سورة التوبة
Suuradda At-Tawba oo af Soomaali ah
Toobadda
- 9
- 129 aayadood
- Madani
- Juz’ 10–11
- Bogagga 187–207
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda At-Tawba (التوبة) waa suuradda 9aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 129 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Toobadda”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku fidsan tahay juz’ 10 iyo 11.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda At-Tawba oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda At-Tawba oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
-
بَرَآءَةٌ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦٓ إِلَى ٱلَّذِينَ عَـٰهَدتُّم مِّنَ ٱلْمُشْرِكِينَ١
Baraatun mina Allahi warasoolihi ila allatheena ʿahadtum mina almushrikeena
(Kani waa ogeysiis in) Alle iyo Rasuulkiisu ay barii ka yihiin1 kuwa ka midka ah Mushrikiinta, ee aad la gasheen heshiiska (ha yeeshee ka baxay).
Sharaxa hoose
[1] Suuraddan sidoo kale waxaa la yidhaahdaa Baraa’ah, oo macnaheedu yahay ka barii ahaanshada gaalada, ka fogaanta shirkiga iyo xumaha, ama ka bixitaanka ballamaha gaalada khaa'imiinta ah. Bisinka laguma xusin billowga Suuraddan. Waxaa sidoo kale la yidhi Suuraddan iyo Suuradda Al-Anfaal waa isku hal Suurad sidaa awgeed ma leh Bisin. -
فَسِيحُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ أَرْبَعَةَ أَشْهُرٍ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّكُمْ غَيْرُ مُعْجِزِى ٱللَّهِ ۙ وَأَنَّ ٱللَّهَ مُخْزِى ٱلْكَـٰفِرِينَ٢
Faseehoo fee alardi arbaʿata ashhurin waiʿlamoo annakum ghayru muʿjizee Allahi waanna Allaha mukhzee alkafireena
Ee (ku) mara (gaaloy) dhulka (nabad) muddo afar bilood ah (meeshaad doontaanba), ogaadase inaydaan caajis gelin kareyn Alle, iyo in Alle uu dulleyn gaalada.
-
وَأَذَٰنٌ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦٓ إِلَى ٱلنَّاسِ يَوْمَ ٱلْحَجِّ ٱلْأَكْبَرِ أَنَّ ٱللَّهَ بَرِىٓءٌ مِّنَ ٱلْمُشْرِكِينَ ۙ وَرَسُولُهُۥ ۚ فَإِن تُبْتُمْ فَهُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ ۖ وَإِن تَوَلَّيْتُمْ فَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّكُمْ غَيْرُ مُعْجِزِى ٱللَّهِ ۗ وَبَشِّرِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ٣
Waathanun mina Allahi warasoolihi ila alnnasi yawma alhajji alakbari anna Allaha bareeon mina almushrikeena warasooluhu fain tubtum fahuwa khayrun lakum wain tawallaytum faiʿlamoo annakum ghayru muʿjizee Allahi wabashshiri allatheena kafaroo biʿathabin aleemin
Waa ogeysiis xagga Alle iyo Rasuulkiisa ah oo ku socda dadka maalinta Iidweynta Xajka1 inuu Alle barii ka yahay gaalada Mushrikiinta ah, sidoo kale Rasuulkiisu. Ee haddaad idinku (mushrikiintoy) tawbad keentaan, waa sida idiin khayr roon, haddaad se jeesataan, ogaada inaydaan caajis galin kareyn Alle. Ugu bishaaree gaalada cadaab xanuun badan.
Sharaxa hoose
[1] Waxay isku khilaafeen mufasiriinta macnaha iidweynta Xajka, qaarkood waxay yidhaahdeen waxaa loola jeedaa Maalinta Gowraca - Adxada, qaar kalena waxay yidhaahdeen: waa maalinta Carafa, waxaana loola jeedaa halkan Xajka weyn wixii dhacay sannadkii 10aad ee hijrada. -
إِلَّا ٱلَّذِينَ عَـٰهَدتُّم مِّنَ ٱلْمُشْرِكِينَ ثُمَّ لَمْ يَنقُصُوكُمْ شَيْـًٔا وَلَمْ يُظَـٰهِرُوا۟ عَلَيْكُمْ أَحَدًا فَأَتِمُّوٓا۟ إِلَيْهِمْ عَهْدَهُمْ إِلَىٰ مُدَّتِهِمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلْمُتَّقِينَ٤
Illa allatheena ʿahadtum mina almushrikeena thumma lam yanqusookum shayan walam yuthahiroo ʿalaykum ahadan faatimmoo ilayhim ʿahdahum ila muddatihim inna Allaha yuhibbu almuttaqeena
Waxaan ahayn kuwa mushrikiinta ka mid ah ee aad la gasheen axdiga, markaasna aan idinka nuqsaamin waxba, aanna kaalmeyn cidna lidkiin. U oofiya axdigooda intay muddadu dhammaaneyso. Hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa iska jira (xumaha oo dhowra Amarradiisa).
-
فَإِذَا ٱنسَلَخَ ٱلْأَشْهُرُ ٱلْحُرُمُ فَٱقْتُلُوا۟ ٱلْمُشْرِكِينَ حَيْثُ وَجَدتُّمُوهُمْ وَخُذُوهُمْ وَٱحْصُرُوهُمْ وَٱقْعُدُوا۟ لَهُمْ كُلَّ مَرْصَدٍ ۚ فَإِن تَابُوا۟ وَأَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُا۟ ٱلزَّكَوٰةَ فَخَلُّوا۟ سَبِيلَهُمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ٥
Faitha insalakha alashhuru alhurumu faoqtuloo almushrikeena haythu wajadtumoohum wakhuthoohum waohsuroohum waoqʿudoo lahum kulla marsadin fain taboo waaqamoo alssalata waatawoo alzzakata fakhalloo sabeelahum inna Allaha ghafoorun raheemun
Markase ay Bilaha Xurmadda leh baxaan1, ku dila mushrikiinta (idiinka baxay heshiiska) meeshaad ka heshaanba, oo qafaasha oo go’doomiya, una fadhiista suryo walba. Hadday tawbad keenaan oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, u banneeya waddadooda. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa loola jeedaa bilaha xurmadda leh afarta bilood ee kala ah: Dul-Qacadah, Dul Xijjah, Muxarram, iyo Rajab. Bilaha fursadda la siinayo mushrikiinta waxaa weeye laga billaabo 10ka Dulxijjah ilaa 10ka Rabiicul Aakhir. -
وَإِنْ أَحَدٌ مِّنَ ٱلْمُشْرِكِينَ ٱسْتَجَارَكَ فَأَجِرْهُ حَتَّىٰ يَسْمَعَ كَلَـٰمَ ٱللَّهِ ثُمَّ أَبْلِغْهُ مَأْمَنَهُۥ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَّا يَعْلَمُونَ٦
Wain ahadun mina almushrikeena istajaraka faajirhu hatta yasmaʿa kalama Allahi thumma ablighhu mamanahu thalika biannahum qawmun la yaʿlamoona
Hadduu qof ka mid ahi mushrikiinta idin weydiisto magan galyo magan geliya si uu u maqlo hadalka Alle (Qur’aanka), kaddibna gaarsiiya halkuu ku nabad helayo, sidani waxaa ku wacan waa qolo aan garasho lahayn.
-
كَيْفَ يَكُونُ لِلْمُشْرِكِينَ عَهْدٌ عِندَ ٱللَّهِ وَعِندَ رَسُولِهِۦٓ إِلَّا ٱلَّذِينَ عَـٰهَدتُّمْ عِندَ ٱلْمَسْجِدِ ٱلْحَرَامِ ۖ فَمَا ٱسْتَقَـٰمُوا۟ لَكُمْ فَٱسْتَقِيمُوا۟ لَهُمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلْمُتَّقِينَ٧
Kayfa yakoonu lilmushrikeena ʿahdun ʿinda Allahi waʿinda rasoolihi illa allatheena ʿahadtum ʿinda almasjidi alharami fama istaqamoo lakum faistaqeemoo lahum inna Allaha yuhibbu almuttaqeena
Sidee bay ugu lahaan karaan gaalada mushrikiinta ah axdi Alle agti iyo Rasuulkiisa aan aheyn kuwa aad kula gasheen axdiga Masjidka xurmadda leh (Kacbada)? Intay idiin toosnaadaan, idinkuna u toosnaada. Hubaal, Alle wuu jecel yahay kuwa ka cabsada (ee dhowra amarradiisa oo iska jira xumaha).
-
كَيْفَ وَإِن يَظْهَرُوا۟ عَلَيْكُمْ لَا يَرْقُبُوا۟ فِيكُمْ إِلًّا وَلَا ذِمَّةً ۚ يُرْضُونَكُم بِأَفْوَٰهِهِمْ وَتَأْبَىٰ قُلُوبُهُمْ وَأَكْثَرُهُمْ فَـٰسِقُونَ٨
Kayfa wain yathharoo ʿalaykum la yarquboo feekum illan wala thimmatan yurdoonakum biafwahihim wataba quloobuhum waaktharuhum fasiqoona
Sidee (baad axdi ula yeelan) halka markay idinka awood bataan, aysan dhowrin wax xiriir ah ha ahaado mid wada dhalasho ama axdi aad leedihiin midna? Waxay idinku raalli galiyaan afafkooda, halka quluubtoodu ayan oggolaan (inay oofiyaan), intooda badanina waa caasiyaal.
-
ٱشْتَرَوْا۟ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ ثَمَنًا قَلِيلًا فَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِهِۦٓ ۚ إِنَّهُمْ سَآءَ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ٩
Ishtaraw biayati Allahi thamanan qaleelan fasaddoo ʿan sabeelihi innahum saa ma kanoo yaʿmaloona
Waxay siistaan qiimo yar Aayadaha Alle, markaasay ka duwaan (dadka) Jidkiisa (Islaamka). Xumaa waxay falaan.
-
لَا يَرْقُبُونَ فِى مُؤْمِنٍ إِلًّا وَلَا ذِمَّةً ۚ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُعْتَدُونَ١٠
La yarquboona fee muminin illan wala thimmatan waolaika humu almuʿtadoona
Uma dhowraan mu'min qaraabinnimo iyo axdi midna. Waa kuwaa kuwa ahi xad gudbayaasha.
-
فَإِن تَابُوا۟ وَأَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُا۟ ٱلزَّكَوٰةَ فَإِخْوَٰنُكُمْ فِى ٱلدِّينِ ۗ وَنُفَصِّلُ ٱلْـَٔايَـٰتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ١١
Fain taboo waaqamoo alssalata waatawoo alzzakata faikhwanukum fee alddeeni wanufassilu alayati liqawmin yaʿlamoona
Hadday tawbad keenaan oo oogaan salaadda, bixiyaanna Sakada waa walaalihiinna diinta. Waxaanu uga dhignaa Aayadaha caddaan ciddii garasho leh.
-
وَإِن نَّكَثُوٓا۟ أَيْمَـٰنَهُم مِّنۢ بَعْدِ عَهْدِهِمْ وَطَعَنُوا۟ فِى دِينِكُمْ فَقَـٰتِلُوٓا۟ أَئِمَّةَ ٱلْكُفْرِ ۙ إِنَّهُمْ لَآ أَيْمَـٰنَ لَهُمْ لَعَلَّهُمْ يَنتَهُونَ١٢
Wain nakathoo aymanahum min baʿdi ʿahdihim wataʿanoo fee deenikum faqatiloo aimmata alkufri innahum la aymana lahum laʿallahum yantahoona
Haddayse (gaaladu) jabiyaan dhaarahooda axdigooda kaddib, oo (si cad) u duraan diintiinna, markaa la dagaallama hoggaamiyayaasha kufriga – hubaal waa kuwo aan axdi tixgelin - waa intaasoo ay joojiyaan (colaadda ay wadaan).
-
أَلَا تُقَـٰتِلُونَ قَوْمًا نَّكَثُوٓا۟ أَيْمَـٰنَهُمْ وَهَمُّوا۟ بِإِخْرَاجِ ٱلرَّسُولِ وَهُم بَدَءُوكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ ۚ أَتَخْشَوْنَهُمْ ۚ فَٱللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخْشَوْهُ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ١٣
Ala tuqatiloona qawman nakathoo aymanahum wahammoo biikhraji alrrasooli wahum badaookum awwala marratin atakhshawnahum faAllahu ahaqqu an takhshawhu in kuntum mumineena
Miyeydaan la dagaallamayn qolo burisay dhaarahooda (ballamahay idinla galeenna ka baxay) oo ku hammiyey saaridda Rasuulka, idinkuna billaabay weerarka markii hore? Miyaad ka baqeysaan? Alle baase mudan inaad ka baqdaan, haddaad tihiin mu’miniin.
-
قَـٰتِلُوهُمْ يُعَذِّبْهُمُ ٱللَّهُ بِأَيْدِيكُمْ وَيُخْزِهِمْ وَيَنصُرْكُمْ عَلَيْهِمْ وَيَشْفِ صُدُورَ قَوْمٍ مُّؤْمِنِينَ١٤
Qatiloohum yuʿaththibhumu Allahu biaydeekum wayukhzihim wayansurkum ʿalayhim wayashfi sudoora qawmin mumineena
La dagaallama (gaalada duullaanka idinku ah), Alle wuxuu ku cadaabi gacmihiinna oo ku dulleyn, idiinna gar- gaari oo bogsiin laabaha qolo mu’miniin ah.
-
وَيُذْهِبْ غَيْظَ قُلُوبِهِمْ ۗ وَيَتُوبُ ٱللَّهُ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ١٥
Wayuthhib ghaytha quloobihim wayatoobu Allahu ʿala man yashao waAllahu ʿaleemun hakeemun
Wuxuuna ka saari ciilkii hayey quluubtooda. Alle wuxuu ka tawbad aqbalaa qofkuu doono. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
-
أَمْ حَسِبْتُمْ أَن تُتْرَكُوا۟ وَلَمَّا يَعْلَمِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ جَـٰهَدُوا۟ مِنكُمْ وَلَمْ يَتَّخِذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَا رَسُولِهِۦ وَلَا ٱلْمُؤْمِنِينَ وَلِيجَةً ۚ وَٱللَّهُ خَبِيرٌۢ بِمَا تَعْمَلُونَ١٦
Am hasibtum an tutrakoo walamma yaʿlami Allahu allatheena jahadoo minkum walam yattakhithoo min dooni Allahi wala rasoolihi wala almumineena waleejatan waAllahu khabeerun bima taʿmaloona
Ma waxaad mooddaan in la idiinkaga tegi sidiinna isagoo uusan Alle muujin kuwiinna idinka mid ah ee jihaaday oo aan ka dhigan cidaan ahayn Alle iyo Rasuulkiisa iyo mu'miniinta sokeeye. Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
-
مَا كَانَ لِلْمُشْرِكِينَ أَن يَعْمُرُوا۟ مَسَـٰجِدَ ٱللَّهِ شَـٰهِدِينَ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِم بِٱلْكُفْرِ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ حَبِطَتْ أَعْمَـٰلُهُمْ وَفِى ٱلنَّارِ هُمْ خَـٰلِدُونَ١٧
Ma kana lilmushrikeena an yaʿmuroo masajida Allahi shahideena ʿala anfusihim bialkufri olaika habitat aʿmaluhum wafee alnnari hum khalidoona
Ma laha gaalada mushrikiinta ah inay camiraan masaajidda Alle iyagoo ku qiraya nafahooda gaalnimo. Kuwaasi waxaa buray acmaashooda, Naartayna ku dhex waadhi weligood.
