سورة ابراهيم

Suuradda Ibraahiim oo af Soomaali ah

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Ibraahiim (ابراهيم) waa suuradda 14aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 52 aayadood. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 13.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Ibraahiim oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Ibraahiim oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. الٓر ۚ كِتَـٰبٌ أَنزَلْنَـٰهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ ٱلنَّاسَ مِنَ ٱلظُّلُمَـٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ۝١

    Aliflamra kitabun anzalnahu ilayka litukhrija alnnasa mina alththulumati ila alnnoori biithni rabbihim ila sirati alʿazeezi alhameedi

    Alif Laam Raa1. (Kani waa) kitaab (Qur’aan) aan kuugu soo dejinnay (Waxyi ahaan) si aad uga saarto dadka mugdiyada xagga Nuurka idanka Rabbigood – xagga Jidka Adkaadaha Sare, ee la ammaano.

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda1
  2. ٱللَّهِ ٱلَّذِى لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۗ وَوَيْلٌ لِّلْكَـٰفِرِينَ مِنْ عَذَابٍ شَدِيدٍ۝٢

    Allahi allathee lahu ma fee alssamawati wama fee alardi wawaylun lilkafireena min ʿathabin shadeedin

    Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Hoog waxaa leh gaalada ka soo gaadhi Cadaab Daran xaggiis.

  3. ٱلَّذِينَ يَسْتَحِبُّونَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا عَلَى ٱلْـَٔاخِرَةِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَيَبْغُونَهَا عِوَجًا ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ فِى ضَلَـٰلٍۭ بَعِيدٍ۝٣

    Allatheena yastahibboona alhayata alddunya ʿala alakhirati wayasuddoona ʿan sabeeli Allahi wayabghoonaha ʿiwajan olaika fee dalalin baʿeedin

    Kuwa jecel nolosha adduunkan halkii Aakhirada, oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle, lana dooni qallooc. Kuwaa waxay ku sugan yihiin habow fog.

  4. وَمَآ أَرْسَلْنَا مِن رَّسُولٍ إِلَّا بِلِسَانِ قَوْمِهِۦ لِيُبَيِّنَ لَهُمْ ۖ فَيُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ ۚ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ۝٤

    Wama arsalna min rasoolin illa bilisani qawmihi liyubayyina lahum fayudillu Allahu man yashao wayahdee man yashao wahuwa alʿazeezu alhakeemu

    Rasuul kuma soo dirno waxaan aheyn afka qolodiisa si uu (Xaqa) ugu caddeeyo1; markaasuu Alle qofkuu doono lumiyaa, oo hanuuniyaa qofkuu doono, Waana Isaga Adkaadaha Sare, Xakiimka ah2.

    Sharaxa hoose
    [1] Qur’aanka waxaa lagu soo waxyooday af Carabi faseex ah, taasina macnaheedu ma aha in Qur’aanku uu ku gaar yahay Carabta oo keliya, ee wuxuu Alle u soo dejiyey dadka oo dhan. [2] Wuxuu lumiyaa kuwa diida hanuunkiisa oo ka dan la’aada oo doorta xumaha, oo wuu hanuuniyaa qof kastoo doonaya hanuunka oo jecel.
  5. وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَـٰتِنَآ أَنْ أَخْرِجْ قَوْمَكَ مِنَ ٱلظُّلُمَـٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ وَذَكِّرْهُم بِأَيَّىٰمِ ٱللَّهِ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ۝٥

    Walaqad arsalna moosa biayatina an akhrij qawmaka mina alththulumati ila alnnoori wathakkirhum biayyami Allahi inna fee thalika laayatin likulli sabbarin shakoorin

    Waxaanu la soo dirnay Muuse Aayadahayaga (Annagoo leh): Ka saar qolodaada Mugdiyada xagga Nuurka, xusuusina Ayaamaha Alle1. Hubaal waxaa (arrin)kani ugu sugan calaamooyin wax lagu qaato mid walba oo samir badan, mahad naq badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Maalmihii loogu nicmeeyey ilmahii Israa’iil. Sidoo kale waxaa lagu fasiray, wixii ku dhacay ummadihii hore hadday tahay nicmooyin ama cadaab.
  6. وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِ ٱذْكُرُوا۟ نِعْمَةَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ أَنجَىٰكُم مِّنْ ءَالِ فِرْعَوْنَ يَسُومُونَكُمْ سُوٓءَ ٱلْعَذَابِ وَيُذَبِّحُونَ أَبْنَآءَكُمْ وَيَسْتَحْيُونَ نِسَآءَكُمْ ۚ وَفِى ذَٰلِكُم بَلَآءٌ مِّن رَّبِّكُمْ عَظِيمٌ۝٦

    Waith qala moosa liqawmihi othkuroo niʿmata Allahi ʿalaykum ith anjakum min ali firʿawna yasoomoonakum sooa alʿathabi wayuthabbihoona abnaakum wayastahyoona nisaakum wafee thalikum balaon min rabbikum ʿatheemun

    Markuu Muuse ku yidhi qolodiisii: Xusuusta Nicmadda Alle idin siiyey, markuu idinka badbaadshay reer Fircoon iyagoo idin dhadhansiinayey Cadaab Daran, gawracayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegaan), (arrin)kaasina waxaa ku sugnaa imtixaan xagga Rabbigiin ah oo weyn.

