سورة الحجر
Suuradda Al-Xijr oo af Soomaali ah
Dhulka dhagxaanta
- 15
- 99 aayadood
- Makki
- Juz’ 14
- Bogagga 262–267
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Xijr (الحجر) waa suuradda 15aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 99 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Dhulka dhagxaanta”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 14.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Xijr oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Xijr oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
الٓر ۚ تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱلْكِتَـٰبِ وَقُرْءَانٍ مُّبِينٍ١
Aliflamra tilka ayatu alkitabi waquranin mubeenin
Alif Laam Raa1. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo Qur'aan ah ay cad yihiin (Aayadahiisu).
Sharaxa hoose
[1] Eeg sharaxa Suuradda 2 : Aayadda 1. -
رُّبَمَا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْ كَانُوا۟ مُسْلِمِينَ٢
Rubama yawaddu allatheena kafaroo law kanoo muslimeena
Wax badan bay kuwa gaalooba jecleysan doonaan (Aakhirada) inay ahaayeen Muslimiin1.
Sharaxa hoose
[1] Waxay sidaas jecleysan Maalinta Qiyaamaha ama waqtiga dhimashadooda. -
ذَرْهُمْ يَأْكُلُوا۟ وَيَتَمَتَّعُوا۟ وَيُلْهِهِمُ ٱلْأَمَلُ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ٣
Tharhum yakuloo wayatamattaʿoo wayulhihimu alamalu fasawfa yaʿlamoona
Iska daa wax ha iska cunaane hana iska raaxaystaan iyo (in) rajo maawiliso, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
-
وَمَآ أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٌ مَّعْلُومٌ٤
Wama ahlakna min qaryatin illa walaha kitabun maʿloomun
Ma jirto magaalo aan halaagnay oo aan lahayn waqti la yaqaan oo qoran.
-
مَّا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَـْٔخِرُونَ٥
Ma tasbiqu min ommatin ajalaha wama yastakhiroona
Kama hor mari karto ummadi muddadeeda, kamana dib marto.
-
وَقَالُوا۟ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِى نُزِّلَ عَلَيْهِ ٱلذِّكْرُ إِنَّكَ لَمَجْنُونٌ٦
Waqaloo ya ayyuha allathee nuzzila ʿalayhi alththikru innaka lamajnoonun
Waxay (ku) yidhaahdeen (Nabiga): Kan Waanada (Qur’aanka) lagu soo dejiyeyow1! Adigu waxaad tahay jinnoole.
Sharaxa hoose
[1] Waxay sidaas gaaladu ugu yidhaahdeen Nabi Muxammad s,c,w, ku digasho iyo jeesjees ahaan. -
لَّوْ مَا تَأْتِينَا بِٱلْمَلَـٰٓئِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ٧
Law ma tateena bialmalaikati in kunta mina alssadiqeena
Maxaad noogu keeni weyday malaa’ig haddaad run sheegeyso?
-
مَا نُنَزِّلُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةَ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَمَا كَانُوٓا۟ إِذًا مُّنظَرِينَ٨
Ma nunazzilu almalaikata illa bialhaqqi wama kanoo ithan munthareena
Uma soo dirno malaa’igta waxaan xaq1 aheyn, lamana sugo oo siiyo (gaalada) fursad markaas (ay ku tawbad keenaan) .
Sharaxa hoose
[1] Macnaha waxaan la soo dirnaa fartiin ama sida laga qaadanayo hal dhaca Aayadda cadaabka loogu goodiyey gaalada. -
إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا ٱلذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَـٰفِظُونَ٩
Inna nahnu nazzalna alththikra wainna lahu lahafithoona
Xaqiiq, Annagaa soo dejinnay Waanada (Qur’aanka) Annagaana xaqiiq ilaalin1.
Sharaxa hoose
[1] Aayaddan waxay muujineysa meeqaanka Qur’aanka iyo xifdintiisa. -
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ فِى شِيَعِ ٱلْأَوَّلِينَ١٠
Walaqad arsalna min qablika fee shiyaʿi alawwaleena
Waxaana dhab ahaan soo dirnay Rusul hortaa ummadahii hore dhexdood.
-
وَمَا يَأْتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ١١
Wama yateehim min rasoolin illa kanoo bihi yastahzioona
Ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin.
-
كَذَٰلِكَ نَسْلُكُهُۥ فِى قُلُوبِ ٱلْمُجْرِمِينَ١٢
Kathalika naslukuhu fee quloobi almujrimeena
Sidaasaan u gelinnaa (diiddada Xaqa) quluubta denbiilayaasha.