-
إِنَّمَا يَعْمُرُ مَسَـٰجِدَ ٱللَّهِ مَنْ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ وَأَقَامَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَى ٱلزَّكَوٰةَ وَلَمْ يَخْشَ إِلَّا ٱللَّهَ ۖ فَعَسَىٰٓ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَن يَكُونُوا۟ مِنَ ٱلْمُهْتَدِينَ١٨
Innama yaʿmuru masajida Allahi man amana biAllahi waalyawmi alakhiri waaqama alssalata waata alzzakata walam yakhsha illa Allaha faʿasa olaika an yakoonoo mina almuhtadeena
Waxaa uun camira Masaajidda Alle kuwa rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo ooga salaadda oo bixiya Zakada oo aan ka baqin cidna Alle maahee. Kuwaa waxay u dhow yihiin inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan.
-
۞ أَجَعَلْتُمْ سِقَايَةَ ٱلْحَآجِّ وَعِمَارَةَ ٱلْمَسْجِدِ ٱلْحَرَامِ كَمَنْ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ وَجَـٰهَدَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ۚ لَا يَسْتَوُۥنَ عِندَ ٱللَّهِ ۗ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ١٩
Ajaʿaltum siqayata alhajji waʿimarata almasjidi alharami kaman amana biAllahi waalyawmi alakhiri wajahada fee sabeeli Allahi la yastawoona ʿinda Allahi waAllahu la yahdee alqawma alththalimeena
Ma waxaad la mid dhigtaan (kan u xil quma) waraabinta xujeyda iyo daryeelka Masjidka xurmadda leh (Kacbada) sida kan rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro oo u jihaada Jidka Alle? Ma aha kuwo siman Alle agtiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
-
ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَهَاجَرُوا۟ وَجَـٰهَدُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمْوَٰلِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ أَعْظَمُ دَرَجَةً عِندَ ٱللَّهِ ۚ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْفَآئِزُونَ٢٠
Allatheena amanoo wahajaroo wajahadoo fee sabeeli Allahi biamwalihim waanfusihim aʿthamu darajatan ʿinda Allahi waolaika humu alfaizoona
Kuwa rumeeyey oo ka soo hijrooday (guryahooda) oo ugula jihaaday Jidka Alle maalkooda iyo nafahooda baa darajo weyn Alle agtiis. Waa kuwaas kuwa ah guuleystayaasha.
-
يُبَشِّرُهُمْ رَبُّهُم بِرَحْمَةٍ مِّنْهُ وَرِضْوَٰنٍ وَجَنَّـٰتٍ لَّهُمْ فِيهَا نَعِيمٌ مُّقِيمٌ٢١
Yubashshiruhum rabbuhum birahmatin minhu waridwanin wajannatin lahum feeha naʿeemun muqeemun
Rabbigood wuxuu ugu bishaareeyaa Naxariis Xaggiisa ah, iyo Raalli ahaansho iyo beero (Jannooyin) ay ku dhex leeyihiin barwaaqo ma guuraan ah.
-
خَـٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥٓ أَجْرٌ عَظِيمٌ٢٢
Khalideena feeha abadan inna Allaha ʿindahu ajrun ʿatheemun
Iyagoo ku dhex waaraya waligood. Hubaa Alle agtiis waxaa yaal abaalgud Weyn (Janno).
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَتَّخِذُوٓا۟ ءَابَآءَكُمْ وَإِخْوَٰنَكُمْ أَوْلِيَآءَ إِنِ ٱسْتَحَبُّوا۟ ٱلْكُفْرَ عَلَى ٱلْإِيمَـٰنِ ۚ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّـٰلِمُونَ٢٣
Ya ayyuha allatheena amanoo la tattakhithoo abaakum waikhwanakum awliyaa ini istahabboo alkufra ʿala aleemani waman yatawallahum minkum faolaika humu alththalimoona
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina aabbayaashiin ama walaalihiin sokeeyayaal hadday jeclaadaan gaalnimo halkii Iimaanka. Qofkii sidaa yeela oo idinka mid ah, kuwaas weeye kuwa ah daalimiinta (gar diidka).
-
قُلْ إِن كَانَ ءَابَآؤُكُمْ وَأَبْنَآؤُكُمْ وَإِخْوَٰنُكُمْ وَأَزْوَٰجُكُمْ وَعَشِيرَتُكُمْ وَأَمْوَٰلٌ ٱقْتَرَفْتُمُوهَا وَتِجَـٰرَةٌ تَخْشَوْنَ كَسَادَهَا وَمَسَـٰكِنُ تَرْضَوْنَهَآ أَحَبَّ إِلَيْكُم مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَجِهَادٍ فِى سَبِيلِهِۦ فَتَرَبَّصُوا۟ حَتَّىٰ يَأْتِىَ ٱللَّهُ بِأَمْرِهِۦ ۗ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلْفَـٰسِقِينَ٢٤
Qul in kana abaokum waabnaokum waikhwanukum waazwajukum waʿasheeratukum waamwalun iqtaraftumooha watijaratun takhshawna kasadaha wamasakinu tardawnaha ahabba ilaykum mina Allahi warasoolihi wajihadin fee sabeelihi fatarabbasoo hatta yatiya Allahu biamrihi waAllahu la yahdee alqawma alfasiqeena
Dheh: Hadday aabbayaashiin, wiilashiinna, walaalihiin, xaasaskiinna, xigtadiinna; maal aad tabcateen, ganacsi aad uga baqeysaan iibsi la’aan, iyo guryo aad ka raalli tihiin ay idinkala weyn yihiin oo ka jeceshihiin Alle iyo Rasuulkiisa, iyo u jihaadka Jidkiisa, marka suga inta Alle ka fuliyo Amarkiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah1.
Sharaxa hoose
[1] Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: “Qofkii dhinta isagoon u duulin Dar Alle, oo aan u hanqal taagin ( macnaha aysan ku jirin) inuu duulo oo ka qayb qaato jihaadka Jidka Alle ah, wuxuu dhintaa isaga oo ay ku jirto qayb munaafiqnimo ah». -
لَقَدْ نَصَرَكُمُ ٱللَّهُ فِى مَوَاطِنَ كَثِيرَةٍ ۙ وَيَوْمَ حُنَيْنٍ ۙ إِذْ أَعْجَبَتْكُمْ كَثْرَتُكُمْ فَلَمْ تُغْنِ عَنكُمْ شَيْـًٔا وَضَاقَتْ عَلَيْكُمُ ٱلْأَرْضُ بِمَا رَحُبَتْ ثُمَّ وَلَّيْتُم مُّدْبِرِينَ٢٥
Laqad nasarakumu Allahu fee mawatina katheeratin wayawma hunaynin ith aʿjabatkum kathratukum falam tughni ʿankum shayan wadaqat ʿalaykumu alardu bima rahubat thumma wallaytum mudbireena
Alle Wuxuu idiinku gargaaray goobo dagaal oo badan, Maalintii Xunaynna markay idin cajabisey tiro badnaantiinnu hase ahaatee waxna idiin tari weydey, ee dhulku intuu ballaar le'eg yahay idinku cidhiidhi noqday, markaas aad carar dhabarka jeediseen.
-
ثُمَّ أَنزَلَ ٱللَّهُ سَكِينَتَهُۥ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ وَعَلَى ٱلْمُؤْمِنِينَ وَأَنزَلَ جُنُودًا لَّمْ تَرَوْهَا وَعَذَّبَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ۚ وَذَٰلِكَ جَزَآءُ ٱلْكَـٰفِرِينَ٢٦
Thumma anzala Allahu sakeenatahu ʿala rasoolihi waʿala almumineena waanzala junoodan lam tarawha waʿaththaba allatheena kafaroo wathalika jazao alkafireena
Markaas Alle ku soo dejiyey xasillooni Xaggiisa ah Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba, oo u soo diray ciidammo (malaa’ig ah) aydaan arkayn, oo ciqaabay kuwii gaaloobay.Taasina waa jazada gaalada.
-
ثُمَّ يَتُوبُ ٱللَّهُ مِنۢ بَعْدِ ذَٰلِكَ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ ۗ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ٢٧
Thumma yatoobu Allahu min baʿdi thalika ʿala man yashao waAllahu ghafoorun raheemun
Markaas Alle ka tawbad aqbalo intaas kaddib cidduu doono. Alle waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّمَا ٱلْمُشْرِكُونَ نَجَسٌ فَلَا يَقْرَبُوا۟ ٱلْمَسْجِدَ ٱلْحَرَامَ بَعْدَ عَامِهِمْ هَـٰذَا ۚ وَإِنْ خِفْتُمْ عَيْلَةً فَسَوْفَ يُغْنِيكُمُ ٱللَّهُ مِن فَضْلِهِۦٓ إِن شَآءَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ حَكِيمٌ٢٨
Ya ayyuha allatheena amanoo innama almushrikoona najasun fala yaqraboo almasjida alharama baʿda ʿamihim hatha wain khiftum ʿaylatan fasawfa yughneekumu Allahu min fadlihi in shaa inna Allaha ʿaleemun hakeemun
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Mushrikiintu sidooduba waa Nijaas ee yeysan u soo dhowaan Masjidka xurmadda leh (Kacbada) sannadkan kaddib1, haddaad ka cabsataan faqri, Alle baa idinka hodansiin Deeqdiisa hadduu doono. Hubaal, Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
Sharaxa hoose
[1] Looma oggola inay soo xajiyaan ama soo cumreystaan maadaama ay gaalo mushrikiin ah yihiin. Mufasiriinta qaar waxay qabaan in gaalada aan loo oggoleyn soo gelitaanka Xaramka hadday Xaj rabaan ama Cumro ama leeyihiin dan kale kaddib sannadkii sagaalaad ee Hijrada. -
قَـٰتِلُوا۟ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَلَا بِٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ وَلَا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَلَا يَدِينُونَ دِينَ ٱلْحَقِّ مِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ حَتَّىٰ يُعْطُوا۟ ٱلْجِزْيَةَ عَن يَدٍ وَهُمْ صَـٰغِرُونَ٢٩
Qatiloo allatheena la yuminoona biAllahi wala bialyawmi alakhiri wala yuharrimoona ma harrama Allahu warasooluhu wala yadeenoona deena alhaqqi mina allatheena ootoo alkitaba hatta yuʿtoo aljizyata ʿan yadin wahum saghiroona
La dagaallama kuwa aan rumeysnayn Alle, iyo Maalinta Aakhiro, aan xaaraameyn waxay xaaraameeyeen Alle iyo Rasuulkiisu, ee aan ka diin dhigan raacinna Diinta Xaqa ah ee ka mid ah ehlu Kitaabka 'Yuhuudda iyo Nasaarada', ilaa ay ka dhiibaan Jisyo1 si raalli leh iyagoo hoggaansan.
Sharaxa hoose
[1] Jizyo waa canshuur laga qaado dadka aan muslimka ahayn iyagoo laga cafiyo shaqada millateriga, oo waxay ku mutaan sidaas ilaalinta iyo difaaca dawladda islaamka. Dhinaca kale sako lagama qaado gaalada, oo waxay saaran tahay inay sako bixiyaan muslimiinta oo keliya. -
وَقَالَتِ ٱلْيَهُودُ عُزَيْرٌ ٱبْنُ ٱللَّهِ وَقَالَتِ ٱلنَّصَـٰرَى ٱلْمَسِيحُ ٱبْنُ ٱللَّهِ ۖ ذَٰلِكَ قَوْلُهُم بِأَفْوَٰهِهِمْ ۖ يُضَـٰهِـُٔونَ قَوْلَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن قَبْلُ ۚ قَـٰتَلَهُمُ ٱللَّهُ ۚ أَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ٣٠
Waqalati alyahoodu ʿuzayrun ibnu Allahi waqalati alnnasara almaseehu ibnu Allahi thalika qawluhum biafwahihim yudahioona qawla allatheena kafaroo min qablu qatalahumu Allahu anna yufakoona
Yuhuuddii (Carbeed) waxay yidhaahdeen: Cuzayr waa wiilkii Alle, Nasaaraduna waxay yidhaahdaan: Masiixu waa wiilkii Alle. Kuwakani waa hadalkooda ay afafkooda ka yidhaahdaan. Waxay ku hadal dayanayaan kuwii hore u gaaloobay (mushrikiinta). Allaha laayee, maxaa (xaqa) ka duway.
-
ٱتَّخَذُوٓا۟ أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَـٰنَهُمْ أَرْبَابًا مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَٱلْمَسِيحَ ٱبْنَ مَرْيَمَ وَمَآ أُمِرُوٓا۟ إِلَّا لِيَعْبُدُوٓا۟ إِلَـٰهًا وَٰحِدًا ۖ لَّآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ سُبْحَـٰنَهُۥ عَمَّا يُشْرِكُونَ٣١
Ittakhathoo ahbarahum waruhbanahum arbaban min dooni Allahi waalmaseeha ibna maryama wama omiroo illa liyaʿbudoo ilahan wahidan la ilaha illa huwa subhanahu ʿamma yushrikoona
Waxay ka yeesheen qaysaskoodii iyo suufiyadoodii rabbiyo Alle sokadi, iyo (sidoo kale) Masiixa ina Maryam, iyagoo la amray inaanay caabudin waxaan ahayn Allaah Keliya. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu ka sarreeyaa oo hufan yahay waxay wax la wadaajiyaan1.
Sharaxa hoose
[1] Waxay ku talax tageen adeecidda qaysaska iyo suufida oo xadka kaga baxeen, way adeecayeen xitaa hadday amraan macsi ama xalaal uga dhigaan wax xaaraan ah, waana taasi midda uu Alle ku tilmaamay inay tahay caabudaad ay caabudeen, waxaana la yidhaahdaa arrinkan shirki xagga adeecidda ah, waana shirki weyn oo diinta looga baxo, qofku waa inuu uun adeecaa Allaah iyo Rasuulkiisa, oo waa inuusan cidna ku adeecin wax khilaafsan sharciga Alle. -
يُرِيدُونَ أَن يُطْفِـُٔوا۟ نُورَ ٱللَّهِ بِأَفْوَٰهِهِمْ وَيَأْبَى ٱللَّهُ إِلَّآ أَن يُتِمَّ نُورَهُۥ وَلَوْ كَرِهَ ٱلْكَـٰفِرُونَ٣٢
Yureedoona an yutfioo noora Allahi biafwahihim wayaba Allahu illa an yutimma noorahu walaw kariha alkafiroona
Waxay rabaan inay ku damiyaan Nuurka Alle afafkooda, ha yeeshee Alle ma oggola waxaan aheyn inuu dhammeystiro Nuurkiisu, gaaladu haba necbaystaane.
-
هُوَ ٱلَّذِىٓ أَرْسَلَ رَسُولَهُۥ بِٱلْهُدَىٰ وَدِينِ ٱلْحَقِّ لِيُظْهِرَهُۥ عَلَى ٱلدِّينِ كُلِّهِۦ وَلَوْ كَرِهَ ٱلْمُشْرِكُونَ٣٣
Huwa allathee arsala rasoolahu bialhuda wadeeni alhaqqi liyuthhirahu ʿala alddeeni kullihi walaw kariha almushrikoona
(Alle) waa Kan la soo diray Rasuulkiisa hanuunka iyo Diinta Xaqa ah (Islaamka), si uu uga kor mariyo diimaha (kale) oo dhan, Mushrikiintu haba necbaystaane1.
