سورة النحل
Suuradda An-Naxl oo af Soomaali ah
Shinnada
- 16
- 128 aayadood
- Makki
- Juz’ 14
- Bogagga 267–281
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda An-Naxl (النحل) waa suuradda 16aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 128 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Shinnada”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 14.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda An-Naxl oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda An-Naxl oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
أَتَىٰٓ أَمْرُ ٱللَّهِ فَلَا تَسْتَعْجِلُوهُ ۚ سُبْحَـٰنَهُۥ وَتَعَـٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ١
Ata amru Allahi fala tastaʿjiloohu subhanahu wataʿala ʿamma yushrikoona
Amarka Alle (Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada) waa wax iman (oo dhow) ee waxba ha doonina in la soo dedejiyo. Xurmo oo dhan Isagaa (Alle) iska leh oo ka hufan (xumaan iyo iin), waana ka Sarreeyaa1 waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
Sharaxa hoose
[1] Ataa Luqad ahaan macnaheedu waxaa weeye waa yimid waxaana loola jeedaa muujin in la hubo oo yaqiin tahay oo ay aad u soo dhowdahay Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada iyo guusha ay heli doonaan Muslimiinta. Ataa Waa ficil maadi (fal tagey) laakiin loogala jeedo mudaaric fal markaa lagu gudo jiro ama soo socda oo imanaya. Sideedana waxaa jira sagaal meelood oo falka tagey loogala jeedo fal soo socda ama markaa ah, waxaa ka mid ah hadalkii lagu billaabo fal tagey, falka tagey ee soo aroora kaddib mid ka mid ah xuruurfta sharadka sida idaa jaa’a, in makkaannaahum, ama kaddib mowsuul sidaa alladiina aamanuu, iwm falalka tagey halkan waxaa loola jeedi karaa fal jooga ama soo socda. -
يُنَزِّلُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةَ بِٱلرُّوحِ مِنْ أَمْرِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦٓ أَنْ أَنذِرُوٓا۟ أَنَّهُۥ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱتَّقُونِ٢
Yunazzilu almalaikata bialrroohi min amrihi ʿala man yashao min ʿibadihi an anthiroo annahu la ilaha illa ana faittaqooni
Wuxuu (Alle) la soo diraa malaa’igta Waxyi Amarkiisa ah (uu ku soo dejiyo) cidduu doono oo addoomahiisa ka mid ah (Isagoo leh): U diga (dadka) inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan ahayn Aniga (Allaah), ee Aniga uun iga cabsada 'oo iska jira shirkiga iyo xumaha kale."
-
خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ ۚ تَعَـٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ٣
Khalaqa alssamawati waalarda bialhaqqi taʿala ʿamma yushrikoona
(Alle) wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Waa ka Sarreeyaa oo ka Kor yahay waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
-
خَلَقَ ٱلْإِنسَـٰنَ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ٤
Khalaqa alinsana min nutfatin faitha huwa khaseemun mubeenun
Wuxuu ka abuuray aadmiga dhibic mino nool ah, mise, waa dood badane col cad ah1.
Sharaxa hoose
[1] Durba markuu xoog yeesho oo madax bannaanaado. -
وَٱلْأَنْعَـٰمَ خَلَقَهَا ۗ لَكُمْ فِيهَا دِفْءٌ وَمَنَـٰفِعُ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ٥
Waalanʿama khalaqaha lakum feeha difon wamanafiʿu waminha takuloona
Xoolaha wuu idiin abuuray; waxaad ka heshaan dhar dugaal leh iyo manaafacaad kale1, xaggeedana wax ka cuntaan.
Sharaxa hoose
[1] Dhar ahaan loo xidho, teendhooyin, alaabooyin, iwm. -
وَلَكُمْ فِيهَا جَمَالٌ حِينَ تُرِيحُونَ وَحِينَ تَسْرَحُونَ٦
Walakum feeha jamalun heena tureehoona waheena tasrahoona
Waxaa idiinku sugan (xoolaha) qurux markaad u soo celinaysaan galabnimada 'guriga' iyo markaad u foofinaysaan daaqa.
-
وَتَحْمِلُ أَثْقَالَكُمْ إِلَىٰ بَلَدٍ لَّمْ تَكُونُوا۟ بَـٰلِغِيهِ إِلَّا بِشِقِّ ٱلْأَنفُسِ ۚ إِنَّ رَبَّكُمْ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ٧
Watahmilu athqalakum ila baladin lam takoonoo baligheehi illa bishiqqi alanfusi inna rabbakum laraoofun raheemun
Waxaad ugu rarataan culeysyadiinna xagga gobollo aydaan gaari karteen nafa- hoo dhibtooda ma’ahee. Hubaal Rabbigiin waa Turid Badane, Naxariis Badan.
-
وَٱلْخَيْلَ وَٱلْبِغَالَ وَٱلْحَمِيرَ لِتَرْكَبُوهَا وَزِينَةً ۚ وَيَخْلُقُ مَا لَا تَعْلَمُونَ٨
Waalkhayla waalbighala waalhameera litarkabooha wazeenatan wayakhluqu ma la taʿlamoona
(Oo Wuxuu Alle idiin abuuray) Fardo, baqallo iyo dameerro inaad kortaan iyo qurux ahaanba. Wuxuuna abuuri wax aydaan ogeyn (oo gaadiid kale ah - gaadiidka dhulka, cirka iyo baddaba).
-
وَعَلَى ٱللَّهِ قَصْدُ ٱلسَّبِيلِ وَمِنْهَا جَآئِرٌ ۚ وَلَوْ شَآءَ لَهَدَىٰكُمْ أَجْمَعِينَ٩
Waʿala Allahi qasdu alssabeeli waminha jairun walaw shaa lahadakum ajmaʿeena
Alle bay saaran tahay xilka inuu caadeeyo Jidka Toosan, waxaase jira (jidad) qallooc ah. Hadduu doono hubaal wuu idin wada hanuuin lahaa dhammaantiin.
-
هُوَ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً ۖ لَّكُم مِّنْهُ شَرَابٌ وَمِنْهُ شَجَرٌ فِيهِ تُسِيمُونَ١٠
Huwa allathee anzala mina alssamai maan lakum minhu sharabun waminhu shajarun feehi tuseemoona
Waa Isaga Kan idiinka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, waxaad ka heshaan cabbitaan, biyahaasoo (soo saara sidoo kale) geedaha aad daaqsataan (xoolaha).
-
يُنۢبِتُ لَكُم بِهِ ٱلزَّرْعَ وَٱلزَّيْتُونَ وَٱلنَّخِيلَ وَٱلْأَعْنَـٰبَ وَمِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ١١
Yunbitu lakum bihi alzzarʿa waalzzaytoona waalnnakheela waalaʿnaba wamin kulli alththamarati inna fee thalika laayatan liqawmin yatafakkaroona
Wuxuu idiinku soo bixiyaa sarac, zaytuun, geedaha timirta, canabyo iyo nooc walba oo midhaha ah. Arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamo ciddii fikiri.
-
وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ وَٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ ۖ وَٱلنُّجُومُ مُسَخَّرَٰتٌۢ بِأَمْرِهِۦٓ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ١٢
Wasakhkhara lakumu allayla waalnnahara waalshshamsa waalqamara waalnnujoomu musakhkharatun biamrihi inna fee thalika laayatin liqawmin yaʿqiloona
Wuxuu idiin sakhiray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa; xiddigu- huna waxay ku sakhiran yihiin Amarkiisa. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii garasho leh.
-
وَمَا ذَرَأَ لَكُمْ فِى ٱلْأَرْضِ مُخْتَلِفًا أَلْوَٰنُهُۥٓ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَذَّكَّرُونَ١٣
Wama tharaa lakum fee alardi mukhtalifan alwanuhu inna fee thalika laayatan liqawmin yaththakkaroona
Iyo wuxuu idiinku abuuray dhulka korkiisa oo midabbo kala duwan leh. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii xusuusan.
-
وَهُوَ ٱلَّذِى سَخَّرَ ٱلْبَحْرَ لِتَأْكُلُوا۟ مِنْهُ لَحْمًا طَرِيًّا وَتَسْتَخْرِجُوا۟ مِنْهُ حِلْيَةً تَلْبَسُونَهَا وَتَرَى ٱلْفُلْكَ مَوَاخِرَ فِيهِ وَلِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ١٤
Wahuwa allathee sakhkhara albahra litakuloo minhu lahman tariyyan watastakhrijoo minhu hilyatan talbasoonaha watara alfulka mawakhira feehi walitabtaghoo min fadlihi walaʿallakum tashkuroona
Alle Waa Kan idiin sakhiray badda si aad uga cuntaan hilib jilicsan (kalluun) iyo inaad kala soo baxdaan qurux aad xidhataan. Waxaad aragtaan doonyaha oo dhex maaxaya badda gudaheeda, (wuuna idiin layliyey) si aad ugu raadsataan (sidaa) wax ka mid ah Deeqdiisa, iyo si aad ugu mahad naqdaan.
-
وَأَلْقَىٰ فِى ٱلْأَرْضِ رَوَٰسِىَ أَن تَمِيدَ بِكُمْ وَأَنْهَـٰرًا وَسُبُلًا لَّعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ١٥
Waalqa fee alardi rawasiya an tameeda bikum waanharan wasubulan laʿallakum tahtadoona
Wuxuu (Alle) ku dhidbay si sugan buuro waaweyn dhulka, si uusan idiinla iilan (wuxuuna yeelay) webiyaal iyo waddooyin si aad toos ugu socotaan.
-
وَعَلَـٰمَـٰتٍ ۚ وَبِٱلنَّجْمِ هُمْ يَهْتَدُونَ١٦
Waʿalamatin wabialnnajmi hum yahtadoona
Iyo calaamooyin dhulka lagu garto, xiddigahayna ku helaan dhabbaha toosan (markay saxraha joogaan ama badda).
-
أَفَمَن يَخْلُقُ كَمَن لَّا يَخْلُقُ ۗ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ١٧
Afaman yakhluqu kaman la yakhluqu afala tathakkaroona
Ma mid (waa Alle'e) wax abuura baa la mid ah kuwo aan wax abuurin? Ma waydaan waansameyn?
-
وَإِن تَعُدُّوا۟ نِعْمَةَ ٱللَّهِ لَا تُحْصُوهَآ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ١٨
Wain taʿuddoo niʿmata Allahi la tuhsooha inna Allaha laghafoorun raheemun
Haddaad tirisaan Nicmooyinka Alle, ma koobi kartaan. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
-
وَٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا تُسِرُّونَ وَمَا تُعْلِنُونَ١٩
WaAllahu yaʿlamu ma tusirroona wama tuʿlinoona
Alle wuu Og yahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba.
-
وَٱلَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَخْلُقُونَ شَيْـًٔا وَهُمْ يُخْلَقُونَ٢٠
Waallatheena yadʿoona min dooni Allahi la yakhluqoona shayan wahum yukhlaqoona
Kuwa ay baryaanna (caabudaan) Alle sokadi waxba ma abuuraan, iyagaase la abuuraa.
