سورة الرعد
Suuradda Ar-Racd oo af Soomaali ah
Onkodka
- 13
- 43 aayadood
- Madani
- Juz’ 13
- Bogagga 249–255
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Ar-Racd (الرعد) waa suuradda 13aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 43 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Onkodka”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 13.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Ar-Racd oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Ar-Racd oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
الٓمٓر ۚ تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱلْكِتَـٰبِ ۗ وَٱلَّذِىٓ أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ ٱلْحَقُّ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤْمِنُونَ١
Aliflammeemra tilka ayatu alkitabi waallathee onzila ilayka min rabbika alhaqqu walakinna akthara alnnasi la yuminoona
Alif Laam Miim Raa1. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka), oo (Waxyiga) lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa waa Xaq, dadka badankiisuse ma rumeeyaan.
Sharaxa hoose
[1] Eeg sharaxa SuuraddaAl-Baqarah: Aayadda 1. -
ٱللَّهُ ٱلَّذِى رَفَعَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا ۖ ثُمَّ ٱسْتَوَىٰ عَلَى ٱلْعَرْشِ ۖ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ ۖ كُلٌّ يَجْرِى لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ يُدَبِّرُ ٱلْأَمْرَ يُفَصِّلُ ٱلْـَٔايَـٰتِ لَعَلَّكُم بِلِقَآءِ رَبِّكُمْ تُوقِنُونَ٢
Allahu allathee rafaʿa alssamawati bighayri ʿamadin tarawnaha thumma istawa ʿala alʿarshi wasakhkhara alshshamsa waalqamara kullun yajree liajalin musamman yudabbiru alamra yufassilu alayati laʿallakum biliqai rabbikum tooqinoona
Alle waa Kan kor yeelay samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, markaas dul ahaaday Carshiga, Wuxuu (idiin) sakhiray qorraxda iyo dayaxa; mid walbaa ku socdo (marriinkiisa) ilaa waqti magacaaban, Wuxuu isku dubbiradaa oo maamulaa arrin walba (ee uunka), ka yeelaa caddaan Aayadaha si aad u yaqiinsataan la kulanka Rabbigiin.
-
وَهُوَ ٱلَّذِى مَدَّ ٱلْأَرْضَ وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِىَ وَأَنْهَـٰرًا ۖ وَمِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ جَعَلَ فِيهَا زَوْجَيْنِ ٱثْنَيْنِ ۖ يُغْشِى ٱلَّيْلَ ٱلنَّهَارَ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ٣
Wahuwa allathee madda alarda wajaʿala feeha rawasiya waanharan wamin kulli alththamarati jaʿala feeha zawjayni ithnayni yughshee allayla alnnahara inna fee thalika laayatin liqawmin yatafakkaroona
Alle Waa Kan fidiyey arlada yeelayna dhexdiisa buuro sugan iyo webiyo, midho kastaana ka yeelay dhexdiisa labo nooc, wuxuu ku daboolaa habeenka maaalinta. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii fekeri.
-
وَفِى ٱلْأَرْضِ قِطَعٌ مُّتَجَـٰوِرَٰتٌ وَجَنَّـٰتٌ مِّنْ أَعْنَـٰبٍ وَزَرْعٌ وَنَخِيلٌ صِنْوَانٌ وَغَيْرُ صِنْوَانٍ يُسْقَىٰ بِمَآءٍ وَٰحِدٍ وَنُفَضِّلُ بَعْضَهَا عَلَىٰ بَعْضٍ فِى ٱلْأُكُلِ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ٤
Wafee alardi qitaʿun mutajawiratun wajannatun min aʿnabin wazarʿun wanakheelun sinwanun waghayru sinwanin yusqa bimain wahidin wanufaddilu baʿdaha ʿala baʿdin fee alokuli inna fee thalika laayatin liqawmin yaʿqiloona
Waxaa dhulka ah goosinno isbar bar ah, iyo beero canab ah, haruur iyo geedo timir leh jirrid urursan ay dhowr geed ka soo baxaan iyo kuwo kala tagsan oo geed keliya ka soo baxo halkii jirridba1, lagana waraabsho biyo isku mid ah, waxaana kaga sare marinnaa qaarkoodba qaar kale (qiimaha) cunnada. Waxaa hubaal arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi.
Sharaxa hoose
[1] Mid keliya uu ka soo baxo jirridkii, iyo kuwo halkii jirrid dhowr geed ka soo baxaan. -
۞ وَإِن تَعْجَبْ فَعَجَبٌ قَوْلُهُمْ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبًا أَءِنَّا لَفِى خَلْقٍ جَدِيدٍ ۗ أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِرَبِّهِمْ ۖ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلْأَغْلَـٰلُ فِىٓ أَعْنَاقِهِمْ ۖ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلنَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَـٰلِدُونَ٥
Wain taʿjab faʿajabun qawluhum aitha kunna turaban ainna lafee khalqin jadeedin olaika allatheena kafaroo birabbihim waolaika alaghlalu fee aʿnaqihim waolaika ashabu alnnari hum feeha khalidoona
Haddaad yaabtana1, waxaa yaab ah weedhooda: Ma markaan noqonno carro, miyaa markaas abuur cusub (nala abuuri)? Kuwan weeye kuwa ku gaaloobay Rabbigood, kuwan waxaa ahaan jeebbado luqmahooda korkood2, waa kuwan ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari weligood.