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Diinta Islaamka waxay gaari doontaa meeshay habeen iyo maalin jiraan, waxayna gali doontaa guri kasta”. -
۞ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّ كَثِيرًا مِّنَ ٱلْأَحْبَارِ وَٱلرُّهْبَانِ لَيَأْكُلُونَ أَمْوَٰلَ ٱلنَّاسِ بِٱلْبَـٰطِلِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ۗ وَٱلَّذِينَ يَكْنِزُونَ ٱلذَّهَبَ وَٱلْفِضَّةَ وَلَا يُنفِقُونَهَا فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ٣٤
Ya ayyuha allatheena amanoo inna katheeran mina alahbari waalrruhbani layakuloona amwala alnnasi bialbatili wayasuddoona ʿan sabeeli Allahi waallatheena yaknizoona alththahaba waalfiddata wala yunfiqoonaha fee sabeeli Allahi fabashshirhum biʿathabin aleemin
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! In badan oo ka mid ah qaysaska iyo suufidu waxay ku cunaan maalka dadka been, oo ka jeediyaan Jidka Alle (Islaamka). Oo kuwa iyagu kaydsada dahabka iyo qalinka1 ee aan wax ku bixin Jidka Alle ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
Sharaxa hoose
[1] Dahabka iyo fiddada la kaydiyey waxaa loola jeedaa kuwa aan sakada laga bixin. -
يَوْمَ يُحْمَىٰ عَلَيْهَا فِى نَارِ جَهَنَّمَ فَتُكْوَىٰ بِهَا جِبَاهُهُمْ وَجُنُوبُهُمْ وَظُهُورُهُمْ ۖ هَـٰذَا مَا كَنَزْتُمْ لِأَنفُسِكُمْ فَذُوقُوا۟ مَا كُنتُمْ تَكْنِزُونَ٣٥
Yawma yuhma ʿalayha fee nari jahannama fatukwa biha jibahuhum wajunoobuhum wathuhooruhum hatha ma kanaztum lianfusikum fathooqoo ma kuntum taknizoona
Maalinta lagu soo kululeyn (dahabka iyo fiddadaa) Naarta Jahannama oo lagu kaawiyadeyn wajiyadooda, dhinacyadooda, iyo dhabarradooda (oo lagu odhan): Kani waa waxaad u kaydiseen nafahiinna ee dhadhamiya (ciqaabka) waxaad kaydsaneyseen.
-
إِنَّ عِدَّةَ ٱلشُّهُورِ عِندَ ٱللَّهِ ٱثْنَا عَشَرَ شَهْرًا فِى كِتَـٰبِ ٱللَّهِ يَوْمَ خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ مِنْهَآ أَرْبَعَةٌ حُرُمٌ ۚ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلْقَيِّمُ ۚ فَلَا تَظْلِمُوا۟ فِيهِنَّ أَنفُسَكُمْ ۚ وَقَـٰتِلُوا۟ ٱلْمُشْرِكِينَ كَآفَّةً كَمَا يُقَـٰتِلُونَكُمْ كَآفَّةً ۚ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلْمُتَّقِينَ٣٦
Inna ʿiddata alshshuhoori ʿinda Allahi ithna ʿashara shahran fee kitabi Allahi yawma khalaqa alssamawati waalarda minha arbaʿatun hurumun thalika alddeenu alqayyimu fala tathlimoo feehinna anfusakum waqatiloo almushrikeena kaffatan kama yuqatiloonakum kaffatan waiʿlamoo anna Allaha maʿa almuttaqeena
Tirada bilaha Alle agtiis waa labo iyo toban bilood xagga Qaddarka Alle tan iyo maalintii uu abuuray samooyinka iyo arlada, waxaa ka mid ah afar (bilood oo) xurmad gaar ah leh1. Sidaasaa ah dowga toosan, ee ha dulminana nafahiina bilahan dhexdooda2, oo la dagaallama gaalada Mushrikiinta ah wadajir siday idiinla dagaallamaan wadajir. Ogaada in Alle uu la jiro kuwa iska jira xumaha (oo dhowra Amarradiisa).
Sharaxa hoose
[1] Dul-Qicdah, Dul-Xijjah, Muxarram iyo Rajab. [2] Gaar ahaan iyo bilaha kale oo dhan guud ahaan. -
إِنَّمَا ٱلنَّسِىٓءُ زِيَادَةٌ فِى ٱلْكُفْرِ ۖ يُضَلُّ بِهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يُحِلُّونَهُۥ عَامًا وَيُحَرِّمُونَهُۥ عَامًا لِّيُوَاطِـُٔوا۟ عِدَّةَ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُ فَيُحِلُّوا۟ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُ ۚ زُيِّنَ لَهُمْ سُوٓءُ أَعْمَـٰلِهِمْ ۗ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلْكَـٰفِرِينَ٣٧
Innama alnnaseeo ziyadatun fee alkufri yudallu bihi allatheena kafaroo yuhilloonahu ʿaman wayuharrimoonahu ʿaman liyuwatioo ʿiddata ma harrama Allahu fayuhilloo ma harrama Allahu zuyyina lahum sooo aʿmalihim waAllahu la yahdee alqawma alkafireena
Dib dhigidda (bil caaggan oo xurmo gaar ah leh) waa uun gaalnimo dheeraad ah1: ee lagu habaabiyey gaalada, waxay ka dhigaan waxaan caagganeyn oo bannaan sannad oo caagaan sannad kale si ay isugu toosiyaan tirada bilaha uu caagay, oo ka dhigtaan kuwa caaggan ee xurmadda gaar ah leh wax bannaan. Acmaashooda xun baa loo qurxiyey. Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada (macangagga) ah.
Sharaxa hoose
[1] Hadday arkaan inay u faa’ido badan tahay inay buriyaan bil caaggan, way sameynayeen, iyagoo yeelayey bil kale halkeeda ay ku dhowraan caagganaanta dagaal gelidda. -
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مَا لَكُمْ إِذَا قِيلَ لَكُمُ ٱنفِرُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ٱثَّاقَلْتُمْ إِلَى ٱلْأَرْضِ ۚ أَرَضِيتُم بِٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا مِنَ ٱلْـَٔاخِرَةِ ۚ فَمَا مَتَـٰعُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ إِلَّا قَلِيلٌ٣٨
Ya ayyuha allatheena amanoo ma lakum itha qeela lakumu infiroo fee sabeeli Allahi iththaqaltum ila alardi aradeetum bialhayati alddunya mina alakhirati fama mataʿu alhayati alddunya fee alakhirati illa qaleelun
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaa idiinku wacan, in marka la idinku yidhaahdo: U soo baxa jihaadka Arrinka Alle aad isagu dhajisaan dhulka si culus? Ma waxaad ku raalli noqoteen nolosha adduunkan oo aad ka door biddeen Aakhirada? Ma aha raaxada noloshan adduunku marka la barbar dhigo Aakhirada waxaan ahayn wax yar1.
Sharaxa hoose
[1] Anas bin Maalik a.k..r waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: “Ma jiro addoon dhinta ayna u taallo Alle agti kheyr oo jecel inuu u soo laabto adduunka iyadoo lagu siinayo adduunka iyo waxa yaal oo dhan marka laga reebo shahiidka, waxa uu arkayo darteed oo fadliga shahaadada ah, wuxuu jecleystaa inuu u soo laabto adduunka si loogu dilo mar kale Dar Alle. W.w Al-Bukhaari. -
إِلَّا تَنفِرُوا۟ يُعَذِّبْكُمْ عَذَابًا أَلِيمًا وَيَسْتَبْدِلْ قَوْمًا غَيْرَكُمْ وَلَا تَضُرُّوهُ شَيْـًٔا ۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ٣٩
Illa tanfiroo yuʿaththibkum ʿathaban aleeman wayastabdil qawman ghayrakum wala tadurroohu shayan waAllahu ʿala kulli shayin qadeerun
Haddaydaan u bixin (jihaadka), Wuxuu idinku cadaabi cadaab xanuun badan oo idinku beddeli qolo kale, waxbana kama dhimeysaan marnaba. Alle wax walba wuu Karaa.
-
إِلَّا تَنصُرُوهُ فَقَدْ نَصَرَهُ ٱللَّهُ إِذْ أَخْرَجَهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ثَانِىَ ٱثْنَيْنِ إِذْ هُمَا فِى ٱلْغَارِ إِذْ يَقُولُ لِصَـٰحِبِهِۦ لَا تَحْزَنْ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَنَا ۖ فَأَنزَلَ ٱللَّهُ سَكِينَتَهُۥ عَلَيْهِ وَأَيَّدَهُۥ بِجُنُودٍ لَّمْ تَرَوْهَا وَجَعَلَ كَلِمَةَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ٱلسُّفْلَىٰ ۗ وَكَلِمَةُ ٱللَّهِ هِىَ ٱلْعُلْيَا ۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ٤٠
Illa tansuroohu faqad nasarahu Allahu ith akhrajahu allatheena kafaroo thaniya ithnayni ith huma fee alghari ith yaqoolu lisahibihi la tahzan inna Allaha maʿana faanzala Allahu sakeenatahu ʿalayhi waayyadahu bijunoodin lam tarawha wajaʿala kalimata allatheena kafaroo alssufla wakalimatu Allahi hiya alʿulya waAllahu ʿazeezun hakeemun
Haddaydaan u hiillin (Nabiga), Alle baa u hiilliyey, markay debedda u soo saareen gaalada, isagoo labo midkood ah1 markay labaduba ku jireen hogga, markuu (Nabigu) ku lahaa saaxiibki: Ha murugoon, Alle baa na la jira'e. Kolkaas buu Alle ku soo dejiyey xasillooni, oo uu ku xoojiyey ciidammo (malaa’ig) aydaan arkin, oo ka dhigay mid hooseysa kelmedda gaalada, oo Kelmedda Alle2, waa taa sarreysa. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
Sharaxa hoose
[1] Kan labeeya wuxuu ahaa saaxiibkiis Abuu Bakar. [2] Kelmeddaa waa Laa ilaaha illal laah (ma jiro ilaah xaq ah aan ahayn Allaah). -
ٱنفِرُوا۟ خِفَافًا وَثِقَالًا وَجَـٰهِدُوا۟ بِأَمْوَٰلِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ٤١
Infiroo khifafan wathiqalan wajahidoo biamwalikum waanfusikum fee sabeeli Allahi thalikum khayrun lakum in kuntum taʿlamoona
U baxa (dagaalka) idinkoo fudud iyo idinkoo culusba1, oo kula jihaada maalkiinna iyo nafahiinnaba Jidka Alle. Arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.
Sharaxa hoose
[1] Waa da’ yar iyo duqow, idinkoo gaadiid fuushan, ama lugeynaya, ladnaan iyo lurnaanba – duruuf iyo xaalado kasta oo aad ku jirtaan waa inaad u baxdaan jihaadka Jidka Alle ah. -
لَوْ كَانَ عَرَضًا قَرِيبًا وَسَفَرًا قَاصِدًا لَّٱتَّبَعُوكَ وَلَـٰكِنۢ بَعُدَتْ عَلَيْهِمُ ٱلشُّقَّةُ ۚ وَسَيَحْلِفُونَ بِٱللَّهِ لَوِ ٱسْتَطَعْنَا لَخَرَجْنَا مَعَكُمْ يُهْلِكُونَ أَنفُسَهُمْ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ إِنَّهُمْ لَكَـٰذِبُونَ٤٢
Law kana ʿaradan qareeban wasafaran qasidan laittabaʿooka walakin baʿudat ʿalayhimu alshshuqqatu wasayahlifoona biAllahi lawi istataʿna lakharajna maʿakum yuhlikoona anfusahum waAllahu yaʿlamu innahum lakathiboona
Hadday ahaan lahayd dheef dhow iyo safar fudud (munaafiqiintu) way ku raaci lahaayeen, tubtiise (duullaankii Tabuuk) baa ku dheeraatay, waxay ku dhaaran Alle (markaad laabataan idinkoo soo guuleystey, iyagoo leh): haddaanu kareyno waa idin la bixi lahayn; waxay halaagaan nafahooda, Allena wuu Og yahay inay xaqiiq yihiin beenalayaal.
-
عَفَا ٱللَّهُ عَنكَ لِمَ أَذِنتَ لَهُمْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكَ ٱلَّذِينَ صَدَقُوا۟ وَتَعْلَمَ ٱلْكَـٰذِبِينَ٤٣
ʿAfa Allahu ʿanka lima athinta lahum hatta yatabayyana laka allatheena sadaqoo wataʿlama alkathibeena
Allaha ku cafiyee (Nabiyow)! Maxaad u siisay idanka, ilaa ay kuu caaddaato kuwa runta sheegay, oo aad ogaato beenalayaasha?
-
لَا يَسْتَـْٔذِنُكَ ٱلَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ أَن يُجَـٰهِدُوا۟ بِأَمْوَٰلِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِٱلْمُتَّقِينَ٤٤
La yastathinuka allatheena yuminoona biAllahi waalyawmi alakhiri an yujahidoo biamwalihim waanfusihim waAllahu ʿaleemun bialmuttaqeena
Kaama idan qaataan kuwa rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, si looga dhaafo inay ku jihaadaan maalkooda iyo nafahooda. Alle wuu yaqaan oo og yahay dhowrsanayaasha.
-
إِنَّمَا يَسْتَـْٔذِنُكَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ وَٱرْتَابَتْ قُلُوبُهُمْ فَهُمْ فِى رَيْبِهِمْ يَتَرَدَّدُونَ٤٥
Innama yastathinuka allatheena la yuminoona biAllahi waalyawmi alakhiri wairtabat quloobuhum fahum fee raybihim yataraddadoona
Waxaase kaa idan qaata uun kuwa aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro ee uu shaki ku jira quluubtooda ee iyagu shakigooda ku jaha wareersan.
-
۞ وَلَوْ أَرَادُوا۟ ٱلْخُرُوجَ لَأَعَدُّوا۟ لَهُۥ عُدَّةً وَلَـٰكِن كَرِهَ ٱللَّهُ ٱنۢبِعَاثَهُمْ فَثَبَّطَهُمْ وَقِيلَ ٱقْعُدُوا۟ مَعَ ٱلْقَـٰعِدِينَ٤٦
Walaw aradoo alkhurooja laaʿaddoo lahu ʿuddatan walakin kariha Allahu inbiʿathahum fathabbatahum waqeela oqʿudoo maʿa alqaʿideena
Hadday (munaafiqiinta) doonayaan inay (jihaad u) baxaan, way u qalab diyaarsan lahaayeen, wuxuuse Alle nacay bixiddooda, markaas buu wahsi galiyey oo lagu yidhi: "La fadhiista fadhiidyada (guryaha)".
-
لَوْ خَرَجُوا۟ فِيكُم مَّا زَادُوكُمْ إِلَّا خَبَالًا وَلَأَوْضَعُوا۟ خِلَـٰلَكُمْ يَبْغُونَكُمُ ٱلْفِتْنَةَ وَفِيكُمْ سَمَّـٰعُونَ لَهُمْ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِٱلظَّـٰلِمِينَ٤٧
Law kharajoo feekum ma zadookum illa khabalan walaawdaʿoo khilalakum yabghoonakumu alfitnata wafeekum sammaʿoona lahum waAllahu ʿaleemun bialththalimeena
Hadday (munaafiqiinta) idinla bixi lahaayeen, idiinma kordhiyeen waxaan aheyn qas, oo waxay ku degedegi lahaayeen fasahaadintiinna iyagoo raba (inay abuuraan) fidmo dhexdiinna, waxaana idinku jira kuwo maqalka u raariciya. Alle wuu yaqaan daalimiinta.