-
أَمْوَٰتٌ غَيْرُ أَحْيَآءٍ ۖ وَمَا يَشْعُرُونَ أَيَّانَ يُبْعَثُونَ٢١
Amwatun ghayru ahyain wama yashʿuroona ayyana yubʿathoona
(Waa) mayti aan nooleyn, mana oga goorta la soo bixinayo.
-
إِلَـٰهُكُمْ إِلَـٰهٌ وَٰحِدٌ ۚ فَٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ قُلُوبُهُم مُّنكِرَةٌ وَهُم مُّسْتَكْبِرُونَ٢٢
Ilahukum ilahun wahidun faallatheena la yuminoona bialakhirati quloobuhum munkiratun wahum mustakbiroona
Ilaahiinnu waa Ilaah Mid Keliya ah (Allaah). Kuwase aan rumeysneyn Aakhirada, quluubtoodu way diidaan (Towxiidka), wayna isla weyn yihiin.
-
لَا جَرَمَ أَنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ ۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلْمُسْتَكْبِرِينَ٢٣
La jarama anna Allaha yaʿlamu ma yusirroona wama yuʿlinoona innahu la yuhibbu almustakbireena
Shaki ma leh, in Alle Ogsoon yahay waxay qariyaan iyo waxay muujiyaanba. Hubaal Alle ma jecla kuwa isla weyn.
-
وَإِذَا قِيلَ لَهُم مَّاذَآ أَنزَلَ رَبُّكُمْ ۙ قَالُوٓا۟ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ٢٤
Waitha qeela lahum matha anzala rabbukum qaloo asateeru alawwaleena
Marka (gaalada) lagu yidhaahdo: Muxuu soo dejiyey Rabbigiin? Waxay yidhaadaan: Sheekooyinka kuwii hore.
-
لِيَحْمِلُوٓا۟ أَوْزَارَهُمْ كَامِلَةً يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۙ وَمِنْ أَوْزَارِ ٱلَّذِينَ يُضِلُّونَهُم بِغَيْرِ عِلْمٍ ۗ أَلَا سَآءَ مَا يَزِرُونَ٢٥
Liyahmiloo awzarahum kamilatan yawma alqiyamati wamin awzari allatheena yudilloonahum bighayri ʿilmin ala saa ma yaziroona
Si ay u xambaaraan culeysyadooda (denbiyadooda) oo dhan Maalinta Qiyaamaha, iyo culeysyada (denbiyada) kuwa ay ku lumiyaan aqoon darro. Ogaada, wax xun waa waxay xambaaran (oo denbiyo ah).
-
قَدْ مَكَرَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَأَتَى ٱللَّهُ بُنْيَـٰنَهُم مِّنَ ٱلْقَوَاعِدِ فَخَرَّ عَلَيْهِمُ ٱلسَّقْفُ مِن فَوْقِهِمْ وَأَتَىٰهُمُ ٱلْعَذَابُ مِنْ حَيْثُ لَا يَشْعُرُونَ٢٦
Qad makara allatheena min qablihim faata Allahu bunyanahum mina alqawaʿidi fakharra ʿalayhimu alssaqfu min fawqihim waatahumu alʿathabu min haythu la yashʿuroona
Waxaa wax dhagray oo tab degay kuwii iyaga ka horreeyey, Wuxuuse Alle uga yimid dhismayaashoodii xagga aasaasyada, markaasuu saqafkii ku soo dumay korkooda, cadaabkuna wuxuu uga yimid meel aysan ka fileyn1.
Sharaxa hoose
[1] Alle wuxuu sababay qorshahoodu inuu fashilmo oo bannaanka keenay dhagartooda iyo shirqoolkooda xun. -
ثُمَّ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ يُخْزِيهِمْ وَيَقُولُ أَيْنَ شُرَكَآءِىَ ٱلَّذِينَ كُنتُمْ تُشَـٰٓقُّونَ فِيهِمْ ۚ قَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ إِنَّ ٱلْخِزْىَ ٱلْيَوْمَ وَٱلسُّوٓءَ عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ٢٧
Thumma yawma alqiyamati yukhzeehim wayaqoolu ayna shurakaiya allatheena kuntum tushaqqoona feehim qala allatheena ootoo alʿilma inna alkhizya alyawma waalssooa ʿala alkafireena
Kaddib Maalinta Qiyaamaha wuu dullayn1, wuxuuna odhan: Meeye shurakadii aad ila wadaajiseen cibaadada ee aad iyaga awgood u noqoteen col? Kuwa cilmiga la siiyey waxay odhan: Dulli iyo dar xumo waxay maanta haysataa gaalada.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha waxaa weeye wuxuu ka yeeli inay mutaan ciqaab denbiyadooda badan dartood. -
ٱلَّذِينَ تَتَوَفَّىٰهُمُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ ظَالِمِىٓ أَنفُسِهِمْ ۖ فَأَلْقَوُا۟ ٱلسَّلَمَ مَا كُنَّا نَعْمَلُ مِن سُوٓءٍۭ ۚ بَلَىٰٓ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌۢ بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ٢٨
Allatheena tatawaffahumu almalaikatu thalimee anfusihim faalqawoo alssalama ma kunna naʿmalu min sooin bala inna Allaha ʿaleemun bima kuntum taʿmaloona
Kuwa ay malaa’igtu oofsan6 iyagoo ku dulminaya nafahooda (shirki ama denbiyo kale oo waaweyn). Waxayna markaas muujiyaan hoggaansamid (iyagoo leh): Ma ba aanu fali jirin wax xume ah. Haayoo, hubaal, Alle baa ogsoon waxaad falayseen1.
Sharaxa hoose
[1] Imaanshaha malaa’igta si ay u qaadaan nafahooda. -
فَٱدْخُلُوٓا۟ أَبْوَٰبَ جَهَنَّمَ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۖ فَلَبِئْسَ مَثْوَى ٱلْمُتَكَبِّرِينَ٢٩
Faodkhuloo abwaba jahannama khalideena feeha falabisa mathwa almutakabbireena
Gala albaabbada Jahannama idinkoo ku waaraya dhexdeeda. Xumaa hoyga isla weynayaasha.
-
۞ وَقِيلَ لِلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ مَاذَآ أَنزَلَ رَبُّكُمْ ۚ قَالُوا۟ خَيْرًا ۗ لِّلَّذِينَ أَحْسَنُوا۟ فِى هَـٰذِهِ ٱلدُّنْيَا حَسَنَةٌ ۚ وَلَدَارُ ٱلْـَٔاخِرَةِ خَيْرٌ ۚ وَلَنِعْمَ دَارُ ٱلْمُتَّقِينَ٣٠
Waqeela lillatheena ittaqaw matha anzala rabbukum qaloo khayran lillatheena ahsanoo fee hathihi alddunya hasanatun waladaru alakhirati khayrun walaniʿma daru almuttaqeena
Waxaa lagu yidhaahdaa kuwa ka dhowrsada (xumaha): Muxuu Rabbigiin soo dejiyey? Waxay yidhaahdaan: Khayr. Waxay leeyihiin kuwa sama ku fala adduunyadan samaan, Daarta Aakhiraana khayr badan. Wanaagsanaa Daarta kuwa iska jira (xumaha ee dhowra amarrada Alle).
-
جَنَّـٰتُ عَدْنٍ يَدْخُلُونَهَا تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ ۖ لَهُمْ فِيهَا مَا يَشَآءُونَ ۚ كَذَٰلِكَ يَجْزِى ٱللَّهُ ٱلْمُتَّقِينَ٣١
Jannatu ʿadnin yadkhuloonaha tajree min tahtiha alanharu lahum feeha ma yashaoona kathalika yajzee Allahu almuttaqeena
Beeraha negaadiga (jannatu cadan) bay gelayaan ay hoostoodu webiyo qulqulaan, waxay ku mudan gudaheeda waxay doonaan. Sidaasuu Alle ku abaal mariyaa kuwa iska jira ( xumaha ee dhowra Amarradiisa).
-
ٱلَّذِينَ تَتَوَفَّىٰهُمُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ طَيِّبِينَ ۙ يَقُولُونَ سَلَـٰمٌ عَلَيْكُمُ ٱدْخُلُوا۟ ٱلْجَنَّةَ بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ٣٢
Allatheena tatawaffahumu almalaikatu tayyibeena yaqooloona salamun ʿalaykumu odkhuloo aljannata bima kuntum taʿmaloona
Kuwa ay malaa’igtu oofsato iyagoo ku sugan xaalad wanaagsan iyagoo ku odhan: Nabad korkiinna ha ahaato: Gala Jannada waxaad (samo) fasheen darteed.
-
هَلْ يَنظُرُونَ إِلَّآ أَن تَأْتِيَهُمُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ أَوْ يَأْتِىَ أَمْرُ رَبِّكَ ۚ كَذَٰلِكَ فَعَلَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ وَمَا ظَلَمَهُمُ ٱللَّهُ وَلَـٰكِن كَانُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ٣٣
Hal yanthuroona illa an tatiyahumu almalaikatu aw yatiya amru rabbika kathalika faʿala allatheena min qablihim wama thalamahumu Allahu walakin kanoo anfusahum yathlimoona
Ma waxay sugayaan waxaan ahayn inay malaa’igtu u timaaddo ama Amarka Rabbigaa1 u yimaado inuu fulo? Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey. Alle ma dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyay.
Sharaxa hoose
[1] Ka imaanshaha cadaab xagga Alle si uu ugu halaago. -
فَأَصَابَهُمْ سَيِّـَٔاتُ مَا عَمِلُوا۟ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ٣٤
Faasabahum sayyiatu ma ʿamiloo wahaqa bihim ma kanoo bihi yastahzioona
Waxaa ku dhacay xumaano waxay faleen, waxaana hareeyey (ciqaabtii) ay ku jeesjeesayeen.
-
وَقَالَ ٱلَّذِينَ أَشْرَكُوا۟ لَوْ شَآءَ ٱللَّهُ مَا عَبَدْنَا مِن دُونِهِۦ مِن شَىْءٍ نَّحْنُ وَلَآ ءَابَآؤُنَا وَلَا حَرَّمْنَا مِن دُونِهِۦ مِن شَىْءٍ ۚ كَذَٰلِكَ فَعَلَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ فَهَلْ عَلَى ٱلرُّسُلِ إِلَّا ٱلْبَلَـٰغُ ٱلْمُبِينُ٣٥
Waqala allatheena ashrakoo law shaa Allahu ma ʿabadna min doonihi min shayin nahnu wala abaona wala harramna min doonihi min shayin kathalika faʿala allatheena min qablihim fahal ʿala alrrusuli illa albalaghu almubeenu
Kuwa Alle u shariig yeela waxay yidhaahdaan: Hadduu Alle doono ma aanu caabudneen waxba Sokadi innaga iyo aabbayaashayo midna, mana xaaraamayneen waxbana (Amarkiisa) la’aanti. Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey: Ee ma waxaa saaran Rususha waxaan aheyn gaarsiin cad?