Sharaxa hoose
[1] Aad la yaabban tahay kuwaa beeniya Towxiidka islaamka ee caabuda cid kale aan Alle ahayn. [2] Silsilado bir ah oo gacamahooda lagu xirxiro iyo luqumahooda. -
وَيَسْتَعْجِلُونَكَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبْلَ ٱلْحَسَنَةِ وَقَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِمُ ٱلْمَثُلَـٰتُ ۗ وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغْفِرَةٍ لِّلنَّاسِ عَلَىٰ ظُلْمِهِمْ ۖ وَإِنَّ رَبَّكَ لَشَدِيدُ ٱلْعِقَابِ٦
Wayastaʿjiloonaka bialssayyiati qabla alhasanati waqad khalat min qablihimu almathulatu wainna rabbaka lathoo maghfiratin lilnnasi ʿala thulmihim wainna rabbaka lashadeedu alʿiqabi
Waxay (Nabiyow) ku weydiisan inaad u soo dedejiso xumaan 'Cadaab'1 halkii wanaagga, waxaana tagay tusaalooyin (ciqaabeed) hortood. Rabbigaa waa u denbi dhaaf badan yahay dadka dulmigooda. Rabbigaana ciqaabkiisu aad buu u Daran yahay.
Sharaxa hoose
[1] Waxay yidhaahdeen iyagoo ka hor imaanaya Nabiga s.c.w. oo ku jeesjeesaya noo keen ciqaab haddaad run sheegeyso, halkay dalbi lahaayeen naxariista Alle iyo denbi dhaafkiisa. -
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْهِ ءَايَةٌ مِّن رَّبِّهِۦٓ ۗ إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرٌ ۖ وَلِكُلِّ قَوْمٍ هَادٍ٧
Wayaqoolu allatheena kafaroo lawla onzila ʿalayhi ayatun min rabbihi innama anta munthirun walikulli qawmin hadin
Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Adigu waxaad tahay oo keliya dige, qolo walbaana waxay leeyihiin hanuuniye.
-
ٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا تَحْمِلُ كُلُّ أُنثَىٰ وَمَا تَغِيضُ ٱلْأَرْحَامُ وَمَا تَزْدَادُ ۖ وَكُلُّ شَىْءٍ عِندَهُۥ بِمِقْدَارٍ٨
Allahu yaʿlamu ma tahmilu kullu ontha wama tagheedu alarhamu wama tazdadu wakullu shayin ʿindahu bimiqdarin
Alle wuu Og yahay waxay dheddig walbaa uurka ku siddo1, iyo waxa ilmo galeennadu nusqaamiyaan iyo waxay kororsadaanba2. Wax walbaana Alle Agtiisa qaddar (waqti) go’an yuu leeyahay.
Sharaxa hoose
[1] Isagoo aqoon dhan u leh wax kastoo ku saabsan ilmahaas uurka ku jira. [2] Dhaafsiisan waqtiga caadiga ee uurka oo ogsoon muddada ilmaha ku jira uurka. -
عَـٰلِمُ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَـٰدَةِ ٱلْكَبِيرُ ٱلْمُتَعَالِ٩
ʿalimu alghaybi waalshshahadati alkabeeru almutaʿali
Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, waa Weynaha, aad u Sarreeya.
-
سَوَآءٌ مِّنكُم مَّنْ أَسَرَّ ٱلْقَوْلَ وَمَن جَهَرَ بِهِۦ وَمَنْ هُوَ مُسْتَخْفٍۭ بِٱلَّيْلِ وَسَارِبٌۢ بِٱلنَّهَارِ١٠
Sawaon minkum man asarra alqawla waman jahara bihi waman huwa mustakhfin biallayli wasaribun bialnnahari
Waa isugu mid (Alle) kiinna idinka mid ah ee hadalkiisa qarsada iyo kan kor ugu dhawaaqa, iyo kan isku qariya habeenka iyo (kan) socda dharaar cad.
-
لَهُۥ مُعَقِّبَـٰتٌ مِّنۢ بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِۦ يَحْفَظُونَهُۥ مِنْ أَمْرِ ٱللَّهِ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا۟ مَا بِأَنفُسِهِمْ ۗ وَإِذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِقَوْمٍ سُوٓءًا فَلَا مَرَدَّ لَهُۥ ۚ وَمَا لَهُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَالٍ١١
Lahu muʿaqqibatun min bayni yadayhi wamin khalfihi yahfathoonahu min amri Allahi inna Allaha la yughayyiru ma biqawmin hatta yughayyiroo ma bianfusihim waitha arada Allahu biqawmin sooan fala maradda lahu wama lahum min doonihi min walin
Wuxuu leeyahay (qof kasta) kuwo is beddela 'malaa’ig'1, oo hortiisa iyo gadaashiisa ah, kuwaasoo ku ilaaaliya Amarka Alle2. Alle ma beddelo xaaladda qolo, jeeray iyagu naf ahaantoodu beddelaan xaaladdooda. Markuu Alle la doonona qolo xumaan, cidna ma baajin karto, mana leh Isaga sokadiis wax u soo gargaari kara.
