سورة الأنفال
Suuradda Al-Anfaal oo af Soomaali ah
Qaniimada dagaalka
- 8
- 75 aayadood
- Madani
- Juz’ 9–10
- Bogagga 177–186
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Anfaal (الأنفال) waa suuradda 8aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 75 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Qaniimada dagaalka”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku fidsan tahay juz’ 9 iyo 10.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Anfaal oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Anfaal oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلْأَنفَالِ ۖ قُلِ ٱلْأَنفَالُ لِلَّهِ وَٱلرَّسُولِ ۖ فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَصْلِحُوا۟ ذَاتَ بَيْنِكُمْ ۖ وَأَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ١
Yasaloonaka ʿani alanfali quli alanfalu lillahi waalrrasooli faittaqoo Allaha waaslihoo thata baynikum waateeʿoo Allaha warasoolahu in kuntum mumineena
Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) qaniimooyinka waxaa leh Alle iyo Rasuulka. Ee Alle ka cabsada oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaaf ah. Adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, haddaad tihiin mu’miniin.
-
إِنَّمَا ٱلْمُؤْمِنُونَ ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ ءَايَـٰتُهُۥ زَادَتْهُمْ إِيمَـٰنًا وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ٢
Innama almuminoona allatheena itha thukira Allahu wajilat quloobuhum waitha tuliyat ʿalayhim ayatuhu zadathum eemanan waʿala rabbihim yatawakkaloona
Sideedaba mu’miniintu waa uun kuwa ay cabsato oo nuglaato quluubtoodu marka la xuso Alle 'weyneyn iyo ka heybeysi darti', marka Aayadahiisa loo akhriyona ay u kordhiyaan Iimaan; Rabbigood (Keliyana) tala saarta oo isku halleeya.
-
ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَمِمَّا رَزَقْنَـٰهُمْ يُنفِقُونَ٣
Allatheena yuqeemoona alssalata wamimma razaqnahum yunfiqoona
Ee ah kuwa ooga salaadda oo waxa aan siinnay wax ka bixiya (sadaqaysta).
-
أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُؤْمِنُونَ حَقًّا ۚ لَّهُمْ دَرَجَـٰتٌ عِندَ رَبِّهِمْ وَمَغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ٤
Olaika humu almuminoona haqqan lahum darajatun ʿinda rabbihim wamaghfiratun warizqun kareemun
Kuwaasi waa mu’miniinta runta ah. Waxay ku leeyihiin darajooyin 'sare' Rabbigood agtiisa, iyo denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan.
-
كَمَآ أَخْرَجَكَ رَبُّكَ مِنۢ بَيْتِكَ بِٱلْحَقِّ وَإِنَّ فَرِيقًا مِّنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ لَكَـٰرِهُونَ٥
Kama akhrajaka rabbuka min baytika bialhaqqi wainna fareeqan mina almumineena lakarihoona
Siduu Rabbigaa kaaga soo saaray gurigaaga si xaq ah1, inkastoo qaar ka mid ah mu’miniinta ay kahanayeen.
Sharaxa hoose
[1] Inaad u baxdo dagaalkii Badar waxay la mid tahay siduu kuu amray inaad ugu qaybiso qaniimooyinka dagaalka si xaq ah dhexdood, oo labaduba ahaa khayr. -
يُجَـٰدِلُونَكَ فِى ٱلْحَقِّ بَعْدَ مَا تَبَيَّنَ كَأَنَّمَا يُسَاقُونَ إِلَى ٱلْمَوْتِ وَهُمْ يَنظُرُونَ٦
Yujadiloonaka fee alhaqqi baʿdama tabayyana kaannama yusaqoona ila almawti wahum yanthuroona
Waxay kaala doodayeen1 xaqa kaddib markuu u caddaaday, (waxay baxeen) sidii iyagoo loo wado dhimasho iyagoo eegaya.
Sharaxa hoose
[1] Waxay tilmaameysaa dooddii dhex martay muslimiinta xagga qaybinta qaniimada dagaalka. Alle wuxuu u qaybshay qaniimooyinka si xaq ah sida uu u amrayba Nabiga s.c.w. inuu kaga baxo guriga oo u aado dagaalka Badar si xaq ah. Ad-Dabari waxaa ku qoran inay ka baxeen guriga iyagoo u socda dagaalka Badar. -
وَإِذْ يَعِدُكُمُ ٱللَّهُ إِحْدَى ٱلطَّآئِفَتَيْنِ أَنَّهَا لَكُمْ وَتَوَدُّونَ أَنَّ غَيْرَ ذَاتِ ٱلشَّوْكَةِ تَكُونُ لَكُمْ وَيُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُحِقَّ ٱلْحَقَّ بِكَلِمَـٰتِهِۦ وَيَقْطَعَ دَابِرَ ٱلْكَـٰفِرِينَ٧
Waith yaʿidukumu Allahu ihda alttaifatayni annaha lakum watawaddoona anna ghayra thati alshshawkati takoonu lakum wayureedu Allahu an yuhiqqa alhaqqa bikalimatihi wayaqtaʿa dabira alkafireena
(Xusuusta, mu’miniintoy) markuu Alle idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood1 inaad is-heli doontaan, waxaadna jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan2, Allena wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo gooyo cidhibta gaalada.
Sharaxa hoose
[1] Colka ka yimid Makkah ama safarkii badeecada siday ee ka yimid Suuriya. [2] Abuu Sufyaan wuxuu ka yimid safar Suuriya ah isagoo badeecad aad u tiro badan ka keenay. Qolo hubeysanna waxay ka yimaadeen xagga Makkah, waxaana hoggaaminayey Cutba bin Rabiicah, iyo Abuu Jahal. -
لِيُحِقَّ ٱلْحَقَّ وَيُبْطِلَ ٱلْبَـٰطِلَ وَلَوْ كَرِهَ ٱلْمُجْرِمُونَ٨
Liyuhiqqa alhaqqa wayubtila albatila walaw kariha almujrimoona
Si uu (Alle) u sugo Xaqa, oo u buriyo baa- dilka haba nacbeystaan denbiilayaashee.
-
إِذْ تَسْتَغِيثُونَ رَبَّكُمْ فَٱسْتَجَابَ لَكُمْ أَنِّى مُمِدُّكُم بِأَلْفٍ مِّنَ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةِ مُرْدِفِينَ٩
Ith tastagheethoona rabbakum faistajaba lakum annee mumiddukum bialfin mina almalaikati murdifeena
(Xusuusta) markaad gargaar weydiisateen Rabbigiin ee uu idinka aqbalay (ee yidhi): Waxaan idinku xoojin kun malaa’igta ka mid ah oo is daba joogta.
-
وَمَا جَعَلَهُ ٱللَّهُ إِلَّا بُشْرَىٰ وَلِتَطْمَئِنَّ بِهِۦ قُلُوبُكُمْ ۚ وَمَا ٱلنَّصْرُ إِلَّا مِنْ عِندِ ٱللَّهِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ١٠
Wama jaʿalahu Allahu illa bushra walitatmainna bihi quloobukum wama alnnasru illa min ʿindi Allahi inna Allaha ʿazeezun hakeemun
Kama uu yeelinna Alle waxaan ahayn bishaaro, iyo inay ku xasisho quluubtiinnu, oo ma jirto guul aan ka imaan xagga Alle. Hubaal Alle waa Adkaade Sare, Xakiim ah.