-
لَا يُؤْمِنُونَ بِهِۦ ۖ وَقَدْ خَلَتْ سُنَّةُ ٱلْأَوَّلِينَ١٣
La yuminoona bihi waqad khalat sunnatu alawwaleena
Ma rumeeyaan waxa ku soo arooray (Qur’aanka), dhab ahaanna waxaa hore maray tusaalihii kuwii hore ee tegay1.
Sharaxa hoose
[1] Hannaaka iyo hab raaca Alle waxaa halkan loola jeedaa halaagidda dadka beeniya Rususha Alle. -
وَلَوْ فَتَحْنَا عَلَيْهِم بَابًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَظَلُّوا۟ فِيهِ يَعْرُجُونَ١٤
Walaw fatahna ʿalayhim baban mina alssamai fathalloo feehi yaʿrujoona
Haddaan uga furno albaab samada oo ay ahaadaan kuwo kor u kora;
-
لَقَالُوٓا۟ إِنَّمَا سُكِّرَتْ أَبْصَـٰرُنَا بَلْ نَحْنُ قَوْمٌ مَّسْحُورُونَ١٥
Laqaloo innama sukkirat absaruna bal nahnu qawmun mashooroona
Waxay (gaaladu) odhan lahaayeen: Waxaa uun la awday Indhahayaga. Mayee, waxaanu nahay qolo la sixray.
-
وَلَقَدْ جَعَلْنَا فِى ٱلسَّمَآءِ بُرُوجًا وَزَيَّنَّـٰهَا لِلنَّـٰظِرِينَ١٦
Walaqad jaʿalna fee alssamai buroojan wazayyannaha lilnnathireena
Waxaan dhab ahaan yeelnay samada xiddigo waaweyn iyo rugo ay maraan, Waxaana u qurxinnay daawadayaasha.
-
وَحَفِظْنَـٰهَا مِن كُلِّ شَيْطَـٰنٍ رَّجِيمٍ١٧
Wahafithnaha min kulli shaytanin rajeemin
Waxaana ka ilaalinnay Shaydaan kastoo laga ceyrshay (Naxariista Alle).
-
إِلَّا مَنِ ٱسْتَرَقَ ٱلسَّمْعَ فَأَتْبَعَهُۥ شِهَابٌ مُّبِينٌ١٨
Illa mani istaraqa alssamʿa faatbaʿahu shihabun mubeenun
Mid maahee xada mar wax uu maqlo, markaas la raaciyo danab muuqda.
-
وَٱلْأَرْضَ مَدَدْنَـٰهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَٰسِىَ وَأَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ شَىْءٍ مَّوْزُونٍ١٩
Waalarda madadnaha waalqayna feeha rawasiya waanbatna feeha min kulli shayin mawzoonin
Dhulka - waanu fidinnay, waxaanu ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay wax kastoo miisaaman.
-
وَجَعَلْنَا لَكُمْ فِيهَا مَعَـٰيِشَ وَمَن لَّسْتُمْ لَهُۥ بِرَٰزِقِينَ٢٠
Wajaʿalna lakum feeha maʿayisha waman lastum lahu biraziqeena
Waxaana idiinka yeellay dhexdiisa asbaabta noolaanshaha idinka iyo midka kastoo aydaan idinku irsaaqin1.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha waxaa weeye Alle wuxuu idiin sakhiray dad iyo duunyo kale uu isagu wax siiyo oo irsaaqo. Macno kale waxaa weeye Alle wuxuu idin siiyaa waxyaalo aad ku noolataan oo sidoo kale siiyaa dhammaan uumanka kale. -
وَإِن مِّن شَىْءٍ إِلَّا عِندَنَا خَزَآئِنُهُۥ وَمَا نُنَزِّلُهُۥٓ إِلَّا بِقَدَرٍ مَّعْلُومٍ٢١
Wain min shayin illa ʿindana khazainuhu wama nunazziluhu illa biqadarin maʿloomin
Ma jiro wax aannu Annagu (Alle ah) hayn khasnadahiisa. Kumana aan soo dejinno waxaan aheyn qaddar la yaqaan.
-
وَأَرْسَلْنَا ٱلرِّيَـٰحَ لَوَٰقِحَ فَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَسْقَيْنَـٰكُمُوهُ وَمَآ أَنتُمْ لَهُۥ بِخَـٰزِنِينَ٢٢
Waarsalna alrriyaha lawaqiha faanzalna mina alssamai maan faasqaynakumoohu wama antum lahu bikhazineena
Waxaana soo dirnaa dabeylaha tallaala (daruuraha) markaasaan ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob), aan idinka waraa- binno, mana ahidin idinku kuwa kaydiya.