Sharaxa hoose
[1] Iyagoo isku beddela moogaaleysi. [2] Waxaa weedhan loo qaadan karaa sidoo kale : kuwaasoo ka ilaaliya wax kasta wixii Alle u qoray oo qaddaray maahee. -
هُوَ ٱلَّذِى يُرِيكُمُ ٱلْبَرْقَ خَوْفًا وَطَمَعًا وَيُنشِئُ ٱلسَّحَابَ ٱلثِّقَالَ١٢
Huwa allathee yureekumu albarqa khawfan watamaʿan wayunshio alssahaba alththiqala
Alle Waa Kan idin tusa hillaaca cabsi iyo rajo gelin darteed, iyo (Kan) unka daruuro hogol ah oo biyo la culus.
-
وَيُسَبِّحُ ٱلرَّعْدُ بِحَمْدِهِۦ وَٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ مِنْ خِيفَتِهِۦ وَيُرْسِلُ ٱلصَّوَٰعِقَ فَيُصِيبُ بِهَا مَن يَشَآءُ وَهُمْ يُجَـٰدِلُونَ فِى ٱللَّهِ وَهُوَ شَدِيدُ ٱلْمِحَالِ١٣
Wayusabbihu alrraʿdu bihamdihi waalmalaikatu min kheefatihi wayursilu alssawaʿiqa fayuseebu biha man yashao wahum yujadiloona fee Allahi wahuwa shadeedu almihali
Wuxuu ku tasbiixsadaa onkodku Xamdiga Alle, malaa’igtuna ka Heybeysigi darteed, Wuxuu soo diraa danabyada oo ku ridaa cidduu doono1, iyaguna waxay ka doodaan arrinka Alle Isagoo Awood Badan oo Ciqaabkiisu Daran Yahay.
Sharaxa hoose
[1] Waa ciqaab ama halaagid denbiyadooda dartood. -
لَهُۥ دَعْوَةُ ٱلْحَقِّ ۖ وَٱلَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِهِۦ لَا يَسْتَجِيبُونَ لَهُم بِشَىْءٍ إِلَّا كَبَـٰسِطِ كَفَّيْهِ إِلَى ٱلْمَآءِ لِيَبْلُغَ فَاهُ وَمَا هُوَ بِبَـٰلِغِهِۦ ۚ وَمَا دُعَآءُ ٱلْكَـٰفِرِينَ إِلَّا فِى ضَلَـٰلٍ١٤
Lahu daʿwatu alhaqqi waallatheena yadʿoona min doonihi la yastajeeboona lahum bishayin illa kabasiti kaffayhi ila almai liyablugha fahu wama huwa bibalighihi wama duʿao alkafireena illa fee dalalin
(Alle keliyaa) mudan Baryada (cibaadada) Xaqa ah. Kuwaana ay baryaan (caabudaan) sokadiisa waxba uma ajiibi karaan, waxayna ka dhigan yihiin mid hore u soo fidsha gacmahiisa xagga biyo ku jira (ceel salki) si ay u soo gaadhaan afkiisa, mana gaadhayaan, baryada (cibaadada) gaaladuna ma aha waxaan aheyn baadil1.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha waxaa weeye in ilaahyada beenta ah ayan marnaba ajiibin baryadooda. -
وَلِلَّهِ يَسْجُدُ مَن فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ طَوْعًا وَكَرْهًا وَظِلَـٰلُهُم بِٱلْغُدُوِّ وَٱلْـَٔاصَالِ ۩١٥
Walillahi yasjudu man fee alssamawati waalardi tawʿan wakarhan wathilaluhum bialghuduwwi waalasali
Waxaa Alle u sujuuda (oo u hoggaan- san) wax kasta oo jira samooyinka iyo arlada iyagoo oggol ama qasban, iyo hoosaskooda aroor kasta iyo galbihiiba.
-
قُلْ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ قُلِ ٱللَّهُ ۚ قُلْ أَفَٱتَّخَذْتُم مِّن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءَ لَا يَمْلِكُونَ لِأَنفُسِهِمْ نَفْعًا وَلَا ضَرًّا ۚ قُلْ هَلْ يَسْتَوِى ٱلْأَعْمَىٰ وَٱلْبَصِيرُ أَمْ هَلْ تَسْتَوِى ٱلظُّلُمَـٰتُ وَٱلنُّورُ ۗ أَمْ جَعَلُوا۟ لِلَّهِ شُرَكَآءَ خَلَقُوا۟ كَخَلْقِهِۦ فَتَشَـٰبَهَ ٱلْخَلْقُ عَلَيْهِمْ ۚ قُلِ ٱللَّهُ خَـٰلِقُ كُلِّ شَىْءٍ وَهُوَ ٱلْوَٰحِدُ ٱلْقَهَّـٰرُ١٦
Qul man rabbu alssamawati waalardi quli Allahu qul afaittakhathtum min doonihi awliyaa la yamlikoona lianfusihim nafʿan wala darran qul hal yastawee alaʿma waalbaseeru am hal tastawee alththulumatu waalnnooru am jaʿaloo lillahi shurakaa khalaqoo kakhalqihi fatashabaha alkhalqu ʿalayhim quli Allahu khaliqu kulli shayin wahuwa alwahidu alqahharu
Dheh: Waa kuma Rabbiga samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Dheh: Ma waxaad haddaba yeelaneysaan Alle ka sokow awliyo (gargaarayaal) kuwaasoo aan u hanan karin wax awood ah ay wax ugu taraan ama wax ku yeelaan nafahooda? Dheh: Miyey siman yihiin kan indhaha la’ iyo kan wax arka? Ama ma sinnaan karaan Mugdiyada iyo Nuurka? Mise waxay la barbar dhigaan Alle shariigyo abuuray wax la mid ah abuurkiisa1, oo waxaa isaga ekaaday abuurkii? Dheh: Alle waa Abuuraha wax waliba. Waana Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta, isla weynayaasha iyo cadowyadiisa).