-
إِذْ يُغَشِّيكُمُ ٱلنُّعَاسَ أَمَنَةً مِّنْهُ وَيُنَزِّلُ عَلَيْكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً لِّيُطَهِّرَكُم بِهِۦ وَيُذْهِبَ عَنكُمْ رِجْزَ ٱلشَّيْطَـٰنِ وَلِيَرْبِطَ عَلَىٰ قُلُوبِكُمْ وَيُثَبِّتَ بِهِ ٱلْأَقْدَامَ١١
Ith yughashsheekumu alnnuʿasa amanatan minhu wayunazzilu ʿalaykum mina alssamai maan liyutahhirakum bihi wayuthhiba ʿankum rijza alshshaytani waliyarbita ʿala quloobikum wayuthabbita bihi alaqdama
(Xusuusta) markuu (Alle) sababay inay lulmo idin qabato, nabaadiino ahaan idiinka timid Xaggiisa, oo idiinkaga soo dejiyey biyo (roob) xagga daruuraha si uu idiinkugu daahiriyo, idiinkagana bi’iyo waswaaska Shaydaanka iyo si uu u xoojiyo quluubtiinna, oo idiinku sugo cagaha.
-
إِذْ يُوحِى رَبُّكَ إِلَى ٱلْمَلَـٰٓئِكَةِ أَنِّى مَعَكُمْ فَثَبِّتُوا۟ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ۚ سَأُلْقِى فِى قُلُوبِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ٱلرُّعْبَ فَٱضْرِبُوا۟ فَوْقَ ٱلْأَعْنَاقِ وَٱضْرِبُوا۟ مِنْهُمْ كُلَّ بَنَانٍ١٢
Ith yoohee rabbuka ila almalaikati annee maʿakum fathabbitoo allatheena amanoo saolqee fee quloobi allatheena kafaroo alrruʿba faidriboo fawqa alaʿnaqi waidriboo minhum kulla bananin
Markuu Rabbigaa u waxyooday malaa’igta: Anigu waa idin la jiraaye ee qalbi suga kuwa (Xaqa) rumeeyey. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaaloobay, ee ku dhufta luqumaha korkooda, kuna dhufta xubnaha far kasta oo ay leeyihiin1.
Sharaxa hoose
[1] Tani waxay ka dhacday dagaalka, ujeeddadana waa gooya qoorta, laakiin hadduu cadowga xidho canbuur bireedyo oo ay adkaato in qoorta la gooyo, markaa waxaa la goyn gacanta si uu u qaadi kari waayo hubka, sida seefta, waranka, qoriga, iwm. Sidoo kale foodaha waxaa loola jeedaa faraha gacmahooda iyo cagahooda. -
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ شَآقُّوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ ۚ وَمَن يُشَاقِقِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَإِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ١٣
Thalika biannahum shaqqoo Allaha warasoolahu waman yushaqiqi Allaha warasoolahu fainna Allaha shadeedu alʿiqabi
Maxaa yeelay waxay khilaafeen oo caasiyeen Alle iyo Rasuulkiisa. Qofkii khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal, Alle ciqaabkiisu wuu daran yahay.
-
ذَٰلِكُمْ فَذُوقُوهُ وَأَنَّ لِلْكَـٰفِرِينَ عَذَابَ ٱلنَّارِ١٤
Thalikum fathooqoohu waanna lilkafireena ʿathaba alnnari
Arrinkaas (cadaabka adduunka ah gaaloy) dhadhamiya, waxay kaloo gaaladu leeyihiin cadaab Naar ah (Aakhirada).
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ زَحْفًا فَلَا تُوَلُّوهُمُ ٱلْأَدْبَارَ١٥
Ya ayyuha allatheena amanoo itha laqeetumu allatheena kafaroo zahfan fala tuwalloohumu aladbara
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad la kulantaan kuwa gaaloobay oo duullaan ah dagaal dooni ha u jeedininna dhabarrada.
-
وَمَن يُوَلِّهِمْ يَوْمَئِذٍ دُبُرَهُۥٓ إِلَّا مُتَحَرِّفًا لِّقِتَالٍ أَوْ مُتَحَيِّزًا إِلَىٰ فِئَةٍ فَقَدْ بَآءَ بِغَضَبٍ مِّنَ ٱللَّهِ وَمَأْوَىٰهُ جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ١٦
Waman yuwallihim yawmaithin duburahu illa mutaharrifan liqitalin aw mutahayyizan ila fiatin faqad baa bighadabin mina Allahi wamawahu jahannamu wabisa almaseeru
Qofkii u jeediya dhabarkiisa maalinkaa inay tahay maahee xeel dagaal, ama inuu ku biirayo ciidan (uu ka tirsan yahay) wuxuu ku mudan taasi Cadho ah xagga Alle, hoygiisuna waa Jahannama, oo u xun meel la ahaado.
-
فَلَمْ تَقْتُلُوهُمْ وَلَـٰكِنَّ ٱللَّهَ قَتَلَهُمْ ۚ وَمَا رَمَيْتَ إِذْ رَمَيْتَ وَلَـٰكِنَّ ٱللَّهَ رَمَىٰ ۚ وَلِيُبْلِىَ ٱلْمُؤْمِنِينَ مِنْهُ بَلَآءً حَسَنًا ۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ١٧
Falam taqtuloohum walakinna Allaha qatalahum wama ramayta ith ramayta walakinna Allaha rama waliyubliya almumineena minhu balaan hasanan inna Allaha sameeʿun ʿaleemun
Idinku ma aydaan layn (gaalada), Alle baase laayey. Ma aadan ganayn1 markaad ganeysay (cadowga), wuxuuse ahaa Alle Kan Ganay, waa si uu Xaggiisa uga jarribo mu’miniinta jarribaad wanaagsan; hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Og.
Sharaxa hoose
[1] Markii uu Nabigu s.c.w. ku ganay gacan muggeed oo carro ah wejiyada gaalada, Alle wuxuu sababay inay buuxiso indhaha iyo sanka askari kasta oo ka mid ah gaalada, taasoo u diidday inay horay u soo dhaqaaqaan. -
ذَٰلِكُمْ وَأَنَّ ٱللَّهَ مُوهِنُ كَيْدِ ٱلْكَـٰفِرِينَ١٨
Thalikum waanna Allaha moohinu kaydi alkafireena
Arrinkaa (waa fal Ilaahay) welibana Alle waa liciifiyaha dabinka gaalada.
-
إِن تَسْتَفْتِحُوا۟ فَقَدْ جَآءَكُمُ ٱلْفَتْحُ ۖ وَإِن تَنتَهُوا۟ فَهُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ ۖ وَإِن تَعُودُوا۟ نَعُدْ وَلَن تُغْنِىَ عَنكُمْ فِئَتُكُمْ شَيْـًٔا وَلَوْ كَثُرَتْ وَأَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلْمُؤْمِنِينَ١٩
In tastaftihoo faqad jaakumu alfathu wain tantahoo fahuwa khayrun lakum wain taʿoodoo naʿud walan tughniya ʿankum fiatukum shayan walaw kathurat waanna Allaha maʿa almumineena
Haddaad (gaaloy) dalabteen xukun lagu kala baxo, haatan xukunka waa idiin yimid, haddaad joojisaanna (colaadda), waa sida idiin khayr roon, haddaad ku noqotaanna (dagaalka) innaguna sidoo kale waan soo rogaal celin, ciidamadiinnuna waxba idiin ma tarayaan si kastaba ha u tiro badnaadaane, (ogaadana) in Alle uu la jiro mu’mimiinta.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَا تَوَلَّوْا۟ عَنْهُ وَأَنتُمْ تَسْمَعُونَ٢٠
Ya ayyuha allatheena amanoo ateeʿoo Allaha warasoolahu wala tawallaw ʿanhu waantum tasmaʿoona
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, oo ha ka jeesannina Xaggiisa idinkoo maqlaya.
-
وَلَا تَكُونُوا۟ كَٱلَّذِينَ قَالُوا۟ سَمِعْنَا وَهُمْ لَا يَسْمَعُونَ٢١
Wala takoonoo kaallatheena qaloo samiʿna wahum la yasmaʿoona
Ha noqonnina sida kuwii yidhi: Maqallay, iyagoon waxba maqlayn.
