa doortay Alle, innaguna waa gefsaneyn.
-
قَالَ لَا تَثْرِيبَ عَلَيْكُمُ ٱلْيَوْمَ ۖ يَغْفِرُ ٱللَّهُ لَكُمْ ۖ وَهُوَ أَرْحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ٩٢
Qala la tathreeba ʿalaykumu alyawma yaghfiru Allahu lakum wahuwa arhamu alrrahimeena
(Yuusuf) wuxuu yidhi: Canaan korkiinna ma aha maanta, Allaha idiin dembi dhaafo, Isagaana u Naxariis Badan inta naxariisata.
-
ٱذْهَبُوا۟ بِقَمِيصِى هَـٰذَا فَأَلْقُوهُ عَلَىٰ وَجْهِ أَبِى يَأْتِ بَصِيرًا وَأْتُونِى بِأَهْلِكُمْ أَجْمَعِينَ٩٣
Ithhaboo biqameesee hatha faalqoohu ʿala wajhi abee yati baseeran watoonee biahlikum ajmaʿeena
Qaata shaarkaygaan oo ku tuura wajiga aabbahay, wuxuu noqon mid wax arka, oo ii keena ehelediinna oo dhan.
-
وَلَمَّا فَصَلَتِ ٱلْعِيرُ قَالَ أَبُوهُمْ إِنِّى لَأَجِدُ رِيحَ يُوسُفَ ۖ لَوْلَآ أَن تُفَنِّدُونِ٩٤
Walamma fasalati alʿeeru qala aboohum innee laajidu reeha yoosufa lawla an tufannidooni
Markuu safarkii soo ambabaxay, aabbahood wuxuu yidhi: Anigu waxaan heli caraftii Yuusuf, haddaydaan i dhaliileyn1.
Sharaxa hoose
[1] Intii la joogtay, oo ahaa qaar ka mid ah ilmahiisa ama qaraabadiisa kale. -
قَالُوا۟ تَٱللَّهِ إِنَّكَ لَفِى ضَلَـٰلِكَ ٱلْقَدِيمِ٩٥
Qaloo taAllahi innaka lafee dalalika alqadeemi
Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! Waxaad ku sugan tahay gefkaagii hore.
-
فَلَمَّآ أَن جَآءَ ٱلْبَشِيرُ أَلْقَىٰهُ عَلَىٰ وَجْهِهِۦ فَٱرْتَدَّ بَصِيرًا ۖ قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ إِنِّىٓ أَعْلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ٩٦
Falamma an jaa albasheeru alqahu ʿala wajhihi fairtadda baseeran qala alam aqul lakum innee aʿlamu mina Allahi ma la taʿlamoona
Markuu yimid bishaaro sidihii, wuxuu uga tuuray 'shaarkii'1 wajigiisa, markaasuu noqday mid wax arka; Wuxuu yidhi: Sow idinkuma aan odhan: Waxaan anigu ka ogahay xagga Alle wax aydaan ogayn.
Sharaxa hoose
[1] Kii soo qaaday shaarkii Yuusuf ee ka mid ah walaalihiis. -
قَالُوا۟ يَـٰٓأَبَانَا ٱسْتَغْفِرْ لَنَا ذُنُوبَنَآ إِنَّا كُنَّا خَـٰطِـِٔينَ٩٧
Qaloo ya abana istaghfir lana thunoobana inna kunna khatieena
Waxay yidhaahdeen: Aabbahayow! Noo denbi dhaaf dalab, waxaanu innagu aheyn kuwo gefsan.
-
قَالَ سَوْفَ أَسْتَغْفِرُ لَكُمْ رَبِّىٓ ۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ٩٨
Qala sawfa astaghfiru lakum rabbee innahu huwa alghafooru alrraheemu
Wuxuu yidhi: Waxaan idiin weydiin Rabbigay denbi dhaaf, hubaal, waa Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
-
فَلَمَّا دَخَلُوا۟ عَلَىٰ يُوسُفَ ءَاوَىٰٓ إِلَيْهِ أَبَوَيْهِ وَقَالَ ٱدْخُلُوا۟ مِصْرَ إِن شَآءَ ٱللَّهُ ءَامِنِينَ٩٩
Falamma dakhaloo ʿala yoosufa awa ilayhi abawayhi waqala odkhuloo misra in shaa Allahu amineena
Markay u soo galeen Yuusuf, wuxuu u soo dumay Xaggiisa labadiisii waalid oo yidhi: Gala Masar, haddii Alle idmo, idinkoo aamin ah nabdoon.