  7. وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكُمْ لَئِن شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ ۖ وَلَئِن كَفَرْتُمْ إِنَّ عَذَابِى لَشَدِيدٌ۝٧

    Waith taaththana rabbukum lain shakartum laazeedannakum walain kafartum inna ʿathabee lashadeedun

    Iyo markuu Rabbigiin idin ogeysiiyey: Haddaad mahad naqdaan, waan idiin kordhinayaa (nicmadda), haddaadse gaalowdaan, hubaal Cadaabkaygu waa mid Daran.

  8. وَقَالَ مُوسَىٰٓ إِن تَكْفُرُوٓا۟ أَنتُمْ وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا فَإِنَّ ٱللَّهَ لَغَنِىٌّ حَمِيدٌ۝٨

    Waqala moosa in takfuroo antum waman fee alardi jameeʿan fainna Allaha laghaniyyun hameedun

    Wuxuuna Muuse yidhi: Haddaad gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan arlada oo dhan, hubaal Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan.

  9. أَلَمْ يَأْتِكُمْ نَبَؤُا۟ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ قَوْمِ نُوحٍ وَعَادٍ وَثَمُودَ ۛ وَٱلَّذِينَ مِنۢ بَعْدِهِمْ ۛ لَا يَعْلَمُهُمْ إِلَّا ٱللَّهُ ۚ جَآءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ فَرَدُّوٓا۟ أَيْدِيَهُمْ فِىٓ أَفْوَٰهِهِمْ وَقَالُوٓا۟ إِنَّا كَفَرْنَا بِمَآ أُرْسِلْتُم بِهِۦ وَإِنَّا لَفِى شَكٍّ مِّمَّا تَدْعُونَنَآ إِلَيْهِ مُرِيبٍ۝٩

    Alam yatikum nabao allatheena min qablikum qawmi noohin waʿadin wathamooda waallatheena min baʿdihim la yaʿlamuhum illa Allahu jaathum rusuluhum bialbayyinati faraddoo aydiyahum fee afwahihim waqaloo inna kafarna bima orsiltum bihi wainna lafee shakkin mimma tadʿoonana ilayhi mureebun

    Miyaanay idin soo gaadhin warka kuwii idinka horreeyay qolodii Nuux, Caad, Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (tiradooda) waxaan ahayn Alle. Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad, Waxayse ku celiyeen gacmahooda afafkooda1 oo yidhaahdeen: Ma aaminsanin waxa la idinla soo diray, waxaanuna ka qabnaa waxaad noogu yeedhaysaan shaki daran oo walaac leh.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay u celiyeen gacmahooda afafkooda waxaa laga bixiyey dhowr macnood. Iyadoo la tixgelinaya gunaanadka Aayadda, ibnu Kathiir wuxuu doortay inay tani ahayed tilmaan diiddo iyo gaaloobid.
  10. ۞ قَالَتْ رُسُلُهُمْ أَفِى ٱللَّهِ شَكٌّ فَاطِرِ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ يَدْعُوكُمْ لِيَغْفِرَ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمْ وَيُؤَخِّرَكُمْ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ قَالُوٓا۟ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا تُرِيدُونَ أَن تَصُدُّونَا عَمَّا كَانَ يَعْبُدُ ءَابَآؤُنَا فَأْتُونَا بِسُلْطَـٰنٍ مُّبِينٍ۝١٠

    Qalat rusuluhum afee Allahi shakkun fatiri alssamawati waalardi yadʿookum liyaghfira lakum min thunoobikum wayuakhkhirakum ila ajalin musamman qaloo in antum illa basharun mithluna tureedoona an tasuddoona ʿamma kana yaʿbudu abaona fatoona bisultanin mubeenin

    Rusushoodii waxay yidhaahdeen: Ma waxaa jira shaki ku saabsan Alle, Askumaha samooyinka iyo aralda? Wuxuu idiinku yeedhi inuu idinka dhaafo denbiyadiinna, dibna idiinku dhigo ilaa muddo magacaaban. Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan aheyn dad nala mid ah! Waxaad rabtaan inaad naga duwdaan waxay caabudi jireen aabbayaashayo, Ee noo keena xujo cad.

  11. قَالَتْ لَهُمْ رُسُلُهُمْ إِن نَّحْنُ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ وَلَـٰكِنَّ ٱللَّهَ يَمُنُّ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦ ۖ وَمَا كَانَ لَنَآ أَن نَّأْتِيَكُم بِسُلْطَـٰنٍ إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُؤْمِنُونَ۝١١

    Qalat lahum rusuluhum in nahnu illa basharun mithlukum walakinna Allaha yamunnu ʿala man yashao min ʿibadihi wama kana lana an natiyakum bisultanin illa biithni Allahi waʿala Allahi falyatawakkali almuminoona

    Rusushoodii waxay ku yidhaahdeen: Ma nihin waxaan aheyn dad idinla mid ah, wuxuuse Alle ku manneystaa (Deeqdiisa) cidduu doono ee ka mid ah addoomahiisa. Ma aha wax aan leennahay inaan idiin keenno xujo cad inuu Alle Idmo maahee. Alle uun waa inay mu’miniintu tala saartaan.