-
وَلَقَدْ بَعَثْنَا فِى كُلِّ أُمَّةٍ رَّسُولًا أَنِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ وَٱجْتَنِبُوا۟ ٱلطَّـٰغُوتَ ۖ فَمِنْهُم مَّنْ هَدَى ٱللَّهُ وَمِنْهُم مَّنْ حَقَّتْ عَلَيْهِ ٱلضَّلَـٰلَةُ ۚ فَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَٱنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلْمُكَذِّبِينَ٣٦
Walaqad baʿathna fee kulli ommatin rasoolan ani oʿbudoo Allaha waijtaniboo alttaghoota faminhum man hada Allahu waminhum man haqqat ʿalayhi alddalalatu faseeroo fee alardi faonthuroo kayfa kana ʿaqibatu almukaththibeena
Waxaan ka soo bixinnay ummad walba Rasuul (leh): Caabuda Alle Keliya, kana dheeraada Dhaaquut (sheydaanka iyo cibaadada wax Alle ka soo hadhay). Waxaa ka mid ah kuwo Alle uu hanuuniyey, waxaana ka mid ah kuwo habowga ku waajibay. Ee mara dhulka oo fiiriya siday aheyd cidhibta beeniyayaasha (Xaqa).
-
إِن تَحْرِصْ عَلَىٰ هُدَىٰهُمْ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى مَن يُضِلُّ ۖ وَمَا لَهُم مِّن نَّـٰصِرِينَ٣٧
In tahris ʿala hudahum fainna Allaha la yahdee man yudillu wama lahum min nasireena
Haddaad ku dadaashid hanuunkooda, Alle ma hanuuniyo cid uu lumiyo1, mana helaan wax u soo gargaara (Aakhirada).
Sharaxa hoose
[1] Sababta doorashadooda inay diidaan hanuunka. -
وَأَقْسَمُوا۟ بِٱللَّهِ جَهْدَ أَيْمَـٰنِهِمْ ۙ لَا يَبْعَثُ ٱللَّهُ مَن يَمُوتُ ۚ بَلَىٰ وَعْدًا عَلَيْهِ حَقًّا وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ٣٨
Waaqsamoo biAllahi jahda aymanihim la yabʿathu Allahu man yamootu bala waʿdan ʿalayhi haqqan walakinna akthara alnnasi la yaʿlamoona
Waxay ku dhartaan Alle dhaarahooda kuwa ugu adag inuusan Alle soo bixineyn cid dhimatay. Haayoo waa ballan saaran oo Xaq ah, dadkuse badankiisu ma oga.
-
لِيُبَيِّنَ لَهُمُ ٱلَّذِى يَخْتَلِفُونَ فِيهِ وَلِيَعْلَمَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَنَّهُمْ كَانُوا۟ كَـٰذِبِينَ٣٩
Liyubayyina lahumu allathee yakhtalifoona feehi waliyaʿlama allatheena kafaroo annahum kanoo kathibeena
(Waa) si uu ugu caddeeyo (abbaarta) waxay isku khilaafsan yihiin, iyo inay ogaadaan kuwa gaalooba inay ahaayeen beenaalayaal.
-
إِنَّمَا قَوْلُنَا لِشَىْءٍ إِذَآ أَرَدْنَـٰهُ أَن نَّقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ٤٠
Innama qawluna lishayin itha aradnahu an naqoola lahu kun fayakoonu
Sideedaba Qowlkayagu markaan wax doonno waa oo Keliya inaan ku nidhaahno: "Ahaw” waana uu yahay.
-
وَٱلَّذِينَ هَاجَرُوا۟ فِى ٱللَّهِ مِنۢ بَعْدِ مَا ظُلِمُوا۟ لَنُبَوِّئَنَّهُمْ فِى ٱلدُّنْيَا حَسَنَةً ۖ وَلَأَجْرُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَكْبَرُ ۚ لَوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ٤١
Waallatheena hajaroo fee Allahi min baʿdi ma thulimoo lanubawwiannahum fee alddunya hasanatan walaajru alakhirati akbaru law kanoo yaʿlamoona
Kuwa u soo haajira Alle Darti, kaddib markii la dulmiyey, Waxaan ku siin meeqaan wanaagsan adduunka, ajarka Aakhiraana ka weyn, hadday ogaan lahaayeen.
-
ٱلَّذِينَ صَبَرُوا۟ وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ٤٢
Allatheena sabaroo waʿala rabbihim yatawakkaloona
Kuwa samra oo Rabbigood tala saarta.
-
وَمَآ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ إِلَّا رِجَالًا نُّوحِىٓ إِلَيْهِمْ ۚ فَسْـَٔلُوٓا۟ أَهْلَ ٱلذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ٤٣
Wama arsalna min qablika illa rijalan noohee ilayhim faisaloo ahla alththikri in kuntum la taʿlamoona
Ma aanu soo dirin adiga hortaa (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn rag aan u waxyoonno (oo ma soo dirin malaa’ig). Ee weydiiya ehlu Dikirka (yaqaan Towraadda iyo Injiilka), haddaydaan ogeyn.
-
بِٱلْبَيِّنَـٰتِ وَٱلزُّبُرِ ۗ وَأَنزَلْنَآ إِلَيْكَ ٱلذِّكْرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيْهِمْ وَلَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ٤٤
Bialbayyinati waalzzuburi waanzalna ilayka alththikra litubayyina lilnnasi ma nuzzila ilayhim walaʿallahum yatafakkaroona
Xujooyin cad iyo Kutub (baan la soo dirnay Rususha). Waxaana kugu soo dejinnay Waanada (Qur’aanka), si aad ugu caddaysid dadka waxa loo soo dejiyey, bal inay u fiiro yeeshaan oo ay wax ku qaataan.
-
أَفَأَمِنَ ٱلَّذِينَ مَكَرُوا۟ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَخْسِفَ ٱللَّهُ بِهِمُ ٱلْأَرْضَ أَوْ يَأْتِيَهُمُ ٱلْعَذَابُ مِنْ حَيْثُ لَا يَشْعُرُونَ٤٥
Afaamina allatheena makaroo alssayyiati an yakhsifa Allahu bihimu alarda aw yatiyahumu alʿathabu min haythu la yashʿuroona
Ma waxay kuwa qoola xumaha aamin ka yihiin in Alle la gooyo dhulka, ama uga yimaado cadaabka meel aanay ka fileyn?
-
أَوْ يَأْخُذَهُمْ فِى تَقَلُّبِهِمْ فَمَا هُم بِمُعْجِزِينَ٤٦
Aw yakhuthahum fee taqallubihim fama hum bimuʿjizeena
Ama qabto iyagoo ku jira howlahooda, markaas ma ka baxsan karaan (Ciqaabka)?
-
أَوْ يَأْخُذَهُمْ عَلَىٰ تَخَوُّفٍ فَإِنَّ رَبَّكُمْ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ٤٧
Aw yakhuthahum ʿala takhawwufin fainna rabbakum laraoofun raheemun
Ama qabto iyagoo ku sugan cabsi isa soo tarta. Rabbiggiinna waa Turid Badane, Naxariis Badan1.
Sharaxa hoose
[1] Isagoo dib ugu dhiga ciqaabka ay mudan yihiin oo siiya fursad ay ku toobad keenaan. -
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَىٰ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ مِن شَىْءٍ يَتَفَيَّؤُا۟ ظِلَـٰلُهُۥ عَنِ ٱلْيَمِينِ وَٱلشَّمَآئِلِ سُجَّدًا لِّلَّهِ وَهُمْ دَٰخِرُونَ٤٨
Awa lam yaraw ila ma khalaqa Allahu min shayin yatafayyao thilaluhu ʿani alyameeni waalshshamaili sujjadan lillahi wahum dakhiroona
Miyeyna u fiirsan wax kastoo uu Alle abuuray, (sida) hoosaskoodu ugu iishaan midig iyo bidix, oo ugu sujuudaan Alle iyagoo u khushuucsan.
-
وَلِلَّهِ يَسْجُدُ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ مِن دَآبَّةٍ وَٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ وَهُمْ لَا يَسْتَكْبِرُونَ٤٩
Walillahi yasjudu ma fee alssamawati wama fee alardi min dabbatin waalmalaikatu wahum la yastakbiroona
Alle waxaa u sujuuda waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada oo nafley dhul socod ah iyo malaa’igta, iskamana weyneeyaan.
-
يَخَافُونَ رَبَّهُم مِّن فَوْقِهِمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ ۩٥٠
Yakhafoona rabbahum min fawqihim wayafʿaloona ma yumaroona
Waxay ka cabasadaan Rabbigood ka korreeya, waxayna falaan waxa la amro.
-
۞ وَقَالَ ٱللَّهُ لَا تَتَّخِذُوٓا۟ إِلَـٰهَيْنِ ٱثْنَيْنِ ۖ إِنَّمَا هُوَ إِلَـٰهٌ وَٰحِدٌ ۖ فَإِيَّـٰىَ فَٱرْهَبُونِ٥١
Waqala Allahu la tattakhithoo ilahayni ithnayni innama huwa ilahun wahidun faiyyaya fairhabooni
Alle wuxuu yidhi: Ha yeelannina labo ilaah. Waa uun Ilaah Keliya (Allaah). Ee Anigoo Keliya iga cabsada1.
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii qiraa inuusan jirin ilaah Xaq ah aan aheyn Alle iyo inuusan laheyn wax shariik ah, iyo in Muxmmad yahay addoon Alle iyo Rasuulki, iyo in Ciise yahay addoon Alle iyo Rasuulki, iyo Kelmeddiisii uu Jabriil ku afuufay Maryam iyo ruux uu abuuray Alle, iyo in Jannadu run tahay, Naartuna run tahay, Alle wuxuu gelin Jannada si kastaba camalkiisa ha u yaraadee. W.w. Al-Bukhaari. -
وَلَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَلَهُ ٱلدِّينُ وَاصِبًا ۚ أَفَغَيْرَ ٱللَّهِ تَتَّقُونَ٥٢
Walahu ma fee alssamawati waalardi walahu alddeenu wasiban afaghayra Allahi tattaqoona
Alle baa iska leh Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Waa in Isaga (Alle Keliya) loo gaar iyo gooni yeelo cibaadada oo la adeeco si joogta ah. Ee Ma waxaad ka cabsan waxaan ahayn Alle.
-
وَمَا بِكُم مِّن نِّعْمَةٍ فَمِنَ ٱللَّهِ ۖ ثُمَّ إِذَا مَسَّكُمُ ٱلضُّرُّ فَإِلَيْهِ تَجْـَٔرُونَ٥٣
Wama bikum min niʿmatin famina Allahi thumma itha massakumu alddurru failayhi tajaroona
Wax kastoo nicmo ah ee (lagu galladeystey) dushiinna waa xagga Alle, haddana marka dhibaato idin ku dhacdo, Xaggiisaad u calaacashaan idinkoo gargaar doon ah.