-
۞ إِنَّ شَرَّ ٱلدَّوَآبِّ عِندَ ٱللَّهِ ٱلصُّمُّ ٱلْبُكْمُ ٱلَّذِينَ لَا يَعْقِلُونَ٢٢
Inna sharra alddawabbi ʿinda Allahi alssummu albukmu allatheena la yaʿqiloona
Hubaal, noole dhul ku socod ah waxaa Alle agtii ugu liita kuwa (ka) dhega la’ (xaqa), ee aan (xaq ku) hadlin ee aan waxba garanayn.
-
وَلَوْ عَلِمَ ٱللَّهُ فِيهِمْ خَيْرًا لَّأَسْمَعَهُمْ ۖ وَلَوْ أَسْمَعَهُمْ لَتَوَلَّوا۟ وَّهُم مُّعْرِضُونَ٢٣
Walaw ʿalima Allahu feehim khayran laasmaʿahum walaw asmaʿahum latawallaw wahum muʿridoona
Hadduu Alle ku og yahay wax khayr ah, wuu msqashiin lahaa (Xaqa), hadduu maqashiiyona, waa uun sii jeesan lahaayeen iyagoo sii siibanaya.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱسْتَجِيبُوا۟ لِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا دَعَاكُمْ لِمَا يُحْيِيكُمْ ۖ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ يَحُولُ بَيْنَ ٱلْمَرْءِ وَقَلْبِهِۦ وَأَنَّهُۥٓ إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ٢٤
Ya ayyuha allatheena amanoo istajeeboo lillahi walilrrasooli itha daʿakum lima yuhyeekum waiʿlamoo anna Allaha yahoolu bayna almari waqalbihi waannahu ilayhi tuhsharoona
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ajiiba (baaqa) Alle iyo Rasuul(kiisa) markuu idiinku yeedho wax idin nooleeya1, ogaadana inuu Alle kala dhex galo qofka iyo qalbigiisa, iyo in Xaggiisa la idin soo kulmin.
Sharaxa hoose
[1] Wuxuu idiinku yeedhayaa jihaadka iyo dagaal galka si ay kor u ahaato Kelmedda Alle oo u cisoobaan muslimiinta, sidoo kale macnaha waxaa weeye wuxuu idiinku yeerayaa iimaanka iyo hanuunka iyo jihaadka, iyo arrin kasta oo lagu liibaano adduun iyo aakhiraba. -
وَٱتَّقُوا۟ فِتْنَةً لَّا تُصِيبَنَّ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ مِنكُمْ خَآصَّةً ۖ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ٢٥
Waittaqoo fitnatan la tuseebanna allatheena thalamoo minkum khassatan waiʿlamoo anna Allaha shadeedu alʿiqabi
iska jira fidmo aan ugu dhaceyn si gaar ah kuwiinna idinka mid ah ee dulmiga fala1; oo ogaada in Alle uu Daran yahay Ciqaabkiisu.
Sharaxa hoose
[1] Tani waa digniin in ciqaabta ay mar walba sababteed tahay ku caasinta Alle iyo Rasuulkiisa. -
وَٱذْكُرُوٓا۟ إِذْ أَنتُمْ قَلِيلٌ مُّسْتَضْعَفُونَ فِى ٱلْأَرْضِ تَخَافُونَ أَن يَتَخَطَّفَكُمُ ٱلنَّاسُ فَـَٔاوَىٰكُمْ وَأَيَّدَكُم بِنَصْرِهِۦ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَـٰتِ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ٢٦
Waothkuroo ith antum qaleelun mustadʿafoona fee alardi takhafoona an yatakhattafakumu alnnasu faawakum waayyadakum binasrihi warazaqakum mina alttayyibati laʿallakum tashkuroona
Xusuusta markaad aheydeen kuwo tiro yar oo lagu daciifsado dhulka, cabsanaya si aan dadku idiin kala dafin, markaasuu idin siiyey hoy aamin ah oo idinku xoojiyey Gargaarkiisa, oo idin siiyey wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan inaad ku mahdisaan (Alle).
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَخُونُوا۟ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ وَتَخُونُوٓا۟ أَمَـٰنَـٰتِكُمْ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ٢٧
Ya ayyuha allatheena amanoo la takhoonoo Allaha waalrrasoola watakhoonoo amanatikum waantum taʿlamoona
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha khayaamina Alle iyo Rasuulka, hana khayaamina ammaanooyinkiinna idinkoo ogsoon.
-
وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّمَآ أَمْوَٰلُكُمْ وَأَوْلَـٰدُكُمْ فِتْنَةٌ وَأَنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥٓ أَجْرٌ عَظِيمٌ٢٨
Waiʿlamoo annama amwalukum waawladukum fitnatun waanna Allaha ʿindahu ajrun ʿatheemun
Oo ogaada in maalkiinna iyo carruurtiinu ay yihiin fidmo (imtixaan) iyo in Alle agtiisa yahay Abaalgud weyn (Janno).
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِن تَتَّقُوا۟ ٱللَّهَ يَجْعَل لَّكُمْ فُرْقَانًا وَيُكَفِّرْ عَنكُمْ سَيِّـَٔاتِكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ۗ وَٱللَّهُ ذُو ٱلْفَضْلِ ٱلْعَظِيمِ٢٩
Ya ayyuha allatheena amanoo in tattaqoo Allaha yajʿal lakum furqanan wayukaffir ʿankum sayyiatikum wayaghfir lakum waAllahu thoo alfadli alʿatheemi
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad Alle ka cabsataan (oo dhowrtaan amarradiisa), Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), idinkana tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Kan iska leh Fadliga Weyn.
-
وَإِذْ يَمْكُرُ بِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِيُثْبِتُوكَ أَوْ يَقْتُلُوكَ أَوْ يُخْرِجُوكَ ۚ وَيَمْكُرُونَ وَيَمْكُرُ ٱللَّهُ ۖ وَٱللَّهُ خَيْرُ ٱلْمَـٰكِرِينَ٣٠
Waith yamkuru bika allatheena kafaroo liyuthbitooka aw yaqtulooka aw yukhrijooka wayamkuroona wayamkuru Allahu waAllahu khayru almakireena
(Xusuusta, Nabiyow) markay galaadu kuu tab dhigeen si ay kuu xidhaan, ama kuu dilaan ama kuu saaraan debedda; way tab dhigeen, Allena wuu tab dhigay. Alle waa kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa.
-
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَـٰتُنَا قَالُوا۟ قَدْ سَمِعْنَا لَوْ نَشَآءُ لَقُلْنَا مِثْلَ هَـٰذَآ ۙ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّآ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ٣١
Waitha tutla ʿalayhim ayatuna qaloo qad samiʿna law nashao laqulna mithla hatha in hatha illa asateeru alawwaleena
Marka loo akhriyo Aayadahayaga, waxay yidhaahdaan: Waan maqallay (Qur’aanka); haddaan doonno waxaan odhan karnaa kanoo kale. (Waxa)kani ma aha waxaan aheyn sheeko - xariirtii dadkii hore.
-
وَإِذْ قَالُوا۟ ٱللَّهُمَّ إِن كَانَ هَـٰذَا هُوَ ٱلْحَقَّ مِنْ عِندِكَ فَأَمْطِرْ عَلَيْنَا حِجَارَةً مِّنَ ٱلسَّمَآءِ أَوِ ٱئْتِنَا بِعَذَابٍ أَلِيمٍ٣٢
Waith qaloo allahumma in kana hatha huwa alhaqqa min ʿindika faamtir ʿalayna hijaratan mina alssamai awi itina biʿathabin aleemin
(Xusuusta) markay yidhaahdeen (jees jees ahaan): Allahayow! Hadduu (Qur’aan)kani xaq yahay Adiga kaa yimid, nagaga soo daadi dhagaxyo roob oo kale ah xagga cirka ama noo keen cadaab xanuun badan (inaan beeninnay darteed).