  12. وَمَا لَنَآ أَلَّا نَتَوَكَّلَ عَلَى ٱللَّهِ وَقَدْ هَدَىٰنَا سُبُلَنَا ۚ وَلَنَصْبِرَنَّ عَلَىٰ مَآ ءَاذَيْتُمُونَا ۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُتَوَكِّلُونَ۝١٢

    Wama lana alla natawakkala ʿala Allahi waqad hadana subulana walanasbiranna ʿala ma athaytumoona waʿala Allahi falyatawakkali almutawakkiloona

    Maxaanu u talo saaraneyn Alle? Isagoo nagu hanuuniyey jidadkayaga 'wanaagsan', waana ku samreynaa dhibka aad noo geysataan. Alle uun ha talo saarteen kuwaa wax talo saarta.

  13. وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِرُسُلِهِمْ لَنُخْرِجَنَّكُم مِّنْ أَرْضِنَآ أَوْ لَتَعُودُنَّ فِى مِلَّتِنَا ۖ فَأَوْحَىٰٓ إِلَيْهِمْ رَبُّهُمْ لَنُهْلِكَنَّ ٱلظَّـٰلِمِينَ۝١٣

    Waqala allatheena kafaroo lirusulihim lanukhrijannakum min ardina aw lataʿoodunna fee millatina faawha ilayhim rabbuhum lanuhlikanna alththalimeena

    Kuwii gaaloobay waxay ku yidhaahdeen Rusushoodii: Waxaynu idinka saari dhulkayaga, ama haddii kale waxaad ku soo noqoneysaan diintayada. Markaasuu Rabbigood u waxyooday: Waanu halaagi daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

  14. وَلَنُسْكِنَنَّكُمُ ٱلْأَرْضَ مِنۢ بَعْدِهِمْ ۚ ذَٰلِكَ لِمَنْ خَافَ مَقَامِى وَخَافَ وَعِيدِ۝١٤

    Walanuskinannakumu alarda min baʿdihim thalika liman khafa maqamee wakhafa waʿeedi

    Waxaanuna idin dejin Dhulka iyaga kaddib. Kani waxaa leh kan ka cabsada in la i soo hor joojinayo oo ka cabsada Gooddigayga.

  15. وَٱسْتَفْتَحُوا۟ وَخَابَ كُلُّ جَبَّارٍ عَنِيدٍ۝١٥

    Waistaftahoo wakhaba kullu jabbarin ʿaneedin

    Wayna gargaar dalbeen, waxaana hoogay macangag kastoo madax adag.

  16. مِّن وَرَآئِهِۦ جَهَنَّمُ وَيُسْقَىٰ مِن مَّآءٍ صَدِيدٍ۝١٦

    Min waraihi jahannamu wayusqa min main sadeedin

    Jahannama baa ka horreysa, waxaana laga waraabin biyo carow ah1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa dhacaanka ka yimaada nabarrada dadka ehlu Naarka ah.
  17. يَتَجَرَّعُهُۥ وَلَا يَكَادُ يُسِيغُهُۥ وَيَأْتِيهِ ٱلْمَوْتُ مِن كُلِّ مَكَانٍ وَمَا هُوَ بِمَيِّتٍ ۖ وَمِن وَرَآئِهِۦ عَذَابٌ غَلِيظٌ۝١٧

    Yatajarraʿuhu wala yakadu yuseeghuhu wayateehi almawtu min kulli makanin wama huwa bimayyitin wamin waraihi ʿathabun ghaleethun

    Wuxuu u dhami aayar, mana ka degayo (qurunka, kulka, iyo kharaarkiisa darti), dhimashaduna waxay uga iman meel walba, mase dhimanayo, waxaana horti ah Cadaab adag.

  18. مَّثَلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِرَبِّهِمْ ۖ أَعْمَـٰلُهُمْ كَرَمَادٍ ٱشْتَدَّتْ بِهِ ٱلرِّيحُ فِى يَوْمٍ عَاصِفٍ ۖ لَّا يَقْدِرُونَ مِمَّا كَسَبُوا۟ عَلَىٰ شَىْءٍ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلضَّلَـٰلُ ٱلْبَعِيدُ۝١٨

    Mathalu allatheena kafaroo birabbihim aʿmaluhum karamadin ishtaddat bihi alrreehu fee yawmin ʿasifin la yaqdiroona mimma kasaboo ʿala shayin thalika huwa alddalalu albaʿeedu

    Tusaalaha kuwa ku gaalooba Rabbigood camalladoodu waa sida dambas ay dabeyshu si daran u bitiso maalin dabeyl xumi dhaceyso, ma karaan inay ka helaan waxay kasbadeen sheyna. Kaasi waa lumitaanka fog.

  19. أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ ۚ إِن يَشَأْ يُذْهِبْكُمْ وَيَأْتِ بِخَلْقٍ جَدِيدٍ۝١٩

    Alam tara anna Allaha khalaqa alssamawati waalarda bialhaqqi in yasha yuthhibkum wayati bikhalqin jadeedin

    Miyaadan arkayn inuu Alle u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq? Hadduu doono wuu idin tegsiin oo la iman uun cusub.

