سورة هود

Suuradda Huud oo af Soomaali ah

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Huud (هود) waa suuradda 11aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 123 aayadood. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku fidsan tahay juz’ 11 iyo 12.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Huud oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Huud oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. الٓر ۚ كِتَـٰبٌ أُحْكِمَتْ ءَايَـٰتُهُۥ ثُمَّ فُصِّلَتْ مِن لَّدُنْ حَكِيمٍ خَبِيرٍ۝١

    Aliflamra kitabun ohkimat ayatuhu thumma fussilat min ladun hakeemin khabeerin

    Alif Laam Raa1. (Kani waa) Kitaab (Qur’aan), Aayadihiisa la sugay, lagana soo caddeeyey2 Xagga Xigmad Badane, Xog Ogaal ah (waa Alle'e).

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda1. [2] Wuxuu u kala dhigdhigaa Kitaabka noocyo leh: towxiid, axkaan, qisooyin, anshaxa iyo asluubta wanaagsan, dabeecadda san, cilmi, yabooh, gooddin, iwm oo wuxuu isugu xijiyaa Suurad Suurad, iyo Aayad Aayad.
  2. أَلَّا تَعْبُدُوٓا۟ إِلَّا ٱللَّهَ ۚ إِنَّنِى لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ وَبَشِيرٌ۝٢

    Alla taʿbudoo illa Allaha innanee lakum minhu natheerun wabasheerun

    Inaydaan caabudin waxaan Alle ahayn. Anigu waxaan idiin ahay Xaggiisa dige iyo bishaareeye.

  3. وَأَنِ ٱسْتَغْفِرُوا۟ رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوٓا۟ إِلَيْهِ يُمَتِّعْكُم مَّتَـٰعًا حَسَنًا إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى وَيُؤْتِ كُلَّ ذِى فَضْلٍ فَضْلَهُۥ ۖ وَإِن تَوَلَّوْا۟ فَإِنِّىٓ أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ كَبِيرٍ۝٣

    Waani istaghfiroo rabbakum thumma tooboo ilayhi yumattiʿkum mataʿan hasanan ila ajalin musamman wayuti kulla thee fadlin fadlahu wain tawallaw fainee akhafu ʿalaykum ʿathaba yawmin kabeerin

    Oo weydiista denbi dhaaf Rabbigiin, una tawbad keena, wuxuu idin siin sahay wanaagsan ilaa muddo magacaaban, kuna galladeysan Deeqdiisa mid kastoo wanaagsan oo khayr qabe ah. Haddiise aad (ka) jeesataan (Iimaanka iyo camalka san), waxaan anigu idiinka cabsan cadaab Maalin Weyn (Qiyaamada).

  4. إِلَى ٱللَّهِ مَرْجِعُكُمْ ۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ۝٤

    Ila Allahi marjiʿukum wahuwa ʿala kulli shayin qadeerun

    Waa xagga Alle meel noqodkiinna, Isagaana wax walba Kara.

  5. أَلَآ إِنَّهُمْ يَثْنُونَ صُدُورَهُمْ لِيَسْتَخْفُوا۟ مِنْهُ ۚ أَلَا حِينَ يَسْتَغْشُونَ ثِيَابَهُمْ يَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ ۚ إِنَّهُۥ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ۝٥

    Ala innahum yathnoona sudoorahum liyastakhfoo minhu ala heena yastaghshoona thiyabahum yaʿlamu ma yusirroona wama yuʿlinoona innahu ʿaleemun bithati alssudoori

    Ogaada, hubaal, waxay laabaan laabahooda, si ay uga qariyaan1 (cadaawadooda) Xaggiisa. Markayse isku dedaan maryahooda, Wuxuu Ogsoon yahay waxay qarsadaan iyo waxay muujiyaanba, Hubaal (Alle) wuu Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay qarsadaan cadaawad iyo nifaaq iyo naceyb ay u hayaan Rasuulka Alle s.c.w.
  6. ۞ وَمَا مِن دَآبَّةٍ فِى ٱلْأَرْضِ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِ رِزْقُهَا وَيَعْلَمُ مُسْتَقَرَّهَا وَمُسْتَوْدَعَهَا ۚ كُلٌّ فِى كِتَـٰبٍ مُّبِينٍ۝٦

    Wama min dabbatin fee alardi illa ʿala Allahi rizquha wayaʿlamu mustaqarraha wamustawdaʿaha kullun fee kitabin mubeenin

    Ma jiro noole ku sugan dhulka oo aysan Alle irsaaqaddiisu saarnayn. Wuxuu Og yahay rugtiisa hoyaadka u ah1 iyo halka uu ku kaydsan yahay. Dhammaan waxay ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).

    Sharaxa hoose
    [1] Mufasiriinta qaarkood waxay ku fasireen mustaqirrahaa adduunka, mustowdicna aakhirada, qaarkoodna waxay yidhaahdeen: mustaqirrahaa waxaa loola jeedaa dhabarka ninka, mustowdicna riximka haweenta (ilma galeenka), waxaa kaloo lagu fasiray inta uusan dhalan ka hor, iyo kaddib dhimashadiisa.
  7. وَهُوَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ وَكَانَ عَرْشُهُۥ عَلَى ٱلْمَآءِ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا ۗ وَلَئِن قُلْتَ إِنَّكُم مَّبْعُوثُونَ مِنۢ بَعْدِ ٱلْمَوْتِ لَيَقُولَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ۝٧

    Wahuwa allathee khalaqa alssamawati waalarda fee sittati ayyamin wakana ʿarshuhu ʿala almai liyabluwakum ayyukum ahsanu ʿamalan walain qulta innakum mabʿoothoona min baʿdi almawti layaqoolanna allatheena kafaroo in hatha illa sihrun mubeenun

    (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix Maalmood, Wuxuuna ahaa Carshigiisu biyo korkood1, si uu idiin imtixaamo kiinna idiinku camal wanaagsan. Haddaad tidhaahdo: Waa la idin soo bixin dhimasho kaddib. Waxay hubaal kuwa gaalooba odhan: "Kani ma aha waxaan aheyn sixir caddaan ah".

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle Kor ahaaye wuxuu leeyahay: “Wax la bax (ina aadamow) si aan wax kuugu bixiyo oo kuu siiyo. (ogaada) Gacanta Alle waa buuxdaa, mana saameyso wax bixinta joogtada ah habeen iyo maalinba. Soo ma aragtid in wixii uu bixiyey tan iyo intii uu abuuray samooyinka iyo arlada, waxba ayan ka dhimin waxa ku jira Gacantiisa, Carshigiisuna wuxuu ahaa biyo korkiisa, waxaana Gacantiisa ah miisaanka uu ku kor yeelo ama hoos yeelo (meeqaanka qofkuu doono). W.w. Al-Bukhaari.
  8. وَلَئِنْ أَخَّرْنَا عَنْهُمُ ٱلْعَذَابَ إِلَىٰٓ أُمَّةٍ مَّعْدُودَةٍ لَّيَقُولُنَّ مَا يَحْبِسُهُۥٓ ۗ أَلَا يَوْمَ يَأْتِيهِمْ لَيْسَ مَصْرُوفًا عَنْهُمْ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ۝٨

    Walain akhkharna ʿanhumu alʿathaba ila ommatin maʿdoodatin layaqoolunna ma yahbisuhu ala yawma yateehim laysa masroofan ʿanhum wahaqa bihim ma kanoo bihi yastahzioona

    Haddaan dib uga dhigno cadaabka ilaa muddo tirsan, waxay odhan: Maxaa haysta oo celinaya? Maalinka uu u iman cadaabku, ma aha wax laga weecin, waxaana ku dhici waxay ku jees jeesayeen.

  9. وَلَئِنْ أَذَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ مِنَّا رَحْمَةً ثُمَّ نَزَعْنَـٰهَا مِنْهُ إِنَّهُۥ لَيَـُٔوسٌ كَفُورٌ۝٩

    Walain athaqna alinsana minna rahmatan thumma nazaʿnaha minhu innahu layaoosun kafoorun

    Haddaan ka dhadhansiinno aadmiga Xaggayaga Naxariis, markaas aan ka qaadno, wuxuu noqdaa mid quusta, xaq diiddo iyo abaal dhac badan.

  10. وَلَئِنْ أَذَقْنَـٰهُ نَعْمَآءَ بَعْدَ ضَرَّآءَ مَسَّتْهُ لَيَقُولَنَّ ذَهَبَ ٱلسَّيِّـَٔاتُ عَنِّىٓ ۚ إِنَّهُۥ لَفَرِحٌ فَخُورٌ۝١٠

    Walain athaqnahu naʿmaa baʿda darraa massathu layaqoolanna thahaba alssayyiatu ʿannee innahu lafarihun fakhoorun

    Haddaan dhadhansiinno khayr, kaddib dhib taabtay, wuxuu odhan: Way i dhaafeen dhibaatooyinkii, wuxuu noqdaa mid farxa faan badan.

  11. إِلَّا ٱلَّذِينَ صَبَرُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ كَبِيرٌ۝١١

    Illa allatheena sabaroo waʿamiloo alssalihati olaika lahum maghfiratun waajrun kabeerun

    Kuwa samra mooyee oo samaha fala, kuwaas waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno).

  12. فَلَعَلَّكَ تَارِكٌۢ بَعْضَ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيْكَ وَضَآئِقٌۢ بِهِۦ صَدْرُكَ أَن يَقُولُوا۟ لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْهِ كَنزٌ أَوْ جَآءَ مَعَهُۥ مَلَكٌ ۚ إِنَّمَآ أَنتَ نَذِيرٌ ۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ وَكِيلٌ۝١٢

    Falaʿallaka tarikun baʿda ma yooha ilayka wadaiqun bihi sadruka an yaqooloo lawla onzila ʿalayhi kanzun aw jaa maʿahu malakun innama anta natheerun waAllahu ʿala kulli shayin wakeelun

    Waa intaasoo aad ka tagto qaar ka mid ah waxa laguu waxyoodo1, oo ay ku cidhiidhi noqoto laabtaadu inay yidhaahdaan darteed: Maxaa khaznad loogu soo dejin waayey, ama uu u soo raaci waayey Malag? Waxaad adigu tahay oo keliya dige. Alle baana wax walba xafida oo Wakiil ah.

    Sharaxa hoose
    [1] Tixgelin dhibaatooyinka la soo gudboonaada Nabiga s.c.w, Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu ku gubaabiyey Nabiga inuu samir yeesho, yaqiin, sugnaan, si uusan u gabin xilka gaarsiinta Dhambaalka Alle.
  13. أَمْ يَقُولُونَ ٱفْتَرَىٰهُ ۖ قُلْ فَأْتُوا۟ بِعَشْرِ سُوَرٍ مِّثْلِهِۦ مُفْتَرَيَـٰتٍ وَٱدْعُوا۟ مَنِ ٱسْتَطَعْتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ۝١٣

    Am yaqooloona iftarahu qul fatoo biʿashri suwarin mithlihi muftarayatin waodʿoo mani istataʿtum min dooni Allahi in kuntum sadiqeena

    Mise waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh: Keena toban suuradood la been abuurtay oo la mid ah, oo u yeedha (inay idinku caawiyaan) ciddaad kartaan Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan.