Sharaxa hoose
[1] Waxaa halkaas laga qaadanayaa in ilaahyadaa ay sheegeen, ayan awood u lahayn inay wax abuuraan, oo aan la barbar dhigi karin Alle sinnaba. -
أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَسَالَتْ أَوْدِيَةٌۢ بِقَدَرِهَا فَٱحْتَمَلَ ٱلسَّيْلُ زَبَدًا رَّابِيًا ۚ وَمِمَّا يُوقِدُونَ عَلَيْهِ فِى ٱلنَّارِ ٱبْتِغَآءَ حِلْيَةٍ أَوْ مَتَـٰعٍ زَبَدٌ مِّثْلُهُۥ ۚ كَذَٰلِكَ يَضْرِبُ ٱللَّهُ ٱلْحَقَّ وَٱلْبَـٰطِلَ ۚ فَأَمَّا ٱلزَّبَدُ فَيَذْهَبُ جُفَآءً ۖ وَأَمَّا مَا يَنفَعُ ٱلنَّاسَ فَيَمْكُثُ فِى ٱلْأَرْضِ ۚ كَذَٰلِكَ يَضْرِبُ ٱللَّهُ ٱلْأَمْثَالَ١٧
Anzala mina alssamai maan fasalat awdiyatun biqadariha faihtamala alssaylu zabadan rabiyan wamimma yooqidoona ʿalayhi fee alnnari ibtighaa hilyatin aw mataʿin zabadun mithluhu kathalika yadribu Allahu alhaqqa waalbatila faamma alzzabadu fayathhabu jufaan waamma ma yanfaʿu alnnasa fayamkuthu fee alardi kathalika yadribu Allahu alamthala
Wuxuu (Alle) ka soo dejiyaa biyo daruuraha, markaas bay togaggu qiyaastood (biyo la) durduraan, oo daadku qaadaa xumbada kor sabbaysa, iyo (macdanta) ay dadku dabka gashaan si ay uga sameystaan waxyaalo ay isku qurxiyaan, wuxuu daadku qaadaa sidoo kale alaabo (qashin ahoo) xumbada la mid ah, sidaasuu Alle tusaale ugu kala dhigaa Xaqa iyo Baadilka. Marka ma xumbada iyadu way tagtaa sida waxa aan qiimaha lahayn, waxase u leh nafaca dadku wuxuu ku haraa dhulka. Sidaasuu Alle u yeelaa tusaalayooyinka.
-
لِلَّذِينَ ٱسْتَجَابُوا۟ لِرَبِّهِمُ ٱلْحُسْنَىٰ ۚ وَٱلَّذِينَ لَمْ يَسْتَجِيبُوا۟ لَهُۥ لَوْ أَنَّ لَهُم مَّا فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا وَمِثْلَهُۥ مَعَهُۥ لَٱفْتَدَوْا۟ بِهِۦٓ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ سُوٓءُ ٱلْحِسَابِ وَمَأْوَىٰهُمْ جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ ٱلْمِهَادُ١٨
Lillatheena istajaboo lirabbihimu alhusna waallatheena lam yastajeeboo lahu law anna lahum ma fee alardi jameeʿan wamithlahu maʿahu laiftadaw bihi olaika lahum sooo alhisabi wamawahum jahannamu wabisa almihadu
Abaal gudka kuwa ajiiba Baaqa Rabbigood (ah inay Alle u Keli yeelaan cibaadada oo raacaan Rasuulka) waa Wanaag (Janno). Kuwase aan ajiibin hadday leeyihiin waxa yaal dhulka oo dhan oo ay wehliso wax la mid ah waxay u bixin lahaayeen madax furasho. Kuwaasi waxay leeyihiin xisaab daran oo xun, hoygooduna waa Jahannama; oo u xun gogol ahaan.
-
۞ أَفَمَن يَعْلَمُ أَنَّمَآ أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ ٱلْحَقُّ كَمَنْ هُوَ أَعْمَىٰٓ ۚ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَـٰبِ١٩
Afaman yaʿlamu annama onzila ilayka min rabbika alhaqqu kaman huwa aʿma innama yatathakkaru oloo alalbabi
Ma mid og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq baa la mid ah mid ka indha la'? Waase oo keliya dadka wax garadka ah kuwa waansami.
-
ٱلَّذِينَ يُوفُونَ بِعَهْدِ ٱللَّهِ وَلَا يَنقُضُونَ ٱلْمِيثَـٰقَ٢٠
Allatheena yoofoona biʿahdi Allahi wala yanqudoona almeethaqa
Ee ah kuwa oofiya axdiga Alle, oo aan ka bixin ballanka.