  20. وَمَا ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ بِعَزِيزٍ۝٢٠

    Wama thalika ʿala Allahi biʿazeezin

    Waxnana kuma adka Alle.

  21. وَبَرَزُوا۟ لِلَّهِ جَمِيعًا فَقَالَ ٱلضُّعَفَـٰٓؤُا۟ لِلَّذِينَ ٱسْتَكْبَرُوٓا۟ إِنَّا كُنَّا لَكُمْ تَبَعًا فَهَلْ أَنتُم مُّغْنُونَ عَنَّا مِنْ عَذَابِ ٱللَّهِ مِن شَىْءٍ ۚ قَالُوا۟ لَوْ هَدَىٰنَا ٱللَّهُ لَهَدَيْنَـٰكُمْ ۖ سَوَآءٌ عَلَيْنَآ أَجَزِعْنَآ أَمْ صَبَرْنَا مَا لَنَا مِن مَّحِيصٍ۝٢١

    Wabarazoo lillahi jameeʿan faqala aldduʿafao lillatheena istakbaroo inna kunna lakum tabaʿan fahal antum mughnoona ʿanna min ʿathabi Allahi min shayin qaloo law hadana Allahu lahadaynakum sawaon ʿalayna ajaziʿna am sabarna ma lana min maheesin

    Waxayna iyagoo dhammi iman Alle horti, markaasay kuwii ducafada (raciyadda) ahaa ku odhan kuwii isla weynaa (madaxda): Waxaanu ahayn raciyadiinna; ee wax ma nooga tareysaan Cadaabka Alle? Waxay odhan: Hadduu Alle na hanuunin lahaa, waan idin hanuunin lahayn. Waa isugu keen mid haddaan calaacalno (haatan) ama aan samirno, nooma sugnaan meel loo cararo.

  22. وَقَالَ ٱلشَّيْطَـٰنُ لَمَّا قُضِىَ ٱلْأَمْرُ إِنَّ ٱللَّهَ وَعَدَكُمْ وَعْدَ ٱلْحَقِّ وَوَعَدتُّكُمْ فَأَخْلَفْتُكُمْ ۖ وَمَا كَانَ لِىَ عَلَيْكُم مِّن سُلْطَـٰنٍ إِلَّآ أَن دَعَوْتُكُمْ فَٱسْتَجَبْتُمْ لِى ۖ فَلَا تَلُومُونِى وَلُومُوٓا۟ أَنفُسَكُم ۖ مَّآ أَنَا۠ بِمُصْرِخِكُمْ وَمَآ أَنتُم بِمُصْرِخِىَّ ۖ إِنِّى كَفَرْتُ بِمَآ أَشْرَكْتُمُونِ مِن قَبْلُ ۗ إِنَّ ٱلظَّـٰلِمِينَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ۝٢٢

    Waqala alshshaytanu lamma qudiya alamru inna Allaha waʿadakum waʿda alhaqqi wawaʿadtukum faakhlaftukum wama kana liya ʿalaykum min sultanin illa an daʿawtukum faistajabtum lee fala taloomoonee waloomoo anfusakum ma ana bimusrikhikum wama antum bimusrikhiyya innee kafartu bima ashraktumooni min qablu inna alththalimeena lahum ʿathabun aleemun

    Shaydaanna wuxuu odhan marka Arrinka la xukumo: Alle wuxuu idiin ballan qaaday ballan Xaq ah, aniguna idiin ballan qaaday ballamo (been ah), waana idiinka baxay. Kuma laheyn awood dushiinna, waan idiin baaqay uun oo aad i yeesheen. Marka ha i eedaynina ee eedeeya nafahiinna1. Anigu idiinma gargaari karo (haatan), idinkuna iima gargaari kartaan. Anigu diiday ila wadaajintiinna horey cibaadada Alle. Hubaal, Daalimiintu waxay leeyihiin Cadaab Xanuun Badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Adeeciddii aad I adeecdeen aniga halkii Alle intaad dunida joogteen.
  23. وَأُدْخِلَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا بِإِذْنِ رَبِّهِمْ ۖ تَحِيَّتُهُمْ فِيهَا سَلَـٰمٌ۝٢٣

    Waodkhila allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati jannatin tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha biithni rabbihim tahiyyatuhum feeha salamun

    Waxaa la gelin kuwa(Xaqa) rumeeyey oo samaha fala Beero (Jannooyin) hostooda ay webiyo qulqulaan iyagoo dhexdeeda ku waaraya Idanka Rabbigood, soo dhoweyntoodu dhexdeeda waa Salaan.