-
وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُعَذِّبَهُمْ وَأَنتَ فِيهِمْ ۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ مُعَذِّبَهُمْ وَهُمْ يَسْتَغْفِرُونَ٣٣
Wama kana Allahu liyuʿaththibahum waanta feehim wama kana Allahu muʿaththibahum wahum yastaghfiroona
Ma ahase Alle mid cadaabaya – adigoo dhex jooga, mana aha mid cadaabaya iyagoo denbi dhaaf dalbi1.
Sharaxa hoose
[1] Ibnu Cabbaas a.k.r. wuxuu yidhi: Waxaa jiray labo ammaan, Nabiga iyo denbi dhaaf dalabka, Nabigii waa tagay oo Alle baa oofsaday, marka waxaa haray denbi dhaaf dalabka. -
وَمَا لَهُمْ أَلَّا يُعَذِّبَهُمُ ٱللَّهُ وَهُمْ يَصُدُّونَ عَنِ ٱلْمَسْجِدِ ٱلْحَرَامِ وَمَا كَانُوٓا۟ أَوْلِيَآءَهُۥٓ ۚ إِنْ أَوْلِيَآؤُهُۥٓ إِلَّا ٱلْمُتَّقُونَ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ٣٤
Wama lahum alla yuʿaththibahumu Allahu wahum yasuddoona ʿani almasjidi alharami wama kanoo awliyaahu in awliyaohu illa almuttaqoona walakinna aktharahum la yaʿlamoona
Maxay se (cudur daar) leeyihiin si uusan Alle u cadaabin iyagoo ka hor istaaga (dadka) Masjidka Xurmadda gaarka ahi leh, umana suubbadaan inay ahaadaan ehelkiisa? Ehelkiisu ma aha waxaan aheyn kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha), badankooduse ma oga.
-
وَمَا كَانَ صَلَاتُهُمْ عِندَ ٱلْبَيْتِ إِلَّا مُكَآءً وَتَصْدِيَةً ۚ فَذُوقُوا۟ ٱلْعَذَابَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ٣٥
Wama kana salatuhum ʿinda albayti illa mukaan watasdiyatan fathooqoo alʿathaba bima kuntum takfuroona
Salaaddooda Beytka (Kacbada) agtiisa ma ahayn waxaan aheyn foodhi iyo sacabbo tun. Ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinna darteed.
-
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يُنفِقُونَ أَمْوَٰلَهُمْ لِيَصُدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ۚ فَسَيُنفِقُونَهَا ثُمَّ تَكُونُ عَلَيْهِمْ حَسْرَةً ثُمَّ يُغْلَبُونَ ۗ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِلَىٰ جَهَنَّمَ يُحْشَرُونَ٣٦
Inna allatheena kafaroo yunfiqoona amwalahum liyasuddoo ʿan sabeeli Allahi fasayunfiqoonaha thumma takoonu ʿalayhim hasratan thumma yughlaboona waallatheena kafaroo ila jahannama yuhsharoona
Hubaal kuwa gaaloobay waxay ku bixiyaan maalkooda si ay uga hor istaagaan (dadka) Jidka Alle, sidaasayna wax ugu bixin doonaan; misna waxay ku noqon qoomamo daran, misna waa laga adkaan. Gaaladana xagga Jahannama baa loo taxaabi.
-
لِيَمِيزَ ٱللَّهُ ٱلْخَبِيثَ مِنَ ٱلطَّيِّبِ وَيَجْعَلَ ٱلْخَبِيثَ بَعْضَهُۥ عَلَىٰ بَعْضٍ فَيَرْكُمَهُۥ جَمِيعًا فَيَجْعَلَهُۥ فِى جَهَنَّمَ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْخَـٰسِرُونَ٣٧
Liyameeza Allahu alkhabeetha mina alttayyibi wayajʿala alkhabeetha baʿdahu ʿala baʿdin fayarkumahu jameeʿan fayajʿalahu fee jahannama olaika humu alkhasiroona
Waa si uu Alle uga sooco kuwa xun, kuwa wanaagsan, oo kuwa xun is dul saaro qaarkoodba qaarka kale, oo isku raseeyo dhammaantood, uuna yeelo Jahannama gudaheeda. kuwaa weeye kuwa khasaaray.
-
قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِن يَنتَهُوا۟ يُغْفَرْ لَهُم مَّا قَدْ سَلَفَ وَإِن يَعُودُوا۟ فَقَدْ مَضَتْ سُنَّتُ ٱلْأَوَّلِينَ٣٨
Qul lillatheena kafaroo in yantahoo yughfar lahum ma qad salafa wain yaʿoodoo faqad madat sunnatu alawwaleena
Ku dheh kuwa gaalooba, hadday ka haraan (gaalnimada iyo dagaalka) waxaa loo dhaafi wixii horay uga dhacay1 . Hadday se u noqdaan (dagaalka), waxaa sugaya jidka kuwii hore (ee la halaagay).
Sharaxa hoose
[1] Ibnu Mascuud a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nin baa wuxuu yidhi: Rasuul Allow, Miyaa naloo raacanayaa wixii aynu falnay waagii jaahiliyadda (gaalnimda)? Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofkii ay fiicnaato islaamnimadiisu oo u dhaqma Islaamka gudahiisa si suubbanaan ah, looma raacanayo wixii uu falay waagii jaahiliyadda. Qofkiina kula yimaada shirki iyo waxyaalo xun oo macaasi ah Islaamka gudahi waxaa loo raacanayaa kii hore iyo kii dambeba. (W.w. Al-Bukhaari). -
وَقَـٰتِلُوهُمْ حَتَّىٰ لَا تَكُونَ فِتْنَةٌ وَيَكُونَ ٱلدِّينُ كُلُّهُۥ لِلَّهِ ۚ فَإِنِ ٱنتَهَوْا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ بِمَا يَعْمَلُونَ بَصِيرٌ٣٩
Waqatiloohum hatta la takoona fitnatun wayakoona alddeenu kulluhu lillahi faini intahaw fainna Allaha bima yaʿmaloona baseerun
La dagaallama (gaalada) jeer la waayo fidno (shirki, gaalnimo, caddibaad), oo diinta (daacadda iyo cibaadada) uu yeesho Alle Keliya.Haddayse joojiyaan (shirkiga iyo gaalnimada), Alle waa arkaa waxay falaan.
-
وَإِن تَوَلَّوْا۟ فَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ مَوْلَىٰكُمْ ۚ نِعْمَ ٱلْمَوْلَىٰ وَنِعْمَ ٱلنَّصِيرُ٤٠
Wain tawallaw faiʿlamoo anna Allaha mawlakum niʿma almawla waniʿma alnnaseeru
Hadday (ka) jeesadaanna (Iimaanka), ogaada in Alle yahay Mudanahiin, Wanaag badanaa mudanuhu, wanaag badanaana gargaarahu.