  14. فَإِلَّمْ يَسْتَجِيبُوا۟ لَكُمْ فَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّمَآ أُنزِلَ بِعِلْمِ ٱللَّهِ وَأَن لَّآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ فَهَلْ أَنتُم مُّسْلِمُونَ۝١٤

    Fai llam yastajeeboo lakum faiʿlamoo annama onzila biʿilmi Allahi waan la ilaha illa huwa fahal antum muslimoona

    Haddiise aysan idin ajiibin, ogaada in lagu soo dejiyey (Qur’aanka) Cilmiga Alle1 iyo inuusan jirin ilaah (Xaq lagu caabudo) Isaga (Allaah) maahee. Ee ma (u) hoggaansameysaan muslimiin ahaan?.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa Cilmigaas aanu jirin cid leh Isaga (Alle) maahee subxaanahu wa tacaalaa.
  15. مَن كَانَ يُرِيدُ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا وَزِينَتَهَا نُوَفِّ إِلَيْهِمْ أَعْمَـٰلَهُمْ فِيهَا وَهُمْ فِيهَا لَا يُبْخَسُونَ۝١٥

    Man kana yureedu alhayata alddunya wazeenataha nuwaffi ilayhim aʿmalahum feeha wahum feeha la yubkhasoona

    Qofkii raba noloshan adduunka iyo quruxdeeda, waxaan ugu oofin si dhan abaal gudka camalkooda gudaheeda, iyagoon waxba laga dhimeyn.

  16. أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَيْسَ لَهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ إِلَّا ٱلنَّارُ ۖ وَحَبِطَ مَا صَنَعُوا۟ فِيهَا وَبَـٰطِلٌ مَّا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ۝١٦

    Olaika allatheena laysa lahum fee alakhirati illa alnnaru wahabita ma sanaʿoo feeha wabatilun ma kanoo yaʿmaloona

    Kuwaa weeye kuwa aan ku laheyn Aakhirada waxaan ahayn Naar; waxaana buri waxay ku faleen dunida camallo san, waxbana kama jiraan waxay falayeen.

  17. أَفَمَن كَانَ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّهِۦ وَيَتْلُوهُ شَاهِدٌ مِّنْهُ وَمِن قَبْلِهِۦ كِتَـٰبُ مُوسَىٰٓ إِمَامًا وَرَحْمَةً ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ يُؤْمِنُونَ بِهِۦ ۚ وَمَن يَكْفُرْ بِهِۦ مِنَ ٱلْأَحْزَابِ فَٱلنَّارُ مَوْعِدُهُۥ ۚ فَلَا تَكُ فِى مِرْيَةٍ مِّنْهُ ۚ إِنَّهُ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّكَ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤْمِنُونَ۝١٧

    Afaman kana ʿala bayyinatin min rabbihi wayatloohu shahidun minhu wamin qablihi kitabu moosa imaman warahmatan olaika yuminoona bihi waman yakfur bihi mina alahzabi faalnnaru mawʿiduhu fala taku fee miryatin minhu innahu alhaqqu min rabbika walakinna akthara alnnasi la yuminoona

    Ma qof Xujo Cad ka heysta Rabbigi, uu akhriyo markhaati Xaggiisa ah1, hortina isaga waxaa ahaa Kitaabkii Muuse ee ahaa Hanuun iyo Naxariis (baa la mid ah mid adduun uun dooni); Kuwan baa rumeysan waxa ku soo arooray (Qur’aanka). Qofkiise rumeyn diida (Qur’aanka) oo ka mid ah axzaabta (kala duwan), waa Naarta madashiisu: Ee shaki yuu kaa galin. Hubaal waa Xaq ka yimid Rabbigaa, intooda badanse dadku ma rumeysna.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa Nabi Muxammad s.c.w. ama malag Jabriil c.s oo ka marag kacaya inuu xaq yahay, intaa waxaa dheer waxaa loola jeedi karaa waxa uu akhriyo inuu yahay Qur’aanka.
  18. وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ يُعْرَضُونَ عَلَىٰ رَبِّهِمْ وَيَقُولُ ٱلْأَشْهَـٰدُ هَـٰٓؤُلَآءِ ٱلَّذِينَ كَذَبُوا۟ عَلَىٰ رَبِّهِمْ ۚ أَلَا لَعْنَةُ ٱللَّهِ عَلَى ٱلظَّـٰلِمِينَ۝١٨

    Waman athlamu mimmani iftara ʿala Allahi kathiban olaika yuʿradoona ʿala rabbihim wayaqoolu alashhadu haolai allatheena kathaboo ʿala rabbihim ala laʿnatu Allahi ʿala alththalimeena

    Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle. Kuwaa waxaa la hor keeni Rabbigood, markhaatiyaduna1 waxay odhan: Kuwan waa kuwii ka been sheegay Rabbigood. Ee Lacnadda Alle dushooda ha ahaato daalimiinta.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa markhaatiyada: Malaa’igta ama Anbiyada, ama dadka dubabkooda, aragyadooda iyo maqalladooda,.
  19. ٱلَّذِينَ يَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَيَبْغُونَهَا عِوَجًا وَهُم بِٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ كَـٰفِرُونَ۝١٩

    Allatheena yasuddoona ʿan sabeeli Allahi wayabghoonaha ʿiwajan wahum bialakhirati hum kafiroona

    Kuwa ka weecsha (dadka) Jidka Alle lana dooni qallooc, Aakhirana rumeysneyn.

  20. أُو۟لَـٰٓئِكَ لَمْ يَكُونُوا۟ مُعْجِزِينَ فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا كَانَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِنْ أَوْلِيَآءَ ۘ يُضَـٰعَفُ لَهُمُ ٱلْعَذَابُ ۚ مَا كَانُوا۟ يَسْتَطِيعُونَ ٱلسَّمْعَ وَمَا كَانُوا۟ يُبْصِرُونَ۝٢٠

    Olaika lam yakoonoo muʿjizeena fee alardi wama kana lahum min dooni Allahi min awliyaa yudaʿafu lahumu alʿathabu ma kanoo yastateeʿoona alssamʿa wama kanoo yubsiroona

    Kuwaa ma ku baxsan karaan arlada, umana sugnanan wax gargaarayaal ah Alle sokadi. Waxaa loo labolaabi Cadaabka. Ma karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan.

  21. أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ وَضَلَّ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَفْتَرُونَ۝٢١

    Olaika allatheena khasiroo anfusahum wadalla ʿanhum ma kanoo yaftaroona

    Kuwaa weeye kuwa khasaari nafahaoo- da, waxayna waayi waxay been abuurteen.

  22. لَا جَرَمَ أَنَّهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ هُمُ ٱلْأَخْسَرُونَ۝٢٢

    La jarama annahum fee alakhirati humu alakhsaroona

    Shaki ma leh, Aakhirada waa iyaga kuwa ugu khasaaraha badan.

  23. إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ وَأَخْبَتُوٓا۟ إِلَىٰ رَبِّهِمْ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلْجَنَّةِ ۖ هُمْ فِيهَا خَـٰلِدُونَ۝٢٣

    Inna allatheena amanoo waʿamiloo alsalihati waakhbatoo ila rabbihim olaika ashabu aljannati hum feeha khalidoona

    Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo u khushuuca Rabbigood - waa kuwaa ehlu Jannadu iyagoo ku dhex waari weligood.

  24. ۞ مَثَلُ ٱلْفَرِيقَيْنِ كَٱلْأَعْمَىٰ وَٱلْأَصَمِّ وَٱلْبَصِيرِ وَٱلسَّمِيعِ ۚ هَلْ يَسْتَوِيَانِ مَثَلًا ۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ۝٢٤

    Mathalu alfareeqayni kaalaʿma waalasammi waalbaseeri waalssameeʿi hal yastawiyani mathalan afala tathakkaroona

    Mataalka labada kooxood waa sida indhoolaha iyo dhegoolaha, iyo wax arkaha iyo wax maqlaha, Miyey siman yihiin mataal ahaan? Miyeydaan waantoobeyn?

  25. وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِۦٓ إِنِّى لَكُمْ نَذِيرٌ مُّبِينٌ۝٢٥

    Walaqad arsalna noohan ila qawmihi innee lakum natheerun mubeenun

    Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii (isagoo leh): Waxaan idiin ahay dige cad.

  26. أَن لَّا تَعْبُدُوٓا۟ إِلَّا ٱللَّهَ ۖ إِنِّىٓ أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ أَلِيمٍ۝٢٦

    An la taʿbudoo illa Allaha innee akhafu ʿalaykum ʿathaba yawmin aleemin

    Inaydaan caabudin waxaan ahayn Alle, waxaan idiinka cabsan cadaab Maalin xanuun badan (Maalinta Aakhiro).

  27. فَقَالَ ٱلْمَلَأُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن قَوْمِهِۦ مَا نَرَىٰكَ إِلَّا بَشَرًا مِّثْلَنَا وَمَا نَرَىٰكَ ٱتَّبَعَكَ إِلَّا ٱلَّذِينَ هُمْ أَرَاذِلُنَا بَادِىَ ٱلرَّأْىِ وَمَا نَرَىٰ لَكُمْ عَلَيْنَا مِن فَضْلٍۭ بَلْ نَظُنُّكُمْ كَـٰذِبِينَ۝٢٧

    Faqala almalao allatheena kafaroo min qawmihi ma naraka illa basharan mithlana wama naraka ittabaʿaka illa allatheena hum arathiluna badiya alrrayi wama nara lakum ʿalayna min fadlin bal nathunnukum kathibeena

    Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwa gaaloobay ee ka mid ahaa qolodiisii yidhaahdeen: Kuuma aragno waxaan aheyn qof nala mid ah, mana aragno wax ku raacay aan aheyn kuwa noogu liita (oo iska kaa raacay durbaba markaad u bandhigtay diinta) ka fiirsi la’aan. Idinkuma aragno wax aad na dheer tihiin oo fadli ah, waxaanse idiin malaynaynaa beenalayaal.

  28. قَالَ يَـٰقَوْمِ أَرَءَيْتُمْ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّى وَءَاتَىٰنِى رَحْمَةً مِّنْ عِندِهِۦ فَعُمِّيَتْ عَلَيْكُمْ أَنُلْزِمُكُمُوهَا وَأَنتُمْ لَهَا كَـٰرِهُونَ۝٢٨

    Qala ya qawmi araaytum in kuntu ʿala bayyinatin min rabbee waatanee rahmatan min ʿindihi faʿummiyat ʿalaykum anulzimukumooha waantum laha karihoona

    Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka haysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun, iyo cilmi) xagga Rabbigay, i siiyeyna Naxariis (Nabinnimo) Xaggiisa ah oo la idinka indho tiray. Miyaan idinku khasbeynaa (inaad aqbashaan hanuunka) idinkoo naceyb u haya?.

  29. وَيَـٰقَوْمِ لَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مَالًا ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِ ۚ وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ ۚ إِنَّهُم مُّلَـٰقُوا۟ رَبِّهِمْ وَلَـٰكِنِّىٓ أَرَىٰكُمْ قَوْمًا تَجْهَلُونَ۝٢٩

    Waya qawmi la asalukum ʿalayhi malan in ajriya illa ʿala Allahi wama ana bitaridi allatheena amanoo innahum mulaqoo rabbihim walakinnee arakum qawman tajhaloona

    Tolkayow! Idinku weydiisan maayo (gaarsiinta Diinta Alle) maal, abaalgudkeyga Alle baa ii haya. Ma ahi mid eryaya kuwa (Xaqa) rumeeyey. Hubaal waxay la kulmi Rabbigood, Waxaanse arkaa inaad tihiin qolo ka jaahil ah (Weynida Alle iyo Waxdaaniyadiisa).

  30. وَيَـٰقَوْمِ مَن يَنصُرُنِى مِنَ ٱللَّهِ إِن طَرَدتُّهُمْ ۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ۝٣٠

    Waya qawmi man yansurunee mina Allahi in taradtuhum afala tathakkaroona

    Tolkayow! Yaa iiga gargaari oo iga celin Alle (Cadaabkiisa), haddaan eryo? Ee miyeydaan waansameyn?