-
لَقَدِ ٱبْتَغَوُا۟ ٱلْفِتْنَةَ مِن قَبْلُ وَقَلَّبُوا۟ لَكَ ٱلْأُمُورَ حَتَّىٰ جَآءَ ٱلْحَقُّ وَظَهَرَ أَمْرُ ٱللَّهِ وَهُمْ كَـٰرِهُونَ٤٨
Laqadi ibtaghawoo alfitnata min qablu waqallaboo laka alomoora hatta jaa alhaqqu wathahara amru Allahi wahum karihoona
Waxay idinla dooneen fidmo kal hore, oo ay kuu rogeen umuuraha1, jeer xaqu yimid oo Amarka Alle (guusha) noqotay mid cad oo muuqata iyagoo nacaya aan raalli ka aheyn.
Sharaxa hoose
[1] Waxay kuu geddiyeen arrimahii adiga kula xiriiray (iyagoo ka fakarayey siday kuu fashilan lahaayeen), sidaas awgeed bay ku halaagsameen. -
وَمِنْهُم مَّن يَقُولُ ٱئْذَن لِّى وَلَا تَفْتِنِّىٓ ۚ أَلَا فِى ٱلْفِتْنَةِ سَقَطُوا۟ ۗ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةٌۢ بِٱلْكَـٰفِرِينَ٤٩
Waminhum man yaqoolu ithan lee wala taftinnee ala fee alfitnati saqatoo wainna jahannama lamuheetatun bialkafireena
Waxaana ka mid ah mid yidhaahda: Ii fasax (inaan guriga fadhiyo) oo ha i fidmayn1. Waxayba ku dhaceen fidmo. Jahannama baana koobi gaalada.
Sharaxa hoose
[1] Munaafiqiinta waxay qabeen inay naftooda ku badbaadsasdeen ku hadhiddooda gadaal. -
إِن تُصِبْكَ حَسَنَةٌ تَسُؤْهُمْ ۖ وَإِن تُصِبْكَ مُصِيبَةٌ يَقُولُوا۟ قَدْ أَخَذْنَآ أَمْرَنَا مِن قَبْلُ وَيَتَوَلَّوا۟ وَّهُمْ فَرِحُونَ٥٠
In tusibka hasanatun tasuhum wain tusibka museebatun yaqooloo qad akhathna amrana min qablu wayatawallaw wahum farihoona
Hadday samaani ku heleesho, waa murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday musiibo kugu dhacdona, waxay yidhaahdaan: Waxaan qaadannay digtoonidayada kal hore, waxayna sii jeestaan iyagoo faraxsan.
-
قُل لَّن يُصِيبَنَآ إِلَّا مَا كَتَبَ ٱللَّهُ لَنَا هُوَ مَوْلَىٰنَا ۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُؤْمِنُونَ٥١
Qul lan yuseebana illa ma kataba Allahu lana huwa mawlana waʿala Allahi falyatawakkali almuminoona
Dheh: Waxba naguma dhacayaan wuxuu Alle noo qoray maahee. Isagaa ah Gargaarahayaga. Alle oo keliya ha talo saarteen mu'miniintu.
-
قُلْ هَلْ تَرَبَّصُونَ بِنَآ إِلَّآ إِحْدَى ٱلْحُسْنَيَيْنِ ۖ وَنَحْنُ نَتَرَبَّصُ بِكُمْ أَن يُصِيبَكُمُ ٱللَّهُ بِعَذَابٍ مِّنْ عِندِهِۦٓ أَوْ بِأَيْدِينَا ۖ فَتَرَبَّصُوٓا۟ إِنَّا مَعَكُم مُّتَرَبِّصُونَ٥٢
Qul hal tarabbasoona bina illa ihda alhusnayayni wanahnu natarabbasu bikum an yuseebakumu Allahu biʿathabin min ʿindihi aw biaydeena fatarabbasoo inna maʿakum mutarabbisoona
Dheh: Ma waad nala sugtaan waxaan aheyn labada wanaagsan middood (guul ama geeri)? halkaan innagu idinla sugno inuu Alle idinku rido ciqaab Xaggiisa ah ama gacmahayaga ah. Ee suga (waxa nagu dhaca), innaguna la jirkiin waa sugeynaa (waxa idinku dhaca).
-
قُلْ أَنفِقُوا۟ طَوْعًا أَوْ كَرْهًا لَّن يُتَقَبَّلَ مِنكُمْ ۖ إِنَّكُمْ كُنتُمْ قَوْمًا فَـٰسِقِينَ٥٣
Qul anfiqoo tawʿan aw karhan lan yutaqabbala minkum innakum kuntum qawman fasiqeena
Dheh: Ku bixiya wax Jidka Alle idinkoo oggol ama idinkoo karahsan, marnaba la idinkama aqbalee. Waayo waxaad tihiin qolo fallaago ah.
-
وَمَا مَنَعَهُمْ أَن تُقْبَلَ مِنْهُمْ نَفَقَـٰتُهُمْ إِلَّآ أَنَّهُمْ كَفَرُوا۟ بِٱللَّهِ وَبِرَسُولِهِۦ وَلَا يَأْتُونَ ٱلصَّلَوٰةَ إِلَّا وَهُمْ كُسَالَىٰ وَلَا يُنفِقُونَ إِلَّا وَهُمْ كَـٰرِهُونَ٥٤
Wama manaʿahum an tuqbala minhum nafaqatuhum illa annahum kafaroo biAllahi wabirasoolihi wala yatoona alssalata illa wahum kusala wala yunfiqoona illa wahum karihoona
Waxna uma diidin in laga aqbalo wax bixintooda aan aheyn inay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa; mana yimaadaan salaadda iyagoo wahsanaya maahee1; waxnana ma bixiyaan iyagoo kahanaya maahee.
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma jirto salaad uga culus munaafiqiinta salaadda Subax iyo Cishe, haddayna ogaan lahaayeen waxa ku jira oo ajar ah, waa ay imaan lahaayeen kolay u soo guurguurtaan”. W.w. Al-Bukhaari. -
فَلَا تُعْجِبْكَ أَمْوَٰلُهُمْ وَلَآ أَوْلَـٰدُهُمْ ۚ إِنَّمَا يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُعَذِّبَهُم بِهَا فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَتَزْهَقَ أَنفُسُهُمْ وَهُمْ كَـٰفِرُونَ٥٥
Fala tuʿjibka amwaluhum wala awladuhum innama yureedu Allahu liyuʿaththibahum biha fee alhayati alddunya watazhaqa anfusuhum wahum kafiroona
Yaanay maalkooda iyo carruurtooda ku cajab gelin; Alle wuxuu uun doonayaa inuu ku cadaabo nolosha adduukan, iyo in nafahu ka baxaan iyagoo gaalo ah.
-
وَيَحْلِفُونَ بِٱللَّهِ إِنَّهُمْ لَمِنكُمْ وَمَا هُم مِّنكُمْ وَلَـٰكِنَّهُمْ قَوْمٌ يَفْرَقُونَ٥٦
Wayahlifoona biAllahi innahum laminkum wama hum minkum walakinnahum qawmun yafraqoona
Waxay ku dhaartaan Alle inay idinka mid yihiin, mana idinka mid aha, waase qolo baqi.
-
لَوْ يَجِدُونَ مَلْجَـًٔا أَوْ مَغَـٰرَٰتٍ أَوْ مُدَّخَلًا لَّوَلَّوْا۟ إِلَيْهِ وَهُمْ يَجْمَحُونَ٥٧
Law yajidoona maljaan aw magharatin aw muddakhalan lawallaw ilayhi wahum yajmahoona
Hadday heli lahaayeen magan ama hog, ama meel ay galaan (qaxooti ahaan), way u jeesan lahaayeen iyagoo u kala dheereynaya.
-
وَمِنْهُم مَّن يَلْمِزُكَ فِى ٱلصَّدَقَـٰتِ فَإِنْ أُعْطُوا۟ مِنْهَا رَضُوا۟ وَإِن لَّمْ يُعْطَوْا۟ مِنْهَآ إِذَا هُمْ يَسْخَطُونَ٥٨
Waminhum man yalmizuka fee alssadaqati fain oʿtoo minha radoo wain lam yuʿtaw minha itha hum yaskhatoona
Waxaa ka mid ah qaar kugu eedeeya arrin la xiriirta (qaybinta) sadaqooyinka. Haddii wax laga siiyo raalli ah, haddiise aan wax laga siin, mise way cadhoodaan.
-
وَلَوْ أَنَّهُمْ رَضُوا۟ مَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَقَالُوا۟ حَسْبُنَا ٱللَّهُ سَيُؤْتِينَا ٱللَّهُ مِن فَضْلِهِۦ وَرَسُولُهُۥٓ إِنَّآ إِلَى ٱللَّهِ رَٰغِبُونَ٥٩
Walaw annahum radoo ma atahumu Allahu warasooluhu waqaloo hasbuna Allahu sayuteena Allahu min fadlihi warasooluhu inna ila Allahi raghiboona
Hadday raalli ku noqon lahaayeen waxay Alle iyo Rasuulkiisu siiyeen oo ay odhan lahaayeen: Alle baa nagu Filan. Alle baa na siin wax (badan) oo ka mid ah Fadlgiiisa iyo Deeqdiisa1, iyo (sidoo kale) Rasuulkiisa. Innagu Alle uun baan rabnaa oo wax ka dooneynaa.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa loola jeedaa waxaan rabnaa Alle iyo fadligiisa iyo aqbalkiisa, ama waxaan rabnaa wax kasta uu rabo Alle inuu naga siiyo fadligiisa. -
۞ إِنَّمَا ٱلصَّدَقَـٰتُ لِلْفُقَرَآءِ وَٱلْمَسَـٰكِينِ وَٱلْعَـٰمِلِينَ عَلَيْهَا وَٱلْمُؤَلَّفَةِ قُلُوبُهُمْ وَفِى ٱلرِّقَابِ وَٱلْغَـٰرِمِينَ وَفِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱبْنِ ٱلسَّبِيلِ ۖ فَرِيضَةً مِّنَ ٱللَّهِ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ٦٠
Innama alssadaqatu lilfuqarai waalmasakeeni waalʿamileena ʿalayha waalmuallafati quloobuhum wafee alrriqabi waalgharimeena wafee sabeeli Allahi waibni alssabeeli fareedatan mina Allahi waAllahu ʿaleemun hakeemun
Sadaqooyinka 'Zakada'1 waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada, Masaakiinta, kuwa lagu howl galiyo inay soo ururiyaan, kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa wax ku leh deymeysanayaasha, in lagu bixiyo Jidka Alle (jihaadka), iyo socotada 'go'doonsan', waa faral Alle uu gooyay. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
Sharaxa hoose
[1] Sakada waxay ka daahirsaa qofka bakheylnimada iyo maal jaceylka zaa’idka ah. Waxay kobcisaa tilmaamaha wanaagsan ee la ammaano, oo sidoo kale waxay u kordhisaa maalkooda. -
وَمِنْهُمُ ٱلَّذِينَ يُؤْذُونَ ٱلنَّبِىَّ وَيَقُولُونَ هُوَ أُذُنٌ ۚ قُلْ أُذُنُ خَيْرٍ لَّكُمْ يُؤْمِنُ بِٱللَّهِ وَيُؤْمِنُ لِلْمُؤْمِنِينَ وَرَحْمَةٌ لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنكُمْ ۚ وَٱلَّذِينَ يُؤْذُونَ رَسُولَ ٱللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ٦١
Waminhumu allatheena yuthoona alnnabiyya wayaqooloona huwa othunun qul othunu khayrin lakum yuminu biAllahi wayuminu lilmumineena warahmatun lillatheena amanoo minkum waallatheena yuthoona rasoola Allahi lahum ʿathabun aleemun
Waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwa dhiba Nabiga oo dhaha: Waa mid rumeysta (war kasta) uu maqlo1. Dheh: Waa khayr maqlihiinna (ee) rumeysan Alle; oo aamin ku qaba mu’miniinta; waana u naxariis kuwiinna idinka mid ah ee rumeysan. Kuwa se dhiba Rasuulka Alle waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa loola jeedaa waa qof rumeysta wax kasta uu maqlo. -
يَحْلِفُونَ بِٱللَّهِ لَكُمْ لِيُرْضُوكُمْ وَٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ أَحَقُّ أَن يُرْضُوهُ إِن كَانُوا۟ مُؤْمِنِينَ٦٢
Yahlifoona biAllahi lakum liyurdookum waAllahu warasooluhu ahaqqu an yurdoohu in kanoo mumineena
Waxay idiinku dhaaran Alle si ay idiin raalli geliyaan, Allaah iyo sidoo kale Rasuulkiisa baase mudan inay raalli geliyaan hadday yihiin mu’miniin.
-
أَلَمْ يَعْلَمُوٓا۟ أَنَّهُۥ مَن يُحَادِدِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَأَنَّ لَهُۥ نَارَ جَهَنَّمَ خَـٰلِدًا فِيهَا ۚ ذَٰلِكَ ٱلْخِزْىُ ٱلْعَظِيمُ٦٣
Alam yaʿlamoo annahu man yuhadidi Allaha warasoolahu faanna lahu nara jahannama khalidan feeha thalika alkhizyu alʿatheemu
Miyaanay ogayn in qofkii khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa inuu mudan Naarta Jahannama uu ku dhex waarayo weligi. Kaasi weeye dufowga weyn.
-
يَحْذَرُ ٱلْمُنَـٰفِقُونَ أَن تُنَزَّلَ عَلَيْهِمْ سُورَةٌ تُنَبِّئُهُم بِمَا فِى قُلُوبِهِمْ ۚ قُلِ ٱسْتَهْزِءُوٓا۟ إِنَّ ٱللَّهَ مُخْرِجٌ مَّا تَحْذَرُونَ٦٤
Yahtharu almunafiqoona an tunazzala ʿalayhim sooratun tunabbiohum bima fee quloobihim quli istahzioo inna Allaha mukhrijun ma tahtharoona
Munaafiqiintu waxay ka baqaan in lagu soo dejiyo Suurad ugu sheegeysa si cad waxa ku jira quluubtooda. Dheh: Iska jees jeesa! Alle Wuu soo bixin waxaad ka digtoon tihiin oo ka baqdaan.
-
وَلَئِن سَأَلْتَهُمْ لَيَقُولُنَّ إِنَّمَا كُنَّا نَخُوضُ وَنَلْعَبُ ۚ قُلْ أَبِٱللَّهِ وَءَايَـٰتِهِۦ وَرَسُولِهِۦ كُنتُمْ تَسْتَهْزِءُونَ٦٥
Walain saaltahum layaqoolunna innama kunna nakhoodu wanalʿabu qul abiAllahi waayatihi warasoolihi kuntum tastahzioona
Haddaad weydiiso (sababta jeesjeeskooda) waxay odhan: Wax kale ma ahayne waanu iska kaftameynay, oo aan iska cayaaraynay. Waxaad tidhaahdaa: Ma Allaah iyo Aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa ayaad ku jeesjeeseyseen?