-
وَرَفَعَ أَبَوَيْهِ عَلَى ٱلْعَرْشِ وَخَرُّوا۟ لَهُۥ سُجَّدًا ۖ وَقَالَ يَـٰٓأَبَتِ هَـٰذَا تَأْوِيلُ رُءْيَـٰىَ مِن قَبْلُ قَدْ جَعَلَهَا رَبِّى حَقًّا ۖ وَقَدْ أَحْسَنَ بِىٓ إِذْ أَخْرَجَنِى مِنَ ٱلسِّجْنِ وَجَآءَ بِكُم مِّنَ ٱلْبَدْوِ مِنۢ بَعْدِ أَن نَّزَغَ ٱلشَّيْطَـٰنُ بَيْنِى وَبَيْنَ إِخْوَتِىٓ ۚ إِنَّ رَبِّى لَطِيفٌ لِّمَا يَشَآءُ ۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْحَكِيمُ١٠٠
Warafaʿa abawayhi ʿala alʿarshi wakharroo lahu sujjadan waqala ya abati hatha taweelu ruyaya min qablu qad jaʿalaha rabbee haqqan waqad ahsana bee ith akhrajanee mina alssijni wajaa bikum mina albadwi min baʿdi an nazagha alshshaytanu baynee wabayna ikhwatee inna rabbee lateefun lima yashao innahu huwa alʿaleemu alhakeemu
Wuxuuna geeyey labadiisa waalid Carshigiisa, waxayna hortiisa kula dhaceen sujuud1, wuxuuna yidhi: Aabbow! Kani waa fasirkii riyadaydii hore! Rabbigay wuxuu ka yeelay xaq. Waana i wanaajiyey markuu iga soo saaray xabbiska, idinkana keenay miyiga, kaddib markuu Shaydaan ku abuuray kala fogaansho dhexdeenna aniga iyo walaalahay. Hubaal, Rabbigay waa u Roonaan iyo daryeel Badan yahay cidduu doono. Hubaal waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.
Sharaxa hoose
[1] Taasi waa salaan xurmo iyo ciseyn ah, ee bannaaneyd ka hor soo diristii Nabi Muxammad s.c.w. U sujuudidda ama u rukuuca qof ama shey ama cid aan ahayn Alle markaa kaddib waa la mamnuucay. -
۞ رَبِّ قَدْ ءَاتَيْتَنِى مِنَ ٱلْمُلْكِ وَعَلَّمْتَنِى مِن تَأْوِيلِ ٱلْأَحَادِيثِ ۚ فَاطِرَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ أَنتَ وَلِىِّۦ فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ ۖ تَوَفَّنِى مُسْلِمًا وَأَلْحِقْنِى بِٱلصَّـٰلِحِينَ١٠١
Rabbi qad ataytanee mina almulki waʿallamtanee min taweeli alahadeethi fatira alssamawati waalardi anta waliyyee fee alddunya waalakhirati tawaffanee musliman waalhiqnee bialssaliheena
Rabbiyow! Waxaad i siisay xukun, oo i bartay fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka); Kan (Keliya) ee Aheysiiyow samooyinka iyo arlada! Adigaa ah Gargaaraheyga adduunkan iyo Aakhiradaba ee i oofso anigoo Muslim ah, ina haleeshii kuwa wanaagsan.
-
ذَٰلِكَ مِنْ أَنۢبَآءِ ٱلْغَيْبِ نُوحِيهِ إِلَيْكَ ۖ وَمَا كُنتَ لَدَيْهِمْ إِذْ أَجْمَعُوٓا۟ أَمْرَهُمْ وَهُمْ يَمْكُرُونَ١٠٢
Thalika min anbai alghaybi nooheehi ilayka wama kunta ladayhim ith ajmaʿoo amrahum wahum yamkuroona
Kani waa wax ka mid ah wararka la xidhiidha waxa qarsoon aan muuqan oo aan kuu waxyoonno (Nabiyow). Ma aad aheyn mid la jooga iyaga markay go’aansadeen arrinkoodii iyagoo abaabulayey shirqoollo.
-
وَمَآ أَكْثَرُ ٱلنَّاسِ وَلَوْ حَرَصْتَ بِمُؤْمِنِينَ١٠٣
Wama aktharu alnnasi walaw harasta bimumineena
Dadka badankiisu ma rumeeyaan (Xaqa) si kastoo aad ugu dadaasho.
-
وَمَا تَسْـَٔلُهُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۚ إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَـٰلَمِينَ١٠٤
Wama tasaluhum ʿalayhi min ajrin in huwa illa thikrun lilʿalameena
Wax abaalgud ahna kuma weydiisatid (Qur’aan)kani darti; (Qur’aankani) wax kale ma aha aan aheyn waanada Caalamka.
-
وَكَأَيِّن مِّنْ ءَايَةٍ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ يَمُرُّونَ عَلَيْهَا وَهُمْ عَنْهَا مُعْرِضُونَ١٠٥
Wakaayyin min ayatin fee alssamawati waalardi yamurroona ʿalayha wahum ʿanha muʿridoona
Badanaa waxa calaamo ku sugan samooyinka iyo arlada ay soo maraan iyagoo ka jeedsan.
-
وَمَا يُؤْمِنُ أَكْثَرُهُم بِٱللَّهِ إِلَّا وَهُم مُّشْرِكُونَ١٠٦
Wama yuminu aktharuhum biAllahi illa wahum mushrikoona
Badankoodna ma rumeeyaan Alle iyagoo wax la wadaajinaya (cibaadada) maahee oo u shariig yeelaya.