  31. وَلَآ أَقُولُ لَكُمْ عِندِى خَزَآئِنُ ٱللَّهِ وَلَآ أَعْلَمُ ٱلْغَيْبَ وَلَآ أَقُولُ إِنِّى مَلَكٌ وَلَآ أَقُولُ لِلَّذِينَ تَزْدَرِىٓ أَعْيُنُكُمْ لَن يُؤْتِيَهُمُ ٱللَّهُ خَيْرًا ۖ ٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا فِىٓ أَنفُسِهِمْ ۖ إِنِّىٓ إِذًا لَّمِنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ۝٣١

    Wala aqoolu lakum ʿindee khazainu Allahi wala aʿlamu alghayba wala aqoolu innee malakun wala aqoolu lillatheena tazdaree aʿyunukum lan yutiyahumu Allahu khayran Allahu aʿlamu bima fee anfusihim innee ithan lamina alththalimeena

    Idinkuma odhanayo waxaan hayaa Khasnadaha Alle, mana ogi waxaan muuqan ee qarsoon; idinma odhanayo waxaan ahay Malag, idinmana odhanayo kuwa ay quursadaan indhihiinnu Alle ma siinayo wax khayr ah. Alle baa dhab u ogsoon waxa ku sugan nafahooda, haddaan sidaa yeelo markaas waxaan xaqiiq noqon mid ku gardarrooday.

  32. قَالُوا۟ يَـٰنُوحُ قَدْ جَـٰدَلْتَنَا فَأَكْثَرْتَ جِدَٰلَنَا فَأْتِنَا بِمَا تَعِدُنَآ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ۝٣٢

    Qaloo ya noohu qad jadaltana faaktharta jidalana fatina bima taʿiduna in kunta mina alssadiqeena

    Waxay yidhaahdeen: Nuuxow! Waad nala doodday oo aad badisay la doodistayada, ee noo keen waxaad noogu gooddineyso (oo cadaab ah), haddaad run sheegayso.

  33. قَالَ إِنَّمَا يَأْتِيكُم بِهِ ٱللَّهُ إِن شَآءَ وَمَآ أَنتُم بِمُعْجِزِينَ۝٣٣

    Qala innama yateekum bihi Allahu in shaa wama antum bimuʿjizeena

    Wuxuu yidhi: Waxaa uun idiin keeni kara Alle, hadduu doono, mana baxsan kartaan.

  34. وَلَا يَنفَعُكُمْ نُصْحِىٓ إِنْ أَرَدتُّ أَنْ أَنصَحَ لَكُمْ إِن كَانَ ٱللَّهُ يُرِيدُ أَن يُغْوِيَكُمْ ۚ هُوَ رَبُّكُمْ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ۝٣٤

    Wala yanfaʿukum nushee in aradtu an ansaha lakum in kana Allahu yureedu an yughwiyakum huwa rabbukum wailayhi turjaʿoona

    Waxna idiinma tarto waanadeyda, haddaan doono inaan idin waaniyo, hadduu Alle rabo inuu idin lumiyo. Waa Isaga Rabbiigiin! Xaggiisaana la idiin soo celin.

  35. أَمْ يَقُولُونَ ٱفْتَرَىٰهُ ۖ قُلْ إِنِ ٱفْتَرَيْتُهُۥ فَعَلَىَّ إِجْرَامِى وَأَنَا۠ بَرِىٓءٌ مِّمَّا تُجْرِمُونَ۝٣٥

    Am yaqooloona iftarahu qul ini iftaraytuhu faʿalayya ijramee waana bareeon mimma tujrimoona

    Mise waxay leeyihiin wuu been abuurtay 'Qur’aanka'? Dheh: Haddaan been abuurtay, denbigayga aniguu i saaran yahay, aniguna barii baan ka ahay waxaad dambaabtaan.

  36. وَأُوحِىَ إِلَىٰ نُوحٍ أَنَّهُۥ لَن يُؤْمِنَ مِن قَوْمِكَ إِلَّا مَن قَدْ ءَامَنَ فَلَا تَبْتَئِسْ بِمَا كَانُوا۟ يَفْعَلُونَ۝٣٦

    Waoohiya ila noohin annahu lan yumina min qawmika illa man qad amana fala tabtais bima kanoo yafʿaloona

    Waxaa loo waxyooday Nuux inaysan ku rumeyneyn qolodaada wixii horay u rumeeyay maahee. Ee ha ka xumaan waxay falaan.

  37. وَٱصْنَعِ ٱلْفُلْكَ بِأَعْيُنِنَا وَوَحْيِنَا وَلَا تُخَـٰطِبْنِى فِى ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓا۟ ۚ إِنَّهُم مُّغْرَقُونَ۝٣٧

    Waisnaʿi alfulka biaʿyunina wawahyina wala tukhatibnee fee allatheena thalamoo innahum mughraqoona

    Oo ku samee Doonni Indhahayaga hor- tooda iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, hana igala hadlin arrinka kuwa dulmiga (shirkiga iyo macaasida) fala; waa la harqine.

  38. وَيَصْنَعُ ٱلْفُلْكَ وَكُلَّمَا مَرَّ عَلَيْهِ مَلَأٌ مِّن قَوْمِهِۦ سَخِرُوا۟ مِنْهُ ۚ قَالَ إِن تَسْخَرُوا۟ مِنَّا فَإِنَّا نَسْخَرُ مِنكُمْ كَمَا تَسْخَرُونَ۝٣٨

    Wayasnaʿu alfulka wakullama marra ʿalayhi malaon min qawmihi sakhiroo minhu qala in taskharoo minna fainna naskharu minkum kama taskharoona

    Wuxuu billaabay inuu sameeyaa Doonnida, mar kasta ay soo ag maraan xildhibaannada ka mid ah qolodiisa, way ku jeesjeesayeen. Wuxuu yidhi: Haddaad nagu jees jeestaan, innaguna waa idinku jeesjeesi sidaad u jeesjeesaysaan.

  39. فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ مَن يَأْتِيهِ عَذَابٌ يُخْزِيهِ وَيَحِلُّ عَلَيْهِ عَذَابٌ مُّقِيمٌ۝٣٩

    Fasawfa taʿlamoona man yateehi ʿathabun yukhzeehi wayahillu ʿalayhi ʿathabun muqeemun

    Waadna ogaan doontaan cidduu u yimaado cadaab dulleeya, kuna dego cadaab joogto ah.

  40. حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَ أَمْرُنَا وَفَارَ ٱلتَّنُّورُ قُلْنَا ٱحْمِلْ فِيهَا مِن كُلٍّ زَوْجَيْنِ ٱثْنَيْنِ وَأَهْلَكَ إِلَّا مَن سَبَقَ عَلَيْهِ ٱلْقَوْلُ وَمَنْ ءَامَنَ ۚ وَمَآ ءَامَنَ مَعَهُۥٓ إِلَّا قَلِيلٌ۝٤٠

    Hatta itha jaa amruna wafara alttannooru qulna ihmil feeha min kullin zawjayni ithnayni waahlaka illa man sabaqa ʿalayhi alqawlu waman amana wama amana maʿahu illa qaleelun

    Jeer markuu Amarkayagii yimid1 oo tinnaarkii biyo burqaday, Waxaanu nidhi: Ku qaad doonnida labo nooc kasta lammaane iyo ehelkaaga, marka laga reebo kuwa uu Qowlka horey ugu maray 'in la halligayo'2, iyo kuwa (Xaqa) rumeeyey. mana ay la rumeyn (Xaqa) in yar ma’ahee.

    Sharaxa hoose
    [1] Calaamad ahaan ku socoto Nuux oo wargelin ah soo dhowaanshaha daadka. Tannuur waa tiinnaar ballaaran, foorno afar gees ah. Kelmedda Tannuur waxaa loola jeedi karaa sidoo kale dhulka meelahiisa toggagga ah hoose iyo ilaha. [2] Waa xaaskii Nuux iyo wiilkiisa Kancaan, waxaana badbaaday Saam, Xaam iyo Jabiit.
  41. ۞ وَقَالَ ٱرْكَبُوا۟ فِيهَا بِسْمِ ٱللَّهِ مَجْر۪ىٰهَا وَمُرْسَىٰهَآ ۚ إِنَّ رَبِّى لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ۝٤١

    Waqala irkaboo feeha bismi Allahi majraha wamursaha inna rabbee laghafoorun raheemun

    (Nuux) wuxuu yidhi: Ku kora (doonnida) Magaca Alle, oo ay ku socon kuna joogsan. Hubaal, Rabbigay waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

  42. وَهِىَ تَجْرِى بِهِمْ فِى مَوْجٍ كَٱلْجِبَالِ وَنَادَىٰ نُوحٌ ٱبْنَهُۥ وَكَانَ فِى مَعْزِلٍ يَـٰبُنَىَّ ٱرْكَب مَّعَنَا وَلَا تَكُن مَّعَ ٱلْكَـٰفِرِينَ۝٤٢

    Wahiya tajree bihim fee mawjin kaaljibali wanada noohunu ibnahu wakana fee maʿzilin ya bunayya irkab maʿana wala takun maʿa alkafireena

    Way la socotay (doonnidii) hirar dhexood buuro oo kale ah, wuxuuna Nuux u dhawaaqay wiilkiisii1, wuxuuna joogay meel ka gaar ah: Maandhow! Nala soo kor doonnida, hana noqon la jirka gaalada.

    Sharaxa hoose
    [1] Magaca wiilkaa Nuux ee gaalka ahaa waa Kancaan, wiilashiisa mu’miniinta ahse waxay kala ahaayeen: Saam, Xaam, iyo Jabiith.
  43. قَالَ سَـَٔاوِىٓ إِلَىٰ جَبَلٍ يَعْصِمُنِى مِنَ ٱلْمَآءِ ۚ قَالَ لَا عَاصِمَ ٱلْيَوْمَ مِنْ أَمْرِ ٱللَّهِ إِلَّا مَن رَّحِمَ ۚ وَحَالَ بَيْنَهُمَا ٱلْمَوْجُ فَكَانَ مِنَ ٱلْمُغْرَقِينَ۝٤٣

    Qala saawee ila jabalin yaʿsimunee mina almai qala la ʿasima alyawma min amri Allahi illa man rahima wahala baynahuma almawju fakana mina almughraqeena

    Wuxuu yidhi: Waxaan magan gali buur iga dhawrta biyaha. (Nuux) wuxuu yidhi: Ma jiro wax ka badbaadi maanta Amarka Alle cid uu u Naxariisto maahee. Waxaana kala dhex galay hirkii, marka wuxuu ka mid ahaa kuwii la harqiyey.

  44. وَقِيلَ يَـٰٓأَرْضُ ٱبْلَعِى مَآءَكِ وَيَـٰسَمَآءُ أَقْلِعِى وَغِيضَ ٱلْمَآءُ وَقُضِىَ ٱلْأَمْرُ وَٱسْتَوَتْ عَلَى ٱلْجُودِىِّ ۖ وَقِيلَ بُعْدًا لِّلْقَوْمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ۝٤٤

    Waqeela ya ardu iblaʿee maaki waya samao aqliʿee wagheeda almao waqudiya alamru waistawat ʿala aljoodiyyi waqeela buʿdan lilqawmi alththalimeena

    Waxaa la yidhi: Dhulkoow, liq biyahaaga, oo daruurtay qaad (jooji), biyihiina waa la gudhiyey, amarkii (Allena) hirgalay1. (Doonidiina) waxay dul degtay Al-Juudi2, waxaana la yidhi: Ha fogaadeen qoloda daalimiinta ah.

    Sharaxa hoose
    [1] Alle wuu oofiyey gooddigiisa inuu halligi doono gaalada, kuwaasoo diiday Dhambaalkii Nuux c.s., oo ku adkeystey shirkiga iyo macaasida, wuxuuna Alle xafiday oo badbaadshay mu’miniinta. [2] Buurta Juudi ee ku taal Armiiniya oo Koonfur ka xigta Turkiya xuduudda Mesopatmia.
  45. وَنَادَىٰ نُوحٌ رَّبَّهُۥ فَقَالَ رَبِّ إِنَّ ٱبْنِى مِنْ أَهْلِى وَإِنَّ وَعْدَكَ ٱلْحَقُّ وَأَنتَ أَحْكَمُ ٱلْحَـٰكِمِينَ۝٤٥

    Wanada noohun rabbahu faqala rabbi inna ibnee min ahlee wainna waʿdaka alhaqqu waanta ahkamu alhakimeena

    Wuxuuna Nuux u dhawaaqay Rabbigiis oo yidhi: Rabbiyow! Wiilkaygu wuxuu ka mid yahay ehelkayga, ballan qaadkaaguna waa Xaq, Waxaadna Adigu tahay Kan ugu caadilsan inta wax xukunta.