-
لَا تَعْتَذِرُوا۟ قَدْ كَفَرْتُم بَعْدَ إِيمَـٰنِكُمْ ۚ إِن نَّعْفُ عَن طَآئِفَةٍ مِّنكُمْ نُعَذِّبْ طَآئِفَةًۢ بِأَنَّهُمْ كَانُوا۟ مُجْرِمِينَ٦٦
La taʿtathiroo qad kafartum baʿda eemanikum in naʿfu ʿan taifatin minkum nuʿaththib taifatan biannahum kanoo mujrimeena
Ha cudurdaarrannina; waad gaaloowdeen rumeyntiinnii kaddib. Haddaan cafinno koox idinka mid ah, Waxaan ciqaabi koox kale, maxaa yeelay waa denbiilayaal (ku adkeysta labo wajiilo).
-
ٱلْمُنَـٰفِقُونَ وَٱلْمُنَـٰفِقَـٰتُ بَعْضُهُم مِّنۢ بَعْضٍ ۚ يَأْمُرُونَ بِٱلْمُنكَرِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ ٱلْمَعْرُوفِ وَيَقْبِضُونَ أَيْدِيَهُمْ ۚ نَسُوا۟ ٱللَّهَ فَنَسِيَهُمْ ۗ إِنَّ ٱلْمُنَـٰفِقِينَ هُمُ ٱلْفَـٰسِقُونَ٦٧
Almunafiqoona waalmunafiqatu baʿduhum min baʿdin yamuroona bialmunkari wayanhawna ʿani almaʿroofi wayaqbidoona aydiyahum nasoo Allaha fanasiyahum inna almunafiqeena humu alfasiqoona
Munaafiqiinta iyo munaafiqaadka way is leeyihiin, waxay amraan xumaanta oo reebaan samaanta, oo laabaan gacmahooda1. Waxay illoobeen Alle (macnaha inay camal san fashaan), markaasuu Isaguna iska illoobay (ku dac darreeyey Naarta oo uga tagey). Munaafi- qiintu waa iyaga kuwa fallaagada ah.
Sharaxa hoose
[1] Diidaan inay wax ku bixiyaan jidka Alle. -
وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلْمُنَـٰفِقِينَ وَٱلْمُنَـٰفِقَـٰتِ وَٱلْكُفَّارَ نَارَ جَهَنَّمَ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۚ هِىَ حَسْبُهُمْ ۚ وَلَعَنَهُمُ ٱللَّهُ ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ مُّقِيمٌ٦٨
Waʿada Allahu almunafiqeena waalmunafiqati waalkuffara nara jahannama khalideena feeha hiya hasbuhum walaʿanahumu Allahu walahum ʿathabun muqeemun
Alle wuxuu u ballan qaaday munaafiqiinta iyo munaafiqaadka iyo gaalada Naarta Jahannama iyagoo ku dhex waaraya weligood, iyadaa ku filan. Alle wuu nacladay, waxayna leeyihiin cadaab ma guuraan ah.
-
كَٱلَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ كَانُوٓا۟ أَشَدَّ مِنكُمْ قُوَّةً وَأَكْثَرَ أَمْوَٰلًا وَأَوْلَـٰدًا فَٱسْتَمْتَعُوا۟ بِخَلَـٰقِهِمْ فَٱسْتَمْتَعْتُم بِخَلَـٰقِكُمْ كَمَا ٱسْتَمْتَعَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِكُم بِخَلَـٰقِهِمْ وَخُضْتُمْ كَٱلَّذِى خَاضُوٓا۟ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ حَبِطَتْ أَعْمَـٰلُهُمْ فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ ۖ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْخَـٰسِرُونَ٦٩
Kaallatheena min qablikum kanoo ashadda minkum quwwatan waakthara amwalan waawladan faistamtaʿoo bikhalaqihim faistamtaʿtum bikhalaqikum kama istamtaʿa allatheena min qablikum bikhalaqihim wakhudtum kaallathee khadoo olaika habitat aʿmaluhum fee alddunya waalakhirati waolaika humu alkhasiroona
Sidii kuwii (gaaladii) idinka horreeyay, waxay ahaayeen kuwo idinka xoog badan awood ahaan, oo idinka badan maal iyo awlaadba. Marka waxay ku raaxaysteen calafkoodii, sidaas baad idinkuna ugu raaxaysateen calafkiinnii siday kuwii idinka horreeyey ugu raaxaysteen calafkoodii; waxaadna ku tiinbateen (xumaanta) siday ugu tiinbadeen. Kuwani waa kuwa camal- laadooda ay buraan adduun iyo Aakhiraba Waa kuwaa kuwa khasaaray.
-
أَلَمْ يَأْتِهِمْ نَبَأُ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ قَوْمِ نُوحٍ وَعَادٍ وَثَمُودَ وَقَوْمِ إِبْرَٰهِيمَ وَأَصْحَـٰبِ مَدْيَنَ وَٱلْمُؤْتَفِكَـٰتِ ۚ أَتَتْهُمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ ۖ فَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظْلِمَهُمْ وَلَـٰكِن كَانُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ٧٠
Alam yatihim nabao allatheena min qablihim qawmi noohin waʿadin wathamooda waqawmi ibraheema waashabi madyana waalmutafikati atathum rusuluhum bialbayyinati fama kana Allahu liyathlimahum walakin kanoo anfusahum yathlimoona
Miyaanu soo gaadhin warka kuwii ka horreeyay, ee lahaa qolooyinkii Nuux, Caad, Thamuud, qolodii Ibraahiim, reer Madyan, iyo kuwii korkooda hoos loo rogay1, Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad. Ma aha Alle mid dulmiya, iyaga baase nafahooda dulmiya.
Sharaxa hoose
[1] Waa kuwaas loo diray Luud oo u soo jiiday nafahooda cadaabka Alle. Eeg Q 11: 82-83. -
وَٱلْمُؤْمِنُونَ وَٱلْمُؤْمِنَـٰتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَآءُ بَعْضٍ ۚ يَأْمُرُونَ بِٱلْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ ٱلْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَيُطِيعُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ ٱللَّهُ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ٧١
Waalmuminoona waalmuminatu baʿduhum awliyao baʿdin yamuroona bialmaʿroofi wayanhawna ʿani almunkari wayuqeemoona alssalata wayutoona alzzakata wayuteeʿoona Allaha warasoolahu olaika sayarhamuhumu Allahu inna Allaha ʿazeezun hakeemun
Mu’miniintu iyo mu’minooyinka, waa xigaalo iyo sokeeye midba kan kale1, waxay amraan samaanta, oo reebaan xumaanta; oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, oo adeecaan Alle iyo Rasuulkiisa. Kuwani, Alle wuu u naxariisan doonaa; hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Mu’minku wuxuu u yahay mu’minka sida dhista qaarkeed qaarka kale uu xoojiyo. Xadiis kalena wuxuu sheegay inay jir keliya yihiin isu damqada oo is jecel yihiin. -
وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَـٰتِ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا وَمَسَـٰكِنَ طَيِّبَةً فِى جَنَّـٰتِ عَدْنٍ ۚ وَرِضْوَٰنٌ مِّنَ ٱللَّهِ أَكْبَرُ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ٧٢
Waʿada Allahu almumineena waalmuminati jannatin tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha wamasakina tayyibatan fee jannati ʿadnin waridwanun mina Allahi akbaru thalika huwa alfawzu alʿatheemu
Alle wuxuu u ballan qaaday mu’miniinta iyo mu’minooyinka beero ay hoostoodu webiyo qul-qulayaan ay ku dhex waarayaan weligood, iyo guryo san oo ku yaal Beeraha negaadiga (Jannada) iyo wax inaataba ka sii wanaagsan waa Raalli ahaanshaha Alle. Arrinkani baa ah Liibaanta Weyn.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ جَـٰهِدِ ٱلْكُفَّارَ وَٱلْمُنَـٰفِقِينَ وَٱغْلُظْ عَلَيْهِمْ ۚ وَمَأْوَىٰهُمْ جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ٧٣
Ya ayyuha alnnabiyyu jahidi alkuffara waalmunafiqeena waoghluth ʿalayhim wamawahum jahannamu wabisa almaseeru
Nabiyow! La jihaad gaalada iyo munaafiqiinta (colka kula ah iyo dagaalka), kuna adadkow (oo yeyna kaa helin jileec), hoygooduna waa Jahannama - oo u xun meel la ahaado.
-
يَحْلِفُونَ بِٱللَّهِ مَا قَالُوا۟ وَلَقَدْ قَالُوا۟ كَلِمَةَ ٱلْكُفْرِ وَكَفَرُوا۟ بَعْدَ إِسْلَـٰمِهِمْ وَهَمُّوا۟ بِمَا لَمْ يَنَالُوا۟ ۚ وَمَا نَقَمُوٓا۟ إِلَّآ أَنْ أَغْنَىٰهُمُ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ مِن فَضْلِهِۦ ۚ فَإِن يَتُوبُوا۟ يَكُ خَيْرًا لَّهُمْ ۖ وَإِن يَتَوَلَّوْا۟ يُعَذِّبْهُمُ ٱللَّهُ عَذَابًا أَلِيمًا فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ ۚ وَمَا لَهُمْ فِى ٱلْأَرْضِ مِن وَلِىٍّ وَلَا نَصِيرٍ٧٤
Yahlifoona biAllahi ma qaloo walaqad qaloo kalimata alkufri wakafaroo baʿda islamihim wahammoo bima lam yanaloo wama naqamoo illa an aghnahumu Allahu warasooluhu min fadlihi fain yatooboo yaku khayran lahum wain yatawallaw yuʿaththibhumu Allahu ʿathaban aleeman fee alddunya waalakhirati wama lahum fee alardi min waliyyin wala naseerin
Waxay ku dhaaran Alle inaanay odhan (hadal gaalnimo ah), iyagoo yidhi erey gaalnimo ah, waxayna gaaloobeen kaddib markay islaameen (islaamnimo dusha ah), oyna goosteen waxay gaadhi kari waayeen1, kumana ayan nicin (Islaamka) wax kale aan ahayn inay hodan ka noqdeen deeqda Alle iyo Rasuulkiisa. Hadday tawbad keenaan iyagay u roon tahay, haddayse jeesadaan, Alle wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan adduun iyo Aakhiraba, kumana leh dhulka sokeeye iyo gargaare midna.
Sharaxa hoose
[1] Waa dilka Nabiga s.c.w. -
۞ وَمِنْهُم مَّنْ عَـٰهَدَ ٱللَّهَ لَئِنْ ءَاتَىٰنَا مِن فَضْلِهِۦ لَنَصَّدَّقَنَّ وَلَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ٧٥
Waminhum man ʿahada Allaha lain atana min fadlihi lanassaddaqanna walanakoonanna mina alssaliheena
Waxaa ka mid ah kuwo axdi la galay Alle1: (iyagoo yidhi) Hadduu wax naga siiyo Deeqdiisa, waxaanu bixin sadaqooyin, oo ka mid ahaan kuwa wanaagsan.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa loo halaagayaa sababta dhaartaas tiimbisada ah iyo ballantay ka baxeen. -
فَلَمَّآ ءَاتَىٰهُم مِّن فَضْلِهِۦ بَخِلُوا۟ بِهِۦ وَتَوَلَّوا۟ وَّهُم مُّعْرِضُونَ٧٦
Falamma atahum min fadlihi bakhiloo bihi watawallaw wahum muʿridoona
Markuu wax ka siiyey Deeqdiisa way ku bakhayleen, waxayna jeediyeen dhabarka oo durba siibteen.
-
فَأَعْقَبَهُمْ نِفَاقًا فِى قُلُوبِهِمْ إِلَىٰ يَوْمِ يَلْقَوْنَهُۥ بِمَآ أَخْلَفُوا۟ ٱللَّهَ مَا وَعَدُوهُ وَبِمَا كَانُوا۟ يَكْذِبُونَ٧٧
Faaʿqabahum nifaqan fee quloobihim ila yawmi yalqawnahu bima akhlafoo Allaha ma waʿadoohu wabima kanoo yakthiboona
Markaas buu ka yeelay munaafaqnimo inay gasho quluubtooda ilaa Maalinta ay la kulmayaan, ballankay kaga baxeen Alle iyo beenaha ay sheegayeen awgood.
-
أَلَمْ يَعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ سِرَّهُمْ وَنَجْوَىٰهُمْ وَأَنَّ ٱللَّهَ عَلَّـٰمُ ٱلْغُيُوبِ٧٨
Alam yaʿlamoo anna Allaha yaʿlamu sirrahum wanajwahum waanna Allaha ʿallamu alghuyoobi
Ma waysan ogayn inuu Alle Og yahay sirtooda iyo faqoodaba iyo in Alle yahay kan dhab u Ogsoon waxa qarsoon aan muuqan (Ghaybka).
-
ٱلَّذِينَ يَلْمِزُونَ ٱلْمُطَّوِّعِينَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ فِى ٱلصَّدَقَـٰتِ وَٱلَّذِينَ لَا يَجِدُونَ إِلَّا جُهْدَهُمْ فَيَسْخَرُونَ مِنْهُمْ ۙ سَخِرَ ٱللَّهُ مِنْهُمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ٧٩
Allatheena yalmizoona almuttawwiʿeena mina almumineena fee alssadaqati waallatheena la yajidoona illa juhdahum fayaskharoona minhum sakhira Allahu minhum walahum ʿathabun aleemun
Kuwa ku ceebeeya kuwa daacadda ah ee ka mid ah mu’miniinta sadaqada ay dar Alle ula baxaan iyo kuwa aan heli karin inay baxshaan waxaan aheyn xoogsigooda oo ku jeesjeesa, Alle baa ku jees jeesi, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
-
ٱسْتَغْفِرْ لَهُمْ أَوْ لَا تَسْتَغْفِرْ لَهُمْ إِن تَسْتَغْفِرْ لَهُمْ سَبْعِينَ مَرَّةً فَلَن يَغْفِرَ ٱللَّهُ لَهُمْ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَفَرُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ ۗ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلْفَـٰسِقِينَ٨٠
Istaghfir lahum aw la tastaghfir lahum in tastaghfir lahum sabʿeena marratan falan yaghfira Allahu lahum thalika biannahum kafaroo biAllahi warasoolihi waAllahu la yahdee alqawma alfasiqeena
U denbi dhaaf dalab ama ha u denbi dhaaf dalbin, xitaa haddaad u denbi dhaaf dalabto toddobaatan jeer, Alle uma denbi dhaafo, arrinkani waxaa ugu wacan waxay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah.
-
فَرِحَ ٱلْمُخَلَّفُونَ بِمَقْعَدِهِمْ خِلَـٰفَ رَسُولِ ٱللَّهِ وَكَرِهُوٓا۟ أَن يُجَـٰهِدُوا۟ بِأَمْوَٰلِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَقَالُوا۟ لَا تَنفِرُوا۟ فِى ٱلْحَرِّ ۗ قُلْ نَارُ جَهَنَّمَ أَشَدُّ حَرًّا ۚ لَّوْ كَانُوا۟ يَفْقَهُونَ٨١
Fariha almukhallafoona bimaqʿadihim khilafa rasooli Allahi wakarihoo an yujahidoo biamwalihim waanfusihim fee sabeeli Allahi waqaloo la tanfiroo fee alharri qul naru jahannama ashaddu harran law kanoo yafqahoona
Kuwii dib u haray waxay ku farxeen fadhigooda ay kaga hareen Rasuulkii Alle; waxayna naceen inay kula jihaad galaan maalkooda iyo Nafahooda Jidka Alle, oo yidhaahdeen: Ha gurmad bixina kulaylaha. Dheh: Naarta Jahannama ayaa ka kuleyl daran, hadday wax fahmi.