-
وَٱلَّذِينَ يَصِلُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيَخْشَوْنَ رَبَّهُمْ وَيَخَافُونَ سُوٓءَ ٱلْحِسَابِ٢١
Waallatheena yasiloona ma amara Allahu bihi an yoosala wayakhshawna rabbahum wayakhafoona sooa alhisabi
Kuwa xidhiidhiya waxa uu Alle amray in la xidhiidhiyo1, oo ka baqa Rabbigood, kana cabsada Xisaab Daran.
Sharaxa hoose
[1] Waa in aad loo ilaaliyo xiriirka qaraabada oo lagu dadaalo wanaajintooda. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma galo Jannada qof qaraabo goys ah”. -
وَٱلَّذِينَ صَبَرُوا۟ ٱبْتِغَآءَ وَجْهِ رَبِّهِمْ وَأَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنفَقُوا۟ مِمَّا رَزَقْنَـٰهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً وَيَدْرَءُونَ بِٱلْحَسَنَةِ ٱلسَّيِّئَةَ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ عُقْبَى ٱلدَّارِ٢٢
Waallatheena sabaroo ibtighaa wajhi rabbihim waaqamoo alssalata waanfaqoo mimma razaqnahum sirran waʿalaniyatan wayadraoona bialhasanati alssayyiata olaika lahum ʿuqba alddari
Ee ah kuwa samra (waqtiga shiddada ee ku sugnaada cibaadada) iyagoo doonaya Wajiga Rabbigood, oogana salaadda, oo bixiya wax ka mid ah waxaan ku irzaaqnay qarsoodi iyo caddaanba, kuna qaabila xumaanta samaan, kuwaasi waxay leeyihiin cidhib wanaagsan Daarta Dambe (Aakhirada).
-
جَنَّـٰتُ عَدْنٍ يَدْخُلُونَهَا وَمَن صَلَحَ مِنْ ءَابَآئِهِمْ وَأَزْوَٰجِهِمْ وَذُرِّيَّـٰتِهِمْ ۖ وَٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ يَدْخُلُونَ عَلَيْهِم مِّن كُلِّ بَابٍ٢٣
Jannatu ʿadnin yadkhuloonaha waman salaha min abaihim waazwajihim wathurriyyatihim waalmalaikatu yadkhuloona ʿalayhim min kulli babin
Jannooyinka cadni (negaadi) oo ay galayaan iyaga iyo kuwa wanaagsan ee ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda: waxayna Malaa’igtu uga soo geli albaab walba (iyagoo leh):
-
سَلَـٰمٌ عَلَيْكُم بِمَا صَبَرْتُمْ ۚ فَنِعْمَ عُقْبَى ٱلدَّارِ٢٤
Salamun ʿalaykum bima sabartum faniʿma ʿuqba alddari
Nabad korkiinna ha ahaato samirka aad yeelateen iyo sugnaashadiinna darteed. Wanaagsanaa Daartaa dambe (ee Jannada).
-
وَٱلَّذِينَ يَنقُضُونَ عَهْدَ ٱللَّهِ مِنۢ بَعْدِ مِيثَـٰقِهِۦ وَيَقْطَعُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ ۙ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمُ ٱللَّعْنَةُ وَلَهُمْ سُوٓءُ ٱلدَّارِ٢٥
Waallatheena yanqudoona ʿahda Allahi min baʿdi meethaqihi wayaqtaʿoona ma amara Allahu bihi an yoosala wayufsidoona fee alardi olaika lahumu allaʿnatu walahum sooo alddari
Kuwase jebiya axdiga Alle kaddib adkayntiisa, oo gooya wuxuu Alle amray in la xidhiidhiyo (oo wanaajiyo, sida qaraabada iyo deriska), oo fasaadiyana dhulka, kuwaas, waxaa u sugnaaday Nacalad, waxayna leeyihiin daarta xun (Naar).
-
ٱللَّهُ يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقْدِرُ ۚ وَفَرِحُوا۟ بِٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَمَا ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ إِلَّا مَتَـٰعٌ٢٦
Allahu yabsutu alrrizqa liman yashao wayaqdiru wafarihoo bialhayati alddunya wama alhayatu alddunya fee alakhirati illa mataʿun
Alle wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxayna ku farxaan nolosha adduunkan, mana aha nolosha adduunka marka loo eego Aakhirada waxaan ahayn raaxo muddo yar ah oo dhammaaneysa.
-
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْهِ ءَايَةٌ مِّن رَّبِّهِۦ ۗ قُلْ إِنَّ ٱللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِىٓ إِلَيْهِ مَنْ أَنَابَ٢٧
Wayaqoolu allatheena kafaroo lawla onzila ʿalayhi ayatun min rabbihi qul inna Allaha yudillu man yashao wayahdee ilayhi man anaba
Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamo (mucjiso) looga soo dejin waayey xagga Rabbigii? (Nabiyow) Dheh: Alle wuxuu dhumiyaa kuu doono oo u soo hanuuniyaa Xaggiisa kuwa u soo laabta (tawbad keena).