  46. قَالَ يَـٰنُوحُ إِنَّهُۥ لَيْسَ مِنْ أَهْلِكَ ۖ إِنَّهُۥ عَمَلٌ غَيْرُ صَـٰلِحٍ ۖ فَلَا تَسْـَٔلْنِ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِۦ عِلْمٌ ۖ إِنِّىٓ أَعِظُكَ أَن تَكُونَ مِنَ ٱلْجَـٰهِلِينَ۝٤٦

    Qala ya noohu innahu laysa min ahlika innahu ʿamalun ghayru salihin fala tasalni ma laysa laka bihi ʿilmun innee aʿithuka an takoona mina aljahileena

    (Alle) wuxuu yidhi: Nuuxow! Wiilku ka mid ma aha ehelkaaga ; waa camal xun yahay, ee ha i weydiisan waxaad u lahayn cilmi. Waxaan kaa waanin inaad ka mid noqoto jaahiliinta.

  47. قَالَ رَبِّ إِنِّىٓ أَعُوذُ بِكَ أَنْ أَسْـَٔلَكَ مَا لَيْسَ لِى بِهِۦ عِلْمٌ ۖ وَإِلَّا تَغْفِرْ لِى وَتَرْحَمْنِىٓ أَكُن مِّنَ ٱلْخَـٰسِرِينَ۝٤٧

    Qala rabbi innee aʿoothu bika an asalaka ma laysa lee bihi ʿilmun wailla taghfir lee watarhamnee akun mina alkhasireena

    (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! waxaan kaa magan galayaa inaan ku weydiisto wax aanan u lahayn cilmi. Haddaadan ii denbi dhaafin oo ii naxariisan, waxaan ka mid noqon kuwa khasaaray.

  48. قِيلَ يَـٰنُوحُ ٱهْبِطْ بِسَلَـٰمٍ مِّنَّا وَبَرَكَـٰتٍ عَلَيْكَ وَعَلَىٰٓ أُمَمٍ مِّمَّن مَّعَكَ ۚ وَأُمَمٌ سَنُمَتِّعُهُمْ ثُمَّ يَمَسُّهُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٌ۝٤٨

    Qeela ya noohu ihbit bisalamin minna wabarakatin ʿalayka waʿala omamin mimman maʿaka waomamun sanumattiʿuhum thumma yamassuhum minna ʿathabun aleemun

    Waxaa la yidhi Nuuxow! Ku deg Nabad galyo Xaggayaga ah iyo barakooyin korkaaga iyo korkooda ummado ka mid ah kuwa kula jira (waa mu'miniinta, waxaase jiri doona) ummado (kale oo gaalo ah) aan u raaxeyn (in xoogaa muddo ah), kaddib waxaa ka taaban doona Xaggayaga cadaab xanuun badan (Aakhirada).

  49. تِلْكَ مِنْ أَنۢبَآءِ ٱلْغَيْبِ نُوحِيهَآ إِلَيْكَ ۖ مَا كُنتَ تَعْلَمُهَآ أَنتَ وَلَا قَوْمُكَ مِن قَبْلِ هَـٰذَا ۖ فَٱصْبِرْ ۖ إِنَّ ٱلْعَـٰقِبَةَ لِلْمُتَّقِينَ۝٤٩

    Tilka min anbai alghaybi nooheeha ilayka ma kunta taʿlamuha anta wala qawmuka min qabli hatha faisbir inna alʿaqibata lilmuttaqeena

    Kuwani waa warar la xidhiidha waxa dahsoonaa ee aan kuu waxyoonno (Nabiyow), ma aad ogeyn adiga iyo qoonkaaguba kani (Qur’aanka) ka hor. Ee samir. Hubaal, cidhibta (wanaagsan) waxaa iska leh kuwa dhowrsoon.

  50. وَإِلَىٰ عَادٍ أَخَاهُمْ هُودًا ۚ قَالَ يَـٰقَوْمِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَـٰهٍ غَيْرُهُۥٓ ۖ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا مُفْتَرُونَ۝٥٠

    Waila ʿadin akhahum hoodan qala ya qawmi oʿbudoo Allaha ma lakum min ilahin ghayruhu in antum illa muftaroona

    (Qoladii) Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya! Ma lihidin Ilaah kale (xaq ah) aan Isaga aheyn, idinku ma ahidin waxna aan aheyn been abuurtayaal.

  51. يَـٰقَوْمِ لَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ أَجْرًا ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَى ٱلَّذِى فَطَرَنِىٓ ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ۝٥١

    Ya qawmi la asalukum ʿalayhi ajran in ajriya illa ʿala allathee fataranee afala taʿqiloona

    Tolkayow! idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah (Dhambaalka Alle), abaal gudkeyga wuxuu saaran yahay oo keliya Kan i abuuray (Alle). Ee ma waydaan haddaba wax fahmeyn?

  52. وَيَـٰقَوْمِ ٱسْتَغْفِرُوا۟ رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوٓا۟ إِلَيْهِ يُرْسِلِ ٱلسَّمَآءَ عَلَيْكُم مِّدْرَارًا وَيَزِدْكُمْ قُوَّةً إِلَىٰ قُوَّتِكُمْ وَلَا تَتَوَلَّوْا۟ مُجْرِمِينَ۝٥٢

    Waya qawmi istaghfiroo rabbakum thumma tooboo ilayhi yursili alssamaa ʿalaykum midraran wayazidkum quwwatan ila quwwatikum wala tatawallaw mujrimeena

    Tolkayow! Weydiista denbi dhaaf (Alle) Rabbigiin una tawbad keena, Wuxuu idiin soo dirayaa daruuro shubaya roob badan oo darar ah, idiinkuna darayaa xoog xooggiinna, hana jeesannina idinkoo denbiilayaal ah.

  53. قَالُوا۟ يَـٰهُودُ مَا جِئْتَنَا بِبَيِّنَةٍ وَمَا نَحْنُ بِتَارِكِىٓ ءَالِهَتِنَا عَن قَوْلِكَ وَمَا نَحْنُ لَكَ بِمُؤْمِنِينَ۝٥٣

    Qaloo ya hoodu ma jitana bibayyinatin wama nahnu bitarikee alihatina ʿan qawlika wama nahnu laka bimumineena

    Waxay yidhaahdeen: Huudow! Noolama aad imaan wax Xujo Cad ah, kagamana tagayno ilaahyadayada hadalkaaga (darti), kumana rumayneyno.

  54. إِن نَّقُولُ إِلَّا ٱعْتَرَىٰكَ بَعْضُ ءَالِهَتِنَا بِسُوٓءٍ ۗ قَالَ إِنِّىٓ أُشْهِدُ ٱللَّهَ وَٱشْهَدُوٓا۟ أَنِّى بَرِىٓءٌ مِّمَّا تُشْرِكُونَ۝٥٤

    In naqoolu illa iʿtaraka baʿdu alihatina bisooin qala innee oshhidu Allaha waishhadoo annee bareeon mimma tushrikoona

    Waxa keliya aanu leennahay waa in qaar ka mid ah ilaahyadayada ay ku gaarsiiyeen xumaan (dhibaato). Wuxuu yidhi: Waxaan marag gashanayaa Alle, idinkuna ka ahaada marag inaan Anigu barii ka ahay waxaad wax la wadaajisaan.

  55. مِن دُونِهِۦ ۖ فَكِيدُونِى جَمِيعًا ثُمَّ لَا تُنظِرُونِ۝٥٥

    Min doonihi fakeedoonee jameeʿan thumma la tunthirooni

    Ee Isaga (Alle) ka soo haray. Ee ii tab dhigta idinkoo isu dhan, hana i siinnina wax fursad ah.

  56. إِنِّى تَوَكَّلْتُ عَلَى ٱللَّهِ رَبِّى وَرَبِّكُم ۚ مَّا مِن دَآبَّةٍ إِلَّا هُوَ ءَاخِذٌۢ بِنَاصِيَتِهَآ ۚ إِنَّ رَبِّى عَلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ۝٥٦

    Innee tawakkaltu ʿala Allahi rabbee warabbikum ma min dabbatin illa huwa akhithun binasiyatiha inna rabbee ʿala siratin mustaqeemin

    Anigu waxaan xaqiiq tala saartay Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiinba, ma jiro (noole) jooga (dhulka) oo uusan heyn foodda. Hubaal, Rabbigay wuxuu ku sugan yahay Jid Toosan (umuurahiisa oo dhan).

  57. فَإِن تَوَلَّوْا۟ فَقَدْ أَبْلَغْتُكُم مَّآ أُرْسِلْتُ بِهِۦٓ إِلَيْكُمْ ۚ وَيَسْتَخْلِفُ رَبِّى قَوْمًا غَيْرَكُمْ وَلَا تَضُرُّونَهُۥ شَيْـًٔا ۚ إِنَّ رَبِّى عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ حَفِيظٌ۝٥٧

    Fain tawallaw faqad ablaghtukum ma orsiltu bihi ilaykum wayastakhlifu rabbee qawman ghayrakum wala tadurroonahu shayan inna rabbee ʿala kulli shayin hafeethun

    Haddaad jeesataan waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii la iigu soo kiin dhiibay. Wuxuuna Rabbigay keeni qolo kale halkiinna, waxnana kama dhimi kartaan. Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa.

  58. وَلَمَّا جَآءَ أَمْرُنَا نَجَّيْنَا هُودًا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مَعَهُۥ بِرَحْمَةٍ مِّنَّا وَنَجَّيْنَـٰهُم مِّنْ عَذَابٍ غَلِيظٍ۝٥٨

    Walamma jaa amruna najjayna hoodan waallatheena amanoo maʿahu birahmatin minna wanajjaynahum min ʿathabin ghaleethin

    Markuu yimid Amarkayaga, Waxaan ku badbaadinnay Huud iyo intii la rumeysey (Xaqa) Naxariis ka ahaatay Xaggayaga, waxaana ka badbaadinnay Cadaab Adag.

  59. وَتِلْكَ عَادٌ ۖ جَحَدُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ رَبِّهِمْ وَعَصَوْا۟ رُسُلَهُۥ وَٱتَّبَعُوٓا۟ أَمْرَ كُلِّ جَبَّارٍ عَنِيدٍ۝٥٩

    Watilka ʿadun jahadoo biayati rabbihim waʿasaw rusulahu waittabaʿoo amra kulli jabbarin ʿaneedin

    Taasi waa Caad. Waxay dafireen Aayadihii Rabbigood, oo caasiyeen Rusushiisa, waxayna raaceen amarka macangag kasta oo madax adag.

  60. وَأُتْبِعُوا۟ فِى هَـٰذِهِ ٱلدُّنْيَا لَعْنَةً وَيَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۗ أَلَآ إِنَّ عَادًا كَفَرُوا۟ رَبَّهُمْ ۗ أَلَا بُعْدًا لِّعَادٍ قَوْمِ هُودٍ۝٦٠

    Waotbiʿoo fee hathihi alddunya laʿnatan wayawma alqiyamati ala inna ʿadan kafaroo rabbahum ala buʿdan liʿadin qawmi hoodin

    Waxaana la raaciyey Nacalad adduunyadan iyo Maalinta Qiyaamahaba. Ogaada, hubaal, Caad waxay beeniyeen Rabbigood. Ee ha fogaadeen Caad, qolodii Huud.