-
وَإِنَّا لَنَحْنُ نُحْىِۦ وَنُمِيتُ وَنَحْنُ ٱلْوَٰرِثُونَ٢٣
Wainna lanahnu nuhyee wanumeetu wanahnu alwarithoona
Xaqiiq, waa Annaga (Allaah) Kuwa wax nooleeya, waxna dhinsiiya1, Annagaana ah dhaxlayaasha2.
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Hadduu qofka aadmiga ahi dhinto waxaa go’a camalkiisa marka laga reebo seddex arrimood: Sadaqa joogto ah (waqaf), cilmi lagu intifaaco, ama ilmo wanaagsan oo u soo duceeya. (W.w. Muslim). [2] Allaah subxaanahu wa tacaalaa baa hara markay uunka oo dhan dhintaan. -
وَلَقَدْ عَلِمْنَا ٱلْمُسْتَقْدِمِينَ مِنكُمْ وَلَقَدْ عَلِمْنَا ٱلْمُسْتَـْٔخِرِينَ٢٤
Walaqad ʿalimna almustaqdimeena minkum walaqad ʿalimna almustakhireena
Waxaan ognahay kuwiinnii hore ee tegay, Waxaana ognahay kuwa dib ka iman.
-
وَإِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَحْشُرُهُمْ ۚ إِنَّهُۥ حَكِيمٌ عَلِيمٌ٢٥
Wainna rabbaka huwa yahshuruhum innahu hakeemun ʿaleemun
Hubaal Rabbigaa waa soo wada kulmin iyagoo dhan. Waa Xakiim, wax kasta Og.
-
وَلَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ مِن صَلْصَـٰلٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ٢٦
Walaqad khalaqna alinsana min salsalin min hamain masnoonin
Waxaan ka abuurnay aadmiga dhoobo shanqarta, madow doorsoon ah.
-
وَٱلْجَآنَّ خَلَقْنَـٰهُ مِن قَبْلُ مِن نَّارِ ٱلسَّمُومِ٢٧
Waaljanna khalaqnahu min qablu min nari alssamoomi
Jinkana, Waxaan ka abuurnay awal hore dab ololaya1.
Sharaxa hoose
[1] Malaa’igtana nuur ifaya. -
وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَـٰٓئِكَةِ إِنِّى خَـٰلِقٌۢ بَشَرًا مِّن صَلْصَـٰلٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ٢٨
Waith qala rabbuka lilmalaikati innee khaliqun basharan min salsalin min hamain masnoonin
(Xus, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan ka abuurayaa qof (Aadam) dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah.
-
فَإِذَا سَوَّيْتُهُۥ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِى فَقَعُوا۟ لَهُۥ سَـٰجِدِينَ٢٩
Faitha sawwaytuhu wanafakhtu feehi min roohee faqaʿoo lahu sajideena
Ee markaan sameeyo isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxda aan ugu tala galay1 ula dhaca sujuud.
Sharaxa hoose
[1] Walaxda nolosha iyo nafta uu Alle u abuuray jirkaa, ma aha ruux ilaahnimo ah ama qayb ka mid ah (sida uu yahayba fahanka gurracan ee gaalada). -
فَسَجَدَ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ كُلُّهُمْ أَجْمَعُونَ٣٠
Fasajada almalaikatu kulluhum ajmaʿoona
Markaasay malaa’igtii sujuudeen kulligoodba iyagoo dhan.
-
إِلَّآ إِبْلِيسَ أَبَىٰٓ أَن يَكُونَ مَعَ ٱلسَّـٰجِدِينَ٣١
Illa ibleesa aba an yakoona maʿa alssajideena
Ibliis1 maahee (ma yeelin): waa uu diiday inuu ka mid ahaado kuwa sujuuday2.
Sharaxa hoose
[1] Wuxuu ka mid ahaa jinka sida ku soo arooray Suuradda 18: Aayadda 50. [2] Sujuudda halkan loolama jeedo cibaado ee waxaa loola jeedaa salaan ka heybeysi iyo qaddarin iyo weyneyn ah adigoo madaxa hoos u soo rogaya. Waana tii Mucaad markuu soo arkay dad sidaa salaan madaxa ula soo roganaya hoos, uu damcay inuu sidaas oo kale u salaamo oo ugu sujuudo Nabi Muxammad s.c.w. waana uu ku diiday, waayo shareecada Nabi Muxammad s.c.w kuma bannaana in qofna loo rukuuco oo madax hoos loogu dhigo, Rukuuca sidaas ah sujuudna waa la yidhaahdaa. Rukuuca iyo sujuudda waa cibaado cidna xaq uma leh aan ahayn Alle subxaanahu watacaalaa. -
قَالَ يَـٰٓإِبْلِيسُ مَا لَكَ أَلَّا تَكُونَ مَعَ ٱلسَّـٰجِدِينَ٣٢
Qala ya ibleesu ma laka alla takoona maʿa alssajideena
(Alle) wuxuu yidhi: Ibliisoow! Maxaa kuugu wacan inaadan ahaan la jirka kuwaa sujuuday.