-
فَلْيَضْحَكُوا۟ قَلِيلًا وَلْيَبْكُوا۟ كَثِيرًا جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ٨٢
Falyadhakoo qaleelan walyabkoo katheeran jazaan bima kanoo yaksiboona
Ee ha qoslaan wax yar (adduunka), hana ooyaan wax badan (Aakhiro) abaal marin ahaan waxay kasbadeen (oo denbiyo ah).
-
فَإِن رَّجَعَكَ ٱللَّهُ إِلَىٰ طَآئِفَةٍ مِّنْهُمْ فَٱسْتَـْٔذَنُوكَ لِلْخُرُوجِ فَقُل لَّن تَخْرُجُوا۟ مَعِىَ أَبَدًا وَلَن تُقَـٰتِلُوا۟ مَعِىَ عَدُوًّا ۖ إِنَّكُمْ رَضِيتُم بِٱلْقُعُودِ أَوَّلَ مَرَّةٍ فَٱقْعُدُوا۟ مَعَ ٱلْخَـٰلِفِينَ٨٣
Fain rajaʿaka Allahu ila taifatin minhum faistathanooka lilkhurooji faqul lan takhrujoo maʿiya abadan walan tuqatiloo maʿiya ʿaduwwan innakum radeetum bialquʿoodi awwala marratin faoqʿudoo maʿa alkhalifeena
Hadduu kuu soo celiyo Alle koox iyaga ka mid ah, oo ay kaa idan qaataan inay kula baxaan (jihaadka), dheh: ila bixi meysaan waligay, lana dagaallami meysaan cadow la jirkeyga; waayo waxaad ku raalli noqoteen inaad fadhiisataan (oo ka hartaan jihaadka) markii horeba, ee la fadhiya (hadda) inta dib u hadhay (ee ka joogay jihaadka).
-
وَلَا تُصَلِّ عَلَىٰٓ أَحَدٍ مِّنْهُم مَّاتَ أَبَدًا وَلَا تَقُمْ عَلَىٰ قَبْرِهِۦٓ ۖ إِنَّهُمْ كَفَرُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَمَاتُوا۟ وَهُمْ فَـٰسِقُونَ٨٤
Wala tusalli ʿala ahadin minhum mata abadan wala taqum ʿala qabrihi innahum kafaroo biAllahi warasoolihi wamatoo wahum fasiqoona
Ha ku tukan (salaad janaazo) weligaa mid ka mid ah (munaafiqiinta) oo dhinta, hana is dul taagin qabrigiisa. Waayo waxay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa, waxayna dhinteen iyagoo fallaago ah.
-
وَلَا تُعْجِبْكَ أَمْوَٰلُهُمْ وَأَوْلَـٰدُهُمْ ۚ إِنَّمَا يُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُعَذِّبَهُم بِهَا فِى ٱلدُّنْيَا وَتَزْهَقَ أَنفُسُهُمْ وَهُمْ كَـٰفِرُونَ٨٥
Wala tuʿjibka amwaluhum waawladuhum innama yureedu Allahu an yuʿaththibahum biha fee alddunya watazhaqa anfusuhum wahum kafiroona
Oo yeysan maalkooda iyo carruurtoodu ku cajab gelin. Alle wuxuu uun rabaa inuu ku cadaabo adduunkan iyo inay nafaha ka baxaan iyagoo gaalo ah.
-
وَإِذَآ أُنزِلَتْ سُورَةٌ أَنْ ءَامِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَجَـٰهِدُوا۟ مَعَ رَسُولِهِ ٱسْتَـْٔذَنَكَ أُو۟لُوا۟ ٱلطَّوْلِ مِنْهُمْ وَقَالُوا۟ ذَرْنَا نَكُن مَّعَ ٱلْقَـٰعِدِينَ٨٦
Waitha onzilat sooratun an aminoo biAllahi wajahidoo maʿa rasoolihi istathanaka oloo alttawli minhum waqaloo tharna nakun maʿa alqaʿideena
Marka la soo dejiyo Suurad amreysa: Rumeeya Alle oo gala jihaad la jirka Rasuulkiisa, kuwooda hodonka ah ayaa kaa idan qaata (si looga dhaafo ka qayb galka jihaadka), oo yidhaahda: Na daa aan ka mid noqonno kuwa haree fadhiya (guryaha).
-
رَضُوا۟ بِأَن يَكُونُوا۟ مَعَ ٱلْخَوَالِفِ وَطُبِعَ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ فَهُمْ لَا يَفْقَهُونَ٨٧
Radoo bian yakoonoo maʿa alkhawalifi watubiʿa ʿala quloobihim fahum la yafqahoona
Waxay ku Raalli noqdeen inay ahaadaan la jirka kuwa ku hara (gadaal guryaha ee ka hara jihaadka). Shaabad baana lagu daboolay quluubtooda, marka waxba ma fahmaan.
-
لَـٰكِنِ ٱلرَّسُولُ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مَعَهُۥ جَـٰهَدُوا۟ بِأَمْوَٰلِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ ۚ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمُ ٱلْخَيْرَٰتُ ۖ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ٨٨
Lakini alrrasoolu waallatheena amanoo maʿahu jahadoo biamwalihim waanfusihim waolaika lahumu alkhayratu waolaika humu almuflihoona
Laakiin Rasuulka iyo kuwa rumeeyey ee la jira waxay ku jihaad galaan maalkooda iyo nafahooda. Kuwaa weeye kuwa mudan khayraadka, waana kuwaa kuwa liibaani.
-
أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمْ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۚ ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ٨٩
aʿadda Allahu lahum jannatin tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha thalika alfawzu alʿatheemu
Alle wuxuu u diyaarshay beero ay hoos- toodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya weligood. Arrinkaasi baa ah Guusha Weyn.
-
وَجَآءَ ٱلْمُعَذِّرُونَ مِنَ ٱلْأَعْرَابِ لِيُؤْذَنَ لَهُمْ وَقَعَدَ ٱلَّذِينَ كَذَبُوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ ۚ سَيُصِيبُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ٩٠
Wajaa almuʿaththiroona mina alaʿrabi liyuthana lahum waqaʿada allatheena kathaboo Allaha warasoolahu sayuseebu allatheena kafaroo minhum ʿathabun aleemun
Waxaa yimid cudurdaartayaashii ka mid ahaa reer miyiga (Madiinah hareeraheeda ah) iyagoo ku weydiisan Idan si looga dhaafo (ka qayb galka jihaadka), waxaana haray oo iska fadhiistay (guryaha) kuwii (munaafiqiintii ka midka ahaa ee) u been sheegay Alle iyo Rasuulkiisa; waxaa ku dhici doona kuwa gaaloobay ee ka mid ah cadaab xanuun badan.
-
لَّيْسَ عَلَى ٱلضُّعَفَآءِ وَلَا عَلَى ٱلْمَرْضَىٰ وَلَا عَلَى ٱلَّذِينَ لَا يَجِدُونَ مَا يُنفِقُونَ حَرَجٌ إِذَا نَصَحُوا۟ لِلَّهِ وَرَسُولِهِۦ ۚ مَا عَلَى ٱلْمُحْسِنِينَ مِن سَبِيلٍ ۚ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ٩١
Laysa ʿala aldduʿafai wala ʿala almarda wala ʿala allatheena la yajidoona ma yunfiqoona harajun itha nasahoo lillahi warasoolihi ma ʿala almuhsineena min sabeelin waAllahu ghafoorun raheemun
Wax eed ah ma saarna korkooda kuwa tabarta yar1 ama bukaanka ah, ama kuwa aan heli karin waxay bixiyaan hadday daacad u yihiin Alle iyo Rasuulkiisa2. Ma jiro jid lagu eed saari karo sama falayaasha. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Sharaxa hoose
[1] Haweenka iyo carruurta, iyo ducafada, iyo bukaanka iyo dadka da’da weyn. [2] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Diintu waa daacad ahaansho. Waxaanu nidhi : Yaa loo ahaan? Wuxuu yidhi: Allaah, Kitaabkiisa, Rasuulkiisa, madaxda Muslimiinta, iyo dadweynaha guud ahaan”. W.w. Muslim. -
وَلَا عَلَى ٱلَّذِينَ إِذَا مَآ أَتَوْكَ لِتَحْمِلَهُمْ قُلْتَ لَآ أَجِدُ مَآ أَحْمِلُكُمْ عَلَيْهِ تَوَلَّوا۟ وَّأَعْيُنُهُمْ تَفِيضُ مِنَ ٱلدَّمْعِ حَزَنًا أَلَّا يَجِدُوا۟ مَا يُنفِقُونَ٩٢
Wala ʿala allatheena itha ma atawka litahmilahum qulta la ajidu ma ahmilukum ʿalayhi tawallaw waaʿyunuhum tafeedu mina alddamʿi hazanan alla yajidoo ma yunfiqoona
Ma (saarna eed) kuwa markay kuu yimaadeen si aad u siiso gaadiid (ay ku dagaal galaan), aad ku tidhi: Idiinma heli karo wax (gaadiid ah) aan idinku qaado, markaasay dib u laabteen iyagoo ay ka qubaneyso indhahooda ilmo, murugo darteed ay ka qabaan in aanay helin wax ay ku bixiyaan (jihaadka).
-
۞ إِنَّمَا ٱلسَّبِيلُ عَلَى ٱلَّذِينَ يَسْتَـْٔذِنُونَكَ وَهُمْ أَغْنِيَآءُ ۚ رَضُوا۟ بِأَن يَكُونُوا۟ مَعَ ٱلْخَوَالِفِ وَطَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ فَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ٩٣
Innama alssabeelu ʿala allatheena yastathinoonaka wahum aghniyao radoo bian yakoonoo maʿa alkhawalifi watabaʿa Allahu ʿala quloobihim fahum la yaʿlamoona
Waxaa uun jid (eedeyn ah) lagu leeyahay kuwa idan kaa qaata (si looga dhaafo ka qayb galka jihaadka) iyagoo hodan ah deeqtoon. waxay ku raalli noqdeen inay la joogaan kuwa dib u haray, wuxuuna Alle daboolay quluubtooda marka ma ay oga (waxa ay waayayaan).
-
يَعْتَذِرُونَ إِلَيْكُمْ إِذَا رَجَعْتُمْ إِلَيْهِمْ ۚ قُل لَّا تَعْتَذِرُوا۟ لَن نُّؤْمِنَ لَكُمْ قَدْ نَبَّأَنَا ٱللَّهُ مِنْ أَخْبَارِكُمْ ۚ وَسَيَرَى ٱللَّهُ عَمَلَكُمْ وَرَسُولُهُۥ ثُمَّ تُرَدُّونَ إِلَىٰ عَـٰلِمِ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَـٰدَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ٩٤
Yaʿtathiroona ilaykum itha rajaʿtum ilayhim qul la taʿtathiroo lan numina lakum qad nabbaana Allahu min akhbarikum wasayara Allahu ʿamalakum warasooluhu thumma turaddoona ila ʿalimi alghaybi waalshshahadati fayunabbiokum bima kuntum taʿmaloona
Way idiin cudur daaran markaad u laabataan. Dheh: Ha cudurdaaranina, marnaba idinma rumaysaneyno. Alle baa noo sheegay arrimo ku saabsan xaalkiinna. Alle wuu arki camalkiinna iyo Rasuulkiisa, markaas waxaa dib la idiinku soo celin Xagga (Alle) Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, markaasuu idiinka warrami waxaad fali jirteen oo dhan.
-
سَيَحْلِفُونَ بِٱللَّهِ لَكُمْ إِذَا ٱنقَلَبْتُمْ إِلَيْهِمْ لِتُعْرِضُوا۟ عَنْهُمْ ۖ فَأَعْرِضُوا۟ عَنْهُمْ ۖ إِنَّهُمْ رِجْسٌ ۖ وَمَأْوَىٰهُمْ جَهَنَّمُ جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ٩٥
Sayahlifoona biAllahi lakum itha inqalabtum ilayhim lituʿridoo ʿanhum faaʿridoo ʿanhum innahum rijsun wamawahum jahannamu jazaan bima kanoo yaksiboona
Waxay idiinku dhaaran Alle (inay cudur daar heystaan) markaad ka soo laabataan (dagaalka Tabuuk) si aad uga jeesataan. Ee isaga jeesta; waa qurune, hoygooduna waa Jahannama - abaal marin waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah).
-
يَحْلِفُونَ لَكُمْ لِتَرْضَوْا۟ عَنْهُمْ ۖ فَإِن تَرْضَوْا۟ عَنْهُمْ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يَرْضَىٰ عَنِ ٱلْقَوْمِ ٱلْفَـٰسِقِينَ٩٦
Yahlifoona lakum litardaw ʿanhum fain tardaw ʿanhum fainna Allaha la yarda ʿani alqawmi alfasiqeena
Way idiin dhaaran si aad uga raalli noqo- taan, haddiise aad ka raalli noqotaan, Alle kama raalli noqdo qoloda fallaagada ah.
-
ٱلْأَعْرَابُ أَشَدُّ كُفْرًا وَنِفَاقًا وَأَجْدَرُ أَلَّا يَعْلَمُوا۟ حُدُودَ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ٩٧
Alaʿrabu ashaddu kufran wanifaqan waajdaru alla yaʿlamoo hudooda ma anzala Allahu ʿala rasoolihi waAllahu ʿaleemun hakeemun
(Qaar ka mid ah) reer miyigaa (Madiina hareeraheeda ah baa) ugu daran gaalnimo iyo munaafaqnimo, oo aan isku taxalujin inay ogaadaan soohdimaha wuxuu Alle ku soo dejiyey Waxyi ahaan Rasuulkiisa. Alle waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah.
-
وَمِنَ ٱلْأَعْرَابِ مَن يَتَّخِذُ مَا يُنفِقُ مَغْرَمًا وَيَتَرَبَّصُ بِكُمُ ٱلدَّوَآئِرَ ۚ عَلَيْهِمْ دَآئِرَةُ ٱلسَّوْءِ ۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ٩٨
Wamina alaʿrabi man yattakhithu ma yunfiqu maghraman wayatarabbasu bikumu alddawaira ʿalayhim dairatu alssawi waAllahu sameeʿun ʿaleemun
Reer miyigaana (Madiina hareeraheeda ah) waxaa ka mid ah kuwo u arka waxay bixiyaan inuu yahay ganaax (iyo khasaaro), oo idinla suga belaayo (idinku dhacda), dushooda (bay ahaan) belaayada wareegta. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
-
وَمِنَ ٱلْأَعْرَابِ مَن يُؤْمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ وَيَتَّخِذُ مَا يُنفِقُ قُرُبَـٰتٍ عِندَ ٱللَّهِ وَصَلَوَٰتِ ٱلرَّسُولِ ۚ أَلَآ إِنَّهَا قُرْبَةٌ لَّهُمْ ۚ سَيُدْخِلُهُمُ ٱللَّهُ فِى رَحْمَتِهِۦٓ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ٩٩
Wamina alaʿrabi man yuminu biAllahi waalyawmi alakhiri wayattakhithu ma yunfiqu qurubatin ʿinda Allahi wasalawati alrrasooli ala innaha qurbatun lahum sayudkhiluhumu Allahu fee rahmatihi inna Allaha ghafoorun raheemun
Waxaase reer miyigaa (Madiina hareeraheeda ah) ka mid ah kuwo rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo ka yeesha waxay bixiyaan (habab ay ku mutaan) u dhowaansho Alle iyo ducooyinka Rasuulka. Waxay u ahaan dhowaansho. Alle wuxuu galin Naxariistiisa. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
-
وَٱلسَّـٰبِقُونَ ٱلْأَوَّلُونَ مِنَ ٱلْمُهَـٰجِرِينَ وَٱلْأَنصَارِ وَٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُم بِإِحْسَـٰنٍ رَّضِىَ ٱللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا۟ عَنْهُ وَأَعَدَّ لَهُمْ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى تَحْتَهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا ۚ ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ١٠٠
Waalssabiqoona alawwaloona mina almuhajireena waalansari waallatheena ittabaʿoohum biihsanin radiya Allahu ʿanhum waradoo ʿanhu waaʿadda lahum jannatin tajree tahtaha alanharu khalideena feeha abadan thalika alfawzu alʿatheemu
Kuwase u hormaray (Iimaanka iyo camallada san), ee horreeyey oo ka mid ah Muhaajiriinta1 iyo Ansaarta2 iyo kuwa ku raacay wanaagga. Alle raalli buu ka yahay, iyana raalli bay ka yihiin. Wuxuu u diyaariyey beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku dhex waari weligood. Kaas baa ah Guusha Weyn.