  61. ۞ وَإِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَـٰلِحًا ۚ قَالَ يَـٰقَوْمِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَـٰهٍ غَيْرُهُۥ ۖ هُوَ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلْأَرْضِ وَٱسْتَعْمَرَكُمْ فِيهَا فَٱسْتَغْفِرُوهُ ثُمَّ تُوبُوٓا۟ إِلَيْهِ ۚ إِنَّ رَبِّى قَرِيبٌ مُّجِيبٌ۝٦١

    Waila thamooda akhahum salihan qala ya qawmi oʿbudoo Allaha ma lakum min ilahin ghayruhu huwa anshaakum mina alardi waistaʿmarakum feeha faistaghfiroohu thumma tooboo ilayhi inna rabbee qareebun mujeebun

    Thammudna (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi. Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya1, ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) aan Isaga aheyn. Wuxuu idinka aheysiiyey dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan, ee weydiista Alle denbi dhaaf, una tawbad keena. (Alle) Rabbigay wuu Dhow yahay Ajiibaa (baryada).

    Sharaxa hoose
    [1] Aadmiga waxaa loo dejiyey adduunka inuu camiro arlada oo ku caabuda Alle Keligi.
  62. قَالُوا۟ يَـٰصَـٰلِحُ قَدْ كُنتَ فِينَا مَرْجُوًّا قَبْلَ هَـٰذَآ ۖ أَتَنْهَىٰنَآ أَن نَّعْبُدَ مَا يَعْبُدُ ءَابَآؤُنَا وَإِنَّنَا لَفِى شَكٍّ مِّمَّا تَدْعُونَآ إِلَيْهِ مُرِيبٍ۝٦٢

    Qaloo ya salihu qad kunta feena marjuwwan qabla hatha atanhana an naʿbuda ma yaʿbudu abaona wainnana lafee shakkin mimma tadʿoona ilayhi mureebun

    Waxay yidhaahdeen: Saalixoow!Waxaad aheyd mid dhexdayada lagu rajo weyn yahay intaan ka hor. Ee ma waxaad naga reebi inaan caabudno waxay aabbayaasha- yo caabudayeen? Innagu waxaan ka qabnaa shaki yaab leh waxaa aad noogu yeedhi (ee ah Towxiidka Islaamka).

  63. قَالَ يَـٰقَوْمِ أَرَءَيْتُمْ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّى وَءَاتَىٰنِى مِنْهُ رَحْمَةً فَمَن يَنصُرُنِى مِنَ ٱللَّهِ إِنْ عَصَيْتُهُۥ ۖ فَمَا تَزِيدُونَنِى غَيْرَ تَخْسِيرٍ۝٦٣

    Qala ya qawmi araaytum in kuntu ʿala bayyinatin min rabbee waatanee minhu rahmatan faman yansurunee mina Allahi in ʿasaytuhu fama tazeedoonanee ghayra takhseerin

    Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama haddaan ka heysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun, cilmi) Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis (Nabinnimo) Xaggiisa ah, yaa iiga gargaari (cadaabka) Alle, Haddaan ku caasiyo? Iimana kordhineysaan waxaan aheyn khasaaro.

  64. وَيَـٰقَوْمِ هَـٰذِهِۦ نَاقَةُ ٱللَّهِ لَكُمْ ءَايَةً فَذَرُوهَا تَأْكُلْ فِىٓ أَرْضِ ٱللَّهِ وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابٌ قَرِيبٌ۝٦٤

    Waya qawmi hathihi naqatu Allahi lakum ayatan fatharooha takul fee ardi Allahi wala tamassooha bisooin fayakhuthakum ʿathabun qareebun

    Tolkayow! Tani waa Hashii Alle, oo idiin ah calaamad, ee iska daaya ha daaqdo arlada Alle, hana u gaysannina wax xumaan ah, si aanay idiinku dhicin Cadaab dhow.

  65. فَعَقَرُوهَا فَقَالَ تَمَتَّعُوا۟ فِى دَارِكُمْ ثَلَـٰثَةَ أَيَّامٍ ۖ ذَٰلِكَ وَعْدٌ غَيْرُ مَكْذُوبٍ۝٦٥

    Faʿaqarooha faqala tamattaʿoo fee darikum thalathata ayyamin thalika waʿdun ghayru makthoobin

    Wayse boqna gooyeen hashii 'oo gowraceen'1, markaasuu wuxuu yidhi: Ku raaxeysta degaankiinna saddex maalmood Kaasi waa wacad run ah aan la beeninayn.

    Sharaxa hoose
    [1] Dilkooda hasha wuxuu ahaa xadgudub weyn iyo ku dhiirrasho wuxuu ka reebay Nabigoodii Saalix, sidaas awgeed buu Alle u xukumay inuu cadaabo isagoo ku xaddiday cumrigooda oo keliya seddex maalmood, wuxuuna amray inay sahay qaataan oo raaxeystaan seddex maalmood ku digasho ahaan.
  66. فَلَمَّا جَآءَ أَمْرُنَا نَجَّيْنَا صَـٰلِحًا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مَعَهُۥ بِرَحْمَةٍ مِّنَّا وَمِنْ خِزْىِ يَوْمِئِذٍ ۗ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ ٱلْقَوِىُّ ٱلْعَزِيزُ۝٦٦

    Falamma jaa amruna najjayna salihan waallatheena amanoo maʿahu birahmatin minna wamin khizyi yawmiithin inna rabbaka huwa alqawiyyu alʿazeezu

    Markuu u yimid Amarkayaga, waxaan ku badbaadinnay Saalix iyo intii rumeysey naxariis ka ahaatay Xaggayaga (oo ka bad- baadinnay) dulligii Maalintaas. Hubaal Rabbigaa, waa Awood Badanaha, Adkaadaha sare ah.

  67. وَأَخَذَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ ٱلصَّيْحَةُ فَأَصْبَحُوا۟ فِى دِيَـٰرِهِمْ جَـٰثِمِينَ۝٦٧

    Waakhatha allatheena thalamoo alssayhatu faasbahoo fee diyarihim jathimeena

    Qeylo weyn (qarax daran) baana qabtay1 kuwii dulmiga 'shirkiga' falay, markaasay noqdeen baqti af gambi u yaal guryahooda.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa durba lagu ciqaabay qarax aad weyn ee ka yimid xagga samada oo mar gilgilay oo cidhib tiray sida inaysanba horay u jirin.
  68. كَأَن لَّمْ يَغْنَوْا۟ فِيهَآ ۗ أَلَآ إِنَّ ثَمُودَا۟ كَفَرُوا۟ رَبَّهُمْ ۗ أَلَا بُعْدًا لِّثَمُودَ۝٦٨

    Kaan lam yaghnaw feeha ala inna thamooda kafaroo rabbahum ala buʿdan lithamooda

    Sidii inaysan weligoodba ku dhex negaan halkaa.Thamuud waxay ku gaaloobeen Rabbigood. Ee ha fogaadeen Thamuud (qoonkii Saalix).

  69. وَلَقَدْ جَآءَتْ رُسُلُنَآ إِبْرَٰهِيمَ بِٱلْبُشْرَىٰ قَالُوا۟ سَلَـٰمًا ۖ قَالَ سَلَـٰمٌ ۖ فَمَا لَبِثَ أَن جَآءَ بِعِجْلٍ حَنِيذٍ۝٦٩

    Walaqad jaat rusuluna ibraheema bialbushra qaloo salaman qala salamun fama labitha an jaa biʿijlin haneethin

    Rusushayadii (malaa'igta ahayd) waxay ula yimaadeen Ibraahiim war bishaaro ah1. Waxay yidhaadeen: Salaam (nabad ahow). Wuxuu ku jawaabay, Salaam (nabad ahaada) wax yar kaddibna wuxuu sooryo ugu keenay weyl shiilan.

    Sharaxa hoose
    [1] Dhalashda Isxaaq ama halaagga qowmu Luud.
  70. فَلَمَّا رَءَآ أَيْدِيَهُمْ لَا تَصِلُ إِلَيْهِ نَكِرَهُمْ وَأَوْجَسَ مِنْهُمْ خِيفَةً ۚ قَالُوا۟ لَا تَخَفْ إِنَّآ أُرْسِلْنَآ إِلَىٰ قَوْمِ لُوطٍ۝٧٠

    Falamma raa aydiyahum la tasilu ilayhi nakirahum waawjasa minhum kheefatan qaloo la takhaf inna orsilna ila qawmi lootin

    Markiise uu arkay in aanay gacmahooda u soo fidin xaggeeda, wuu qoonsaday oo ka gashay cabsi xaggooda1. Waxay ku yidhaahdeen: Ha cabsan, waxaa naloo soo diray reer Luud.

    Sharaxa hoose
    [1] Caado ahaan, hadduu qofka martida ah diido in la sooro oo wax cuno, macnaheedu waxaa weeye wuxuu damacsan yahay xumaan xagga martigeliyahiisa ama la doonayaa dhibaato.
  71. وَٱمْرَأَتُهُۥ قَآئِمَةٌ فَضَحِكَتْ فَبَشَّرْنَـٰهَا بِإِسْحَـٰقَ وَمِن وَرَآءِ إِسْحَـٰقَ يَعْقُوبَ۝٧١

    Waimraatuhu qaimatun fadahikat fabashsharnaha biishaqa wamin warai ishaqa yaʿqooba

    Marwadiisuna (Saarah) waxay taagnayd (halkaa), markaasay qososhay1, waxaana ugu bushaareynay Isxaaq, gadaashina (wiil wiilki) Yacquub.

    Sharaxa hoose
    [1] Ku farxid warka san ee ku imaanshaha ciqaab dadka xun ee beeniyey Nabi Luud ayna u dheer yihiin falal kale oo aad u xun. Daxikat waxaa lagu fasiray oo kale waxay heshay dhiiggii caadada iyadoo duqowday.
  72. قَالَتْ يَـٰوَيْلَتَىٰٓ ءَأَلِدُ وَأَنَا۠ عَجُوزٌ وَهَـٰذَا بَعْلِى شَيْخًا ۖ إِنَّ هَـٰذَا لَشَىْءٌ عَجِيبٌ۝٧٢

    Qalat ya waylata aalidu waana ʿajoozun wahatha baʿlee shaykhan inna hatha lashayon ʿajeebun

    Waxay tidhi: Waa la yaabe! Miyaan dhali anigoo habar duqowday ah, ninkayguna yahay oday gaboobay? Arrinkani waa wax la yaab leh.

  73. قَالُوٓا۟ أَتَعْجَبِينَ مِنْ أَمْرِ ٱللَّهِ ۖ رَحْمَتُ ٱللَّهِ وَبَرَكَـٰتُهُۥ عَلَيْكُمْ أَهْلَ ٱلْبَيْتِ ۚ إِنَّهُۥ حَمِيدٌ مَّجِيدٌ۝٧٣

    Qaloo ataʿjabeena min amri Allahi rahmatu Allahi wabarakatuhu ʿalaykum ahla albayti innahu hameedun majeedun

    Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad la yaabi Amarka Alle? Naxariista Alle iyo Barakooyinkiisa korkiinna ha ahaadeen reer (Ibraahiimow). Hubaal, Alle Waa Ammaanle la Mahdiyo, Sharaf Badan.

  74. فَلَمَّا ذَهَبَ عَنْ إِبْرَٰهِيمَ ٱلرَّوْعُ وَجَآءَتْهُ ٱلْبُشْرَىٰ يُجَـٰدِلُنَا فِى قَوْمِ لُوطٍ۝٧٤

    Falamma thahaba ʿan ibraheema alrrawʿu wajaathu albushra yujadiluna fee qawmi lootin

    Markay baqdintii ka tagtay Ibraahiim, oo u timid bishaaradu, wuxuu billaabay inuu nagala doodo arrinta qolodii Luud.