-
قَالَ لَمْ أَكُن لِّأَسْجُدَ لِبَشَرٍ خَلَقْتَهُۥ مِن صَلْصَـٰلٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ٣٣
Qala lam akun liasjuda libasharin khalaqtahu min salsalin min hamain masnoonin
Wuxuu yidhi: Anigu ma ahi mid u sujuudaya qof aad ka abuurtay dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah.
-
قَالَ فَٱخْرُجْ مِنْهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٌ٣٤
Qala faokhruj minha fainnaka rajeemun
(Alle) wuxuu yidhi: Haddaba Ka bax (Jannada), adigu waa lagu deyrshaye.
-
وَإِنَّ عَلَيْكَ ٱللَّعْنَةَ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلدِّينِ٣٥
Wainna ʿalayka allaʿnata ila yawmi alddeeni
Waxaana xaqiiq dushaada ah Nacalad ilaa Maalinta is Abaal marinta 'Qiyaamada'.
-
قَالَ رَبِّ فَأَنظِرْنِىٓ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ٣٦
Qala rabbi faanthirnee ila yawmi yubʿathoona
Wuxuu yidhi: Rabbiyow! I sii waqti ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamada).
-
قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلْمُنظَرِينَ٣٧
Qala fainnaka mina almunthareena
(Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la siiyey fursadda (ee la sugi).
-
إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْوَقْتِ ٱلْمَعْلُومِ٣٨
Ila yawmi alwaqti almaʿloomi
Ilaa Maalinta (Qiyaamada) ee waqtiga la yaqaan leh (Alle keliya uu Og yahay).
-
قَالَ رَبِّ بِمَآ أَغْوَيْتَنِى لَأُزَيِّنَنَّ لَهُمْ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَأُغْوِيَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ٣٩
Qala rabbi bima aghwaytanee laozayyinanna lahum fee alardi walaoghwiyannahum ajmaʿeena
(Shaydaan) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidaad ii lumisayba, Waxaan u qurxin denbiyada dhulka korkiisa, waana dhumin iyagoo dhan.
-
إِلَّا عِبَادَكَ مِنْهُمُ ٱلْمُخْلَصِينَ٤٠
Illa ʿibadaka minhumu almukhlaseena
Addoomahaaga ku jira ee daacadda ah mooyee kuu keli iyo gaar yeela cibaadada.
-
قَالَ هَـٰذَا صِرَٰطٌ عَلَىَّ مُسْتَقِيمٌ٤١
Qala hatha siratun ʿalayya mustaqeemun
(Alle) wuxuu yidhi: Kani waa Jid Toosan oo Xaggeyga ah.
-
إِنَّ عِبَادِى لَيْسَ لَكَ عَلَيْهِمْ سُلْطَـٰنٌ إِلَّا مَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلْغَاوِينَ٤٢
Inna ʿibadee laysa laka ʿalayhim sultanun illa mani ittabaʿaka mina alghaweena
Addoomahayga kuma lihid awood dushooda, kuwa ku raaca ee iyagu lunsan mooyee.
-
وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمَوْعِدُهُمْ أَجْمَعِينَ٤٣
Wainna jahannama lamawʿiduhum ajmaʿeena
Oo hubaal waa Jahannama dhabtii madashooda iyagoo dhan.
-
لَهَا سَبْعَةُ أَبْوَٰبٍ لِّكُلِّ بَابٍ مِّنْهُمْ جُزْءٌ مَّقْسُومٌ٤٤
Laha sabʿatu abwabin likulli babin minhum juzon maqsoomun
Waxay leedahay toddoba Albaabood, albaab walbaa waxaa ahaan qayb gaar ah oo ka mid ah (ehlu Naarka).
-
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ٤٥
Inna almuttaqeena fee jannatin waʿuyoonin
Hubaal, kuwa Alle ka dhowrsada (xumaha) waxay dhex ahaan Beero iyo ilo.
-
ٱدْخُلُوهَا بِسَلَـٰمٍ ءَامِنِينَ٤٦
Odkhulooha bisalamin amineena
(Waxaa lagu odhan): Ku gala (Jannada) nabad idinkoo aamin ah.
-
وَنَزَعْنَا مَا فِى صُدُورِهِم مِّنْ غِلٍّ إِخْوَٰنًا عَلَىٰ سُرُرٍ مُّتَقَـٰبِلِينَ٤٧
Wanazaʿna ma fee sudoorihim min ghillin ikhwanan ʿala sururin mutaqabileena
Waxaanu ka soo siibi wixii xumaan kala tirsi ah oo ku jira laabahooda, (waxay ahaan) walaalo ku sugan sariiro boqoreed dushood is qaabilsan fool ka fool.