-
۞ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّمَا غَنِمْتُم مِّن شَىْءٍ فَأَنَّ لِلَّهِ خُمُسَهُۥ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِى ٱلْقُرْبَىٰ وَٱلْيَتَـٰمَىٰ وَٱلْمَسَـٰكِينِ وَٱبْنِ ٱلسَّبِيلِ إِن كُنتُمْ ءَامَنتُم بِٱللَّهِ وَمَآ أَنزَلْنَا عَلَىٰ عَبْدِنَا يَوْمَ ٱلْفُرْقَانِ يَوْمَ ٱلْتَقَى ٱلْجَمْعَانِ ۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ٤١
Waiʿlamoo annama ghanimtum min shayin faanna lillahi khumusahu walilrrasooli walithee alqurba waalyatama waalmasakeeni waibni alssabeeli in kuntum amantum biAllahi wama anzalna ʿala ʿabdina yawma alfurqani yawma iltaqa aljamʿani waAllahu ʿala kulli shayin qadeerun
Ogaada in waxaad qaniimeysataan, in Alle leeyahay shan meeloodoo meel1, iyo Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka) iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo socotada (go’doonsan), haddaad rumeysan tihiin Alle iyo waxa aanu ku soo dejinnay oo Waxyi ah addoonkayaga (Nabi Muxammad) maalintii kala baxa2, maalintay kulmeen labadii ciidan. Alle wax walba wuu Karaa.
Sharaxa hoose
[1] Qaniimo waa maalka lagaga helo gaalada dagaal jihaad ah Jidka Alle, maalkase laga helo gaalada dagaal la’aan waxaa la yidhaahdaa fay, qaybinta Aayaddan waxay ka hadleysaa oo keliya qaniimada dagaalka: Shan meel marka loo dhigo, meel waxaa leh oo la siinayaa: 1- Allaah iyo Rasuulkiisa (waxaa lagu bixin arrinka Alle iyo xoojinta diinta). 2. Agoomaha 3. Musaafirka go’doonsan, qaxootiga iyo soo galootiga dhoofka ku yimid ee shisheeyaha ah), 4. Qaraabada Rasuulka (Banuu haashim iyo Banuu Muddalib) 5. Masaakiinta. Afarta meeleedoo kale waxaa loo qaybin dagaal yahnnada ka soo qayb galay dagaalka. [2] Maalinta kulanka labo kooxood ay ku kulmeen dagaalkii Badar waxay ahayd maalin Jumca ah bisha Ramadaan tahay 17, sannadkii labaad ee Hijrada, mufasiriinta qaarkood waxay qabaan in Aayaddan ay tilmaameyso markii u horreysey uu soo dego Qur’aanka oo ahayd 17 bishii Ramadaan. -
إِذْ أَنتُم بِٱلْعُدْوَةِ ٱلدُّنْيَا وَهُم بِٱلْعُدْوَةِ ٱلْقُصْوَىٰ وَٱلرَّكْبُ أَسْفَلَ مِنكُمْ ۚ وَلَوْ تَوَاعَدتُّمْ لَٱخْتَلَفْتُمْ فِى ٱلْمِيعَـٰدِ ۙ وَلَـٰكِن لِّيَقْضِىَ ٱللَّهُ أَمْرًا كَانَ مَفْعُولًا لِّيَهْلِكَ مَنْ هَلَكَ عَنۢ بَيِّنَةٍ وَيَحْيَىٰ مَنْ حَىَّ عَنۢ بَيِّنَةٍ ۗ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَسَمِيعٌ عَلِيمٌ٤٢
Ith antum bialʿudwati alddunya wahum bialʿudwati alquswa waalrrakbu asfala minkum walaw tawaʿadtum laikhtalaftum fee almeeʿadi walakin liyaqdiya Allahu amran kana mafʿoolan liyahlika man halaka ʿan bayyinatin wayahya man hayya ʿan bayyinatin wainna Allaha lasameeʿun ʿaleemun
(Xusuusta) markaad idinku joogteen docda soke 'ee togga'1, iyaguna ay joogeen docda shishe, halka safarkii badeecadda siday idinka hooseeyay. Haddaad goosan laheydeen waqti aad dhexdiinna ku ballantaan, waad seegi laheydeen ballankaas, laakiinse (waad is hesheen) si Alle u fuliyo arrin horey uu u qaddaray; si ciddii halaagsami si cad ugu halaagsanto, ciddii noolaanna si cad ugu noolaato. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
Sharaxa hoose
[1] Muslimiinta waxay ku sugnaayeen waqtigaa dhinaca togga u dhow Madiina, halka gaalada joogeen dhinaca kale ee togga ee ka fog Madiina, safarkiise badeecadda siday ee Abuu Sufyaan wuxuu soo marayey xeebta badda oo 5 mayl u jirta Badar. -
إِذْ يُرِيكَهُمُ ٱللَّهُ فِى مَنَامِكَ قَلِيلًا ۖ وَلَوْ أَرَىٰكَهُمْ كَثِيرًا لَّفَشِلْتُمْ وَلَتَنَـٰزَعْتُمْ فِى ٱلْأَمْرِ وَلَـٰكِنَّ ٱللَّهَ سَلَّمَ ۗ إِنَّهُۥ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ٤٣
Ith yureekahumu Allahu fee manamika qaleelan walaw arakahum katheeran lafashiltum walatanazaʿtum fee alamri walakinna Allaha sallama innahu ʿaleemun bithati alssudoori
Markuu Alle idinku tusay riyaadada inay tiro yar yihiin, hadduu idin tusi lahaa iyagoo tiro badan, waad qalbi jabi laheydeen, oo aad isku qabsan lahaydeen arrinka. Alle baase (idinka) badbaadshay. Hubaal (Alle) waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha (dadka).
-
وَإِذْ يُرِيكُمُوهُمْ إِذِ ٱلْتَقَيْتُمْ فِىٓ أَعْيُنِكُمْ قَلِيلًا وَيُقَلِّلُكُمْ فِىٓ أَعْيُنِهِمْ لِيَقْضِىَ ٱللَّهُ أَمْرًا كَانَ مَفْعُولًا ۗ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرْجَعُ ٱلْأُمُورُ٤٤
Waith yureekumoohum ithi iltaqaytum fee aʿyunikum qaleelan wayuqallilukum fee aʿyunihim liyaqdiya Allahu amran kana mafʿoolan waila Allahi turjaʿu alomooru
(Xusuusta) markuu idinku tusayey, markaad kulanteen wax tiro yar oo kale indhihiinna, wuxuuna idinka yeelay inaad ugu muuqataan wax tiro yar indhahooda, si uu Alle u fuliyo arrin horay uu u qaddaray. Alle baa loo celiyaa umuurahoo dhan.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا لَقِيتُمْ فِئَةً فَٱثْبُتُوا۟ وَٱذْكُرُوا۟ ٱللَّهَ كَثِيرًا لَّعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ٤٥
Ya ayyuha allatheena amanoo itha laqeetum fiatan faothbutoo waothkuroo Allaha katheeran laʿallakum tuflihoona
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad la kulantaan ciidan (cadow ah) sugnaada, xusana Alle in badan inaad liibaantaan.
-
وَأَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَا تَنَـٰزَعُوا۟ فَتَفْشَلُوا۟ وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ ۖ وَٱصْبِرُوٓا۟ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلصَّـٰبِرِينَ٤٦
Waateeʿoo Allaha warasoolahu wala tanazaʿoo fatafshaloo watathhaba reehukum waisbiroo inna Allaha maʿa alssabireena
Adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, oo ha murmina, yeydaan niyad jabine, xooggiinnu- nu tegin, oo samra. Hubaal Alle wuxuu la jiraa kuwa samra.
-
وَلَا تَكُونُوا۟ كَٱلَّذِينَ خَرَجُوا۟ مِن دِيَـٰرِهِم بَطَرًا وَرِئَآءَ ٱلنَّاسِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ۚ وَٱللَّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطٌ٤٧
Wala takoonoo kaallatheena kharajoo min diyarihim bataran wariaa alnnasi wayasuddoona ʿan sabeeli Allahi waAllahu bima yaʿmaloona muheetun
Ha la mid noqonnina sidii kuwaa uga soo baxay guryahooda kibir iyo istuska dadka, oo ka hor istaaga (dadka) jidka Alle1. Alle wuu koobaa waxay falaan.