  75. إِنَّ إِبْرَٰهِيمَ لَحَلِيمٌ أَوَّٰهٌ مُّنِيبٌ۝٧٥

    Inna ibraheema lahaleemun awwahun muneebun

    Hubaal Ibraahiim waa dulbadane, qalbi jilicsan1, tawbad keen badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Taah iyo oohin badan markuu Alle baryayo, u murugood badan dadka, aad uga cabsada Alle.
  76. يَـٰٓإِبْرَٰهِيمُ أَعْرِضْ عَنْ هَـٰذَآ ۖ إِنَّهُۥ قَدْ جَآءَ أَمْرُ رَبِّكَ ۖ وَإِنَّهُمْ ءَاتِيهِمْ عَذَابٌ غَيْرُ مَرْدُودٍ۝٧٦

    Ya ibraheemu aʿrid ʿan hatha innahu qad jaa amru rabbika wainnahum ateehim ʿathabun ghayru mardoodin

    Ibraahiimow! Iska daa warkani. Waxaa yimid Amarka Rabbigaa. Iyagana waxaa u iman cadaab aan dib loo celineyn.

  77. وَلَمَّا جَآءَتْ رُسُلُنَا لُوطًا سِىٓءَ بِهِمْ وَضَاقَ بِهِمْ ذَرْعًا وَقَالَ هَـٰذَا يَوْمٌ عَصِيبٌ۝٧٧

    Walamma jaat rusuluna lootan seea bihim wadaqa bihim tharʿan waqala hatha yawmun ʿaseebun

    Markay Rusushayadii 'malaa'igta ahayd' u yimaadeen Luud. Wuu ka walbahaaray1 wuuna la cidhiidhyamay, wuxuuna yidhi: Kani waa Maalin daran.

    Sharaxa hoose
    [1] Wuxuu dareemay Nabi Luud welwel iyo walbahaar markay yimaadeen Rusushaa Alle (ee malaa’igta aheyd), waayo waxay ku yimadeen qaab iyo muuqaal niman dhallinyaro ahoo qurux badan, waxayna jeclaayeen qoonkii Luud dhallinyarada sidaa u qurxoon oo ku sameyn jireen falxumo. Markaasuu Luud ka welwelay taasi oo dareemay inuusan awoodin inuu difaaco hadday ku soo xadgudbaan qoomkiisa nimankaa dhallinyarada ah. Nabi Luud wuxuu u cabsaday bed qabidda iyo sharafta martidiisa.
  78. وَجَآءَهُۥ قَوْمُهُۥ يُهْرَعُونَ إِلَيْهِ وَمِن قَبْلُ كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ ۚ قَالَ يَـٰقَوْمِ هَـٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِى هُنَّ أَطْهَرُ لَكُمْ ۖ فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَلَا تُخْزُونِ فِى ضَيْفِىٓ ۖ أَلَيْسَ مِنكُمْ رَجُلٌ رَّشِيدٌ۝٧٨

    Wajaahu qawmuhu yuhraʿoona ilayhi wamin qablu kanoo yaʿmaloona alssayyiati qala ya qawmi haolai banatee hunna atharu lakum faittaqoo Allaha wala tukhzooni fee dayfee alaysa minkum rajulun rasheedun

    Tolkiisii baa u yimid (sida in) la soo dedejiyey xaggiisa, iyagoo horeyba u sameyn jirey falal xun1. wuxuu yidhi: Tolkayow! Kuwani waa gabdhahaygii2, iyagaa idiinka daahirsan ee Alle ka cabsada oo ha igu ceebeynina martiday. Miyaanu idinku jirin nin toosan?

    Sharaxa hoose
    [1] Waa tilmaan dhaqankooda xumaa ee ahaa fuulidda ragga (khaniisnimada). [2] Wuxuu ula jeedaa dumarka qoonkiisa ee guur doonka ah.
  79. قَالُوا۟ لَقَدْ عَلِمْتَ مَا لَنَا فِى بَنَاتِكَ مِنْ حَقٍّ وَإِنَّكَ لَتَعْلَمُ مَا نُرِيدُ۝٧٩

    Qaloo laqad ʿalimta ma lana fee banatika min haqqin wainnaka lataʿlamu ma nureedu

    Waxay yidhaahdeen: Waad ogtahay inaanaan ku laheyn wax xaq ah gabdha- haaga, waadna og tahay waxaanu rabno.

  80. قَالَ لَوْ أَنَّ لِى بِكُمْ قُوَّةً أَوْ ءَاوِىٓ إِلَىٰ رُكْنٍ شَدِيدٍ۝٨٠

    Qala law anna lee bikum quwwatan aw awee ila ruknin shadeedin

    Wuxuu yidhi: Hahe! Ma aan lahaado xoog aan idinku caabbiyo, ama meel aan u ciirsadoo tiir adag leh.

  81. قَالُوا۟ يَـٰلُوطُ إِنَّا رُسُلُ رَبِّكَ لَن يَصِلُوٓا۟ إِلَيْكَ ۖ فَأَسْرِ بِأَهْلِكَ بِقِطْعٍ مِّنَ ٱلَّيْلِ وَلَا يَلْتَفِتْ مِنكُمْ أَحَدٌ إِلَّا ٱمْرَأَتَكَ ۖ إِنَّهُۥ مُصِيبُهَا مَآ أَصَابَهُمْ ۚ إِنَّ مَوْعِدَهُمُ ٱلصُّبْحُ ۚ أَلَيْسَ ٱلصُّبْحُ بِقَرِيبٍ۝٨١

    Qaloo ya lootu inna rusulu rabbika lan yasiloo ilayka faasri biahlika biqitʿin mina allayli wala yaltafit minkum ahadun illa imraataka innahu museebuha ma asabahum inna mawʿidahumu alssubhu alaysa alssubhu biqareebin

    Waxay yidhaahdeen: Luudoow! Waxaanu innagu nahay Rusushii Rabbigaa! Waxnana kuma gaarsiin karaan, ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo yuusan midkiinna dib u soo jeesan marwadaada maahee, waxaa ku dhici, waxa ku dhici iyaga, ballankooduna waa subaxa, miyuusan subaxu dhoweyn?

  82. فَلَمَّا جَآءَ أَمْرُنَا جَعَلْنَا عَـٰلِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهَا حِجَارَةً مِّن سِجِّيلٍ مَّنضُودٍ۝٨٢

    Falamma jaa amruna jaʿalna ʿaliyaha safilaha waamtarna ʿalayha hijaratan min sijjeelin mandoodin

    Markuu yimid Amarkayagii, Waxaan u rognay af gambi oo korkoodii hoos marin- nay, Waxaana roob kaga dhignay dhagxayo dhoobo shidan ah oo is daba jooga.

  83. مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ ۖ وَمَا هِىَ مِنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ بِبَعِيدٍ۝٨٣

    Musawwamatan ʿinda rabbika wama hiya mina alththalimeena bibaʿeedin

    Laga soo calaamadiyey (ciqaab darteed) Rabbigaa agti, mana aha wax ka fog daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

  84. ۞ وَإِلَىٰ مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًا ۚ قَالَ يَـٰقَوْمِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَـٰهٍ غَيْرُهُۥ ۖ وَلَا تَنقُصُوا۟ ٱلْمِكْيَالَ وَٱلْمِيزَانَ ۚ إِنِّىٓ أَرَىٰكُم بِخَيْرٍ وَإِنِّىٓ أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ مُّحِيطٍ۝٨٤

    Waila madyana akhahum shuʿayban qala ya qawmi oʿbudoo Allaha ma lakum min ilahin ghayruhu wala tanqusoo almikyala waalmeezana innee arakum bikhayrin wainnee akhafu ʿalaykum ʿathaba yawmin muheetin

    Madyanna (Waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya, ma lihidin Ilaah kale ( oo xaq ah) aan aheyn Isaga, hana dhimina beegga iyo miisaanka, waxaan idinku arkaa khayre (maal); oo hubaal waxaan idiinka cabsan Cadaab Maalin wax koobeysa.

  85. وَيَـٰقَوْمِ أَوْفُوا۟ ٱلْمِكْيَالَ وَٱلْمِيزَانَ بِٱلْقِسْطِ ۖ وَلَا تَبْخَسُوا۟ ٱلنَّاسَ أَشْيَآءَهُمْ وَلَا تَعْثَوْا۟ فِى ٱلْأَرْضِ مُفْسِدِينَ۝٨٥

    Waya qawmi awfoo almikyala waalmeezana bialqisti wala tabkhasoo alnnasa ashyaahum wala taʿthaw fee alardi mufsideena

    Tolkayow! Oofiya beegga iyo miisaanka si caddaalad ah, ha ka duudsinnina dadka waxyaalahooda, hana ku bi'inninana dhulka fasaadkaad faleysaan.

  86. بَقِيَّتُ ٱللَّهِ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ ۚ وَمَآ أَنَا۠ عَلَيْكُم بِحَفِيظٍ۝٨٦

    Baqiyyatu Allahi khayrun lakum in kuntum mumineena wama ana ʿalaykum bihafeethin

    Waxa ku baaqiga ah Alle agtiisa ayaa idiin roon haddaad tihiin mu’miniin, oo anigu idiin ma ahi kormeere.

  87. قَالُوا۟ يَـٰشُعَيْبُ أَصَلَوٰتُكَ تَأْمُرُكَ أَن نَّتْرُكَ مَا يَعْبُدُ ءَابَآؤُنَآ أَوْ أَن نَّفْعَلَ فِىٓ أَمْوَٰلِنَا مَا نَشَـٰٓؤُا۟ ۖ إِنَّكَ لَأَنتَ ٱلْحَلِيمُ ٱلرَّشِيدُ۝٨٧

    Qaloo ya shuʿaybu asalatuka tamuruka an natruka ma yaʿbudu abaona aw an nafʿala fee amwalina ma nashao innaka laanta alhaleemu alrrasheedu

    Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Ma waxay salaadahaadu ku amraan inaan ka tagno waxay caabudaan aabbayaashayo, ama inaanu ku falno maalkayaga waxaan doonno? Adigu uun waxaad tahay dul badanaha wax garadka ah1.

    Sharaxa hoose
    [1] Qowlkoodaasi waa ku digasho iyo ku jeesjees Nabi Shucayb c.s Waana sifad loola jeeda si taasi ka duwan oo caksigeeda ah.
  88. قَالَ يَـٰقَوْمِ أَرَءَيْتُمْ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّى وَرَزَقَنِى مِنْهُ رِزْقًا حَسَنًا ۚ وَمَآ أُرِيدُ أَنْ أُخَالِفَكُمْ إِلَىٰ مَآ أَنْهَىٰكُمْ عَنْهُ ۚ إِنْ أُرِيدُ إِلَّا ٱلْإِصْلَـٰحَ مَا ٱسْتَطَعْتُ ۚ وَمَا تَوْفِيقِىٓ إِلَّا بِٱللَّهِ ۚ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَإِلَيْهِ أُنِيبُ۝٨٨

    Qala ya qawmi araaytum in kuntu ʿala bayyinatin min rabbee warazaqanee minhu rizqan hasanan wama oreedu an okhalifakum ila ma anhakum ʿanhu in oreedu illa alislaha ma istataʿtu wama tawfeeqee illa biAllahi ʿalayhi tawakkaltu wailayhi oneebu

    Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka heysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun iyo cilmi) xagga Rabbigay, ina siiyey (Nabinnimo) iyo risiq (xalaal ah) wanaagsan oo Xaggiisa ah. Oo aanan doonayna inaan idiin daba maro falidda waxaan idinka reebo. Ma doonayo waxaan wax wanaajin ahayn intaan karo. Mana jiro waxaan Alle ahaynoo i waafajin kara talada toosan. Isagaan tala saartaa, Xaggiisaana ula noqdaa (tawbad).