-
لَا يَمَسُّهُمْ فِيهَا نَصَبٌ وَمَا هُم مِّنْهَا بِمُخْرَجِينَ٤٨
La yamassuhum feeha nasabun wama hum minha bimukhrajeena
Kuma taabanayo gudaheeda daal, xaggeedana lagama soo saarayo.
-
۞ نَبِّئْ عِبَادِىٓ أَنِّىٓ أَنَا ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ٤٩
Nabbi ʿibadee annee ana alghafooru alrraheemu
Ogeysii addoomahayga inaan Anigu (Alle) ahay Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
-
وَأَنَّ عَذَابِى هُوَ ٱلْعَذَابُ ٱلْأَلِيمُ٥٠
Wa anna ʿathabee huwa alʿathabu alaleemu
Iyo in Cadaabkaygu uu yahay cadaabka xanuunka badan.
-
وَنَبِّئْهُمْ عَن ضَيْفِ إِبْرَٰهِيمَ٥١
Wanabbihum ʿan dayfi ibraheema
Uga warran martidii Ibraahiim.
-
إِذْ دَخَلُوا۟ عَلَيْهِ فَقَالُوا۟ سَلَـٰمًا قَالَ إِنَّا مِنكُمْ وَجِلُونَ٥٢
Ith dakhaloo ʿalayhi faqaloo salaman qala inna minkum wajiloona
Markay u soo galeen, waxay yidhaadeen: Nabad ahaada. Wuxuu yidhi: Innagu waanu idinka cabsan.
-
قَالُوا۟ لَا تَوْجَلْ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَـٰمٍ عَلِيمٍ٥٣
Qaloo la tawjal inna nubashshiruka bighulamin ʿaleemin
Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan. Waxaanu xaqiiq kuugu bishaareyn wiil aqoon leh (Isxaaq).
-
قَالَ أَبَشَّرْتُمُونِى عَلَىٰٓ أَن مَّسَّنِىَ ٱلْكِبَرُ فَبِمَ تُبَشِّرُونَ٥٤
Qala abashshartumoonee ʿala an massaniya alkibaru fabima tubashshirooni
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu bishaareyneysaan (wiil) anigoo ay i soo taabatay da' weyni? Ee maxaad iigu bishaarayneysaan?
-
قَالُوا۟ بَشَّرْنَـٰكَ بِٱلْحَقِّ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلْقَـٰنِطِينَ٥٥
Qaloo bashsharnaka bialhaqqi fala takun mina alqaniteena
Waxay (malaa'igtii) yidhaahdeen: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa wax run ah. Ee ha ka mid noqon kuwa quusta.
-
قَالَ وَمَن يَقْنَطُ مِن رَّحْمَةِ رَبِّهِۦٓ إِلَّا ٱلضَّآلُّونَ٥٦
Qala waman yaqnatu min rahmati rabbihi illa alddalloona
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Yaa ka quusta Naxariista Rabbigii aan ahayn kuwa lunsan.
-
قَالَ فَمَا خَطْبُكُمْ أَيُّهَا ٱلْمُرْسَلُونَ٥٧
Qala fama khatbukum ayyuha almursaloona
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waa maxay howsha aad u socotaan, kuwiinaan (malaa’igta ah ee) la soo dirayow?
-
قَالُوٓا۟ إِنَّآ أُرْسِلْنَآ إِلَىٰ قَوْمٍ مُّجْرِمِينَ٥٨
Qaloo inna orsilna ila qawmin mujrimeena
Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa innaga naloo soo diray qolo denbiilayaal ah.
-
إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ إِنَّا لَمُنَجُّوهُمْ أَجْمَعِينَ٥٩
Illa ala lootin inna lamunajjoohum ajmaʿeena
Reer Luud ma’ahee. Waanu badbaadin iyagoo dhan.
-
إِلَّا ٱمْرَأَتَهُۥ قَدَّرْنَآ ۙ إِنَّهَا لَمِنَ ٱلْغَـٰبِرِينَ٦٠
Illa imraatahu qaddarna innaha lamina alghabireena
Marwadiisa ma’ahee, waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haraya gadaal 'ee la cadaabi'1.
Sharaxa hoose
[1] Kaalmeynteeda xuma falayaasha darteed. -
فَلَمَّا جَآءَ ءَالَ لُوطٍ ٱلْمُرْسَلُونَ٦١
Falamma jaa ala lootin almursaloona
Markay u yimaadeen reer Luud Rusushii (malaa'igta ahayd ee) la soo diray.