Sharaxa hoose
[1] Muhaajiriin waxaa loola jeedaa halkan asxaabtii Nabiga s.c.w. ee ka soo haajiray Makkah oo degay Madiinah arrinka islaamka darteed. [2] Ansaarta waa kuwii degganaa Madiina ee aqbalay islaamka oo u gargaaray Nabiga s.c.w. -
وَمِمَّنْ حَوْلَكُم مِّنَ ٱلْأَعْرَابِ مُنَـٰفِقُونَ ۖ وَمِنْ أَهْلِ ٱلْمَدِينَةِ ۖ مَرَدُوا۟ عَلَى ٱلنِّفَاقِ لَا تَعْلَمُهُمْ ۖ نَحْنُ نَعْلَمُهُمْ ۚ سَنُعَذِّبُهُم مَّرَّتَيْنِ ثُمَّ يُرَدُّونَ إِلَىٰ عَذَابٍ عَظِيمٍ١٠١
Wamimman hawlakum mina alaʿrabi munafiqoona wamin ahli almadeenati maradoo ʿala alnnifaqi la taʿlamuhum nahnu naʿlamuhum sanuʿaththibuhum marratayni thumma yuraddoona ila ʿathabin ʿatheemin
Waxaa ka mid ah kuwaa hareerihiinna ah ee ka mid ah kuwa reer miyiga ah munaafiqiin, reer Madiinana ( sidoo kale) waxaa ka mid ah kuwo ku madax adag nifaaqa, adigu ma ogid, Annagaase og. Waxaanu cadaabi labo jeer (adduunka iyo qabrigaba), markaasaa loo celin xagga Cadaab daran (Aakhirada).
-
وَءَاخَرُونَ ٱعْتَرَفُوا۟ بِذُنُوبِهِمْ خَلَطُوا۟ عَمَلًا صَـٰلِحًا وَءَاخَرَ سَيِّئًا عَسَى ٱللَّهُ أَن يَتُوبَ عَلَيْهِمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ١٠٢
Waakharoona iʿtarafoo bithunoobihim khalatoo ʿamalan salihan waakhara sayyian ʿasa Allahu an yatooba ʿalayhim inna Allaha ghafoorun raheemun
Kuwo kalena way qirteen denbiyadoo- da (ka haritaankooda jihaadka), waxay isku dareen camal wanaagsan (jihaad hore ay ka qayb galeen) iyo mid kale oo xun1. Waa intaasoo Alle ka tawbad aqbalo. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Sharaxa hoose
[1] Waxay Aayaddan tilmaameysaa inay horay uga qayb qaateen Jihaadka ha yeeshee ay ka hareen duullaankii Tabuuk, oo ay leeyihiin camallo fiican iyo mid xunba. -
خُذْ مِنْ أَمْوَٰلِهِمْ صَدَقَةً تُطَهِّرُهُمْ وَتُزَكِّيهِم بِهَا وَصَلِّ عَلَيْهِمْ ۖ إِنَّ صَلَوٰتَكَ سَكَنٌ لَّهُمْ ۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ١٠٣
Khuth min amwalihim sadaqatan tutahhiruhum watuzakkeehim biha wasalli ʿalayhim inna salataka sakanun lahum waAllahu sameeʿun ʿaleemun
Ka qaad (Nabi Muxammadow) maalkooda Sadaqo aad ku hufeyso oo ku daahirineyso, una ducee. Hubaal ducadaadu waa waxay ku xasilaan. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
-
أَلَمْ يَعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ هُوَ يَقْبَلُ ٱلتَّوْبَةَ عَنْ عِبَادِهِۦ وَيَأْخُذُ ٱلصَّدَقَـٰتِ وَأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ١٠٤
Alam yaʿlamoo anna Allaha huwa yaqbalu alttawbata ʿan ʿibadihi wayakhuthu alssadaqati waanna Allaha huwa alttawwabu alrraheemu
Miyeyna ogayn in Alle ka aqbalo tawbada addoomahiisa oo qaato sadaqooyinka iyo in Alle yahay Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.
-
وَقُلِ ٱعْمَلُوا۟ فَسَيَرَى ٱللَّهُ عَمَلَكُمْ وَرَسُولُهُۥ وَٱلْمُؤْمِنُونَ ۖ وَسَتُرَدُّونَ إِلَىٰ عَـٰلِمِ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَـٰدَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ١٠٥
Waquli iʿmaloo fasayara Allahu ʿamalakum warasooluhu waalmuminoona wasaturaddoona ila ʿalimi alghaybi waalshshahadati fayunabbiokum bima kuntum taʿmaloona
Dheh: camal fasha; marka Alle wuu arki camalkiinna iyo Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba. Waxaana dib la idiinku soo celin Xagga (Alle) Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqdaba, markaasuu idiin sheegi waxaad fasheen oo dhan.
-
وَءَاخَرُونَ مُرْجَوْنَ لِأَمْرِ ٱللَّهِ إِمَّا يُعَذِّبُهُمْ وَإِمَّا يَتُوبُ عَلَيْهِمْ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ١٠٦
Waakharoona murjawna liamri Allahi imma yuʿaththibuhum waimma yatoobu ʿalayhim waAllahu ʿaleemun hakeemun
Kuwo kale (oo ka haray jihaadka) waxaa dib loogu dhigay (arrinkooda) inay sugaan Amarka Alle, hadduu cadaabayo ama hadduu ka aqbalayo tawbada. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
-
وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُوا۟ مَسْجِدًا ضِرَارًا وَكُفْرًا وَتَفْرِيقًۢا بَيْنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَإِرْصَادًا لِّمَنْ حَارَبَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ مِن قَبْلُ ۚ وَلَيَحْلِفُنَّ إِنْ أَرَدْنَآ إِلَّا ٱلْحُسْنَىٰ ۖ وَٱللَّهُ يَشْهَدُ إِنَّهُمْ لَكَـٰذِبُونَ١٠٧
Waallatheena ittakhathoo masjidan diraran wakufran watafreeqan bayna almumineena wairsadan liman haraba Allaha warasoolahu min qablu walayahlifunna in aradna illa alhusna waAllahu yashhadu innahum lakathiboona
Kuwase dhistay masjid ay dhibaato ku geystaan iyo gaalnimo iyo si ay tafaraaruq u dhex dhigaan mu’miniinta iyo inuu u ahaado dhufays kan isagu horay ula dagaal galay1 Alle iyo Rasuulkiisa, waxayna ku dhaaran ma aanu rabin waxaan ahayn wanaag. Alle wuxuu markhaati ka yahay inay yihiin beenalayaal.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa loola jeedaa kii la dagaalay Alle iyo Rasuulkiisa : Abuu Caamir Al- Faasiq, waxayna sugayeen inuu ka yimaado Suuriya oo kula tukado masjidkooda, isagoo ay la socdaan ciidammo Ruumaan ah oo u yimaada la dagaallanka muslimiinta, laakiinse Abuu Caamir ma imanoo wuxuu ku dhintay Suuriya, masjidkii ay dhiseen munaafiqiintana waxaa lagu dumiyey amarka Rasuulka s.c.w. waxyigii ku soo degay darti kaddib markuu ka soo laabtay dagaalkii Tabuuk. -
لَا تَقُمْ فِيهِ أَبَدًا ۚ لَّمَسْجِدٌ أُسِّسَ عَلَى ٱلتَّقْوَىٰ مِنْ أَوَّلِ يَوْمٍ أَحَقُّ أَن تَقُومَ فِيهِ ۚ فِيهِ رِجَالٌ يُحِبُّونَ أَن يَتَطَهَّرُوا۟ ۚ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلْمُطَّهِّرِينَ١٠٨
La taqum feehi abadan lamasjidun ossisa ʿala alttaqwa min awwali yawmin ahaqqu an taqooma feehi feehi rijalun yuhibboona an yatatahharoo waAllahu yuhibbu almuttahhireena
Ha isdhex taagin (oo ha ku tukan masjidkaa oo kale) waligaa. Masjid1 aasaaskiisa lagu dhisay taqwo maalintii ugu horreysayba baa mudan inaad dhex joogsato (si aad ugu tukato). Waxaa jooga rag jecel inay isdaahiriyaan. Alle wuu jecel yahay kuwa is-daahiriya (iska daahiriya shirkiga, xumaha iyo najaasada).
Sharaxa hoose
[1] Masjidka halkan lagu tilmaamayo waa masjidka Qubaa. -
أَفَمَنْ أَسَّسَ بُنْيَـٰنَهُۥ عَلَىٰ تَقْوَىٰ مِنَ ٱللَّهِ وَرِضْوَٰنٍ خَيْرٌ أَم مَّنْ أَسَّسَ بُنْيَـٰنَهُۥ عَلَىٰ شَفَا جُرُفٍ هَارٍ فَٱنْهَارَ بِهِۦ فِى نَارِ جَهَنَّمَ ۗ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ١٠٩
Afaman assasa bunyanahu ʿala taqwa mina Allahi waridwanin khayrun am man assasa bunyanahu ʿala shafa jurufin harin fainhara bihi fee nari jahannama waAllahu la yahdee alqawma alththalimeena
Ma mid aasaas uga dhiga dhismihiisa cabsida Alle iyo Raalli gelintiisa baa khayr roon, mise mid ka dhiga aasaaska dhismihiisa qarka god dumaya dushiis, kulana dhici Naarta Jahannama. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.
-
لَا يَزَالُ بُنْيَـٰنُهُمُ ٱلَّذِى بَنَوْا۟ رِيبَةً فِى قُلُوبِهِمْ إِلَّآ أَن تَقَطَّعَ قُلُوبُهُمْ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ١١٠
La yazalu bunyanuhumu allathee banaw reebatan fee quloobihim illa an taqattaʿa quloobuhum waAllahu ʿaleemun hakeemun
Dhismahii ay dhiseen kama suulayo marnaba inuu ahaado sabab keenta walaac ku jira quluubtooda1 in maahee ay u kala go'go’aan quluubtooda qaybo2. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
Sharaxa hoose
[1] Walbahaarka hayey darti. [2] Ilaa ay ka dhintaan. Sidaas awgeed ma toobad keenayaan. -
۞ إِنَّ ٱللَّهَ ٱشْتَرَىٰ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ أَنفُسَهُمْ وَأَمْوَٰلَهُم بِأَنَّ لَهُمُ ٱلْجَنَّةَ ۚ يُقَـٰتِلُونَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ فَيَقْتُلُونَ وَيُقْتَلُونَ ۖ وَعْدًا عَلَيْهِ حَقًّا فِى ٱلتَّوْرَىٰةِ وَٱلْإِنجِيلِ وَٱلْقُرْءَانِ ۚ وَمَنْ أَوْفَىٰ بِعَهْدِهِۦ مِنَ ٱللَّهِ ۚ فَٱسْتَبْشِرُوا۟ بِبَيْعِكُمُ ٱلَّذِى بَايَعْتُم بِهِۦ ۚ وَذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ١١١
Inna Allaha ishtara mina almumineena anfusahum waamwalahum bianna lahumu aljannata yuqatiloona fee sabeeli Allahi fayaqtuloona wayuqtaloona waʿdan ʿalayhi haqqan fee alttawrati waalinjeeli waalqurani waman awfa biʿahdihi mina Allahi faistabshiroo bibayʿikumu allathee bayaʿtum bihi wathalika huwa alfawzu alʿatheemu
Alle wuxuu kaga gatay mu’miniinta nafahooda iyo maalkoodaba inay leeyihiin Janno, waxay u dagaallamaan Jidka Alle1, markaasay dilaan (xaq iyo nabad diidyada) iyagana loo dilaa (Xaqa iyo Nabadda ay fidiyaan). Waa ballan dushiisa ah oo xaq ah oo ku cad Tawraadda iyo Injiilka iyo Qur’aanka. Yaa ka oofin og ballan uu qaaday Alle? ee ku farxa beeciinna ee aad heshiiska ku gasheen; arrinkaasi weeye Guusha Weyn.
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Arrinka qofka u jihaada Alle darti, Alle baana ogsoon qofka u jihaada darti, wuxuu la mid yahay qof u sooma oo u salaada si aan hakad lahayn. Alle kor ahaaye wuxuu u ballan qaaday qofkii u jihaada Jidkiisa inuu gelin Janno haddii la dilo, haddii kale wuxuu u soo celin gurgiisa isagoo nabad qaba oo ajar helay iyo qaniimo (maal)”. W.w. Al-Bukhaari. -
ٱلتَّـٰٓئِبُونَ ٱلْعَـٰبِدُونَ ٱلْحَـٰمِدُونَ ٱلسَّـٰٓئِحُونَ ٱلرَّٰكِعُونَ ٱلسَّـٰجِدُونَ ٱلْـَٔامِرُونَ بِٱلْمَعْرُوفِ وَٱلنَّاهُونَ عَنِ ٱلْمُنكَرِ وَٱلْحَـٰفِظُونَ لِحُدُودِ ٱللَّهِ ۗ وَبَشِّرِ ٱلْمُؤْمِنِينَ١١٢
Alttaiboona alʿabidoona alhamidoona alssaihoona alrrakiʿoona alssajidoona alamiroona bialmaʿroofi waalnnahoona ʿani almunkari waalhafithoona lihudoodi Allahi wabashshiri almumineena
Kuwa tawbad keena, ee caabuda (Alle Keliya), ammaana ee mahdiya, sooma 'ama u baxa diin fidinta', ee rukuuca, ee sujuuda ee amra waxa san ee reeba waxa xun, ee dhowra soohdimaha Alle1. U bishaaree mu’miniinta.
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Yaa ii ballan qaadaya (dhowrista) waxa labadiisa daan dhexdooda ah (carrabkiisa) iyo waxa labadiisa lugood dhexdooda ah (farjagiisa) waxaan aniguna u ballan qaadayaa Janno”. W.w. Al-Bukhaari. -
مَا كَانَ لِلنَّبِىِّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَن يَسْتَغْفِرُوا۟ لِلْمُشْرِكِينَ وَلَوْ كَانُوٓا۟ أُو۟لِى قُرْبَىٰ مِنۢ بَعْدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُمْ أَصْحَـٰبُ ٱلْجَحِيمِ١١٣
Ma kana lilnnabiyyi waallatheena amanoo an yastaghfiroo lilmushrikeena walaw kanoo olee qurba min baʿdi ma tabayyana lahum annahum ashabu aljaheemi
Kuma (habboona) Nabiga iyo kuwa rumeeyey inay u denbi dhaaf dalbaan mushrikiinta qaraababa ha ahaadaane, kaddib kolkay u caddaatay inay yihiin ehlu Naar 'ku dhinteen gaalnimo'1.