-
أَفَأَمِنُوٓا۟ أَن تَأْتِيَهُمْ غَـٰشِيَةٌ مِّنْ عَذَابِ ٱللَّهِ أَوْ تَأْتِيَهُمُ ٱلسَّاعَةُ بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ١٠٧
Afaaminoo an tatiyahum ghashiyatun min ʿathabi Allahi aw tatiyahumu alssaʿatu baghtatan wahum la yashʿuroona
Ee ma waxay (dadku) ka yihiin aamin inay u timaaddo daboosho Cadaabka Alle ah, ama ugu timaaddo Saacadda (Qiyaame) kedis iyagoon dareemeyn.
-
قُلْ هَـٰذِهِۦ سَبِيلِىٓ أَدْعُوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ ۚ عَلَىٰ بَصِيرَةٍ أَنَا۠ وَمَنِ ٱتَّبَعَنِى ۖ وَسُبْحَـٰنَ ٱللَّهِ وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ١٠٨
Qul hathihi sabeelee adʿoo ila Allahi ʿala baseeratin ana wamani ittabaʿanee wasubhana Allahi wama ana mina almushrikeena
Dheh: Kani (Islaamka) waa jidkayga; Waxaan ugu baaqaa dadka xagga Alle, Aniga iyo cid kastoo i raacdaba innagoo yaqiinsan oo ku sugan xujo cad. Xurmo oo dhanna waxaa iska leh oo (xumaan) ka Hufan Alle, aniguna ka mid ma ahi mushrikiinta.
-
وَمَآ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ إِلَّا رِجَالًا نُّوحِىٓ إِلَيْهِم مِّنْ أَهْلِ ٱلْقُرَىٰٓ ۗ أَفَلَمْ يَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَيَنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۗ وَلَدَارُ ٱلْـَٔاخِرَةِ خَيْرٌ لِّلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ ۗ أَفَلَا تَعْقِلُونَ١٠٩
Wama arsalna min qablika illa rijalan noohee ilayhim min ahli alqura afalam yaseeroo fee alardi fayanthuroo kayfa kana ʿaqibatu allatheena min qablihim waladaru alakhirati khayrun lillatheena ittaqaw afala taʿqiloona
Ma aanu soo dirin hortaa waxaan ahayn rag ka tirsan dadka magaalooyinka kuwaasoo aan u waxyoonnay. Ee miyeyna1 marin dhulka oo fiirinin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey (ee Xaqa beeniyey)? Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo xumaha). Ee miyeydaan garowsaneyn?
Sharaxa hoose
[1] Kuwa beeniya Nabi Muxammad s.c.w. -
حَتَّىٰٓ إِذَا ٱسْتَيْـَٔسَ ٱلرُّسُلُ وَظَنُّوٓا۟ أَنَّهُمْ قَدْ كُذِبُوا۟ جَآءَهُمْ نَصْرُنَا فَنُجِّىَ مَن نَّشَآءُ ۖ وَلَا يُرَدُّ بَأْسُنَا عَنِ ٱلْقَوْمِ ٱلْمُجْرِمِينَ١١٠
Hatta itha istayasa alrrusulu wathannoo annahum qad kuthiboo jaahum nasruna fanujjiya man nashao wala yuraddu basuna ʿani alqawmi almujrimeena
Jeer markay Rusushu quustaan oo ya- qiinsadaan in la beeniyey, markaas ayaa waxaa u yimaada gargaarkayaga, oo aan badbaadinnaa ciddaan doonno, lagamana celiyo Baaskayaga qoloda denbiilayaasha ah.
-
لَقَدْ كَانَ فِى قَصَصِهِمْ عِبْرَةٌ لِّأُو۟لِى ٱلْأَلْبَـٰبِ ۗ مَا كَانَ حَدِيثًا يُفْتَرَىٰ وَلَـٰكِن تَصْدِيقَ ٱلَّذِى بَيْنَ يَدَيْهِ وَتَفْصِيلَ كُلِّ شَىْءٍ وَهُدًى وَرَحْمَةً لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ١١١
Laqad kana fee qasasihim ʿibratun liolee alalbabi ma kana hadeethan yuftara walakin tasdeeqa allathee bayna yadayhi watafseela kulli shayin wahudan warahmatan liqawmin yuminoona
Waxaa dhab ahaan ugu sugan qisooyinkooda cashar ay ku cibrad qaataan wax garadka. Ma aha (Qur’aankani) hadal la been abuurtay, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), iyo caddeynta wax kasta1, waana u hanuun iyo naxariis ciddii rumayn (Xaqa).
Sharaxa hoose
[1] Caqiidada, axkaanta, xalaasha xaaraanta, adaabta iyo debciga san.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Suuradda Yuusuf juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Yuusuf waxay ku fidsan tahay juz’ 12 iyo 13.
Suuradda Yuusuf immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Yuusuf waxay leedahay 111 aayadood.
Suuradda Yuusuf ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Yuusuf waa suurad Makki ah.
Suuradda Yuusuf waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 12aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.