-
قَالَ إِنَّكُمْ قَوْمٌ مُّنكَرُونَ٦٢
Qala innakum qawmun munkaroona
(Luud) wuxuu yidhi: Waxaad idinku dhabtii tihiin qolo aan la garanaynin.
-
قَالُوا۟ بَلْ جِئْنَـٰكَ بِمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَمْتَرُونَ٦٣
Qaloo bal jinaka bima kanoo feehi yamtaroona
Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Mayee waxaanu kuula nimid waxay ka doodayeen.
-
وَأَتَيْنَـٰكَ بِٱلْحَقِّ وَإِنَّا لَصَـٰدِقُونَ٦٤
Waataynaka bialhaqqi wainna lasadiqoona
Waxaan kuula nimidna Xaq, oo run baynu sheegi.
-
فَأَسْرِ بِأَهْلِكَ بِقِطْعٍ مِّنَ ٱلَّيْلِ وَٱتَّبِعْ أَدْبَـٰرَهُمْ وَلَا يَلْتَفِتْ مِنكُمْ أَحَدٌ وَٱمْضُوا۟ حَيْثُ تُؤْمَرُونَ٦٥
Faasri biahlika biqitʿin mina allayli waittabiʿ adbarahum wala yaltafit minkum ahadun waimdoo haythu tumaroona
Ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, soco gadaashooda, yaanu midkiinna dib soo jalleecin, aadana halka la idinku amray.
-
وَقَضَيْنَآ إِلَيْهِ ذَٰلِكَ ٱلْأَمْرَ أَنَّ دَابِرَ هَـٰٓؤُلَآءِ مَقْطُوعٌ مُّصْبِحِينَ٦٦
Waqadayna ilayhi thalika alamra anna dabira haolai maqtooʿun musbiheena
Waxaana u waxyoonnay arrinkan ah in cidhibta kuwaas (gaalada ah) la goyn subaxa horeba.
-
وَجَآءَ أَهْلُ ٱلْمَدِينَةِ يَسْتَبْشِرُونَ٦٧
Wajaa ahlu almadeenati yastabshiroona
Waxaana yimid dadkii magaalada iyagoo ku bishaareysan 'martida timid'1,
Sharaxa hoose
[1] Ku faraxsan warka martida Luud ee yimid magaalada. -
قَالَ إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ ضَيْفِى فَلَا تَفْضَحُونِ٦٨
Qala inna haolai dayfee fala tafdahooni
(Luud) wuxuu yidhi: Kuwakanu waa martidaydii ee ha igu fadayxeynina.
-
وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَلَا تُخْزُونِ٦٩
Waittaqoo Allaha wala tukhzooni
Allena ka cabsada oo ha i ceebeynina.
-
قَالُوٓا۟ أَوَلَمْ نَنْهَكَ عَنِ ٱلْعَـٰلَمِينَ٧٠
Qaloo awalam nanhaka ʿani alʿalameena
Waxay yidhaahdeen: Miyaanaan kaa reebin inaad (nagala hadasho) dadka shisheeyaha ah1?
Sharaxa hoose
[1] Waxay ku fali jireen xumaha fuulidda ragga ah martidooda, waxayna u handadeen Luud si uusan uga reebin ficilkaa xun ee khaniisnimada. -
قَالَ هَـٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِىٓ إِن كُنتُمْ فَـٰعِلِينَ٧١
Qala haolai banatee in kuntum faʿileena
(Luud) wuxuu yidhi: Kuwaanu waa gabdhahaygii1, haddaad yeeleysaan (inaad guursataan).
Sharaxa hoose
[1] Gabdhaha qoonkiisa ee u bannaan inay guursadaan. -
لَعَمْرُكَ إِنَّهُمْ لَفِى سَكْرَتِهِمْ يَعْمَهُونَ٧٢
Laʿamruka innahum lafee sakratihim yaʿmahoona
Waa igu Cimrigaaga'e (Nabi Muxammadow), waxay indho la’aan ku heehabayeen sakhraansanidoodii1.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa caadada Carabta ka mid aheyd inay ku dhaartaan qofka cumrigiisa. Wuxuu halkan Alle ku dhaartay cumriga Nabi Muxammad s.c.w. taasoo muujineysa meeqaankiisa iyo meesha weyn uu Nabigu s.c.w. ka joogo Alle kor ahaaye. Alle wuxuu doono buu ku dhaartaa, dadkuse waa ka xaaraan inay ku dhaartaan waxaan Alle ahayn. -
فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّيْحَةُ مُشْرِقِينَ٧٣
Faakhathathumu alssayhatu mushriqeena
Markaas baa qeylo weyn (qarax) qabtay qorrax soo bixiiba;
-
فَجَعَلْنَا عَـٰلِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِمْ حِجَارَةً مِّن سِجِّيلٍ٧٤
Fajaʿalna ʿaliyaha safilaha waamtarna ʿalayhim hijaratan min sijjeelin
Waxaana u gambinnay korkoodii hoos oo roob kaga dhignay dushooda dhagaxyo dab naar ah.