-
ثُمَّ إِذَا كَشَفَ ٱلضُّرَّ عَنكُمْ إِذَا فَرِيقٌ مِّنكُم بِرَبِّهِمْ يُشْرِكُونَ٥٤
Thumma itha kashafa alddurra ʿankum itha fareequn minkum birabbihim yushrikoona
Markuu idinka faydo dhibaatadana, mise qaar idin ka mid ahi ayaa Rabbigood (Alle) la wadaajiya cibaadada cid kale.
-
لِيَكْفُرُوا۟ بِمَآ ءَاتَيْنَـٰهُمْ ۚ فَتَمَتَّعُوا۟ ۖ فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ٥٥
Liyakfuroo bima ataynahum fatamattaʿoo fasawfa taʿlamoona
Si ay uga abaal dhacaan waxaan siinnay. Ee iska raaxeysta, waadse ogaan doontaan (waxa idinku dhaca).
-
وَيَجْعَلُونَ لِمَا لَا يَعْلَمُونَ نَصِيبًا مِّمَّا رَزَقْنَـٰهُمْ ۗ تَٱللَّهِ لَتُسْـَٔلُنَّ عَمَّا كُنتُمْ تَفْتَرُونَ٥٦
Wayajʿaloona lima la yaʿlamoona naseeban mimma razaqnahum taAllahi latusalunna ʿamma kuntum taftaroona
Waxay u yeelaan qayb ka mid ah waxa aanu siinnay wax aanay garanayn 'oo ilaahyo been ah'1. Tallaahi, waa la idin weydiin waxaad been abuurateen.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa loola jeedaa wax ayan cilmi u heysan oo ah ilaahyadaa baadilka ay sameysteen, bal waxay wax ku dhisaan malooyin iyo caadooyin ama raacidda dad habowsan. -
وَيَجْعَلُونَ لِلَّهِ ٱلْبَنَـٰتِ سُبْحَـٰنَهُۥ ۙ وَلَهُم مَّا يَشْتَهُونَ٥٧
Wayajʿaloona lillahi albanati subhanahu walahum ma yashtahoona
Waxay u yeelaan Alle gabdho1. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), iyaguna waxay isa siiyeen waxay rabaan.
Sharaxa hoose
[1] Waxay yidhaahdeen Alle wuxuu leeyahay gabdho, iyagoo ula jeeda malaa’igta, iyagoo naf ahaantooda neceb inay yeeshaan gabdho siduu Alle ku xusay Aayaddan iyo tan ka dambeysaba. -
وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِٱلْأُنثَىٰ ظَلَّ وَجْهُهُۥ مُسْوَدًّا وَهُوَ كَظِيمٌ٥٨
Waitha bushshira ahaduhum bialontha thalla wajhuhu muswaddan wahuwa katheemun
Marka loogu bishaareeyo midkood (dhalashada) dheddig, wuxuu noqdaa wejigiisa madow, isagoo tiiraanyeysan.
-
يَتَوَٰرَىٰ مِنَ ٱلْقَوْمِ مِن سُوٓءِ مَا بُشِّرَ بِهِۦٓ ۚ أَيُمْسِكُهُۥ عَلَىٰ هُونٍ أَمْ يَدُسُّهُۥ فِى ٱلتُّرَابِ ۗ أَلَا سَآءَ مَا يَحْكُمُونَ٥٩
Yatawara mina alqawmi min sooi ma bushshira bihi ayumsikuhu ʿala hoonin am yadussuhu fee altturabi ala saa ma yahkumoona
Wuxuu iska qariyaa dadka xumida waxa loogu bishaareeyey darteed. Ma wuxuu ku heystaa dulli mise ku aaasaa (iyadoo nool) carrada? Xumaa waxay xukumaan1.
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuu xaaraanshay ku caasinta hooyooyinkiin, nolol xabaalidda gabdhaha, diidista bixinta xuquuqda dadka, baryada, ku tiri ku teenta iyo su’aasha badan, iyo luminta maalka. W.w.Al-Bukhaari. -
لِلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ مَثَلُ ٱلسَّوْءِ ۖ وَلِلَّهِ ٱلْمَثَلُ ٱلْأَعْلَىٰ ۚ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ٦٠
Lillatheena la yuminoona bialakhirati mathalu alssawi walillahi almathalu alaʿla wahuwa alʿazeezu alhakeemu
Kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waxaa u sugnaaday tusaale xun1. Alle waxaa u sugnaaday tilmaanta wanaagsan ee sare, waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
Sharaxa hoose
[1] Sida waxa lagu xusay labadii Aayadood ee hore. -
وَلَوْ يُؤَاخِذُ ٱللَّهُ ٱلنَّاسَ بِظُلْمِهِم مَّا تَرَكَ عَلَيْهَا مِن دَآبَّةٍ وَلَـٰكِن يُؤَخِّرُهُمْ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى ۖ فَإِذَا جَآءَ أَجَلُهُمْ لَا يَسْتَـْٔخِرُونَ سَاعَةً ۖ وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ٦١
Walaw yuakhithu Allahu alnnasa bithulmihim ma taraka ʿalayha min dabbatin walakin yuakhkhiruhum ila ajalin musamman faitha jaa ajaluhum la yastakhiroona saʿatan wala yastaqdimoona
Hadduu Alle durba u qaban lahaa dadka dulmigay falaan darti, kagama tageen (dhulka) guudki nafley qudh ahi, wuxuuse ugu dib dhigaa muddo magacaa- ban, marka ajalkoodu yimaadana ma dib dhigi karaan Saacad mana soo hor marin karaan.
-
وَيَجْعَلُونَ لِلَّهِ مَا يَكْرَهُونَ وَتَصِفُ أَلْسِنَتُهُمُ ٱلْكَذِبَ أَنَّ لَهُمُ ٱلْحُسْنَىٰ ۖ لَا جَرَمَ أَنَّ لَهُمُ ٱلنَّارَ وَأَنَّهُم مُّفْرَطُونَ٦٢
Wayajʿaloona lillahi ma yakrahoona watasifu alsinatuhumu alkathiba anna lahumu alhusna la jarama anna lahumu alnnara waannahum mufratoona
Waxay u yeelaan Alle (gabdho) ay (iyaguba) nacaan, carrabyadooduna waxay sheegaan beenta ah inay mudan midda wanaagsan; waxaa sugan inay leeyihiin Naar, oo loo hormarin doono1.
Sharaxa hoose
[1] Macno kale waxaa weeye waxaa laga yeeli inay halkaasi kaga horreeyaan inta kale oo dhan. -
تَٱللَّهِ لَقَدْ أَرْسَلْنَآ إِلَىٰٓ أُمَمٍ مِّن قَبْلِكَ فَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيْطَـٰنُ أَعْمَـٰلَهُمْ فَهُوَ وَلِيُّهُمُ ٱلْيَوْمَ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ٦٣
TaAllahi laqad arsalna ila omamin min qablika fazayyana lahumu alshshaytanu aʿmalahum fahuwa waliyyuhumu alyawma walahum ʿathabun aleemun
Tallaahiye, Waxaan u soo dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyey, Wuxuuse u qurxiyey Shaydaanka camalladooda, Isagaana sokeeye u ah maanta, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
-
وَمَآ أَنزَلْنَا عَلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ إِلَّا لِتُبَيِّنَ لَهُمُ ٱلَّذِى ٱخْتَلَفُوا۟ فِيهِ ۙ وَهُدًى وَرَحْمَةً لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ٦٤
Wama anzalna ʿalayka alkitaba illa litubayyina lahumu allathee ikhtalafoo feehi wahudan warahmatan liqawmin yuminoona
Kuuguma aannu soo dejin Kitaabka (Qur’aanka) waxaan ahayn inaad u caddeyso waxyaalaha ay isku khilaafsan yihiin, iyo hanuun ahaan iyo Naxariis ciddii rumeyn.
-
وَٱللَّهُ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَحْيَا بِهِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَآ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَسْمَعُونَ٦٥
WaAllahu anzala mina alssamai maan faahya bihi alarda baʿda mawtiha inna fee thalika laayatan liqawmin yasmaʿoona
Alle waa Kan ka soo dejiyey biyo (roob) daruuraha, oo ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib. Arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax maqli.
-
وَإِنَّ لَكُمْ فِى ٱلْأَنْعَـٰمِ لَعِبْرَةً ۖ نُّسْقِيكُم مِّمَّا فِى بُطُونِهِۦ مِنۢ بَيْنِ فَرْثٍ وَدَمٍ لَّبَنًا خَالِصًا سَآئِغًا لِّلشَّـٰرِبِينَ٦٦
Wainna lakum fee alanʿami laʿibratan nusqeekum mimma fee butoonihi min bayni farthin wadamin labanan khalisan saighan lilshsharibeena
Waxaa xaqiiq idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxaa ku jira uurarkooda uus iyo dhiig dhexdood, caano saafi ah, mari og hunguriga kuwa cabbi.
-
وَمِن ثَمَرَٰتِ ٱلنَّخِيلِ وَٱلْأَعْنَـٰبِ تَتَّخِذُونَ مِنْهُ سَكَرًا وَرِزْقًا حَسَنًا ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ٦٧
Wamin thamarati alnnakheeli waalaʿnabi tattakhithoona minhu sakaran warizqan hasanan inna fee thalika laayatan liqawmin yaʿqiloona
Iyo midhaha geedaha timirta iyo canabyada oo aad ka samaysataan cabbitaan culus1 iyo risiq wanaagsan. Arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii garasho leh.
Sharaxa hoose
[1] Aayaddan waxaa la soo dejiyey ka hor inta aan la xarrimin khamriga. Waxay muujineysaa xaqiiqda in waxyaalaha qaarkood ay ku jiraan dhibaato iyo in sidoo kale lahaan karaan xoogaa wanaag ah. -
وَأَوْحَىٰ رَبُّكَ إِلَى ٱلنَّحْلِ أَنِ ٱتَّخِذِى مِنَ ٱلْجِبَالِ بُيُوتًا وَمِنَ ٱلشَّجَرِ وَمِمَّا يَعْرِشُونَ٦٨
Waawha rabbuka ila alnnahli ani ittakhithee mina aljibali buyootan wamina alshshajari wamimma yaʿrishoona
Wuxuu Rabbigaa u waxyooday shinnada 'dheddigta ah': Ka yeelo buuraha guryo iyo geedaha iyo waxay dhisaanba.
-
ثُمَّ كُلِى مِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ فَٱسْلُكِى سُبُلَ رَبِّكِ ذُلُلًا ۚ يَخْرُجُ مِنۢ بُطُونِهَا شَرَابٌ مُّخْتَلِفٌ أَلْوَٰنُهُۥ فِيهِ شِفَآءٌ لِّلنَّاسِ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ٦٩
Thumma kulee min kulli alththamarati faoslukee subula rabbiki thululan yakhruju min butooniha sharabun mukhtalifun alwanuhu feehi shifaon lilnnasi inna fee thalika laayatan liqawmin yatafakkaroona
Markaas wax ka cun midhaha oo dhan, oo qaad jidadka Rabbigaa oo laylan. Waxaa ka soo baxa uurarkeeda sharaab kala midab ah oo caafimaad ugu jiro dadka. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii fikiri.