  24. أَلَمْ تَرَ كَيْفَ ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا كَلِمَةً طَيِّبَةً كَشَجَرَةٍ طَيِّبَةٍ أَصْلُهَا ثَابِتٌ وَفَرْعُهَا فِى ٱلسَّمَآءِ۝٢٤

    Alam tara kayfa daraba Allahu mathalan kalimatan tayyibatan kashajaratin tayyibatin asluha thabitun wafarʿuha fee alssamai

    Miyaanad ogaan sida Alle uga yeelay tusaale Kelmedda Wanaagsani1 inay la mid tahay geed wanaagsan asalkiisu dhidban yahay, laamaheeduna cirka (kor) jiraan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa soo galaya kelmedda wanaagsan: Ikhlaaska, towxiidka, iyo erey kasta oo fiican oo lagu hadlo , iyo sama falka.
  25. تُؤْتِىٓ أُكُلَهَا كُلَّ حِينٍۭ بِإِذْنِ رَبِّهَا ۗ وَيَضْرِبُ ٱللَّهُ ٱلْأَمْثَالَ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ۝٢٥

    Tutee okulaha kulla heenin biithni rabbiha wayadribu Allahu alamthala lilnnasi laʿallahum yatathakkaroona

    Ku soo bixisa midhaheeda goor walba Idanka Rabbigeed, Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka si ay u waantoobaan.

  26. وَمَثَلُ كَلِمَةٍ خَبِيثَةٍ كَشَجَرَةٍ خَبِيثَةٍ ٱجْتُثَّتْ مِن فَوْقِ ٱلْأَرْضِ مَا لَهَا مِن قَرَارٍ۝٢٦

    Wamathalu kalimatin khabeethatin kashajaratin khabeethatin ijtuththat min fawqi alardi ma laha min qararin

    Tusaalaha Kelmedda xunna1 waa sida geed xun laga rujiyey dhulka korkiisa oo aan laheyn sugnaan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa soo galaya kelmedda xun: Gaalnimada, shirkiga, iyo erey kasta oo xun oo lagu hadlo, iyo xumo falka.
  27. يُثَبِّتُ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِٱلْقَوْلِ ٱلثَّابِتِ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَفِى ٱلْـَٔاخِرَةِ ۖ وَيُضِلُّ ٱللَّهُ ٱلظَّـٰلِمِينَ ۚ وَيَفْعَلُ ٱللَّهُ مَا يَشَآءُ۝٢٧

    Yuthabbitu Allahu allatheena amanoo bialqawli alththabiti fee alhayati alddunya wafee alakhirati wayudillu Allahu alththalimeena wayafʿalu Allahu ma yashao

    Alle Wuxuu waafajiyaa oo ku sugaa kuwa rumeeyey kelmedda sugan1 nolosha adduunkan iyo aakhirada2. Alle wuu lumiyaa daalimiinta. Alle wuxuu falaa wuxuu doono.

    Sharaxa hoose
    [1] Qowlka sugan waa kelmedda wanaagsan ee ku soo arooray Aayadda 24 Waxaa soo galaya kelmedda wanaagsan kelmedda towxiidka inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo aan ahayn Allaah iyo in Muxammad s.c.w. yahay Rasuulkii Alle, iyo qowl kasta oo dadka ugu yeedhaya samaanta oo ka reebaya xumaanta, kelmedda towxiidkana waxaa weeye laa ilaaha illal Laah. [2] Markay malaa’igta wax ku su’aalayaan dadka qubuurahooda dhimashada kaddib, iyagoo weydiinaya seddex su’aalood: Waa kuma Rabbigaa? Maxay tahay diintaadu? Waa kuma Nabiga la idiin soo diray?
  28. ۞ أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ بَدَّلُوا۟ نِعْمَتَ ٱللَّهِ كُفْرًا وَأَحَلُّوا۟ قَوْمَهُمْ دَارَ ٱلْبَوَارِ۝٢٨

    Alam tara ila allatheena baddaloo niʿmata Allahi kufran waahalloo qawmahum dara albawari

    Miyaanad ogaan kuwa ku beddelay Nicmadda Alle (Islaamka) abaal dhac 'gaalnimo'1, oo ka yeelay dadkoodii inay degaan daarta halaagga.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay ku qaabileen nicmooyinkii Alle beenin halkii xamdi naqa iyo shukrinta.
  29. جَهَنَّمَ يَصْلَوْنَهَا ۖ وَبِئْسَ ٱلْقَرَارُ۝٢٩

    Jahannama yaslawnaha wabisa alqararu

    Jahannama bay gali (oo ku guban). Oo u xun meel lagu sal yeesho.

  30. وَجَعَلُوا۟ لِلَّهِ أَندَادًا لِّيُضِلُّوا۟ عَن سَبِيلِهِۦ ۗ قُلْ تَمَتَّعُوا۟ فَإِنَّ مَصِيرَكُمْ إِلَى ٱلنَّارِ۝٣٠

    Wajaʿaloo lillahi andadan liyudilloo ʿan sabeelihi qul tamattaʿoo fainna maseerakum ila alnnari

    Waxay u yeelaan Alle shariigyo si ay uga lumiyaan (dadka) Jidkiisa. Dheh: iska Raaxaysta! Aayihiinnu waa xagga Naarta.

  31. قُل لِّعِبَادِىَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يُقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُنفِقُوا۟ مِمَّا رَزَقْنَـٰهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِىَ يَوْمٌ لَّا بَيْعٌ فِيهِ وَلَا خِلَـٰلٌ۝٣١

    Qul liʿibadiya allatheena amanoo yuqeemoo alssalata wayunfiqoo mimma razaqnahum sirran waʿalaniyatan min qabli an yatiya yawmun la bayʿun feehi wala khilalun

    Ku dheh addoommahayga (Xaqa) rumeeyey ha oogeen salaadda, hana bixiyeen wax ka mid ah waxaan ku irsaaqnay sir iyo caddaanba ka hor inta aysan imaan Maalin aysan jirin ganacsi iyo saaxiibtinnimo midna.