-
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّلْمُتَوَسِّمِينَ٧٥
Inna fee thalika laayatin lilmutawassimeena
Arrinkaas waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin kuwa wax ka fiirsada.
-
وَإِنَّهَا لَبِسَبِيلٍ مُّقِيمٍ٧٦
Wainnaha labisabeelin muqeemin
Waxayna ku taal 'magaaladaasi'1 waddo weli la deggan yahay.
Sharaxa hoose
[1] Magaalada Sodom ee u dhow badda meytan ee hadda loo yaqaan Al-Baxrul Mutawasid ama Mideterean. -
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّلْمُؤْمِنِينَ٧٧
Inna fee thalika laayatan lilmumineena
Arrinkaas waxaa xaqiiq ugu sugan calaamo mu’miniinta.
-
وَإِن كَانَ أَصْحَـٰبُ ٱلْأَيْكَةِ لَظَـٰلِمِينَ٧٨
Wain kana ashabu alaykati lathalimeena
Dadkii degganaa hawdka1 waxay iyaguna ahaayeen daalimiin (gar diid).
Sharaxa hoose
[1] Dadka Aykah ama reer hawdka ama keynta waa qoonkii Shuacyb. Aykah waxay ahayd meel u dhow Madyan. -
فَٱنتَقَمْنَا مِنْهُمْ وَإِنَّهُمَا لَبِإِمَامٍ مُّبِينٍ٧٩
Faintaqamna minhum wainnahuma labiimamin mubeenin
Markaasaan ka aargudannay. Waxayna labaduba1 ku yaallaan waddo cad (oo weli) la maro.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa loola jeedaa magaalooyinka qoonkii Luud iyo Shucayb (Jetro). -
وَلَقَدْ كَذَّبَ أَصْحَـٰبُ ٱلْحِجْرِ ٱلْمُرْسَلِينَ٨٠
Walaqad kaththaba ashabu alhijri almursaleena
Dadkii degganaana dhadhaabka1 'ee reer Thamuud' waxay beeniyeen Rususha.
Sharaxa hoose
[1] Dhulkii dhagaxa. -
وَءَاتَيْنَـٰهُمْ ءَايَـٰتِنَا فَكَانُوا۟ عَنْهَا مُعْرِضِينَ٨١
Waataynahum ayatina fakanoo ʿanha muʿrideena
Waxaanuna siinnay Aayadahayagii, waxayse ahaayeen kuwa ka jeesada.
-
وَكَانُوا۟ يَنْحِتُونَ مِنَ ٱلْجِبَالِ بُيُوتًا ءَامِنِينَ٨٢
Wakanoo yanhitoona mina aljibali buyootan amineena
Waxay ahaayeen kuwo ka qota buuraha guryo iyago aamin ah.
-
فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّيْحَةُ مُصْبِحِينَ٨٣
Faakhathathumu alssayhatu musbiheena
Markaasaa waxaa qabtay qeylo (qarax) weyn waaberkiiba.
-
فَمَآ أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ٨٤
Fama aghna ʿanhum ma kanoo yaksiboona
Waxbana uma tarin waxay kasbadeen (oo maal ah iyo dhismooyin dhaadheer).
-
وَمَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِلَّا بِٱلْحَقِّ ۗ وَإِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَـَٔاتِيَةٌ ۖ فَٱصْفَحِ ٱلصَّفْحَ ٱلْجَمِيلَ٨٥
Wama khalaqna alssamawati waalarda wama baynahuma illa bialhaqqi wainna alssaʿata laatiyatun faisfahi alssafha aljameela
Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan Xaq ahayn. Hubaal Saacadda (Qiyaame) way imanaysaa, ee isaga jeeso adigoo saamaxaya gefefkooda saamixid qurxoon.
-
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ ٱلْخَلَّـٰقُ ٱلْعَلِيمُ٨٦
Inna rabbaka huwa alkhallaqu alʿaleemu
Hubaal Rabbigaa waa Abuuraha wax kasta ee jira, wax waliba Ogsoonaha ah.
-
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَـٰكَ سَبْعًا مِّنَ ٱلْمَثَانِى وَٱلْقُرْءَانَ ٱلْعَظِيمَ٨٧
Walaqad ataynaka sabʿan mina almathanee waalqurana alʿatheema
Waxaan dhab ahaan ku siinnay toddobo soo noqnoqota (Faatixada) iyo Qur’aanka Weyn.