-
ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَتَطْمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكْرِ ٱللَّهِ ۗ أَلَا بِذِكْرِ ٱللَّهِ تَطْمَئِنُّ ٱلْقُلُوبُ٢٨
Allatheena amanoo watatmainnu quloobuhum bithikri Allahi ala bithikri Allahi tatmainnu alquloobu
Ee ah kuwa (Towxiidka) rumeysan oo ay quluubtoodu ku xasisho xusidda Alle. Ogaada xusidda Alle bay ku xasishaa quluubtu.
-
ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ طُوبَىٰ لَهُمْ وَحُسْنُ مَـَٔابٍ٢٩
Allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati tooba lahum wahusnu maabin
Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha aayatiin wanaagsan1 bay leeyihiin iyo rug u laabasho fiican (Janno).
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Jannada waxaa ah geed uu u socdo hooskeeda kan gaadiid saaran boqol sano oo uusan goyneyn. W.w. Al-Bukhaari. -
كَذَٰلِكَ أَرْسَلْنَـٰكَ فِىٓ أُمَّةٍ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهَآ أُمَمٌ لِّتَتْلُوَا۟ عَلَيْهِمُ ٱلَّذِىٓ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ وَهُمْ يَكْفُرُونَ بِٱلرَّحْمَـٰنِ ۚ قُلْ هُوَ رَبِّى لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَإِلَيْهِ مَتَابِ٣٠
Kathalika arsalnaka fee ommatin qad khalat min qabliha omamun litatluwa ʿalayhimu allathee awhayna ilayka wahum yakfuroona bialrrahmani qul huwa rabbee la ilaha illa huwa ʿalayhi tawakkaltu wailayhi matabi
Sidaasaan kuugu soo dirnay ummad dhexdood ay horteed ummado kale tageen, si aad ugu akhrido waxaan kuu waxyoonnay, iyaguna waxay beeniyaan Raxmaanka (Allaah). Dheh: Waa Rabbigay! Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan ahayn Isaga, Isagaan isku halleeyaa oo tala saartaa, waana Xaggiisa noqodkeyga 'tawbadeyda'.
-
وَلَوْ أَنَّ قُرْءَانًا سُيِّرَتْ بِهِ ٱلْجِبَالُ أَوْ قُطِّعَتْ بِهِ ٱلْأَرْضُ أَوْ كُلِّمَ بِهِ ٱلْمَوْتَىٰ ۗ بَل لِّلَّهِ ٱلْأَمْرُ جَمِيعًا ۗ أَفَلَمْ يَا۟يْـَٔسِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَن لَّوْ يَشَآءُ ٱللَّهُ لَهَدَى ٱلنَّاسَ جَمِيعًا ۗ وَلَا يَزَالُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ تُصِيبُهُم بِمَا صَنَعُوا۟ قَارِعَةٌ أَوْ تَحُلُّ قَرِيبًا مِّن دَارِهِمْ حَتَّىٰ يَأْتِىَ وَعْدُ ٱللَّهِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُخْلِفُ ٱلْمِيعَادَ٣١
Walaw anna quranan suyyirat bihi aljibalu aw quttiʿat bihi alardu aw kullima bihi almawta bal lillahi alamru jameeʿan afalam yayasi allatheena amanoo an law yashao Allahu lahada alnnasa jameeʿan wala yazalu allatheena kafaroo tuseebuhum bima sanaʿoo qariʿatun aw tahullu qareeban min darihim hatta yatiya waʿdu Allahi inna Allaha la yukhlifu almeeʿada
Haddii uu jiri lahaa Qur’aan ka yeeli buuraha inay socdaan, ama kala goyn dhulka, ama ka hadal siin meytida1 (ma ahaadeyn waxaan aheyn Qur’aankan). Mayee! Alle baa iska leh Amarka oo idil. Ee miyaanay weli ogaan kuwa (xaqa) rumeeyey in haddii Alle doono uu hanuunin lahaa dadkoo dhan? Oo kuwa gaalooba, ma deyn doonto inay ku dhacdo xumaha ay falaan darteed belaayo garaacda, amase degta meel ku dhow guryahooda, ilaa inta Ballanka Alle ka yimaado. Hubaal Alle ma ka baxo Ballankiisa.
Sharaxa hoose
[1] Sida ay soo jeediyeen oo dalbeen gaalada. -
وَلَقَدِ ٱسْتُهْزِئَ بِرُسُلٍ مِّن قَبْلِكَ فَأَمْلَيْتُ لِلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ثُمَّ أَخَذْتُهُمْ ۖ فَكَيْفَ كَانَ عِقَابِ٣٢
Walaqadi istuhzia birusulin min qablika faamlaytu lillatheena kafaroo thumma akhathtuhum fakayfa kana ʿiqabi
Waxaa lagu jeesjeesay Rusul (badan) adiga hortaa (Nabi Muxammadow), markaasaan siiyey fursad kuwii gaaloobay, kaddibna waan halaagay. Ee sidee mid daran u ahaa Ciqaabkeygii?.