Sharaxa hoose
[1] Qofna looma weydiin karo denbi dhaaf Alle oo lama odhan karo Allaha u naxariisto, marba hadduu ku dhinto gaalnimo, ama isagoo ku jira shirki ama dhinta isagoo ma tukade ah. -
وَمَا كَانَ ٱسْتِغْفَارُ إِبْرَٰهِيمَ لِأَبِيهِ إِلَّا عَن مَّوْعِدَةٍ وَعَدَهَآ إِيَّاهُ فَلَمَّا تَبَيَّنَ لَهُۥٓ أَنَّهُۥ عَدُوٌّ لِّلَّهِ تَبَرَّأَ مِنْهُ ۚ إِنَّ إِبْرَٰهِيمَ لَأَوَّٰهٌ حَلِيمٌ١١٤
Wama kana istighfaru ibraheema liabeehi illa ʿan mawʿidatin waʿadaha iyyahu falamma tabayyana lahu annahu ʿaduwwun lillahi tabarraa minhu inna ibraheema laawwahun haleemun
Ma ahayn u denbi dhaaf dalabkii Ibraahiim uu u denbi dhaaf dalbay aabbihiis waxaan ahayn ballan uu ka qaaday. Markiise ay u caddaatay inuu ahaa cadow Alle, barii buu ka noqday. Ibraahiim wuxuu ahaa kal same, dulqaad badan.
-
وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُضِلَّ قَوْمًۢا بَعْدَ إِذْ هَدَىٰهُمْ حَتَّىٰ يُبَيِّنَ لَهُم مَّا يَتَّقُونَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ١١٥
Wama kana Allahu liyudilla qawman baʿda ith hadahum hatta yubayyina lahum ma yattaqoona inna Allaha bikulli shayin ʿaleemun
Ma aha Alle Mid lumiya qolo kaddib markuu hanuuniyey, wuxuuse u caddeeyaa waxay tahay inay iska jiraan1. Hubaal Alle waa Ogsoonaha wax walba.
Sharaxa hoose
[1] Qofka looma cadaabo habowgiisa darti haddaan loo caddeyn waxaa inay denbi yihiin, oo uusan ku xadgudbin amarro loo caddeeyey. -
إِنَّ ٱللَّهَ لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ يُحْىِۦ وَيُمِيتُ ۚ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِىٍّ وَلَا نَصِيرٍ١١٦
Inna Allaha lahu mulku alssamawati waalardi yuhyee wayumeetu wama lakum min dooni Allahi min waliyyin wala naseerin
Alle baa iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo aralda, Isagaa wax nooleeya oo dhinsiiya. Ma lihidin Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
-
لَّقَد تَّابَ ٱللَّهُ عَلَى ٱلنَّبِىِّ وَٱلْمُهَـٰجِرِينَ وَٱلْأَنصَارِ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُ فِى سَاعَةِ ٱلْعُسْرَةِ مِنۢ بَعْدِ مَا كَادَ يَزِيغُ قُلُوبُ فَرِيقٍ مِّنْهُمْ ثُمَّ تَابَ عَلَيْهِمْ ۚ إِنَّهُۥ بِهِمْ رَءُوفٌ رَّحِيمٌ١١٧
Laqad taba Allahu ʿala alnnabiyyi waalmuhajireena waalansari allatheena ittabaʿoohu fee saʿati alʿusrati min baʿdi ma kada yazeeghu quloobu fareeqin minhum thumma taba ʿalayhim innahu bihim raoofun raheemun
Wuxuu Alle ka tawbad aqbalay Nabiga iyo Muhaajiriinta iyo Ansaartii raacday waqtigii adkaa (ee dagaalkii Tabuuk), kaddib markii quluubta qaar ka mid ah ay ku sigteen inay weecdaan, markaasuu ka tawbad aqbalay. Hubaal Alle waa mid u Turid iyo Naxariis Badan (mu'miniinta).
-
وَعَلَى ٱلثَّلَـٰثَةِ ٱلَّذِينَ خُلِّفُوا۟ حَتَّىٰٓ إِذَا ضَاقَتْ عَلَيْهِمُ ٱلْأَرْضُ بِمَا رَحُبَتْ وَضَاقَتْ عَلَيْهِمْ أَنفُسُهُمْ وَظَنُّوٓا۟ أَن لَّا مَلْجَأَ مِنَ ٱللَّهِ إِلَّآ إِلَيْهِ ثُمَّ تَابَ عَلَيْهِمْ لِيَتُوبُوٓا۟ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ١١٨
Waʿala alththalathati allatheena khullifoo hatta itha daqat ʿalayhimu alardu bima rahubat wadaqat ʿalayhim anfusuhum wathannoo an la maljaa mina Allahi illa ilayhi thumma taba ʿalayhim liyatooboo inna Allaha huwa alttawwabu alrraheemu
(Sidoo kale Alle wuu cafiyey) seddexdii dib loo dhigay 'arrinkooda ee ka xumaaday khaladkoodii'1, heer arladu ku ciriiryoontay waxay ballaar laheyd, nafahoodana sidoo kale ku ciriiryoomeen, waxayna hubeen in aanay jirin meel laga magan galaa Alle aan ahayn Xaggiisa. Markaasuu waafajiyey tawbad san, si ay u tawbad keenaan. Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista badan.
Sharaxa hoose
[1] Aayadahani waxay ku soo degeen duullaankii Tabuuk, wuxuuna ahaa waqti aad u kulul, iyo socdaal dheer, waayo Madiina iyo Tabuuk waa kala dheer yihiin marka lug lagu socdo. Seddexdaas nin ee dib ku haray waxay ahaayeen: Kacab bin Maalik, Hilaal bin Umayyah, iyo Muraarah bin Rabiic., waxaana lagu eedeeyey inay ka hareen dagaalkii Tabuuk oo ayan ka soo qayb gelin. -
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَكُونُوا۟ مَعَ ٱلصَّـٰدِقِينَ١١٩
Ya ayyuha allatheena amanoo ittaqoo Allaha wakoonoo maʿa alssadiqeena
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada, oo ahaada la jirka kuwa runlowyada ah.
-
مَا كَانَ لِأَهْلِ ٱلْمَدِينَةِ وَمَنْ حَوْلَهُم مِّنَ ٱلْأَعْرَابِ أَن يَتَخَلَّفُوا۟ عَن رَّسُولِ ٱللَّهِ وَلَا يَرْغَبُوا۟ بِأَنفُسِهِمْ عَن نَّفْسِهِۦ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ لَا يُصِيبُهُمْ ظَمَأٌ وَلَا نَصَبٌ وَلَا مَخْمَصَةٌ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلَا يَطَـُٔونَ مَوْطِئًا يَغِيظُ ٱلْكُفَّارَ وَلَا يَنَالُونَ مِنْ عَدُوٍّ نَّيْلًا إِلَّا كُتِبَ لَهُم بِهِۦ عَمَلٌ صَـٰلِحٌ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ ٱلْمُحْسِنِينَ١٢٠
Ma kana liahli almadeenati waman hawlahum mina alaʿrabi an yatakhallafoo ʿan rasooli Allahi wala yarghaboo bianfusihim ʿan nafsihi thalika biannahum la yuseebuhum thamaon wala nasabun wala makhmasatun fee sabeeli Allahi wala yataoona mawtian yagheethu alkuffara wala yanaloona min ʿaduwwin naylan illa kutiba lahum bihi ʿamalun salihun inna Allaha la yudeeʿu ajra almuhsineena
Kuma habboona reer Madiina iyo kuwa hareerahooda ah ee ka mid ah kuwa dega miyiga inay uga haraan gadaal Rasuulka Alle, iyo inay ka jecleystaan nafahooda naftiisa. Maxaa yeelay ma jiro harraad ama daal ama gaajo ku soo gaadha Jidka Alle1, ama goob ay cagaha dhigaan oy ku cadho gashaan gaalada, iyo waxay gaarsiiyaanba cadowga (Islaamka) oo aan loogu qoreyn camal san. Hubaal Alle ma dayaco ajarka sama falayaasha.
Sharaxa hoose
[1] Waqtiyada shiddada, waxay aheyd inay la samraan oo la dul qaataan Nabiga s.c.w. oo qabtaan wax kastoo islaamka u baahan yahay. -
وَلَا يُنفِقُونَ نَفَقَةً صَغِيرَةً وَلَا كَبِيرَةً وَلَا يَقْطَعُونَ وَادِيًا إِلَّا كُتِبَ لَهُمْ لِيَجْزِيَهُمُ ٱللَّهُ أَحْسَنَ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ١٢١
Wala yunfiqoona nafaqatan sagheeratan wala kabeeratan wala yaqtaʿoona wadiyan illa kutiba lahum liyajziyahumu Allahu ahsana ma kanoo yaʿmaloona
Ma jiro wax yar ama weyn oo ay ku bixiyaan (jihaadka) ama tog ay ka tillaabaan oo aan loo qorayn ajar, si uu Alle ugu abaal mariyo si waafaqsan kan ugu fiicnaa camalladii ay falayeen.
-
۞ وَمَا كَانَ ٱلْمُؤْمِنُونَ لِيَنفِرُوا۟ كَآفَّةً ۚ فَلَوْلَا نَفَرَ مِن كُلِّ فِرْقَةٍ مِّنْهُمْ طَآئِفَةٌ لِّيَتَفَقَّهُوا۟ فِى ٱلدِّينِ وَلِيُنذِرُوا۟ قَوْمَهُمْ إِذَا رَجَعُوٓا۟ إِلَيْهِمْ لَعَلَّهُمْ يَحْذَرُونَ١٢٢
Wama kana almuminoona liyanfiroo kaffatan falawla nafara min kulli firqatin minhum taifatun liyatafaqqahoo fee alddeeni waliyunthiroo qawmahum itha rajaʿoo ilayhim laʿallahum yahtharoona
Ma aha mu’miniinta inay u soo wada baxaan (duullaanka) dhammaantood mar keliya. Ee waa inay iska soo saaraan qayb walba oo iyaga ka mid ah koox (u hareysa) inay fahmaan diinta si ay ugu digaan (oo waaniyaan) dadkooda markay u soo laabtaan, si ay u digtoonaadaan.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ قَـٰتِلُوا۟ ٱلَّذِينَ يَلُونَكُم مِّنَ ٱلْكُفَّارِ وَلْيَجِدُوا۟ فِيكُمْ غِلْظَةً ۚ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلْمُتَّقِينَ١٢٣
Ya ayyuha allatheena amanoo qatiloo allatheena yaloonakum mina alkuffari walyajidoo feekum ghilthatan waiʿlamoo anna Allaha maʿa almuttaqeena
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! La dagaallama kuwa idinku qabsan ee ka mid ah gaalada (duullaanlka idinku ah) hana idinka heleyn adadayg. Ogaada inuu Alle la jiro dhowrsanayaasha.
-
وَإِذَا مَآ أُنزِلَتْ سُورَةٌ فَمِنْهُم مَّن يَقُولُ أَيُّكُمْ زَادَتْهُ هَـٰذِهِۦٓ إِيمَـٰنًا ۚ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ فَزَادَتْهُمْ إِيمَـٰنًا وَهُمْ يَسْتَبْشِرُونَ١٢٤
Waitha ma onzilat sooratun faminhum man yaqoolu ayyukum zadathu hathihi eemanan faamma allatheena amanoo fazadathum eemanan wahum yastabshiroona
Marka Suurad la soo dejiyo, waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo yidhaahda: Kiinnee bay tani u kordhisay Iimaan?. Kuwa rumeysan waxay u kordhisaa iimaan, oo waa bay ku farxaan oo bishaareystaan.
-
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ فَزَادَتْهُمْ رِجْسًا إِلَىٰ رِجْسِهِمْ وَمَاتُوا۟ وَهُمْ كَـٰفِرُونَ١٢٥
Waamma allatheena fee quloobihim maradun fazadathum rijsan ila rijsihim wamatoo wahum kafiroona
Kuwase quluubta ka buka1, waxay u kordhisaa fadaro2 'ka badan' fadaradoodii, waxayna dhintaan iyagoo gaalo ah.
Sharaxa hoose
[1] Jirrada qalbiga waxaa halkan loola jeedaa gaalnimada, nifaaqa, shakiga, kibirka, iwm. [2] Rijz luqad ahaan waa xumaan, fadaro, najaaso waxaana loola jeedaa gaalnimo iyo munaafiqnimo. -
أَوَلَا يَرَوْنَ أَنَّهُمْ يُفْتَنُونَ فِى كُلِّ عَامٍ مَّرَّةً أَوْ مَرَّتَيْنِ ثُمَّ لَا يَتُوبُونَ وَلَا هُمْ يَذَّكَّرُونَ١٢٦
Awala yarawna annahum yuftanoona fee kulli ʿamin marratan aw marratayni thumma la yatooboona wala hum yaththakkaroona
Miyeyna arag in la jarribo sannad walba mar ama labo jeer? Sidaa oy tahay uma tawbad keenaan (Alle), mana waansamaan.
-
وَإِذَا مَآ أُنزِلَتْ سُورَةٌ نَّظَرَ بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ هَلْ يَرَىٰكُم مِّنْ أَحَدٍ ثُمَّ ٱنصَرَفُوا۟ ۚ صَرَفَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُم بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَّا يَفْقَهُونَ١٢٧
Waitha ma onzilat sooratun nathara baʿduhum ila baʿdin hal yarakum min ahadin thumma insarafoo sarafa Allahu quloobahum biannahum qawmun la yafqahoona
Marka Suurad la soo dejiyo, wuxuu eegaa qaarkoodba qaarka kale (oo isweydiiyaan): Cid ma idin aragtaa? markaasay jeesadaan. Alle baa ka jeediyey quluubtooda (hanuunka), waayo waa qolo aan wax fahmin.
-
لَقَدْ جَآءَكُمْ رَسُولٌ مِّنْ أَنفُسِكُمْ عَزِيزٌ عَلَيْهِ مَا عَنِتُّمْ حَرِيصٌ عَلَيْكُم بِٱلْمُؤْمِنِينَ رَءُوفٌ رَّحِيمٌ١٢٨
Laqad jaakum rasoolun min anfusikum ʿazeezun ʿalayhi ma ʿanittum hareesun ʿalaykum bialmumineena raoofun raheemun
Waxaa dhab ahaan idiin yimid Rasuul idinka mid ah 'waa Nabi Muxammad s.c.w', oo ay ku adag tahay waxa idin dhiba, idiin roon oo dadaal badan, mu’miniinta u turid iyo naxariis badan.
-
فَإِن تَوَلَّوْا۟ فَقُلْ حَسْبِىَ ٱللَّهُ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ ۖ وَهُوَ رَبُّ ٱلْعَرْشِ ٱلْعَظِيمِ١٢٩
Fain tawallaw faqul hasbiya Allahu la ilaha illa huwa ʿalayhi tawakkaltu wahuwa rabbu alʿarshi alʿatheemi
Haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka iyo camalka san), dheh: Waxaa igu Filan Allaah. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) Isaga maahee. Isagaan tala saartaa, waana Rabbiga Carshiga Weyn.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda At-Tawba?
Macnaha At-Tawba waa “Toobadda”.
Suuradda At-Tawba juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda At-Tawba waxay ku fidsan tahay juz’ 10 iyo 11.
Suuradda At-Tawba immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda At-Tawba waxay leedahay 129 aayadood.
Suuradda At-Tawba ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda At-Tawba waa suurad Madani ah.
Suuradda At-Tawba waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 9aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.