-
وَٱللَّهُ خَلَقَكُمْ ثُمَّ يَتَوَفَّىٰكُمْ ۚ وَمِنكُم مَّن يُرَدُّ إِلَىٰٓ أَرْذَلِ ٱلْعُمُرِ لِكَىْ لَا يَعْلَمَ بَعْدَ عِلْمٍ شَيْـًٔا ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ قَدِيرٌ٧٠
WaAllahu khalaqakum thumma yatawaffakum waminkum man yuraddu ila arthali alʿumuri likay la yaʿlama baʿda ʿilmin shayan inna Allaha ʿaleemun qadeerun
Alle baa idin abuuray, misna idin oofsan, waxaana idin ka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita nolosha, si uu waxba aanu u ogaan kaddib waayo aqoontii. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan.
-
وَٱللَّهُ فَضَّلَ بَعْضَكُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ فِى ٱلرِّزْقِ ۚ فَمَا ٱلَّذِينَ فُضِّلُوا۟ بِرَآدِّى رِزْقِهِمْ عَلَىٰ مَا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُهُمْ فَهُمْ فِيهِ سَوَآءٌ ۚ أَفَبِنِعْمَةِ ٱللَّهِ يَجْحَدُونَ٧١
WaAllahu faddala baʿdakum ʿala baʿdin fee alrrizqi fama allatheena fuddiloo biraddee rizqihim ʿala ma malakat aymanuhum fahum feehi sawaon afabiniʿmati Allahi yajhadoona
Alle wuu uga roonaaday qaarkiinba qaar kale xagga risiqa, Marka, kuwa loo roonaaday sinnaba uma mulki siiyaan risiqooda kuwa (addoomaha ah) oo ay midigtoodu hanato si ay isku mid ugu noqdaan1. Ee ma Nicmadda Alle baa waxay diiddan yihiin?
Sharaxa hoose
[1] Xujada lagu xusay Aayaddan waxaa weeye: Hadday u arkin waxyaalaha ay leeyihiin wax la siman iyaga, haddaba sidee bay ula simi karaan Alle uunkiisa oo uga dhigi shariikyo. -
وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَٰجًا وَجَعَلَ لَكُم مِّنْ أَزْوَٰجِكُم بَنِينَ وَحَفَدَةً وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَـٰتِ ۚ أَفَبِٱلْبَـٰطِلِ يُؤْمِنُونَ وَبِنِعْمَتِ ٱللَّهِ هُمْ يَكْفُرُونَ٧٢
WaAllahu jaʿala lakum min anfusikum azwajan wajaʿala lakum min azwajikum baneena wahafadatan warazaqakum mina alttayyibati afabialbatili yuminoona wabiniʿmati Allahi hum yakfuroona
Alle wuxuu idiinka yeelay nafahiinna xaasas idinla nooc ah, wuxuuna idinka siiyey xaasaskiinna ubad iyo ilmo ilmahood, wuxuuna ku galladeysatay korkiinna wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan. Ee ma baadil (shirki) baa waxay rumeysan yihiin, halka ay tahay Nicmadda Alle (Towxiidka) waxay diidaan inay rumeeyaan oo ku gaaloobaan?
-
وَيَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَمْلِكُ لَهُمْ رِزْقًا مِّنَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ شَيْـًٔا وَلَا يَسْتَطِيعُونَ٧٣
Wayaʿbudoona min dooni Allahi ma la yamliku lahum rizqan mina alssamawati waalardi shayan wala yastateeʿoona
Waxay caabudaan Alle sokadi, waxaan uga hanan karin wax risiq ah xagga samooyinka iyo arlada, oo aan wax awood ahi lahayn.
-
فَلَا تَضْرِبُوا۟ لِلَّهِ ٱلْأَمْثَالَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ٧٤
Fala tadriboo lillahi alamthala inna Allaha yaʿlamu waantum la taʿlamoona
Ha u yeelina Alle wax aad la mid dhigtaan1. Hubaal, Alle wuu Og yahay (waxaad fashaan), idinkuse ma ogidin (khaladkiinna iyo cidhib xumidiinna).
Sharaxa hoose
[1] Ma leh wax la bar bar dhigo ama lagu matalo. -
۞ ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا عَبْدًا مَّمْلُوكًا لَّا يَقْدِرُ عَلَىٰ شَىْءٍ وَمَن رَّزَقْنَـٰهُ مِنَّا رِزْقًا حَسَنًا فَهُوَ يُنفِقُ مِنْهُ سِرًّا وَجَهْرًا ۖ هَلْ يَسْتَوُۥنَ ۚ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ٧٥
Daraba Allahu mathalan ʿabdan mamlookan la yaqdiru ʿala shayin waman razaqnahu minna rizqan hasanan fahuwa yunfiqu minhu sirran wajahran hal yastawoona alhamdu lillahi bal aktharuhum la yaʿlamoona
Alle wuxuu ka yeelaa tusaale1: addoon la leeyahay aan waxba awoodi karin, iyo mid aanu ka siinnay xaggeenna risiq wanaagsan, oo isagu wax ka bixiya sir iyo caddaanba. Miyey labadaasi siman yihiin? Ammaan oo idil iyo mahad waxaa mudan Allaah! Badankooduse ma oga.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa tusaalahan jawaab ahaan loo siiyey mushrikiinta la mid dhiga Alle ee arzaaqa ee awoodda badan sanamyada aan xoog iyo xeelad midna lahayn. -
وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا رَّجُلَيْنِ أَحَدُهُمَآ أَبْكَمُ لَا يَقْدِرُ عَلَىٰ شَىْءٍ وَهُوَ كَلٌّ عَلَىٰ مَوْلَىٰهُ أَيْنَمَا يُوَجِّههُّ لَا يَأْتِ بِخَيْرٍ ۖ هَلْ يَسْتَوِى هُوَ وَمَن يَأْمُرُ بِٱلْعَدْلِ ۙ وَهُوَ عَلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ٧٦
Wadaraba Allahu mathalan rajulayni ahaduhuma abkamu la yaqdiru ʿala shayin wahuwa kallun ʿala mawlahu aynama yuwajjihhu la yati bikhayrin hal yastawee huwa waman yamuru bialʿadli wahuwa ʿala siratin mustaqeemin
Wuxuu (kaloo) Alle tusaale ka yeelaa labo nin, oo midkood af la’yahay (hadli karin), kaasoo aan waxna karin inuu hagaajiyo, oo isagu ku ah culeys abaankiisa, meeshuu u diraba aan ka keenin khayr. Miyaa lala simi karaa mid amra caddaalad oo isagu (naf ahaantiisa) ku sugan Jid Toosan?
-
وَلِلَّهِ غَيْبُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَمَآ أَمْرُ ٱلسَّاعَةِ إِلَّا كَلَمْحِ ٱلْبَصَرِ أَوْ هُوَ أَقْرَبُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ٧٧
Walillahi ghaybu alssamawati waalardi wama amru alssaʿati illa kalamhi albasari aw huwa aqrabu inna Allaha ʿala kulli shayin qadeerun
Alle baa iska leh waxaan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada. Arrinka Saacadda (Qiyaamana) ma aha waxaan ahayn sida il biriqsi, ama ka dhowba. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.
-
وَٱللَّهُ أَخْرَجَكُم مِّنۢ بُطُونِ أُمَّهَـٰتِكُمْ لَا تَعْلَمُونَ شَيْـًٔا وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمْعَ وَٱلْأَبْصَـٰرَ وَٱلْأَفْـِٔدَةَ ۙ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ٧٨
WaAllahu akhrajakum min butooni ommahatikum la taʿlamoona shayan wajaʿala lakumu alssamʿa waalabsara waalafidata laʿallakum tashkuroona
Alle wuxuu idinka soo saaray uurarka hooyooyinkiin idinkoo aan waxba garanayn. Wuxuuna idiin yeelay maqal iyo arag iyo qalbiyo inaad mahad naqdaan.
-
أَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَى ٱلطَّيْرِ مُسَخَّرَٰتٍ فِى جَوِّ ٱلسَّمَآءِ مَا يُمْسِكُهُنَّ إِلَّا ٱللَّهُ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ٧٩
Alam yaraw ila alttayri musakhkharatin fee jawwi alssamai ma yumsikuhunna illa Allahu inna fee thalika laayatin liqawmin yuminoona
Miyeyna arkayn shimbiraha loo sakhiray (oo ku duulaya) hawada samada? Cidina ma qaban karto aan ahayn Allaah. hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumayn.
-
وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّنۢ بُيُوتِكُمْ سَكَنًا وَجَعَلَ لَكُم مِّن جُلُودِ ٱلْأَنْعَـٰمِ بُيُوتًا تَسْتَخِفُّونَهَا يَوْمَ ظَعْنِكُمْ وَيَوْمَ إِقَامَتِكُمْ ۙ وَمِنْ أَصْوَافِهَا وَأَوْبَارِهَا وَأَشْعَارِهَآ أَثَـٰثًا وَمَتَـٰعًا إِلَىٰ حِينٍ٨٠
WaAllahu jaʿala lakum min buyootikum sakanan wajaʿala lakum min juloodi alanʿami buyootan tastakhiffoonaha yawma thaʿnikum wayawma iqamatikum wamin aswafiha waawbariha waashʿariha athathan wamataʿan ila heenin
Alle wuxuu idiinka yeelay guryihiinna degaan aad ku xasishaan, wuxuuna idinku galladeystey teendhooyin laga sameeyey hargaha xoolaha idiin fudud qaadistooda maalinta geeddigiinna iyo maalinta negaadigiinnaba, idiinkana yeelay (idaha) duftooda iyo (geela) dhogortooda iyo (riyaha) timahooda alaabo guri iyo sahay ilaa muddo ah.
-
وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّمَّا خَلَقَ ظِلَـٰلًا وَجَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلْجِبَالِ أَكْنَـٰنًا وَجَعَلَ لَكُمْ سَرَٰبِيلَ تَقِيكُمُ ٱلْحَرَّ وَسَرَٰبِيلَ تَقِيكُم بَأْسَكُمْ ۚ كَذَٰلِكَ يُتِمُّ نِعْمَتَهُۥ عَلَيْكُمْ لَعَلَّكُمْ تُسْلِمُونَ٨١
WaAllahu jaʿala lakum mimma khalaqa thilalan wajaʿala lakum mina aljibali aknanan wajaʿala lakum sarabeela taqeekumu alharra wasarabeela taqeekum basakum kathalika yutimmu niʿmatahu ʿalaykum laʿallakum tuslimoona
Alle wuxuu idiinka yeelay wuxuu abuuray (geedaha) hoosas, wuxuuna idiinka yeelay buuraha gebiyo aad gashaan, idiin yeelayna dhar idinka celiya kuleylka (iyo qabowga) iyo dhar (jaakado bir ah) idinka celiya (dhibka) dirirtiinna. Sidaasuu idiinku iltiraa Nicmaddiisa inaad u hoggaansantaan (oo Xaqa raacdaan).