-
أَفَمَنْ هُوَ قَآئِمٌ عَلَىٰ كُلِّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ ۗ وَجَعَلُوا۟ لِلَّهِ شُرَكَآءَ قُلْ سَمُّوهُمْ ۚ أَمْ تُنَبِّـُٔونَهُۥ بِمَا لَا يَعْلَمُ فِى ٱلْأَرْضِ أَم بِظَـٰهِرٍ مِّنَ ٱلْقَوْلِ ۗ بَلْ زُيِّنَ لِلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مَكْرُهُمْ وَصُدُّوا۟ عَنِ ٱلسَّبِيلِ ۗ وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنْ هَادٍ٣٣
Afaman huwa qaimun ʿala kulli nafsin bima kasabat wajaʿaloo lillahi shurakaa qul sammoohum am tunabbioonahu bima la yaʿlamu fee alardi am bithahirin mina alqawli bal zuyyina lillatheena kafaroo makruhum wasuddoo ʿani alssabeeli waman yudlili Allahu fama lahu min hadin
Ma mid Isagu dhowra naf walba oo ogsoon waxay kasbato (baa la mid ah kuwo aan waxba ogeyn)? Sidaa oy tahay, waxay u yeelaan shariigyo xagga Alle. Dheh: Magacaaba! Mise waxaad Alle u sheegeysaan wax (ilaahyo kale) uusan ku ogeyn dhulka, mise waa wax iska hadal afka baarki1 ah. Mayee! Tabahooda xun baa loo qurxiyey gaalada, waxaana laga duway Jidka (Toosan ee Islaamka). Qofkii Alle uu lumiyo2 ma laha wax hanuunin.
Sharaxa hoose
[1] Inaad ku sifeysaan ilaahnimo cidaan ahayn Alle. [2] Alle wuxuu lumiyaa qofka xun ee lunsan diiddiisa xaqa awgeed iyo inuusan doonin hanuunka. -
لَّهُمْ عَذَابٌ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ وَلَعَذَابُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَشَقُّ ۖ وَمَا لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن وَاقٍ٣٤
Lahum ʿathabun fee alhayati alddunya walaʿathabu alakhirati ashaqqu wama lahum mina Allahi min waqin
Waxay leeyihiin cadaab nolosha adduunkan, Cadaabka Aakhirada baana ka sii daran, oo ma leh wax ka celin Alle.
-
۞ مَّثَلُ ٱلْجَنَّةِ ٱلَّتِى وُعِدَ ٱلْمُتَّقُونَ ۖ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ ۖ أُكُلُهَا دَآئِمٌ وَظِلُّهَا ۚ تِلْكَ عُقْبَى ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوا۟ ۖ وَّعُقْبَى ٱلْكَـٰفِرِينَ ٱلنَّارُ٣٥
Mathalu aljannati allatee wuʿida almuttaqoona tajree min tahtiha alanharu okuluha daimun wathilluha tilka ʿuqba allatheena ittaqaw waʿuqba alkafireena alnnaru
Tilmaanta Jannada kuwa Alle ka cabsada (ee ka dhowrsada xumaha) loo ballan qaaday, hoosteeda webiyaa qulqula, cunnadeedu waa joogto aan kala go'ayn iyo harkeeduba, tani waa cidhibta kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale), cidhibta gaaladuna waa Naar.
-
وَٱلَّذِينَ ءَاتَيْنَـٰهُمُ ٱلْكِتَـٰبَ يَفْرَحُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيْكَ ۖ وَمِنَ ٱلْأَحْزَابِ مَن يُنكِرُ بَعْضَهُۥ ۚ قُلْ إِنَّمَآ أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ ٱللَّهَ وَلَآ أُشْرِكَ بِهِۦٓ ۚ إِلَيْهِ أَدْعُوا۟ وَإِلَيْهِ مَـَٔابِ٣٦
Waallatheena ataynahumu alkitaba yafrahoona bima onzila ilayka wamina alahzabi man yunkiru baʿdahu qul innama omirtu an aʿbuda Allaha wala oshrika bihi ilayhi adʿoo wailayhi maabi
Kuwa aan siinnay Kitaabka1 waa ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, waxaase ka mid ah xisbiyada (Yuhuudda iyo mushrikiintaba) kuwa diida qaarki. (Nabiyow) dheh, "Waxaa sideedaba la i amray inaan caabudo Alle Keliya oo aan waxba la wadaajin (cibaadada). Isagaan (idiin) ku baaqaa, waana Xaggiisa noqodkeyku (aan u tawbad keeno)".
Sharaxa hoose
[1] Yuhuuddii iyo Nasaaradii soo galay islaamka. -
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَـٰهُ حُكْمًا عَرَبِيًّا ۚ وَلَئِنِ ٱتَّبَعْتَ أَهْوَآءَهُم بَعْدَ مَا جَآءَكَ مِنَ ٱلْعِلْمِ مَا لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن وَلِىٍّ وَلَا وَاقٍ٣٧
Wakathalika anzalnahu hukman ʿarabiyyan walaini ittabaʿta ahwaahum baʿda ma jaaka mina alʿilmi ma laka mina Allahi min waliyyin wala waqin
Sidaasaana u soo dejinnay Xukun lagu kala baxo oo af Carabi ah. Haddaad raacdo hawadoodana kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kama heli doontid xagga Alle cid kuu gargaarta iyo ilaaliye ku dhowra midna.