Sharaxa hoose
[1] Dagaalkooda Muslimiinta wuxuu ahaa si ay u difaacaan diinta iyo qaadasho Amarka Alle, halka gaalada ay u dagaalamayeen kibir iyo qooq iyo qabyaalad iyo arrimo jaahiliyad iyo dano adduunyo iyo faan. -
وَإِذْ زَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيْطَـٰنُ أَعْمَـٰلَهُمْ وَقَالَ لَا غَالِبَ لَكُمُ ٱلْيَوْمَ مِنَ ٱلنَّاسِ وَإِنِّى جَارٌ لَّكُمْ ۖ فَلَمَّا تَرَآءَتِ ٱلْفِئَتَانِ نَكَصَ عَلَىٰ عَقِبَيْهِ وَقَالَ إِنِّى بَرِىٓءٌ مِّنكُمْ إِنِّىٓ أَرَىٰ مَا لَا تَرَوْنَ إِنِّىٓ أَخَافُ ٱللَّهَ ۚ وَٱللَّهُ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ٤٨
Waith zayyana lahumu alshshaytanu aʿmalahum waqala la ghaliba lakumu alyawma mina alnnasi wainnee jarun lakum falamma taraati alfiatani nakasa ʿala ʿaqibayhi waqala innee bareeon minkum innee ara ma la tarawna innee akhafu Allaha waAllahu shadeedu alʿiqabi
(Xusuuso) markuu shaydaanku u qurxiyey acmaashooda (xun) oo yidhi: "Ma jiro maanta cid ka mid ah dadka oo idinka adkaan karta, anigaana ah ilaaliyahiinna". Markayse is arkeen labadii kooxood ayuu u gurtay cidhbahiisa oo yidhi, "anigu barii baan idinka ahay. Waxaan anigu arkaa wax aydaan arag. Waxaan anigu ka cabsan Alle, Alle Ciqaabkiisu wuu daran yahay".
-
إِذْ يَقُولُ ٱلْمُنَـٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ غَرَّ هَـٰٓؤُلَآءِ دِينُهُمْ ۗ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ٤٩
Ith yaqoolu almunafiqoona waallatheena fee quloobihim maradun gharra haolai deenuhum waman yatawakkal ʿala Allahi fainna Allaha ʿazeezun hakeemun
Markay munaafiqiintu iyo kuwa uu ku jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) quluubtooda yidhaahdeen: kuwaani diintooda baa hodday. Qofkiise tala saarta Alle, hubaal, Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
-
وَلَوْ تَرَىٰٓ إِذْ يَتَوَفَّى ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ۙ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ يَضْرِبُونَ وُجُوهَهُمْ وَأَدْبَـٰرَهُمْ وَذُوقُوا۟ عَذَابَ ٱلْحَرِيقِ٥٠
Walaw tara ith yatawaffa allatheena kafaroo almalaikatu yadriboona wujoohahum waadbarahum wathooqoo ʿathaba alhareeqi
Haddaad arki lahayd markay malaa'igtu nafta ka qaadeyso kuwa gaaloobay iyagoo ka garaacaya wajiyadooda iyo dhabarradooda (oo ku leh): Dhadhamiya cadaabka gubashada1.
Sharaxa hoose
[1] Weedha waxaa laga tagay iyadoo aan la dhammeystirin waana si loo fahmo inta ka harsan iyadoo aan la xusin. Gunaanadkeeda waxaa looga tagay inay suureystaan akhristaha ama dhageystaha, waxayna u dhaceysaa: waxaad arkeysaa muuqaal naxdin leh.” -
ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيكُمْ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَيْسَ بِظَلَّـٰمٍ لِّلْعَبِيدِ٥١
Thalika bima qaddamat aydeekum waanna Allaha laysa bithallamin lilʿabeedi
Arrinkaasi waa waxay gacmihiinnu hormarsadeen awgii, iyo in Alle aanu ahayn mid dulmiya addoomahiisa.
-
كَدَأْبِ ءَالِ فِرْعَوْنَ ۙ وَٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمْ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِىٌّ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ٥٢
Kadabi ali firʿawna waallatheena min qablihim kafaroo biayati Allahi faakhathahumu Allahu bithunoobihim inna Allaha qawiyyun shadeedu alʿiqabi
Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: waxay ku gaaloobeen Aayadaha Alle, markaasuu Alle u halaagay denbiyadoodii awgood. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Ciqaab Adag.
-
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ لَمْ يَكُ مُغَيِّرًا نِّعْمَةً أَنْعَمَهَا عَلَىٰ قَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا۟ مَا بِأَنفُسِهِمْ ۙ وَأَنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ٥٣
Thalika bianna Allaha lam yaku mughayyiran niʿmatan anʿamaha ʿala qawmin hatta yughayyiroo ma bianfusihim waanna Allaha sameeʿun ʿaleemun
Arrinkaa wa inaan Alle marnaba beddelin nicmad uu siiyey qolo jeer ay beddelaan iyaga xaalkooda; iyo inuu Alle yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
-
كَدَأْبِ ءَالِ فِرْعَوْنَ ۙ وَٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ رَبِّهِمْ فَأَهْلَكْنَـٰهُم بِذُنُوبِهِمْ وَأَغْرَقْنَآ ءَالَ فِرْعَوْنَ ۚ وَكُلٌّ كَانُوا۟ ظَـٰلِمِينَ٥٤
Kadabi ali firʿawna waallatheena min qablihim kaththaboo biayati rabbihim faahlaknahum bithunoobihim waaghraqna ala firʿawna wakullun kanoo thalimeena
Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: Waxay beeniyeen Aayadahii Rabbigood, markaas baan u halaagnay denbiyadoodii awgood, waxaana harqinnay qolodii Fircoon, oo waxay kulligood ahaayeen daalimiin.
-
إِنَّ شَرَّ ٱلدَّوَآبِّ عِندَ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ٥٥
Inna sharra alddawabbi ʿinda Allahi allatheena kafaroo fahum la yuminoona
Xaqiiq kuwa u sharka badan noolayaasha dhulka ku socda Alle agti waa gaalada, marka ma ay rumeynayaan.
-
ٱلَّذِينَ عَـٰهَدتَّ مِنْهُمْ ثُمَّ يَنقُضُونَ عَهْدَهُمْ فِى كُلِّ مَرَّةٍ وَهُمْ لَا يَتَّقُونَ٥٦
Allatheena ʿahadta minhum thumma yanqudoona ʿahdahum fee kulli marratin wahum la yattaqoona
Kuwa aad la gasho axdiga, haddana jebiya axdigooda mar waliba, oo aan iska jirin (Cadaabka Alle iyo Cadhadi).
-
فَإِمَّا تَثْقَفَنَّهُمْ فِى ٱلْحَرْبِ فَشَرِّدْ بِهِم مَّنْ خَلْفَهُمْ لَعَلَّهُمْ يَذَّكَّرُونَ٥٧
Faimma tathqafannahum fee alharbi fasharrid bihim man khalfahum laʿallahum yaththakkaroona
Ee haddaad ku hesho dagaal kala firdhi (adigoo tusaale uga dhigaya) kuwa ka dambeeya1, bal inay waantoobaan.
Sharaxa hoose
[1] Waa dila oo laaya oo tusaale ka dhiga lagu cibrad qaaato si aad u niyad jebisaan kuwa soo raaci lahaa. -
وَإِمَّا تَخَافَنَّ مِن قَوْمٍ خِيَانَةً فَٱنۢبِذْ إِلَيْهِمْ عَلَىٰ سَوَآءٍ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلْخَآئِنِينَ٥٨
Waimma takhafanna min qawmin khiyanatan fainbith ilayhim ʿala sawain inna Allaha la yuhibbu alkhaineena
Haddaad ka cabsato khiyaano xagga qolo 'axdi idinka dhexeeyey'1, u tuur (axdigooda), oo u sheeg si aad uga sinnaataan wargelinta (in axdi idin dhex yaalla jirin). Hubaal, Alle ma jecla khaa’imiinta.