-
فَإِن تَوَلَّوْا۟ فَإِنَّمَا عَلَيْكَ ٱلْبَلَـٰغُ ٱلْمُبِينُ٨٢
Fain tawallaw fainnama ʿalayka albalaghu almubeenu
Haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka), xilkaagu waa oo keliya Gaarsiin cad.
-
يَعْرِفُونَ نِعْمَتَ ٱللَّهِ ثُمَّ يُنكِرُونَهَا وَأَكْثَرُهُمُ ٱلْكَـٰفِرُونَ٨٣
Yaʿrifoona niʿmata Allahi thumma yunkiroonaha waaktharuhumu alkafiroona
Waxay gartaan Nicmadda Alle (Islaamka), haddana way dafiraan, badankooduna waa gaalo.
-
وَيَوْمَ نَبْعَثُ مِن كُلِّ أُمَّةٍ شَهِيدًا ثُمَّ لَا يُؤْذَنُ لِلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَلَا هُمْ يُسْتَعْتَبُونَ٨٤
Wayawma nabʿathu min kulli ommatin shaheedan thumma la yuthanu lillatheena kafaroo wala hum yustaʿtaboona
(Xus) maalintaan ka soo saareyno ummad walba markhaati, markaas aan loo idmeyn kuwa gaaloobay (cudur daarasho), oo aan laga yeeleyn inay axsaan fal dalbaan.
-
وَإِذَا رَءَا ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ ٱلْعَذَابَ فَلَا يُخَفَّفُ عَنْهُمْ وَلَا هُمْ يُنظَرُونَ٨٥
Waitha raa allatheena thalamoo alʿathaba fala yukhaffafu ʿanhum wala hum yuntharoona
Markay kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) arkaan cadaabka, lagama khafiifinayo, lamana siinayo fursad.
-
وَإِذَا رَءَا ٱلَّذِينَ أَشْرَكُوا۟ شُرَكَآءَهُمْ قَالُوا۟ رَبَّنَا هَـٰٓؤُلَآءِ شُرَكَآؤُنَا ٱلَّذِينَ كُنَّا نَدْعُوا۟ مِن دُونِكَ ۖ فَأَلْقَوْا۟ إِلَيْهِمُ ٱلْقَوْلَ إِنَّكُمْ لَكَـٰذِبُونَ٨٦
Waitha raa allatheena ashrakoo shurakaahum qaloo rabbana haolai shurakaona allatheena kunna nadʿoo min doonika faalqaw ilayhimu alqawla innakum lakathiboona
Markay kuwa Alle u shariig yeela 'cid kale'1 arkaan kuway la wadaajiyeen Alle (cibaadada) waxay odhan: Rabbigayow! Kuwaanu waa kuwa aan kula wadaajinnay cibaadada ee aan baryi jirnay adiga Sokadaa2. Waxayse (kuwaa) dib ugu celin hadalka (iyagoo leh): Waxaad tihiin beenaalayaal.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa shirki loola jeedaa wixii lala barbar caabudo Alle, sheydaankuna wuxuu amraa cibaadada asnaamta . [2] Waa rumeysnaanta inuu Alle leeyahay shuruko lala wadaajiyo cibaadada, shurukadaasina ay uga shafeeci Alle agti. -
وَأَلْقَوْا۟ إِلَى ٱللَّهِ يَوْمَئِذٍ ٱلسَّلَمَ ۖ وَضَلَّ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَفْتَرُونَ٨٧
Waalqaw ila Allahi yawmaithin alssalama wadalla ʿanhum ma kanoo yaftaroona
Waxayna (gaalada mushrikiinta ah) ula imaan Alle maalintaas hoggaansan dhan, wayna ka tegi oo waayi waxay been abuuran jireen (oo ilaahyo been ah).
-
ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ زِدْنَـٰهُمْ عَذَابًا فَوْقَ ٱلْعَذَابِ بِمَا كَانُوا۟ يُفْسِدُونَ٨٨
Allatheena kafaroo wasaddoo ʿan sabeeli Allahi zidnahum ʿathaban fawqa alʿathabi bima kanoo yufsidoona
Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga dadka Jidka Alle (Islaamka), waxaan ugu dari cadaab cadaabkooda, waxay fasaad fali jireen awgii.
-
وَيَوْمَ نَبْعَثُ فِى كُلِّ أُمَّةٍ شَهِيدًا عَلَيْهِم مِّنْ أَنفُسِهِمْ ۖ وَجِئْنَا بِكَ شَهِيدًا عَلَىٰ هَـٰٓؤُلَآءِ ۚ وَنَزَّلْنَا عَلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ تِبْيَـٰنًا لِّكُلِّ شَىْءٍ وَهُدًى وَرَحْمَةً وَبُشْرَىٰ لِلْمُسْلِمِينَ٨٩
Wayawma nabʿathu fee kulli ommatin shaheedan ʿalayhim min anfusihim wajina bika shaheedan ʿala haolai wanazzalna ʿalayka alkitaba tibyanan likulli shayin wahudan warahmatan wabushra lilmuslimeena
(Xus) Maalinka aan ka soo saari ummad walba markhaati ku marag fura oo iyaga ka mid ah, oo aan kuu keenno adiga (Nabiyow) inaad ka ahaato markhaati kuwan - Waxaana kugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) u faahfaahinaya wax walba si cad , iyo inuu u ahaado Hanuun iyo Naxariis iyo bishaaro Muslimiinta1.
Sharaxa hoose
[1] Muslimiin waa kuwa isu dhiiba Doonista Alle ee u hoggaansan. -
۞ إِنَّ ٱللَّهَ يَأْمُرُ بِٱلْعَدْلِ وَٱلْإِحْسَـٰنِ وَإِيتَآئِ ذِى ٱلْقُرْبَىٰ وَيَنْهَىٰ عَنِ ٱلْفَحْشَآءِ وَٱلْمُنكَرِ وَٱلْبَغْىِ ۚ يَعِظُكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ٩٠
Inna Allaha yamuru bialʿadli waalihsani waeetai thee alqurba wayanha ʿani alfahshai waalmunkari waalbaghyi yaʿithukum laʿallakum tathakkaroona
Hubaal Alle wuxuu amraa caddaaladda, axsaan falka iyo siinta qaraabada, wuxuuna reebaa xumaanta, munkarka iyo gardarrada. Wuu idin waaninayaa, inaad ku waano qaadataan oo xusuusataan.
-
وَأَوْفُوا۟ بِعَهْدِ ٱللَّهِ إِذَا عَـٰهَدتُّمْ وَلَا تَنقُضُوا۟ ٱلْأَيْمَـٰنَ بَعْدَ تَوْكِيدِهَا وَقَدْ جَعَلْتُمُ ٱللَّهَ عَلَيْكُمْ كَفِيلًا ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ مَا تَفْعَلُونَ٩١
Waawfoo biʿahdi Allahi itha ʿahadtum wala tanqudoo alaymana baʿda tawkeediha waqad jaʿaltumu Allaha ʿalaykum kafeelan inna Allaha yaʿlamu ma tafʿaloona
Oofiya Ballanka Alle markaad gashaan, hana burinnina dhaaraha kaddib markaad adkeyseen, oo uga yeesheen Alle damiin. Alle wuu Og yahay waxaad falaysaan.
-
وَلَا تَكُونُوا۟ كَٱلَّتِى نَقَضَتْ غَزْلَهَا مِنۢ بَعْدِ قُوَّةٍ أَنكَـٰثًا تَتَّخِذُونَ أَيْمَـٰنَكُمْ دَخَلًۢا بَيْنَكُمْ أَن تَكُونَ أُمَّةٌ هِىَ أَرْبَىٰ مِنْ أُمَّةٍ ۚ إِنَّمَا يَبْلُوكُمُ ٱللَّهُ بِهِۦ ۚ وَلَيُبَيِّنَنَّ لَكُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ مَا كُنتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ٩٢
Wala takoonoo kaallatee naqadat ghazlaha min baʿdi quwwatin ankathan tattakhithoona aymanakum dakhalan baynakum an takoona ommatun hiya arba min ommatin innama yablookumu Allahu bihi walayubayyinanna lakum yawma alqiyamati ma kuntum feehi takhtalifoona
Ha la mid noqonnina sida tan furfurta xadhiggeeda ay soohday iyadoo u googooneysa gabal gabal kaddib markuu yeeshay xoog. Waxaad ka yeeshaan dhaarahiinna dhagar dhexdiinna ah, inay ummad ka tiro badan tahay ummad kale 'darteed'1. Alle waa uun idinku imtixaami arrinkaas iyo inuu idiin caddeeyo Maalinta Qiyaamaha waxaad isku khilaafsaneydeen.
Sharaxa hoose
[1] Muslimiinta tiro ahaan way yaraayen, waxayna la galeen gaalada heshiis., Markii ay arkeen Quryash inay tiro badan yihiin, oo ay muslimiinta dheer yihiin xoog iyo xeeladba iyo waayo aragnimo, waxay door bideen inay uga baxaan heshiiska Nabiga s.c.w., ficilkan oo kalena Alle wuu reebay. Macnaha waa ha ugu dhaarannina been ama ha burinnina heshiis ama ka bixina ballan aad gasheen dano adduunyo darteed, si kastaba uga xoog badnaadee cadowgiinna. -
وَلَوْ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَكُمْ أُمَّةً وَٰحِدَةً وَلَـٰكِن يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ ۚ وَلَتُسْـَٔلُنَّ عَمَّا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ٩٣
Walaw shaa Allahu lajaʿalakum ommatan wahidatan walakin yudillu man yashao wayahdee man yashao walatusalunna ʿamma kuntum taʿmaloona
Hadduu Alle doono, wuxuu idinka yeeli lahaa ummad keliya, wuxuuse lumiyaa cidduu doono oo hanuuniyaa cidduu doono. Waana la idin weydiin waxaad falayseen.
-
وَلَا تَتَّخِذُوٓا۟ أَيْمَـٰنَكُمْ دَخَلًۢا بَيْنَكُمْ فَتَزِلَّ قَدَمٌۢ بَعْدَ ثُبُوتِهَا وَتَذُوقُوا۟ ٱلسُّوٓءَ بِمَا صَدَدتُّمْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ۖ وَلَكُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ٩٤
Wala tattakhithoo aymanakum dakhalan baynakum fatazilla qadamun baʿda thubootiha watathooqoo alssooa bima sadadtum ʿan sabeeli Allahi walakum ʿathabun ʿatheemun
Ha ka dhigannina dhaarahiinna siyaalo aad isku khiyaantaan dhexdiinna, si aanay cagi u sidban kaddib sugnaashaheeda, oo aad dhadhamisaan xumaan (cadaab) inaad ka jeedsateen Jidka Alle darteed, waxaadna mudan Cadaab weyn.