-
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلًا مِّن قَبْلِكَ وَجَعَلْنَا لَهُمْ أَزْوَٰجًا وَذُرِّيَّةً ۚ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأْتِىَ بِـَٔايَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۗ لِكُلِّ أَجَلٍ كِتَابٌ٣٨
Walaqad arsalna rusulan min qablika wajaʿalna lahum azwajan wathurriyyatan wama kana lirasoolin an yatiya biayatin illa biithni Allahi likulli ajalin kitabun
Waxaana soo dirnay Rusul hortaa oo waxaanu siinnay xaasas iyo ubadba1. Uma laha Rasuulna (awood) inuu iski ula yimaado Mucjiso, Alle oo idma ma ahee. Ajal walba wuxuu leeyahay muddo Alle u gooyo oo qoran.
Sharaxa hoose
[1] Casri kasta wuxuu leeyahay axkaan uu Alle u jideeyo addoomahiisa oo ku saleysan Xikmaddiisa. -
يَمْحُوا۟ ٱللَّهُ مَا يَشَآءُ وَيُثْبِتُ ۖ وَعِندَهُۥٓ أُمُّ ٱلْكِتَـٰبِ٣٩
Yamhoo Allahu ma yashao wayuthbitu waʿindahu ommu alkitabi
Alle Wuxuu tiraa wuxuu doono (oo ka mid ah axkaanta iyo qeyrkoodba) oo uu sugaa (wuxuu doono oo ka mid ah), Agtiisana waxaa ah asalka Kitaabka1.
Sharaxa hoose
[1] Waa Looxa Maxfuudka oo ay ku qoran yihiin asalka Kitaab kasta uu Alle soo waxyooday iyo wax kasta oo Alle qaddaray. -
وَإِن مَّا نُرِيَنَّكَ بَعْضَ ٱلَّذِى نَعِدُهُمْ أَوْ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِنَّمَا عَلَيْكَ ٱلْبَلَـٰغُ وَعَلَيْنَا ٱلْحِسَابُ٤٠
Wain ma nuriyannaka baʿda allathee naʿiduhum aw natawaffayannaka fainnama ʿalayka albalaghu waʿalayna alhisabu
Haddaan ku tusno qaar ka mid ah waxaan ugu goodinno (oo cadaab ah) ama aan ku oofsanno, waxaa uun adiga korkaaga ah Gaarsiinta (diinta), halka ay Annaga na saaran tahay xisaabintoodu.
-
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّا نَأْتِى ٱلْأَرْضَ نَنقُصُهَا مِنْ أَطْرَافِهَا ۚ وَٱللَّهُ يَحْكُمُ لَا مُعَقِّبَ لِحُكْمِهِۦ ۚ وَهُوَ سَرِيعُ ٱلْحِسَابِ٤١
Awalam yaraw anna natee alarda nanqusuha min atrafiha waAllahu yahkumu la muʿaqqiba lihukmihi wahuwa sareeʿu alhisabi
Ma waysan arkayn inaan ku keenno baabba’ arlada innagoo ka dhimeyna darfaheeda 'furasho ama abaar'1? Alle baana xukun gooya, ma jiro wax burin kara Xukunkiisa, wuuna ku Dhaqso badan yahay Xisaabinta.
Sharaxa hoose
[1] Waxay tilmaameysaa fiditaanka islaamka, iyo soo yaraanshaha dhulalka ay ka taliyaan mushrikiinta. -
وَقَدْ مَكَرَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَلِلَّهِ ٱلْمَكْرُ جَمِيعًا ۖ يَعْلَمُ مَا تَكْسِبُ كُلُّ نَفْسٍ ۗ وَسَيَعْلَمُ ٱلْكُفَّـٰرُ لِمَنْ عُقْبَى ٱلدَّارِ٤٢
Waqad makara allatheena min qablihim falillahi almakru jameeʿan yaʿlamu ma taksibu kullu nafsin wasayaʿlamu alkuffaru liman ʿuqba alddari
Kuwii ka horreeyey baa tabab degay, waxaase (tab) oo dhan iska leh Allaah. Wuxuu ogsoon yahay waxay naf waliba kasbato (khayr ama shar). Gaaladu way ogaan cidda yeelan Cidhibta Wanaagsan ee Daarta (Nabadda ah).
-
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَسْتَ مُرْسَلًا ۚ قُلْ كَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدًۢا بَيْنِى وَبَيْنَكُمْ وَمَنْ عِندَهُۥ عِلْمُ ٱلْكِتَـٰبِ٤٣
Wayaqoolu allatheena kafaroo lasta mursalan qul kafa biAllahi shaheedan baynee wabaynakum waman ʿindahu ʿilmu alkitabi
Waxay kuwa gaalooba odhan: Adigu (Muxammadow) ma tihid Rasuul la soo diray. Dheh: Alle baa ku filan marag uu ahaado dhexdeenna aniga iyo idinka, iyo ku kastoo u leh cilmi Kitaabka1.
Sharaxa hoose
[1] Culimadii ehlu kitaabka ee soo galay islaamka. Waa kuwa garta xaqa iyagoo adeegsanaya cilmiga ay u lahaayeen kutubtii hore.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Ar-Racd?
Macnaha Ar-Racd waa “Onkodka”.
Suuradda Ar-Racd juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Ar-Racd waxay ku jirtaa juz’ 13.
Suuradda Ar-Racd immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Ar-Racd waxay leedahay 43 aayadood.
Suuradda Ar-Racd ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Ar-Racd waa suurad Madani ah.
Suuradda Ar-Racd waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 13aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.