Sharaxa hoose
[1] Markaad ka aragto calaamado muujinaysa khiyaano kuwaas aad la gashay heshiiska, ogeysii inaad ka baxday ballantii idiin dhexeysey si ay u ogaadaan halka ay istaagayaan. -
وَلَا يَحْسَبَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ سَبَقُوٓا۟ ۚ إِنَّهُمْ لَا يُعْجِزُونَ٥٩
Wala yahsabanna allatheena kafaroo sabaqoo innahum la yuʿjizoona
Yeysan moodinna gaalada inay hormareen (macnaha waa ha ka cabsan ku hormarkooda heerarka adduun ama hubka). Hubaal (Alle) kama baxsan karaan1.
Sharaxa hoose
[1] Wuuna soo qaban meelay gaaraanba. -
وَأَعِدُّوا۟ لَهُم مَّا ٱسْتَطَعْتُم مِّن قُوَّةٍ وَمِن رِّبَاطِ ٱلْخَيْلِ تُرْهِبُونَ بِهِۦ عَدُوَّ ٱللَّهِ وَعَدُوَّكُمْ وَءَاخَرِينَ مِن دُونِهِمْ لَا تَعْلَمُونَهُمُ ٱللَّهُ يَعْلَمُهُمْ ۚ وَمَا تُنفِقُوا۟ مِن شَىْءٍ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ يُوَفَّ إِلَيْكُمْ وَأَنتُمْ لَا تُظْلَمُونَ٦٠
Waaʿiddoo lahum ma istataʿtum min quwwatin wamin ribati alkhayli turhiboona bihi ʿaduwwa Allahi waʿaduwwakum waakhareena min doonihim la taʿlamoonahumu Allahu yaʿlamuhum wama tunfiqoo min shayin fee sabeeli Allahi yuwaffa ilaykum waantum la tuthlamoona
U diyaarsada waxaad kartaan oo xoog ah (sida sawaariikhda, gantaallada) iyo fardo u heegan ah (dagaal, gawaari gaashaaman, diyaarado iyo doomo dheereeya) si aad ugu cabsi gelisaan cadowga Alle iyo cadowgiinna iyo kuwo kale oo ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Alle baase og. Waxaad ku bixisaanna Jidka Alle waa la idiin gudi si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmin.
-
۞ وَإِن جَنَحُوا۟ لِلسَّلْمِ فَٱجْنَحْ لَهَا وَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ ۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ٦١
Wain janahoo lilssalmi faijnah laha watawakkal ʿala Allahi innahu huwa alssameeʿu alʿaleemu
Hadday u iishaan gaalada xagga nabadda, markaa adiguna u iilo, oo Alle talo saaro. hubaal, waa wax Kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
-
وَإِن يُرِيدُوٓا۟ أَن يَخْدَعُوكَ فَإِنَّ حَسْبَكَ ٱللَّهُ ۚ هُوَ ٱلَّذِىٓ أَيَّدَكَ بِنَصْرِهِۦ وَبِٱلْمُؤْمِنِينَ٦٢
Wain yureedoo an yakhdaʿooka fainna hasbaka Allahu huwa allathee ayyadaka binasrihi wabialmumineena
Hadday doonaanna inay ku dhagraan, waxaa kugu Filan Alle, Isaga weeye Kan kugu xoojiyey Gargaarkiisa iyo mu’miniintaba.
-
وَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ ۚ لَوْ أَنفَقْتَ مَا فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا مَّآ أَلَّفْتَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ وَلَـٰكِنَّ ٱللَّهَ أَلَّفَ بَيْنَهُمْ ۚ إِنَّهُۥ عَزِيزٌ حَكِيمٌ٦٣
Waallafa bayna quloobihim law anfaqta ma fee alardi jameeʿan ma allafta bayna quloobihim walakinna Allaha allafa baynahum innahu ʿazeezun hakeemun
Oo isu soo dumay quluubtooda. Haddaad bixin lahayd waxa yaal dhulka oo dhan, ma aadan karteen inaad mideyso quluubtooda, Alle baase mideeyey. Hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ حَسْبُكَ ٱللَّهُ وَمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ٦٤
Ya ayyuha alnnabiyyu hasbuka Allahu wamani ittabaʿaka mina almumineena
Nabiyow! Waxaa kugu Filan Allaah, adiga iyo mu’miniinta ku raacdayba.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ حَرِّضِ ٱلْمُؤْمِنِينَ عَلَى ٱلْقِتَالِ ۚ إِن يَكُن مِّنكُمْ عِشْرُونَ صَـٰبِرُونَ يَغْلِبُوا۟ مِا۟ئَتَيْنِ ۚ وَإِن يَكُن مِّنكُم مِّا۟ئَةٌ يَغْلِبُوٓا۟ أَلْفًا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَّا يَفْقَهُونَ٦٥
Ya ayyuha alnnabiyyu harridi almumineena ʿala alqitali in yakun minkum ʿishroona sabiroona yaghliboo miatayni wain yakun minkum miatun yaghliboo alfan mina allatheena kafaroo biannahum qawmun la yafqahoona
Nabiyow! Ku guubaabi mu’miniinta inay dagaallamaan. Hadday idinka mid yihiin labaatan samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan labo boqol, hadday idinka mid yihiin boqol (samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan kun kuwa gaaloobay ah1, waayo waa dad aan wax fahmayn.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha waa qofkii wuxuu ku aadi toban iyaga ah. -
ٱلْـَٔـٰنَ خَفَّفَ ٱللَّهُ عَنكُمْ وَعَلِمَ أَنَّ فِيكُمْ ضَعْفًا ۚ فَإِن يَكُن مِّنكُم مِّا۟ئَةٌ صَابِرَةٌ يَغْلِبُوا۟ مِا۟ئَتَيْنِ ۚ وَإِن يَكُن مِّنكُمْ أَلْفٌ يَغْلِبُوٓا۟ أَلْفَيْنِ بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۗ وَٱللَّهُ مَعَ ٱلصَّـٰبِرِينَ٦٦
Alana khaffafa Allahu ʿankum waʿalima anna feekum daʿfan fain yakun minkum miatun sabiratun yaghliboo miatayni wain yakun minkum alfun yaghliboo alfayni biithni Allahi waAllahu maʿa alssabireena
Haatan Alle wuu idinka fududeeyey cuelyskiinna, wuxuu og yahay inaad tabar yar tihiin. Ee hadday idinka mid yihiin boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan labo boqol, oo hadday idinka mid yihiin kun (samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan labo kun Alle Idankii1. Alle wuxuu la jiraa kuwa ah samrayaasha.
Sharaxa hoose
[1] Waa qofkii wuxuu ku aadi labo iyaga ah. -
مَا كَانَ لِنَبِىٍّ أَن يَكُونَ لَهُۥٓ أَسْرَىٰ حَتَّىٰ يُثْخِنَ فِى ٱلْأَرْضِ ۚ تُرِيدُونَ عَرَضَ ٱلدُّنْيَا وَٱللَّهُ يُرِيدُ ٱلْـَٔاخِرَةَ ۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ٦٧
Ma kana linabiyyin an yakoona lahu asra hatta yuthkhina fee alardi tureedoona ʿarada alddunya waAllahu yureedu alakhirata waAllahu ʿazeezun hakeemun
Kuma habboona Nabi inuu soo qaato qafaal (dagaal) ilaa uu horta ku laayo (cadowyada Alle) arlada oo ka jilciyo. Waxaad rabtaan (waa muslimiinta qaar) alaabta dhammaaneysa ee nolosha adduunyadan, wuxuuse Alle (idinla) rabaa Aakhirada. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
-
لَّوْلَا كِتَـٰبٌ مِّنَ ٱللَّهِ سَبَقَ لَمَسَّكُمْ فِيمَآ أَخَذْتُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ٦٨
Lawla kitabun mina Allahi sabaqa lamassakum feema akhathtum ʿathabun ʿatheemun
Haddaanu jiri lahayn xukun xagga Alle ah ee hore uu u gooyey1, waxaa idinku soo gaari lahaa waxaad qaadateen cadaab daran.