-
وَلَا تَشْتَرُوا۟ بِعَهْدِ ٱللَّهِ ثَمَنًا قَلِيلًا ۚ إِنَّمَا عِندَ ٱللَّهِ هُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ٩٥
Wala tashtaroo biʿahdi Allahi thamanan qaleelan innama ʿinda Allahi huwa khayrun lakum in kuntum taʿlamoona
Ha siisinnina Axdiga Alle qiimo yar (adduunyo). Hubaal waxa Alle agtiis ah baa idiin khayr badan haddaad og tihiin.
-
مَا عِندَكُمْ يَنفَدُ ۖ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ بَاقٍ ۗ وَلَنَجْزِيَنَّ ٱلَّذِينَ صَبَرُوٓا۟ أَجْرَهُم بِأَحْسَنِ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ٩٦
Ma ʿindakum yanfadu wama ʿinda Allahi baqin walanajziyanna allatheena sabaroo ajrahum biahsani ma kanoo yaʿmaloona
Waxa aad haysataan way dhammaan, waxase Alle agtiis ah baa baaqi ahaanaya. Waxaana ku abaal marin kuwa samra ajarkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen.
-
مَنْ عَمِلَ صَـٰلِحًا مِّن ذَكَرٍ أَوْ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَنُحْيِيَنَّهُۥ حَيَوٰةً طَيِّبَةً ۖ وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَجْرَهُم بِأَحْسَنِ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ٩٧
Man ʿamila salihan min thakarin aw ontha wahuwa muminun falanuhyiyannahu hayatan tayyibatan walanajziyannahum ajrahum biahsani ma kanoo yaʿmaloona
Qofkii sama fala lab ama dheddig oo mu’min ah waxaan hubaal ka yeeli inuu noolaado nolol fiican oo farxad leh, waxaanuna siin abaalgudkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen1.
Sharaxa hoose
[1] Aayaddan waxay caddeysey inay ragga iyo dumarka ajar isku mid ah leeyiiin Alle agtiisa markay la yimaadaan camal san oo iimaan u wehliyo. -
فَإِذَا قَرَأْتَ ٱلْقُرْءَانَ فَٱسْتَعِذْ بِٱللَّهِ مِنَ ٱلشَّيْطَـٰنِ ٱلرَّجِيمِ٩٨
Faitha qarata alqurana faistaʿith biAllahi mina alshshaytani alrrajeemi
Ee markaad akhrineyso Qur’aanka, (hor iyo baataba) Alle ka magan gal shaydaanka la fogeeyey.
-
إِنَّهُۥ لَيْسَ لَهُۥ سُلْطَـٰنٌ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ٩٩
Innahu laysa lahu sultanun ʿala allatheena amanoo waʿala rabbihim yatawakkaloona
Kuma dul laha awood kuwa (Xaqa) rumeysan oo Rabbigood tala saarta.
-
إِنَّمَا سُلْطَـٰنُهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ يَتَوَلَّوْنَهُۥ وَٱلَّذِينَ هُم بِهِۦ مُشْرِكُونَ١٠٠
Innama sultanuhu ʿala allatheena yatawallawnahu waallatheena hum bihi mushrikoona
Ee wuxuu awood ku dul leeyahay oo keliya kuwa ka yeesha sokeeye iyo kuwa la wadaajiya Alle cibaadada cid kale.
-
وَإِذَا بَدَّلْنَآ ءَايَةً مَّكَانَ ءَايَةٍ ۙ وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا يُنَزِّلُ قَالُوٓا۟ إِنَّمَآ أَنتَ مُفْتَرٍۭ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ١٠١
Waitha baddalna ayatan makana ayatin waAllahu aʿlamu bima yunazzilu qaloo innama anta muftarin bal aktharuhum la yaʿlamoona
Markaan ku beddelno Aayad meel Aayad kale, Alle baana Ogsoon wuxuu soo dejiyo, waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaad uun tahay been abuurte. Badankooduse wax ma oga.
-
قُلْ نَزَّلَهُۥ رُوحُ ٱلْقُدُسِ مِن رَّبِّكَ بِٱلْحَقِّ لِيُثَبِّتَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَهُدًى وَبُشْرَىٰ لِلْمُسْلِمِينَ١٠٢
Qul nazzalahu roohu alqudusi min rabbika bialhaqqi liyuthabbita allatheena amanoo wahudan wabushra lilmuslimeena
Dheh: Ruuxa Daahirka ah (Jabriil) baa kaga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah, si uu ugu sugo kuwa (Xaqa) rumeysan, oo ugu ahaado hanuun iyo bishaaro Muslimiinta (u hoggaansan Rabbigood).
-
وَلَقَدْ نَعْلَمُ أَنَّهُمْ يَقُولُونَ إِنَّمَا يُعَلِّمُهُۥ بَشَرٌ ۗ لِّسَانُ ٱلَّذِى يُلْحِدُونَ إِلَيْهِ أَعْجَمِىٌّ وَهَـٰذَا لِسَانٌ عَرَبِىٌّ مُّبِينٌ١٠٣
Walaqad naʿlamu annahum yaqooloona innama yuʿallimuhu basharun lisanu allathee yulhidoona ilayhi aʿjamiyyun wahatha lisanun ʿarabiyyun mubeenun
Waxaanu ognahay inay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaa sideedaba wax bara qof aadmi ah. Carrabka midkay ku leexinayaan waa af shisheeye1, kanina waa af Carabi faseex ah.
Sharaxa hoose
[1] Af cajami ah waa af aan Carabi ahayn , sidoo kalena waxaa la yidhaahdaa cajami afka carabiga ee la jajabiyo, waayo ninka ay ku tuhmayaan inuu baro Qur’aanka Rasuulka waa nimaan Carab ahayn, oo yaqaan xoogaa Carabi ah. -
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ لَا يَهْدِيهِمُ ٱللَّهُ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ١٠٤
Inna allatheena la yuminoona biayati Allahi la yahdeehimu Allahu walahum ʿathabun aleemun
Hubaal kuwa aan rumeyn Aayadaha Alle, ma hanuuniyo Alle, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
-
إِنَّمَا يَفْتَرِى ٱلْكَذِبَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ ۖ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْكَـٰذِبُونَ١٠٥
Innama yaftaree alkathiba allatheena la yuminoona biayati Allahi waolaika humu alkathiboona
Waxaa uun been abuurta sideedaba kuwa aan rumeyn Aayadaha Alle, waana kuwaa kuwa ah beenaalayaasha.
-
مَن كَفَرَ بِٱللَّهِ مِنۢ بَعْدِ إِيمَـٰنِهِۦٓ إِلَّا مَنْ أُكْرِهَ وَقَلْبُهُۥ مُطْمَئِنٌّۢ بِٱلْإِيمَـٰنِ وَلَـٰكِن مَّن شَرَحَ بِٱلْكُفْرِ صَدْرًا فَعَلَيْهِمْ غَضَبٌ مِّنَ ٱللَّهِ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ١٠٦
Man kafara biAllahi min baʿdi eemanihi illa man okriha waqalbuhu mutmainnun bialeemani walakin man sharaha bialkufri sadran faʿalayhim ghadabun mina Allahi walahum ʿathabun ʿatheemun
Qofkii ku gaalooba Alle rumeyn kaddib1, mid maahee lagu khasbay isagoo qalbigiisu ku xasilan yahay Iimaanka - kiise isagu u fura laabtiisa gaalnimo - kuwan dushoodu waxaa ah Cadhada Alle, waxayna leeyihiin Cadaab weyn.
Sharaxa hoose
[1] Gunaanadka Aayadda iyo waxa ka go’an ee ka maqan ee la iska garan karo waxaa weeye wuxuu galabsaday Cadhadii Alle. -
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ ٱسْتَحَبُّوا۟ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا عَلَى ٱلْـَٔاخِرَةِ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلْكَـٰفِرِينَ١٠٧
Thalika biannahumu istahabboo alhayata alddunya ʿala alakhirati waanna Allaha la yahdee alqawma alkafireena
Arrinkaasi waxaa ugu wacan inay jecel yihiin nolosha adduunkan wax ka badan Aakhirada, iyo inaan Alle hanuunin qoloda gaalada ah (madaxa adag).
-
أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ وَسَمْعِهِمْ وَأَبْصَـٰرِهِمْ ۖ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْغَـٰفِلُونَ١٠٨
Olaika allatheena tabaʿa Allahu ʿala quloobihim wasamʿihim waabsarihim waolaika humu alghafiloona
Kuwaa weeye kuwa uu Alle daboolay quluubtooda iyo maqalkooda iyo aragggooda.Waana kuwaa kuwa dhoohan.
-
لَا جَرَمَ أَنَّهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ هُمُ ٱلْخَـٰسِرُونَ١٠٩
La jarama annahum fee alakhirati humu alkhasiroona
Shaki ma leh, inay Aakhirada ahaan kuwa khasaari.
-
ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ هَاجَرُوا۟ مِنۢ بَعْدِ مَا فُتِنُوا۟ ثُمَّ جَـٰهَدُوا۟ وَصَبَرُوٓا۟ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعْدِهَا لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ١١٠
Thumma inna rabbaka lillatheena hajaroo min baʿdi ma futinoo thumma jahadoo wasabaroo inna rabbaka min baʿdiha laghafoorun raheemun
Markaa, hubaal Rabbigaa kuwa soo haajira kaddib inta la dhibay markaas jihaaday ee samray, hubaal Rabbigaa intaas kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
-
۞ يَوْمَ تَأْتِى كُلُّ نَفْسٍ تُجَـٰدِلُ عَن نَّفْسِهَا وَتُوَفَّىٰ كُلُّ نَفْسٍ مَّا عَمِلَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ١١١
Yawma tatee kullu nafsin tujadilu ʿan nafsiha watuwaffa kullu nafsin ma ʿamilat wahum la yuthlamoona
(Xusuuso) Maalintay naf walba imaan iyadoo u doodaysa nafteeda, oo naf walba loo oofin waxay fashay, iyagoo aan la dulmineyn.
-
وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا قَرْيَةً كَانَتْ ءَامِنَةً مُّطْمَئِنَّةً يَأْتِيهَا رِزْقُهَا رَغَدًا مِّن كُلِّ مَكَانٍ فَكَفَرَتْ بِأَنْعُمِ ٱللَّهِ فَأَذَٰقَهَا ٱللَّهُ لِبَاسَ ٱلْجُوعِ وَٱلْخَوْفِ بِمَا كَانُوا۟ يَصْنَعُونَ١١٢
Wadaraba Allahu mathalan qaryatan kanat aminatan mutmainnatan yateeha rizquha raghadan min kulli makanin fakafarat bianʿumi Allahi faathaqaha Allahu libasa aljooʿi waalkhawfi bima kanoo yasnaʿoona
Alle wuxuu ka yeelay tusaale: magaalo nabad aheyd xasilloon; oo uu uga yimaado risiqeedu haqab la’aan meel walba, ha yeeshee ku gaalowday Nicmooyinkii Alle. Sidaas darteed Alle ka yeelay inay dhadhamiso gaajo daran iyo cabsi waxay samaynayeen darteed1.