-
لَا تَمُدَّنَّ عَيْنَيْكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعْنَا بِهِۦٓ أَزْوَٰجًا مِّنْهُمْ وَلَا تَحْزَنْ عَلَيْهِمْ وَٱخْفِضْ جَنَاحَكَ لِلْمُؤْمِنِينَ٨٨
La tamuddanna ʿaynayka ila ma mattaʿna bihi azwajan minhum wala tahzan ʿalayhim waikhfid janahaka lilmumineena
Ha u taagin indhahaaga waxaanu ugu raaxeynay qaybo ka mid ah (gaalada), hana u murugoon una raarici (nuglee) garabkaaga mu’miniinta (u muuji naxariis).
-
وَقُلْ إِنِّىٓ أَنَا ٱلنَّذِيرُ ٱلْمُبِينُ٨٩
Waqul innee ana alnnatheeru almubeenu
Dheh: Anigu waxaan ahay dige cad.
-
كَمَآ أَنزَلْنَا عَلَى ٱلْمُقْتَسِمِينَ٩٠
Kama anzalna ʿala almuqtasimeena
Sidaan ugu soo dejinnayba kala qaybiyaashii 'Yuhuudda iyo Nasaarada'1.
Sharaxa hoose
[1] Tafsiir kale waa sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday ka hortagga xaqa iyo diiddadi oo loola jeedo mushrikiintii Carbeed. -
ٱلَّذِينَ جَعَلُوا۟ ٱلْقُرْءَانَ عِضِينَ٩١
Allatheena jaʿaloo alqurana ʿideena
Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo1.
Sharaxa hoose
[1] Iyagoo qaadanaya Kitaabka qaarki, beeninayana qaar kale iyagoo raacaya hawadooda. -
فَوَرَبِّكَ لَنَسْـَٔلَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ٩٢
Fawarabbika lanasalannahum ajmaʿeena
Waa igu Rabbigaaye waanu weydiin dhammaantood,
-
عَمَّا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ٩٣
ʿAmma kanoo yaʿmaloona
Waxay falayeen.
-
فَٱصْدَعْ بِمَا تُؤْمَرُ وَأَعْرِضْ عَنِ ٱلْمُشْرِكِينَ٩٤
Faisdaʿ bima tumaru waaʿrid ʿani almushrikeena
Ee daaha ka qaad wax lagugu amray1, oo iskaga jeeso Mushrikiinta2.
Sharaxa hoose
[1] Waa ugu yeedhidda dadka Towxiidka iyo ka digitaanka shirkiga si loo kala saaro mu’miniinta iyo gaalada. [2] Mid kastoo ku adkeysta shirkiga oo ah in lala wadaajiyo cibaadada Alle cid kale. -
إِنَّا كَفَيْنَـٰكَ ٱلْمُسْتَهْزِءِينَ٩٥
Inna kafaynaka almustahzieena
Annagaa xaqiiq kaa kaafiyeyna jees-jeesayaasha (ku jeesjeesa Diinta).
-
ٱلَّذِينَ يَجْعَلُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَـٰهًا ءَاخَرَ ۚ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ٩٦
Allatheena yajʿaloona maʿa Allahi ilahan akhara fasawfa yaʿlamoona
Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Alle, wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
-
وَلَقَدْ نَعْلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدْرُكَ بِمَا يَقُولُونَ٩٧
Walaqad naʿlamu annaka yadeequ sadruka bima yaqooloona
Waxaana dhab ahaan ognahay inay ka cidhiidhyoonto laabtaadu waxay sheegi.
-
فَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ ٱلسَّـٰجِدِينَ٩٨
Fasabbih bihamdi rabbika wakun mina alssajideena
Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda1.
Sharaxa hoose
[1] Ibnu Cabbaas a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan ku garan jirey bogidda salaadda faralka kor ugu qaadista codka Xusidda Alle sida takbiirta. (W.w. Al-Bukhaari) -
وَٱعْبُدْ رَبَّكَ حَتَّىٰ يَأْتِيَكَ ٱلْيَقِينُ٩٩
Waoʿbud rabbaka hatta yatiyaka alyaqeenu
Caabud Rabbigaa (Alle) ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowtka- Geerida).
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Xijr?
Macnaha Al-Xijr waa “Dhulka dhagxaanta”.
Suuradda Al-Xijr juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Xijr waxay ku jirtaa juz’ 14.
Suuradda Al-Xijr immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Xijr waxay leedahay 99 aayadood.
Suuradda Al-Xijr ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Xijr waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Xijr waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 15aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.