  89. وَيَـٰقَوْمِ لَا يَجْرِمَنَّكُمْ شِقَاقِىٓ أَن يُصِيبَكُم مِّثْلُ مَآ أَصَابَ قَوْمَ نُوحٍ أَوْ قَوْمَ هُودٍ أَوْ قَوْمَ صَـٰلِحٍ ۚ وَمَا قَوْمُ لُوطٍ مِّنكُم بِبَعِيدٍ۝٨٩

    Waya qawmi la yajrimannakum shiqaqee an yuseebakum mithlu ma asaba qawma noohin aw qawma hoodin aw qawma salihin wama qawmu lootin minkum bibaʿeedin

    Tolkayow! Yaysan idiin soo jiidin colaaddaad ii qabtaan denbi fal sidaa darteed uu idinku dhaco wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux ama qolodii Huud ama qolodii Saalix, qolodii Luudna ma aha wax idinka fog.

  90. وَٱسْتَغْفِرُوا۟ رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوٓا۟ إِلَيْهِ ۚ إِنَّ رَبِّى رَحِيمٌ وَدُودٌ۝٩٠

    Waistaghfiroo rabbakum thumma tooboo ilayhi inna rabbee raheemun wadoodun

    Ee weydiista denbi dhaaf Rabbigiin una tawbad keena. Rabbigay waa Naxariis Badane, Jecel (ciddii tawbad keenta).

  91. قَالُوا۟ يَـٰشُعَيْبُ مَا نَفْقَهُ كَثِيرًا مِّمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَىٰكَ فِينَا ضَعِيفًا ۖ وَلَوْلَا رَهْطُكَ لَرَجَمْنَـٰكَ ۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيْنَا بِعَزِيزٍ۝٩١

    Qaloo ya shuʿaybu ma nafqahu katheeran mimma taqoolu wainna lanaraka feena daʿeefan walawla rahtuka larajamnaka wama anta ʿalayna biʿazeezin

    Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Fahmi mayno in badan oo waxaad leedahay ah, waxaana kuu aragnaa mid daciif ah dhexdayada. Haddaannu kugu xaq dhowreyn tolkaa dhagax tuur baan kugu dili lahayn, mana tihid adigu mid nagu leh ciso iyo sharaf dhexdeenna.

  92. قَالَ يَـٰقَوْمِ أَرَهْطِىٓ أَعَزُّ عَلَيْكُم مِّنَ ٱللَّهِ وَٱتَّخَذْتُمُوهُ وَرَآءَكُمْ ظِهْرِيًّا ۖ إِنَّ رَبِّى بِمَا تَعْمَلُونَ مُحِيطٌ۝٩٢

    Qala ya qawmi arahtee aʿazzu ʿalaykum mina Allahi waittakhathtumoohu waraakum thihriyyan inna rabbee bima taʿmaloona muheetun

    Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma reerkaan ka dhashay baa idin kala darajo roonaaday Alle? Oo ka yeelataan sida waxaad tuurtaan dhabarkiinna gadaashiis; hubaal Rabbigay waa koobaa waxa aad fashaan.

  93. وَيَـٰقَوْمِ ٱعْمَلُوا۟ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمْ إِنِّى عَـٰمِلٌ ۖ سَوْفَ تَعْلَمُونَ مَن يَأْتِيهِ عَذَابٌ يُخْزِيهِ وَمَنْ هُوَ كَـٰذِبٌ ۖ وَٱرْتَقِبُوٓا۟ إِنِّى مَعَكُمْ رَقِيبٌ۝٩٣

    Waya qawmi iʿmaloo ʿala makanatikum innee ʿamilun sawfa taʿlamoona man yateehi ʿathabun yukhzeehi waman huwa kathibun wairtaqiboo inne maʿakum raqeebun

    Tolkayow! U camal fasha sida karaankiinna ah, aniguna sidoo kale waan camal falanayaa. Waad ogaan doontaan waa kee kan ay ku iman cadaab dulleysa, waana kee kaasi ah beenale, oo dhowra, aniguna sidoo kale waan idinla dhowri (sugayaa natiijada iyo waxa idinku dhaca).

  94. وَلَمَّا جَآءَ أَمْرُنَا نَجَّيْنَا شُعَيْبًا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مَعَهُۥ بِرَحْمَةٍ مِّنَّا وَأَخَذَتِ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ ٱلصَّيْحَةُ فَأَصْبَحُوا۟ فِى دِيَـٰرِهِمْ جَـٰثِمِينَ۝٩٤

    Walamma jaa amruna najjayna shuʿayban waallatheena amanoo maʿahu birahmatin minna waakhathati allatheena thalamoo alssayhatu faasbahoo fee diyarihim jathimeena

    Markuu yimid Amarkayagii, Waxaan ku badbaadinnay Shucayb iyo intii la rumeysey Naxariis ka ahaatay Xaggayaga. oo qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha) falay, markaasay noqdeen baqti af gambi u dhex yaal guryahooda1.

    Sharaxa hoose
    [1] Ummadahaasoo dhan waa la rogay.
  95. كَأَن لَّمْ يَغْنَوْا۟ فِيهَآ ۗ أَلَا بُعْدًا لِّمَدْيَنَ كَمَا بَعِدَتْ ثَمُودُ۝٩٥

    Kaan lam yaghnaw feeha ala buʿdan limadyana kama baʿidat thamoodu

    Sidii inayan weligoodba ku noolaan halkaa. Ee ha fogaadeen Madyan siday u fogaadeenba Thamuud.

  96. وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَـٰتِنَا وَسُلْطَـٰنٍ مُّبِينٍ۝٩٦

    Walaqad arsalna moosa biayatina wasultanin mubeenin

    Waxaana dhab ahaan la soo dirnay Muuse Aayadahayagii iyo Xujo Cad.

  97. إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَإِي۟هِۦ فَٱتَّبَعُوٓا۟ أَمْرَ فِرْعَوْنَ ۖ وَمَآ أَمْرُ فِرْعَوْنَ بِرَشِيدٍ۝٩٧

    Ila firʿawna wamalaihi faittabaʿoo amra firʿawna wama amru firʿawna birasheedin

    Xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, waxayse raaceen amarkii Fircoon, oo amarka Fircoon ma aheyn mid toosan.

  98. يَقْدُمُ قَوْمَهُۥ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ فَأَوْرَدَهُمُ ٱلنَّارَ ۖ وَبِئْسَ ٱلْوِرْدُ ٱلْمَوْرُودُ۝٩٨

    Yaqdumu qawmahu yawma alqiyamati faawradahumu alnnara wabisa alwirdu almawroodu

    Wuxuu hor kici tolkiisa Maalinta Qiyaamaha, oo keeni hoos xagga Naarta, xumaa halka la keenayo.

  99. وَأُتْبِعُوا۟ فِى هَـٰذِهِۦ لَعْنَةً وَيَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۚ بِئْسَ ٱلرِّفْدُ ٱلْمَرْفُودُ۝٩٩

    Waotbiʿoo fee hathihi laʿnatan wayawma alqiyamati bisa alrrifdu almarfoodu

    Waxaana lagu raacshay Nacalad (duni) tani gudaheeda iyo Maalinta Qiyaamaha1, xumaa waxa loo kordhin (oo Cadho Alle iyo Cadaab ah).

    Sharaxa hoose
    [1] Waa lacnad ku raaceysa adduun iyo aakhiro labada daaroodba.
  100. ذَٰلِكَ مِنْ أَنۢبَآءِ ٱلْقُرَىٰ نَقُصُّهُۥ عَلَيْكَ ۖ مِنْهَا قَآئِمٌ وَحَصِيدٌ۝١٠٠

    Thalika min anbai alqura naqussuhu ʿalayka minha qaimun wahaseedun

    Arrinkani waa warkii (aayihii) magaalooyinka aan kaaga qisoonno (Nabiyow); waxaa ka mid ah kuwo taagan iyo kuwo (kale) oo la halaagay.

  101. وَمَا ظَلَمْنَـٰهُمْ وَلَـٰكِن ظَلَمُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ ۖ فَمَآ أَغْنَتْ عَنْهُمْ ءَالِهَتُهُمُ ٱلَّتِى يَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مِن شَىْءٍ لَّمَّا جَآءَ أَمْرُ رَبِّكَ ۖ وَمَا زَادُوهُمْ غَيْرَ تَتْبِيبٍ۝١٠١

    Wama thalamnahum walakin thalamoo anfusahum fama aghnat ʿanhum alihatuhumu allatee yadʿoona min dooni Allahi min shayin lamma jaa amru rabbika wama zadoohum ghayra tatbeebin

    Oo ma aanu dulmiyin, iyagaase dulmiyey nafahooda. Waxna uma tarin ilaahyadoodii Alle sokadi ay baryi (caabudi) jireen, markuu yimid Amarka Rabbigaa, umana ay kordhin waxaan aheyn baabbba’.

  102. وَكَذَٰلِكَ أَخْذُ رَبِّكَ إِذَآ أَخَذَ ٱلْقُرَىٰ وَهِىَ ظَـٰلِمَةٌ ۚ إِنَّ أَخْذَهُۥٓ أَلِيمٌ شَدِيدٌ۝١٠٢

    Wakathalika akhthu rabbika itha akhatha alqura wahiya thalimatun inna akhthahu aleemun shadeedun

    Waa sidaasna qabashada Rabbigaa markuu qabto magaalooyinka iyagoo dulmi fali, hubaal, Qabashadiisu waa mid xanuun badan oo daran.

  103. إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّمَنْ خَافَ عَذَابَ ٱلْـَٔاخِرَةِ ۚ ذَٰلِكَ يَوْمٌ مَّجْمُوعٌ لَّهُ ٱلنَّاسُ وَذَٰلِكَ يَوْمٌ مَّشْهُودٌ۝١٠٣

    Inna fee thalika laayatan liman khafa ʿathaba alakhirati thalika yawmun majmooʿun lahu alnnasu wathalika yawmun mashhoodun

    Waxaa arrinkani ugu sugan calaamad ciddii ka cabsan Cadaabka Aakhirada, kani waa Maalin dadka la soo kulmin iyagoo dhan, waana Maalin goob joog la ahaan.

  104. وَمَا نُؤَخِّرُهُۥٓ إِلَّا لِأَجَلٍ مَّعْدُودٍ۝١٠٤

    Wama nuakhkhiruhu illa liajalin maʿdoodin

    Uma dib dhignona waxaan ahayn muddo tirsan oo hore loo gooyey.

  105. يَوْمَ يَأْتِ لَا تَكَلَّمُ نَفْسٌ إِلَّا بِإِذْنِهِۦ ۚ فَمِنْهُمْ شَقِىٌّ وَسَعِيدٌ۝١٠٥

    Yawma yati la takallamu nafsun illa biithnihi faminhum shaqiyyun wasaʿeedin

    Maalintay iman, nafna ma hadleyso Idankiisa la’aanti, markaasi waxaa ka mid ahaan kuwo xun oo khasaaray iyo (kuwo) liibaanay.

  106. فَأَمَّا ٱلَّذِينَ شَقُوا۟ فَفِى ٱلنَّارِ لَهُمْ فِيهَا زَفِيرٌ وَشَهِيقٌ۝١٠٦

    Faamma allatheena shaqoo fafee alnnari lahum feeha zafeerun washaheequn

    Ma kuwa hoogay waxay ku sugnaan Naar; waxay ku leeyihiin dhexdeeda cartan iyo hiinraag1.

    Sharaxa hoose
    [1] Hiinbaxa iyo hiinraaggooda oo u eg cida dameerka.
  107. خَـٰلِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ ٱلسَّمَـٰوَٰتُ وَٱلْأَرْضُ إِلَّا مَا شَآءَ رَبُّكَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ۝١٠٧

    Khalideena feeha ma damati alssamawatu waalardu illa ma shaa rabbuka inna rabbaka faʿʿalun lima yureedu

    Iyagoo ku waari dhexdeeda intay jiraan samooyinka iyo arladu, wuxuu Rabbigaa doono maahee1. hubaal, Rabbigaa waa falaha wuxuu doono.