  32. ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَخْرَجَ بِهِۦ مِنَ ٱلثَّمَرَٰتِ رِزْقًا لَّكُمْ ۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلْفُلْكَ لِتَجْرِىَ فِى ٱلْبَحْرِ بِأَمْرِهِۦ ۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلْأَنْهَـٰرَ۝٣٢

    Allahu allathee khalaqa alssamawati waalarda waanzala mina alssamai maan faakhraja bihi mina alththamarati rizqan lakum wasakhkhara lakumu alfulka litajriya fee albahri biamrihi wasakhkhara lakumu alanhara

    Alle waa Kan abuuray samooyinka iyo arlada kana soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku soo bixiya midho risiq idiin ah, Wuxuuna idiin sakhiray doonyaha inay ku maaxaan badda Amarkiisa, idiinna sakhiray webiyada.

  33. وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ دَآئِبَيْنِ ۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ۝٣٣

    Wasakhkhara lakumu alshshamsa waalqamara daibayni wasakhkhara lakumu allayla waalnnahara

    Wuxuuna idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, labaduba joogto ugu socdaan rugahooda; idiinna sakhiray habeenka iyo maalinta.

  34. وَءَاتَىٰكُم مِّن كُلِّ مَا سَأَلْتُمُوهُ ۚ وَإِن تَعُدُّوا۟ نِعْمَتَ ٱللَّهِ لَا تُحْصُوهَآ ۗ إِنَّ ٱلْإِنسَـٰنَ لَظَلُومٌ كَفَّارٌ۝٣٤

    Waatakum min kulli ma saaltumoohu wain taʿuddoo niʿmata Allahi la tuhsooha inna alinsana lathaloomun kaffarun

    Wuxuuna idin siiyaa wax ka mid ah wax kastoo aad weydiisataan1, haddaad tirisaan Nicmooyinka Alle, ma koobi kartaan. Hubaal Aadmigu waa dulmin badan yahay (naftiisa), (ka) abaal dhac badan yahay (Nicmooyinka Rabbigi).

    Sharaxa hoose
    [1] Wax ka mid ah waxa aad weydiisateen iyo dhammaan wax ka mid ah waxa aad sida joogtada ah u dalabtaan si waafaqsan xikmaddiisa.
  35. وَإِذْ قَالَ إِبْرَٰهِيمُ رَبِّ ٱجْعَلْ هَـٰذَا ٱلْبَلَدَ ءَامِنًا وَٱجْنُبْنِى وَبَنِىَّ أَن نَّعْبُدَ ٱلْأَصْنَامَ۝٣٥

    Waith qala ibraheemu rabbi ijʿal hatha albalada aminan waojnubnee wabaniyya an naʿbuda alasnama

    (Xus, Nabiyow) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! Ka yeel beledkan (Makkah) aamin, igana dheeree aniga iyo awlaaddeydaba inaan caabudno sanammo.

  36. رَبِّ إِنَّهُنَّ أَضْلَلْنَ كَثِيرًا مِّنَ ٱلنَّاسِ ۖ فَمَن تَبِعَنِى فَإِنَّهُۥ مِنِّى ۖ وَمَنْ عَصَانِى فَإِنَّكَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ۝٣٦

    Rabbi innahunna adlalna katheeran mina alnnasi faman tabiʿanee fainnahu minnee waman ʿasanee fainnaka ghafoorun raheemun

    Rabbiyow! Waxay (sanamyadu) lumiyeen in badan oo ka mid ah dadka. Ee qofkii i raaca, aniga buu iga mid yahay; qofkiise igu caasiya - hubaal Adigaa ah Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

  37. رَّبَّنَآ إِنِّىٓ أَسْكَنتُ مِن ذُرِّيَّتِى بِوَادٍ غَيْرِ ذِى زَرْعٍ عِندَ بَيْتِكَ ٱلْمُحَرَّمِ رَبَّنَا لِيُقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ فَٱجْعَلْ أَفْـِٔدَةً مِّنَ ٱلنَّاسِ تَهْوِىٓ إِلَيْهِمْ وَٱرْزُقْهُم مِّنَ ٱلثَّمَرَٰتِ لَعَلَّهُمْ يَشْكُرُونَ۝٣٧

    Rabbana innee askantu min thurriyyatee biwadin ghayri thee zarʿin ʿinda baytika almuharrami rabbana liyuqeemoo alssalata faijʿal afidatan mina alnnasi tahwee ilayhim waorzuqhum mina alththamarati laʿallahum yashkuroona

    Rabbigayow! Waxaan dejiyey qaar ka mid ah durriyadeydii tog aan sarac lahayn (Makkah), oo Beytkaaga (Kacbada) Xurmadda leh agtiis ah; Rabbigayow si ay u oogaan salaadda ee ka yeel quluubta qaar dadka ka mid ah kuwo u soo iisha xaggooda oo ku irsaaq midho si ay u mahad naqaan.