Sharaxa hoose
[1] Gaajo iyo cabsi u hareereyso sida dharku ugu hareersan yahay jirka. -
وَلَقَدْ جَآءَهُمْ رَسُولٌ مِّنْهُمْ فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمُ ٱلْعَذَابُ وَهُمْ ظَـٰلِمُونَ١١٣
Walaqad jaahum rasoolun minhum fakaththaboohu faakhathahumu alʿathabu wahum thalimoona
Waxaana u yimid Rasuul ka mid ah, wayse beeniyeen, markaasaa waxaa ku dhacay Cadaab iyagoo ahaa daalimiin.
-
فَكُلُوا۟ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ حَلَـٰلًا طَيِّبًا وَٱشْكُرُوا۟ نِعْمَتَ ٱللَّهِ إِن كُنتُمْ إِيَّاهُ تَعْبُدُونَ١١٤
Fakuloo mimma razaqakumu Allahu halalan tayyiban waoshkuroo niʿmata Allahi in kuntum iyyahu taʿbudoona
Ee cuna waxa Alle idin siiyey xalaasha fiican ah oo ka mahad cesha Nicmadda Alle haddaad Isaga Keliya caabuddaan.
-
إِنَّمَا حَرَّمَ عَلَيْكُمُ ٱلْمَيْتَةَ وَٱلدَّمَ وَلَحْمَ ٱلْخِنزِيرِ وَمَآ أُهِلَّ لِغَيْرِ ٱللَّهِ بِهِۦ ۖ فَمَنِ ٱضْطُرَّ غَيْرَ بَاغٍ وَلَا عَادٍ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ١١٥
Innama harrama ʿalaykumu almaytata waalddama walahma alkhinzeeri wama ohilla lighayri Allahi bihi famani idturra ghayra baghin wala ʿadin fainna Allaha ghafoorun raheemun
Wuxuu uun idinka xaaraameeyey baqti iyo dhiig iyo hilib doofaar iyo wixii lagu xusay (gowracay) waxaan aheyn magaca Alle. Qofkii se ay dani ku qabato isagoo aan caasooyobid u dan laheyn, oo xad gudbeyn, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
-
وَلَا تَقُولُوا۟ لِمَا تَصِفُ أَلْسِنَتُكُمُ ٱلْكَذِبَ هَـٰذَا حَلَـٰلٌ وَهَـٰذَا حَرَامٌ لِّتَفْتَرُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ ٱلْكَذِبَ ۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَفْتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلْكَذِبَ لَا يُفْلِحُونَ١١٦
Wala taqooloo lima tasifu alsinatukumu alkathiba hatha halalun wahatha haramun litaftaroo ʿala Allahi alkathiba inna allatheena yaftaroona ʿala Allahi alkathiba la yuflihoona
Ha sheeginana waxay carrabyadiinnu tilmaamayaan oo been ah (idinkoo leh): Kani waa xalaal kanna waa xaaraan, si aad ugu been abuurataan Alle. Kuwa ku been abuurta Alle ma liibaanayaan.
-
مَتَـٰعٌ قَلِيلٌ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ١١٧
Mataʿun qaleelun walahum ʿathabun aleemun
Waa raaxo yar (adduunka) waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
-
وَعَلَى ٱلَّذِينَ هَادُوا۟ حَرَّمْنَا مَا قَصَصْنَا عَلَيْكَ مِن قَبْلُ ۖ وَمَا ظَلَمْنَـٰهُمْ وَلَـٰكِن كَانُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ١١٨
Waʿala allatheena hadoo harramna ma qasasna ʿalayka min qablu wama thalamnahum walakin kanoo anfusahum yathlimoona
Kuwa heysta (diinta) Yuhuudiyadda Waxaanu ka xaaraamaynay waxyaalaha aan horay kuugu soo sheegnay1. mana aanu dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyay.
Sharaxa hoose
[1] Waa waxa ku soo arooray Suuradda Al –Ancaam Aayadda 146 -
ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ عَمِلُوا۟ ٱلسُّوٓءَ بِجَهَـٰلَةٍ ثُمَّ تَابُوا۟ مِنۢ بَعْدِ ذَٰلِكَ وَأَصْلَحُوٓا۟ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعْدِهَا لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ١١٩
Thumma inna rabbaka lillatheena ʿamiloo alssooa bijahalatin thumma taboo min baʿdi thalika waaslahoo inna rabbaka min baʿdiha laghafoorun raheemun
Haddana Rabbigaa kuwa u fala xumaan jahli darti markaas tawbad keena taa kaddib oo samaada, Rabbigaa intaas kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
-
إِنَّ إِبْرَٰهِيمَ كَانَ أُمَّةً قَانِتًا لِّلَّهِ حَنِيفًا وَلَمْ يَكُ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ١٢٠
Inna ibraheema kana ommatan qanitan lillahi haneefan walam yaku mina almushrikeena
Hubaal Ibraahiim wuxuu ahaa hoggaamiye lagu daydo1, adeeca Alle, ka leexsan (diimaha gurracan oo dhan), mana aheyn mid ka mid ah Mushrikiinta.
Sharaxa hoose
[1] Waa leh dhammaan tilmaamaha wanaagsan ee ka yeeli karta qofka tusaale lagu daydo uu wax ku hoggaamiyo. -
شَاكِرًا لِّأَنْعُمِهِ ۚ ٱجْتَبَىٰهُ وَهَدَىٰهُ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ١٢١
Shakiran lianʿumihi ijtabahu wahadahu ila siratin mustaqeemin
Ka mahad naqa Nicmooyika Alle. (Alle) baa doortay oo ku hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka).
-
وَءَاتَيْنَـٰهُ فِى ٱلدُّنْيَا حَسَنَةً ۖ وَإِنَّهُۥ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ١٢٢
Waataynahu fee alddunya hasanatan wainnahu fee alakhirati lamina alssaliheena
Waxaanu ku siinnay samaan adduunka. Aakhiradana wuxuu hubaal ka mid ahaan inta wanaagsan.
-
ثُمَّ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ أَنِ ٱتَّبِعْ مِلَّةَ إِبْرَٰهِيمَ حَنِيفًا ۖ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ١٢٣
Thumma awhayna ilayka ani ittabiʿ millata ibraheema haneefan wama kana mina almushrikeena
Markaas Waxaanu kuu waxyoonnay (Nabi Muxammadow): Raac diinta ibraahiim ee toosan, kamana mid aheyn Mushrikiinta.
-
إِنَّمَا جُعِلَ ٱلسَّبْتُ عَلَى ٱلَّذِينَ ٱخْتَلَفُوا۟ فِيهِ ۚ وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَحْكُمُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ فِيمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ١٢٤
Innama juʿila alssabtu ʿala allatheena ikhtalafoo feehi wainna rabbaka layahkumu baynahum yawma alqiyamati feema kanoo feehi yakhtalifoona
Sabtida waxaa uun sideedaba loo waajib yeelay kuwii isku khilaafay arrinkeeda1, Rabbigaana wuu kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafayeen.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa loo yeelay maalinta Sabtida: waxaa loola jeedaa waxaa la faray inay la yimaadaan cibaado badan, iyo camallo wanaagsan oo iska daayaan maalintaas xoogsiga iyo maceeshad raadinta, kamase soo bixin, wayna isku khilaafeen, kaddibna waxaa lagu nasakhay shareecadii Nabi Ciise c.s. ee ka dambeeyey Muuse c.s.,. ugu dambeyn wuxuu Alle ku hanuunshay maalinta abbaarta ah muslimiinta oo waa maalinta Jumcaha. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaan leennahay innaga Muslimiinta ah Jumcaha, Yuhuuddana maalintooda waa Sabtida, Nasaaraduna Axadda, Annaga ayaa u horreyna, iyaguna waa naga dambeeyaan. Waxaannu nahay ummad tii u dambeysey ummadaha, waxaannuse ahaan ummadda u horreysa ee gasha Jannada. -
ٱدْعُ إِلَىٰ سَبِيلِ رَبِّكَ بِٱلْحِكْمَةِ وَٱلْمَوْعِظَةِ ٱلْحَسَنَةِ ۖ وَجَـٰدِلْهُم بِٱلَّتِى هِىَ أَحْسَنُ ۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ ۖ وَهُوَ أَعْلَمُ بِٱلْمُهْتَدِينَ١٢٥
Odʿu ila sabeeli rabbika bialhikmati waalmawʿithati alhasanati wajadilhum biallatee hiya ahsanu inna rabbaka huwa aʿlamu biman dalla ʿan sabeelihi wahuwa aʿlamu bialmuhtadeena
Ugu baaqa (dadka) Jidka Rabbigaa si xikmad leh iyo waano wanaagsan, oo ula dood sida ugu fiican. Rabbigaa wuu Og yahay kuwa ka luma Jidkiisa, wuuna Og yahay kuwa hanuunsan.
-
وَإِنْ عَاقَبْتُمْ فَعَاقِبُوا۟ بِمِثْلِ مَا عُوقِبْتُم بِهِۦ ۖ وَلَئِن صَبَرْتُمْ لَهُوَ خَيْرٌ لِّلصَّـٰبِرِينَ١٢٦
Wain ʿaqabtum faʿaqiboo bimithli ma ʿooqibtum bihi walain sabartum lahuwa khayrun lilssabireena
Haddaad aar goosaneysaanna, aar goosta in la mid ah intii la idiin geystey oo kale, haddaadse samartaan, sidaasaa u wanaagsan kuwa samra.
-
وَٱصْبِرْ وَمَا صَبْرُكَ إِلَّا بِٱللَّهِ ۚ وَلَا تَحْزَنْ عَلَيْهِمْ وَلَا تَكُ فِى ضَيْقٍ مِّمَّا يَمْكُرُونَ١٢٧
Waisbir wama sabruka illa biAllahi wala tahzan ʿalayhim wala taku fee dayqin mimma yamkuroona
Samir, mana aha samirkaagu waxaan aheyn (wax lagu helo kaalmada) Alle. Oo ha u murugoon, hana ka welwelin waxay xume qoolaan oo dabin dhigaan.
-
إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوا۟ وَّٱلَّذِينَ هُم مُّحْسِنُونَ١٢٨
Inna Allaha maʿa allatheena ittaqaw waallatheena hum muhsinoona
Hubaal Alle wuxuu la jiraa kuwa iska jira (xumaha, dhowra Amarradiisa) ee ah sama falayaasha.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda An-Naxl?
Macnaha An-Naxl waa “Shinnada”.
Suuradda An-Naxl juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda An-Naxl waxay ku jirtaa juz’ 14.
Suuradda An-Naxl immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda An-Naxl waxay leedahay 128 aayadood.
Suuradda An-Naxl ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda An-Naxl waa suurad Makki ah.
Suuradda An-Naxl waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 16aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.