    Sharaxa hoose
    [1] Macnahu wuxuu u dhacayaa inay gaaladu ku waari doonaan Naarta abadkood, halka muslimiinta caasiyaasha ah laga soo saari doono Naarta marka laga gooyo waxay denbi galeen. Aakhirana waxaa jira samo iyo arlo ku gaar ah oo ka duwan samooyinka iyo arlada adduunkan.
  108. ۞ وَأَمَّا ٱلَّذِينَ سُعِدُوا۟ فَفِى ٱلْجَنَّةِ خَـٰلِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ ٱلسَّمَـٰوَٰتُ وَٱلْأَرْضُ إِلَّا مَا شَآءَ رَبُّكَ ۖ عَطَآءً غَيْرَ مَجْذُوذٍ۝١٠٨

    Waamma allatheena suʿidoo fafee aljannati khalideena feeha ma damati alssamawatu waalardu illa ma shaa rabbuka ʿataan ghayra majthoothin

    Kuwase liibaanay ee farxaddu u ahaatay, waxay ku sugnaan Jannada gudaheeda, iyagoo ku dhex waaraya intay jiraan samooyinka iyo arlada, wuxuu Rabbigaa doono ma’ahee, waa deeq aan go’eyn oo daa'in ah.

  109. فَلَا تَكُ فِى مِرْيَةٍ مِّمَّا يَعْبُدُ هَـٰٓؤُلَآءِ ۚ مَا يَعْبُدُونَ إِلَّا كَمَا يَعْبُدُ ءَابَآؤُهُم مِّن قَبْلُ ۚ وَإِنَّا لَمُوَفُّوهُمْ نَصِيبَهُمْ غَيْرَ مَنقُوصٍ۝١٠٩

    Fala taku fee miryatin mimma yaʿbudu haolai ma yaʿbudoona illa kama yaʿbudu abaohum min qablu wainna lamuwaffoohum naseebahum ghayra manqoosin

    Ee ha ka Shakin (xumaanta) waxay kuwaanu caabudaan, ma caabudaan waxaan aheyn waxay caabudeen aabbayaashood kal hore, oo hubaal waanu u oofin si dhan saamigooda (Cadaabka) oo aan waxba laga dhimeyn.

  110. وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا مُوسَى ٱلْكِتَـٰبَ فَٱخْتُلِفَ فِيهِ ۚ وَلَوْلَا كَلِمَةٌ سَبَقَتْ مِن رَّبِّكَ لَقُضِىَ بَيْنَهُمْ ۚ وَإِنَّهُمْ لَفِى شَكٍّ مِّنْهُ مُرِيبٍ۝١١٠

    Walaqad atayna moosa alkitaba faikhtulifa feehi walawla kalimatun sabaqat min rabbika laqudiya baynahum wainnahum lafee shakkin minhu mureebun

    Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waase la isku khilaafay, haddaysan jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa; waa la kala xukumin lahaa dhexdooda, waxaana iyaga kaga jira shaki daran walaac leh (Qur’aanka).

  111. وَإِنَّ كُلًّا لَّمَّا لَيُوَفِّيَنَّهُمْ رَبُّكَ أَعْمَـٰلَهُمْ ۚ إِنَّهُۥ بِمَا يَعْمَلُونَ خَبِيرٌ۝١١١

    Wainna kullan lamma layuwaffiyannahum rabbuka aʿmalahum innahu bima yaʿmaloona khabeerun

    Oo dhammaan wuu u oofin Rabbigaa camalladooda si dhan. Hubaal waxay camal falaan Waa u Xog Ogaal.

  112. فَٱسْتَقِمْ كَمَآ أُمِرْتَ وَمَن تَابَ مَعَكَ وَلَا تَطْغَوْا۟ ۚ إِنَّهُۥ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ۝١١٢

    Faistaqim kama omirta waman taba maʿaka wala tatghaw innahu bima taʿmaloona baseerun

    Ee hay kuna sugnow dhabbaha toosan (ee Islaamka) sida lagu amrayba, (adiga) iyo kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Alle ee tawbad keenay), hana xadgudbina. Hubaal, Alle wuu arkaa Waxaad camal fashaan.

  113. وَلَا تَرْكَنُوٓا۟ إِلَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ فَتَمَسَّكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِنْ أَوْلِيَآءَ ثُمَّ لَا تُنصَرُونَ۝١١٣

    Wala tarkanoo ila allatheena thalamoo fatamassakumu alnnaru wama lakum min dooni Allahi min awliyaa thumma la tunsaroona

    Ha ka raalli noqonnina oo ha u iliinana kuwa dulmiga (shirkiga iyo xumaha) fala, si ayan Naari idin taaban, oo ma lihidin Alle sokadi awliyo, laydiinna gargaari maayo.

  114. وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ طَرَفَىِ ٱلنَّهَارِ وَزُلَفًا مِّنَ ٱلَّيْلِ ۚ إِنَّ ٱلْحَسَنَـٰتِ يُذْهِبْنَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ ۚ ذَٰلِكَ ذِكْرَىٰ لِلذَّٰكِرِينَ۝١١٤

    Waaqimi alssalata tarafayi alnnahari wazulafan mina allayli inna alhasanati yuthhibna alssayyiati thalika thikra lilththakireena

    Oog salaaddana labada dacal ee maalinta iyo saacado ka mid ah habeenka. Hubaal, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun1, arrinkani waa u waano kuwa waana qaata2.

    Sharaxa hoose
    [1] Mar baa nin wuxuu dhunkaday haweeney ajanabi ka ah. Markaasuu u yimid Nabiga s.c.w. oo u sheegay. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan: «Oog salaadda labada dacal ee maalinta, iyo saacado ka mid ah habeenka, xaqiiq, xasanaadka (camallada wanaagsan halkan waxaa loola jeedaa shanta salaadood ee faralka ah) waxay tirtiraan oo meesha ka saaraan falalka xun ( denbiyada yar yar)». (Q 11:114) Ninkii wuxuu weydiiyey Rasuulkii Alle s.c.w.: Ma aniga oo keliya baa tani iska leh? Nabigu s..c.w wuxuu yidhi: Waxaa leh ummadeyda intii I raacday oo idil. (W.w. Al-Bukhaari) [2] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle Ka cabso meel kastoo aad joogtid, oo raaci xumaanta samaan kaa tirtirta, oo kula soco dadka dabeecad wanaagsan. W.w.At-Tirmidi
  115. وَٱصْبِرْ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ ٱلْمُحْسِنِينَ۝١١٥

    Waisbir fainna Allaha la yudeeʿu ajra almuhsineena

    Oo samir yeelo; hubaal, Alle ma dayaco ajarka sama falayaasha.

  116. فَلَوْلَا كَانَ مِنَ ٱلْقُرُونِ مِن قَبْلِكُمْ أُو۟لُوا۟ بَقِيَّةٍ يَنْهَوْنَ عَنِ ٱلْفَسَادِ فِى ٱلْأَرْضِ إِلَّا قَلِيلًا مِّمَّنْ أَنجَيْنَا مِنْهُمْ ۗ وَٱتَّبَعَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ مَآ أُتْرِفُوا۟ فِيهِ وَكَانُوا۟ مُجْرِمِينَ۝١١٦

    Falawla kana mina alqurooni min qablikum oloo baqiyyatin yanhawna ʿani alfasadi fee alardi illa qaleelan mimman anjayna minhum waittabaʿa allatheena thalamoo ma otrifoo feehi wakanoo mujrimeena

    Maxaase looga dhex waayey qaaruumihii idinka horreeyay, dad leh garasho, oo ka reeba Fasahaadka dhulka dhexdiisa wax yar mooyee oo ka mid ahaa kuwii aan ka badbaaddinnay dhexdooda? Kuwiina dulmiga falay waxay daba galeen wixii loogu raaxeeyey, waxayna ahaayeen denbiilayaal.

  117. وَمَا كَانَ رَبُّكَ لِيُهْلِكَ ٱلْقُرَىٰ بِظُلْمٍ وَأَهْلُهَا مُصْلِحُونَ۝١١٧

    Wama kana rabbuka liyuhlika alqura bithulmin waahluha muslihoona

    Rabbigaa uma halaago magaaloo- yinka dulmi iyagoo ay dadkoodu wanaagga is faraan (xumahana iska reebaan).

  118. وَلَوْ شَآءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ ٱلنَّاسَ أُمَّةً وَٰحِدَةً ۖ وَلَا يَزَالُونَ مُخْتَلِفِينَ۝١١٨

    Walaw shaa rabbuka lajaʿala alnnasa ommatan wahidatan wala yazaloona mukhtalifeena

    Hadduu doono Rabbigaa, wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad keliya, mase dayn doonan inay iskhilaafaan.

  119. إِلَّا مَن رَّحِمَ رَبُّكَ ۚ وَلِذَٰلِكَ خَلَقَهُمْ ۗ وَتَمَّتْ كَلِمَةُ رَبِّكَ لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ ٱلْجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ أَجْمَعِينَ۝١١٩

    Illa man rahima rabbuka walithalika khalaqahum watammat kalimatu rabbika laamlaanna jahannama mina aljinnati waalnnasi ajmaʿeena

    Mid uu Rabbigaa u Naxariisto maahee, arrinkani (towxiidka) awgi buuna Alle u abuuray. Wayna taam noqon Kelmedda Rabbigaa oo ah: "Waxaan ka buuxin Jahannama jinka iyo dadkoo dhammi (igu caasiya)".

  120. وَكُلًّا نَّقُصُّ عَلَيْكَ مِنْ أَنۢبَآءِ ٱلرُّسُلِ مَا نُثَبِّتُ بِهِۦ فُؤَادَكَ ۚ وَجَآءَكَ فِى هَـٰذِهِ ٱلْحَقُّ وَمَوْعِظَةٌ وَذِكْرَىٰ لِلْمُؤْمِنِينَ۝١٢٠

    Wakullan naqussu ʿalayka min anbai alrrusuli ma nuthabbitu bihi fuadaka wajaaka fee hathihi alhaqqu wamawʿithatun wathikra lilmumineena

    Dhammaan waxaanu kuu soo tebinno oo ku saabsan wararka Rususha waa si aan ugu xoojinno qalbigaaga. Waxaana kuugu yimid (suuradda) tani dhexdeeda Xaq iyo wacdi iyo waanada mu’miniinta.

  121. وَقُل لِّلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ ٱعْمَلُوا۟ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمْ إِنَّا عَـٰمِلُونَ۝١٢١

    Waqul lillatheena la yuminoona iʿmaloo ʿala makanatikum inna ʿamiloona

    Ku dheh kuwa aan (Xaqa) rumaynin: U camal fasha sidiinnaas dowga idinla ah, innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaa.

  122. وَٱنتَظِرُوٓا۟ إِنَّا مُنتَظِرُونَ۝١٢٢

    Waintathiroo inna muntathiroona

    Oo suga (cidhibta arrinkiinna), innaguna (sidoo kale) waanu sugaynaa.

  123. وَلِلَّهِ غَيْبُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَإِلَيْهِ يُرْجَعُ ٱلْأَمْرُ كُلُّهُۥ فَٱعْبُدْهُ وَتَوَكَّلْ عَلَيْهِ ۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَـٰفِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ۝١٢٣

    Walillahi ghaybu alssamawati waalardi wailayhi yurjaʿu alamru kulluhu faoʿbudhu watawakkal ʿalayhi wama rabbuka bighafilin ʿamma taʿmaloona

    Alle baa iska leh waxa aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana loo celiyaa arrinka oo dhan. Ee caabud Isagoo Keliya (adigoon waxba u shariig yeelin); oo tala saaro. Rabbigaa ma aha mid moog waxaad falaysaan.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Suuradda Huud juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Huud waxay ku fidsan tahay juz’ 11 iyo 12.

Suuradda Huud immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Huud waxay leedahay 123 aayadood.

Suuradda Huud ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Huud waa suurad Makki ah.

Suuradda Huud waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 11aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.