  38. رَبَّنَآ إِنَّكَ تَعْلَمُ مَا نُخْفِى وَمَا نُعْلِنُ ۗ وَمَا يَخْفَىٰ عَلَى ٱللَّهِ مِن شَىْءٍ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا فِى ٱلسَّمَآءِ۝٣٨

    Rabbana innaka taʿlamu ma nukhfee wama nuʿlinu wama yakhfa ʿala Allahi min shayin fee alardi wala fee alssamai

    Rabbigayow! Waxaad adigu ogtahay waxaan qarinno iyo waxaan muujinnaba. Kama qarsoomaan Alle wax dhulka jira ama cirka gudahiisa ah.

  39. ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِى وَهَبَ لِى عَلَى ٱلْكِبَرِ إِسْمَـٰعِيلَ وَإِسْحَـٰقَ ۚ إِنَّ رَبِّى لَسَمِيعُ ٱلدُّعَآءِ۝٣٩

    Alhamdu lillahi allathee wahaba lee ʿala alkibari ismaʿeela waishaqa inna rabbee lasameeʿu aldduʿai

    Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa iska leh Allaah ee i siiyey anigoo weyn oo da’ ah Ismaaciil iyo Isxaaq. Hubaal, Rabbigay waa Maqlaha baryada.

  40. رَبِّ ٱجْعَلْنِى مُقِيمَ ٱلصَّلَوٰةِ وَمِن ذُرِّيَّتِى ۚ رَبَّنَا وَتَقَبَّلْ دُعَآءِ۝٤٠

    Rabbi ijʿalnee muqeema alssalati wamin thurriyyatee rabbana wtaqabbal duʿai

    Rabbiyow! Iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo durriyadeydaba, Rabbigayow! Iga aqbal baryadayda (iyo cibaadeysigayga).

  41. رَبَّنَا ٱغْفِرْ لِى وَلِوَٰلِدَىَّ وَلِلْمُؤْمِنِينَ يَوْمَ يَقُومُ ٱلْحِسَابُ۝٤١

    Rabbana ighfir lee waliwalidayya walilmumineena yawma yaqoomu alhisabu

    Rabbigayow! Ii denbi dhaaf aniga iyo labadeyda waalid iyo mu’miniintaba Maalinta ay dhici Xisaabtu (Qiyaamadu).

  42. وَلَا تَحْسَبَنَّ ٱللَّهَ غَـٰفِلًا عَمَّا يَعْمَلُ ٱلظَّـٰلِمُونَ ۚ إِنَّمَا يُؤَخِّرُهُمْ لِيَوْمٍ تَشْخَصُ فِيهِ ٱلْأَبْصَـٰرُ۝٤٢

    Wala tahsabanna Allaha ghafilan ʿamma yaʿmalu alththalimoona innama yuakhkhiruhum liyawmin tashkhasu feehi alabsaru

    Ha moodin in Alle moog yahay waxay falayaan daalimiintu, Wuxuu uun dib ugu dhigaa Maalin ay taagmi indhahu.

  43. مُهْطِعِينَ مُقْنِعِى رُءُوسِهِمْ لَا يَرْتَدُّ إِلَيْهِمْ طَرْفُهُمْ ۖ وَأَفْـِٔدَتُهُمْ هَوَآءٌ۝٤٣

    Muhtiʿeena muqniʿee ruoosihim la yartaddu ilayhim tarfuhum waafidatuhum hawaon

    Iyagoo horay u degdegaya (si ay u ajiibaan baaqaha), madaxyadoodu kor u taagan yihiin1, uusan soo noqoneyn arragooda (taagmi indhahu), quluubtoodu- na maran tahay (cabsi darteed).

    Sharaxa hoose
    [1] Tani waa xaaladdooda marka laga soo saaro qubuurahooda. Madaxyadooda kor yihiin iyagoo aan meelna jalleeceyn argagax darteed, aan awoodin xitaa inay dib dhugtaan.
  44. وَأَنذِرِ ٱلنَّاسَ يَوْمَ يَأْتِيهِمُ ٱلْعَذَابُ فَيَقُولُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ رَبَّنَآ أَخِّرْنَآ إِلَىٰٓ أَجَلٍ قَرِيبٍ نُّجِبْ دَعْوَتَكَ وَنَتَّبِعِ ٱلرُّسُلَ ۗ أَوَلَمْ تَكُونُوٓا۟ أَقْسَمْتُم مِّن قَبْلُ مَا لَكُم مِّن زَوَالٍ۝٤٤

    Waanthiri alnnasa yawma yateehimu alʿathabu fayaqoolu allatheena thalamoo rabbana akhkhirna ila ajalin qareebin nujib daʿwataka wanattabiʿi alrrusula awalam takoonoo aqsamtum min qablu ma lakum min zawalin

    Uga dig dadka Maalintuu u iman cadaabka, markaas kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) falay waxay odhan: Rabbigayow! Dib noo dhig muddo dhow, waxaynu ajiibi baaqaaga oo raaci Rususha. Miyeydaan ka hor ku dhaaran inaydaan (adduunka ka) tegeyn1.