Sharaxa hoose
[1] Seddex siyaalood baa loo fasiray weedha xukun xagge Alle ah oo aan halkan ku xuseyno: 1.kaasoo lagu cafiyey asxaabtii Badar, 2. in gefafka aan ula kaca ahayn loo ciqaabin, 3. in la idiin banneeyey qaniimooyinka dagaalka. -
فَكُلُوا۟ مِمَّا غَنِمْتُمْ حَلَـٰلًا طَيِّبًا ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ٦٩
Fakuloo mimma ghanimtum halalan tayyiban waittaqoo Allaha inna Allaha ghafoorun raheemun
Cuna waxa xalaasha ah wanaagsan aad heshaan ee qaniimo dagaal ah. Alle ka cabsada (oo dhowra Amarradiisa). Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ قُل لِّمَن فِىٓ أَيْدِيكُم مِّنَ ٱلْأَسْرَىٰٓ إِن يَعْلَمِ ٱللَّهُ فِى قُلُوبِكُمْ خَيْرًا يُؤْتِكُمْ خَيْرًا مِّمَّآ أُخِذَ مِنكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ۗ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ٧٠
Ya ayyuha alnnabiyyu qul liman fee aydeekum mina alasra in yaʿlami Allahu fee quloobikum khayran yutikum khayran mimma okhitha minkum wayaghfir lakum waAllahu ghafoorun raheemun
Nabiyow! Ku dheh kuwaad soo qafaalateen ee ku jira gacmahiinna: haddii Alle ku og yahay wax khayr ah quluubtiinna, wuxuu idin siin wax ka khayr badan waxa la idinka qaaday, oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
-
وَإِن يُرِيدُوا۟ خِيَانَتَكَ فَقَدْ خَانُوا۟ ٱللَّهَ مِن قَبْلُ فَأَمْكَنَ مِنْهُمْ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ٧١
Wain yureedoo khiyanataka faqad khanoo Allaha min qablu faamkana minhum waAllahu ʿaleemun hakeemun
Hadday doonaan inay ku khiyaamee- yaan waxay horeba u khiyaameeyeen Alle. Markaasuu lib idin siiyey oo la laayey. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
-
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَهَاجَرُوا۟ وَجَـٰهَدُوا۟ بِأَمْوَٰلِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلَّذِينَ ءَاوَوا۟ وَّنَصَرُوٓا۟ أُو۟لَـٰٓئِكَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَآءُ بَعْضٍ ۚ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَلَمْ يُهَاجِرُوا۟ مَا لَكُم مِّن وَلَـٰيَتِهِم مِّن شَىْءٍ حَتَّىٰ يُهَاجِرُوا۟ ۚ وَإِنِ ٱسْتَنصَرُوكُمْ فِى ٱلدِّينِ فَعَلَيْكُمُ ٱلنَّصْرُ إِلَّا عَلَىٰ قَوْمٍۭ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُم مِّيثَـٰقٌ ۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ٧٢
Inna allatheena amanoo wahajaroo wajahadoo biamwalihim waanfusihim fee sabeeli Allahi waallatheena awaw wanasaroo olaika baʿduhum awliyao baʿdin waallatheena amanoo walam yuhajiroo ma lakum min walayatihim min shayin hatta yuhajiroo waini istansarookum fee alddeeni faʿalaykumu alnnasru illa ʿala qawmin baynakum wabaynahum meethaqun waAllahu bima taʿmaloona baseerun
Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyay ee soo haajiray ee ugu jihaaday maalkooda iyo nafahooda jidka Alle iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray - kuwaa ayaa qaarkoodba sokeeye u ah qaarka kale. Kuwase rumeeyey aanse soo haajirin idinkama saarna xil xigaaleysigooda jeer ay soo haajiraan, hadday se idiinku hiishadaan Diinta, waa idinku waajib inaad u soo hiillisaan, marka laga reebo qolo uu dhexdiinna idinka iyo iyaga axdi yaal, Alle wuu arkaa waxaad fashaan.
-
وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَآءُ بَعْضٍ ۚ إِلَّا تَفْعَلُوهُ تَكُن فِتْنَةٌ فِى ٱلْأَرْضِ وَفَسَادٌ كَبِيرٌ٧٣
Waallatheena kafaroo baʿduhum awliyao baʿdin illa tafʿaloohu takun fitnatun fee alardi wafasadun kabeerun
Kuwa gaalada ah qaaroodba xulufo buu u yahay qaarka kale, haddii aydaan (Muslimiintoy) sameyn sidaa oo kale, waxaa jiri dhulka fasahaad weyn1.
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddii la magaacabo labo madaxweyne (khaliifo oo ay isku qabsadaan xukunka) dila labada midkoodii dambeeyey ee gardaran”. W.w. Muslim. Marka waa inay muslimiinta oo idil leeyihiin hal khaliifo (madaxwyne) oo ay is baheystaan dhammaan. -
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَهَاجَرُوا۟ وَجَـٰهَدُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلَّذِينَ ءَاوَوا۟ وَّنَصَرُوٓا۟ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُؤْمِنُونَ حَقًّا ۚ لَّهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ٧٤
Waallatheena amanoo wahajaroo wajahadoo fee sabeeli Allahi waallatheena awaw wanasaroo olaika humu almuminoona haqqan lahum maghfiratun warizqun kareemun
Kuwa rumeeyey ee soo haajiray ee ku jihaaday Jidka Alle, iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, kuwaa waa mu’miniinta dhabta ah, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Janno).
-
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنۢ بَعْدُ وَهَاجَرُوا۟ وَجَـٰهَدُوا۟ مَعَكُمْ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ مِنكُمْ ۚ وَأُو۟لُوا۟ ٱلْأَرْحَامِ بَعْضُهُمْ أَوْلَىٰ بِبَعْضٍ فِى كِتَـٰبِ ٱللَّهِ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌۢ٧٥
Waallatheena amanoo min baʿdu wahajaroo wajahadoo maʿakum faolaika minkum waoloo alarhami baʿduhum awla bibaʿdin fee kitabi Allahi inna Allaha bikulli shayin ʿaleemun
Kuwase rumeeyey waa’ dambe, oo soo hijrooday oo jihaaday la jirkiin, kuwaa waa idinka mid. Qaraabada baana qaarkoodba ka mudan yahay qaarka kale (is dhaxlidda) sida Kitaabka Alle qoray1. Hubaal, Alle wax kasta wuu Ogsoon yahay.
Sharaxa hoose
[1] Xagga dhaxalka. Tani waxay ku gaar tahay oo keliya qaraabada muslimiinta ah. Kuwa aan muslimka ahayn waxaa wax lagu siin karaa saami in loo dardaarmo.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Anfaal?
Macnaha Al-Anfaal waa “Qaniimada dagaalka”.
Suuradda Al-Anfaal juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Anfaal waxay ku fidsan tahay juz’ 9 iyo 10.
Suuradda Al-Anfaal immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Anfaal waxay leedahay 75 aayadood.
Suuradda Al-Anfaal ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Anfaal waa suurad Madani ah.
Suuradda Al-Anfaal waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 8aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.