    Sharaxa hoose
    [1] Inayan idinka guureyn nicmooyinka uu Alle idinku galladeystey dushiinna intii aad joogteen dhulka guudkiisa oo aysan jirin qubuur layska soo saari iyo xisaab.
  45. وَسَكَنتُمْ فِى مَسَـٰكِنِ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ وَتَبَيَّنَ لَكُمْ كَيْفَ فَعَلْنَا بِهِمْ وَضَرَبْنَا لَكُمُ ٱلْأَمْثَالَ۝٤٥

    Wasakantum fee masakini allatheena thalamoo anfusahum watabayyana lakum kayfa faʿalna bihim wadarabna lakumu alamthala

    Waxaadna degteen guryihii kuwii dulmiyey nafahooda, waana idiin caddaatay sidaan u galnay. Waxaana idiin soo bandhignay tusaalooyin.

  46. وَقَدْ مَكَرُوا۟ مَكْرَهُمْ وَعِندَ ٱللَّهِ مَكْرُهُمْ وَإِن كَانَ مَكْرُهُمْ لِتَزُولَ مِنْهُ ٱلْجِبَالُ۝٤٦

    Waqad makaroo makrahum waʿinda Allahi makruhum wain kana makruhum litazoola minhu aljibalu

    Waxay tabeeyeen tab xun, tabtooda xun se waxaa (ka war) hayay Alle, inkastoo tabtooda xun ahayd mid (daran) ay la baabba’aan buuruhu1.

    Sharaxa hoose
    [1] Tafsiir kale waa tabtooda xun kuma filneyn inay ka qaadaan buuraha meelahooda, macna kale waa kuma lahayn wax saameys ah doonista Alle.
  47. فَلَا تَحْسَبَنَّ ٱللَّهَ مُخْلِفَ وَعْدِهِۦ رُسُلَهُۥٓ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ ذُو ٱنتِقَامٍ۝٤٧

    Fala tahsabanna Allaha mukhlifa waʿdihi rusulahu inna Allaha ʿazeezun thoo intiqamin

    Ee marnaba ha moodin inuu Alle uga baxayo Ballankiisa Rusushiisa. hubaal Alle waa Adkaade Sare, Aar gudasho leh.

  48. يَوْمَ تُبَدَّلُ ٱلْأَرْضُ غَيْرَ ٱلْأَرْضِ وَٱلسَّمَـٰوَٰتُ ۖ وَبَرَزُوا۟ لِلَّهِ ٱلْوَٰحِدِ ٱلْقَهَّارِ۝٤٨

    Yawma tubaddalu alardu ghayra alardi waalssamawatu wabarazoo lillahi alwahidi alqahhari

    Maalinta marka arlada loo beddeli arlo kale iyo samooyinkaba, waxaana la hor keeni (uumanka oo idil) Alle horti, Waaxidka, Sandulleeyaha (isla weynayaasha).

  49. وَتَرَى ٱلْمُجْرِمِينَ يَوْمَئِذٍ مُّقَرَّنِينَ فِى ٱلْأَصْفَادِ۝٤٩

    Watara almujrimeena yawmaithin muqarraneena fee alasfadi

    Waxaad arki denbiilayaasha oo Maalintaas iskula xir-xiran silsilado bir ah .

  50. سَرَابِيلُهُم مِّن قَطِرَانٍ وَتَغْشَىٰ وُجُوهَهُمُ ٱلنَّارُ۝٥٠

    Sarabeeluhum min qatranin wataghsha wujoohahumu alnnaru

    Qamiisyadoodu ka sameysan yihiin daamur (Naar ah), waxaana dabooli wajiyadooda dab.

  51. لِيَجْزِىَ ٱللَّهُ كُلَّ نَفْسٍ مَّا كَسَبَتْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلْحِسَابِ۝٥١

    Liyajziya Allahu kulla nafsin ma kasabat inna Allaha sareeʿu alhisabi

    Si uu Alle uga abaal mariyo naf walbaa waxay kasbatay (khayr ama shar). Hubaal Alle waa ku Dhaqso Badan yahay Xisaabta.

  52. هَـٰذَا بَلَـٰغٌ لِّلنَّاسِ وَلِيُنذَرُوا۟ بِهِۦ وَلِيَعْلَمُوٓا۟ أَنَّمَا هُوَ إِلَـٰهٌ وَٰحِدٌ وَلِيَذَّكَّرَ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَـٰبِ۝٥٢

    Hatha balaghun lilnnasi waliyuntharoo bihi waliyaʿlamoo annama huwa ilahun wahidun waliyaththakkara oloo alalbabi

    Kani (Qur’aanku) ugu filan gaarsiin cad dadka, iyo in loogu digo, iyo inay ogaadaan in Macbuudka Xaqa ahi Ilaah Keliya uun yahay ee Mid ah (Allaah), iyo inay ku waano qaataan (arrinkaa) waxgaradku.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Suuradda Ibraahiim juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Ibraahiim waxay ku jirtaa juz’ 13.

Suuradda Ibraahiim immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Ibraahiim waxay leedahay 52 aayadood.

Suuradda Ibraahiim ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Ibraahiim waa suurad Makki ah.

Suuradda Ibraahiim waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 14aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.